Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Real Madrid & Atletico Madrid – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka Kulankii Finalka Champions League?

0
Sunday May 29, 2016 - 12:14:54 in Sports News by
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Real Madrid & Atletico Madrid – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka Kulankii Finalka Champions League?

    Real Madrid Navas 7– Si fiican ayuu u maareeyay darbooyinka meelaha dhaadheer laga soo tuurayay, waana ay yareyd in meel dhow laga tijaabiyo ilaa iyo goolkii uu Carrasco ku barbareeyay ciyaarta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Navas 7– Si fiican ayuu u maareeyay darbooyinka meelaha dhaadheer laga soo tuurayay, waana ay yareyd in meel dhow laga tijaabiyo ilaa iyo goolkii uu Carrasco ku barbareeyay ciyaarta.

Carvajal 6– Daafaca midig wuu u adkeeyay Real Madrid. Waxaana uu dhaawac ku baxay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Ramos 7– Final Champions League kale iyo gool kale. Jaale ayuu u qaatay kooxda weerarkii ugu danbeeyay ee Atletico, waxaana uu shabaqa ku aasay rigooradiisa.

34BA844500000578-3614386-image-a-10_1464466752399

Pepe 6– Rigoore halis u keeni laheyd Real Madrid ayuu ku galay Fernando Torres. Ka dib jiliin ayuu sameeyay qeybtii labaad laakiin garsoore Clattenburg kuma dhicin dabintiisa.

Marcelo 6– Waa uu iska raaxeystay qeybtii hore madaama aysan Atletico garbaha ka ciyaareynin. Laakiin dhibaato ayaa soo wajahday markii Juanfran uu bilaabay inuu garabka midig weerar ka soo qaado.

Kroos 7– Laad xor ah oo cajiib ah ayuu soo qaaday taasoo keentay goolkii Ramos. Waxaa la bixiyay qeybtii labaad ka dib jug soo gaartay iyo ciyaartiisa oo hoos u dhacday.

Casemiro 7–‘Waxa uu taakal ku qabtaa wax walba oo dhaqaaqaya’ ayuu Bale isbuucaan u sheegay Daily Mail, sidaasi ayayna aheyd inta badan ciyaarta.

Modric 8– Farsamo, orod, sugnaansho baasas. Waxa uu soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadiisii ugu fiicnaa.

34BAED2100000578-3614386-image-a-11_1464483471214

Bale 8.5 (XIDDIGA GAROONKA)- Qalqal ayuu ku abuuray Atletico laga bilaabo daqiiqadii koowaad. Weerarkiisa waxa uu ahaa mid halis ah, soo laabashadiisana waxa ay aheyd mid degdegsiimo leh. Waa uu daalay waqtigii dheeriga aheyd laakiin rigooradiisa waa uu dhaliyay.

Ronaldo 7– Waxa uu u shaqeeyay si u adag sida Bale uu u shaqeeyay marka ay timaado inuu kubada raacanayay marka ay Real kubada weyso, laakiin weerarkiisa carcar ma aheyn ugu danbeynse isagaa geesiga ciyaarta noqday.

Benzema 7– Weerarka si wanaagsan ayuu u hogaaminayay isagoo daafacyada Atletico ka soo kaxeynayay boosaskooda. Waa ay u xiiseen markii la bedelay.

 

Bedel

Isco 6

Danilo5

Vazquez 6

Atletico Madrid

Oblak 7 –Fursado dahabi ah ayuu ka badbaadiyay Real Madrid, laakiinse waxba kama qaban karin goolhaye Ramos halka uu sidoo kale ku guuldareystay rigoorooyinka.

Juanfran 7– Wax weerar ah ma uusan sameynin qeybtii hore laakiin taasi waa uu bedelay qeybtii labaad, karoos fiican uu soo dhigay ayay ku heleen goolka barbaraha, laakiin nasiibdarro ayay ku aheyd in rigooradii uu qasaariyay ay kooxdiisa ku weysay koobka.

Savic 6 –Daaficii hore ee Manchester City ayaa ku dhibtoonayay weerarada Real Madrid qeybihii hore. Inuu weliyo weerarka Real ee ku fadhiya 200 milyan ginni wax badan ayay ku aheyd.

34BA174700000578-3614386-image-m-7_1464465873176

Godin 7– Bilowgii ma aheyn mid kalsooni ay ka muuqato laakiin intii ay ciyaarta socotay waxa uu noqday darbiga Atletico isagoo dhuunta u galay weeraryahanada Los Blancos.

 

 

Filipe Luis 6– Waa uu celin wayaya Bale. Luis waa xiddig orod badan islamarkaana xoogan laakiin xiddiga reer Wales ayaa ka orod badnaa kana xoog badnaa.

Saul 7 –Kubad uu qaaday qeybtii labaad ayaa sigtay Real Madrid. Waa xiddig tayo leh oo aysan awoodin Atletico inay u weyso Premier League.

Gabi 7– Bilowgii ciyaarta wuu dhunsanaa laakiin intii ay ciyaarta socotay wuu soo roonaanayay isagoo soo laabasho fiican sameeyay.

Fernandez 6– Jawaab celintiisa degdega ah iyo baasaskiisa caqliga ku dhisan ayuu qeybihii hore la soo baxay laakiin qeybtii danbe ee qeybta hore wuxuu bilaabay inuu kubada dhiibto taasoo keentay in la bedelay.

34BA299800000578-3614386-image-m-8_1464465887135

Koke 7 –Sida Saul waxa uu horumar sameeyay qeybtii labaad iyadoo Atletico ay soo roonaatay qeybtii danbe.

Griezmann 8– Waxa uu isku dayay inuu gacmaha u kululeeyo Navas qeybtii hore, waxaana uu ahaa mid fiican iyagoo raadinayay goolka barbaraha. Rigooradiisa ma xumeyn laakiin birta ayuu ku garaacay, inkastoo tii danbe uu shabaqa dhex dhigay.

Torres 6-Qeybtii hore kaliya sideed jeer ayuu kubada taabtay, laakiin qeybtii labaad rigoore ayuu kooxdiisa u keenay, ciyaartiisana waa ay soo yara fiicnaatay. Ma uusan dooneynin inuu garoonka ka baxo dhamaadkii isagoo oynayay.

Bedel:

Carrasco 8– Ciyaarta Atletico ayuu bedelay markii uu soo galay. Goolkii barbaraha ayuu dhaliyay, waana uu u badin karay xitaa laakiin Ramos ayaa ka horjoogsaday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip