HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 27-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Thursday October 27, 2022 - 09:43:22 in Wararka by
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 27-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dh exeeyo dowladda federaalka iyo dowlad gobolee dyada dalka.

Inta badan hoggaamiye yaa sha maamullada da lka ayaa soo gaaray mag aalada Muqdisho, waxaa na ku sugan madaxweynayaasha maamul goboledya da, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Pu ntland, ayada oo la sugayo madaxweynaha Jubba land.

Qaban qaabadiii ugu dambeysay ee furitaanka shirkan ayaa haatan ka socoto xarunta Villa Soomaa liya oo ah halka uu ka dhacayo shirkan oo ah mid xasaasi ah.

Shirka waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo ay ka qayb-galayaan ra’ii sul wasaare Xamza, Duqa Muqdisho iyo shanta hogg aamiye goboleed ee dalka.

Wararka aaan heleyno ayaa sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobole edyada dalka looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan ka billowday dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dham eystirtay heshiiska shidaalka.

Xamza: Soomaaliya waxaay u baahan tahay hal mid

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, is agoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Prof. Juurile

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Shalay Cabdirisaaq Cismaan Xasan "Ju urile” wuxuu u magacaabay in uu noqdo La-taliye sa re oo dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaag ga ah.

Sida lagu shegay dikreetad aan Madaxweyna ha ayaa ti lmaamay in Prof. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnima da Sooma aliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsh eyaasha dib u dhiska qaranka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Al le uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuli yadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu qoraalka madaxtoyada.

La-taliye Cabdirisaaq Cismaan "Juurile” ayaa ho ray u soo qabtay xilal wasiirnimo oo heer federaal ah.

Sidoo kale wuxuu ka soo mid noqday labada Aqal ee BFSoomaaliya, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladnimada iyo bulshada.

R/Wasaare Xamza oo Shalay daah-furay barnaa mij ku kacaya $150 milyan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay daah-furay qorshaha horm arinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xu kumadda ee tiirka horumarinta arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada dalka ayaa wax aa ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo dollar, waxaana fulinaysa wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka.

Sida qorshaha uu yahay barn aamijkan ayaa soconaya mu do 5 sano ah, ayada oo loo qo rsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu sam ayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobolada dalka.

R/Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin ka rin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin.

"Waa lagama maarmaan in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan,” ayuu yiri R/Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cada wgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh iyo Ruto oo loogu baaqay inay caawiyaan barkacayaasha abaaraha

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabi lsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah siiba Bariga Afrika si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada.

Mr Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay gur yahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba ’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Isagoo ka hadlayey shir jara a’id oo ka dhacay caasimad da Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo bara kacay saameynta abaaraha.

Waxaa kale oo uu sheegayururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku ha njabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomalida ku jiraan iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootigaa.

Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadha ab ayaa weli furan , waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama mee laha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadoo da kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qa rka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay ta biyeen hay’adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhi ntay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo ba xday hay’adda UNICEF.

Maxaa ka jira in qorshe siyaasadeed loo hakinayo kalfadhiyada G/Shacabka?

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay sababta uu u baaqday furitaanka kalfadhigii Shalay loo ballansanaa ee baarlamaanka Sooma aliya. Qaar kamid ah xildhibaa nada ayaa sheegay in aysan jir in sabab lala soo wadaagay oo furitaankii kal fadhiga uu Shalay u baaqday, haddii ay ahaan lah eyd sabab la xiriirta dagaalka lagu dhawaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

"Anaga wax nasoo gaaray oo dhanka baarlaaan ka nooga yimid ma jiraan, howsha sideedii ayey ku socotaa, waxaa iska jiro warar suuqa ah oo saxaaf adda qeyb ka tahay oo ah in kulamada baarlama anka dib loo dhigayo, balse anaga wax nasoo gaaray ma jiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji oo la had lay saxaafadda. Wuxuu sidoo kale hadalkiisa kusii daray "Wararkaas wax la isku haleyn karo maahan, howsha sideedii ayey ku socotaa, marka waqtigeeda la gaaro waa la eegayaa sida badana arrimaha lag ama hor dhaco ee waqtigeeda ayaa lala sugaa.”

Sidoo kale Xildhibaan Qaali Shire ayaa sheegtay in kulanka baarlamaanka uu Shalay u baaqday sab abo la xiriira inta badan xidhibaanada oo safar ugu maqan dalka.

" Sida nagula war-geliyey fasaxa wuxuu ku ekaa Sha lay oo 25-ka bisha October ah, waana waxa aan u taaganahay oo aan inta u imid, wuxuu u baaqday ma adaama xildhibaano badan oo uu ku jiro guddoo miyaha ay ka yimaadeen safar,” ayey tiri Qaali Shire.

Waxay hadalkeeda kusii dartay "Waxaa nala bal amiyey 6-da bishaan, waa imaan doonaa insha All ah, waxaa noo yaalla shaqo badan.”

Baaqashada kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli la hadal hayo in kulamada baarlamaanka loo joojiyey sabab la xiriirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ka bilowday qe ybo badan oo dalka kamid ah.

Xigasho:caasimadda.net

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay rag ka tirsanaa kooxda DAACISH

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad da Soomaaliya ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daa cish, kuwaas oo ay maxkamaddu dil ku xukuntay ko wdii August ee 2019-kii.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed, wa xaana lagu helay ka mid ahaanshiyaha Daacish.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu shaacisay inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, kuwaas oo ay qirteen, halka sidoo kale maxkamadda la hor ge eyay caddeymo ku filan xukunka ku dhacay ee Sha lay lagu fuliyey.

Eedeymaha loo soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in 24-kii August 2018, Aadan iyo labo ruux oo kale ay Boosaaso ku dileen labo xiddigle Axmed Hurfe Jaa mac oo ahaa taliyihii Gaadiidka Madaxtooyada maa mulka Puntland, halka 25-kii October 2018 ay isla Boosaaso ku dileen Cabdiraxmaan Aadan Cali oo ah aa Ganacsade & dilal kale oo ka dhacay Muq disho.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal to ogasho ah ku fuliso xubnaha Al-Shabaab iyo Daa cish ee soo gala gacanta ciidamada dowladda oo haatan howlgallo culus wada.si kastaba, maxkamad da ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii u dambe eyey kordhisay fulinta dilalka toogashada, waxaana todobaadkan gudihiisa la qis aasay illaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, askarigii dil ay wasiir Cabaas iyo labada Shalay la dilay.

Cali Guudlaawe Iyo Qoorqoor Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Gal mudug iyo Hirshabeelle ayaa Shalay magacaabay Wasiiro Cusub, iyadoo Xil ka qa adis lagu sameeyay Wasiiro ka kala tirsanaa Labada Maamul Goboleedka.

Madaxweynaha Dowladda Ga lmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Wasiirka Amniga Dowlad Go boleedka Galmud ug u magacaabay Maxamed Cabdi Aadan (Gaboo be),kaasi oo noqonaya Wasiirka Cus ub ee Maamul kaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa Magacaabay Wasiirka W/Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada D/Hirahabeelle, waxaana Xilkaasi uu u ma gacaabay Dr Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif.

R/W Xamza oo war cusub kasoo saaray xiriirka Soomaaliya iyo QATAR?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Md. Xamza Cabdi Barre oo Habeen hore kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Qatar Xasan Bin Xamza Ha shim, kaas oo soo gabagabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa safiirka ku qaabliay hoygiisa, isaga oo u same eyey casho sharaf, sidoo kalena gu ddoonsiiyey haddiyado gaar ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xiriirka labada waddan, wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid soo jire en ah, islamarkaana ay xukuumaddiisa ka go’an ta hay inay sii xoojiso.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey safiirka haw shii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa danjiraha dalka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho ee caa simada Soomaaliya.

Dhankiisa danjire Xasan Bin Xamza Hashim oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey wada shaq eynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahad-naqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay ra’iisul wasaare Xamza.

Danjire Xasan Bin Xamza Hashim ayaa waxaa dho waan beddeli doono safiirka cusub ee Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo la yiraahdo Cab dalla Saalim Nasser.

Safiirka la badalayo ee Qatar ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa sidii uu ula safnaa madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxa med (Farmaajo), wuxuu saaxiib la ahaa maamul gob oleedyada Farmaajo taageersanaa isaga oo maamu lada kale u gaabiyey xiriirka, taasoo marar badan la gu dhaleeceeyey safiirka haatan la badalay.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Ma daxa Xafii ska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Mi doobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wa dashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan haw lgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowlad da kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada la ga xorreeyay argagixisada.

Degmada Dharkenlay Oo Guddoomiye Cusub Loo Magacaabay

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Mad aale ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degm ada Dharkeenlay ee Gobolkani Banaaadir.

Yuusuf Xundubeey ayaa loo mag acaabay Guddoomiyaha Degma dda Dharkinleey, waxaana Masuu lka la magacaabay uu horay ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

G/le Dhexe, Yuusuf Xundubey ayaa xilal kala geddis an kasoo qabtay qeybaha Ciidanka, waxaana haatan loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee D/Dharke enlay.Dorraad ayay ahayd markii Guddoomiye Cu sub loo

Kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday magaalo cusub

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysa naya kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka billowday gobollo kamid ah Soomaaliya tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha cusub ee So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kacoonka oo markii hore ka billowday gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa hadda waxaa ku soo biiraay deegaano cusub oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaar kamid ah shac ab ka ku dhaqan deg mada Xu dur ee gobalka Bak ool, ayaa billaabay ab aabul huba y san oo ka dhan ah ur urka Al-Sha baab, si ay isaga dulqaadaan.

Shacabka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay qayb ka noqdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Sha baab ee ka socda koonfurta iyo bartam aha dalka.

Haween, Dhalinyaro iyo wayeel ayaa ka soo muu qd ay gudaha magaalada kuw aas oo ku hubaysan hubka, waxaana ay sheegeen in ay degmada Xudur iyo deegaannada hoostaga ay doonayaan in Al-Shab aab ka xureeyaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo dhowr sano ah waxay go’doon geliday Xudur, waxaana magaalada u furan oo kaliya dhanka cirka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa kacdo onkii ugu weynaa tan iyo markii la aasaasay kooxda an, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ballan qaadeyn inay 2 sano gudahood uga saari doonaan guud ahaan dalka.

Carruur indhooleyaal ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul ay dhiganayeen

Booliiska dalka Uganda ayaa baaraya sababta keentay dab ka kacay iskuul ay wax ku bartaan ar day aragga naafo ka ahaa, kaas oo ay ku dhinteen 11 gabdhood oo da’doodu u dhaxeyso 4 ilaa 13 sano jir.

Dabka ka kacay Iskuulka Indhoolayaasha ee Sala ma oo ku yaalla degmada Mukono ee dalka Uganda ayaa kacay wax yar saqdii dhexe ee Isniintii, waxaa na dabkan uu ka kacay qeyb ay ku sugnaayeen 17 carruur ah.

Ku xigeenka afhay eenka bo oliska Kam pala Luke Owoyesigire ayaa sheegay in boo liisku ay geeyeen koox sameysa baaritaan , kuwaas oo sameyn doona baaritaanno dhi naca DNA kahor inta aan meydadka carruurta dhintay lagu wareejin qoysaskooda.

"Sababta dabkan hadda lama garanayo. Laakiin illaa hadda, 11 dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay, halka lix kale ay xaaladoodu liidato,” ayuu yiri Owoyesigire.

Dugsiga Salaam ee indhoolayaasha, oo ku yaala magaalada Kisoga, ayaa hoy u ah 70 carruur ah oo aragga naafa ka ah.

Hudson Kiyaga oo ah duqa magaalada ayaa VOA u sheegay in dabka ka kacay dugsiga uu argagax ku abuuray bulshada deriska la ah.

Kiyaga waxa uu sheegay in halka laga damiyo koront ada iskuulka ay ku dhexl yaallay qolka maamulaha, balse aysan garaneyn waxa dabka dhaliyay. Maamu laha ayaa ka badbaaday dabka, balse ma aysan awo odin inay badbaadiyo ardayda.

Dabkan ayaa kacay dhowr maalmood kahor boo qasho la qorsheeyay oo ay ku tagi lahaayeen iskuula kan Princess Anne oo ah gabar la dhalatay boqorka Ingiiska iyo marwada koowaad ee Uganda, Janet Mu seveni.VOA

Madaxweyne Mustafe " Askariga dilka gaystay wa xaa la marin doonaa ciqaabta uu mutaysto"

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu kaga hadlay dhacdadadii Dor raad ka dhacday garoonka diyaa ra daha ee Jigjiga ee dilka loogu gayst ay gabadh kamid ahayd xil dhibaa nnada degaanka Soomaa lida.

Ugu horreyn waxa uu Madaxweynuhu ka tacsiy adeeyay dilka loogaystay Marxuu mad Xildhiba anad Juweeriya Subcis, isagoo yiri " Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xan uunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay naft eeda ku wayday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Juwe ria Subcis oo ka tirsan ayd Golaha Baarlama anka Deegaanka".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in la sa maynayo guddi loo xilsaaray Aaska Marxuumad Juweyr iya, inkastoo uusan magac qaadin gudiddaas xilliga ay bilaabayaan qabanqaabada Aaska.Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in gacanta la gu ha yo Askarigii dilka gaystay uuna mutaysan doo no ciq aabta ku haboon, isagoo yiri " Ciidamada am aanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiigl ihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay".

Ugu dambayn waxa uu xusay Madaxweynuhu in laga tashan doono sidii mar dambe meel sidan oo ka le ah uusan uga dhaceen falal noocanoo kale ah.

Galinkii dambe ee Dorraad ayaa iska hor imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga waxaa ku geeriyootay gabadh kamid ahayd xildhibaannada de gaanka Soomaalida, kaddib markii Askari kamid ah aa ilaalada garoonka uu rasaas ku furay rakaabkii ku sugnaa gudaha garoonka oo ay ku jirtay xildhiba annada geeriyootay.

Garoomada diyaaradaha ee dowlad degaanka Soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya ayaa wax aa ilaalo ka ah Ciidamada Federal Booliska ee Ito obiya, maadaama garoomadu ay yihiin kuwa maamul ahaan u hoos taga dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hirshabelle oo guddiyo u magacawday dagaalka ka dhanka ah Shabaabka G/ Hiiraan

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa magacaabay guddiyo ka shaqeeya xaqiijinta amniga degmooyinka & deegaanada Gobolka Hiiraan ee laga saaray maleeshiyada Al Shaba ab iyo dardargelinta gulufka ka dhan ka ah maleeshiyadaasi.

Guddiyadan ayaa kala ah Guddiga Taakuleynta Dha qaalaha ee dib-u-xoreynta Gobolka Hiiraan iyo Gud diga Amniga & Kormeerka Ciidanka, iyadoo ayna qayb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Baa rlamaanka Federaalka iyo kan Hirshabelle.

Guddiga Dhaqaalaha oo kale ayaa waxaa hoggaami naya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cis maan, halka kan amniguna uu horkacayo General Ta wane Axmed Gurey, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciid anka Xoogga Dalka.

Magacaabidda guddiyadan ayaa waxay ka da mb eysay, ka dib shirkii amniga gobolka looga hadlayay ee Dorraad ka furmay Degmada Maxaas, Shalayna lagu soo geba-gabeeyay.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Kuxig eenka Hirshablle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dab ageed), Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Ci smaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federa alka, kan Hirshabelle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey iyo Odayaasha Dhaq anka ayaa laga soo saaray qodobo lagu dardarg elinayo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, laguna xoojinayo amniga gobolkaasi.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 17 dhag ar-qa be oo ka tirsan Khawaarijta Al shabaab oo Habe en hore laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaa shadeen Hay’adda NISA iyo sa axiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka Ar gagixisada ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo ay ku jireen labo horjooge.

Howlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugigada iyo Sirdoonka Qaranka oo Habeen hore dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirs an Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shab eellaha Dhexe.

Dhammaan dhagar qabayaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laay ay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii koox daan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dha garta Aragagixisada ayaa howlgaladii ugu danbeey ay ee todobaadkaan ku dilay in ka badan 150 malee shiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Aragagixisada.Xigasho:-Sonna.So

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay taliyayaal ciidan

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa taliya ha Booliiska Puntland u magacaabay S/guuto Muu min Cabdi Shire, isagoo xilkii ka qaaday taliyihii ciid anka Booliiska gaashaanle sare Maxamed Cabdi Xaashi.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska ayaa horey u ahaa taliyihii Booliiska gobolka Mudug, waxaase la gu beddelay G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Muumin Cabdi Shire ayaa lagu ti lmaamaa inuu shaqo adag ka qabtay muddadii uu ahaa taliya ha booliiska gobolka Mudug, waxaana lagu xasuustaa kaal intii uu ka qaatay soo afjarida shabakadihii Alshabaa b ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaala da Gaalkacyo, tan iyo 2008.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa ma gacaabay taliyaha la dagaalanka argigixisada. Wux uuna xilkaas u magacaabay Gen. Muxidiin Axmed Muuse.

Gen. Muxidiin Axmed Muuse ayaa xilkaan horey u soo qabtay xilligii maamulkii Cabdiweli Cali Gaas, ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka booli iska Puntland.

Sarkaalkan ayaa sannadkii 2020 laga qaaday tal iyaha booliiska Puntland, dhowr bil kadib dilkii gudd oomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir oo u ge eriyooday qarax ismiidaamin ah oo Garowe ka dha cay bishii march 2020.

Shirkadda loo saxiixay shidaal baarista Soomaali ya oo $1.4m oo cunto gargaar ah ugu deeqday 6,000 qoys oo ku nool Soomaaliya

Shirkadda shidaal baarista ee Coastline Ex ploration ayaa ugu deeqday $1.4m oo cunto ah 6,000 oo qoys oo ku nool guud ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaar aha. Coastline Exploration oo dhawaan dowladda So omaaliya ay u saxiixday heshiis sahmin shidaal baa ris ah waxay sheegtay in deeqdani ay caawinayso dadka tabaalaysan. Waxay kaloo sheegtay inay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya.

Gurmadka Coastline Explorat ion ayaa la gaarsiin doonaa sa ddex goobood oo kala ah Bar aawe oo ka tirsan Koonfur Gal beed, Hobyo oo Galmudug ka tirsan iyo Kismaayo oo ka tirsan Jubaland, iyadoo 2,000 qoys oo ku nool go bol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah oo ay ka midyihiin Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Baasto,& Caano.

Coastline Exploration, oo ah shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay Bariga Afrika, waxaa loo aas aasay in ay gacan ka geysato horumarinta arrimaha shid aalka. Shirkaddu waxay rumeysan tahay inay jirto fursad weyn oo shidaal iyo gaas looga heli karo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa dhawaan shirkaddan u oggolaaday sahminta shidaal baarista xeebaha Soom aaliya. Wuxuu Madaxweynu hu ansixiyay ill aa toddobo heshiis oo uu la galay shir kadda Coastline Exploration.

Shirkadda ayaa dhankeeda bixisay lacag dhan 7 milyan oo dollar oo loogu talo galay saxiixa Soomaal iya, si ay u bilaabato haw sha sahaminta.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 17 dhagar-qa be oo ka tirsan Khawaarijta Al shabaab oo Habe en hore laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ha y’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab kuwaasi oo ay ku jireen labo horjooge.

Howlgalkaan oo ay qorsheysay Ha y’adda Nabad Sugigada iyo Sir doonka Qaranka oo Habeen hore dhacay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada oo isku aruursanayay deegaanno hoos yimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhammaan dhagar qabayaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laay ay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii koo xdaan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dhagarta Aragagixisada ayaa howlgaladii ugu danb eeyay ee todobaadkaan ku dilay in ka badan 150 ma leeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Aragagixisada.

Madaxweyne Deni oo magacaabay maxkamadda sare ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdull aahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkey: Qodobka 80-aad farqadda 18-aad, ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan Awooda ha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaa bida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farq adaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Puntl and, kuna saabsan xubnaha Maxk amadda Sare.

Markuu akey: Qodobka 91-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Punt land

Waxuu xeeriyey

Qodobka 1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magaca abey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.

Xassan Yuusuf Nuur Guddoomiye

Axmed Sheikh Cumar Xassan G/iye Ku-xigeen.

Saciid Axmed Faarax Garsoore.

Maxamuud Cawad Cumar Garsoore.

Saciid Maxamuud Maxamed Garsoore.

Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Garsoore Kayd ah .

Aadan Axmed Moxamed Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwe ynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Alshabaab oo burburiyay ceelashii iyo dhismayaashii deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud

Ururka Al-Shabaab ayaa burburiyay dhismayaal isgaarsiineed iyo ceelal riig ah oo ku yaallay magaa lada Qaayib ee gobolka Galguduud.

Alshabaab ayaa burburintan sameeyay maalin ka hor inta aysan ka bixin magaalada Qaayib, halkaas oo ay ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen gac an ku heynteeda.

Sawirro lagasoo qaaday ayaa muujinaya bur burka baaxada leh ee Alshabaab ay ka geysteen Qa ayib oo 30km dhinaca koo nfur galbeed uga beegan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sannadkii 2015 ayay Alshab aab deegaankan kala wareegeen ciidamada Ga lmudug. Waana deegaan muhiim u ahaa Alshabaab, waxaana ku oolli jirtay maxk amad Alshabaab ay dadka ku xukumi jireen.

Waxaa sidoo kale loo arki jiray deegaan ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geysteen deegaan nada Galgaduud iyo Mudug.

Kacdoonka hadda lagaga soo horjeedo Alshab aab ayaa ka dhashay kadib markii ay burburiyeen ce elasha biyaha oo ay gubeen tuulooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Magaalada Kampala Shir Uga Qaybgalaya

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ba ashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Shalay ka qayb galay shir looga hadlayay khilaafa adka dhulka ee dalalka geeska iyo bariga Afrika kaas oo ka dhacay Kampala ee dalka Uganda.

Shirkan oo soconayay muddo 3 maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay sidoo kale madax ballaaran oo ka kala yimid dalalka geeska Afrika ee ku midaysan urur goboleedka IGAD iyo khubaro ka socday dalalka caalamka.

Shirkan oo ay abaabulkeeda lah ayd urur goboleedka IGAD ayaa waxaa kulankiisii Shalay ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Uganda Marwo Jessica Alupo Wasiirro dalalka geeska Afrika ah, wafuud kala du wan iyo khubaro xariir la leh arrimaha dhulka ee dalal ka geeska Afrika.

Dhanka Soomaaliya oo uu gudoomiyaha Maxkam adda Sare ee dalka ka socday Baashe Yuusuf Ax med ayaa waxaa Shalay shirka looga hadlay sida ha y’adda garsoorka uga qayb qaadan karaan khilaafka dhuleed ee ka dhaxeeya dalalka geeska Afrika.

Shirkan oo lagu wado in qodobo muhiim ah laga soo saaro ayaa sidoo kale looga hadli doonaa isbada lka cimilada iyo sida dalalka geeska afrkiga isaga kaashan lahaayeen.

Dhamaan madaxdii kasoo qayb gashay ayaa til maamay in shirkan muhiim u yahay dalalka bariga iyo geeska afrika maadaama intooda badan uu jiro khilaaf dhuleed oo ka dhaxeeya laguna xaliyo si nab adeed.

Ururada Somaliland oo la dul dhigay amarro culus (Aqriso)

Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada So maliland ayaa awaamiir cusub dul dhigay ururada siy aasada, xili ay deegaanada Somaliland ka socdeen ololaha ay ururada uga soo gud bayaan ururnimada.

Guddiga oo isla Shalay madaxda ururada Somaliland kulan kula qa atay magaalada Burco ayaa ku wargel iyay awaamiirtan cusub, kuwaasi oo guddiga ku sheegay in meesha looga saarayo carqaladaha soo waja hay hanaanka hubinta shuruudaha ururada.

"Waxaa la farayaa dhamaan ururada Siyaasada xub naha ay doonayaan in madax ka tiriska loogu same eyo ay ku urursadaan goob leh deyr, waxaana ree ban in tirada lagu sameeyo goob furan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxa guddiga uu joojiyay nidaamkii kala horeynta ee hore u adeegsanayay guddigu, ay ada oo hada kadib halmar la is-raacin doono goo baha masaafo ahaan isku dhow.

"Howsha tirinta waxay si toos ah u bilaabaneysa 9:00 subaxnimo, waxaana la faraya dhamaan urura da siyaasada inay diyaar ahaadaan saacada. Waqti ga tirinta waxa la joojinaya bixida iyo soo galida goo bta la tirinayo.”

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada Som aliland ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ururada siyaasada Somaliland midkiiba laga rabo kun qof gobolada Togdheer iyo Sanaag, halka gobolka Sool ay ku joojin doonaan 400 oo xubnood.

"Urur siyaasadeedka baalmara qoddobadaas wa xay guddiga diiwaan-gelinta ururada u diiwaan-gelin doonta in uusan raacin nidaamkaas, sidaas darteed na suurta-gali mareyso in loo tiriyo dadweynaha uu haysto ee laga rabay.”

Mareykanka oo shaaciyay magacyada madax Shabaab ah oo aan horey loo aqoon

Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo la soo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington ayaa lagu shaaciyay mag acyada rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada.

"Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminay aan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan mu waadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liis ka argagixisada ayaa u muuqda kuwo aan horay wax badan looga aqoonin.

Balse warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay yihiin shakhsiyaadka sida buuxda gac anta ugu haya Al-Shabaab, xilalka ugu muhiimsanna u haya.

Hoggaamiyeyaashan ayaa sidoo kale lagu soo ro gay xayiraad dhaqaale ama cunaqabateyn si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo iyaga iyo cid walba oo la macaamisha.

Waxaa go’aanka laga qaatay uu qeyb ka yahay fulinta digreeto amar oo tirsigeedu yahay (E.O.) 132 24, taasoo wax ka baddal lagu sameeyay.

Ragga la xusay ayaa kala ah:

MOHAMED MIRE

Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’u ulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howl gasho kooxda iyo go’aan qaadshada ugu sarreysa.

Sidoo kale Maxamed Mire waa madaxa garabka arr imaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay was aaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Intaas waxaa usii dheer in uu dusa kala socdo ama kormeero howlo badan oo ay Al-Shabaab ka samey so gudaha Soomaaliya.

YAASIR JIIS

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ay aa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hogga amiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqa anno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.

Faahfaahin kale lagama sii bixin hoggaamiyahan, marka laga reebo in uu ka mid yahay shanta qof eek u biiray liiska argagixisada.

YUUSUF AXMED XAAJI NUUROW

Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay war ka lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dib adda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno GEES CADDE.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeyb ta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u gar an og yihiin "Amniyaad”.

Garabkan waxa uu door weyn ka qaataa weerarr ada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.

MUSTAF CAATO

Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda saree e garabka Amniyaadka ay aa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo ful inta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaal iya iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigy ada militeriga Mareykanka ee Kenya.

MOHAMOUD ABDI ADEN

Qofka shanaad ee magaciisa lasoo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeya asha Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii la gu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Muwaadiinta Mareykanka ayaa looga digay in ay wax lacago ah u diraan shakhsiyaadkan oo lagu soo rog ay xayiraad dhaqaale.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Mareykanka shaa ciyay magacyada toban qof oo Soomaali ah oo u uku tilmaamay inay dhinaca dhaqaalaha ka caawinayeen Al-Shabaab. Dhammaan dadkaas ayaa lagu soo rog ay cunaqabateyn.

Isha: BBC Somali

Caro xooggan oo ka dhalatay dilkii xildhibaan Juweeriya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ay aa sheegaya in Shalay xaalad kacsanaan ah laga da reemayo magaaladaasi, taas oo ka dhalatay caro xo ogan oo ay shacabka ka muujiyeen dilkii Isniintii Dor raad loo geystay xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd baarlamaanka dowlad deegaanka Sooma alida.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Jigjiga oo Shalay isugu soo baxay afaafka hore ee guriga marxuumadda ayaa diiday in la’aso illaa inta cadaalad loo ga helayo.

Dadweynaha reer Jigjiga ayaa si weyn wax isaga weyd iinaya dilka xildhibaan Juweyriya Subcis oo Dorraad ku dhimatay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal, taas oo sababtay dhaawaca illaa saddex qof oo kale.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka ah eyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soo maalida. Madaxweyne Cagjar oo dilkan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay askar igii ka dambeeyey falkaasi, wuxuuna tilmaamay in ca daaladda la horkeeni doono.

"Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay” ayuu yiri ma daxweynaha DDS.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada marxuuma dda iyo guud ahaan shacabka dowladda deegaanka Soomaalida, isaga oo tilmaamay inuu xanuunka la qaybsanayo.

Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafte eda ku wayday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Ju weria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaan ka Deegaanka”. ayuu markale Cagjar oo war qoraal ah soo saaray.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dar eemay Jigjiga, waxaana dhamm aan dadka ay wax yeelada ay soo gaartay ay ka dhoofayeen garoonka magaaladaas.

Wasiir ka tirsan xukuumada Somaliland oo lagu eedeeyay sharci jabin

Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka arrim aha guddaha ku eedaysay in uu ka dhaga adaygay codsiyo ay gudd idu kulan kaga dalbatay.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ah guddoomiy aha guddida, ayaa wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ku eedeeyay in uu si cad iskaga dhaga tiray dalabka guddida.

"Waxay ahayd ballantu in wasiirku Shalay golaha hor yimaado, lakiin wasiirkii arrimaha guduhu mana soo jawaabin mana iman, sidaa darteed waxa cad dan ah in qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriy ada Somaliland faqradiisa 7aad ,uu wasiir si caddaan ah oo ula kaca u jabiyay" ayuu yidhi Guruuje.

Guruuje ayaa sheegay in guddidiisu anay codsi da nbe u qori doonin wasiir Kaahin, lakiin ay arrintiisa u gudbin doonaan gole waynaha, si golaha oo dhani u gu yeedho oo uu wax uga waydiiyo shaqadiisa.

"Waxaanu shacbiga Somaliland u caddaynaynaa in anay guddidu mar danbe wasiirka daakhiliga warqad danbe u qoraynin, sida uu xeer hoosaadka golaha wakiiladu dhigayana, waxaanu arr inta wasiirka u gudbinaynaa gola ha wakiilada, si wax looga waydi iyo arrimaha amniga iyo maamu lka" ayuu yidhi Guruuje.

Waxa sidan oo kale bishii labaad ee sannadkan guddida u diiday Wasiirka Gaashaandhiga Somali land, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo she egay in aanu ka hadli karin goob warbaahintu joogto oo uu siro qaran hayo.

Mid kamid ah salaadiinta Somaliland oo ku geeriyooday shil baabuur

Suldaan Axmed Xuseen Buraale, oo kamid ahaa salaadiinta Somaliland ayaa ku geeriyooday shil ba abuur oo ka dhacay duleedka mag aalada Burco.

Suldaanka oo qayb ka ahaa shir magaalada Burco uga socda qaar kamid ah beelaha Somaliland, ay uu baabuur uu la socoday qalib may xili uu magaalada uga soo baxay si uu usoo dha weeyo salaadiin kale oo Hargaysa ka tagay, oo shir ka lagu casuumay.

Suldaan Buraale ayaa koomo galay markii uu shil ku dhacay, iyadoo uu muddo kadib u geeriyooday dhaawacyo culus oo shilka kasoo gaadhay, suldaan ka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud Su ldaan Maxamed iyo salaadiin kale ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada suldaan Buraale.

Suldaan Buraale ayaa ka qaybgalayay shir la mag acbaxay Dal-wanaaje oo qaar kamid ah beelaha So maliland uga socda magaalada Burco.

Aadan Barre Ducaale oo iska casilay xilka xildhibaanimo kadib markii loo ansxiyay wasiirka gaashaandhigga Kenya oo dhawaan

Aadan Barre Ducaale ayaa iska casilay xilka xildhibaanimo kadib markii loo ansxiyay wasiirka gaashaandhigga Kenya oo dhawaan madaxweynaha u magacaabay.

Aadan Barre waxaa laga soo doortay magaalada Gaarisa, waxay ka dhigan tahay in qofkii wasiir loo magacaabo Kenya uusan xilka ka heyn karin dowladda.

Wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2007. Aadan ayaa sidoo soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Waa Soo maaligii ugu horreeyay ee xilkaas qabta.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad siyaasadda Kenya uga dhex muuqda oo aan la gabban fikirkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu tallaalay tallaalka corona oo la cusboonaysiiyay.

79-jirkan ayaa ku booriyay malaayiin Mareykan ah oo aan helin tallaalka, kaas oo loo cusb oonaysiiyay noocyada omicron ee u badan, inay sidaas oo kale same eyaan ka hor inta aysan dadka waddanku isugu soo bixin fasaxyo badan.

Is tallaal, ayuu yidhi Biden oo ku nuux nuuxsaday inay bila ash tahay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale weydiistay Congress-ka inay ansixiyaan codsiga Aqa lka Cad ee ku saabsan $ 20 bilyan oo loogu talag alay qiyaaso tallaal oo dheeri ah, baaritaa nno iyo daawaynta COVID-19.

La dagaallanka faafitaanka fayraska waxaa la daga all amaya adduunka oo dhan, "Lacagta aan weydiisa ne yno waa mid muhiim u ah Dal, ayuu yiri Biden.

In ka badan 20 milyan oo Mareykan ah, iyo ku dhawaad ​​shan meelood meel dadka da’da ah ee dalka, ayaa helay qiyaas kor u kac ah oo tallaalka corona ah. Tallaalku wuxuu si gaar ah u bartilmaam eedsanayaa labada nooc ee omicron ee ku badan Maraykanka.

Muhaajiriin dhaawacayo kala duwan qabo oo laga helay Giriigga

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn, ay aa sheegay in galankii danbe ee Dorraad ay jasiiradda Giriigga ee Lesbos ka heleen muha ajiriin dhaawacyo kala duwan qaba oo gacmaha ka xeran.Ma suu’liin ka socday MSF, aya sheegay inay heleen koox muhaajiriin dhaawac ah oo dhowaan yimid Lesbos, kuwaasi sida la sheegay u baahnaa caawinaad guud iyo daa weyn deg-deg.

MSF, waxa ay ugu baaqday Dowladda Giriigga in ay qaadaan dhammaan tallaabo oyinka lagama maarmaanka ah, si looga hortago soo noqoshada dhacdooyinkan oo kale iyo in la hubiyo in dadku ay helaan soo dhaweyn ammaan iyo dhamaanba adeegyada ay u baahanyahiin dadka magangalyo doonka ah.

Putin oo markii ugu horreysay toos u da awaday dhoolatuska hubka Nukliyeerka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa toos u daawaday dhoolastka hubka Nukliyeerka oo ay sameeyeen ciidamada gaarka ah ee qaabilsan Nukliyeerka xilli ay sare usii kaceyso xiisadda kala dhexeyso dalalka Reer Galb eedka kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Aqalka Kremlink-ka ayaa sheegay in gantaalla da Ballistic-ga iyo kuwa gujiska ah ee Nukliye erka lagu garaacay dhinaca dhulka dhaca bar iga fog ee Arctic.

Dhoolatuskan aya imaanaya xilli Ruushka uu ku eedeeyay Ukraine inay qorsheyneyso in dagaalka ay u adeegsato hubka la yiraahdo "dirty bomb”.

Halka xukuumadda Kyiv ay sheegtay in Ruu shka uu isku diyaarinayo in fuliyo weerar nooca as ah.

Doorashada Barlamaanka Denmark oo bilaabaneysa 1 November

Danmark ayaa dooranaysa baarlamaan cusub 1da Nofeembar. Qaybo badan oo ka mid ah siyaasada deenishka ayaa la mid ah kuwa lamid Norway, laakiin waxaa sidoo kale jira farqi weyn.

Danmark, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku dhawa aqi karaa doorasho guud wakhti kasta muddo afar sano ah. Doorashada ayaa inta badan la sheegaa ka hor inta aysan gaarin afar sano, sidaas darteed doorashadani waxay dhacaysaa wax ka badan saddex sano iyo bar ka dib doorashada 2019.

* 179 wakiil ayaa loo doortay golaha baarlam aanka (MFere): 175 Danmark, laba jasiiradaha Faroe iyo laba ka socda Greenland. Sanadkan, Jasiiradaha Faroe waxaa doorashado oda ka dhici doonta 31-ka Oktoobar, maadaama 1-da November ay tahay maalin baroor diiq ah.

Si la mid ah Norway, Denmark waxa ay ku badan tahay in dowlad laga tiro badan yahay ay soo doortaan xisbi ama in ka badan, iyadoo ay taageerayaan xisbi kale ama dhowr xisbi oo baarlamaanka ka tirsan.Dowladda hadda jirta waxay ka kooban tahay xisbiga Socialdemo kratiet ee Mette Frederi ksen, waxayna heshiis taageero ah la leedahay saddex xisbi oo kale oo ka tirsan baarlam aanka.Habka doorashada deenishka ayaa inta badan la mid ah kan Norway, iyadoo ay jiraan farqi muhiim ah:

* Deenishku waxay dooran karaan qof, maaha xisbi oo keliya – wax aad ka qaban karto doora shada degmooyinka, laakiin maaha doorashada baarlamaanka Norway.

Booliska oo qabriga kas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip