HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Thursday October 13, 2022 - 08:38:36 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Soo Saaray Baaq Ku Socda Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagle elay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Ca lanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, ta as oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maska xdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobani mada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.

"Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Shalay waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada ka maqan dowladda”

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan dadaallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda Soomaa liya.aadaan.

Madaxweyne Xasan oo qaatay shahaadada PhD

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud uu qaatay shahaadada PhD ee culuumta Nabad da, Maamulka iyo Horumarka.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa si Online ah ku dhigtay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (University for Peace), isagoo u mahad cel iyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacaddaasi oo uu ku bogaadiyey heerka uu gaar ay.

Waxaa Jaamacaddan dhigta si yaasiyiin badan oo Soomaaliya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dow lada Soomaaliya, kuwaas oo qaar kood dhowaan ka qalin jebinaya.

Xasan Sheekh waxa uu noqday madaxweynihii u gu darajada sareeyay xaga aqoonta maadiga ah oo ka taliya Soomaaliya iyadoo ay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay uga horreeyeen 8 madaxweyne.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo qa atay shahaadada sare ee culuumta Nabadda, Maam ulka iyo Horumarka ayaa tilmaamay dadaalka dowl addu ku bixinayso hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta adeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah.

Madaxweynaha ayaa xusay go’aanka dowladdu ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaada shada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda laga maalgelinayo xaqiijinta xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin ubadkeenna Soomaali yeed.

Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamaca dda Nabadda ee Qaramada Midoobey ayaa ku bog aadiyey Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sa meeyeen, waxa uuna kula dardaarmay in ay waxba rashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda kaga horreeya caalamka.

SOOMAALIYA iyo Kenya oo wadahadallo cusub ku yeeshay MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Thomas Chepkuto. Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-ha dleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada waddan ee deriska ah ee Soo maaliya iyo Kenya.

Danjiraha ayaa sidoo kale dhankiisa sheegay in uu ka shaqeynayo wanaajinta iyo horumarinta xirii rka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Thomas Chepkuto oo bedel ay Lucas Tumbo ayaa waxa uu kusoo aaday xili uu soo wanaagsanaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo aad u xumaa mudadii uu talada dalka hayay madax weynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kenya ayaa waxay sidoo kale kamid tahay dalalka ay ciidamadooda nabad ilaalinta u joogaan dalke ena, iyagoo ka howl-gala deegaanada Jubaland, hal kaasi oo ay kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Dhaqtar caan ka ah Muqdisho oo la ilmee yey xanuun daran oo soo wajahay

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb) oo ka mid Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa maalmihii u dambeeyay xaalad halis ah ku waj ahaya magaalada Muqdisho, sida uu Dorraad warb aahinta usoo bandhigay.

Dr Xabeeb oo in ka badan Afartan sano si bil aash ah ugu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa soo foodsaartay xaalad caafimaad oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

"Bishii hore waxa isa-saaray Scan oo waxa uu muujiyay in uu dhiig bax ku yi mid mid kamid ah xuubabka ma skaxda daboola. Aniga wa ay eel aan ahey maskax dhiig ku furtay inaysan sahlaneyn wuu dareemi kara qofkasta oo bini-aadam ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh inay u fidiso gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah, taasi oo wax looga qaban karo xaalada lasoo daristay dhaq tarka.

"Haddii uu madaxweynihii uu ii qiray in aan uma ddaan usoo istaagay, waa in aniga Shalay garab i si iyaan walaalaha Soomaaliyeed iyo dowladeyda.”

Dr Xabeeb ayaa la ilmeeyay xaalad caafimaad daro ee lasoo daristay, isaga oo sheegay in uu ku jiro waq tigiisi ugu adkaa ee noloshiisa. Dhaqtarkaan ayaa mudan inay dowladda ay si deg deg ah ugu garab ist aagto wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad oo laga deyrinayo.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha hadda tal lada dalka jooga ee Xasan Sheekh Maxam uud uu hada ka hor uga marag kacay oo qiray shaqada naf hurnimada leh ee Dr Xabeeb usoo qabtay bulshadii sa Soomaaliyeed.

"Dr Xabeeb runtii waa Nin aad iyo aad qiimo u leh oo ah Nin is diray, dadka Soomaaliyeedna ugu soo ba xay duruufo adag oo wuxuu kamid yahay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo is dirtay oo u istaagay dadka intiisa badan ee loo jeedin u istaagay,” ayuu yiri Xas an Sheekh oo kal hore u qiray shaqadii adkeyd ee dhaqtarkaan u qabtay bulshadiisa.

Talyaaniga Oo Kusoo Biiray Kacdoonka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab Ee Dalka Ka Socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Sha lay xafiiskiisa kula qaabilay Safiirka Dowladda Talya aniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi.

Ra’iiusl Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadaleen xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talya aniga. Danjire Vacchi ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab taagan tahay Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ko oxda argagixasada ee Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare xamse ayaa uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga kordhinta taageerada xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada iyo gacan ka geysashada gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaartu saameysay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la yee shay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa ku lan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaayey Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qa abilsan Soomaaliya Mudane Ade m Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta da daallada loogu gurmanaayo dadka abaaruhu saam eeyeen iyo hawlaha kale ee gargaar oo meel wa naagsan mar aya, sidoo kale wa xaa kulanka la iskula eegay xoo jinta xiriirka iskaashi ee Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Mido obay ee dhinacyada horuma rinta iyo gargaarka bini’ aadanimada.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya ha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soo maaliya ayaa dhankiisa xusay in ay sii wadi doonaan Isla markaana dardar gelin doonaan hawlaha bini’ aadanimada iyo gurmadka Abaaraha iyagoo kaash anaya Hay’adaha Dowladda.

Ololaha Soomaaliya ku dooneyso in looga qaado cunaqabateynta hubka oo teegeero helaya

Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, ka dib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas.

Golaha Ammaanka ee Qara mada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha Nove mber ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayira adda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheeg tay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaalla maan argagixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bi shii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah urur kaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabate ynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan olol ahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee la ga mamnuucay Soomaaliya.

Kooxda cilmi-baarista amniga ee Hiraal Insti tute ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa war bixin ay soo saartay bishii February ku sheeg tay in cunaqab ateynta hubka ay ku guuldare ysatay inay ka hort agto Al-Shabaab oo soo gal iya hub aan loo oggol eyn ciidamada federaalka in ay iibsadaan.

Samiira Gaid oo ka tirsan machadkan ayaa sheegtay in awoodda Soomaaliya ay tahay mid xaddidan, ma adaama ay u baahan tahay oggolaansho ay ka he sho Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubnaha Gol aha Ammaanka si ay u iibsato hubka qaarkiis.

Waxa ay Samiira sheegtay in Al-shabaab ay si sharci darro ah hubka uga soo iibsadan ama uga soo galiyaan Yemen iyo suuqyada guda, laakiin aw oodda dowladda ee soo iibsashada hubka ay xad didad tahay. Inkastoo oo xayiraadaha saaran yihiin Soomaa liya, haddana ciidamada Soomaaliya iyo xulafado oda ayaa guulo ka gaarayay maleeshiy

aadkan.


Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoo nsiga Ka Guddoomay Safiiro Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Tareque Muhammad.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dow ladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjire Mninwa ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyad eed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iska ashiga dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo Madaxweynu hu uu xusay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku dhaqan dalkaas iyo waxtarka ay u leeyahay kobaca dhaqaalaha labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Bangaaladesh Tareque Muhammad oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mohammad Abd ul Hamid ayaa tilmaamay mudnaanta dalkiisu uu si inayo xiriirka ay la wadaagaan shacabka iyo dowl adda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxam uud oo Danjiraha Cu sub ee Banaal adesh Tareque Muhammad ugu ham balyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay heshiis la ahaato dunida, lana yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan horumar iyo wax wada-qabsi.

M/Weyne Xasan Sheekh Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale S/Guuto Liibaan Cali Yarow u magacaabay Guddoomi yaha Maxkamad da Sare ee Ciidamada Qalabka Si da, kadib ware egto kasoo baxday Xafiiska Madaxwe ynaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Cab duqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shaaciyay in xilka Guddoomiyaha Maxka madda Sare loo maga ca abay Liibaan Cali Yaroow oo kal hore xilka qaadis uu sameeyay Madaxweyn ihii hore ee Maxamed Cab dullaahi Farmaajo.

Guddoomiye Liibaan ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii isaga markii hore Farmaajo ku bed elay ee S/Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Wasiir Cabduqaadir Jaamac oo Qoraal soo sa aray ayaa waxaa uu Guddoomiyaha cusub ugu rajee yay guul iyo kaalin weyn oo uu ka qaato dagaalka qaran ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shab aab, isla markaana ka socda dalka.

Madaxweyne Museveni oo sheegay arrin uu sameynayo kadib booqashadii Xasan

Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Muse veni oo dhowaan wadahadallo la yeeshay madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku te gay Kampala ayaa ku dhowaaqay taageero cusub oo ay dowaddiisa siineyo Soomaaluiya.Museveni oo ka warbixinayey wadahadalladii uu la yeeshay dhi ggiisa Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay siin doonto Soomaaliya qalab milatari oo dheeri ah.

Madaxweynaha Uganda ayaa tilmaamay inay muhiim tahay wax ka qabashada amniga Soom aaliya iyo caqabadaha heysta dowladdda fede ralka oo uu ugu horreyso Al-Shabaab.

"Waxaan ku siin doo naa qalab dheeraad ah si aad wax uga qabato xaaladda amniga. Waxaa gob olku ka shaqayn karaa bixinta qalab,” ayuu yiri Yow eri Museveni.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in diiradda la saaro dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, si ay u han taan amniga dalka oo dhan.

"Waa in aad leedahay qorshe aad ku dhiseyso ciidan qaran. Shacabku waa inay dhistaan ciidanko oda si ay isu difaacaan,” ayuu sii raacyey madax weyne Yoweri Museven.

Uganda ayaa Soomaaliya ka caawisa dhanka milatariga, waxayna ciidamo badan oo qayb ka ah howlgalka ATMIS haatan ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo la dagaala Al-Shabaab.

Ballan-qaadka uu haatan u sameeyey Yoweri Museveni dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aad ayo kadibn laba safar oo is xig-xigay uu Xasan She ekh Maxamuud ku tegay Kampala.

C/C/Shakuur oo u jawaabay siyaasiyiin ku how lan inay fashiliyaan kacdoonka socda

Ergayga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, xil dhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay aa sheegay inay jiraan dad dano siyaasadeed leh oo isku dayaya inay fashiliyaan howlgallada dalka looga xoraynayo Al-Shabaab.

"Waxaa ayaan darro ah annagoo Soomaali ah ama qaar naga mid ah ay doonayaan inuuu howlgal kaas fashilmo. Waxaad mo odaa inaan dhexdeenna ka raadinayno political scoring,” ayuu yiri Cabdira xmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa ka digay in la suurad xumee yo kacdoonka Al-Shabaab, islamarkaana loo yeelo wajiyo kale si aysan meesha uga bixin kooxdaan, wuxu una xusay in dowladda Soo maaliya iyo beesha caalam ka ay si daacad ah u waj ahayaan howlgalka socda.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay Shalay di yaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxdan Al-Sha baab, wuxuuna taas ku sheegay inay tahay fursad qaali ah oo mudan in laga faa’ideysto.

Wuxuu si cad u sheegay inay arrin saxan tahay in dagaalka Al-Shabaab loo adeegsado hab qabiil si kooxda meesha looga saaro, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo mudan in la bogaadiyo.

"Dadkan Soomaaliyeed markastoo isku dayaan inay argigixisada iska qaaadaan waa la gabaayay. Dowladahaa gabaayay. Laakiin, Shalay dowladdii yaa diyaar ah oo safka hore joogta,” ayuu yidhi Cab diraxmaan Cabdiishakuur.

Hadalka ergayga abaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo la sheegayo inuu khilaaf ka dhex bilowday saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaa minaya ciidamada ku sugan Cadale ee loogu talo gal ay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa socda abaabul xooggan oo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga saaro gobolka Shabeel ada dhexe, waxaana deegaanka Cadale gaaray ci idan ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa cul eyskii ugu weynaa ee soo wajaha tan iyo markii koo xda la abuuray, waxaana la qiyaasi karin meesha uu ku dambeyn doono kacdoonkaan.

Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo si rasmi u da ah furay mashruuca horumarinta magaalooyinka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Md. Ismaaciil Cabdirax maan Sheekh Bashiir ayaa Shalay si rasmi ah u da ah-furay mashruuca horu marinta magaalooyin ka (SURP II) oo dhowaan la gu kordhiyey lacag $20 mill ion ah oo loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay abaaruhu ka soo barakiciyeen gobola da ee soo galay magaalooyinka Dalka.

Munaasibadda daah-furka waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Bangi ga Adduunka (World Bank), Haayadda IOM, Maayarada Garoowe, Ba ydhabo iyo Xog-hayaha Gobol

ka Banaadir oo matalay ey Maayarka Muqdisho oo wajiga 1-aad ee mashruuca laga fulinayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxm aan Sheekh Bashiir ayaa sheegay in dadka abaa ruhu soo barakiciyeen aysan cunto kaliya u baahn ayn, hasayeeshee Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay kaga qayb qaadanaso gurmadka abaaraha in ay u dhisto Guryo, Ceelal, Goobo waxbarasho, Wadd ooyin & Goobo caafimaad.

Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka (SURP II) ayaa qaabilsan dhismaha Waddooyinka dhex mara magaalooyinka iyadoona laga fuliyo dhamm aan maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Ban aadir oo uu maal galiyo Bangiga Adduunka (World Bank).

Maayaradda magaalooyinka Garoowe, Baydhabo & Xoghaya Gobolka Banaadir ayaa soo dhoweeyey daah-furka lacagtan lagu kordhiyey ma shruucan, waxa ayna sidoo kale u mahadceliyeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Bangiga Adduunka & Haayadda IOM.

Xulka 17 Jirada Soomaaliya Oo Gaaray Final-Ka Tartanka Isreeb Reebka Cecafa

Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo ah Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka 17 jirrada dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu kusoo dhamaday 1-1. Xulka Soomaaliya ayaa gool lagala hormaray waxay iskasoo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta. Kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaaryahan lagu magac aabo Cabdixafiid.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa. Soomaaliya haddii ay ku guulaysato tartankan waxay si rasmi ah uga qeyb gali doontaa tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023 ka dhacaya waddanka Aljeeriya.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaal iya, Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u di ray xulka 17 jirrada guusha taariikhiga ah oo ay ka soo hoyeenciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka ayaa ku ammaanay inay xulka uu ka soo baxay dadaalkii laga filayay, wuxuuna u raj eeyay inay ku guulaysandoonaa tartanka isree breebka ah.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la cya aridoono kooxda kasoo baxday guruubka labaad, wa xayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay

DF oo shaacisay waxa loo heysto Cabdalla Muu min iyo hey’adda uu u xiran yahay

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababta loo xiray xoghayaha urur saxaafadeedka SJS Cab dalla Axmed Muumin, oo Dorraad laga soo qabtay garoonka Aadan Cadde, xilli uu dalka ka dhoofi rabay.

Qoraal ka soo baxay wasaara dda warfaafinta Soomaaliya ay aa lagu cadeeyey in xoriyadda hadalka iyo arrimaha saxaafadda uusan la xariirin xarigga Cabda lla Muumin, balse loo hey sto arrimo amniga la xariira.

Ciidanka booliska Soomalaiya ay ey cadeysay wasaaraddu in Cabdalla ay gacanta ku hayaan, isla markaana laga dalbaday inay cadeymo u keenaan eedeymaha amni ee loo heysto sa xafigaas.

Cabdalla Axmed Muumin oo aad ugu dooda xuq uuqda saxaafadda ayaa laba maalmood ka hor ka mid ahaa madaxda ururrada warbaahinta ee dooda adag ka keenay amarkii ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday sii faafinta wararka iyo afkaaraha argagixisada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxii ska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an ta hay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda.

Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhii btaan, iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo shar ciga dalka u yaalla.

Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mud ane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muu min uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soom aaliyeed, isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyne ysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xir iira shaqadiisa saxaafadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafi iska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsi iyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.

Puntland oo joojisay Kulan uu Wasiirka Dhalinyarada ku lahaa Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa joojiyay kulan uu Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud kula yeelan lahaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Goboolka Mudug dhallinyar ada magaaladaasi.

Wasiir Maxamed Barre oo Dorraad Gaalkacayo u tegey ka qayb-galka Bandhigga Nabadda ayaa ma rkii danbe dhallinyarada magaaladu, ku booqatay hoy uu ka degey dhinaca Galmudug, halkaasna uu kulan gaar ah kula yeeshay.

Waxaan Habeen hore howga aan Gaalkacyo ka deganahay ku qaabilay koox dhalinyaro aqoonyah anno ah oo reer Puntland ah, waxaana ka shee kaysanay fursadaha iyo duruufaha wajahaya dhal inyarada Soomaaliyeed.

Waxaan ku bogaadiyay dhalinyarada reer Mudug ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug inay sii xoojiyaan is-dhexgalka iyo nabadaynta go bolka Mudug oo bilowgiisii ahaa Hal-abuur dhalinyaro.

Maalmaha aan joogo magaal ada Gaalkacyo waxaan kulamo la yeelan doonaa qaybaha kala du wan ee bulshada oo ay ugu hor eeyaan dhalinyarada labada dhinac ayuu kuyiri qo raal uu kasoo saaray kulankii gaarka ahaa, balse uu san ka hadlin kulankii laga jojiyay.

Maamulka Puntland ayaan wax faahfaahin ah ka bixin amarka joojinta oo la sheegey in uu ka soo ba xay madaxtooyada.

Ma cadda xilli ay kala boodeen DFS iyo Puntland.

DF oo gacanta ku dhigtay hub iyo gaari kadib howlgal ka dhacay BALCAD

Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga hela yaa howlgal qorsheysan oo ay Shalay ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu bee gsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in howlgalkan uu ka dhacay degaanka Bu ulo Kuuno oo hoostaga Balcad, isla-markaana khas aare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Qoraalka dowladda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu dilay illaa 4 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale nolosha lagu qabtay mid kale.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada howlgalka sameeyey ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo gaari ay wateen xu bnaha Al-Shabaab ee lagu weeraray duleedka de gmada Balcad, gaar ahaan beero ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda Somalia ay isbedel ka sameey een howlgallada ay ka wadaan deegaanada isku xira Balcad iyo Afgooye, halkaas oo markii hore fariisimo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan ku lahaayeen Shabaab.

"Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fid iyeen dhammaan deegaanada isku xira degmo oyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay u gu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu ba ado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaa agagaarka degmada Balcad ee go bolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, howlgalladan oo sii xoogeystay todob aadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa saraakiisha uga dhintay dowladda ka mid ahaa taliyihii Booliska Banaadir, Farxaan Qaroole.

Xukuumadda Somaliland oo sameysay mashruuc yaab leh oo lacag looga abuurayo

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku kacday arrin xad-gudub ku ah Saxaafada ka howl-gasha dee gaanadeeda, kadib markii ay si bar eer ah ugu qasabtay telefishanka CBA in u bixiyo lacag dhan 10-kun oo dollar.

Maamulka telefishanka CBA oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in uu bixiyay lacagtaasi oo uu ku sheegay inay tahay sharci darro, balse ay ku qasabtay Wasaaradda War faafinta Somaliland.

"Xayiraad saarneyd telefishanka CBA muddo 34 maalmood ah Shalay ayaa laga qaaday kadib markii aan bixinay 10kun dollar oo lagu sheegay ganaax, kadib markii uu maamulka uu eegay shaqaalaha iyo dadkii ku xidhna telefishanka.”

"Maamulka telefishanka waxa uu go’aansaday in uu lacagtaas bixiyo anaga oo u aragna lacag xaq daro ah oo aan nagula laheyn. Markii aan bixinay lac agta waxay Wasaaradii soo qortay waraaq xayirid ka qaadis ah.”

Sidoo kale maamulka telefishanka CBA ayaa sheegay in uu garab ka waayay ururka SOLJA oo ah ururka Saxaafiyiinta Somaliland, kaasi oo uu ku eedeeyay in uu dhinaca saaray xukuumadda.

"Waxa u mahadnaqaya cidkasta oo na-garab istaa gtay intii uu xayirna telefishanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maamulka CBA ee Shalay la hadlay war baahinta.

Si kastaba, Telefishanka CBA ayaa noqonaya telefishankii labaad ee xukuumadda Somaliland ka qaado lacag ay ku sheegtay ganaax, taasi oo lagu macneeyay in wasaarada warfaafinta ay arrintaan ka dhigatay mashruuc lacag uga sameyso warbaahinta madaxa banaan.

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saa tay Dagaal Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Yasooman

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa she egay inay 20 dagaalame oo Alshabaab ah ay ku di leen deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay Shalay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deega anka siina hayay xogta abaabulka weerarka Al-Shab aab ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta lagu jiray hawlgalka waxaa ku dhintay 3 askari, kuwaasi oo la xaqiijiyay geeridooda, waxaana Saraakiisha Ciidanka Dowladda ay sheegeen in AL-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu celiyeen deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km. 

Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda


AKHRISO: TAARIIKHDA CALANKA SOOM AALIYEED

Shalay oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 68 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo.

Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.

Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka.

Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah.

Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno.

SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka.

Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran.

Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe).

Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu.

Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan.

Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor.

Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa:

Qolobaa calankeedu,

waa ceynoo,

Innaga keenu waa,

Cirkoo kale e,

Oon caadna lahayn,

Ee caashaqaye.

Xidigyahay cadi,

Waad noo ciidamisee,

Carradaa kaligaa

adow curadee

cadceeda sideedaa

u caan noqo ee

Cishadad dhalataad calooshayadii

sidii culaygii cidaad marisee

Allow ha ku celin cawoy dhaha.

Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.

Soomaalida Shalay: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka Shalay ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaq balka dalka, dadka iyo diinta!

Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinim ada halka Shalay lagu faano Maamulka gobo leedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka.

Shalay Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. Xigasho:-Goobjoog News

Biden Oo Wacad Ku Maray Cawaaqib Ka Dhan Ah Sacuudi Carabiya Kadib Go’aankii

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray "Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga kadib markii dalalka OPEC+ ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqeen inay dhimi doonaan wax soo-saarka shidaalka, kuna gacan sayreen diidmada Mareykanka.

Hadalka Biden ayaa yimid maalin kadib markii Senator-ka awoodda badan ee Dimoqraadiga ah Bob Menendez, oo ah guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Senate-ka, uu sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu si deg deg ah u hakiyo dhammaan iskaashiyada uu la leeyahay Sacuudi Carabiya, oo ay ku jirto iibinta hubka.

Biden, oo wareysi siiyey Jake Tapper oo ka tirsan CNN, ayaan sheegay tallaabooyinka uu ka fakarayo.

Afhayeenka Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa sheegtay in dib u eegis siyaasadeed la sameyn doono, hase yeeshee waqti uma aysan qaban tallaabooyinka la qaadayo iyo cidda sameyneysa dib u qiimeynta.

"Dowladda Mareykanka si dhow ayey ula socon doontaa xaaladda toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayey tiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa sheegay in go’aanka OPEC+ uu ahaa kaliya mid dhaqaale, islamarkaana ay si wadajir ah u qaateen dalalka xubnaha ka ah.

"Xubnaha OPEC+ waxay u dhaqmeen si mas’uuliyad leh, waxayna qaateen go’aano ku habboon,” ayuu Amiir Faisal u sheegay taleefishinka Al-Arabiya.

Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey.

Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji.

IRAN OO ISHA LAGU HAYO

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu ansixiyey howlgal lagu soo qabto laguna dilo Khaashuqji, oo ahaa xog-ogaal Sacuudi ah oo isu beddelay dhalleeceeye, kaasi oo wakiilo Sacuudi ah ay ku dhex dileen kuna jarjareen qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Amiir Maxamed, oo uu dhalay Boqor Salmaan oo 86 jir ah, ayaa beeniyey inuu amray dilka balse wuxuu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa. Biden ayaa July sheegay inuu rumeysan yahay in amiirka uu mas’uul ka ahaa.

John Kirby, oo ah afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in Biden uu Congress-ka kala shaqeyn doono "sida uu xiriirka labada dal u ekaan doono hadda kadib.”

"Waxaan u maleynayaa inuu diyaar u yahay inuu billaabo wada-sheekeysiyadaas hadda. Uma maleynayo in tani ay tahay arrin u baahan in la sugo waqti fog,” ayuu yiri Kirby.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sidoo kale Talaadadii sheegay in maamulka Biden uusan indhaha ka laaban doonin Iran, oo ah dal cadaawad kala dhaxeyso Mareykanka, sidoo kalena ay xifaaltamaan Sacuudi Carabiya, marka la sameynayo dib u qiimeynta.

Inta badan hubka Mareykanka uu ka iibiyo Sacuudi Carabiya ayaa la sameeyaa ayada oo maskaxda lagu hayo halista Iran ee gobolka.

"Waxaa jira caqabado amni, oo qaarkood ka imanaya Iran. Dhab ahaantii indhaheena kama xiran doono halista Iran ay ku hayso gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Price.

Amiir Faisal ayaa sheegay in iskaashiga militari eeMareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay dan ugu jirto labada dal ba.

REUTERS

Itoobiya oo qaaday tallaabo muhiim u ah Soomaaliya

Soomaaliya ayaa taageero u helaysa ololaheeda ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado, kadib markii Itoobiya ay ku biirtay Uganda oo hore u taageertay tallaabadaas.

Golaha Ammaanka ee Qaram ada Midoobay ayaa lagu wa daa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda qeyb ka mid ah, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay in laga saaro si ay si wanaagsan ula dagaallamaan argag ixisada Al-Shabaab.

Taageerada Itoobiya ayaa timid kadib markii bishii July ay xooggaga Al-shabaab gudaha u galeen dalka Itoobiya, xilli ay Soomaaliya iyo xulafadeeda ka wadeen duullaan ballaaran oo ka dhan ah uru rkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inay tahay in la qaado cunaqabate ynta soddonka sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si Soomaaliya ay si wanagsan ula dagaalanto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika bishii July inay taageeraan ololahooda ku aaddan qaadista cunaqabateynta, taas oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee laga mamnuucay Soomaaliya.

Kooxda cilmi-baarista amniga ee Hiraal Institute ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay bishii February ku sheegtay in cunaqaba teynta hubka ay ku guuldareysatay inay ka hortagto Al-Shabaab oo soo galiya hub aan loo oggoleyn ciidamada federaalka in ay iibsadaan.

Samiira Gaid oo ka tirsan machadkan ayaa shee gtay in awoodda Soomaaliya ay tahay mid xaddidan, maadaama ay u baahan tahay oggolaansho ay ka hesho Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka si ay u iibsato hubka qaarkiis.

Waxa ay Samiira sheegtay in Al-shabaab ay si shar ci darro ah hubka uga soo iibsadan ama uga soo galiyaan Yemen iyo suuqyada guda, laakiin awoo dda dowladda ee soo iibsashada hubka ay xaddidad tahay.

Inkastoo oo xayiraadaha saaran yihiin Soomaa liya, haddana ciidamada Soomaaliya iyo xulafad ooda ayaa guulo ka gaarayay maleeshiy aadkan .VOA

Tirada Cudurka Ebola Ugu Dhimatay Ugan da Oo Sii Korortay

Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa xaqii jisay in qof qaba cudurka Ebola uu ku dhintay isbi taal ku yaalla caasimadda Kampala.

Bukaanka waxa horey kooxaha caafimaadku u sheegeen in uu la macaamilay qof qaba cudurkaasi.

Sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Dr. Jane Ruth Aceng, ninkan ayaa ka carar ay tuuladii uu ku noolaa, isaga oo qariyay aqoonsigiisa, wax aana uu booqday dhakhtar dhaqameed uu uga ta gay gobol kale. Bukaankan ayaa ku dhintay Kiruddu National referral Hospital 7-dii October. Tirakooby ada rasmiga ah ayaa muujinaya in ilaa iyo hadda la ga helay dalka Uganda 54 kiis oo Ebola ah , 19 ka mid ah-na ay cudurka u dhinteen.

Haamaha Ogsijiinka Oo La Shaaciyey Inay Lama Huraan U Yihiin Carruurta Qaba Oofwareenka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arri maha Caruurta ee UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in Haamaha Ogsijiinka ay lama huraan u yihiin car ruurta qaba Oofwareenka, haweenka dhalmada ku adkaato iyo bukaannada qaba COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hay’adda UNICEF ee Sooma aliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo tageertay sidii loo heli lahaa Haamaha Ogsijiinta oo ay u baahan yihiin carruurta qaba Oofwareenka.

Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Caruurta ee UNICEF ayaa shee gtay in shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira badbaadinta carruurta loo tababaray isticmaalka iyo dayactirka qalabka Ogsijiinka.

"Waxaa ku mahadsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, naf walba oo lagu badbaadiyo barnaamij ka socda Soomaaliya. Sidoo kale, shaqaa laha caafimaadka ee safka hore ayaa loo tababar ayaa isticmaalka iyo dayactirka qalabka Ogsijiinta” ayaa lagu yiri Qoraalka hay’adda Hay’adda UNICEF.

ERITREA OO XIREYSA HOOYADII UU WIILKEE DA AMA SEYGEEDA KA DHUUNTO DA GAALKA ITOOBIYA CIIDAN ERITREAN AH OO BAS SAARAN


XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maamulka Eretria ayaa xoojiyay abaabulka ciid an iyo baadigoobka dadka diiday inay ku biiraan ci idanka ee guud ahaan dalka, iyadoo uu sii xoogey sanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Xariggan ugu dambeeyay ayaa ah kii ugu darnaa abid, maaddaama aan xitaa laga tegin dumarka, iyadoo la xir ay hooyooyin iyo aabbeyaal badan oo da' ah, si ay u gu qasbaan carruurtooda inay is dhiibaan, kuwaas oo ku jira dhuumaaleysi, sida ay BBC-da u sheeg een ilo-wareedyo dhowr ah oo Eriteriyaan ah.

Waxay ka hadleen xaaladda iyadoo Eritrea ay ta hay dowlad xaddidan oo maamusha ku dhawaad dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha dadka.

"Maaddaama qaar badan ay iska dhego-tireen baaqyada ah inay iska diiwaan geliyaan ciidanka, wa xaa la xoojiyay isku soo uruurinta dadka," sida laga soo xigtay ilo-wareedyo. Waxaa sidoo kale la xiray xa asas kaddib markii ay ragoodii isku dayeen inay ka fogaadaan in ciidan laga qoro.

Isbaarooyin ayaa la soo dhigay waddooyinka waaweyn, waxaa na howlgallo baahsan ay ka socdaan magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Isku keenidda dadka ayaa ka socota waddoo yinka magaalada caasimadda ah ee Asmara, halka aagagga miyiga ah ay mas’uuliyiintu hareereeyeen guryaha dadka, isla markaana ay kala wareegeen lo’dii ay dhaqanayeen, halka ay dhibaateynayaan eh elada, haddii la waayo qof la baadi-goobayay, sida BBC-da lagu war geliyay.

BBC-du waxay la xirriirtay dowladda Eritrea si ay jawaab uga hesho dhankeeda.

Bishii la soo dhaafay, wasiirka warfaafinta Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in "tiro yar" oo ciidam ada keydka ah loo yeeray, isagoo beeniyay in dadw eynaha oo dhan la abaabulay.

Dagaalkan oo socday ku dhowaad labo sano ay aa saameeyay gobollada xudduudda ee Tigray, wax ayna dadka wax falanqeeya ku tilmaameen mid uu dhiig badan ku daatay marka loo eego colaadda Uk raine. Balse warbaahintu ma soo warin iyadoo dow ladaha Itoobiya iyo Eritrea ay si weyn u xaddideen safarka, halka inta badan la jaray khadadka isgaarsi inta ee gobolka Tigray.

Xukuumadda keli-teliska ah ee Eritrea ayaa soo faragelisay dagaalka ay ciidamada Itoobiya kula jiraan kooxda TPLF.

Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale billaabay abaa bul ballaaran oo ay ku xoojinayaan ciidankooda ka ddib markii uu bishii Agoosto burburay heshiis xab bad-joojin ah oo socday muddo shan bil ah, halka uu baaqday wadahadal lagu dhex-dhexaadin lahaa dhinacyada dagaallamaya, kaas oo Midowga Afrika uu Sabtidii ku qaban lahaa dalka Koonfur Afrika.

"Waxyaabaha kiciyay shucuurta"

Madaxda Itoobiya iyo Eritrea

XIGASHADA SAWIRKA,FISTUM AREGA

Dagaalku wuxuu qarxay bishii Noofembar ee san adkii 2020, kaddib markii ay isku dhaceen raysul wasaaraha Itoobiya ee ku guul aystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, Abiy Ahmed iyo TPLF

Waxay isku hayeen arrimo dho wr ah, oo ay ku jiraan in Itoobiya uu ka sii jiro nidaam federaal ah oo qowmiyad ku salaysan.

Ilo-wareedyo ku sugan Eritrea ayaa sheegay in maamulku uu isku dayay in uu "kiciyo shucuurta" goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha, isagoo faragelintiisa milatari la xiriirinaya "jiritaanka iyo madax-bannaanida qaranka", wuxuuna sheegay in TPLF ay "qasab tahay in la aaso".

Markii ay talada haysay TPLF, waxaa Itoobiya iyo Eretria dhex maray dagaal xudduudeed, kaas oo galaaftay nolosha ilaa 80,000 oo qof.

Maxkamad caalami ah ayaa markii dambe xukuntay in Itoobiya ay dhulka ku wareejiso Eritrea, laakiin xuk uumaddii ay maamuleysay kooxda TPLF ayaa ku gu ul-darraystay inay qaaddo tallaabadaas.

Eritrea ayaa dib u heshay dhulkeeda bishii Noof emb ar ee 2020, wax yar kaddib markii uu billowda



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip