HALKAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGYESKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 16-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Sunday October 16, 2022 - 08:24:56 in Wararka by
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGYESKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 16-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

M/W. Xasan Sheekh Oo U Hambaly eeyay Xulka Da’yarta Soomaaliyed Ee Koobka Qaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahann ada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan xirfadda iyo dadaalka ciyaarhannada So omaaliyeed, taas oo aas-aas wanaagsan ay u ah Xul Soomaaliyeed oo la tartama dhigooda gobolka iyo qaaraddaba.

"Xulka Kubadda Cagta ee 17 jirrada ah ee qa rankeenna, waxa ay muujiyeen in dhallinyar ada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in ay la tartamaan dhiggooda caalamka, aysanna niyad jabin karin” yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si dhow ula socday ciyaaraha xulka 17 jirrada ah ee ku matalayey qarankeenna Isreebreebka Afrika ee heer gobol ee Bariga iyo Bartamaha ayaa dha mmaan shacabka Soomaaliyeed iyo bahda ciy aaraha dalka ugu hambalyeey hanashada koob kan oo dhabbaha u xaaraya soo noqoshada wacdarihii heer gobol iyo heer qaaradeedba ee Xidagaha Soomaaliya

R/W Xamza oo khudbad xasaasi ah ka jeedi yey shirka Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaa liya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa Shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madasha Tana Forum oo sanadkan lagu qabanayo dalkaasi.

Xamza Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa diiradd a ku saaray sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya guud Qaaradda Afri ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay si caq abadaha heysta qaaradda wax looga qabto in ay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa aw oodda isbeddelka keena laga qaybgaliyo iyo in xoogga la saaro qaabkii la isugu xiri lahaa.

Sidoo kale wuu shaaca ka qaaday in dowl adda federaalka ay ku shaqeyneyso Hiigsiga Soomaali Heshiis Ah, Dunidana Heshiis La Ah, iyadoo ahmiyadda siineysa nabadda.

Dhanka kale Xamza waxa uu sheegay in amni ga ka sokow dhibaatooyinka heysta qaar adda ay ugu weyn yihiin saameynta isbeddelka cimilladu ku keentay dalal fara badan – oo Soo maaliya ay ka mid tahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale khduba diisa kusoo daray howlgallada ka socda dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda ay guulo ka gaartay dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla-mar kaana laga saareen dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madasha Tana Forum oo ay soo qaban qaa biyeen hoggaamiyeyaal iyo madax kale oo ka socota qaaradda Afrika iyo hey’ado caalami ayaa lagu wadaa in berri la soo gabagabeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeenka Uganda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre oo ka qa ybgalaya shirka caalamiga ah ee madasha Ta na Forum, ayaa kulan doc eed kula yeeshay ma gaa lada Bahir Dar ee shirku ka socdo Mada xweyne Ku Xigeenka Uganda, Jes sica Alupo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Ku Xig eenka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jir eenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soom aaliya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha TanaForum oo san adkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maa reyn lahaa khataraha amniga ee soo waja haya qaaradda Afrika.

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Todobaad laha Ah Ee Maamulka Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) ayaa shir gud doomiyay kulan ka Todo baadlaha ee Shirka Deg mooyinka iyo deegaan ada Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa Todobaadkaan looga hadlay Adkeynta Amniga iyadoo la isku xeraayo Bul shada iyo Laamaha Amaanka si looga hortago falalka amni darro ee xilliyada qaarkood ka dha ca magaalada caasimadda ah ee Muq disho.

Sidoo kale inta uu socday kulanka Todobaa dlaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wax aa diirada lagu saaray Sare u qaadida Bilicda iyo Nadaafada Muqdisho iyo u gurmashada da dka ay Abaaruhu saameeyeen kuwooda soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Du qa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daa le) ayaa kula dardarmaay Madaxda degm ooy inka Gobolka in bulshada si hufan loogu qid me eyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta ma amulka degmada, laamaha amniga iyo sha cab ka si loogu guuleysto ka hortaga falalka amni darro

Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo dig ni in adag u jeedisay ganacsatada xiriirka la leh Alshabaab

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha So omaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay inay wax macaamil ah la sameeyaan ko oxda Alshabaab, ciddii lagu helana waxay she egt ay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono.

Wasaaradda ganacsiga wa xay sheegtay gan acsadi hii ama shirkaddii lagu helo xir iirka Al shabab in lagala la aband oono shatiga.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dowl addu ku cuuryaaminayso dhaqa alaha Alshaba ab kasoo gala bulshada, si me esha looga sa aro maalgalinta ay u adeegsad aan qaraxyada iyo weerarrada ay qaadaan.

Dhawaan, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed oo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Xafiiska xeer ilaalintu wuxuu sheegay inuu baa ris ku wado shirkaddo ganacsi oo loo haysto in ay xogta macaamiishooda u gudbin jireen ko oxda Alshabab. Xafiisku wuxuu sheegay marka uu baaritaan ka dhaamado in sharciga la horkeenidoono cid kasta oo lagu helo dambi.

Afhayeenka Cusub Ee Wasaaradda Ga ashaandhigga Xukuumadda Oo La Magacaabay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magacaabay Afhayeenka cusub ee Gaashaandhigga Xukuumadda Feder aalka, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Cabduqaadir Maxa med Nuur Jaamac ayaa Af hayeenka Wasiirka Gaasha andhigga Xukuumad da u magacaabay inuu noqdo Sa rreeye guuto Cabdullaahi Ca li Canood, si loo xoojiyo xi riirka warbaahinta iyo Was aaradda.

Jeneraal Caanood ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Xoogga Dalka Soomaali yeed, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aad eysaa, iyada oo dalka uu ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab, taasi oo uu ku dhaw aaqay Madaxweynaha

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baar lamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduun ka. Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlam aanka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarl amaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Se nator Samsam Daahir Maxamuud.Fadhiga kul anka oo looga hadlay arrimo badan ayaa sad dex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo si da guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.Senator Samsam Daahir Maxam uud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faah faahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed. Xil dhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kul anka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlama anka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin :-1.Senator Samsam Da ahir Maxamuud

2.Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).

3.Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

4.Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

5.Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog

La taliyaha amniga qaranka: Dowladda So omaaliya waxaa ka go’an inay ka adkaanay so al-Shabaab iyo fikirkooda

Dorraad waxay ku beegnayd sannad-guuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu dhim ashada badnaa ee ka dhaca Geeska Afrika, kaasoo ahaa qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Isgoyska mashqu ulka badan ee Zo obe ee magaalada Muqdi sho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof, ku dhawaad 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sanad guurada shanaad ee ka soo wareegatay qar axii khasaaraha badan dhaliyay ee Soobe ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay si weyn guul uga gaareen howlgaladii ugu dambeeyay ee gobolka Hiiraan.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxwey naha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in sanad guuradan ay kusoo aaday, iyadoo dowladdu ay ka go’an tahay inay ka ad kaanayso al-Shabaab iyo fikirkooda.

"Dareenka sanadguuradaan ma aha mid rajo xumo iyo xanuun laakiin waa iska caabbin iyo u adkeysi. Waan ka adkaan doonnaa al-Shabaab iyo fikirka argaggixisada, "ayuu yidhi la taliyaha amniga Qaranka, Xuseen Sheikh Cali.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanado badan la daalaa dhaceysay khataraha dhanka amma anka ee kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab, taasoo ah carqalada ugu weyn ee hortaagan inuu xasilo amniga dalka gaar ahaan magaal ada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo ka hadlay beelaha u soo gurmaday iyo kuwo hagraday

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali San baloolshe oo Shalay Yasooman kula hadlay cii danka dib u xoreynta deegaanka ayaa darda aran kadib dul istaagay gurmadka beelihii ay qo ylo dhaanta horay ugu direen iyo garabka ay re er Hiiraan ka heleen dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe aysan wax aba ka hagran reer Hiiraan intii ay dagaalka ku jireen, "Anaga dowladda Soomaaliyeed waa noo hiilisay, ciidanka xoogga dalka Soomaali yeed halkaan ayaa la isugu keenay, maxaa ka loo naloo samey lahaa” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan beelo wali ka hagranaya reer Hiiraan gur madka ay codsadeen, inkastoo uusan carabka ku dhufan magaca beelahaas, hadana wuxuu ku goodiyey inuu dib ka sheegi doono.

Sanbaloolshe ayaa ciidanka deegaanka ka dalbaday inay aqbalaan gurmadka uga imaan aya beelaha kale oo dhexdooda aysan isku dhi cin, "Dagaal waa is baheysi, anagu tol ayaan le enahay, Murusade berri ayuu imaanayaa, Haba rgidir-na waa noo soo gurmatay iyo beelaha ka le ee dowlad deegaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Mar uu soo hadal qaaday beelaha Mudulood, gaar ahaan Abgaal, wuxuu sheegay ayaga laga rabo inay Shabaab dhameystiraan, "Abgaal qa biil maaha ee waa qowmiyad, waana dowlad, dagaalka waa soo gelaayaan, waxaana laga rabaa inuu Shabaab dalkaan ka dhame eyo,” ayuu hadalk iisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xil dhibaan Cabdulla hi Sanbal oolshe ayaa dadka reer Hiiraan u gu laab qabo ojiyey inay guushu dhowd ahay dadka Sooma aliyeed-na ay ka heli doon aan aba abul gud, "Xaaladda aad Shalay ku jirt aan waa mid dhib badane ku sabra, waad guu leysa doontaane,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay la wareegitaanka deegaanka Xawaadley

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Xawaad ley, iyaga oo sheegay inay ku dileen in ka ba dan 30 ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan sad dex horjooge.

Wasaaradda warfaafinta Soomaali ya ayaa sheegtay in Alshabaab la laayay ayagoo ku bax sanaya gaad iid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidam ada dowlad da ay jihooyin kala du wan ka galeen deega ankaan.

Wasaaradda warfaafinta waxay sidoo kale sheegtay in qaar kaloo katirsan Alshabaab lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan qaraxyo.

Horjoogayaasha Alshabaab ayay dowlad du sheegtay in lagu dilay deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuw aas oo kala ah: Maadeey Madoobe , Xamaali Kalombe, iyo Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay Alshabaab isaga kala gudbi jireen gob alada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhe xe, iyo goob ay ka so maleegaan weerarada Muqdisho.


Cali Jayte oo lacag badan dul-dhigay madaxa Cali Dheere iyo xubno kale

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo Shalay fagaare kula hadlay boqol aal ciidanka dib u xore ynta deegaanka ah ay aa balan qaaday laca go uu siinayo qofkii soo dila xubno Shaba ab ah oo Cali Dheere uu ka xusay magaciisa.

Cali Jayte ayaa sheegay in qof kasta oo u keena madaxa xubin Shabaab ah uu siinayo shan kun oo dollar, qaar ayuu dul dhigay 10 kun, halka amiirrada ugu sareeya uu madaxoo da ku dalbaday lacag dhan 25 kun oo dollar.

Guddoomiyaha oo si gaar ah u carabaabay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa yiri, "Cali Dheere iyo kuwa lamidka ah ee Amiirrada ay ku sheegeen ninkii soo dila waxaan siinayaa 25 kun oo dollar, ee yaa abaal na erga kara, aakhiradiisana u shaqeysa kara, jilaalkana ka soo bixi kara?”

Sidoo kale guddoomiye Cali Jayte ayaa cii danka deegaanka ugu laab qaboojiyey in Shab aab sii dhamaanayo, isagoo ku dhiira geliyey in qof kasta uu soo dilo nin Shabaab ah.

"Idinkoo dhulkiina jooga oo saan u hubey san, hadii qof kasta uu nin Shabaab ah dilo, waa dhamaanayaan, nin kasta hal qof oo Shab aab ah madaxiisa ayaan ka rabaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, "Shab aab maleeshiyaad ah qofkii madaxiisa ii keena 5 kun oo dollar ayaan siinayaa, kuwa amiirada ay u ekeysiinayaan waa 10 kun oo dollar, Cali Dheere iyo kuwa lamid ah ninkii soo dilana 25 kun ayaan siinayaa.”

Ciidankii ugu badnaa ee Murusade oo diya arad looga qaaday Muqdisho

Waxaa goor dhaweyd garoonka diyaarada ha ee Aadan Caddde ka dhoofay diyaarad sid ay ciidamo badan oo si weyn u hubeysan iyo noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka.

Ciidamada ka dhoofay garoonka Aadan Ca dde oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya gaar ahaan beesha Murusade ayaa qeyb ka noqon doono kacdoonka ka socdo gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si gaar ah waxay ciidamadaan ka howlgeli doo naan degmada Maxaas, waxaana la qorsheena yaa inay kadib usii gudbaa deegaanada Gobol ka Galgaduud oo ay degto beeshaan.

Ciidamadaan oo hordhac ah iyo qaar kale oo berri lagu wado inay baxaan ayaa waxaa ho ggaaminaya Xildhibaan Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, iyadoo qeyb ka ah abaa bulka dagaalka lagu qaadayo Al-Shabaab.

Abaabulka Ciidamada qaabka beeleed loo diyaariyay ayaa ka socda Gobollada Banaadir, Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana qeybihii ugu horeeyay ay saldhig ka dhigteen degmada Cadalle, iyadoo weli aanay bilaaban howlgalla dii dagaalka.

Ciidamada Muqdisho ka baxay ayaa imaa nayo kadib xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan ay beelaha kale ee Soomaaliyeed ka codsadeyn inay qeyb kasoo noqdaan kacd oonka ka socdo gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheyso kacd oonkii ugu weynaa muddo 15 sano ah oo ay ka dagaalameyso gudaha Soomaaliya, waxaana la qiyaasi karin halka uu ku dambeyn doono.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa uu gaabis ka muuqday kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo loo sababeynayo in dowladda madax weyne Xasan Sheekh ay ka gaabisay.

Mid ka mid Ahaa Ergooyinkii Soo Door tay Xildhibaanada BFS Oo Lagu Dilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga hel ayaa kooxo hubeysan oo dhowr iyo toban daqi iqo kahor gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ku dilay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka FS.

Dad ayaa waxaa ay ku soo warrameen in rag hube ysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Ninka, xilli uu joo gay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda, isla markaa na waxaa uu Ninkaas u geer iyooday rasaas looga dhuf tay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka kamid ka ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ee la dilay ayaa waxaa lagu mag acaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaana la sheegay in xilligii la dilayey uu watay qori, waxaana durbadii goobta ka cararay kooxihii ka danbeeyay falkaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in marxu um Cabdi Caraaye Maalin uu kamid ahaa erg adii Galmudug kusoo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay aa waxaa horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlama anka, Nabaddoono iyo mas’uuliyiin u shaqeyn ji ray dowladda, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u balan qaaday Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md.Cabdiraxm aan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arri maha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

Ergeyga ayaa masuuliyi inta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxe eyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeel leysay.Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumari nta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuuma dda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka dar an middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka bad an 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u bad an.Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gur madka abaaraha ee Soomaaliya isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hube ysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah

afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roob aadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u di’in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.Ergeyga gaarka ah ee Madaxwey naha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha kuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku mar ayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorr iyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaat aan gurmadka abaaraha.

Maxay hay’adda Amnesty ka tiri xarigga Cabdalle?

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnesty Intern ational ayaa waxaa looga hadlay xariga Xogha yaha Ururka Suxufiyiinta ee SJS Mudane Cabd alle Axmed Muumin oo haatan u xiran dow ladda.

Amnesty International ay aa shaaca ka qaaday in si sharci darro ah loo xiray Cabd alle, isaga oo ku guda jiray difaaca xaqa xorriyadda hadalka ee Sooma aliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in xari ggiisa uu kor u qaaday walaaca ay qabaan War iyeyaasha Soomaaliya oo haatan wajahaya xaalad adag.

Sidoo kale Amnesty International ayaa qor aalkeeda ku sheegtay xoghayaha la xiray, ay ada oo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka dalka.

"Xarigga hormuudka difaaca xuquuqda aad anaha iyo xorriyadda saxaafadda, iyadoo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka waxay farriin u diraysaa saxafiyiinta, dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo cid kasta oo ku dhiirrata inay diidmo kala hortimaado dowla dda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka hay ’adda Amnesty International.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa ugu baaqday in xorriyaddiisa dib loo siiyo Cabdalle Muumin, waxayna sheegtay in uusan jirin wax dambi ah oo uu galay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdalle Muumin iyo ururada kale u dooda

Xuquuqda saxaafadda ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii dowladda ee lagu mamnu ucay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab. .


Xisbiga UCID oo ku guubaabiyay Ciidamada Somaliland in ay jabhadeeyaan

Cod uu baahiyay xisbiga mucaaradka Som aliland ee UCID, ayaa muujinaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nin uu sheegay in uu ka tirsanyahay millateriga Somaliland ku guuba abinaya in uu jabhadeeyo.

Ninka uu xisbigu sheegay in uu Faysal lasoo hadlay oo uu askari yahay, oo guddoomiya ha u sheegay in uu ciidanka ka goostay isla markaana uu kasoo horjeedo dib u dhigista doorashada madaxtooyada, ayuu Faysal ku guubaabiyay in uu jabhadeeyo.

"Inshallah doorasho hadaynu qabano wuu ina ga tagi doonaa dowlad cadaalad ah oo dadka midaysa ayaynu dhisi doonaa, markaa dee is urrursada, Muqdisho waxa bad baadiyay barigii dhawayd ee Farmaajo saraakiishii kacday" ayuu Faysal ninka la soo hadlay u sheegay.

Faysal ayaa ninka askariga ah u sheegaya inuu diido amarka, oo uu jabhadeeyo, isaga oo ku yidhi "Tusa in uu nin kani tacab qasaar ina gu ridayo, 40 sanno, 10 sanno oo aynu daga alamaynay iyo 30 sanno oo aynu gaajo ku no olayn ayuu tacab qasaar inagu ridayaa".

Waxa uu u sheegay in ay is urrursadaan isa ga iyo cidii la fikir ahi oo ay dowlada ku qasba an in ay doorashada madaxtooyada ku qabato 9-ka billood ee guddida doorashooyinku sheeg een in ay ku qabanayaan doorashada.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa aad uga cadhaysan furista urrurada siyaasada Somaliland oo uu arko duulaan ka dhan ah xisb igiisa, isaga oo dagaal siyaasadeed oo adag la galay xukuumada Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay furista urrurada.

Somaliland xeer adag ayaa ka yaala faragalinta iyo ka hadalka arrimaha ciidamada, ilaa hada na lama oga sida ay xukuumadu uga jawaabi doonto guubaabada guddoomiye Faysal.

Nin Soomaali Ah Oo Loo Magacaabay Mada xa Dambi Baarista Kenya.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Ke nya, oo magaceeda loo soo ga abiyo DCI.

Nin Soomaali ah oo loo magac aabay madaxa dambi baarista Kenya, Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha.

DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan da mbi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sam eysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacab ka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta

Hoggaamiyihii Afgambiga Burkina Faso oo noqonaya Madaxweyne Ku maal gaar ah

Ninkii hoggaaminayey afgambigii ugu damb eeyey ee ka dhaca dalka Burkina Faso ayaa loo magacaabay Madaxaweynaha Ku meel Ga arka ah ee dalkaa tan iyo inta doorashada laga qabanayo dalkaa bisha Julay 2024. Golaha Qa ranka ee dalkaa ayaa ku dhawaaqay in kabtan Ibrahim Traoré aan loo oggolaan doonin in uu isu soo sharraxo doorashooyinka .

Wuxuu talada kala wareegay labo toddobaad ka hor Lt-Gen Paul-Henri Damiba,oo isaga laft iisa sameeyey afgambi bishii Jannaayo isagoo maamulkii xilligaas ku eedeynaya in a awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan maliishiyooyin ka Islaamia ah .

Weerarada kooxahaas ayaa sii xoogeystay ka dib markii jananku awoodda qabsaday taas oo keentay in Capt Traoré uu awoodda xoog ka ga tuuro

Turkiga: Tiro dad ah oo ku dhimatay qar ax ka dhacay god dhuxusha laga qoto

Waxaa loo maleynayaa in 40 qof ay ku dhim atay qarax ka dhacay god dhuxusha laga qoto oo ku yaalla waqooyiga Turkiga, sida uu shee gay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Suleymaan Soylu wuxuu sheegay in 58 macdan-qodeyaal ah laga soo badbaadiyay godka halka 11 qof ay waxyeello oo soo gaar tay.

Ku dhawaad 110 macdan qodeyaal ah ayaa ku jiray gudaha godka xilli uu qaraxa dhac ay Jimcihii.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa tan iyo xaley qodayay godka si ay usoo samata bixiyaan macdan-qodeyaasha.

Ra’iisul Wasaare Terrace Oo Cadaadis Kala Kulmeysa Golaha Muslimiinta Britain

Golaha Muslimiinta Britain oo ka mid ah Ururada Muslimiinta ee ugu waaweyn dalka Brit ain, ayaa bilaabay hindise ay ku cadaadinaya an Ra’iisul Wasaare Liz Terrace, si looga hortago damaca Britain ay ku doonayso in safaaradeeda Tel Aviv ay ugu rarto magaalada Qud us.

Arrinkan ayaa yimid kadib markii Golaha Muslimiinta Britain, ay ka war heleen damaca Ra’iisul wasaare Liz Truss, ee ku aaddan in saf aaradda Britain ee Tel Aviv loo wareejiyo maga alada barakeysan ee Qudus.

Dhawaan ayaay Terrace la kulantay dhigee da Israa’iil, Yair Lapid, intii uu socdayshirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York, bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Vladimir Putin oo si cad u she egay in uusan u baahnayn wadahad al uu la yeesho Madaxweynaha Maray kanka Joe Biden

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si cad u sheegay in uusan u baahnayn wadahadal uu la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Xilli uu la hadlayay warb aahinta xilli uu booqasho ku jooday magaalada Ast ana ee dalka Khazakhs tan, wuxuu ka hadlay ar rimo dhowr ah oo ay ku jir to inuu diyaar u yahay in uu la kulmo Biden iyo in kale. "Waa inaan weydinnaa inuu diyaar u ya hay inuu wada hadal noocaas ah ila yeesho ama in kale, haddii aan runta sheego, uma arko in wax baahi ah loo qabo arrintaas”

Wuxuu sidoo kale in qorshaha cidan uruursi ga Ruushka ee uu horraan ku dhawaaqay uu ku dhow yahay in la dhaqangeliyo.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynayaa sha dalalka Ruushka iyo Turkiga, Vladimir Put in iyo Recep Tayyip Erdogan ay yeesheen wa da hadallo dhinac socday shir-madaxeedkii ka socday Kazakhstan, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo duqeymaha.

Labada nin waxay kulmeen dhowr jeer, iya doo Mr Erdogan uu u soo bandhigay inuu dhex dhexaadiyo Moscow iyo Kyiv, ka dib markii ay burbureen wadahadalladii bishii Maarso.

Ruushka ayaa ku qaaday weeraro gantaa llo ah oo xiriir ah xarumaha kaabayaasha muhi imka ah ee gobolka Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelens ky ayaa codsaday taageero dheeri ah oo dhan ka difaaca hawada ah intii lagu jiray khudbad uu ka jeedinayay golaha

Boqortooyada Sacuudiga oo Ukraine siin aya $400 milyan oo gargaar bini’aadannimo ah

Sacuudiga ayaa 400 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah siin doona dalka Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ee SPA.

Wakaaladda SPA ayaa intaas ku dartay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Max amed Bin Salmaan uu Jimcihii khadka telefo onka kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volo dymyr Zelenskiy.

Amiirka dhaxal-sug aha ah ‘ayaa muuji yay sida ay boqort ooy ada Sacuudigu diyaarka ugu tahay inay sii waddo dada allada dhexdhexaadinta iyo taageeridda wax kasta oo gacan ka geysanaya joojinta dagaalka Ukraine’ sida ay sheegtay SPA. Reuters.

Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gant aal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus Kuuriyadda Koonfureed, Japan iyo Maraykanka

Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari oo ay si wada jir ah xadka uga samay nayaan Kuuriyadda Koonfureed, Japan iyo Mar aykanka, waana gantaalkii 41-aad ee ay ridday sannadkan 2022.

Kuuriyada Waqo

oyiayaa waxay dhoola-tusyada wada jirka ah u aragtaa qorsheynta duulaan, waxayna qaada ysaa tallaabo militari oo xooggan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ku guu leysatay tijaabinta labo gantaal oo istiraatiiji ah oo riddada dheer Arbacadii, iyadoo hogaamiye, Kim Jong-Un uu si shaqsi ah u hagayay tijaab ada.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay mar kale samey so tijaabooyinka nukliyeerka iyadoo ay sii xum aaneyso gacanka Kuuriya


DADKII SOOBE LAGU XASUUQAY 5 SANO KADIB WELI LOOMA JAWAABIN

14-kii October 2017-kii salaadii casir kadib waxaa dhacay qarax uu qof walba oo Muqdisho joogay xilligaas u mooday inuu ka dhacay illinka hore ee gurigiisa, waxaana daqiiqado kooban kadib soo yeeray aqbaar aan u wanaagsaneyn dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, taas oo aheyd inuu qarax xooggan ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho.

Jawiga isgoyska Zoobe qaraxa ka hor wuxuu ahaa mid saxmad ah, gawaari waaweyn oo kasoo baxay dekadda magaalada Muqdisho, Bajaaj aan tirsi laheyn oo ay dad shacab ah saarnaayeen, gawaari raaxo oo aan xisaab laheyn, dad badan oo inta cariirigii jiray sugi waayey lugtooda isticmaalayey, xoogsato shaqo sugayaal ahaa oo ay meesha saldhig u aheyd iyo ganacsato nolol maalmeedkoodii ku jiray ayaa ku sugnaa goobta.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 ruux, dhaawucu kun waa ku dhawaa, waxaana ku burburtay hanta aad u badan, guri walba oo Soomaaliyeed ayuu gaaray xanuunka khasaarihii ka dhashay qaraxii Zoobe.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa taariikhda dhibaatooyinka iyo qaraxyada Soomaaliya. Waxaa isbitaalada Muqdisho buux dhaafiyey dhawaacyada, meydadka gubtay ee la garan waayey, dad baadi goob ugu jira dadkoodii, kuwa dhiig shubaya iyo dad u kacay inay si bileesh ah uga qeyb qaataan daaweynta dhaawacyada.

Qaraxaas kadib waxaa dhashay kacdoon dadweyne, dhallnyaradii Muqdisho iyo guud ahaan dadkii waxgalka ahaa ayaa dibadda u soo baxay, iyagoo u careysay Al-Shabaab, laakiin nasiib darro dadkii maalintaasi dhintay shan sano kadib weli ma helin cadaalad.

Kacdoonkii curtay dowladdii xilligaasi jirtay kama faa’ideysan, mana jirto cid dambe oo wax iska waydiisay xasuuqii Soobe, waxaa sii naaxay Shabaab-kii dadkaas laayey, saacad kastana waxaa laga filan karay fal ka fool xun kii Soobe ka dhacay.

Dadkii uu saameeyey qaraxii Zoobe ee 14-kii October waxay jawaabta ugu haboon ee aargudashada dhibkii gaaray u arki lahaayeen in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo Shalay ka sahlan sidii ay ahaayeen shan sano ka hor.

Wax ceymis ah looma sameyn dadkii ku hanta beelay qaraxii Zoobe, ganacsatada qaar ayaa ku baxay khasaaraha gaaray, halka qaarna horay loo waayey iyaga iyo hantidoodii, madaxweynihii dalka ee xiligaas Farmaajo ayaa bilo ka hor ololihiisii doorashada ku soo galay in haddii uu guuleysto uu bixin doono hantida ku burburta qaraxyada ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa intaasi dheeri ku ah in dalku uusan weli u diyaarsaneyn ka hor tagga musiibo noocaas oo kale ah iyo maareynteeda haddii ay dhacdo.

Tallooyinkii la bixiyey xilligaasi si dalka loogu diyaariyo ka jawaabista xaaladahaasi adag lama dhaqan gelin, dowladdii horana waa ka gaabisay arrintaas.

Iyadoo shidaal laga dhiganayo xusuustaan murugada badan iyo in aysan soo noqon dadku waxay ku talinayaan in dagaalka socda daacad laga noqdo, si loosoo afjaro kooxda Al-Shabaab oo muddo fog dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Inkastoo 5 sano kadib isgoyska Zoobe laga dareemayo nolol caadi ah, hadana waa xasuus xanuun badan oo mar walba hortaalla dadka Soomaaliyeed in Al-Shabaab laga adkaadana waxaa loo arkaa midda ugu dhow ee dhayi karta boogaha xasuuqii dhacay.

Madaxda hadda hoggaamisa dowladda waxaa la filaayey inay dagaalka socda uga faa’ideystaan munaasabadaan oo ay ku heli lahaayeen ciidan iyo cudud shacab, laakiin si weyn loogama dareemin dhankooda.

Dhacdadii Zoobe waa bar-madow oo aan ka hari doonin kooxaha argagixisada ah ee dagaalka aan hadafka laheyn ka wada Soomaaliya


CHAMPIONS!!!! XULKA QARANKA SOOMAALIYA OO KU GUULEYSTAY

 KOOBKA QARAMADA AFRIKA EE 17-JIRRADA


Xulka qaranka Somaliya ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada kaddib markii ay 3-1 ku garaaceen Koonfurta Sudan oo ay iskugu soo baxeen Finalka, iyadoo ciyaartan ay taageereyaal badan oo Soomaali ah soo camireen garoonka Addis Ababa ee ay ciyaartani ka dhacday.

Geesiyada Somaliya ayaa soo bandhigay ciyaar xarrago leh oo ay min bilowgii tartanka illaa finalka Shalay ay muujinayeen, iyaga oo dhexda kusoo garaacay Uganda iyo Itoobiya ka hor intii aanay imanin finalka oo ay South Sudan cashar ugu dhigeen.

CUP

Wiilasheenna ayaa u qalmayay in qaybta horeba ay guusha gacanta ku dhigaan oo ay South Sudan saddex gool ka dhaliyaan, hase yeeshee waxay iska khasaariyeen laba ka mid ah fursadahaas.

Advertisements

Champs

Xulkeena Somaliya ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay qaybtii hore oo uu gool qurux badan oo ay kubadda khadka dhexe kasoo dhiseen uu u saxeexay Cabdixafiid oo dersin difaacyahannada Koonfurta Sudan ah kubbadda ka dhex saaray, sidoo kalena goolhayahooda sii weydaariyey.

bEST

Ciyaartoyda Somaliya iyo taageereyaasha tirada badnaa ee garoonka joogay ayaa dabbaal-degyo waaweyn sameeyey, waxaana la arkayay taageereyaal sujuudaya iyo ciyaartoyda oo farxad darteed iskugu tegay dhinaca midig ee garoonka halkaas oo tababaraha iyo ciyaartoyda kaydka fadhisayna ay damaashaadka kula wadaageen.

Koonfurta Sudan ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasahsada waxay la yimaaddeen gool baarbarro ah oo aanay waqti badan sii xajisanin.

Goolka 1aad

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay wiilasheenu lasoo baxeen ciyaar kasii heersaraysa middii qaybta hore, waxaanay labada garab ee weerarka ka samaynayeen bandhig heersare ah iyadoo la qaban kari waayey Cabdixaafid iyo Cabdiraxiim oo ahaa xiddigaha laf-dhuungashay ku noqday ee ay ka nuuxsan waayeen difaacyahannada Koonfurta Sudan.

goolka 3aad

Cabdiraxiin Muxyadiin ayaa is-raaciyey laba gool oo daran-doorri ah oo qaybtii labaad uu u dhaliyey xulka qaranka Somaliya, waxaana daqiiqaddii 70aadba ay ciyaartu noqotay 3-0.

Goolka Sudan

10kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayay ciyaartoyda Soomaaliya hel een in ka badan saddex fursadood oo goolal caddaan ah noqon karayay oo ay iska khasaariyeen, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-1 ay gu ushu ku raacday ciyaartoyda

17-jirrada xulkeena Somaliya oo si xun u garaacay Koonfurta Sudan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip