Sawirro: Xasan Sheekh iyo SACIID DENI oo xarigga ka jaray dekedda GARACAD

0
Saturday October 22, 2022 - 14:14:59 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xasan Sheekh iyo SACIID DENI oo xarigga ka jaray dekedda GARACAD

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

 
 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo bulshada Puntland sida ay uga dhabeeyeen himiladan isku tashiga ah, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu istaageen horumarka iyo wax-wada qabsiga.

"Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sidashacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 
 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay halganka isku tashiga ah ee ka socda guud ahaan dalka oo uu ugu horreeyo midka lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo isbaarada u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Soomaaliya xasilloon oo nabad iyo barwaaqo ah ay ku imaaneyso dalka oo laga xoreeyo khawaarijta Alshabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiirri geliyey deegaannada dalka, dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku tartamaan horumarka iyo wax-wada qabsiga, isagoo tilmaamay taageerada iyo mudnaanta dowladdu ay u siineyso mashaariicda isku tashiga ah.

Munaasabadea daahfurka ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, wufuud ka kala socota dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Madaxda madasha ka hadashay ayaa intooda badan qiray inay dekeddan wax badan ka beddeli doonto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka, gaar ahaan isku xirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dekedda Garacad ayaa ah dekeddii ugu horreysay oo ay maalgashtaan ganacsato Soomaaliyeed, waxaana la dhagax dhigay sannadkii 2017-kii.

Waa dekaddii shanaad ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaana lagu maalgaliyay in ka badan 300 milyan oo dollar, ayada mashruucaan uu noqday kii ugu weynaa ee dalka laga hirgeliyo burburkii kadib.

 
 

Dekedda Garacad ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonto isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Ethoipia, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow ee xigta dhinaca Ethiopia.

Puntland ayaa sheegtay in dhismaha dekedda uusii socon doono, maadaama haatan wejigii labaad uun lasoo gabagabeeyey, kaas oo qaatay muddo 5 sanno oo xiriir ah.

 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip