Muxuu Diego Simeone Ka Yiri Guuldaradii Ka Soo Gaartay Real Madrid Markii Labaad Finalka Champions League?

0
Sunday May 29, 2016 - 12:16:09 in Sports News by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Diego Simeone Ka Yiri Guuldaradii Ka Soo Gaartay Real Madrid Markii Labaad Finalka Champions League?

    Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa la hadlay saxaafada ka dib markii kooxdiisa lagu garaacay rigoore finalkii Champions League ee magaalada Milano. Waxa uu sheegay in ku guuldareysiga labo final Champions League inay tahay "fashil&quo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa la hadlay saxaafada ka dib markii kooxdiisa lagu garaacay rigoore finalkii Champions League ee magaalada Milano. Waxa uu sheegay in ku guuldareysiga labo final Champions League inay tahay "fashil", ka dib markii Ronaldo uu dhaliyay rigooradii guusha iyadoo Los Blancos ay koobka Champions League hanatay markii 11aad.

Simeone oo ka fekeraya mustaqbalkiisa

Macalinka reer Argentina Simeone ayaa sidoo kale u muuqday mid soo jeedinaya inay macquul tahay inuu ka tago Calderon ka dib guuldaradii xalayto, isagoo sheegay inuusan ogeyn haddii uu sii joogayo Atletico ama haddii "uu soo dhamaaday waqtigiisa? Waa inaan ku fekero arintaas.”

1464474472_668820_1464474538_noticia_normal

Hambalyo Real Madrid

"Da’ ayay kaa dhigeysa guuldaradaan” ayuu yiri Simeone. "Hambalyo ayaan leeyahay Real Madrid kuwaasoo inaga fiicnaa mar kale, laakiin waqtigaan rigoore inooga fiicnaaday. Waxaan ciyaarta ku bilaabanay si xun, ka dib waan soo kabsanay daqiiqadii 20aad. Qeybtii labaad ee ciyaarta inaan dhakhso barbareyno ayay aheyd laakiin ujeedkeena waa uu cadaa.

"Waxa xaqiiqdii i dhaawaca ayaa ah inaan arko xanuunka dadkii lacagta ka soo bixiyay inay halkaan yimaadaan – Waxaan dareemayaa inaan mas’uuliyadeeda leeyahay madaama aan awoodi waayay inaan siiyo wixii ay doonayeen. Waana taas waxa i dhaawacaya. Waxaan dareemayaa inaan mas’uul ka ahay taageerayaashii soo iibsaday tikidhada.”

Atletico weli ma aysan qaadin Champions League, waxa ay sidoo kale guuldareysteen finalkii European Cup ee Bayern Munich ay la ciyaareen 1974.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip