RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Xilli Ciyaareedkii Afaraad Oo Isku Xiga Ku Guuleystay Gooldhalinta Champions League.

0
Sunday May 29, 2016 - 12:11:36 in Sports News by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Cristiano Ronaldo Oo Xilli Ciyaareedkii Afaraad Oo Isku Xiga Ku Guuleystay Gooldhalinta Champions League.

    Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan isagoo ku qaaday 16 gool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan isagoo ku qaaday 16 gool.

Ronaldo ayaa inta badan aamusnaa ciyaartii finalka ee San Siro laakiin waxa uu dhaliyay rigooradii guusha ee Madrid ku qaaday koobkeedii 11aad ee Champions League.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka dhaliyay todobo gool in ka badan ciyaaryahanka ku soo xiga xilli ciyaareedkan Champions League, isagoo shabaqa soo taabtay 51 jeer tartamada oo dhan 48 kulan uu saftay.

Atletico-Madrid-v-Real-Madrid-Penalties

Waxa uu sidoo kale weli heystaa rikoorka goolasha ugu badan ee abid laga dhaliyay European Cup oo ah 93 gool.

Waa xilli ciyaareedkii afaraad oo isku xigta oo uu Ronaldo ku guuleysanayo gooldhalinta Champions League, waana xilli ciyaareedkii shanaad ee uu wadar ahaan ku guuleysanayo gooldhalinta koobkaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip