HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Sunday October 23, 2022 - 08:36:50 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Villa Somaliya Oo Shaacisay Ujeedka Mada xweynaha U Tagay Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey gar oonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madax weynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaa ciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbe ddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wa da-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisa da la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Md.Isma aciil Cumar Geelle.

Saddex waxyaabood ka ogow dekadda cu sub ee GARACAD ee uu Xasan Sheekh xarigga ka jaray

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxwe yne Deni oo xariiga ka jaraya dekadda

Waxa Shalay xariga laga jaray dekadda Garac ad, ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugna ayeen masuuliyiin, ganacsato iyo dad kale oo badan oo goob joog ka ahaa daah-furka mashr uucaan lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dha waanahan laga hirgeliyo daw lad gobo leedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray deke dda Garacad.

Mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ka qayb galaya xafladda, waxaana kamid ah mad axweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wasiirka maga caaban ee gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Haddaba shan waxyaabood ka ogow deka dda Garacad.

Wajiga koowaad ee dekadda Garacad

Mashruucaan dekadda Garacad, ayaa la dhag ax dhigay sanadkii 2019-ka, inkastoo howsha iyo qaban qaabadu ay soctay muddo intaa ka badan, haddana waxay soo martay marxalado kala duwan.

Daah-furka Shalay la sameyay waa wajiga koowaad ee dhismaha waxaana uu ka kooban yahay laba jambi ( laba dhinac), waxaa haray la ba dhinac oo kale, oo qorshuhu yahay in la dhameys tiro, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta mashruucan gacanta ku haya ee shirkadda Wadaagsan.

Xarig ka jaridda dekaddan ayaa dhacay iy adoo uu ku soo xirtay Markabkii ugu horreeyay oo sida 9000, oo tan oo shamiito ah.

Dhisme ku yimid isku tashi

Ganacsato gacan ka helaya qaybaha kala duw an ee bulshada iyo maamulka Puntland, ayaa hirgaliyay dekaddan oo dhismaheedu uu ku ba xay qrasha gaaraya 120 milyan oo doolar. Mar ka la dhameystiro mashuurac ayaa la filayaa in guudahaan qarashaka ku baxa uu noqdo 325 milyan oo doolar.

Dhismaha dekadda Garacad

"Fikirka markii hore waxaa lahaa ganacsato, laakin dowladda Puntland iyo shacabkuba dhis maha way ka qayb qaateen," ayuu yiri maar eeyahay shirkadda Wadaagsan ee dekadda dhi stay Saciid Cabdulqaadir Faadi.Waa mashruucii ugu weynaa oo waayadaan lagu dhiso isku ta shi bulsho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay munaas abadda xarig jarka ayaa ku bogaadiyay dadka reer Puntland iyo guudahaan shacabka Soom aaliyeed iskaashiga guulaha horseeday ee ay sameyeen.

"Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegan kan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sidashacabka Soo maaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaali oo dhan,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Muhiimadda dekadda Garacad

Dekaddaan furitaankeeda ka sakow madax da ka qayb gashay waxaa iyaguna goob joog ahaa shirkado ganacsi oo ay leeyihiin dad So omaaliyeed, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay billaabi donaan dhawaan in ay kala soo deg aan waxyaabaha ay dibadda ka keenaan.

Dekadda Garacad

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Sidoo kale waxaa jiri doona dhisidda waddo ka billaabata Garacad, Gaalkacyo marta isla markaana gaarta deeg aanka ku yaalla xadka uu dalka Soomaaliya la wadagao dalka Itoo biya, oo lagu magaacbo Tuur Dibi oo ka tirsan degmada Goldogob.

Sidoo kale dekadda waxaa laga sameyn do onaa maxjar xoolaha laga dhoofiyo maadaama ay ku taalla aag muhiim ah una dhaxeeyso dek addaha Muqdisho iyo Boosaaso oo aad u kala fog.

Sidoo kale gobollada dhexe waa meelaha ugu badan oo xoolaha Soomaaliya laga dhoof iya waxayna dekaddaan u tahay fursad muhiim ah.

Garacad

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Maareeyaha shirkadda Wadaagsan Saciid Cabdulqaadir Faadi, ayaa BBC-da u sheegay in sidoo kale la sameyn doon (Dry Port) dekad qalalan oo ay inta badan dowladda Itoob iya ay wax kala soo degi doo nto.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soom aalida Mustafe Muxumed Cumar oo xafladda khubad ka jeediyay ayaa isna sheegay in tan iyo markii isbdelku ka dhacay dalka Itoobiya oo xilka uu qabtay raysal wasaare Abiy Axmed uu ko rdhay ganacsiga dekadda Boosaaso, sab abo la xiriira isticmaalka dowl adda Itoobiya.

Wuxuu yiri madaxweyne Must afe:- waan sii xoojinaynaa arri ntaas waana ku faraxsanahay dekadda cusub ee soo kor artay,". Madaxweynaha Puntland Sa ciid Cabad ullaahi Deni, ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay u jih aysatay dhanka wanaagsan ee horumarka isa goo tilmaamay in Soomaaliya ay ubuc u tahay guudahaan hourumarka Geeska Afrika.

Muhiimadda dekaddan ay leedahay waxaa ka mid ah in dadka deegaanku ay sidoo kale ka heli karaan fursado shaqo iyo maalgashi lagu sameeyo deegaanka.

Raysal wasaare Xamse "Waxaan madax da Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab"

Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay laba ka mid ah Nabadoonadda Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Munaasabaddaan oo ay soo qaban qaabisay Wasa aradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu xus aayay Nabadoonada kala ah Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo hormuud u ahaa dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan si weyn ugu sii faafaya gu daha dalka.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlaayay wax qabadkii Nabadoon Cil mi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo uu sheegay iney ahayeen mujaahidiin shahiid ah oo kor u qaaday sharafta dadka Soomaaliyeed.

"Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharaf ta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno Khawaarijta, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaal ka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah, wuxuu bilad sharaf weyn ka heli donaa Dowladda iyo dadkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah Shaba ab ee ka socda gudaha dalka, isagoona shee gay in haatan ay guusha u dhaw dahay dowlad da iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shac abkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaata an dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaa taan xoreynta dalkee nna iyo dadkeenna, Wax aa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaa raha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ay uu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dag aal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka fo olka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta So obe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhi go, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badn aan doonta ”ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaal iya wuxuu munaasabadda ka she egay in dalka uu ku jiro dagaal dhab,islamarkaana dadka Soomaaliyeed laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro ay dul qaataan oo ay ka fog aadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee

qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Axmed Daaci oo shaaciyey xogta dagaalkii cuslaa ee ShalayMasaajid Cali Gaduud

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Ax med Daaci oo ka hadlay dagaalkii cuslaa ee maata ka dhacay degaanka Masaajid Caligudu ud ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xaqiij iyey in dagaal aad u culus uu Shalay ka dhac ay deegaankaas.

Axmed Daaci oo u waramay Idaacadda dow ladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dag aal soo bilowday Shalay afar saac oo barqoni mo uu soo gaaray Shalay gab al dhicii.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka mid ah masuuliyiinta hog gaamineysa dagaalka ayaa sheegay inay gabal-dhicii Shalay ku guuleysteen inay Al-Shaba ab ka saaraan deegaanka Masaajid Caligudu ud. "Shalay afartii saac ayuu dagaal ku soo bilo wday,waxaa la siku gaaray gabal-dhicii Shalay, waxaana laga saaray, kooxda waa la gu laayey dagaalka, welina dagaalka faro kama qodna, inta ay dalka joogaan niman kaan,” ayuu yiri Ax med Daaci.

Mar la weydiiyey tirada xubnaha dagaalka looga dilay Al-Shabaab ayuu sheegay in tiro ra smi ah uusan sheegin karin, "Cadowga aad ay aa loogu jebiyey dagaalka, hadii ay muslim yih iina haween badan ayaa asaay qaadi doona,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalka hal gaari looga gubay kooxda Al-Shabaab, isla ma rkaana ay Habeen hore ciidamada dowladda ku sugan yihiin deegaanka masaajid Caliguduud.

"Lagama hari doono waa sii daba joogi doo naa ilaa aan dalka ka xoreyno, hadda dagaalka anagaa ku gacan sareyna, welina culeys ayaa jira,” ayuu yiri.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa sidoo kale sheegay in dadka deegaankaas ay kooxdu Shabaab ka wada dhigtay, isla markaana dadka deegaankaas ay u baahan yihiin kala shaan dheyn xoog leh.

Shirka Wadashatiga ee Wasiirrada Kalluum eysiga DF iyo Dowlaha Xubna ha ka ah oo qoddobo laga soo saaray

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyra adka badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda Federaalka ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Mu qdisho 20-kii ilaa 22-kii bi sha October ee 2022 kaas oo diiradda lagu saaray xo ojinta wadashaqeynta u dhexe ysa wasaaradaha he er federaal iyo dowlad goboleed, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqg eynta kalluunka, horuma rinta xirfadda dhamma an dhinacyada ku how lan kalluumeysiga iyo dib u eegidda heshiiskii dakhli wadaagga kalluume ysiga ee lagu saxii xay Addis Ababa 22-kii Maa rso 2019. Shirkan waxaa shir gudoomiyey Was iirka Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraad ka Badda Xuk uumadda JFS Mudane Axmed Xassan Aden waxaana laga soo saaray qodo badan soo socda;

Waxaa la isla qaatey inuu sii shaqeeyo mu do sanad ah oo ka bilaabanaysa marka la faaf iyo war-murtiyeedkan, Heshiiskii KMG ahaa ee qaybsiga dakhliga ka soo xarooda ruqsad bix inta Kalluumeysiga, kaas oo lagu saxiixay Mag aalada Addis Ababa 22-kii Maarso 2019 iyadoo la waafajiyey heshiiskii lagu saxiixay magaalada Baydhabo 02-dii Febaraayo 2018.

Waxaa la isla qaatay dhismaha Golaha Maamul ka iyo Horumarinta Kalluumeysiga oo uu Gud oomiye ka yahay Wasiirka Wasaaradda Kallu umeysiga ee Xukuumadda JFS , xubno ka yi hiin Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeysiga Do wladaha Xubnaha ka ah DFS, si waafaqsan he shiiskii Baydhabo qodobkiisa 3aad, wuxuunashir yeelanayaa Goluhu sanadkii afar jeer.

Waxaa la isla qaatey in la xoojiyo islamar kaana si wadajir ah looga shaqeeyo kor u qaad idda barnaamijka cilmibaarista iyo uruurinta xo gaha kheyraadka badda.

Waxaa la isla qaatey in si wada jir ah loo ila aliyo Kheyraadka Kalluumeysiga iyo deegaan kiisa la iskana kaashado cid walba oo dhibaatey naysa kheyraadkaas.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraad ka Badda Xukuumadda JFS, waxay balan qaad ey inay ka caawiso Wasaaradaha Kalluumeysi ga Dowladaha xubnaha ka ah DFS xoojinta wax soo saarka kheyraadka Kalluumeysiga waara, kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha Kalluum eysatada, u qareemidda baahiyaha gaarka ah ee Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xu bnaha ka ah DFS.

Waxaa la isla qaatey iskaashiga la dagaal anka Kalluumeysiga sharci darada ah (IUU) iyo cid walba oo garab ku siisa

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Do wladaha Xubnaha ka ah DFS waxay bogaadin ayaan dadaaladda ay Dowladda waddo ee dib u xoreynta dalka iyo la dagaalanka cadowga ra gaadiyey umadda Soomaaliyeed, iyadoo muhim u tahay dadaaladaas socda ka faa’ideysiga dhi naca maalgashiga iyo wax soo saarka kheyr aad Kalluumeysiga ee deegaanada xeebaha.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan dhiga oo ka warbixiyay deegaannada laga xorreeyay Argagixisada

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay Shalay Ciidamada Xoog ga oo kaa shanaya dad ka deegaanka kula ware egeen deegaaanno iyo Tuullooyin ka tirsan Gobol ka Sha beellada Hoose.

Gen Caanood ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo kaasha naya da dka deeg aanka ay argagixisada ka sa areen deegaanka istaraatiij iga ah ee Masaajid Cali-guduud, tuu looyinka Quruc Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada ay ku raad joogaan firxadka Argagixi sada oo isaga carraray deegaannada ay Shalay gaareen ee ka tirsan Gobolka Shabeel lada Dhexe. Wali waxaa socdo hawlgalo saf ballaaran ah oo lagu ciribtirayo khawaarijta Al-shabaab, iya doo Shalay howlgallo ay Magaal ada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ka sameeye en Ciidamada Xoogga ku dileen laba hor jooge oo ka tirsan Argagixisada.

Go’aamo Laga Soo Saaray Shirweyne Ay Ka Qeyb Gashay Dowladda Soomaaliya

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Mag aalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xu kuumadda Federaa lka Soomaaliya Xasan Mac allin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay kuwa kusoo aaday xilligii loo baa hnaa oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab.

Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Cadaalad da iyo garsoorka dalka oo warbaahinta dowlad da kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Shir kaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo ka qeyb gashay.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo ba dan oo muhiim ah isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaci yay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dad aalkeeda ka go’aanshaha hormarinta hay’ada ha cadaaladda dalka.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruu cda muhiimka u ah la dagaalanka iyo damb iyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caa wina doona talaabooyinka looga hortagayo dam biyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha.

Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Ninkii Dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Shalay oo sabti aheyd waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji ee ka tir sanaa Xukumadda Ra’I isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maxkamadda Ciidamada ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu he lay inuu dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukumadda Xasan Cali Kheyre, wax aana muddo 6 sanno ah uu ku xirnaa xabsi ay leedahay dowladda Federaalka.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale. Allaha u naxariistee Cab aas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu ka soo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.


Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Oo Gaaray Degmada Maxaas.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuu suf Axmed Hagar Dabageed oo hogaaminaya xildhibaano heer federaal iyo kuwa dowlad go boleed iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray mag aaladda Maxaas ee Gob olka Hiiraan.

Socdaalka madaxwey ne ku xigeenka ayaa ujeed kiisu yahay sidii loo dhiiri-galin lahaa kacdoonka shacabka ee dalka looga xoreynayo Al-Shan aan gaar ahaan kuwa ki sugan deegaanada go bolka Hiiraan.

Waxaa sido kale Degmada Maxaas Gaaray Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar iyo sara akiil ciidan oo hogaaminayo kuwaasi oo kusii je eda deegaanada Galgaduud, waxaa degmada ku soo dhaweeyay xildhibaan Cabdullaahi Max amed Cali Sanbalolshe iyo sido kale maamulka Degmada Maxaas.

madaxweyne kuxigeenka hirshabelle oo gaaray degmada maxaas.

Qoyska Cabaas Siraaji oo sheegay in muddo dheer ka dib ay heleen cadaaladdii ay raad inayeen

Qoyska Marxuum Cabaas Cabdullaahi She ekh Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuum addii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee Shalay la gu fuliyay Dable Xoogga Dalka Axmed Cabd ullaahi Cabdi Caydiid.

Qoyska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay muddo dheer raadinayeen cadaalad u helidda marxuumka, Shalayse ay cadaaladdii timid.

Qoyska ayaa u ma hadceliyay Madax weyne Xasan She ekh Maxamu ud, Guddoonka Maxk amadda Ciidamada Qalabka Sida, hay’adihii dowliga, ee ay arrintani khuse ysay iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay cadaal ad u helidda marxu umka.

Askariga ayaa Shalay lagu toogtay Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho, wax aana goobjoog ka ahaa Gudoomiyeyaasha Max kamadda Sare iyo Darajada 1aad ee Ciidam ada, General Liibaan Cali Yarow iyo Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

Magaalada Muqdisho oo Habeen hore lagu dilay masuul ka yimid Dalka Uk

Waxaa Habeen hore magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u Naxariistee Cabdiraxmaan She ikh Laguna naanyeso jiray bidaaye kana tiraa naay shaqaalaha dowladda hoose gaar ahaan Waaxda shaqada iyo dhaqaalahaMasuulka ay aa la sheegayaa markii la dilaayey inuu farmshi iyey ka soo iibsanayey Daawa

Masuulka ayaa waxaa dilay dablay hubeys an kuwaa oo dilka markoow dhacay goobta isaga baxayDurba goobta waxaa soo gaaray laamaha amniga ku waa oo Baaritaab ka dib mey dka meesha ka qaaday Dilalka qorsheysan ayaa waxaa fuliyo Alshab aab kuwaa oo u aro kuwa aan ku fikirka aheyn ee Dowlada u shaqeeyo Gaalo

Kulan looga hadlay dardar gelinta Howlaha Golaha Shacabka

Kulanka Guud ee Xoghayaasha iyo Agaasi miyaasha Waaxyaha ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Shalay ka dhacay xar Guddiyada ee Villa-Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayeya ha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri), waxaana lagu soo bandhigay Warbixinta Waax yaha.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay dar dargelinta hawlaha hortabinta u leh shaqada Golaha, in Agaasimiyaasha Waax yaha ay la fa dhiistaan shaqaala hooda iyo inay u diyaar gar ooba an Agaasimiyaasha kalfadhiga fu rmi doonna dhawaan.

Faysal Cali Waraabe oo xukuumada Somal iland ku eedeeyay maamul xumo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Soma liland ee UCID, ayaa ku baaqay in madaxweyne Biixi layska qabto, isaga oo ku eedeeyay ma amul xumo.

Faysal oo kasoo noqday safar dib adda ah, ayaa sheegay in maa mul ka Puntland uu adduunka u qay shaday oo wax laga qabtay abaar ihii ka jiray deegaanadiisa, lakiin xu kuumada Somaliland anay adduunka wax xidhi idha la lahayn, oo aan waxba laga qaban ab aaraha.

"TV-kasta ood aragtaba waxa laga dayrinay aa arrinta Soomaalida Geeska Afrika dagan, wa xan daawanayay barnaamij laga soo duubay maamulka Garoowe, oo uu kasoo duubay janal ka Faransiiska ee France 24, dee waa loosoo gurmadoo waa dad dadkoodi ka naxay, oo icla amiyay in ay abaari jirto inagu baylah ayaynu nahay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay wax xil ah iska saarin samatobixinta dad ka abaaraysan, isla markaana anay adduun ka la lahayn wax macaamil ah, dadkeedana an ay xidhiidh la lahayn, oo ay ka go'antahay.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu Somaliland inqilaab ku sameeyay, isla mark aana waxa uu dhiirigaliyay in ay beeluhu ka shi raan, isaga oo ku andacooday in loobahanyah ay in Somaliland madaxweyne Biixi laga badba adiyo.

Saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dil ay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Shalay dee ga anka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku soo ban dhigay meydadka laba nin, oo lagu sheegay inay ahaayeen horjoogeyaal ka tirsan malee shiyada Al Shabaab. Ciidankan ayaa horjooge yaashan ku dilay hawlgal gaar ah, oo ay ka fuli yeen duleedka Moqokori.Ciidanka ayaa sidoo kale deegaankaasi ku soo bandhigay gaari NOAH ah iyo hub ay sheegeen inay ka soo furt een kooxaha argagixisada.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciid anka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu she egay "Ciidanka XDS ayaa deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku dilay Siraad Cumar Ga cal, oo ahaa horjoogihii dhanka maaliyadda u qaabilsanaa nabadiidka Gobolka Hiiraan iyo Deerow oo isna ahaa horjooge ka tirsan malee shiyada nabadiidka Al Shabaab.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in dhawaan kooxaha arg agixisada laga nadiifin doono dalka oo dhan.

Gulufka horaan ka bilowday gobolkaasi ee illaa iyo hadda ka socda ayaa lagu kibir-jebiyay Sha baabkii muddada dhowrka iyo sano ahayd ku amar taagleynayay shacabka Soomaaliyeed.

Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa maleeshiyada Al Sha baab kula dagaalamay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa Shalay bilaa dagaal kula war eegay deegaankan, ha yeeshee Shabaabka ay aa weerar rogaalcelin ah ku soo qaaday ciidam adii la wareegay deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay jil baha u laabteen Shaababka, oo dhowr jiho ka soo weeraray fariisimaha ay ka sameysteen de egaankaasi, waxaana halkaasi laga maqlay qa raxyo waaweyn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in intii uu dagaalku socday uu deegaankaasi ka dhacay duqayn dhinaca cirka ah, oo lagu garaacay aag agii ay Shabaabku ka dagaalamayeen.

Dagaalka oo gabal-dhicii soo gaaray ayaa la soo sheegaya in labada dhinac ay haatan ka la jooggaan labada daraf ee deegaankaasi, in kastoo ay dowladdu sheeganayso inay ciidama deedu si buuxdo gacanta ugu hayaan deegaa nkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa shee gay inay dib ka soo sheegi doonaan khasaara ha labada dhinacba.

"Dagaalka aad buu u adkaa, laakiin ciidanku waa guuleysteen, gurmad fiicana waa heleen, Saraakiil wanaagsana way hoggaaminaysaa.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa yiri "Ciidamada Dowlad da, ciidanka kacdoonka shacabka iyo kuwa Do wlad Goboleedka Hirshabelle oo wada socda ayaa ku sugan deegaanka.”

General Caanood ayaa tilmaamay in Masaa jid Cali Gaduud uu ugu dambeeyo saddex iyo to ban deegaan oo ka tirsan gobolkaasi, lagana saaray maleeshiyada Al Shabaab.

"Masaajid Cali Gaduud waa deegaan aad muhiim u ah oo ku yaala meel istiraatiiji ah, oo isku xirta Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Ceel dheer, oo ganacsigu uu si xoog leh uga socday, oo lacag iyo dhaqaale badana uu cadowgu ka heli jiray.” Ayuu yiri General Caanood. Shabaab ka ayaa saldhig weyn ku lahaa deegaankan, oo muhiim u ahaa difaacooda Degmada Aadan

Yabaal ee gobolkaasi.


Banaanbaxyo waawayn oo Shalay ka billow day guud ahaan dalka Itoobiya

Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa Shalay ka billowday banaanbaxyo na ba deed oo waawayn, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilm aantay faragalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Haddaba banaanbaxyadan oo ay soo abaab ushay dowladda Itoobiya ayaa Shalay ka bill owday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, sidoo kale dhammaan degaannada da lka Itoobiya ayaa iyaguna banaanbaxyo sidan oo kale ah Shalay laga samaynayaa.

Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boodhadh ay ku qoran yihiin erayo ka tar jumaya dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan cid kasta oo isku dayda inay soo faragaliso wixii khuseeya arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa banaanbaxyadan uga dan leh sidii ay dalalka shisheeye u tusi lah ayd in aan marnaba lasoo dhex gali karin waxa ka soconaya gudaha dalka Itoobiya, ee dowl addu iyadu xalinsanayso wixii dhibaato ama khil aaf ah ee ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli dala lka reer galbeedku iyo hay'adaha caalam igu ay dowladda Itoobiya ku cadaadinayeen sidii ay dowladdu u joojin lahayd colaadda ka taagan gobolka Tigray, isla markaana xabadda joojin u samayn lahayd, isla markaana u oggolaan lah ayd in miiska wada hadalka la isugu yimaaddo.

Ninkii Trump Ka Caawiyay In Uu Madaxwe yne Noqdo Oo Xabsiga Loo Taxaabay.

Ninkii arrimaha istaraatiijiyadda u qaabils anaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Tru mp, Steve Bannon ayaa lagu riday xukun 4 bil ood ah oo xabsi ah kadib markii uu diiday in uu hoggaansamo aqalka Koongareeska.

Bannon oo 68 jir ah ayaaa bishii July lagu riday labo xukun ah oo kala ahaa in uu diiday in uu caddeymo ama dokumentiyo u gudb iyo guddigii baarayay rabshadihii ka dhacay xar unta Capitol ee Mareykanka 1-dii bishii January 2021-kii.

Marka laga soot ego xukunka xabsiga ah, Bannon waa in uu bixiyaa ganaax gaarayo $6, 500 oo doolar.

Steve Bannon ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay.

Garsoore Carl Nicholas ayaa sheegay in Bannon la sii deyn doono isla markaana la xall in doono racfaan kasta uu ka qaadanayo xuk unka lagu riday.

"Shalay xukun ayaa la iigu riday, racfaan adag ayaan ka qaadan doonaa” ayuu yiri Steve Bannon oo la hadlayay wariyeyaasha.

Erdogan oo sheegay hadal carruurta ku saabsan oo aad looga carooday (Warbixin)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada, taasi oo ka dhalatay talo uu u jeediyay nin la yiraahdo Mehmet Ali oo kusoo biiray xisbiga uu ho ggaamiyo AKP.

Mehmet Ali Celebi ayaa dhawaan iska casilay xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga, wuxuuna ku biiray Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta ee Erdogan horaantii bishaan, waxaana Arbacadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay munsaabad uu qabtay xisbiga.

Mehmet ayaa xaaskiisa la yimid munaasa badda xisbiga ee lagu soo dhaweynayay. Erdogan ayaa Mehmet waydiiyay imisa caruur ah oo uu dhalay? Isaga oo ka jawaabaya, ayuu u sheegay inuu haysto hal canug.

Kadib markii uu maqlay jawaabta, Erdogan wuxuu u sheegay xaaska Mehmet inay tahay in carruur badan la helo. Mehmet waxa uu sheegay in xaaskiisa ay dhigato PhD, ayna muhiim u tahay xirfaddeeda.

Erdogan ayaa yiri, "Waa sax laakiin sidoo kale waa muhiim in la kordhiyo tirada carruurta, waxaan rajeyneynaa inay taasi fahantay, bal eeg, xubnaha xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta waxay dhalaan 5, 10 ilaa iyo 15 caruur ah.”

Madaxweyne Erdogan laftiisu waa aabbe dhalay afar carruur ah. Mehmet Cali Celebi, oo 38 jir ah, waa xildhibaan, waxaana uu la soo shaqeeyay ciidammada. Sidoo kale waa duuliye diyaaradeed.

Hayaankiisii siyaasadeed wuxuu ahaa mid siyaasad ahaa aad isu beddela. Sannadkii 2018, waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Sannadkii 2021, waxa uu ka baxay xisbiga Jamhuuriga waxa uuna ku biiray xisbiga Waddani. Intaa ka dib, waxaa bishii February ee sannadkii hore loo doortay xildhibaan madaxbannaan.

Sannadkii 2008-dii ayaa lagu soo oogay dacwad musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay 41 bilood oo xabsi ah. Sannadkii 2014-kii ayaa lagu sii daayay xabsiga.

Muuqaal laga duubay wadasheekeysiga dhexmaray Erdogan, Mehmet iyo xaaskiisa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.

    Dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah ayaa si kulul u weeraray Erdogan waxayna ku tilmaameen hadalkiisa mid cunsurinima ah. Meral Danish Bestas, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Turkiga ee taageera Kur diyiinta, ayaa cambaareeyay hadalka Erdoan.

"Erdogan si fiican ayuu ula socdaa in xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdishka aysan dhalin carruur badan. Erdogan waxa uu u arkaa in carruur badan ay dhalaann xisbiga shaqaalaha Kurdishka fal argagixisanimo, hadalka Erdogan waa mid ka dhan ah Kurdiyiinta oo midab takoor ah.”

Xisbiga ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Axmed Davutoglu ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Erdogan.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ayaa muddo dheer dalka Turkiga ka waday dhaqdhaqaaq uu ku raadinayo xuquuqdiisa. Xukuumadda Erdogan ayaa ku til maamay Shalay xisbigan inuu yahay urur argagixiso. Axmed Dawatogalu waxa uu ka ta gay xisbiga Erdogan, waxaanu samaystay xisbi u gaar ah sanadkii 2019-kii.

"Hadaladaadu waxa ay meel ka dhac ku yih iin haweenka iyo xuquuqul insaanka, ilmo kasta oo dhasha waa muwaadin ixtiraam leh oo dal kan u dhashay, Erdogan waxa uu xitaa takoor ka abuurayaa carruurta dhexdooda,” ayuu yiri Axmed Dawatogalu. Erdogan wuxuu horay u daliishaday in Islaamka uu ogalyahay caruur badan.

Mar uu khudbad ka jeediyay Istanbul 2016, Erdoan wuxuu yiri, "Haweenka waxaa mas’u uliyad ka saaran in ay ilaaliyaan caafimaadka dadka Turkiga, waxaan u baahanahay inaan ko rdhinno tirada faracankeena, dadku waxay ka hadlaan dhimista tirada dadka iyo qorsheynta qoyska laakiin qoyska Muslimka ah ma aqbali karo taas, tani waa wixii Allah iyo Nebigeenu inoo sheegeen, dariiqanna waanu raacaynaa”. Xigasho: BBC

Trump oo wax laga weydiinayo weerarkii lagu qaaday Aqalka Baarlamaanka Mareykan ka ee dhacay 6dii Janaayo 2021

Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Don ald Trump ayaa wax laga weydiinayaa weerarkii taageerayaashiisa ay ku galeen Aqalka Baarl amaanka Dalkaas (Capitol Hill) 6dii Janaayo 2021 sida uu sheegay Guddiga loo xilsaaray dhacdadaas oo durba dalbaday la kulankiisa.

Guddigu waxa uu sheegay in Donald Trump uu doorasho u leeyahay in uu toos ugu tago & in su’aalo lagu weydiiyo muuqaalka fogaan-arag ga laga billaabo 14ka November 2022 si uu u helo caddeymo la xiriira kiiska lagu eedeeyay balse uu baraha Bulshada isaga fogeeyay.

Xaanshi Trump loo diray ayaa looga codsaday inuu caddeeyo xiriirka kala dhaxeeya Xildhib aanno katirsan Aqalka Baarlamaanka ee la weeraray, halka sidaas oo kale wax laga weydiiy ay cilaaqaadka kala dhax eeya kooxda lagu eede eyay weerarkaas.

"Waxa aan aqoonsann ahay in go’aanka yeerit aanka ee loo diray mad axweynihii hore Dalka ay tahay tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah, tallaabadaan uma aanay qa adan si fudud” Guddoomiyaha guddida Bennie Thompson & guddoomiye ku xigeenka Liz Che ney ayaa sidaas ku qoray Xaanshida loo diray Trump.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa la gu eedeeyay in uu sameeyay ficil ah "Afgambi” kaddib markii qaar kamid ah Taageerayaashiisa ay gidaarka ka boodeen si ay u galaan Aqalka Capitol Hill ee Baarlamaanka uu leeyahay.

Kiiskaan ayaa boog aan bogsan ku noqday Ma daxweynihii hore ee Mareykanka oo xitaa gaa ray heer uusan xilka ku wareejin hab maamuus madaxweyne xafiiska banneynaya, halka dho waan la galay gurigiisa oo laga soo qaaday war qado sir qaran ah.


Ceelkii uu Nebiga NNKH dalbaday in meyd kiisa lagu meyro iyo goobo kale oo taariikhi ah Masjidka Abuu Bakar Al-Siddiiq

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

In ka badan 100 goobood oo ku yaalla magaalada Madiinah oo xiriir la leh xilligii noloshii Nebi Muxamed NNKH iyo dhacdooyin kale oo muhiim u ah taariikhda Islaamka ayaa dib loo soo celin doonaa, la na horum arin doonaa, taasoo qe yb ka ah mashruucyo saddex sa no ah oo ay mas’uuliyiinta Sucuudigu ku dhawaa qe en isbuucan.

Mashruucyada ayaa socon doona illaa sanadka 2025-ka.

Mashaariicdan oo xariga looga jarayay xaflad uu daah furay guddoomiyaha gobolka Madiina Amiir Fa ysal Bin Salmaan ayaa waxaa ka mid ah dib u ha beyn lagu sameeyay goobtii uu ka dhacay dagaalka ceelka Al-Faqiir iyo Masjidka Al-Qiblatayn.

Sidoo kale waxaa la saxiixay heshiis dib u daya ctir loogu sameynayo ceelka Cuthmaan bin Caffaan iyo fagaaraha Sayed Al-Shuhada.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Horumarinta Gobolka Al-Madiina, Hay’adda Dhaqan ka Sacuudiga, iyo Barnaamijka Waaya aragnimada Xujeyda ayaa sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen in 8 Goobood oo ah Taariikhdii hore ee Islaamka ee Madiina, dib u habayn lagu sameyn doono.

Tawfiiq Al-Rabiah Wasiirka Xajka iyo Cumrada ahna Guddoomiyaha Guddiga Taariikhda Islaamka ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Gobolka Mad iina, wuxuuna sheegay in Guddi ahaan ay ku dada alayaan sidii in la ilaaliyo Hiddaha Islaamka.

Goobahaasi la dayac tiray oo muhiimka u ah taa riikhda Islaamka waxaa ka mid ah:

Masjidka Al-Ghamama

Waxa uu ku yaallaa meel u dhow Masjidka Nabi ga, waxaana dhisay Cumar bin Cabdul Casiis, wax aana salaad ciidda iyo mid roob doon ku tukaday Ne bi Muxamed(NNKH). Sidoo kale goobtaas waxaa si da Nebiga si lamid ah u isticmaalay Cuthmaan bin Caffaan.

Masjidka Abuu Bakar Al-Siddiiq

Waxaa loo dhisay qaab cajiib ah, waana goobtii labaad ee uu Nebi Muxamed ku tukaday salaadda Ciidda intii uu noolaa.

Abu Bakar Al-Siddiiq ayaa isna halkan ku tukaday sal aadda ciida, sidaas ayuuna magaca misaajidka loo gu magac daray. Waxaa masjidkan dhisay Cumar bin Cabdul Casiis.

Masjidka Cumar bin Al-Khattaab

Wuxuu ku yaalaa Al-Musallah, masaajidkan waxaa loogu magac daray Cumar bin Al-Khattab, saxaabigii labaad ee Khulaafaa Rashiduun.

Masjidka Al-Saqiya

Magaca masjidkan wuxuu ku baxay sabab la xiri irta inuu ku yaallay meel u dhow ceelka Saqiya.

XIGASHADA SAWIRKA,HARAMAIN SHARIFAIN

Masjidka Banu Anif

Waxaa markii hore laga dhi say dhagax laga helay fol kaano ka qaraxday koonfur galbeed masjid ka Al Quba. Laba mitir oo darbiyadiisa ah ayaa ka haray masjidkan ka hor inta aan la dayac tirin.

Ceelka Ghars

Ceelkan waxaa biyo ka dhaansan jiray Nebi Mu xamad NNKH. Wuxuu dalbaday in marka uu dhinto in meydkiisa lagu dhaqo biyo laga so dhaamiyay cee lkan ka hor inta aan la xabaalin.

Masjidka Al-Rayan

Waxaa dhisay mid ka mid ah asxaabta Cumar bin Cabdul Casiis, wuxuuna ka dhisay goob uu ku tu kaday Nebiga mar uu kormeerayay dhufeys ay Mus limiintaqodanayeen si ay isu difaacaan . Xigasho:bbc

Mareykanka iyo ruushka oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda ukraine.

Masuuliyiinta Difaaca ee Maraykanka iyo Ru ushka ayaa markii ugu horraysay muddo bilo ah, wa xay yeesheen wadahadalkoodii ugu horreeyey, ka dib markii ay Khadka telefoonka ku wadahadleen maalintii Jimcaha.

Ruushka ayaa dhinaciisa muujiyey inuu diyaar u yahay wada-xaajood, xilli ay ciidamada Ukraine ku sii siqayaan magaalada Koonfureed ee Kherson oo Ru ushku uu gacanta ku hayo.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa labaduba soo saa ray qoraal muujinaya qodobadii ay ka wada hadleen xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Ruushka Sergey Shoygu, iyagoo isku raacay in diiradda la saaro dagaalka Ukraine.

Sida laga xigtay qoraalka uu soo saaray Pentagon-ku, xoghaye Austin "ayaa xoogga saaray muhiimad da ay leedahay in uu furnaado xidhiidhka isgaadhsiin tu, xilli uu socdo dagaalka ka dhanka dalka Ukraine”

Qoraal ka soo baxay dhinaca aqalka Kremlin ee looga taliyo dalka Ruushka oo ka hadlayey wada-ha dalka dhex maray labada masuul ayaa lagu sheegay "inay ka wada hadleen dhibaatooyinka amniga caala miga ah, gaar ahaan xaaladda Ukraine”

Ka hor wadahadalkan Jimcihii, markii ugu damb ay say ee ay labada wasiir wada hadlaan ayaa ahayd bishii May 13-keedii, xillig aas oo xoghayaha difaaca ee Marayk anku uu ku baaqay xabbad joojin degdeg ah in laga gaadho dagaalka Ukraine.

Wadahadalkan ugu dambeeyey ee dhex maray masuuliyiinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ruushku muujiyey inuu diyaar u yahay wadahadal.

Afhayeen u hadlay dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa Jimcihii saxaafadda u sheegay in madaxweyna ha Ruushka Vladimir Putin inuu "bilawgiiba ogolaa wada-xaajoodka”.

Putin "ayaa isku dayay inuu wadahadal la bilaa bo Maraykanka iyo NATO ka hor intii aanu bilaaban hawlgalka milateri” ayuu yidhi Peskov, isaga oo daga alka Ukraine u isticmaalay luuqadda Ruushka ee ah, inuu yahay hawlgal milateri.

Sidoo kale waxaa isna rajo ka muujiyey in wada hadal uu dhaco, madaxweynaha Turkiga Recep Tay yip Erdogan, isagoo sheegay in Putin uu hadda u mu uqdo mid "aad u danaynaya wada-xaajoodka”

Saraakiisha Maraykanka iyo NATO ayaa ku celc eliyey in sida ugu dhakhsaha badan ee uu Putin ku soo afjari karo dagaalka Ukraine inay tahay in uu ciid amadiisa ka saaro Ukraine, arrintaas oo uu diiday hoggaamiyaha Ruushku.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sidoo kale shee gay in qodobada heshiis kasta oo la gaadho inay tah ay inay aqbalaan Ukraine. Masuuliyiinta dalka Ukra ine ayaa iyagu wacad ku maray inay dib u qabsan do onaan dhammaan dhulalka uu hadda ka haysto dal ka Ruushku oo ay ku jirto Crimea oo Ruushku qabs aday sannadkii 2014.

LOOLLANKA LOOGU JIRO CIDDA QABANAYSA XILKA RAYSUL WASAARAHA UK OO BILLOWDAY

Waxaa durba bilaabmay tartanka hogaanka xisbiga conservative

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Liz Truss ayaa iska cas ishay xilka raysul was aara ha UK, kaddib 45 maalin oo ay xa fiiska joogtay, isla markaana uu jahawareer siyaasa deed hareeyay. Waxaa iscasilaaddeeda ay dhalisay in doora shadii labaad ee hoggaanka xisbiga la qabto afar bil gudahood. Waxaa durba billowday loollanka ay mad axda kala duwan ee xisbiga ugu jiraan qab ashada xilka ay banneys ay.Truss ayaa sheegtay in qofka bed deli doona la doo ran doono toddobaadka soo socda.

Boris Johnson ayaa ka mid ah mudaneyaasha la sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeybgalka tartanka, balse wasiirka maaliyadda Jeremy Hunt ayaa sheeg ay in uusan damac ka hayn xilka.

Sida uu dhigayo sharciga xisbiga, cid kasta oo ay rejo ka hayso hoggaanka ayaa u baahan doona inay xaqiijiso taageerada 100 xildhibaan si ay tartanka u ga qeyb gasho - tani waxay ka dhigan tahay in ugu badnaan ay saddex murashax soo bixi karaan.

Codeynta ugu horreysa ayaa loo qaban doonaa xil dhibaannada, waxaana meesha laga saari doonaa qofka ugu codka yar, haddii ay soo baxaan saddex murashax.

Haddii loo baahdo cod-bixin labaad, xildhibaanna du waxay awood u yeelan doonaan inay farta ku fii qaan cidda ay doonayaan in ay hoggaanka xisbiga qabato.

Haddii labada murashax ay door-bidaan inay ku sii jiraan tartanka, go'aanka kama dambaysta ah wu xuu tagi doonaa xubnaha xisbiga iyada oo loo mar ayo cod online ah.

Truss waxay noqon doontaa raysul wasaarahii u gu waqtiga yaraa taariikhda Ingiriiska marka ay xilka ka degto.

Kumaa laga yaabaa inuu raysul wasaarenimada ka beddelo Liz Truss?

Ficliyan, waxay u badan tahay inay jiri doonaan labo tartame; ama xitaa mid un, kaas oo noqon kara hoggaamiyaha xiga iyadoo aanay u codeyn xubnaha baarlamaanka ee Tory.

Ilaa iyo hadda ma jiro qof xaqiijiyay inuu isu soo taa gayo xilka hase yeeshee wxaa jira murashaxiin loo badinayo inay loollamaan.

Siyaasiyiinta la hadal-hayo waxaa ku jira Rishi Sunak oo tartamay xagaagii la soo dhaafay markii uu xilka ka degay Boris Johnson. Wuxuu tartan adag la galay Truss, isagoo taageerada ugu badan ka helay xildhibaannada Conservative-ka. Sunak wuxuu 2015 noqday xildhibaan ka soo baxay deegaan-doorash ada North Yorkshire ee Richmond.

Dadka kale ayaa kala ah Penny Mordaunt oo xil dhibaanad ah, Boris Johnson oo ah raysul wasaarihii ka horreeyay Liz Truss, Ben Wallace oo sidoo kale xildhibaan ah iyo Kemi Badenoch oo ka mid ah dad ka sida la-yaabka leh dhowaan ugu tartamay hogg aanka. Marwadan oo ku dhalatay koonfurta London waxay ku soo barbaartay Mareykanka iyo Nigeria. Waxaa kale oo magacyada soo galay Suella Braver man oo ah wasiir hore.

Madaxwayne Faransiiska Emmanuel Macron

Qaabka ay madaxda caalamka uga fal-celiyeen iscasilaadda

Hoggaamiyeyaasha dalalka xulafada la ah UK ay aa uga mahadceliyay Truss wada shaqaynteeda, intii ay xilka haysay.

Madaxweyneyaasha Mareykanka Joe Biden iyo Faransiiska Emman uel Macron, ayaa sheegay in ay do onayaan in ay arkaan xasillooni siy aasadeed oo ka hirgasha Britain.

Mid ka mid ah xildhibaannada Ukr aine - Oleksiy Goncharenko - ayaa sidoo kale Truss uga mahadcel iyay taageeradeeda, isagoo sheegay in "Ukrain ay san waligeed illoobi doonin!".

Balse, dhanka Ruushka afhayeen u hadashay was aaradda arrimaha dibadda ayaa soo dhaweysay is casilaadda Truss , iyadoo sheegtay in Britain aysan waligeed soo marin waji gabax la mid ah midka ray sul wasaaraha is-casishay.

Liz Truss

Maxaa ka mid ah sababaha soo dadejiyay iscasilaaddeeda?

Tageeradeeda wasiirka maaliyadda, Kwasi Kwarteng oo soo bandhigay canshuur-dhimis gaaraysa 45 bilyan, toddobadakii saddexaad ayaa keentay qalalasaase siyaasadeed oo dhanka dhaqaalaha ah.

Waxaa loo jeediyay eedaymo dhaqaale-xumo oo culus, waxayse ku adkeysatay in tallaabadaas ay qaadday ay sax ahayd.Mar dambe ayaa tallaabadaas laga noqday, xilkana laga eryay wasiirkii maaliyadda.

Truss ayaa beddeshay raysul wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson, lixdii bishii Sebteembar.

Horay waxaa u dhacday in 119 maalin uu xilka hayay

George Canning, kaas oo xafiiska ku geeriyooday sanadkii 1827.XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip