Gudoomiye Jeyte oo lacag guddoonsiiyay askar dishay xubno Shabaab ah (SAWIRRO)

0
Sunday October 23, 2022 - 16:03:54 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Jeyte oo lacag guddoonsiiyay askar dishay xubno Shabaab ah (SAWIRRO)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta abaalmarin lacageed guddoonsiiyay askar shalay duleedka deegaanka Moqokori ku dishay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Xubnaha la dilay oo meydadkooda lagu soo bandhigay Moqokori ayaa lagu sheegay inay ahaayeen Saraakiil ka tirsan horjoogeyaasha Shabaab ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo fulinaya ballanqaadkiisii ahaa in la abaalmarin doono cid kasta oo disha xubin Shabaab ah ayuu goob fagaare ah askartaasi ku guddoonsiiyay lacag dhan toban kun oo dollar ($10,000).

Gudoomiyaha ayaa askartaasi ku ammaanay kuwo muujiyay geesinimo iyo weliba waddaniyad.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa mar kale ku celiyay in cid kasta oo disha xubin Shabaab ah uu maamulkiisu guddoonsiin doono abaalmarin lacageed, isagoona askarta ugu baaqay inay dardargeliyaan ugaarsigooda ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka Gobolka Hiiraan ayaa guluf ballaaran kala kulmaya Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee loo yaqaano (Macawiisleyda).

Cali Jeyte oo abaalmarin siiyey askar howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al- shabaab (Sawirro) | Allbanaadir.com

Hoos ka daawo

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip