HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Wednesday October 26, 2022 - 08:31:18 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wafdi Sare Oo Ka Socda EAC Oo Soo Gaaray Muqdisho, Lana Kulmay Madaxwyne Xassn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dal ladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxt ooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystir ka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladd an ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Sooma aliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

"Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaa rno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira da lalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalso onahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulsh ada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaa liya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaa liya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soo maaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horum arineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Ra’iisal Wasaare Barre oo kormeeray Xarunta Taliska Comando Polizia

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay kormeeray Xaru nta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulan lagu xoojinayo amma anka dalka la yeeshay Sar aakiisha iyo qaybaha kala duwan ee Talisyada Ciidanka.

Ra’iisal Wasaaraha oo xusay ahmiyadda Ciid anka Boolisku u leeyihiin nabadda iyo is dhexgal ka bulshada ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan hawlg alada dalka looga sifeynayo argagixisada, maada ama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo la gu dhibaateynayo shacabka.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, horumarka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga ba dbaado cabsigelinta iyo ficilada guracan ee arga gixisadu maleegayaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaar uhu. Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo soo hadalqaaday doorka Ciidanka Booliska kaga aad dan deegaanada laga xoreeyay kooxaha arg agixi sada ayaa ku booriyay in kaalintooda sugidda nab adgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahaasi.

R/Wasaare Barre ayaa soo indha-indheeyay qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Taliska Ciid anka Booliska Soomaaliyeed ee Comando Poli zia, isagoo warbxinno kaga dhageystay Hoggaan ada Ciidanka, sidoo kalena booqday Xarunta Cii danka Ilaalada Xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Xasan Sheekh oo sagootiyey James Swan oo ka tegaya xilkii Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa Shalay kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaar ka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabi lsan Soomaaliya Mudane James Swan.

James oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblum aasiyadeed ee uu ku joogay dalkeena ayaa waxa uu madaxweynaha ku bogaadiyay doorkii uu ka qaatay taageerada dowladda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxwey naha ku ama anay James Sw an kaalinta uu ka qaatay gur madka abaaraha baahsan ee ka jira dalkee na iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Danjire Swan ayaa dhankiisa waxa uu madaxwey naha uga mahad-celiyey kulankaan, isaga oo tilm aamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaq eynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soo maaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waaji baadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xusay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dal alka caalamka, taasi oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

James oo dhawaan wareejin doona xilka waki ilka Xoghayaha Guud ayaa sidan oo kale Dorraad kulan la qaatay R/wasaaraha dalka, kaasi oo gudd oonsiiyay haddiyado kala duwan oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee QM weli ma uusan magacaa bin danjiraha beddeli doona James Swan, balse waxaa la filayaa inuu shaaciyo maalmaha soo socda.

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Istanbul Ku Booqday Guddoomiyihii Hore Ee G/Shacabka Pro. Jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baar lam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa waxa uu booqday Guddoomiyihii hore ee Gol aha Sha cabka Baarlamaanka Federaalka Sooma aliya Md .Maxamed Sheekh Cusma an Jawaari oo arrimo caafim aad u jooga Magaa ladda Is tanbul ee Dalka Tur kiga.

Gud/ye Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in Gu ddyoomiye Jawaari xaaladiI sa ay aad u wanaag san tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu caafimaadka u siya adiyo.

AXMED MADOOBE oo baaq culus u diray Soomaalida

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ay koo xda Al-Shabaab Dorraad ku qaad ay hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Qoraal kooban oo uu soo dhig ay bogiisa gaar ka ah ee Facebook ayuu ugu ba aqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay tahay koox horror ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay illaa daqiiqadihii ugu dambeeyey na ftooda u hureyn sidii ay usoo badbaadin lahaaye en dadka shacabka ee ku xayirnaa gudaha Hotel Tawakal, oo ah Hotel ay dagaan siyaasiyiinta iyo odayaal dhaqameedyada.

"Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba Shalay san ee ku waxyeeloobay qaraxii Shalay ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku la yso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo bad baadiyeen Ciidamada amniga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu qoraalka ku yiri "Waxaan bo gaadinayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagix isada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardow so ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeey ay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lah ayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhism aha”.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa baaq u diray shacabka "Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhada da aan Shalay ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada horor ka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn,” ayuu ku soo xiray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uul iyadda weerarkaas oo la xaqiijiyey inay ku dhiteen 9 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 47 qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la xaqiijiyey inay kamid ahaayeen arday ka timid isk uulada oo xilligii weerarka dhacayey isticmaalayey wadada uu ku yaalo Hotelka.

FIQI: Inta nooga dhimata xabadaha iyo daga alka waxaa ka badan inta ku dhimata

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka qeyb-galay shirweynaha 1-aad ee tayo-dhowrka qaranka ayaa sheegay in bul shada intooda badan ay u geeriyoodaan badee cadaha dibadda laga soo dhoofiyo iyo daragooda.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in was aaradiisa ay door muuqda ka qaadan doonto sidii ay ula shaqeyn lahayd hay’adda Tayo-dhowrka qa ranka, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay qaranka.

"Waxaa ay mas’uuliyad naga wada saarantahay ilaalinta badqabka sha cabka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxa aan ka qeyb qaadan doonaa ulajeedooyinka loo aasaas ay Hay’addaTayo-dhawrka Somaliy ed,” ayuu yi ri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Inta xabadaha iyo dagaalada nooga dhinta maalin walba in ka badan ayaa inooga dhinta daroogada iyo cunnooyi nka aan la koontoroolin ee dalka soo gala.”

Sidoo kale waxa uu wasiirku ku booriyey hay’ adda sidii looga taxadiri lahaa, islamarkaana loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka soo galaya dalkeena.

"Hay’adda waxay Qaranka Soomaaliyeed u ta hay difaac adag oo looga hortagi karo wax kasta oo nolosha Ummaddeena halis gelin kara, gaar ah aan sidii loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawo oyinka dalkeenna soo galaaya.” Wasaarada arrimaha gudaha iyo hay’adda ta yo-dhowrka qar anka Soomaaliya ayaa ka wada-shaqeeya isku-xir ka barnaamijdka xuduuduha dalka, iska kaashiga hay’ada ka shaqeeya iyo isku xirka

maamul goboleedyada dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo kulan sagootin ah ugu samee yeysafiirka Dowladda Qatar u joogay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Md. Saalax Axmed Jaa mac ayaa Shalay xafiiskiisa kulan sagootin ah ugu sam eeyey safiirka Dowladda Qatar u joogay Soomaali ya, Md. Hassan Bin Hamsa.

Ra’iisul Wasaare Ku Xig een ka ayaa uga mahad ce liyey Dow ladda Qatar xi riirka walaaltinimo iyo taa geerada ay Soomaaliya si iso, waxaana si gaar ah u xu say mashaariicda hor umarinta, dhismaha kaabaya asha dhaqaalaha dal ka, sidoo kale waxa uu uga mahad naqay Safi irku hawlihii uu ka qabtay dalka mudadii sanadaha ah ayd ah ee uu fadhiggiisu ahaa Muqdisho.

Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Hassan Bin Hamza ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaare ku xi geenka uga mahad celiyey sagootinta isagoo dhankiisa xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Waare oo maamul goboleedyada ugu baaq ay inay diidaan heshiiska shidaalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Hir Shab e elle Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan la fileyn uga hadlay heshiiska shidaalka ee dhowaan dow ladda Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud la saxiixatay Shirkad da Coastline Exploration.

Waare ayaa si

weyn uga horyimid heshiiska dha waan la saxiixay ayaa ugu baaqay maamul gobol eedyada dalka ka jira inay diidaan heshiiskaas.

Qoraal uu u diray Maamul Goboleedyada ayuu Md .Waare ku sheegay in heshiiska uu yahay mid aan daah furneyn, islamarkaana uu khaldan yahay oo ay tahay in la diido.

"Dowlad Goboleedyada waa inay diidaan he shiiska Shirkadda Coastline Exploration/Soma Oil. Ma buuxinayo heerarka ugu yar ee tartan daah-fur naanta ah. Heshiisku waa khaldanaa xilligii Farma ajo iyo Xasan Kheyre, welina waa khaldan yahay,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Heshiiskan ayaa ka dhacay xarunta Madaxt ooyada, waxaana ogolaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay weli ku jiraan mugdi.

DFS sharraxaad badan kama bixin waxyaabaha laga badalay heshiiskaan oo horey loo diiday xil ligii dowladdii madaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

DFS ayaa saxiixa heshiiskaan ku qaadatay lacag gaareyso 7 milyan Dollar oo ay bixisay Shirkadda Coastline Exploration.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay oggolaatay heshiiskii wadaagga wax soo-saar ka shidaalka ee Soomaaliya iyo Shirkadda Coastl ine Exploration, kaasoo uu hore u saxiixay Wasi irkii hore ee Batroolka Cabdirashiid, balse ay diide en Farmaajo iyo Rooble.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaac iay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

"Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 Milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qor aalka shirkadda.Xigasho:- Caasimada.net

Soomaaliya oo ka gudubtay wajiga koowaad ee ku biirista Dalladda Bulsha da Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Mad axtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si gan acsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaad ashada horumarka dhaqaale iyo is-dhex galka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

"Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaa rno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku ka lsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqa ale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bul shada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soom aaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaa liya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soom aaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan kar aan horumarka dalladan iyo saameynta horumari need ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Madaxweyne Deni Oo Furay Kalfadhiga 51-Aad Ee Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cab dullaahi Deni, ayaa Shalay furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaas, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigaanka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga ha dlay, Shaqooyinka Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hor tebinta u leh maamulk.

Munaasabadda waxaa ka qe ybgalay Guddoo miyaha Gola ha Wakiillada Puntland Cabd irashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoo miye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Ca bdicasiis Cabdullaahi Cisma an, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Gola ha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsa me, Goleyaasha, Saraakiil Ma daxtooyo, Guddoom iyaha Gobolka iyo Kan Deg mada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.

Guddoomiyaha Golaha Shacab ka iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Adan Adde) waxaana qeyb ka ahaa xil dhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Hargeysa: Aabbe isku daldalay duruuf adag oo soo wajahday

Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka tirsan Gol aha Guurtida Somaliland ayaa golihiisa iyo war baa hinta la wadaagay dhacdo aad u xanuun bad an oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafada Jigjiga yar uu isku deldelay Aabe ay soo wajahday dur uufo adag oo nololeed, islamarkaana iska bixin ka ri waayay kirada iyo nolosha gurigiisa.

"Nin ayaa isku del-delay Jig-jiga yar oo xadhig is ku xidhay, waan baadhay oo dadkii baan waray stay bal sababta ka danbaysa inuu is dilo, dadkii xaafaddu waxa ay ii sheegeen in uu ahaa Aabe haysta caruur badan wakhtiguna ku adkaaday,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Dirir.

Aabaha isku deldelay Jigjiga yar ayaa muddo bilaa shaqo ahaa, isaga oo ugu dambeyntiina xa mili kari waayay nolosha adag ee lasoo daristay.

"Waxay ii sheegeen inuu bixin kari waayay lacagtii kirada guriga oo loo qabsaday iyo ma saariiftii ciy aalka oo uu noqday qof bilaa camal ah sidaasina uu isku dilay noloshan uu is dhaafiyay,” ayuu ha dalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Axmed Dirir.

"Arrintaas ayaa kugu filan xaalada dhaqaale halka ay mareyso in dadkii mu waadiniinta ahaa marka ay ki rada iska bixin kari waayan ee caruurtoodii biilin kari waayan inay is del-delaan.”

Sicir-bararka iyo xaalada kale ee nololeed ka jira Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayay mud dooyinkii dambe, ayada oo xukuumaddii wax ka qaban laheyd ay ku mashquushay xifaaltanka siy aasadda iyo muddo kororsiga madaxweyne Mu use Biixi.

Illaa 250 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Beeleed Ka Socda Dalka Sudan

Wararka ka imanaya gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegaya in dagaal beeleed halk aas ka socda inay ku dhint een in ka badan 250 qof, halka ay ku dhaa wacmeen tiro kale oo aad u badani. Dagaal beeleedkan oo ber yahanba halkaas ka socday ayaa haatan wararku shee gayaan inuu sii xoogaystay.

Hoggaamiyaha milateriga ee dalka Sudan ayaa xilkii ka qa aday taliyihii ciidanka ee ku sugnaa gob olka Blue Nile. Dagaal beeleedkan ayaa salka ku ha ya muran dhuleed oo u dhexeeya labada dhinac ee qabiilka Hausa iyo shucuubta Berta.Iyada oo xukuu maddu arrintaas la tacaalayso, ay aa haddana dhin aca kale waxaa mucaaradka dal ka asi ay ku baaq een isu-soo baxyo dalkaas ka qabsoo ma


Shir looga hadlaayay howlgalada ka dhanka Al-shabaab oo Shalay ka dhac ay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa Shalay shir looga hadlaayay dardar gelinta how lgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo amniga gu ud ee gobolka Hiiraan ku yeeshay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo maalintii Dorraad aheyd gaaray intooda badan degm ada Maxaas.

Masuuliyiinta shirka amn iga ku yeeshay magaalada maxaas waxaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, Taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwa Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Maxaas.

Shirka ayaa diirada lagu saaray muhiimada ay leedahay dhameestirka howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan Hiiraan iyo sidii loo sii xaqiijin lahaa amaanka deegaanada lagala waree gay Ururka Al-shabaab, islamarkaana loo dhamey stiri lahaa waxyaabaha ka dhiman dagaalka.

Shirka oo Shalay soo gabagaboobay ayaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 6 qodob oo dhamaantood quseeyay sidii looga guul gaari lahaa dagaalada ka dhanka ah shabaab, waxaana gabagabadii shirka la magacaabay guddi ka koo ban afar xubnood oo ka shaqeynaya dhanka dha qaalaha iyo taakulada ka imaaneysa gudaha iyo dibadda, iyadoo guddoomiye looga dhigay Cali Jeyte Cismaan.

Guddiga afarta xubnood ka kooban ee gabag abada shirka Shalay ka dhacay Maxaas lagu mag acaabay ayaa kala ah guddoomiye Cali Jeyte Cis maan, Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xil dhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Ibraahin She elare.

Iska hor imaad ka dhex dhacay garoonka diya aradaha ee Jigjiga oo sababay geerida xildhib aanad Juweeriya Subcis

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ay aa waxaa galinkii dambe ee Shalay ka dhacday arrin aad u naxdin badnayd, kaddib markii Askari kamid ah ilaalada garoonka diyaarada ee Jigjiga uu rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku su gnaa gudaha garoonka diyaaradaha.

Rasaastaas ayaa waxaa wax ku noqday dad shacab ah sidoo kale waxaa rasaastaa uu Askari gu dadka ku furay ku geeriyootay gabadh kamid ah xildhibaanada dowlad degaanka Soomaalida laguna magacaabi jiray Juweeriya Subcis.

Lama ogaan wali sababta rasmiga ah ee ka da mbaysay in Askarigani uu dad shacab ahaa ku fu ro rasaasta, balse dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Askariga rasaasta furay ay iska hor yimaadeen Askari kale oo isla Federal Boolis ah, ka dibna 2dii Askari ay is af dhaafeen ka dibna uu Askarigani isla rasaasta dadka ku fu ray uu toogtay Askarigii ay is af dhaafeen, ka di bna uu isla markiiba Askarigii uu rasaas oodda ka ga qaaday dadkii garoonka ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa isla rasaastaas ku dhaawa cmay dad kale oo ilaa shan qof gaaraya, saddex ka mid ah dadkaas ayaa waxaa lagu dabiibayaa oo xaaladooda lagula socdaa Isbitaalka weyn ee magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Masuuliyiinta u sarreysa Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa booqday dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay Isbitaalka weyn ee Jigjiga. Geesto oda hay'adaha amniga ee Jigjiga ayaa sheegay in baadhis arrintan ku saabsan ay socoto, markay ba adhistaasi dhammaatana bulshada lala wadaagi doono, waa siduu hadalka u dhigay Taliyaha Boo liska degaanka Soomaalida Maxamed Xasan, waxa kale oo Boolisku xuseen in gacanta lagu soo dhigay Askarigii rasaasta dadka ku dilay oo ahaa Askari kamid ah Federal Booliska ku qoran ilaal ada Garoonka diyaarada ee Jigjiga.

Xildhibaanadda geeriyootay ayaa in badan la gu yaqaanay howlaha gargaarka iyo Samafalka, waxaana geerideeda aad uga naxay shacabka de gaanka Soomaalida.

Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa Xukuumadda ka arrimisa degaanka Soomaalida ka dalbaday in la caddeeyo sababta loo laayay dadka shacabka ee loo dilay xildhibaanad Juwee riya, iyagoo sidoo kale Xukuumadda ka codsaday in caddaaladda la marsiiyo Askarigii dilka iyo dha awaca ka dhex gaystay gudaha garoonka diyaara daha ee Jigjiga.

Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ku saabs an kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga 51-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimaha Puntland.

Saciid Deni, oo si gaar ah uga hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qe ybo badan oo kamid ah Soomaaliya, ayaa shee gay in Puntland ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dagaalkaas, oo ay ku biirto.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in koo xda Al-Shabaab ay dhibaato ku tahay horumarka guud ahaan dalka, wuxuuna ku baaqay in loo mid oobo dagaalka ka dhanka ah koo xdaan.

Hadalka madaxweynaha Punt land ayaa kusoo aadayo xilli qeybo kamid ah dalka uu ka socdo kac doon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Kacdoonka looga soo horjeedo kooxdaan ayaa si xowli ah uga socdo gobolada Hiiraan iyo Galgad uud, waxaana kooxdaan laga saaray deegaano ba dan oo ay ku sugnaayeen.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa sheeg ay in daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qa rdho ay guddi u saareen soo qiimaya waxyeeladu intay leeg tahay , sidoo kalena ay soo dhamaatay daraasad ku saabsan si xal waara looga gaaro da adadka soo noq noqday.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa she egay in Puntland degmooyin badan oo katirsan la ga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, taasina ay tahay qorshaha Xukuumaddiisa.

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay howlgal adii ugu dambeeyay ee ka dha cay gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga So omaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood ay aa faahfaahin ka bixiyay how lgalo ciidanka xoog ga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deega anka ay Shalay kula wareegeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud iyo waliba howlga ladii u gu dambeeyay ee ciidamada ay ka sameey een go bolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe. Afhay eenka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dal ka ay Shalay si buuxda ula wareegeen deegaanka Qaayib oo uu sheegay in Shabaab ay ku lahayeen Maxkamado waaweyn oo ay uga yeeri jireen dadka ku nool deegaanada gobolada Mudug iyo Galgad uud.

"Cadawga Al-shabaab waxaa Shalay ciidam ada iskaashanaya ay kala wareegeen deegaan Qaayib, waxayna cadawga burburiyeen Ceel biyo odkii deegaanka iyo xaruntii isgaarsiinta Hormuud oo ay dadku isticmaali jireen, ka hor inta aysan ka cararin deegaanka" ayuu yiri Jenaraal Caanood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdull aahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in ci idamada dowladda iyo dadka deegaanka ay Dorraad dagaal xoogan shabaab kula galeen dee gaanka Moora eri ee gobolka Hiiraan, isagoona sheegay in halkaasi shabaab looga dilay ilaa 6 xubnood, islamarkaana ciidanka ay la wareegeen deegaankaasi oo hoostaga degmada Moqokori.

Wuxa uu sidoo kale Afhayeenka uu faahfaahi yay dagaalo culus oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaanka Masjid Cali Gadu ud oo uu sheegay in halkaasi ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka guulo ka gaareen.

"Deegaanka Masjid Cali Gaduud waxaa wali ka socda howlgalka lagula dagaalamayo Shaba ab, waxaa halkaas ka socda dagaal iyo duqeymo lagu beegsanayo cadawga, deegaanka Masjid Cali Gaduud ayaa Shabaab u ahaa deegaan mu hiim u ahaa oo ay Canshuurta uga qaadi jireen gaadiidka Isticmaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/dhexe, culeyska ugu badan ee dagaalka waa cadawga oo doonaya in Masjid Cali Gaduud uu ka difaacdo degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigooda ugu weyn Sh/dhexe" ayuu yiri Afhay eenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jenaraal Caanood.

Puntland oo Guddi u magacaawday ka horta gga cudurada ka dilaaca daadadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Jamac Farax Xassan oo gudanaya waajibaadka ka saraan badq abka caafimaadka muwaadi niinta Puntland ayaa magacaa bay guddi maamulkaa Gobol ka, degmada Qardho iyo Maa mulka caafimaadka gobolka Karkaar kala sha qayn doona ka hortaga cudurada dilaaca daadka kadib.

Guddiga ayaa ka kooban agaasimayaal iyo Saraakiil kale oo ka tirsan xarunta dhexe ee was aaradda waxaana loogu talagalay inay qayb ka no qdaan sidii Bulshada looga xakamayn lahaa ha ddii cuduro dhashaan kadib daadadkii ku soo rog maday magaalada Qardho 22 Bishan October 2022.


Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay how lgalka lagula wareegay degaanka Qaayib

Warsaxaafaeed kasoo baxay Xafiiska Mad axweynaha dowlad Goboleedka Galm udug Ax med Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa bog aadiyay ciidamada xoogga Dalka, kuwa dar aawiishta Galmudug iyo dadka deegaankab ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Shalay u fuliyeen cii danka Xoogga Dalka, kuwa Dar aawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, hal kaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay Shabaab ay aa lagu yiri” Qoraalka

Degaanka Qaayiib waa deegaan ay muddo ga canta ku hayeen Al-Shabaab, halkaas oo u aheyd maxkamad, sidoo kalena ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan degaannada kale.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Ca bdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duw an ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay sha cabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo degaannada Galmudug.

Maraykanka oo ka hadlay duqayn ka dhan ah Alshabaab oo uu ka geystay gobolka Hiiraan

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday we erar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii Alshabaab ay weerareen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka meel u dhow magaalada Buu lobarde.

Qiimayn kasoo baxday howlgalkan ayuu talis ka AFRICOM sheegay in lagu dilay laba kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ah mana jirto dad rayid ah oo ku waxyeeloobay weerar ka sida howlgalka Africom uu shee gay.

Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay inuu sii wadi do ono qiimeynta natiijada howlgalka, isagoo tilmaa may inuu bixin doono macluumaad dheeri ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Alshabaab ay da macsan tahay inay weerarto ciidamada Mareykan ka oo ay khatar ku noqoto danaha ammaanka Mar eykanka.

Waxaa uu sheegay inuu sii wadayo tillaabooyin ka looga hortagayo kooxda Alshabab.

Warka kasoo baxay Maraykanka ayaa kusoo aad ay xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Al shabaab ay jab xooggan ugu geysatay Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo la sheegay in duqeymo culus ay ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la hayn.

In ka badan 100 dagaalame oo katirsan Alshab aab ayaa lagu dilay dagaalladii ka dhacay Masaa jid Cali Gaduud, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta.

Ol-ole aan caadi aheyn oo ka dhan QATAR oo socda’

Qatar waxaa lagu soo qaaday "olole aan caadi aheyn” oo cambaareyn ah sababo la xiriira marti-gelinta Koobka Adduunka, waxaa si daas Shalay sheegay amiirka xuk uma dalkaas.

Dalkan tamarta hodanka ku ah ee ku yaalla Khaliijka ayaa balaayin dollar ku bixiyey marti-gelinta Koobka Adduunka ee ugu horreeyey ee lagu qabanayo dhul Carb eed, hase yeeshee wuxuu wajahay weeraro sii kordhaya oo ka dhan ah diiwaanka xuquuqda aad anaha. Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa sheegay in Qatar ay dhibane u tahay "been abuur”, isaga oo tusmeeyey ujeedooyin qarsoon oo laga leeyahay dhalleeceynta ka dhanka ah.

"Tan iyo markii aan ku guuleysanay marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar waxaa lagula kacay ol ole aan caadi aheyn oo weligeed uusan wejihin dal marti-geliye ah,” ayuu yiri Amiirka oo khudbad u jeediyey golaha sharci-dejinta, 26 maalin kahor inta aanu cayaaraha billaabin 20-ka November.

FIFA ayaa Qatar ku abaal-marisay marti-gelinta ko obka sanadii 2010 kadib loolan adag. Qatar ayaa wi xii markaas ka dambeeyey wajaheysa su’aalo ku saabsan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha ajnabiga ah, iyo xuquuqda haweenka iyo bulshada LGBTQ.

Toddobaadkan, dowladda ayaa si caro leh u diiday warbixin ay soo saartay kooxda xuquuqda aadanaha ee Huma Rights Watch, oo sheegtay in booliska ay si sharci-darro ah u xireen islamar kaana ugu xadgudbeen xubno ka mid ah bulshada LGBTQ.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad ayaa sheegay in markii hore Qatar ay "si daacad ah” u aqbashay hadallada taban qaarkood, oo xitaa ay dhalle ceynta qaarkeed u aragtay kuwa togan oo wax ku ool, kana caawisay inay waxyaabaha qaar horua mriso.

"Hase yeeshee, deg deg ayey noogu caddaat ay in ololaha uu sii socdo, ballaartay, kuna jirto be en abuur iyo laba wejiyeyn, heer ay ka gaartay ca daawadda mid dad badan ka yaabisay sababaha dhabta ah iyo waxa dhiiri-gelinaya ololahan,” ayuu yiri ..AFP, VOA

Sidee ciladda WhatsApp u saameysay Soom aalida?

Waxaa saacado uu hawada ka maqnaa kadib dib usoo laabta App-ka WhatsApp oo cilad ay ku ti mid, sida ay shaacisay shirkadda leh ee Meta.

Arrintan ayaa saameyn weyn ku ku yeelatay guud ahaan dadka isticmaala ee ku dhaqan waddam ada caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Aaladda WhatsApp ayaa ka mid ah baraha caanka ka ah adduunka, waxaana isticmaala ku dhowaad 2 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.

Haddaba sidee ciladdan u saameysay dadka Soo maaliyeed ee isticmaala WhatsApp?

Dad badan oo Soomaaliyeed oo isticmaala aala dan ayaa Facebook ku baahiyey cabasho ku aad an in farriimaha WhatsApp-ka aan la isugu diri ka rin, kadib ciladda Shalay ku timid.

Fardowsa Xasan oo ka mid ah dadka ka ha dlay arrintaan ayaa sheegtay inay saameyn ku ye elatay ciladda ku timid WhatsApp, islamarkaana ay arki weysay fariimihii loo soo diray.

"Shalay dhan aan telka marna daminaayey mar na daaraayey saa u arko fariimaha Whatsapp ee la’ii soo diray,” ayey tiri Farwowsa Xasan.

Dhankiisa Jibriil Cabdullahi Shambow ayaa isna yiri "WhatsApp ka waabe la xeray Facebook hala gu darro,” .

Wariye Farxiyo Maxamuud oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa iyad una soo jeedisay in baraha bulsh ada oo dhan la xiro, si ay dadka uga nastaan.

"Social media dhan mala xiroo halaga nastee,” ayey si kaftan leh u tiri Wariye Farxiyo Maxamuud Yuusuf.

Mareykanka Oo Dacwad Kusoo Oogay Laba Sarkaal Oo Loo Malaynayo Inay Ka Tirsan Yihiin Sirdoonka Shiinaha

Laamaha ammaanka iyo caddaaladdda ee da wladda Maraykanka ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay laba sarkaal oo loo malaynayo inay ka tirs an yihiin sirdoonka Shiinaha, kuwaas oo isku day ayey inay hor istaagaan baadhitaan iyo dacwad oogis ay laamaha ammaanka ee Maraykanku ay ku wadeen shirkadda teknoolojiyadda Shiinaha ee Hu awei.

Labada nin ee loo haysto kiiska shirkadda Huawei, oo lagu kala magcaabo Guochun He iyo Zheng Wang, ayaa lagu eedeeyey inay is ku dayeen in ay tilmaamo siiyaan qof u shaqeeya dawladda Maray kanka, kaas oo ay u haysteen inuu la shaqaynayo, waxayna ka dalbadeen inuu la wadaago macluum aad sir ah oo ku saabsan baadhitaanka ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanku ee ku aaddan shirkadda Huawei.

Xogta ay rabeen inay helaan ayay ku jirtay, cadd aymaha la horgeynayo maxkamadda, markhaatiyada iyo hadday jiraan eedo cusub oo lagu soo oogayo. Mid ka mida eedaysanayaasha ayaa bixiyey illaa $61,000 si uu xogta u helo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu.

Kiisaskan ayaa lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen masuuliyiinta ugu sarreeya hay’a dda FBI-da iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka, waana arrin aan marwalba dhicin in masuuliyiinta labadan hay’adood ay wada qabtaan shir jaraa’id oo wadajira, hase ahaatee arrintan ayaa muujinaysa miisaanka ay leedahay iyadoo dhinaca kalena farriin u ah, ka hortagga galaanga lka Shiinaha ee gudaha Maraykanka.

Ninkii aan Qubeysan in ka badan Nus Qarni oo Geeriyooday Amou Haji

Amou Haji waxa uu diiday in uu isticmaalo saab buun iyo biyo in ka badan nus qarni, isaga oo ka ba qay in uu ku xanuunsado.

Iiraniyaankan oo ku noolaa gobolka koonfureed ee Fars, ayaa ka fogaaday isku dayo hore oo ay dad ka tuulada ku doonayeen inay ku nadiifiyaan.

Laakiin, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, Haji waxa uu ugu dambayntii u hoggaansamay cadaadiskii bulshada isaga oo maydhay dhowr bil ka hor.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, waxa uu xanuunsaday wax yar kaddibna uu geeriyooday ma alinnimadii Axaddii.

Wareysi hore, oo uu siiyay Tehraan Times 2014, Haji wuxuu daaha ka qaaday cunnada uu ugu jecel yahay inay ahayd hilib ka doofaarka, iyo inuu ku noolaa inta u dhaxaysa god ku yaal dhulka hoostiisa iyo guri leben ah oo ay dhist een dad deris ah oo ku yaal tuulada Dejgah.

Amou Haji

Waxa uu u sheegay wargayska waqtigaas in doo rashadiisa ku kelliftay arrintan ay tahay hoos-u-dhac nololeed oo aan caadi ahayn oo haleelay kolkii u yaraa.

Sanado aanu qubaysan waxa ay ka dhigeen ma qaarka jidhkiisu in uu noqdo mid uu ku daboolmeen dhas iyo was akh," ayay IRNA tidhi, halka cun tadiisu ay ka koobnayd hilib qu dhun ah iyo biyo aan nadiif ah ayn oo uu ku cabbi jiray qasacy ada saliidda oo duug ah.

Waxa kale oo uu aad u jeclaa sigaar cabista, is aga oo la sawiray marar kala duwan isaga oo sigaar cabbaya.

Isku-daygii ahaa in loo maydho, ama la siiyo biyo nadiif ah oo uu cabbo, ayaa gaartay xaalad murugo ah, ayay tidhi wakaaladda wararka ee baahisay geer idiisa.

Si kastaba ha ahaatee, haysa shada rikoorka qofka aan qubay san wakhtigii ugu dheeraa ayaa ahayd dood taagnayd tan iyo san adkii 2009. Waxaa jiray warar she egaya in nin Hindi ah oo - xilligaas - aan maydhanin ama aan caday ilkahiisa marin muddo 35 sano ah, ka as oo aan la ogayn ilaa iyo hadda halka uu ku dambe eyay. Amou Haji XIGASHO:BBC



SADDEX ARRIN OO LAYAAB LEH OO KU SAABSAN XAASKA RAYSUL WASA ARAHA CUSUB EE UK


Rishi Sunak iyo xaaskiisa Akshata Murty

Hindiya waxaa aad looga hadal hayaa sida uu Rishi Sunak ugu guuleystay in uu noqdo Raysul Wasaaraha Britain, balse taas kaliya ma aha waxa laga hadlayo.

Xaaskiisa Akshata Murty waa gabadha bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy, kaasoo ka mid ah ganacsatada ugu caansan dalkaas oo xitaa lagu naaneyso Bill Gates-ka Hindiya.

Haddaba waa tuma xaaska raysul wasaaraha UK?

Kuwani waa dhowr arrimood oo ku saabsan taariikh nololeedkeeda iyo waxy aabaha gaarka u ah.

Canshuur la’aanta hantideeda dibadda

Ms Murty oo aabbeheed la wadaagta hanti badan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horaantii sanadkan ka dib markii ay heshay mudnaanta ah ineysan ku khasbaneyn bixinta canshuuraha dhaqaalaha ay ka hesho meel ka baxsan UK.

Markii dambe ayey oggolaatay in ay dowladda UK siiso canshuurta dakhligeeda dibadda kasoo xarooda.

Mar kale ayey hadda qabsatay indhaha warbaahinta caalamiga ah iyo shac abka Hindiya, xilli Shalay uu ninkeeda la kulmayo Boqor Charles.

Waxay dhalatay qoyskeeda oo sabool ah

Sunak iyo xaaskiisa

Inkastoo ay qoyskeeda aad u hanti badan yihiin, Ms Murty waxay nolosheeda kusoo billaabatay duruuf adag.

Warqad uu aabeheed u diray, oo la daabacay sanadkii 2013-kii, ayuu uga sheekeeyay xasuusta ku saabsan in markii uu soo gaaray warka loogu sheegayay inay ku dhal atay Hubli, bishii April ee sanadkii 1980.

Waxa uu sheegay in warka dhalashada gabadhiisa uu u soo sheegay qof ay shaqo wadaag ahaayeen, maaddaama xilligaas aysan qoyskan awood dhaqaale u lahayn in ay isticmaalaan telefoon.

"Hooyadaa iyo aniga xilligaas waxaan ahayn dhallinyaro, waxaana la daalaa dhaceynay inaan cago fiican ku istaagno oo aan xirfaddeenna ku shaqeysanno,” ayu uku qoray warqadda.

Markii ay dhowr bilood uun jirtay, Ms Murty waxaa loo diray iney la noolaato awo wgeeda dhanka aabbe, xilli hooyadeed, Sudha Murty iyo aabbeheed ay xirfaddooda ku hormarinayeen magaalada Mumbai.

Hal sano ka dib, Mr Murthy waxa uu qeyb ka noqoday aasaaska shirkadda Info sys oo ah shirkad IT, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu taaj irsan Hindiya.

Waalidiinta Ms Murty oo horumar weyn sameeyay waxa ay sidoo kale xoogga saareen in ay ku dadaalaan wax baridda carruurtooda oo labo ah.

Mr Murthy waxa uu sheegay in guriga qoyskiisa uusan oollin TV si waqti loogu helo "waxyaabaha ay ka mid yihiin aqrinta duruusta, doodaha wax barashada iyo la kulanka saaxiibbada”.

Xaaska Sunak oo la joogta ninkeeda waalidiintiisa

Iyadu waxa ay baratay cilmiga dhaqaalaha iyo luuqadda Faransiiska, oo ay ka dhigatay machad ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka.

Ms Murty waxa ay markaas ka dib shahaadada diploma-da ku qaadatay dugsi la gu barto culuumta dharka. Ka dib waxa ay culuumta MBA ka dhigatay Jaamac adda Stanford.

Isla jaamacaddaas ayey isku barteen Mr Sunak. Lamanaahan waxa ay is guurs adeen sanadkii 2009, waxayna isu dhaleen labo gabdhood.

Ganacsigeedii durba burburay

Haweeneydan 42 jirka ah waxa ay wax barashada xirfaddeeda dhinaca maali yadda ka billowday California ka hor inta aysan furanin shirkad iyada u gaar ah, oo la yiraahdo Akshata Designs, taasoo dharkii ugu horreeyay soo saartay san adkii 2011.

Hase yeeshee wargeyska Guardian ayaa tebiyay in ganacsigaas u uku burbur ay saddexdii sano ee ugu horreysay gudahooda. Ganacsiyo kale oo kaas ka dam beeyay ayeyse ku guuleysatay.

Sanadkii 2013 ayey iyada iyo ninkeeda isla aasaaseen shirkadda offshoot of Catamaran Ventures oo fadhigeedu yahay London.

Ms Murty waxa ay sidoo kale agaasime ka tahay shirkadda Digme Fitness, oo ka shaqeysa jir dhiska.

Ilaa hadda, Ms Murty uma muuqato in ay raadineyso hadal-heynta warbaahinta balse waxaa kusoo jiiday wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhex maray.

Hase ahaatee, ninkeeda oo hadda ku fariista kursiga ugu sarreeya ee siyaasadda Britain ayaa sabab ugu noqonaya in wararkeeda aad loo sii xiiseeyo.

XIGASHO:BBC



DAL AFRIKAAN AH OO OGAADAY IN SHIDAALKA UU SOO SAARO XATOOYO LAGU GURANAYAY SANADO DHUUN-SHIDAAL


XIGASHADA SAWIRKA,GBARAMATU VOICE

Shabakad dhuumo shidaal oo sharci-darro ah ayaa daaha laga rogay, kuwaas oo ku yaalla gobolka Delta ee dalka Nigeria, waxaana sidoo kale la ogaaday baaxadda xa didda shidaalka ee dalkaas ka jirta. Arrintan oo noqotay tan ugu yaabka badan wa xyaabaha ugu saameynta xun ee ka jira Nigeria laakiin, faa’iidooyin badan ayaa laga helaa howsha shidaalka.

Gobolka Delta, tuugada ayaa sameysatay dhuun shidaalka qaadda oo iyaga u gaar ah, waxayna ka sameeyeen dhul xe ebeed gaaraya 4 km oo dhex mara dhul aad loo ilaaliyo oo teedsan ilaa badda Atlantic.

Halkaas waxaa taga doonyo iyo baabuur lagu raro shidaal la soo xaday oo lagu soo saaray riig 24 feet ah oo meelo fog laga arki karo dhinaca biyaha furan.

Shidaal ceyriin ah ayaa ah kan ugu badan ee dibedda ay u dhoofiso Nigeria, laakiin soo-saarista iyo daqliga waxay ahaayeen kuwa hoos u soo dhacayay sanado badan, taas oo ay sabab u yihiin tuugada, sida ay mas’uuliyiintu sheegayaan.

Wax-soo-saarka shidaalku wuxuu hoos uga soo dhacay 2.5 milyan oo barmiil maa lintii, oo uu ahaa sanadkii 2011, wuxuuna gaaray wax yar in ka badan hal milyan oo barmiil bishii Luulyo ee sanadkan 2022, sida ay sheegeen hay’adaha qaabilsan arrintan.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in in ka badan 3.3 bilyan oo doollar ay ku luntay shidaalka la xaday tan iyo sanadkii hore, xilli shidaal soo-saareyaasha kale ay heleen lacago ka soo galay shidaalka, xitaa Nigeria ma buuxin karto xaddiga shidaalka ee loo qoondeeyay in ay soo saarto.

Saraakiil amni oo dul taagan dhuun-shidaal

XIGASHADA SAWIRKA,GBARAMATU VOICE

Dalku ma bixin karo lacagta ku luntay xatooyada. Waa dal ay saboolnimo ba’an ka jirto lacago badanna lagu leeyahay.

Dad badan ayaa sheegaya in dhuumaha shidaalka ee sharci-darada ah ee dhowaan la helay ay xaqiijineyso shaki muddo badan taagnaa oo ku saabsan musuqmaasuq ballaaran oo ka jira dhinaca shidaalka, halkaas oo ay yar tahay caadyaal nimada ka jirta.

Shidaalka Nigeria wuxuu leeyahay taariikh qoran oo wax is daba marin ah, marka la eego qorsheyaal aan dhammaaneyn oo hoose, kuwaas oo la xiriira shidaalka, isla markaana qofna aanu si dhab ah u ogaan karin inta la soo dejiyay iyo meeleynta qar soodiga ah ee goobaha sahminta shidaalka. Arrintan qarsoodiga aheyd ee dhuumaha shidaalka sharci-darrada ah waxaa soo bandhigay shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraasleyaal dhinaca ammaanka ah ay leeyiiin, taas oo kor u sii qaadday carada laga qabay arrintaas. Caaqilka 51 jirka ah ee Boqortooyada Gbaramatu ee qaniga ku ah shidaalka ee Gobolka Delta ayaa hore ugu lug lahaa qarxinta isla dhuuntaas shidaal, haatan isaga ayaa ilaalinaya kaddib murankii qandaraas gaaraya 48 bilyan oo lacagta Nigeria ah oo u dhiganta 110 milyan oo doollar oo ka yimid dowladda dhammaadkii bishii Agoosto.

Waxaa lagu doodaa ninkii maleeshiyada Nigeria dhinaca shidaalka ugu taajirsanaa in uu ahaa ninkii dalkaas loogu doondoonista badnaa iyo in uu iibiyay qeyb maraakiibta dagaalka ee dalkaas ah.

Waxaa kale oo uu yaqaannaa Juqraafiga gobolka Niger Delta, ceelasha shidaalka iyo dhuumaha rasmiga ah, sidaas ayayna dad badan u rumeysan yihiin hadalladiisa ku saabsan aqoonsiga tuugada.

Shidaal

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Inta badan dadka ka shaqeeya ammaanka ayaa ku lug leh sababtoo ah ma jirto si aad ku rari karto gaari adigoo aan laaluushin dadka ammaanka ka shaqeeya ee gobolka, ayuu u sheegay telefishin.

Wuxuu sheegay in shidaalka intiisa badan laga xaday meelaha ay ciidamadu joogaan, lagana heli karo goobo baaris oo ay leeyihiin ciidamada badda.

Militariga kama jawaabin eedeymahaas, laakiin waxay u muuqataa in ay is cad ula doodi doonaan nin ay leeyihiin saaxiibtinnimo, kaas oo u xilsaaran in uu la socdo xatooyada shidaalka.

Madaxa Gaashaandhigga Nigeria, Lucky Irabor ayaa qeyb ka ahaa koox booqatay raadka keliya ee tuugada, iyadoo ay ilaalinayaan dad ka tirsan kooxda Tompolo, waxayna sheegeen in arrintan ay tahay waxa ay ugu yeereen indho-kala-fur, waxayna ballan-qaadeen in baaris la sameyn doono.

Ma aha markii uu horreysay ee hay’adaha ammaanka ee Nigeria gaar ahaan dadka ugu sarreeya ciidanka lugta iy badda farta lagu fiiqo, marka loo eego arrin ku saabsan xatooyada shadaalka.

Bishii Jannaayo, Nyesom Wike, Guddoomiyaha gobolka deriska la ah gobolka Rivers ayaa sheegay in taliye ciidan uu ku lug yeeshay xaatooyada shidaalka ee deegaanka Emuoha ee gobolka, waxaana la doonayay in shaqada laga ceyriyo.

Sanadkii 2019, Wike waxa uu eedeeyay taliye sare oo ciidanka ah oo ka qeyb galay xadista shidaal aad u badan oo ka dhacday gobolka, taas oo la dafiray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip