DF oo shaacisay waxa loo heysto Cabdalla Muumin iyo hey'adda uu u xiran yahay

0
Wednesday October 12, 2022 - 22:30:40 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo shaacisay waxa loo heysto Cabdalla Muumin iyo hey'adda uu u xiran yahay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababta loo xiray xoghayaha urur saxaafadeedka SJS Cabdalla Axmed Muumin, oo shalay laga soo qabtay garoonka Aadan Cadde, xilli uu dalka ka dhoofi rabay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in xoriyadda hadalka iyo arrimaha saxaafadda uusan la xariirin xarigga Cabdalla Muumin, balse loo heysto arrimo amniga la xariira.

Ciidanka booliska Soomalaiya ayey cadeysay wasaaraddu in Cabdalla ay gacanta ku hayaan, isla markaana laga dalbaday inay cadeymo u keenaan eedeymaha amni ee loo heysto saxafigaas.

Cabdalla Axmed Muumin oo aad ugu dooda xuquuqda saxaafadda ayaa laba maalmood ka hor ka mid ahaa madaxda ururrada warbaahinta ee dooda adag ka keenay amarkii ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday sii faafinta wararka iyo afkaaraha argagixisada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda.

Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan, iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.

Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.

Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.

Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip