HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Monday October 17, 2022 - 08:36:53 in Wararka by
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Turkiga.-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadd a dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay g oob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliy eed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.

"Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacab ka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsi inaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Dorraad boo qd ay qaybo kamid ah magaalada Bahirdar

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafsigiisa ayaa Dorraad booqday qeybo ka mid ah magaalada Bahirdar oo maalmahan uu ku sugnaa Wafdigu.

Booqashadan ayaa waxaa Wafdiga Ra'iisal Wasaara ha Soomaaliya ku weheliya qaar kamid ah madaxda go bolka Axmaarada iyo qayb kamid ah xubnihii kasoo qayb galay Shirkii Tana For um ee maalmahan ka socday magaalada Bahirdar ee degaanka Axmaarada.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa iyo waliba madaxda kale ee socdaalkan ku weheliya waxay soo kormeereen howlaha hormarka ee ka so cda Bahirdar, iyo waliba goobaha kale ee dalxiiska ku haboon ee ku yaal magaalada Bahirdar.

Waxay sidoo kale booqdeen Wafdiga iyo madaxda kale ee wada socday Jaamacadda Bahirdar oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waawayn dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bahirdar Dr Frew oo la hadlay Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaali ya ayaa sheegay in ardayda ka imaanaysa Soomaal iya ay Jaamacaddu siin doonto Waxbarasho lacag la'aan ah.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ku sugnaayeen dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Bahirdar ee gobolka Axmaarada.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Duqa Muqdisho Oo Kafaala Qaaday Daryeel ka Caafimaad Ee Dr Xabeeb

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimca ale (Madaale) ayaa Dorraad xaruntiisa ku booqday Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) oo ma almahaan xanuun maska xda ah la tacaalayay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaa dir ayaa Dr. Xabeeb ku amaan ay dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in xaruntiisa uu ku daweeyo boqolaal sooma ali ah oo xanuunka dhimirka la il-daran. Asigoona dhinaca kale xusay in uu gacan ka geysan doonno sidii uu Dr. Xabeeb u heli lahaa daryeel caafimaad. Dr Xabeeb ayaa booqashada uu ugu yimid guddoo miyaha gobolka Banaadir ay ahayd mid kedis ah isa gana uu aad ugu farxay booqashadiisa.

"Runtii sharaf ayay mudan yihiin mas’uuliyiinta i soo booqatay oo uu hogaaminayo guddoomiyaha go bolka Banaadir Madaale waan qalbi jabsanaa hadd ana waan qoslayaa ballanqaad ayaan helay waana huba in guddoomiyaha ballanta uu iga qaaday uu fulin doono.”ayuu yiri Dr Xabeeb isagoo qoslaya.

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ay aa ku ammaanay Dr Xabeeb waqtigii uu geliyay sidii dadka xanuunsan ay caafimaad u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muq disho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u balan qaaday Dr. Xabeeb inuu si buuxda ugu garab istaagi doono wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad iyo in uu helo daryeel Caafimaad oo dhameystiran, kaddib markii uu Dorraad ku booqday xaruntiisa.

Dr Xabeeb ayaa maalmihii la soo dhaafay wax aa soo wajahay xanuun dhanka madaxa ah, iyadoo bulshada dalbaneysay in dibadda loo qaado, si lo ogu daweeyo.

"Waxaan ka qeybqaadan doonaa sidii caafima ad u heli lahaa meel walba uu ku caafimaadayo wa an kala qeybqaadan doonaa annagoo fulinayna kal madahii Madaxweynaha ee ahaa in bulshada aad wax weyn u hayso.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiya ha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay qeybah kal duwan ee bulshada inay ka qeybqaataan sidii caafimaad uu u heli lahaa Dr Xabeeb.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Ji mcaale (Madaale) ayaa intii uu booqashada ku su gnaa xarunta Dr Xabeeb ee dadka dhimirka la’ lagu daweeyo waxa uu la kulmay bukaanada lagu daw eynayo xaruntaas.

Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Xabeeb) ay aa muddo dheer ku howlanaa sidii uu wax ugu qa ban lahaa dadka qaba cudurada dhimirka,hase yee shee waxaa uu Dr Xabeeb haatan l xanuunsanayaa kadib markii uu dhiig ku furmay madaxiisa. Waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in dalka aan waxba loogaga qaban karin cudurka haleelay dr Xabeeb.

Marwada Qaranka oo isbitaalka xoogga gargaar ugu geysay ciidanka dhaawaca ah

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Sahra Cu mar Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa Dorraad gar gaar gaarsiiyey ciidanka ku soo dhaawacmay furima ha dagaalka ee lagu dabiibayo isbitaalka ciidanka xoogga dalka.

Dhamaan ciidankii ku soo dhaawacmay dagala da ka socda gobollada dalka oo isugu jira Macwiisley iyo askarta dowladda ayaa la isugu keenay isbit aalka ciidanka xoogga dalka ee Muqdisho, si ay u helaan dayeel caafimaad oo ku filan.

Marwada Madaxweynaha Maamo Sahro, gudd oomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sac diya Yaasiin, wasiirka haween ka Khadiija Diiriye iyo wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga Cabdifitaax Qaasin ay aa Dorraad deeq raashin ah gaars iiyey dhaaw acyada ku ji ra isbitaalka xoog ga dalka.

Marwo Sahra Cumar oo isbit aalka kula hadashay warbaahinta ayaa ciidanka dhaawacyada qaba u balan qaaday garab istaag joogto ah, sidoo kale wa xay dowladda ka codsatay in hoos loo sii eego baahi yaha dhanka reeraha ah ee ciidanku ay dareem ayaan.

"Raashinkaan aan Dorraad idiin keenay waxaa ke entay hey’adda maareynta mudiibooyinka qaran ka, wixii idinka dhimana waan soo dhameystiri doonaa, wixii Hooyo ku filan tahay idinka hagra meyno,” ayey tiri Maamo Sahra Cumar.

guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shac abka Sacdiya Yaasiin Samatar oo iyaduna warba ahinta la hadashay ayaa carabka ku adkeysay in cii danka qaranka iyo kuwa deegaanka ee dhaawacoo da isbitaalkaan la wada keenay ay isku xuquuq yihiin. "Ciidamadu waa isku mid dowladda waxaan ka codsanaa in macawiisley qoysaskoodii si gaar ah loo ogaado, waa ciidankii bilaabay halganka dalka ka socda,” ayey tiri guddoomiye Sacdiya Yaasiin Sama tar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhoweeyay Xarruunta Hay’adda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md .Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mado obe) ayaa booqday xarunta Hay’adda Caalami ga ee Tamarta Atomic-ga (IAEA)oo fadhigeedu yahay magalada Vienna dalka Austria.

Guddoomiye Sheekh Aadan Mado obe ayaa Xarunta hay’adda waxaa ku soo dhoweeyay Agaasimaha gu ud ee hay’adda Rafael Grossi oo guddoomiye sheekh Aadan Madoobe faah faahin ka siiyey waxyaabaha hay’adan ay qabato iyo muhi imada ay leedahay ka mid noqoshadeeda oo ay ka mid yihiin nadaafada biyaha,la socodka dhaqdhaqa aqa hubka halista ah,maalgalinta iyo taageerrada hay’adaha ku shaqada leh arimahaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo amm aanay doorka hay’addan ka qaadan karto ilaalinta biyaha nadiifka ah berriga iyo badda intaba iyo sidoo kale la socodka hubka halista ah ee nuclear-ka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ka mid noqoto dalalka ka faa’ideysta hay’addan,waxaana hay’adan xubin ka ah 175-dal oo caalamka ka mida.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyay maga ca cusub ee kacdoonka dalka ka socda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo Dorraad khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana-Forum ayaa shaaciyay in gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shaba ab loo bixiyay "Dulmi-diid”.

Madasha Tana-Forum oo sanad kan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amn iga ee soo wajahaya qaaradda Afri ka, ayaa sidoo kale wuxuu ka shee gay in dagaa lkaan uu yimid ka dib markii ay Shaca bka u adkey san waayeen dhibaatooyinka xad dhaafka ah ee uga imanaya arg agixisada.

"Al-Shabaab waxay si ula kac ah u abuureen dar uufo sii cakiraya xaaladda bini’aadanimo ee dalka, taasina waxay keentay in markii dadku u caalwaaye en cunaqabateynta lagu hayo ay kacaan si ay isaga saaraan Kansarka ku dhex jira,” ayuu yiri.

"Dulmi-diid waa magaca loo bixiyay gulufka soc da ee ka dhanka Al-Shabaab iyo kooxaha la halmaa la ee Soomaaliya ku sugan, taasi oo budhig u ah ist iraatijiyadeena togan ee dalka Soomaaliyeed, dhulko oda, maalkooda iyo maskaxdooda looga xoreynayo hagardaamooyinka kooxaha xagjirka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku taamayso hubinta Soomaali heshiis ah oo dunida inteeda kalena la heshiis ah, kaasi oo ah aragtida siy aasadeed ee madaxweynaha dalka uu ku galay ololihii doorashada.

"Islamarkii aan tallada qabanay waxaan ka xoor nay istiraatijiyada ku dhisan go’doonka oo waxaa qa adnay weerar ballaaran oo argagixisada ku sugan Soomaaliya ka dha ah. Sidoo kale waxaa dagaal ku qaadnay fikradaha xagjirka iyo ilaha dhaqaalahu kasoo galo argagixisada si loo wiiqo hawl-galkooda.”

Ra’iisul wasaaruhu ayaa sidoo kale waxa uu xus ay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim u tahay bulshooyinka oo ah kuwa awo odda isbeddelka, islamarkaana laga qayb-galiyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed-ba ay go’aansadeen sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab, ayada oo lagala dagaallamayo dhina

cyada militeri, dhaqaale iyo fikirba.

Rooble Oo Gaaray Magaalada Dhuusamar eeb Lana Kulmay Madaxweyne Axmed Qoorqoor

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmud ug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxt ooy ada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuu madda Federaalka Sooma aliya, Max amed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran ay aa waxaa garoonka diyaar adaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyado ona wafdigan ay ka mid yihiin madaxwa ynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guul eed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirs an labada Aqal ee BFS, sar aakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhus amareeb kadib martiqaad ay ka heleen Madax wa ynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeed ada saf arka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Was aarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Maxamed Xuseen Rooble Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu booqasho ku tego deegaanno kamid ah Maamulkaas.

Maxaa ka jira in uu Aadan Madoobe u tegay YUR UB arrimaha dadka isku jinsiga?

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciir ow) oo ka mid ah wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan booqasho ku mar ayo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ka warbix iyey safarka Sheekh Aadan Mad oobe.

Xildhibaan Ciirow ayaa mar ka hore beeniyey warar lagu baa hiyey baraha bulshada ee Inter net-ka kaas oo ku saabsanaa in safarkan uu la xiriiro arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya, taas oo sare u kacday, markii uu guuddoomiyuhu la kulmay dhiggiisa dalka Neth erlands haweeneyda lagu magacaabo Marwo Vera Bergkam, taas oo ku caan baxday u ololeynta dadka isku jinsiga ah.

Xildhibaanka ayaa waxba ka jiraan ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo sheegay in hadalkaas lagu suurad xumeynayo booqashada guddoomiye Aadan Madoobe.

"Social Media waxaan beryahaan ka arkeynay warar soo xumeynaya wafdiga guddoomiyaha dad suurad xumeynayo oo si xun u fasirayo ayaan arkeynay. Sheekh Aadan Madoobe waa nin culumo ah marka kama suurtowdo waxyeelaha la sheegayo, Ummad da Soomaaliyeedna uma qalanto, isagana lagama yaabo inuu waxaas ku kaco,” ayuu yiri.

Sidoo kale intaasi kusii daray in arrintan ay meel ku dhac ku tahay guddoomiyaha iyo guud ahaan dad ka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn waxaas oo kale.

"Waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ma ma rin habaabin kartaan kuwiina caloosha ka jiran wax aa weeye waa wax aan loo baahneyn oo meel ka dhac ku ah magaca Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdulla ahi Cusmaan.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in natiijo wax ku ool ah laga gaaray booqashada guddoomiyaha uu ku tegay dalalka Belgium, Netherlands, Austria & Luxemburg.

"Waxaa hadda joognaa Magaalada Vienna ee Au stria oo aan uga qaybgalnay kulan heshiis iskaashi ay ku wada galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas & Guddoomiyaheenna, Guddoomiyaha wa xa uu baryahaan safar ku marayay Belgium, Netherl ands, Austria & Luxemburg oo ay casuumeen Gud doomiyaasha Baarlamaannada Dalalkaas oo ay wa da galeen heshiisyo iskaashi oo Baarlamaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Ciirow.

Danjire Andre: Duullaanka ka dhanka ah Al Shab aab waa tijaabada awoodda beelaha Soomaa liyeed

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisa ay

si adag u taageersan tahay qorshaha mideysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaailadu isaga kaasha nayaan dagaalka Alshabaab.

Safiirka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageereyso shacabka deegaanada la xoreeyay. Waxa uu dhinaca kale kula dar daarmay qabaa’ilku in ay iska kaashadaan sidii loo ciribtiri la haa aafooyinka Alshabaab ee rag aadiyay soo nooleynta qaranka Soomaaliyeed.

Danjire Andre waxa uu sheegay in duullaanka ka dhanka ah Al Shabaab uu yahay mid lagu tijaabin doono awoodda beelaha Soomaaliyeed.

"Soomaalidu ma waxay u dhaqmi doontaa midni mo? Ma midnimadooda ayay muujinayaan? Ma wax ay muujinayaan inay yihiin qaran Soomaaliyeed mi se waxay muujinayaan in Soomaaliya ay tahay qabi ilo la soo ururiyay, waxaan ula jeedaa in beel ka mid ah beelaha dega Hiiraan ay ku daashay dagaalka halka beelaha ay iska fadhiistaan oo ay daawanay aan, oo aysan iyagu dagaalka gelin. Bulshadu waa inay xifaaltankooda meel dhigaan oo ay yiraahdaan annagu hal dan ayaanu leenahay dhammaante en,”ayuu yiri safiirka Maraykanka Andre.

Bishii Ogosto ee sanadkan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo malleeshiyo beelee dyada huwanta ah ay howlgallo ka bilaabeen gobollada dhexe ee Soomaaliya si ay uga xoreeyaan tuulooyin iyo magaalooyin hor leh oo ay gacanta ku hayeen kooxda Alshabaab.

Guusha laga gaaray howlgallada ay ciidamadu kula wareegeen tobonaan tuulo oo ay horay u maa muli jireen Alshabaab ayaa ku dhiirri geliyay ciidama da dowladda Federaalka inay kordhiyaan baacsiga Shabaab.

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Shirka Horrumarinta Beeraha

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoowe ka furay Shirka horumarinta Beeraha Puntland oo Dorraad lagu beegay Maalinta cuntada Adduunka.

Shirka Horumarinta Beeraha Puntland waxaa ka qeybgal ay Madaxwaynaha Puntland Masuuliyiinta Wasaaradda Be eraha oo soo diyaariyay Shi rkan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasaara daha wadashaqeynta la leh Wasaarada Beeraha Puntland, lataliyeyaal Madaxweyne, Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, Ururada Bulsha da, Ganacsatada iyo Beeralayda Puntland.

Wasiirka Beeraha Puntland iyo iskaashatootinka Beeraladayda Puntland ayaa shirka ku soo bandhi gay horumarada wax soo saarka Beeraha Puntland iyo dalagyada kala duwan ee laga soo saaro Beer aha iyo inay u baahan yihiin taageerooyin dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay Do wladdu siinayso wax soo saarka Beeraha, isagoona ku booriyay dadka Puntland in ay wax soo saarka badiyaan.

Madaxwayne Dani ayaa cadeeyay in Dowlad una ay diyaarinayso Qorshe lagu maalgelinayo si ma cquul ah ganacsata iyo dadka la yimaada hal abuura da ganacsi ee Beeraha iyo Horumarinta wax soo saarka dalka

Tababaraha xulka qaranka ee guusha soo hoyiy ay oo farriin u soo diray Soomaalida.

Dabaaldeg ayaa Habeen hore ka socday Soomaaliya iyo meelo kale kaddib markii xulka kubadda cagta ee So omaaliya ee ciyaartoyda ay da’dooda ka yartahay 17-ka sanadood ay Dorraad Dorraad ku guulaysteen tart anka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyagoo 3-1 uga badiyay xulka South Sudan.

Kulanka kama dambeysta ahaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa xulka kubadda cagta ee Soomaaliya min bilow illaa dha mmaad ay ciyaarta ku gacan sarre eyeen.Soomaaliya ayaa 2018-kii gaartay fiinaalka tartankan, haata nse waxay la hoyanaysaa koobkii tartanka.Ilaa iyo hadda waxaa baraha bulshada ka socda dabaal degyada ay sameynayaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn ula socday ciyaarta. Muu qaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkay ay dad u badan dhaliyaro oo lulaya calanka Soomaal iya kuna dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin guusha xulka qaranka Soomaa liya uu ciyaarta ka gaaray.Tababaraha xulka qaran ka 17-jirrada Soomaaliya Nuur Amiin ayaa BBC uga warramay waxyaabaha u horseeday inay gaaraan guushan.

"Waxaan u sheegay ciyaartoyda inay gaaraan hadafkooda guusha maadama malaayiin qof oo Soomaali ah ay ina sugayaan, tababar badan baan sameynayay, waan soo dhibaatoonay..waxaan dha linta u sheegay haddii aan qaadno koobkan’ waa kii ay Soomaali ku midoobi laheyd’. ayuu yiri Nuur Amiin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la ware egay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa aro ornimadii hore ee Dorraad la wareegay gacan ku he ynta deegaano badan oo ka tirsan gobolka sh/dhexe oo ay horay u maamuli jireen Ururka Al-shabaab.

Deegaanada Militariga Soomaaliya ay Dorraad la wareegeen ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhag axoow, Kooraabe, Shanlo ow iyo Farbaraki, kuwaas oo ah dhamaantood deeg aano hoostaga degmada Balcad ee G/ Sh/dhexe.

Ciidamada la wareegay deegaanadaasi hoostaga Ba lcad ayaa la sheegay iney hoggaa minayaan Xildhi baan Cismaan Xaado ole, gudd oomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaar aan iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya qeybta 27-aad gaar ahaan gu utada 4-aad.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamadaan ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xawaadley oo Al-shabaab u ahaa deegaan Istiraatiiji ah oo ay isaga kala gooshi jireen gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee howlagalada ciidmadaan ay kula wareegeen deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa imaa naya, iyadoo degmada Cadale ee gobolka Dh/dhexe ay ku sugan yihiin ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiid farabadan oo ilaa hadda aanan sameynin wax howlgalo ah oo ay kula dagaalamayaan Al-shab aabka ku sugan deegaanada hoostaga degmooyin ka Cadale iyo Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Toddobo dal oo Soomaaliya uga hoos maray liis ka dalalka ugu gaajada badan

Waxaa la shaaciyay liiska waddamada adduunka ee gaajada ugu badana ay ka jirto.

Liiskan oo ka kooban 121 waddan, Soomaaliya waxay ka jirtaa 114-aad, waxaa ka hooseeya toddobo dal oo kala ah, sida ay baahisay qii meysa heerarka gaajada adduunka Global Hunger

{1}-South-Sudan,{2}-Suuriya,{3}-,Chad,{4}-Jamhu uriyadda Dimuqraadiga ee Congo,{5}- Madacasgar,

{6}Jamhuuriyadda Afrika Dhexe,{7}-Yemen

Soomaaliya waxaa haatan ka taagan abaaro ba’na oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo du nyabada.Waxaana dalka ka socda dadaallo loogu gurmanayo dadka ay abaaraha saameeyeen.


Xoghayaha SJS Oo Xabsiga Muqdisho Laga Sii Daayay.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dorraad xoghayaha ururka Suxufiyiin ta ee SJS Cabdalla Axmed Muumin laga sii daayay xabsiga.

Sida wararku sheegayaan, Maxaka mada Gobolka Banaadir ayaa 45 ci sho dib u dhigtay Dhageysiga Dacwadda Xoghayaha SJS Cabdalle Muumin, waxaana lagu sii daayay damaanad.

Muumin oo maalinkii 6aad Dorraad kujiray gacanta laamaha amaanka ee dowladda ayaa sii deyntiisa waxey timid kadib markii lagu waayay eedihii loo heystay oo ay qeyb ka eheyd inuu lidi ku yahay amaanka, sida dowaldda hore ugu soo eedeysay.

Cabdalla Muumin ayaa laga qabtay dhawaan garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo u dhoofayay magaalada Nairobi, iyadoo qabashadiisa ay timid maalin kadib markii uu bartiisa Facebook ku baahiyay muuqaal uu ku sheegy iney NISA weerartay xaruntooda ku taala nawaaxiga kontrolka Seydka ee madaxtooyada laga ilaaliyo.

Cabdalla Muumin oo u dooda xoriyada hadalka iyo xuquqida Suxufiyiinta ayaa lagu dhaleeceeyay inuu diidmo ka muujiyau amar ka soo baxay dowladda oo ahaa in warbaahinta aysan buun buunin dacaayada Shabaab.

Dowladda Qatar oo Safiir Cusub u soo Magacaa batay Somalia.

Amiirka dalka Qatar ayaa Soomaaliya u soo mag acaabay Safiir cusub oo lagu magacaabo abdallah saalim nasser Al holie oo ah Diblomaasi Sare, waxa ana uu bedelayaa Safiirkii hore ee dalkaas u joogay Soomaaliya Xasan Bin Xamzah.

Qatar ayaa ah dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo is bedel ku sa meysa Safiirkii Soomaaliya u joog ay, horay Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub u soo magacawday Soo maaliya.Dhinaca kale Safiirkii Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamzah ayaa munaas abad sagootin ah loogu sameeyay Muqdisho, kaddib markii ay u dhamaatay shaqadii Safiirnimo oo mud do 8 Sano uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Soomaa liya.Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiro iyo Diblomaasiyiin kale.Qatar ayaa ah dalka labaad ee mashaariic horumarineed oo dib u dhis iyo sama fal ka fuliyay Soomaaliya shantii sa no ee la soo dhaafay, mashaariicdaas waxaa ka mid ah mashruuc dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye – Muqdisho iyo Balcad.Sidoo kale dhow aan la bilaabi doono Wadada Balcad iyo Jowhar oo Mashruuciisa la haayo.Safiirka Xasan Bin Xamzah ayaa lagu ammaanay doorkii uu ku lahaa horumar inta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.

Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciid an oo gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka ma gaalada Jalalaqsi

Xilli ay howlgallo lagu baacsanayo Argagixisada ka socda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhiirigelin iyo garab istaag Ciid amada Xoogga iyo dadka deegaanka ugu tagey Xildhibaan Maalik Cabdalla iyo Saraakiil Ciidan.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaanka Qoryaale ee duleedka magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiir aan.

Xildhibaanka iyo Saraakiisha Ciidan ayaa maal mahii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Jalalaqsi, waxaana ay kulamo kula duwan uu la qaateen waxg aradka iyo maamulka degmadaasi si ay doorkooda u ga qaataan kacdoonka dalka looga xoreynayo kooxa ha Khawaarijta ah ee Al Shabaab.

Maalik Cabdalla iyo Saraakiisha ayaa ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee is garabsana ya ku dhiiri-galiyay in la ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Talyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Beydhabo

Wasiirka Gashaandhigga XFS Cabdulqaadir Max amed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gene raal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray maagaalada Baydhabo.

Wefdigaan ayaa Beydhabo u tagey si loo dar-darg eliyo ho wlgalada dib u xoraynta dalka gaar aha an deeganada Koon fur Galbeed ee ay hormuud u yihiin Ciidanka xoogga oo kaa shanaya kuwa dee gaanka ee go’aansaday in Soomaaliya laga ciribtiro Aragag axisada Arxanka daran ee Alshabab

Xubno Ka Tirsan DFS Iyo M/Goboleedyada Oo Dorraad Shir Uga Furmay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xuku umadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa Dorraad furay shir labo

maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaq ada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Dalka.

Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada,Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Arrim aha Bulshada.

"Shirka Dorraad inoo furm ay heer Federaal iyo Dawl ad-gobolleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumar inta bulshada, sha qo abuurka,xirf adaha , siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mide ynta qorshayaasha shaqo,iya doo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Da wladaha xubnaha ka ah Dawladda Federa alka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka , iyagoo boggaadi yay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhal inta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfa daha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Shirkan ayaa warmurtiyeed laga soo saari doon aa , Isniinta berri ah marka la soo gabaga beeyo, iya doo ay ka qeybgalayaan was iiru Dawlaha Wasaar adda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Yuusuf Maxamed Aadan, Was iir ku-xigeenka , Cismaan Lib aax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bul shada Jubbaland , Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaa raha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulsh ada Hirshabeelle , Ma xamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Cabdiqa adir Cumar Cabdullaahi (Baasto) .

Rag Hubeysan Oo Fal Dhaawac Ah Ka Geystay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Laba nin oo ku hubeysnaa qoryo AK-47 ayaa Habeen hore abaaro 10:30 PM waxa ay xaafadda Raadee lka ee degmada Deyniile ee Gobo lkaan Banaadir ku dhaawac een haweeney 50-sanno jir ah oo kam id ah dadka deegaa nkaas.

Dad ayaa waxaa ay sheegeen in falkaan uu ka dambeeyay kadib markii, ragga hu beysan ay hawee neyda oo ka timid isbitaal jidka u galay, iyada oo lugeeneysa, isla markaana ka waay ay moobeel weyn, iyagoona markaa kaddib damcay inay kufsadaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in muran kooban oo dhexmaray ragga burcada ahaa iyo haweeneyda uu keenay in haweeneyda rasaas lagu furo, kadibna waxaa goobta ka baxsaday ragg aas, dad goobta ka adhawaa ayaa Isbitaal u qaaday haweeneyda.

Muddooyinkii dambe xaafadda Raadeelka iyo xa afadaha ku dhegan ayaa axaa kusoo badanayay dhaca iyo dhibaatooyinka kale kooxaha ku hubeysan qoryaha iyo tooreeyada u geesanayaan dadka shac abka ah.

Dadka deegaanka xaafadda Raadeelka ee deg mada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaana ugu baa qay ciidanka ammaanka iyo maamulka degmada in ay wax ka qabtaan burcadan dadka dhibaatada ku haya

Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koo nfur Afrika oo kordhay

Todobaadkaan waxa aaad u kordhay dilalka dha linyarada Soomaalida ah Kooxaha Burcadda ah ay ugu geysanayaan meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la dilay in ka badan Saddex Ruux.

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Habeen hore waxaa ay kudileen Deegaanka Zwide township Ee Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth) muwaadin Soomaaliyeed oo rooti Gaari ku war eejin jiray.

Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lamagacisa lagu soo koobay Najiib ayaa la sheegay in rag burcad ah oo hubeeysnaa ay weerar een xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay isagoo geey naya dukaamo uu macaamil la ahaa.

Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dil ka ah uu ka dhacay ayaabilaabay baadi goobka bur cadii ka dambeeysay dilka tooga shada ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Sidoo kale Dorraad gelinkii dambe Kooxo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed kudilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg sida ay xaqiiji yeen ehalladiisa.

Dhinac kale Maalintii khamiista aheyd ee aan ka soo gudubnay Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala de gmada Germiston ee gobolka Gauteng, kaas oo lagu magacaabi jiray Hassan Mohamud (Hassan Ever)

Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacay dalka Koo nfur Afrika maalmihii la soo dhaafay, waxaana dilal ka inta badan ay ka dhacaan deegaano iyo tuulooyin ka ay ku badanyihiin falalka dambiyada

Madaxweyne Yoweri Museveni Oo Bandow Kusoo Rogay Dalkiisa + Sababta Keentay

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sabtidii sheegay in dowladdiisu ay hergelin doonto bandow xilliga habeenkii ah, kaas oo saameyn doo naan goobaha cibaadada, kuwa madadaalada, soco tada iyo dadka kale ee ka baxaya laba degmo oo uu cudurka Eboa ka jiro.

Tallaabooyinkan looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafista cudurka Ebola ayaa si degdeg ah looga dha qan gelin doonaa degmooyinka Mub ende iyo Kassanda ee bartamaha Uganda, oo xudun u ah cudurka Ebola, sida uu Meveni ku sheegay khu dbad uu dadka kula hadlayay oo laga sii daayay tale efishinka.

"Kuwani waa tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu xakameynayo fiditaanka Ebola. Waa in aan dhamm aanteen la shaqeynaa maamulka si aan cudurkan ugu soo afjarno waqtiga ugu yar ee suurtogalka ah,” ayuu yiri Museveni. Museveni ayaa sheegay in 19 qof ay dhinteen tan iyo markii dalkan ku yaal bariga Afrika uu ku dhaw aaqay in uu cudurka Ebola ka dillaacday 20-kii Sebte mber

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH "DIB U NOQOSHO MA JIRTO, WAA INAYNU SOO AF-JARNAA HALISTA KOOXDA AL-SHABAAB”

Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aan la aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan. Hadii aynaan ka suulinin kooxdan dibin- daabyeynta iyo dhibaateynta ku haysa bulshadeena, waxa ka go’an inay baabi’iyaan jiilasha danbe. In dhibaato ku filan wey gaarsiiyeen shacabkeena, waxaan leenahay, hadd waxaa la joogaa xilligii uu gabalkiina dhici lahaa, ugu dambeyntiina aan soo afjari lahayn arxan-daridiina.

Al-Shabaab waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee Dorraad ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno.

Xilligan adag oo dhibaatooyin bini’aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda. Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.

Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo qarankeena. Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena, shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah sanadkii 2007, ma jirin waqti ka wanaagsan xilligan oo aan dareemay rajada aan ka qabo jabinta Al-Shabaab. Taas waxaa sabab u ah, Dorraad, annaga oo ka midaysan caqabad ahaanshaha kooxdan, isla markaasna go’aansanay in aynu badbaadsano mustaqbalka ummaddeenna. Iftiinka ifaya ee rajada ummadda Soomaaliyeed marnaba mugdi ma galin kari doonaan argagixisadu. Waxaynu horumar iyo barwaaqo wada gaari doonnaa marka aynu ka adkaano argagixisada oo aynu baal mugdi ah ka galino taariikhda qormeysa.

Si aynu u dhinno awoodooda, ugana adkaano kooxdan, waxaan qaadnay nidaam dhamaanteen kaalin uga banaantahay oo heysta taageerada shacabkeena si aynu u gacan bir ah ugu qabano cid walba oo garab ku siisa Al-Shabaab sii wadida dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rumeysannahay in wadashaqeynteena ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab, waana sababta aan u sameynay istaraatiijiyad dhameystiran oo aan ku wajaheyno yareynta khatarta Al-Shabaab si aan ugu dambeyntii u ciribtirno. Toddobaadyada iyo billaha soo socda, waxaan idiin xaqiijinayaa, muwaadiniinteenna aan jecelnahay, in aan sii wadi doono baacsiga cadawga oo aan ka xoreyn doono degaanno badan oo muhiim ah, kadibna aan gaarsiin doono gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta ay aadka ugu baahanyihiin deeganadaas iyo dadka ku nool.

Inkastoo aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay Dorraad muujiyeen dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan karno kooxdan sharwadayaasha ah.

Waa sax in aan awood ciidan adeegsano, balse Al-Shabaab qoriga oo kaliya laguma jabin doono. Sidoo kale waa in aan saxnaa fikirka tacliinteena, oo aan xirno maalgelinta xaaraanta ah iyo illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo argagixisada. Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalkeenna wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan cid walba oo la shaqeysa argagixisada.

Waa in aan ka hortagnaa khayaanada ay Al-Shabaab ku hayaan diinteena Islaamka ee quruxda badan, ee ku saleysan nabadda. Anaga oo nabadda jecel waxaan nahay muslimiin dhab ah. Argagaxisada dilaaga ah ee dhiigga u ooman xitaa faham kama heystaan macnaha dhabta ah ee fariinta Islaamka ee ku saleysan rajada, nabadda, iyo horumarka aadanaha oo dhan. Runtii Alle SWT waa naxariis badane, wuxuuna ina faray inaan isku naxariisano mar walba.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan ku waynay si murugo badan leh dagaalka lagula jiro Al-Shabab muwaadiniin badan oo geesiyaal ah iyo ciidamada dalalka aan saxiibada nahay ee naftooda inoo huray si ay bulshadeenna uga ilaaliyaan halista kooxdan. Dorraad oo aan dagaalka u soo wadajeesanay waxa ay isku dayeyaan inooga yoolkeena inooga leexiyaan falalkii fulaynimada iyo caga-juglaynta lahaa ee ay ku hayeen shacabkeena aan waxba Dorraadsan, ayna ku boobi jireen hantidooda iyo xoolahooda. Waxba nagama leexin karaan, laakiin waan sii laba-laabaynaa dedaalkeena, ilaa aynu ka soo afjarno bahalnimada kooxdan.Xaqiiqdu waxay tahay in eynaan gaari karin horumar waara, mid dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed hadii aynaan iska dulqaadin Al-Shabab. Kooxdan argagixisada ah ee Al-Shabab dan kama lahan ka run-sheegida diinteena Islaamka, kama shaqeyaan horumarka dalkeena. Waxay rabaan inay mustaqbalkeena iyo kuwa jiilalka soo socda u baabi’iyaan danahooda guracan. Marna uma oggolaan karno inay guulaystaan. Haddaba, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu sii wado dadaallada aan kaga hortageyno kooxdan maafiyada ah ee Al-Shabaab iyo falalka foosha xun ee ay ula bareereen shacabkeena. Waxaan ku kalsoonahay, haddii aan si hufan oo wadajir ah u sii wadno baraaruga iyo dadaaladeena shacab iyo dowladba in aan guulaysan doono Insha Allah.

W/Q Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

KU DHAWAAD 10 KOOXOOD OO LACAGO BAAD AH KA QAADA GAAWAARIDA U KALA GOOSHA MUQDI SHO IYO BALADWEYN

Jid-gooyooyinka isbiraada ayaa ka jiro qeybo kamid ah dalka, marka loo eego sida ay ahaan jireenn Sanado ka hor tiro ahaan markii lala bar-bardhigo kuwii hore oo ay baabi’isay dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalo lagula dagaalamayo jidgooyooyinka dadka musaafurka lagu dhibaateeyo oo ay horay u sameeyeen ciidanka xoogga dalka ayaa welli dhammaan, dhowr jeer ayay madaxdii kala duwaneeyd ee jamhuuiryadda Soomaaliya soo martay ku amartay taliska ciidanka xoogga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan isbaarooyinka basle dhibaatooyinkaas welli waa taagan yihiin.

Qaar kamid ah Ciidanka dowladda ama shaqsiyaad kooban ayaa ayaa sameeyo falal foolxun oo ka baxsan sharuucda ciidanka Qaranka lagu dhisay waxayna si qarsoodi ah u galaan jidadka ama waddooyinka ah ku safraan gaadiidka kala duwan ee u kala sarfa caasimada iyo gobolada dalka.

Biya dhaca sheekadaan waxan diiradda ku saari doonaa dhibaatooyinka kala duwan oo ay la kulmaan baabuurta ka shaqeeyo magaaladda Muqdisho iy gobollada dalka gaar ahaan waddada xiriiirsa Xamar, shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Gaadiidka u kala goosha Gobolka Banaadir iyo Hiiraan ayaa si joogto ah waxay ula kulmaan Kooxo burcad ah kuwaas oo u gala Wadooyinka kala duwan ee isku Hiiraan Iyo Muqdisho waxayna ka qaadaan Lacago sharci darro ah sidoo kale ay jirdil xooggan u geystaan Gaadiidleyda baabuurta haddii ay bixin waayaan lacagaha ay rabaan xilligaasi.

Kooxahaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa dhowr kooxood ah kuwaaas oo si soo boodda ah jidka ugu ga;a gaadiidka, lacagahaay la qaataan ayaa ka bilaabata $500 oo dollar ilaa $1000 dollar Ciddii diidana waxay ku smaeeyaan jir dil xooggan kadibna si qasab ah ayey ku bixiyaan lacagaasi.

Goobjoog oo booqatay Goobaha laga raro baabuurta goboladda gaar ahaan kuwa Hiiraan waxaynu ogaanay in dhibaatooyinkaas ay si joogto ah ula kulmaan darawallada ka shaqeeyo gawaarida kuwaas oo faah faahiyay ficiladda guracan oo ay la kulmaan si joogta taniyo markii ay ka baxaan Muqdisho ilaa ay ka gaaraan Magaalada Baladweyne.

Mid kamid wadayaasha Baabuurta oo magacasi qariyay sababo la xiriria amaankiisa ayaa yiri ” Runtii dhibaato xooggan ayan wadada kala kulanaa dowladda Canshuur ayey naga qaadaa, Al shabaab sidoo kale waa ay naga qadaaan taasi waxaa noo sii dheer Tuugada kuwaas oo lacago badan nagaa qaado sii socod iyo soo socod mararka qaar nafteenna ayaa halis gasho oo jridil ayey noo geeystaan”. Darawalada gaadiidka ayaa ka cabanaya Isbaarooyinkaan la soo dhigay oo waxa ay sheegayaan in dhaqaalo badan looga qaado wadada xilliga ay Safrayaan.Deeganaada lacagaha lagu qaado waxaa kamid ah Madaxkisi lafagare haanta madow gololey iyo buula Caasi kuwaas oo ah marrin ay sii maraan gawaarida usoctoo hiiraan iyo kuwa usoo socda Banaadir waana waddo istiraatiiji ah gaadiidleyda.

Shaqsiyaadkaan ayanan wadan dareees lagu garan karo balse waxay soo xirtaan dhar iska caadi ah kuwaas oo ku yimaado mootadad nuuca loo yaqaan Feeykoon ee laba lugaaleyda ah balse waxay sheegtaan in ay ka tirsan yihiin Ciidanka dowladda magacaas ayey ku qaadan lacagaha sharciga baalmarsan.

Lacagaha ay ay qaadaan ayaa lagu diraa Sarifle ay hishiis la galeen si ay iskaga ilaaliyaan in uu raad soo galo ama tixraac iyaga oo ka iska fogeeyo in lagu diro telefanada ay wadataan arrintaan aya cadeyn u ah in ay yihiin burcad dadka ku dhibaateeyo Shaarka dowladda.

Waxay ay sheegtaan in ay yihiin maamulada ka jira Tuulooyinka kala ah Warmaxan waraaboole iyo qalimoow iyaga oo ku dooda in yihiin taliska deeganada aan kor kusoo xusnay.

Dhowr darawal ayaa inoo sheegay in ay ku fikirayan gabi ahaanba in ay joojiyaan gawaarida ay wadaan maaddaama aysan ku qabin wax faa’iido ah waxana laga dheehan karaa deeranka hadalkooda Ciil iyo calool xumo loona awood sheegtay.

Halka kuwa kale oo innoo warmay ay sheegwwn in aysan u furneen wado kale oo ku maareeyaan naftooda balse ah ku qasban yihiin in ay ku shaqeeyaan xaaladda adag ee ay ku jiraan intii ah meel meel fariisan lahayeen.

Si kastaba ha ahaatee gaadiidleyda ayaa oo aan usoo bandhignay in ay ka hadlaan Cabashadooda ay ka biyo-diiday kuwaaa Goobjoog News u sheegay in naftooda u baqayaan iyaga oo sabab uga dhigay in aysan jirin cid ka difaaceyso kooxdii dhibaateyn jirtay haddii ay arkaan soo bandhigadda dhibaatada ay ku hayaan waddada. Waxayna ka dhigan tahay in aysan ka haldi karin dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo.

Intaas waxaa u sii dheer Canshuur badan oo laga qaado tusaale ahaan Dowladda Faderaalka Canshuur ayey ka qaadaa gaadiidaka Hirshabelle dhowr meel ayey ku qaadaa sida Maamuladda ka jiro shabeelada dhexe, Shabeledaa hoose iyo Hiiraan.

Bal qiyaas gaari dhowr kun oo dollar ku baxay haddii dowladdii, Maamul Goboleedyadda, Al-shaab iyo burcad intaas oo lacag ah ay ka qaadan maxuu faa’iidi karaa? Gadiidleyda ayaa dalbaday in arrintaan dowladdu si deg deg ah wax uga qabato.

W/Q: Liibaan Cabdi Warsame

Xigasho:goobjoogfm

AFAR SOOMAALI AH OO HADDA XILALKA UGU SARR EEYA KA HAYA HAY’ADAHA AMNIGA KENYA

Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay William Ruto ayaa u muuqata mid ay saameyn ballaaran ku sii yeelanayaan siyaasiyiinta Soomaalida ah ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waxaa hadda taagan hadal-heynta ku saabsan shaksiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sare ka haya laamaha amniga Kenya oo ah kuwa ugu muhiimsan ee xasaasiga ah.

Soomaali badan ayaa haysa jagooyin amniga la xiriira balse waxaan halkaan idiinku soo gudbine ynaa 4 qof oo Soomaali ah oo haysa xilal aad u sarreeya oo dhanka amniga ah.

Aadan Barre Ducaale – Wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban

Madaxweynaha Kenya ayaa Aadan Barre Ducaale, oo kasoo jeeda Soomaalida Ke nya, u magacaabay wasiirka Difaaca, waxa uuna noqday Soomaaliga keliya ee ka dhex muuqday 22 wasiir uu ka kooban yahay Golaha Wasiirrada ee goor sii horrey say lagu dhawaaqay.

Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya, Willi am Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen.

Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xil kan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Wasaaradda gaashaandhigga Kenya waxa ay maamushaa militeriga ama Ciidan ka Difaaca Qaranka, waxaana mas’uulka ugu sarreeya ka ah Madaxweynaha.

William Ruto, oo hadda ah madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale haya xilka taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Kenya.

Waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu awoodda badan golaha wasiirrada Kenya, wa xa ayna ku jirtaa wasaaradaha loo qoondeeyo dhaqaalaha ugu badan ee miisaa niyadda sannadlaha ah ee qaranka.

Aadan Ducaale waxa uu dhashay sanadkii 1969-kii. Dugsida hoose dhexe iyo kan sareba waxa uu kaga baxay magaalada Gaarisa.

Sanadkii 1992 ayuu heerka koobaad ee Jaamacadda uga baxay Jaamacadda Moi isa goo bartay kulliyadda waxbarashada, halka sanadkii 2011 uu heerka labaad ee Jaa macad da uga baxay Kuliyadda Beeraha iyo Teknoolaj iyada ee Jaamacadda Jomo Kenyatta.

Nuur Gaabow – Ku-simaha Taliyaha guud ee Booliska Golaha Qaran

 ee Adeegga Booliska Kenya ayaa bayaan ay soo saareen 7-dii bishan October, 2022 ku shaaciyay in Noor Gaabow loo magacaabay ku-simaha Taliyaha Guud ee Booliska.

Waxa ay bayaankooda ku sheegeen in uu xilkaas – oo usoo billowday 26-kii Au gust – sii heyn doono ilaa inta xilkaas loo dhiibayo taliye cusub.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhawaan soo magacaabay Japhet Koome si uu u noqdo taliyaha booliska, waxaase la horgeyn doonaa Golaha Qaran ee Adeegga Booliska oo go’aan ka gaari doona.

Markii lagu dhawaaqayay natiijada doorashadii Kenya ka dhacay bishii Ogosto, Nuur Gaabow ayaa kaalin mug leh ka qaatay in xaaladda la dejiyo ka dib markii uu qalalaase hareeyay goobtii looga dhawaaqayay najiidada doorashada uu ku guul eystay William Ruto.

Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii.Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska.

Wuxuu heystaa shahaadada labaad ee jaamacadda, wuxuuna ku takhasusay amniga, maamulka iyo ka hortagga dambiyada.

Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji – Dacwad oogaha Guud

Dacwad oogaha guud ee Kenya waa Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin Xaaji ayaa xilka agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogista Kenya qab tay bishii April ee sanadkii 2018-kii.

Waxaa dhalay Alle ha u naxariistee siyaasigii ruug-caaddaaga ahaa ee Maxamed Yuusuf Xaaji oo isna soo noqday wasiirka Wasaaradda Difaaca Kenya intii u dha xeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013.

Nuuradiin ayaa horay u sheegay inuu la kulmay caqabado waaweyn oo uga yimid awoodo isugu jira kuwo gudaha ah iyo sidoo kale kuwo bannaanka ah., balse aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqada uu u hayo qaranka.

Amiin Ibraahim Maxamed – Taliyaha Hay’adda Dambi-baarista

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Ibraahim Maxamed u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin ayaa beddeli doona agaasimihii hore ee waaxda Dambi Baarista Kenya, Geo rge Kinoti, oo xilkaas iska casilay, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee DCI-da.

Amiin ayaa kasoo jeeda magaalada Wajeer, in muddo ahna waxa uu ku jiray shaqada dambi baarista.

Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii turxaan bixin lagu sameeyay 10 mura shax oo u tartamay jagadaas. Waxaa murashaxiinta wareysi ka qaaday Guddiga ade egga Booliska ee Kenya. Ka hor inta aan loo magacaabin xilkan, Amiin waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Gudaha, oo qaabilsan inay baaritaanno ku sameyso cabashooyinka ka dhanka ah booliska.

Haddase isagoo madaxa DCI-da ah ayuu ku noqonayaa hay’addan oo uu horay uga soo shaqeeyay, xilal kala duwanna kasoo qabtay.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaa siyiinta.

Jagooyinka uu horay ugasoo qabtay gudaha DCI-da waxaa ka mid ah inuu ahaa madaxa qeybta baaritaannada ee Xarunta Dhexe, Madaxa Howlagallada, Madaxa qe ybta qaabilsan musuqmaasuqa Bankiyada iyo xilal kale.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation, intii u dhaxaysay 2009 iyo 2010, Amiin Ma xamed waxa uu ku sugnaa qaybta baarista ee dhaca iyo wax isdaba marinta bankiy ada ee hay’adda DCI.

Sannadkii 2004-tii, waxa uu ahaa Madaxa Baarista ee xafiiska dabagalka. Waxa kale oo uu hoggaaminayay dhammaan baaritaannadii la xiriiray Adeegga Booliska Qaranka (NPS).

Sannadkii 2014-kii, waxa uu ahaa Isu-duwaha Xarunta DCI-da ee Gobolka Bart amaha, waxa kale oo uu hormuud ka ahaa hawl-galladii xarunta dhexe ee DCI intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip