HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Tuesday October 18, 2022 - 08:31:21 in Wararka by
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 18-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

R/W Xamza oo ka dagay magaalada JIGJIGA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Md. Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta is maamulka Soomaalida dalka Itoobiya, halkaas oo si diiraan loogu soo dhoweeyey.

Xamza iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay ma gaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee Madasha Tana, kaas oo loo ga hadlaya amniga Afrika.

Ra’iisul wasaaraha ay aa waxaa garoonka Wiil Waal kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin kale iyadoo kadib loo galbiyey dhan ka madaxtooyada.

Labada mas’uul ayaa wadahadallo gaar ah ku ye elan doono dhismaha xarunta ismaamulka, sida ay Inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wadahadalladan in tooda badan diiradda lagu saaray amniga, gaar aha an dagaalka Al-Shabaab oo dhowaan weeraro ka fulisay halkaasi.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu Xamza Ca bdi Barre ku tegay magaalada Jigjiga, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha xukuuma dda Soomaaliya, waxayna magaaladaan ka mid tah ay meelaha sida weyn looga soo dhoweeyey maga caabistiisii.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqonaya mas’uulkii labaad ee Soomaaliyeed oo booqda Jig jiga, waxaana uga horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh oo xil heyntiisii hore booqasho ku tegay, xill igaas oo uu madaxweyne ka ahaa DDS, Cabdi Maxa muud Cumar.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo ka qeyb ga lay Munaasabada Maalinta Beeraleyda Soomaal iyeed

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wa saare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Sooma aliya Mudane Salah Jama ayaa Shalay ka qayb ga lay munaasabadda maalinta cuntada Adduunka iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed oo ay soo qaba nqaabisay Wasaarad da Beeraha iyo War aabka XFS.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilm aamay in Soomaaliya ay leedahay in ka bad an 8 Milyan oo higtar oo diyaar u ah in wax lagu bee ro, in badan oo kalena loo diyaar garayn karo in wax lagu beero si dalkeenu uga badbaado cunto yarida Adduunka soo wajahday.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raci yay in Xukuumaddu ay si wayn ugu hawlan tahay sidii loo garab istaagi lahaa beeralayda isla markaa na looga taageeri lahaa qalabka beeraha iyo fayo dhawrka dalaga beeraha, sidoo kalana ay Dowladdu gacanta ku hayso sidii dib loogu kicin lahaa ceelashii ay dhawaan argagixisadu dumisay si beeralaydu u x oojiso wax soo saarka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda ay aa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee dhaqaa laha haysata inay maalgashadaan dhulka ballaaran ee u diyaarsan in wax lagu beerto taasoo inoo hors eedi karta in aynu ka maaranno cuntooyinka Adduun ka ka soo dhoofsano oo hada wadamada qaar yaree yeen in ay dibadda wax u dhoofiyaan si ay dadkooda uga ilaaliyaan cunto yarida Adduunka soo wajahday. Beeralayda Soomaaliyeed ayaa madasha ku soo bandhigay wax soosaarka Dalka oo uu Ra’iisul Was aare Ku Xigeenku kormeeray dalagyada kala duwan ee Dalka ka Soo baxa isagoo ku dhiirigaliyey in kor loo qaado wax soosaarka Dalka.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dal ka ayaa ku baraarujiyey bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago hawlgalada ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka oo iskaashanayaa ay ku cirib tirayaan argagixisada hor taagan horumarka Dalka, beeralaydana ka hor taagan horumarinta wax soo saarka dalka.

RW Xamse oo ku dhawaaqay in cunaqa bateyn kusoo rogi doonaan ciddii la macaamiisha Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto uru rka Al-Sabaab, isla markaana ay sameyneyso wax kasta oo dalka looga saari karo.

Ra’iisul Wasaaraha oo Wareysi ku siiyay Magaalada Addis Ababa Warb aahinta Alcarabiya TV ayaa sheegay inay cunaqabatayn ku soo rogi doon aan cid walba oo gacan saar la leh Al-Shabaab si ay uga guuleystaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Dowlad da Soomaaliya dagaallada ka socda Gobolada dalka ay guulo waaweyn ka gaartay kadib markii ciidama da dowladda & dadka degaanka ee is abaabulay de gaano badan kala wareegeen ururka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa rajo wanaa gsan ka muujiyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo do wladooda ay guulo ka keenaan howlgallada ka dhan ka ah Al-Shabaab ayna kala wareegaan degaanna da iyo degmooyinka ay kaa sugan yihiin dalka.

Warkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xuku umadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal meel walba uga furtay Al-Shabaab, isla markaana dhawaan Wasaaradda ganacsiga ay dig niin u dirtay ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gal la dalka, kuwaas oo ay sheegtay in aanay wax la xir iir la sameyn karin Al-Shabaab, siina karin wax lacag ah.

Ra’iisul Wasaare Hamse oo casho sharaf u same eyay cayaartoyda Kooxda Xul ka Qaranka ee 17 jirrada oo Dorraad ku guuleystay koobka cayaara ha Bariga iyo Bartmaha Afrika

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaal iya, Mudane Xamsa Abdi Barre ayaa Xalay casho sharaf ugu sameeyay M/Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qar anka ee 17 jirrada oo Dorraad ku guule ystay koobka cay aaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka geyn doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho. Munaasabadda cashada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda

Sidee xulka qaranka ee 17 jirada Shalay loogu soo dhoweeyey Muqdisho?

Ka dib guushii taariikhi aheyd ee ay xulka qaranka ee 17 jirada kasoo gaareen ciyaaraha Bariga iyo Bar tamaha Afrika ee CECAFA ayaa Shalay lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqd isho ee caasimada Soomaaliya.

Mas ’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal shacab ah ayaa safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta koo xda ciyaartoyda ee soo qaaday koobka CECAFA, ka dib markii ay guul weyn ka gaareen xulka qaranka South Sudan oo ay ciyaartii ugu dambeysay uga badiyeen 3-1. Ciyaartoyda iyo macallinkooda oo farxad weyn ay ka muuqatay, isla-markaana waday koobka ayaa ka soo dagay garoonka, waxayna koobka ku wareej iyeen guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Madaale oo ku sugnaa garoonka Aadan Cadde.

Intaas kadib ayaa kooxda xulka qaranka ee 17 jirada loo soo galbiyey gudaha magaalada Muqdisho oo haatan laga dareemayo dabaal-deg weyn iyo soo dhoweyn ballaaran.

Dhinaca kale ammaanka ayaa aad loo adkeey ey, ayada oo inta badan la xiray jidadka magaalada Muqdisho, si looga hortego suurta-galnimada falal ammaan darri oo dhaca.

Guushan ayaa Soomaaliya uga dhigan mid aad u weyn oo qiimo badan, maadaama markii ugu horre ysay ay ku guuleystay koobka kubadda cagta ee Bar iga iyo Bartamaha Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo bilad sharafyo guddoonsiiyay Xulka 17 jirada Qaranka ee kusoo guuleystay Koobka CECAFA

Iyadoo Shalay dalka ay dib ugu soo laabteen Xulka 17 jirada Qaranka Soomaaliya oo dhawaan kuso guuleystay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa isla Shalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, isagoona ku ammaanay Xulka 17 jirada inay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhalinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Munaaaabada uu Madaxweyne Xasan Sheekh u sameeyay Ciyaartooyda Shalay Muqdisho kala soo dagay Koobka Bariga iyo bartamaha Afrika waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa hadiyado iyo bilad sharafyo waxaa lagu guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahanada xulka 17 jirada ee guusha taariiqiga ah u soo hoyey dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadin iyo dhiirri gelin ah u jeediyey dhalinyarada Ciyaartoyda ah, islamarkaana uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaalanto Alshabaab gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

"Dhallinyarada 17-jirka ah ee Shalay magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furima ha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud

Gabagabadii masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Ca gta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Cabdullaahi Sheekh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen Xulka 17 jirada Qaranka Soomaaliya, isagoona uga mahad celiyey madaxweynaha hab maamuuska iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey bahda

ciyaaraha dalka Soomaaliya.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Booqday Safradda Soomaaliya Ee Dalka Belgium

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku su gan dalka Bel gium-ka ayaa Shalay waxaa uu booq day Safaarada Soomaali yeed ee Brussels, waxaana ku soo dhaweeyay Amb. Yuunis Yasiin Xaashi, oo ah Dan jiraha Benelux iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u kor meeray xafiisyada iyo dhismaha sa faarada isagoona wa rbxin ka dhag eystay safiirka iyo howlwadeennada safaarada, wax aana uu boggaadiyay shaqada baa xada leh ay u hay aan qaranka iyo guud ahaan mu waadiniinta Soom aaliyeed ee ku nool dalkan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa booqday hoyga safiirka oo ay leedahay safaarada kaas oo uu ka mu uqdo burbur iyo dayac xoog leh, safiirka ayaana she egay in dhawaan lagu bilaabi doono dayactir balarn

Madaxweynaha Puntland oo looga digay in uu muddo kororsi sameysto

Qaar kamid ah musharraxiintii xilka madaxweyna ha Puntland u tartamay doorashadii 2019, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu damacsan yahay muddo kororsi labo sano ah.

Musharraxiintan oo ay kamid yihiin Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbara shada Puntland iyo Faarax Cali Shire, wasiirkii maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in qorshaha Deni uu yahay in saddexda ur ur siyaasadeed ee kusoo baxa doorashada gola yaasha deegaanka ay muddo kordhin u sameeyaan.

Raggayagii madaxweynaha la kulmay, waxaanu kula talinay inuu caddeeyo inuusan muddo kororsi u socon. Barnaamijkaasna uu daacad ka yahay. Laa kiin sida hadda soo baxaysa waxaa weeye, dowla ddu inay faras kale saaran tahay, aysanna doonayn in la wada guuro,” ayuu yidhi siyaasi Cali Xaaji War same.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire ayaa isna sheegay inuu madaxweyne Deni tolonayo shaati ka weyn, oo uu ula jeedo do orasho waqtigeeda la dayacay inuu iskudayo inuu hadda qabto.

Faarax Cali Shire wuxuu sheegay arrintaas inay Puntland u horseedayso dagaal Puntland gudahee da ka qarxa oo uu masuul ka ahaan doono madaxw eyne Deni.

Hadalka siyaasiyiinta Puntland ayaa kusoo aad ay maalin kadib markii deegaanno katirsan gobolka Nugaal lagu gubay warqado wacyi galinta diiwaan galinta ah oo la doonayay in la geeyo gobolada

Madaxweynaha Puntland oo casuumaad u fidiy ay Xulka 17-jirrada Somaliya ee ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casumaad u fidiyey Xulka Qaranka Soo maaliya ee 17-jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Xulka 17 jirrada Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan October ku guulaystay ko obankan, kadib markii ay 3-1 uga adkaadeen xulka 17 jirrada ee dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in casuumaa da gaarka ah uu dhabarka u ridinayo urur siyaas adeedka KAAH ee uu guddoomiyaha ka yahay, kaas oo Habeen hore xaflad weyn ku qabsaday Garowe.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen xulka qaranka, isagoo sheegay in taari ikhda ay galeen dhammaan dadkii ka qeyb qaatay guusha ay gaareen ciyaartoyda Soomaaliyeed.

"Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa, magaca Ururka KAAH ayaa dhalinyarada 17-jirrada ah ku ca suumay Puntland si ay ugu dabbaal-degaan, khara shaadka ku baxayana ururka ayaa bixin doona”, ayuu yidhi madaxweyne Siciid Deni. Si kastaba ha ahaatee, xulka 17 jirrada Soomaaliya oo wata koob kii ay kusoo qaadeen magaalada Addis Ababa ayaa Shalay kasoo dagaya magaalada Muqdisho, hal kaas oo soo dhowayn ballaaran loogusii diyaariyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga XFS oo daah furay mu naasabad lagu soo bandhig ayay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga, Md.Abshir Cumar Jaamac, ayaa Shalay da ah furay munaasabad lagu soo bandhigayay Siyaa sadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed, si loo helo qorshe guud oo isku xira dowladda iyo muwaadi niinta Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha.

Siyaasaddan oo dejinteeda lagu howlanaa mu ddo dheer oo soo martay heerar kala duwan ayaa la gu talo jiraa in la horgeeyo golayaasha ay khusayso si loo ansixiyo.

wiil Dhalinyaro ah oo ay Ciyaal weero kudileen Muqdisho

Kooxo la sheegay inay ahaayeen Ciyaal weero ayaa Habeen hore waxaa ay degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir kudileen wiil dhallinyara ah, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabijiray Ciise She ekh Ibraahim ayaa dilkiisa ay Ciyaal weerada u adeegsadeen Toorey xilli uu marayay inta u dhexeysa Dabaqeenka iyo Suuq liif ee degmada Dharkeenl eey.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ehelkiisa ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da geeyay meydka Wiilka yar ee toireeyda lagu dil ay.

Waalidiinta Marxuum Ciise Sheekh ayaa dalba day in Cadaalad loo helo dilka Wiilkooda, iyaga oo sheegay in Ciyaal weero ay dhibaato kuhayaan Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan dadka kun ool degmada Dharkeenleey.

Yuusuf Dabageed oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada xoreynta degmada Ceelbuur

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale ay aa Shalay kulan la yeeshay xilibaanada iyo saraa kiisha Hogaamineysa ciidanka xoreynta degmadda Ceel buur iyo deeganada hoos yimaada.

Taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidanka ku boggaadiyay ka go’naashahoo da xoreynta deegaanadooda, isaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah howlgal ka u bilaabaan.

Xilibaan Jacfar oo ka mid ah Golaha Shacabka ay aa isna dhankiisa sheegay in ciidamda xoreynta degmadda ceel buur iyo deeg aanada hoos yimaada ay yihiin kuwa u caaboon in dhulkooda ay ka Bixiyaan cadowga .

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa balan qaad ay in ay taageero dhinac walba ah uu maamulka siin doono ciidamada cusub ee dhawaan ku soo biiray howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhi ga & Taliyaha Ciidanka Xooga oo ka wada hadlay howlgallada ka socda KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaa shandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odo waa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo u jooga.

Madaxweyne Laftagareen, Wa siirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka ayaa ka wada had lay xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Wasiirka iyo Taliyaha uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa.

Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa inta ku sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed waxaa ay kormeeri doonaan xerooyinka Ciidamada, iyaga oo saraaki isha Ciidamada kala hadli doona u diyaar garoowga howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saddex gobol oo si wadajir ah looga billaabayo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab

Waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug uu ka furmo shir ay leeyihiin Beelaha disay maamulka Galmudug, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirka waxaa ka qeyb galaya siyaas iyiin, mas’uuliyiin, sarakiil iyo qey baha bulshada ee Galmudug, waxaa na dhowaan gaaray Dhuusamareeb xubno ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyn eyaashii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybd iid) iyo sidoo kale sanataro iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Galmudug ayaa dhowaanahan waxaa hakaday dagaalkii ka socday Gobolka Galgaduud, waxaana mar kale la filayaa in shirka go’aan looga gaaro sidii Galmudug loog xoreyn lahaa Degaanada Galmudug oo 11 qabiil ay degaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu filayo bish aan October gudaheeda inay dagaallada Al-Shaba ab ka wada bilowdaan Galgaduud, Mudug iyo Shabe ellaha Dhexe.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa howlgalladu ka bilowdeen, iyadoo ay ciidamada dowladda la war eegeen degaanka Xawaadley iyo degaano kale oo ka tirsan degmada Balcad, balse waxaa maalmaha soo socda la filaya inuu furmo aagga Cadalle oo cii damada laba jiho uga wajahan yihiin degmada Aad an Yabaal oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ku leedahay Shabeellaha Dhexe.

Waxaa kaloo howlgal cusub ka bilowday aagga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada dowladda ay halkaasi ka wadaan diyaar garow dagaal iyo howgallo bilow ah.

Dagaallada Al-Shabaab looga furay gobolladan ayaa culeyska ku kordhin doona kooxda Al-Shabaab oo awooddeeda isugu gaysay gobolka Hiiraan oo da gaallo qaraar ay ka socdaan muddo 7baadyo ah.

Maamulka degmada Wadajir oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka G/Banaadir ayaa waxaa xalay uu ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhash ay khasa aro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Radiori saala u sheegay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay Goob ay ku sugna ayeen dad u badan Dhalinyaro , kuwaas oo dhima sho iyo dhaawac ku noqday qar axa.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ay aa Risaala u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Wuxuu sheegay in dadka Shacabka ah, iyaga oo aan waxba galabsan dhibaato loo geystay, isaga oo ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga. Qaraxan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay amniga M/Muqdisho uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana laamaha Amm aanka ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.

WAR KALE OO FARXAD LEH OO KU SAABSAN CIYAARTOYDA KOOBKA U QAADDAY SOOMAALIYA CIYAARTOYDA QARANKA SOOMAALIYA

Maalin kale oo wadatay dareen farxadeed ayey u ahayd ciyaartoyda kooxda xulka qaranka Sooma aliya ee ay da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ka dib markii uu madaxtooyada ku qaabilsay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeynayay guushii taariikhiga ahayd ee ay koobka kusoo

hanteen. Laakiin farxaddu intaas kuma eka.

Soo dhaweyn xamaasad leh ayey heleen dhallinyar adan markii ay Shalay kasoo dageen garoonka Aden Cadde, waxaana isugu soo baxay boqollaal qof oo ay ku jiraan waalidiintooda qaar.

laga billaabo albaabka garoonka diyaaradaha ilaa ay ka gaarayeen dhism aha madaxtooya da, wa xaa wad dooyinka u taa gnaa dadweyne u ruxay ay calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ciyaartoyda mid mid u gud do onsiiyay billado ayaa sheegay in ay sameeyeen ficil taariikhi ah.

"Shalay runtii waa maalin weyn. Baryahaan da gaal baan ku jirnay, dadaal baan ku jirnay, halgan baa lagu jiray, [tanina halgabka ayey qeyb ka tahay], Soomaaliya iney xorowdo, iney magac dheer yeel ato, iney Meesha ay xaqa u leedahay oo ay beesha caalamka ay kaga jirto adduunyada ay kusoo noqoto oo ay mar kale istaagto.

"Shaqada dhallinyaradan ay soo qabteen, oo mag aca Soomaaliya ay kusoo qabteen, oo magaca qara nnimo ay kusoo qabteen waxay ka mid tahay soo cel intaas Soomaaliya lagu soo celinaayo iney dib u ista agto Meesha ay caalamka xaqa ugu lahayd,” ayuu yiri madaxweynaha oo dhiirrigelin weyn u sa meynayay ciyaart oy da da’da yar.

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya

Cabdi Xaafid Maxamed, oo noqday ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka ayaa si gaar ah u sheegay in ay far xad weyn ku daree meen soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

"Annagoo koobka soo qaadnay oo faraxsan waxaa farxad kale noo ah inaan madaxweynaha la kul an nay.

Waxaa kale oo aan aad ugu faraxsan nah ay in aan Shalay imaannay Madaxtooyada,” ayuu yiri isa goo la hadlayay BBC-da oo dareenkiisa ay hareyne ysay farxadda ku ku lan tay.

Intii uu tartanka socd ay waxaa kale oo si weyn loo bartay Gool-hayaha xulka qaranka dhalliny ara da, Cadiqaadir Cali Marshaale, oo noqd ay Gool-hayihii ugu ficnaa ee tartanka CECAFA U-17.

Gool hayaha xulka qaranka oo billad ka guddoo may madaxweyne Xasan Sheekh Ilaa hadda ciyaar toyda iyo macallinkoodaba tallaabo kasta oo ay qaa daan waxay ahayd mid soo jiidasho leh.

MUXUU YAHAY WARKA KALE EE FARXADDA LEH?

Dad badan waxaa ku taagan su’aal ku saabsan waxa xiga ee ay sameyn doonaan ciyaartoydan iyo halka ay kala aadi doonaan maadaama uu soo dha mmaaday tartankii ay ku hanteen qalbiyada Soom aalida. Jawaabta isla su’aashaas ayaa Shalay mar

kii ugu horreysay soo ifbaxday, waana mid dad bad an ay u arki karaan "war farxad leh”.

Dhowr arrimood oo horumar ah ayey ku tallaabs adeen.Tartan kii hore ka weyn

Arrinta ugu muhiimsan waa in xulka qaranka Soo maaliya ee koobka qaaday uu fursad u helay in uu ka qeyb galo tartan calami ah oo dhici doona bisha April ee sanadka soo socda. Waxay booskaas hele en markii iyaga iyo xulka Suudaanta koonfureed ay isugu soo hareen ciyaartii kama dambeysta ahayd, labada kooxdoodna tartankaas ayey aadi doonaan.

Xulka qaranka Soomaaliya

Waxa ay xirfaddooda la tegi doonaan ciyaaraha isreeb-reebka Qaramada Afrika ee dhallinyarada da’doodu ka hooseyso 17-ka sano. Tartankaas oo ah mid aad u weyn waxaa ka qeyb geli doona ilaa 12 kooxood, waxaana lagu martigelin doonaa waddan ka Algeria.

Macallinka xulka qaranka, Nuur Amiin ayaa she egay in tanina ay tahay taariikh kale oo weyn.

"Waxaa kale oo hambalyo ah taariikh kale oo labaad oo tartan CECAFA ah oo loogu gudbaayo CAF ay aan u soo baxnay inta aannaan ciyaarin kulankii ka ma dambeysta ahaa. Kaasna waa mid ka mid ah taariikhaha aysan [Soomaaliya weli gaarin ooh adda aan ku tallaabsannay],” ayu uku yiri wareysi uu siiy ay BBC-da.

Daryeel iyo tababarro joogto ah

Inta laga gaarayo waqtiga ay billaabanayaan ciy aarahaas loo ballansan yahay bisha April, kooxda qa ranka Soomaaliya ee 17 jirka ka yar lama kala diri doono. Wey isla joogi doonaan waxxa ayna heli doo naan daryeel iyo tababarro gaar ah.

Waxaa kale oo loo ballan qaaday in muddadaas gudaheeda ay fursado u heli doonaan iney kulamo saaxiibtinnimo ah lasoo ciyaaraan xulalka waddama da kale oo ay dibadda u aadi doonaan.

Xafladda soo dhaweynta xulka qaranka

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Xiriirka Ku bbadda Cagta ee Soomaaliya, Cali Shiino ayaa xaq iijiyay qorsheyaasha ay u hayaan dhallinyaradan guusha u soo hoyisay qaranka.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu yiri: "Dhallinyar adan waxay soo hoyiyeen guul taariikhi ah. Waxaa noo qorsheysan tababarradii iyo qorsheyaashii loogu diyaar garoobayay arrintaas [tartanka kale ee ay u gudbeen] inaan billowno.

"Toban maalin kaddib markii ay fasaxa kasoo no qdaan ayey howshooda billaabaneysaa. Nimankan hal maalin lama kala dirayo, wey isla joogayaan, tab abar qorsheysan ayey qaadanayaan, waxaan mada xweynaha ka wada hadalnay in ay sameeyaan ciyaaro saaxiibtinnimo,” ayuu yiri.

Kooxda Suudaanta Koonfureed oo la keenayo Muqdisho Waxa uu sidoo kale Cali Shiino sheegay in kulan kale ay yeelan doonaan Soomaaliya iyo Su udaanta Koonfureed oo ah kooxdii laga qaaday koo bka.

"Shalay waxaan madaxweynaha isla go’aamin nay inaan dalka keenno kooxda Suudaanta Koonfur eed oo kulan saaxiibtinnimo nagula ciyaaraan garo onka Stadium Mogadishu, ciyaar kale oo saaxiibtinn imo ahna waxaan rajeyneynaa in ay dibadda kusoo ciyaaraan,” ayuu yiri.

Waxa aan ka war sugna ba waa tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan kooxda taagee rada badan ka heshay Soomaalida ku kala nool dun ida daafaheeda.XIGASHO:-BBC

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayid ka Dowl adda oo tababar u soo xiray Agaasimyaa sha Guud ee Wasaaradaha dowladda

Tababarkaan oo ay ka soo wada qeyb-galeen Gu ddoomiyeyaasha Guddiyada Shaqaalaha Maamul Goboleedyada iyo Gob olka Banaadir, Agaasi mayaasha Guud ee Wa saarad aha Dowlad da Federaal ka Soomaaliya iyo khub arro waayo ar agnimo u leh arri maha Maamulka Shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaal aha Rayidka Dowladda ayaa soo Xiray Tababarkan ku saabsan Xeernidaami yaasha Maamulka Shaq aalaha.

Tababarkaan inta uu socday waxa laga dooday 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Bihi Iman Egeh .

Agaasimayaasha Guud ayaa aragti wadaag iyo dood dheer ka yeeshay sidii loo dhaqan geli lahaa kuwaas wax weyn ka taraya hufnaanta iyo isla xisaabtanka Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan oo socday muddo laba cesho ayay Agaasimayaasha Guud, Guddiyada Shaqaalaha iyo Khubarrada Shaqaalaha uga hadlayn dhaqangelinto oda maaddaama ay yihiin masuulintii ugu sarreysay Maamulka Shaqaalaha Rayidka

Guddoomiyihii hore ee degmada BARAAWE oo xabsiga laga sii daayey

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadaallo dheer, kadib lagu guuleystay in Shalay xabsiga laga sii daayo gud doomiyihii hore ee maamulka degmada Baraa we, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo haatan ah xil dhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi, ka as oo Jimcihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ee Booliska ay xireen, kadib xiisad ka dhacday hal kaasi.

Shafaana ayaa waxaa loo xiray shaq aaqo 14-kii bishan ka dhacday degma da Baraawe, taas oo u dhexeysay isaga & xildhib aan kale oo lagu magacaabo Deeq Cumar Saalax (Insa ani).

Odayaasha dhaqanka, sara akiisha hay ’adaha amn iga degmada iyo xeer ilaaliyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleystay in mas’ uulkan la soo daayo, ayada oo kadib kulan ka dhac ay magaalada Baraawe lagu heshiisiiyey lab ada xildhibaan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe Cum ar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo intaas kadib raali-gelin siiyey xildhibaan Deeq Insaani oo ay kuwa jira an golaha deegaanka.

"Odayaasha dhaqanka degmada iyo mas’uuliyiin tii isku howlay shaqaaqadii maalin dhoweyd dhacday runtii ee xalkeeda odayaasha ka gaareen. Walaalkey Deeq kista yar ee maalmahaan na dhex martay cafis iyo ma saamax waxba uma heysto,” ayuu yiri Cu mar.

Dhankiisa Xildhibaan Deeq Cumar Saalax (Insa ani) ayaa cafis weydiistay guddoomiyihii hore ee Bar aawe, wuxuuna tilmaamay in xiisaddii taagneyd ay halkaas kusoo dhammaatay.

"Wixii way dhammaadeen Nabadoonada way ku mahadsan yihiin, mas’uuliyad culus ayey qaadeen arrintaasna hadda way dhammaatay aniga iyo wal aalkey wax aan isku qabno ma lahan, aniga xageyga cafis waayey” ayuu yiri Mudane Deeq Cumar Saalax (Deeq Insaani). Baraawe ayaa waxaa inta badan ka dhaca shaqa aqooyin soo laa laabta oo u dhexeeyo mas’uuliyiinta maamulka, kuwaas oo saameyn ku

yeeshay amniga guud ee magaaladaasi.

Xisbiga Waddani oo ka hadlay xaalada xumada Somaliland

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ay aa sheegay in xaalada xumada Dangi ee ku dhu fatay shacabka Somaliland ay meel xun marayso, isla markaana xukuumadu ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dayr iyay xaalada xumada, waxa uu sheegay in isbitaa ladii buux dhaafeen isla markaana dawooyinku qaaliyihiin.

"Waxad soo tabinayseen in isbitaalkii oo buuxsamay, waxad soo tabinayseen in qolka xaalada deg dega ah hortiisa in ay dadkii jiifaan, waa xaalad xanuun badan ... isbi taalka marka lagu geeyo kaanooluhu waa lacag, irb ada farmasiga aad kasoo iib sanaysa waa lacag" ayuu yidhi Batuun.

Waxa uu sheegay in hooyada ama aabaha dan yarta ah ee ay xumadu soo ridataa, aanu awoodi ka rin in uu iska bixiyo kharashka faraha badan, ee ku baxaya dawayntiisa, wuxuuna xukuumada ku eedee yay in ay ku guuldaraysatay in ay damaanad qaado caafimaadka danyarta.

Waxa kale oo uu sheegay in marka xaaladan oo kale timaado ay ahayd in xukuumadu samayso koox gaar ah oo ka howlgasha wax ka qabashada xum ada, in xaalad deg deg ah lagu dhawaaqo iyo in dun ida baaq caawimo loo diro.

Batuun ayaa sheegay in dadka xumada u dhima nayaa ay aad u badanyihiin oo xataa ay qoyskiisa saamaysay "Waxa muuqata in dadka u dhimanayaa ay tirro beel yihiin, aniga waad i arkayseenoo inankii aan adeerka u ahaa, xumada ayuu daraad u dhin tay".

Xumada Dangi oo ay faafiso nooc kaneecada ka mid ah, ayaa Somaliland si ba'an uga dilaacday xili roobaadkan, iyadoo qoyaanka dhirta iyo ceelasha biyaha ee buuxaa ay sabab u noqdeen in kaneeco tirro beel ahi dhalato.

Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa weerartay mid ka mid Dukaamada Soomaalida ay ku leeyihiin Ma gaalada Pretoria ee dalkaasi koonfur Afrika, iyaga oo u geystay bo ob xoogan, sida ay xaqiiijiyeen dad ku sugann halkaas.

Kooxaha Burcada ah oo gaar ay ay ilaa Saddex ayaa ku hubeys naa Bustoolado, wax aana ka hor boob ka la sheegay inay rasaas ku fureen dadkii ku sug naa Goobaha Ganacsi balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Pret oria ee dalka koonfur Afrika ayaa sheegay in ay maq layeen dhawaqa rasaasta lagu riday Goobaha gana csi oo ay ka Shaqeeynayeen dhalinyarada Soomaali da ah, basle aysan jirin cid u gurmatay.

Waxaa uu sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay inta badan qaateen Agabkii iyo lacag taallay Goo baha Ganacsi, halka Goobaha qaar ay urburiyeen agabkii yaallay, balse aysan jirin wax khasaaro nafe ed ah oo ka dhashay weerarakaas.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay Soomaalida soo wajahday cabsi xoogan maadaama maalmihii la soo dhaafay ay kordheyn weerarada uga imaanaya Kooxaha burcadda a ee u dhashay dalkaasi koonfur Afrika.

Muddo todobaad gudahood ah ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay Saddex Dhalinyaro Soomaali ah halka kuwo kale la dhaawacay, waxaana sidoo kale la boobay Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Soomaalid, iyada oo aysan jirin laamaha Amniga dalkaasi Koonfur Afrika wax ay ka qabteen dhibaatadaas.

Madaxweynaha Tanzania oo haweenka kula talisay inay yareeyaan dhalmada badan

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa walaac ka muujisay tirada carruurta faraha badan ee ku dhalaneyso dalkaas.

Waxay haweenka ka codsatay inay qa ataan dawooyinka kala fogeeyay carr uurta.

Waa tallaabo kasoo horjeedo go’aan kii madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli oo shacabka ku dhiirigeliyay in aysan adeegsan dawooyinka kala fogeeya carruurta si ay ilmo badan u dhalaan haweenka dalkaas.

Madaxweyne Samia oo dhawaan booqasho ku joogtay gobolka galbeedka dhaca ee Geita ayaa tiri, "Shaley waxaa la ii sheegay in xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Buselesele ay ku dhasheen 1,000 carruur ah muddo bil gudahood”.

"Bal kawaran adeega caafimaad ay u baahan yihiin carruurtan, saddex sano kadib- meeqaa fasal ayaa carruurta qaabili doonaa? Meeqa tan oo cunto ah ayay u baahnaan doonaan carruurtan? Waa in aan dhalmada yareynaa”.

Sacuudiga oo beeniyey eedo la xiriira Ruushka oo loo jeediyey

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wax lala yaabo ku tilShalayy eedo loo soo jeediyay oo she egaya in Riyadh ay taageertay duull aanka uu Ruushka ku qaaday Ukr aine.

Jawaabta Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Mareykanka iyo dalalka Re er Galbeedka ay ka caroodeen in dalalka OPEC oo Sacuudiga ay xubin ka tahay ay dhimeen wax soo-saarka saliidda, taasi oo loo arkay inay caawineyso Ruushka.

Turkiga iyo Giriiga oo isku eedeeyey 92 muha ajiriin ah oo la qaawiyey laguna xadgudba

Saraakiisha Turkiga ayaa Axaddii ka jawaabay eedaymo uga yimi dalka Giriiga oo ku saabsanaa, in dalka Turkigu uu si Khasab ah ugu diray dalka Girii ga illaa 92 tahriibe oo qaaqaawan isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo jidheed, hase ahaatee masuuliyiinta Turkiga ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay b

een abuur, iyaga oo ku eedeeyey dalka Giriigu inuu si xun ula dhaqmay muha ajiriinta.

Agaasimaha isgaadhsiinta ee xafiiska madaxweyna ha turkiga Fahrettin Altun ayaa sheegay in wasiirka socdaalka ee Giriigu Notis Mitarachi uu ku faafiyey bartiisa Twitterka, war been abuur ah, isaga oo ist icmaalay muuqaalka muhaajiriin qaaqaawan, ka dib na ku eedeeyey dalka Turkiga.

Fahrettin Altun ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal ku qoran Turkish, English iyo Greek, isaga oo sheegay in qoraalkaas looga dan lahaa in dalkiisa la tuhmo, taas bedelkeeda wuxuu Athens ugu baaqay inay ka waantowdo sida xun ee ay ula dhaqanto qax ootiga.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sawirkani uu muujinayo naxariis darrada Giriiga. "Waqtigaaga ku bixi inaad u hoggaansanto xuq uuqda aadanaha, ha ku bixin wax-is-daba-marin iyo daacad-darro!” ayuu yidhi.

Booliiska Giriiga ayaa Sabtidii sheegay in ciidama doodu ay Jimcihii soo heleen muhaajiriintan oo qaa qaawan, iyaga oo qaarkood ay qabeen dhaawacyo loo geystay. Waxayna sheegeen in muhaajiriintani ay dalkooda ku soo galeen doonyo caag ah, kana soo gudbeen biyaha u dhexeeya labada dal.

Giriiga iyo Turkiga ayaa xidhiidhkoodu aad u xun yahay, waxayna isku maandhaafsan yihiin arrimo badan.AP

AMIIR SACUUDIYAAN AH OO JIHAAD UGU HANJABAY DALALKA REER GALBEEDKA

Amiir la ilmo-adeer ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad rabshado leh oo ka dhan ah Reer Galbeedka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dhinac.

Farriin muuqaal ah oo ku socota Reer Galbeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada, ayuu Amiir Sacuud al-Shaalan ku yiri "Qof ka sta oo caqabad ku noqda jiritaanka bo qortooyada, waxaan dhammaan diyaar ugu nahay jihaad iyo shahiidnimo.” Wuxuu ku hadla yey luuqadaha English-ka iyo Faransiiska.Sacuud al-Shaalan waa hoggaamiye qabaa’il oo uu awoowe u ahaa Boqor Cabdulcasiis, aas-aasihii Sacuudiga.

Hanjabaaddiisa ayaa timid ayada oo xiriirka Sacuud iga iyo Mareykanka uu aad u xun yahay, kadib mar kii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ay dhimeen wax soo-saarka shidaalka xilli ay tallaabadaas aad uga soo horjeeday Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u safray boqortooyada bishii July inkasta oo uu horey u balla-qaaday inuu Sacuudiga ka dhigi doono go’doon kadib dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji.

Maamulka Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Sacuudiga ay kordhin doonaan wax soo-saarka, bal se OPEC+ ayaa toddobaadkii tegay go’aamiyey in wax soo-saarka la dhimo 2 milyan oo barmiil maalin kii, taasi oo sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka caalamka.

Washington ayaa si caro leh uga falcelisay go’aan ka, ayada oo ku eedeysay Sacuudiga inay Ruushka ka caawinayaan inay ka khafiifiyaan cadaadiska cun aqabateynaha ay Reer Galbeedka saareen kadib duulaankii Ukraine.

Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay inuu Congr ess-ka kala shaqeynayo dib u qiimeyn lagu sameeyo xiriirka Riyadh. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa soo jeediyey tallaabooyin dhowr ah, oo ay ku jir aan hakinta hubka laga iibiyo Sacuudiga iyo in dac wad ka dhan ah OPEC+ laga furo Mareykanka.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheeg ay in xubno ka mid ah OPEC+ ay u sheegeen inay ka soo horjeedeen go’aanka lagu dhimay wax soo-saarka balse ay qasbeen Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hadda isku dayaya inay yareey aan waxyeellada hanjabaadda al-Shaalan, waxaana xubno ku dhow boqortooyada ay sheegeen inuu ya hay amiir aan saameyn laheyn, islamarkaana aan wax xil oo rasmi ah hayn.

Diyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasi mad da Ukraine

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasim adda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqey maha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca "kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

"Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la tali yaha madaxweynaha Ukraine.Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bar tamaha Kyiv ay qaraxyada buburiy een.Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku gara acay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.Vitalii Klitschko wu xuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wu xuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha bad an ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaa llo ku garaaceen xarun shidaal halka mid kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.

Baarlamaanka Sweden oo si rasmi uxaqiijiyey in ULF Kristersson oo ka tirsan xisbiga Moderate Party in ay noqotay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

Baarlamaanka Sweden ayaa si rasmi uxaqiijiyey in ULF Kristersson oo ka tirsan xisbiga Moderate Par ty in ay noqotay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dal kaas.

Kristersson ayaa wax ku xukumi do onta dowlad wadaag ah oo ay la jiraan labo xisbi oo yar yar oo ka tirsn asxaab ta garabka midi goo ay taageerayaan xisbiga midigta fog.

Waxaa Ra’iisul wasaaraha cusub u codeeyey 170 xildhibaansaddex xildhibaana waa diideen.

Xisbiga Sweden Democrats ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadii dhacday bishii hore .

Hogaamiyaha Xisbig Jimmie Åkesson, ayaa sheeg ay in uu jeclaan lahaa in uu qeyb ka noqdoheshiis wadaag ah laakiin siyaasadaha dowladda ayu muh iimsan yihiin

Wararkii ugu dambeeyey kacdoonka ka socda dalka IRAN & tirada dhimashada

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mudaharaadada ka socda dalka Iran ee looga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi ay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan caruur.

Mudaharaadadan ayaa dalka Iran ka qarxay ka dib markii ay xabsiga ku dhimatay Mahsa Amini oo 22 jir ahayd. Mahsa, waxaa xiray ciidamada anshaxa ee Iran, iyaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudubtay ha nnaanka lebiska ee laga ogol yahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 233 qof oo ka mid ah muda haraadayaasha tan iyo bishii September 17-keedii oo ahayd xilligii ay bilaabmeen mudaharaadada ka socda dalkaas.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA ayaa shee gtay in 32 qof oo ka mida dadka dhintay ay da’doodu ka hoosayso 18 jir.

Mudaharaadadan ayaa si joogto ah u socda tod dobaadkii shanaad, kuwaas oo ka dhacaya qaybo ka la duwan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.

Shacabka mudaharaadaya ee ku sugan magaala da Ardabil ee ku taalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaasi ayaa ku isticmaalaya hal ku dhegyo ay ka mid yihiin "ha dhoco keligi taliska.”

Barxadda jaamacado ku yaalla Kermanshah, Ra st iyo Tehran, ayaa iyagana laga soo sheegayaa in ardaydu ay ka qaybqaadanayaan isu-soobaxyada, si da ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada.

Magaalada Sanandaj oo xuddun u ah mudahara adada ka socda gobolka Kurdiy iinta ayaa hablo wax ka barta dugsiyada magaaladaasi, waxay isticmaala yeen hal ku dhegyo ay ka mid yihiin "haweenka, nolosha iyo xorriyadda”. AP


MAREYKANKA OO SHAACIYEY SHABAKADAHA LACAGTA IYO HUBKA U QAABILSAN AL-SHABAAB (AQRISO MAGACAYDA)


Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa shalay shaacisay shabakadda fudud eynta dhaqaalaha iyo hubka ee kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo door hoggaami need k

u dhex leh Al-Shabaab, islamarkaana qaabilsan xiriirka kooxda iyo shirka daha Soomaaliya ee lacagta baadda ah laga qaado.

Shabakaddan, oo xayiraad lagu soo rogay ayaa sida ay Waaxdu sheegtay ku hawlan soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee kooxda Al-Shabaab.

Marka laga soo tago inay hoggaamiyeyaal ka yihin Al-Shabaab, fududeeyaya ashan ayaa sidoo kale xiriir toos ah la lahaa saraakiisha Al-Shabaab ee horey Mareykanku ugu daray liiska argagixisada.

"Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika,” ay uu yiri Brian Nelson oo ah kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee dha nka argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda.

"Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale ururinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida.”

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-gelisay dadaalla da al-Qaacida ee caalamka oo idil, oo ay ku jirto inay lacag u qeybiso kooxaha kale ee al-Qaacida xiriirka la leh.

Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan, sida baadda ganac satada iyo shaqsiyaada, canshuurta la saaro badeecadaha iyo fududeynta ganac siyada sharci-darrada ah

"Dakhliga kooxda ayaa taageeray awoodda kooxda, hoggaanka iyo weerara da ka dhanka ah shacabka Soomaaliya,” ayey tiri Waaxda.

"Al-Shabaab waxay horey u qorsheysay inay kala qeybsanaan ka dhex abuur to dowladda federaalka iyo xoogagga mucaaradka Muqdisho, si ay dib ugu dhig to doorashooyinka federaalka.”

Haddaba magacyada shaqsiyaadka Mareykanka shaaciyey ayaa ka ah:ABD ULLAHI JEERI: Dhammaadkii 2021, Abdullahi Jeeri (Jeeri) waxa uu si sharci-da rro ah hub ugu soo geliyey Al-Shabaab. Jeeri waa madaxa Al-Shabaab ee keen ista hubka, wuxuuna Al-Shabaab hub uga keenay gudaha dalka iyo hub iibiyey aal shisheeye ah oo badankood ku sugan Yemen.

Jeeri waa isku xiraha Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wux uuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto. Waxa uu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Shuurada kooxda, isaga oo dhanka kalena mar taliye usoo noqd ay cutub ka tirsan ciidamada Al-Shabaab. 

KHALIF ADALE:

Khalif Adale (Adale) waa madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah u gu warbixiyaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

Adale wuxuu horey xubin uga ahaa kooxda Mahad Karate uu hoggaamiyo ee Al- Shabaab, wuxuuna xiriir toos ah la lahaa Karate. Dowladda Mareykanka ayaa Mahad Karate liiska argagixisada ku dartay April 10, 2015.

Illaa 2018, Adale wuxuu ahaa sarkaal maaliyadeed oo kaalintiisu tahay inuu u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo ganacsiyada sharciga ah, isaga oo qaabilsanaa inuu soo ururiyo lacagaha waa weyn ee ganacsiyada lagu soo rogo. Wuxuu sidoo ka le qaabilsanaa inuu dhex-dhexaadiyo khilaafyada soo kala dhex-gala qabiilada iyo inuu dagaal-yahano usoo qoro kooxda.

Dhammaadkii 2017, hoggaamiyeyaal sare oo Al-Shabaab ah, oo uu ku jiro Adale, ayaa diyaariyey 600 oo dagaalyahan inay tababarto kooxda Al-Shabaab, wuxuuna bixiyey lacag la siiyey qabaa’ilka ay ka dhasheen. Dagaalyahanadaas ayaa ahaa caruur da’doodu u dhaxeyso 10 illaa 15 oo laga soo ururiyey xaafada ha si loogu diyaariyo howlgallada mustaqbalka ee kooxda.

HASSAN AFGOOYE: Mareykanka wuxuu ballan-qaadayaa illaa $5 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip