HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 11-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Tuesday October 11, 2022 - 08:09:02 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH TALAADO 11-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Museveni Kala Hadlay Dagaalka Shabaab Iyo Xasiloonida Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta

Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobol ka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wada agay Madaxweyne Yoweri Museveni halga nka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowl adda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan Alsh abaab oo caqabadna ku ah horumarka iyo xasil loonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xor nimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii Dorraad, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinaya an doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Ugan da, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dha nka argagixisada iyo deegaannada laga xoreey ey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxa muud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uga nda.madaxweyne xasan sheekh oo museveni ka la hadlay dagaalka shabaab iyo xasiloonida dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo shirgud doomiyey guddi hoosaadka gol aha Wasiirad da ee tiirka caddaa ladda iyo garsoorka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosa adka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaa bkii caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goo baha laga xorreeyey argagixisada.

Kulanka ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka caddaaladda iyo garso orka. Wasaaradda caddaaladda ayaa soo bandhi gtay qorshaha adeeg garsoor oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan laga xorree yey argagixisada Al shabaab.

Sido kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lah aayeen deegaanada laga xorreeyey cadowga, Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda soo gudbisay warbixin ku saab san guddiga xuquuqal insaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qor shaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada mu hiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana looga hirgalin lahaa maamul iyo kala danbayn.

Sheekh Aadan Madoobe Oo La Kulmay Gudo omiyaha Baarlamaanka Netherlands.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay magaalada The Hague ee dalka Boqorto oyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Ve ra Bergkamp, oo ah Guddoomiyaha Baarla maanka dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan, iyo is-dha afsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Sha cabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa waxaana uu shee gay in Dowladda Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jirto kooxda agagaxisada Al Shabaab iyo deg aannadda laga xorreeyay sidii gargaar loo gaa rsiin lahaa.

sheekh aadan madoobe oo la kulmay gud oomiyaha baarlamaanka netherlands.

R/W Xamza oo booqasho ku tegay xarunta gobolka Banaadir + ujeedka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay booqasho ku tegay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey duqan Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada xarunta gobolka Banaa dir, si uu qiimeeyo xaaladda guud ee xarunta iyo shaqada ka socoto.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuu suf Xuseen Jimcaale, isaga oo kula dardaamay sii amba qaadida howlaha horyaallo.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-had lay xaaladda guud ee Muqdisho, gaar ahaan amm aanka iyo howlaha horumarinta caasimada, sida uu shaaciyey afhayeenka gobolka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu ra’iisul wasaaraha ku tego xarunta gobolka Banaadir, tan markii la magacaabay guddoomiyey Yuusuf Mada ale oo mar labaad qabtay xilkaasi.

Kormeerka Xamza ayaa sidoo kale ku soo aada yo, ayada oo aan weli isbedal lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenada gobolkam waxaana haatan jira dood ka taagan magacaabistooda, taas oo ku aadan sida loo wajahayo maamaada loolan loogu jiro

Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida ammaanka iyo arrimo bani’aadanimo, maadaama ay soo gaareen qoy sas kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka.

Xildhibaano ka falceiyey ‘khasaarihii cuslaa ee Dorraad la gaarsiiyey’ AL-SHABAAB

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo xildhibaano hore oo reer Hiiraan ah ayaa ka falc iyey khasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaa rsiiyey dagaal Dorraad ka dhacay deegaanka Jicib ow oo 30km u jira degmada Buulo-burde ee gob olka Hiiraan.

Warbaahinta dowladda ayaa khasaaraha Al-Shabaab ku sheegtay 200 oo dhimasho ah halka guddoomiyaha degmada Buulo-burde uu sheegay in 100 lagu dilay.

Cabdullaahi Goodax Barre oo horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri "Waxaan u hambalyaynayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisley, guusha weyn ee ay ka gaareen deegaanka Jicibow ee hoostagga Degmada Buulo Burde. Mujrimiinta oo in ka bad an 500 oo nin ku soo weeraray deegaanka Jic ibow ayaa jab xoogan loo gaystay, qaar la dilay, qaar dhaawac lagu qabtay iyo qaar buur dushe eda go’doon ku ah oo lagu hareereysan yahay ayay noqdeen.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka Shabaabku uu ahaa inay ca gta mariyaan saldhigga ciidamada, balse ay ku hungoobeen.

"Waxa uu qorshahoodu ahaa in ay cagta mar iyaan saldhigga ciidamada wadajirka ah, balse si la yaqaan ayay ciidankii sutida ugu qabteen Kha waarijtii weerarka soo qaaday, dhegta ayaana dhii gga loo daray. Loogama harin ee waa la daba-galay, waxay galeen dhul buureed kayn ah oo ay sii sahansadeen. Taliyeyaasha Ciidamada waxa ay amreen in la go’doomiyo keliya, si aanay fur sad ugu helin in ay u tallaabaan dhanka galbeed. Khawaarijtuna waxa ay dan u arkayn in la isku ha beensado, kadibna ay helaan dooman ay ku gud baan, kuna qaataan dhaawaca iyo meydadka soo gaaray oo aad u baaxad weyn,” ayuu yiri Xildhi baan Macalimuu.

Macalimuu ayaa yiri "Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxaa u soo gurmaday ciidamo badan oo ahaa kuwii fidhiyay Yasooman iyo qaar Halgan ka soo baxay. Hawlgal aan garan karin ay ay ciidamada oo amaro ka helaya Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed la damacsan yihiin haraad iga go’doonsan. Haddii Shabaab xero inta ay wee rar gaadma ah ku soo qaaaan ay cagta marin jir een, hadda waxa yimid kuwa kalsooni iyo dhiir anaan qaba oo hubkooda ku xisaabtamaya.”

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray halkaas ayaa noqonaya kii mid ka mid ah kii ugu xoogga naa ee hal goob ku gaaray.

DF oo Xalay Muqdisho kasoo dejisay gabar ay dowlad kale ku xukuntay xabsi dheer

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ku guuleysatay inay dalka dib ugu soo celiso Fa adumo Cabdullahi Samatar oo 15 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay dowladda Kuwait.

Faadumo oo sanadkii 2018-kii ay dowladda Kuw ait ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ayaa Xalay laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee mag aalada Muqdisho, waxaana loo gudbiyey CID-da.

"Xalay oo taariikhdu ay tahay 10 Oct 2022, waxaa garoonka diyaaraddaha ee Adan Ca dde uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eeday een Dacwa oogista dalka Kuwait, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, xarigaas oo ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ka cafiyay kala bar,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey Radio Muqdisho.

Warkaan laguma xusin dembiga ay gashay gabadhaan ee sababay in lagu xukumo 15 sano, waxaana hadda loo gudbiyey xarunta dembi ba arista booliska Soomaaliya ee CID-da, si baa ritaan kale loo marsiiyo.

"Dadaal dheer iyo xiriiro uu xafiiska Xeer ilaali yaha qaranka iyo hay’adaha kale oo ay khusayso la sameeyeen madaxda dalka Kuwait ayaa suurta geliyey in Xalay Faadumo dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Yaxye Maxamuud Siciid Xeer Ilaaliye ku xig eenka Qaranka ayaa gabadhaan kula wareegay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde, wax ayna dowladdu shaacisay in xarigeeda sharciga la waafajiyo.

Ugu dambeyntii, sida lagu baahiyey qoraalk aan xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay aa balan qaaday in dadaalkiisa uu isugu geynayo sidii dhammaan dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, iyadoo la xusay inay jiraan dadaallo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiisku.

Xoghayihii BF oo xog cusub ka bixiyey lacagtii laga qaaday musharaxiinta

Xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Soom aaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo 10-sano ka dib Dorraad xilkaas wareejiyay, kadib markii uu is-casilay dhawaan ayaa sharaxay halka ay ku da mbeeyaan lacagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada.

Buux ayaa xafladii xil wareejinta u ga faa’iideystay inuu ka jawaabo eedeymo laga faafiyey oo la xar iiray in hoggaanka golaha shacabka uu lunsaday lacagahii laga uruuriyey musharaxiinta.

Wuxuu sheegay in lacagahaas toos loogu shu bay qasnadda dowladda, isla markaana loo maa mulay si waafaqsan sharciga maaliyadda ee dal ka, "Yaan sharafta baarlamaanka meel looga dhi cin, waxaan arkayey dad soo qoraya malaayiin dollar oo xiligii doorashada la uruuriyey ayaa la lunsaday,” ayuu yiri Buux.

Wuxuu intaas ku sii daray, "10-sano ayaan ka soo shaqeynayey hey’adaan sharci dejinta, waa na halka laga ilaaliyo sharciga dalka, wax musuq ahna kuma dhex arkin, lacagtaasna waxaa laga maamulay oo lagu shubay qasnadda dowladda.”

Sidoo kale Cabdikariin Buux ayaa sheegay in lac agihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doo rashada ay gaarayeen hal milyan iyo seddax boq ol, "Hadda waxaa ka dambeeya boqol kun oo loo qorsheeyey in la siiyo shaqaalihii ka shaqeynayey doorashada, waxaana gacanta ku heysa wasaa radda maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Buux.

Cabdikariin Buux ayaa dhawaan iska casilay xilka xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soo maaliya, isagoo aan shaacin sababta, wuxu una Shalay xilkaas ku wareejiyey Cabdiraxmaan Ja abiri oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu u magacaabay.

Beesha caalamka oo cadaadis xoogan ku haysa Somaliland

Tan iyo markii uu Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqay muddo kordhin 2 sano ah oo u sa meeyay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa isa-soo taraya cadaadiska ay beesha caalamka saareyso xukuumadda iyo saamileyda siyaasada.

Beesha Caalamka ayaa rabta in xal wada-ogol ah laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kordhin ta, si hoos loogu dhigo xiisada siyaasadeed ee arrintaas sababtay.

Safiirka Ingiriiska ee So omaaliya, Kate Foster oo dhawaan booqasho ku ti mid caasimada Soma liland ee Hargeysa ayaa waxay kulan la qaadatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankaas ayaa waxa diirada lagu saaray xii sada siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, wax aana warbixin guud oo ku aadan xaalada taagana Safiirka ka dhageystay guddoomiyaha.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale muujiyay sida ay ka gole ahaan marwalba diyaar ugu yihiin inay qeyb ka noqdaan xalinta khilaafaadka siya asadeed ee ka taagan Somaliland.

"Waxaa uu dhanka kale gudoomiyuhu usheeg ay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xa linta khilaafyadda yimaada maadaama dalka Som aliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka Guddo omiye Cabdirisaaq Khaliif iyo Safiir Kate Foster.

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaa sadeed xoogan oo ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay madaxweyne Biixi, ayada oo aan xal laga gaarin khilaafkii doorashooyinka ay isku hayeen xukuumadda iyo mucaaridka.

Suxufiyiinta MUQDISHO oo cabsi hor leh ka muujiyay fulinta go’aankii dowladda

Ururada Saxaafada Soomaaliyeed ee kala ah SJS, SOMA, FESOJ iyo SIMHA ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay dhawaan dowladda uga joo jisay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen ururadaan ayaa waxay ku sheegeen in go’aanka Wasaarada Warfaafinta aan lagala sameyn wax wada-tashi ah, islamarkaana la iskugu dayayo in la xadido xuquuqda saxaafada ee sharcigu ogol yahay.

Sidoo kale waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka in go’aankaas uu yahay mid amni darro u keen aya warbaahinta Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ku shaqeeya.

"Xayiraad waxay imaan karta marka uu sharcigu ogol yahay oo ay marka hore isku dheelitaran ta hay, lagama maarmana ay tahay. Sidoo kale waa in la helo habraac looga dacwoon karo oo leh noo c dib u eegis Garsoor, taasi oo aan ku jirin go’a anka ay wasaaradu soo saartay.”

"Suxufiyiinta ma wataan Bullet-Proof oo ilaalina lama socoto, marka go’aanka wasaarada warfaaf inta kuma fadhiyo tiir sharci. Waa in aan marnaba la xadidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xoriyada sax aafada ee sharcigu ogol yahay.”

Sidoo kale waxay dalbadeen in dowladda dib u eegis ku sameeyso sharciga saxaafada, oo ay sheegeen inay ku jiraan qoddobo badan oo ka hor imanaya xoriyada saxaafada iyo xuquuqda ay lee yihiin saxafiiyiinta, sidaas darteedna aysan yee leyn.

"Marnaba ma yeeleyno in sharciga saxaafada marmarsiyo looga dhigto in qawaaniin iyo qo ddobo qof intuu iska qor-qortay uu soo saaro kal igiis kuna dhawaaqo, inooga dhigana digreeto sha rciga wadanka ka shaqeeya. Waxa ka digeyna amniga suxufiyiinta oo awal khatar ku jiray in mar kale khatar la galiyo yaan lagu ciyaarin.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsadeen Wasaar ada Warfaafinta in go’aankaas oo ay sheegeen in markii horeba lagu deg degay ay dib u eegis ku sameeyso, islamarkaana ilaaliso xuquuqda wari yeyaasha Soomaaliyeed.

Arrintaan ayaa imaneysa maalin kadib markii ay kooxda Al-Shabaab soo saartay digniin si toos ah ugu socotay warbaahinta madaxa-banaan ee fulisa go’aanka kasoo baxay dowladda, taasi oo u muuqata in durtaba ay abuurtay cabsi hor leh oo soo foodsaartay qaar kamid ah saxafiyiinta ka howl-gala warbaahinta dalka.

Mareykanka oo ka horyimid in Wariyeyaasha Soomaaliyeed laga joojiyo baahinta wararka Al-Shabaab

Qoraal kasoo baxay Safaaradda mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga soo horjeestay go’aanka ay dowladda Soomaaliya Warbaahinta uga mamnuucday inay tebiyaan Wararka la xiriira Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Sooma aliya iyo dowladaha taageera.

Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri” Xuquuqda & Waajibaadku waxay qeexaan in saxaafadda xorta ah ay xaqa u leedahay inay soo bandhigto aragti yo kala duwan & mas’uuliyadda bixinta xog sax ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhiirigeliyay Dowladda Soomaaliya & Warbaahinta Soomaaliye ed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta amniga, oo ay ku jiraan ba dqabka suxufiyiinta iyo xorriyaddooda warbix ineed.

Sabtidii todobaadkaan ayaa Wasaaradda War faafinta Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay ku amartay Warbaahinta Madaxa bannaan inay jooji yaan tebinta Wararka la xiriira Al-Shabaab, taas oo Shalay ay kasoo horjeesteen Urrurada Sax aafadda Soomaaliya.

Putin oo digniin bixiyay xilli uu xaqiijiy ay duq eymaha Shalay lagu garaacay Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay duqeymaha Shalay lagu garaacay mag aalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

Putin wuxuu sheegay in ganta allada riddada dheer lagu gara acay xarumaha tamarta, milite riga iyo isgaarsiinta.

Putin wuxuu wacad ku maray in uu qaadi doono tallaabo adag oo jawaab u ah inay ficilo ‘argag ixiso’ oo kale oo laga geysta dhulka Ruushka.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa Shalay lagu wa daa in uu la kulmo Golahiisa amniga si ay uga wa dahadlaan qaraxii lala beegsaday buundada isku xirta Ruushka iyo Crimea, wuxuu ku eedeeyay in Ukraine ay ka dambeysay weerarkaas.

Ciidamada oo fashiliyay qorshe Shabaab ku jari rabeen waddada Beledweyne & Buulo Burde

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deeg aanka ee Macawiisleyda ayaa fashiliyay isku day ay maleeshiyada Al Shabaab ku doonayeen inay ku gooyaan waddada xiriirisa Degmooyinka Bel edweyne iyo Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, oo dhawaan uun la furay.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Axaddii weerar u mu uqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay fariisimihii ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, hal kaas oo uu ku dhex maray dagaal saacado badan qaatay, ugu dambayna lagu fashiliyay duulaanko odii.

Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabd iraxmaan Khayre ayaa sheegay in qorshaha Sha baabku ahaa inay cagta mariyaan ciidamadii hal kaasi ku sugnaa, ka dibna ay gooyaan waddada Beledweyne iyo Buulo Burde.

"Waxay nimankan argagixisada ah ee Al Shab aab soo buux-dhaafiyeen jiinka webiga ee dhanka tuulada Jicibow, oo 30km waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, halkaasi waaberigii ciid ankii amniga iyo ciidankii deegaanka ee ku sug naa iyo ayagii oo soo buux-dhaafiyay webiga jiink iisa iyo dhulkaasi oo dhan ay is fara-saareen, oo qorshahooduna ahaa in ciidamada meeshaasi joo go ay burburiyaan, ka dibna ay soo galaan Buulo Burde iyo deegaanada hoos yimaada, si loo kala gooyo isu socodkii Buulo Burde iyo Beledweyne oo dib u soo laabtay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo BBC la hadlayay ayaa yiri "Daga alka waxaa markii dambe ku biiray oo gurmad u noqday ciidamo ka kala baxay Buulo Burde iyo Yasooman oo deegaanka tegay, ciidamadaas oo iska caabin xoogan kala kulmay nimankii argagix isada ahaa markii koowaad, markii dambena wa xaa Ilaahay mahadiis ah u suurtagashay in la jiiro, oo nimankaasi cadowga ah si la yaab leh loo bu rburiyay difaacii ay sameysteen, firxadkoodiina qayb ka mida webigaa qaaday, qaybna meel buur ah ayay isu uruursadeen.”

Wasiirka ayaa muujiyay in waddada keliya ee u furan Shabaabka buurta saaran ay tahay inay isa soo dhiibaan, haddii kalena la soo afjari doono

"Insha’Allah, intaasi dhiman waa la soo afjari doo nnaa, haddii aysan is dhiibin, illaa iyo subaxnima da Shalay ah.” Ayuu yiri Wasiirku.

Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ka dha shay dagaalka ayaa waxa uu ku jawaabay "Khas aaraha xageena waxaa ka shahiiday Sarkaal iyo laba askari, oo midna yahay ciidamada deegaan ka, midna yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaa liyeed, shuhaddaas saddexda ah iyo dhaawacyo aan saas u badnayn, laakiin khasaaraha xagooda gaaray aad ayuu u badan yahay. Khasaare aan la soo koobi karin weeye, qayb ka mida mey dadko odii webiga ayaa qaaday, waan u soo bandhigi do onnaa Warbaahinta jabka xoogan ee dhimashada ah ee gaaray nimankan cadowga ah.”

Mintidiinta Al Shabaab ayaa jab xoog leh kala kulmaya gulufka lagaga soo horjeedo ee horaan ka bilowday Gobolka Hiiraan, waana furinta keliya ee uu sida tooska ahi uga soconayo dagaalka la doonayo in lagu soo afjaro.

Mid Ka Mid Ah Suuqyada Ugu Weyn Dalka Pakistan Oo Gubtay Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn oo ku yaalla bartamaha caasimadda Pakistan ee Isl amabad. Sawirro lagu soo bandhigay baraha bu lshada ayaa muujinaya qiiq aad u b adan oo ka soo baxa ya dhis maha, iyadoo muuq aallada qaar ay muujinayaan olol gu daha iyo dibadda dhi smaha ah. Waxay sidoo kale la ar kayay dad is ku dayaya inay ka baxaan dhismaha dabku ka kacay.

Booliiska ayaa sheegay in dhammaan dadkii ku sugnaa xarunta ganacsiga si nabad gelyo ah loo ga saaray halkaa. Waxaa socday dadaalo lagu daminayo dabka oo la sheegay in uu ku sii fiday dhismayaal kale.

Xoghayaha Cusub Ee G/Shacabka Oo Kulan La Qaatay Ku Xigeenadda Iyo Agaasime Waaxeedyada

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ay aa Shalay kulan la qaatay xoghaye ku xigeenad da iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacab ka.

Kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo xog-wareysi la xarriiro shaqada ay qabtaan waaxyaha kala du wan ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Xoghayaha iyo Agaasime waxeedya da ayaa lagu falanqeeyey sida hufan ee looga shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka wax aana uu sheegay in Agaasime-yaasha iyo shaqa alaha aqoontoo da iyo kartidooda ku kal soon yahay islamar ka ana howl-waddeenna da qa ar aan fursan u he lin tababarada mas ka xdooda iyo Tayadooda la dhisi doono.

Xoghayaha Gola ha Shacabka Md. Cabd iraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, oo ahm iyad gaar ah siiyey in Golaha laga helo adeegyo caafimaad oo tayo leh ayaa adkeeyey in la xoo jiyo Baarlamaanka inuu yeesho qeyb u gaar ah Adeegyada Caafimaadka, kaas oo loogu tala ga lay Madaxda iyo shaqaal aha Baarlamaanka.

Guddigii loo xilsaaray qiimeynta khasaa raha ka dhashay qarixii Beledw eyne oo Shaqa bilaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Ho ose ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Qaraxii Ka dhacay Magaalada Beled weyne Cabdi Daahir Guure Karoorre iyo Gudd oomiye ku xigeenka Guddiga ahna wasiirka Amn iga Mohamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Shalay gaaray Beledwe yne .

Guddiga ayaa kulankii ugu horreeyay safar kooda kaddib la yeeshay Ma daxweyne ku xig eenka Hir-Shabeelle Yuusuf Ax med Hagar waxey na ugu warbaxiyeen Howlahahor yaallo guddiga iyo muhiimad da ay leedah ay in diiradda la saaro xaal adda M/Beledweyne .

Guddiga ayaa Kulanka ay la yeesheen Mad axweyne ku xigeenka waxaa ku wehliyay Agaa simayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Gudaha iyo Ga rgaarka ee Dowladda HirShabelle .

Guddiga ayaa wadatashiyo iyo xog-wareysi la yeelan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka , Saraakiisha, Ganacsatada iyo Maamu lka Degmada Beledweyne

Cali Jayte oo tegay Jicibow kana hadlay howlgalkii lagu laayey Al-Shabaab

Wafdi masuuliyiin ah oo guddoomiyaha go bolka Hiiraan uu hoggaaminayo ayaa Shalay ga aray deegaanka Jicibow ee waqooyiga magaal ada Buuloburde, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab doonayey inay kala jiraan magaalooyin ka Beledweyne iyo Buuloburde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa warbaahinta ku la hadlay Jicibow, wuxuuna sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay laayeen Al-Shabaab-kii soo galay deegaanka as, kadib markii ay ciidanku hareer eeyeen.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa si weyn ugu mahad-cel iyey ciidanka Jabuuti ee Hiil-Wal aal oo Shalay duqeyn ku laayey koox Shabaab ah oo laga saari waayey goob ay gabaad ka dhig teen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu beel aha Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay in Shab aab ay iska xoreeyaan, "War Soomaaliyey Shaba ab waa jabay ee dhulkiina ka xoreysta, war raggu Shalay waa tabar beeleen ee dhameystira,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka de egaanka ayaa howlgalkaan ku dilay Shabaab aad u badan, iyadoo ugu dambeyntii Shalay lagu du qeeyey buur ay fuuleen, si ay difaac uga dhigt aan, guddoomiye Jeyte ayaa warbaahinta u xaqi ijiyey in lasoo afjaray kooxdii soo gashay deega anka.

Deegaanka Jicibow ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Beledweyne ka xiga magaalada Buulobu rde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo marin muhi ima u ah isku socodka labada magaalo oo dib loo furay dhamaadkii bishii hore.

Cali Guudlaawe oo tegay xarunta laga hagayo howlgallada SH/ DHEXE

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir Shabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Gu udlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaaray magaallo xeebeedka Cadale

ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo xud un u noqotay abaabulka la doonayo in Al-Shab aab looga saaro deegaannada ay ka heystaan gobolkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa degmada Cadale ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinya degmadaas, qa ybaha kala duwan ee bulashada & saraakiisha cii damada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Madaxweynaha HirShabelle oo soo dhoweynt iisaka hadlay ayaa sheegay in socdaalka uu ku tegay degmada Cadale uu ka duwan yahay socda aladiisii hore, islamarkaana safarkiisa uu ku qot omo dardargelinta howlgalada Shabaab looga saarayo degmooyinka SH/DHEXE.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka uu hormuud u noqon doono kacdoonka shacab ee haatan socdo, si guud ahaan meesha looga sa aro kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta inay u diyaar garoobaan duulaan cusub oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo lagu beegsan ayo meelaha ay gobolka ka joogaan.

Guudlaawe ayaa horey u booqday gobolka Hiiraan oo uu haatan ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo kormeeray goobihii lala be egsaday qaraxyadii Beledweyne.

Inta badan deegaanada maamul goboleedya da, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa ka socdo abaabulkii u gu dambeeyey ee dalka looga xoreynayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo haatan

wajahaya culeyskii ugu adkaa.


Puntland oo bilaawday heshiisiinta beelo dagaalamay

Waxaa Shalay Magaalada garoowe ee Xaru nta gobolka Nugaal ka furmay shir lagu dhameys tirayo colaaddii ka dhacday degaannada Saax-maygaag iyo Senge-jebiyeoo ka kala tirsan gob allada Nugaal iyo Sool.

Shirkan oo qaban qa abadiisa uu leeyahay ma amulka Puntland ayaa wa xaa goobjoo ka ah min 21 xubnood oo ka kala so cda dhinacyadii col aaddu dhexmartay , waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah oo la gu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad goboleedka Puntland oo hsirka ka qeyb galay ayaa dhinacyada ugu ba aqay inay dhaqan geliyaan go’aannada shirka ka soo baaya, si loo soo afjaro colaada labada Bee lood oo ah mid soo laab laabatay.

Horay ayaa waxaa shirkaan shirar lamid ah waxaa loogu qabtay degaannadii lagu dagaalam ay ee Saax-maygaag iyo Senge-jebiye , kuwaas oo laga soo saaray go’aano keenay in dagaalkii u dhaxeeyay labada maleeshiyo Beeleed uu joo gsado

Scotland oo sare u qaadaysa dadaalka ay uga go’eyso UK

Hoggaamiyaha dowladda Scotland ayaa Axaddii sheegtay inay xoojin doonto ololaha ay Scotland uga saareyso UK, xitaa haddii looga guuleysto kiis yaalla Maxkamadda Sare oo ay ku dooneyso ogolaanshaha afti loo qaado madax-banaani. Wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa dooneysa in aftida la qabto October 2023 ha se yeeshee dowladda Conservative-ka ay hog gaamiyaan ee London ayaa tiri maya.

Maxkamadda Sare ee Bri tain ayaa lagu wadaa inay Ta laadada dhageysto haddii maamul goboleedka Scotland uu abaabuli karo cod madax-banaani ay ada oo aysan ogoleyn dowladda London.

Sturgeon, oo hoggaamisa xisbiga Scottish Natio nal Party ayaa sheegtay in haddii dowladdeeda fa dhigeedu yahay Edinburgh ay ku guuldarreysato kiiska maxkamadda, ay doorashada xigta ee UK ka dhigi doonto afti ku saabsan dhameynta sad dex qarni oo Scotland ay la mideysneyd England.

Ma bixin faah-faahin ku saabsan sida ay taasi u shaqeyn doono. Cod-bixin la qabto ogolaansho la’aanta dowladda UK ma noqon doonto mid sha rci ah.

Sturgeon ayaa tiri in haddii maxkmadda ay xan ibto aftida "waxaan kiiskeena horgeyn doonnaa shacabka marka la gaaro doorashada ama waxa an ka tanaasuli doonnaa dimoqraadiyadda Scot land.”

"Waxay noqon doontaa xalka ugu dambeeya. Ma doonayo inay heerkaas gaarto. Waxaan doon ayaa afti sharci ah,” ayey tiri.

Scotland iyo England ayaa siyaasad ahaan mideysnaa tan iyo 1707. Scotland ayaa tan iyo 19 99 laheyd baarlaman iyo dowlad u gaar ah, wax ayna si gaar ah u dejineysay siyaasadaheeda caa fimaadka bulshada, waxbarashada iyo arrimo kale. Dowladda UK ee London ayaa maamusha arrimaha difaaca iyo miisaaniyadda.

Cod-bixiyayaasha Scotland ayaa natiijo ah 55% iyo 45% ku diiday afti madax-banaani oo la qaaday 2014, taasi oo loo arkay fursad naadir ah.

Dowladda ay hoggaamiso Sturgeon ayaa ku doo deysa in ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub iyo cudurkii Coronavirus ay wax ka beddeleen siy aasadihii iyo dhaqaalihii, islamarkaana la joogo waqtigii lagu laaban lahaa kiiska madax-banaa nida.

Cod-bixiyayaasha Britain ayaa si dirqi leh ku ansixiyey 2016 aftidii Brexit, hase yeeshee kuwa ku nool Scotland ayaa si xooggan ugu codeeyey inay kusii jiraan Midowga Yurub. AP

Kuuriyada Waqooyi " Waxaan sameyn ay ma talaadda weerar nukliyeer ah oo aan ku qaadn ay Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gan taaladii ugu dambeeyay ee ay ridaysay ay ahayd "u ekaysiin” weerar Nukliyeer ah oo lagu qaaday Koonfurta

.Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo sirdoon ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay isku diyaar inayso inay qabato tijaabadii ugu horreysay ee hubka Nukliyeerka muddo shan sano ah. Todoba adyadii la soo dhaafay, Pyongyang waxa ay ridd ay todobo xabo oo gantaal ah taas oo jawaab u ah dhoolatusyadii u dambeeyay ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Madaxweynaha Belarus oo sheegay in NATO ay wado qorshe ka dhan ah dalkiisa

Madaxweynaha Belarus ayaa ku andacoon aya in Ukraine, NATO iyo waxa uu ugu yeeray "wadamo ka mid ah Yurub” ay dhamaantood qor sheynayaan inay weerar ku soo qaadaan dhulka Belarusia.

Alexander Lukashenko ay aa sheegay in uu hadda ku amrayo ciidamada dalkiisa in ay la socdaan ciidamada Ruushka si ay uga ja waabaan waxa uu ugu yeeray "khatar cad”.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa ka digay in cunaqabatayn cusub lagu soo rogi doono Belarus, haddii ay Ruushka siiso kaalmo dheera ad ah.

Afhayeenka, oo lagu magacaabo Peter Sta no, ayaa ku tilmaamay sheegashada Mr Luka shenko ay tahay ‘wax lagu qoslo’:

TPLF Oo Baaq U Dirtay Shacabka Tigray

Jabhadda TPLF ayaa ugu baaqday qof kasta oo ka tirsan bulshada Tigre inay kusoo biiraan da gaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea xilli uu dagaal ka socdo deeganno dhowr ah.

Bayaan laga akhriyay teleefishinka ay ma amulaan jabhadda ayaa la gu sheegay in ‘ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay afarta jiho ka wadaan wee rraro xooggan oo lagu xasuuqato shacabka Tigray’.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haa tan 5.4 malyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baa han yihiin cunto xilli dagaalka uu sababay inay ha kad galaan adeegyadii aasaasiga ahaa.

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Sa artay 15 Tahriibayaal Ah Oo Dil Foolxun Loogu Gaystay Liibiya

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Lii biya ayaa Axaddii wuxuu cambaareeyey "dilkii u gu foosha xumaa” ee loo geysto 15 tahriibayaal ah oo ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee dalka Liibiya, iyaga oo ku eedeeyey dil kaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax ta hriibiya. Qaramada Midoobay ayaa dalbanaysa in kooxaha falkaas ka dambeeya cadaaladda la hor keeno.

Meydadkan ayaa subaxnimadii Jimcihii laga helay meel xeeb ah, waxaana intooda badan ay ku dhinteen dooni gubatay, sida ay sheegeen Ha wlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo Bisha Cas ee isna dalkaas ka hawlgala.

"iyada oo weli lagu mashquulsan yahay in la ogaado xaaladda dhabta ah, ayaa haddana wa rarka hordhaca ahi waxay sheegayaan in dilkan uu ka dhashay, iska dhac dhexmaray kooxaha wax tahriibiya” ayaa lagu yidhi warbixinta ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya.

Waxay ku boorisay masuuliyiinta dalka Liibiya, inay si degdeg ah u bilaabaan baadhitaan madax-banaan oo daahfuran, si cadaaladda loo horke eno dhamaan dembiilayaashii ku luglahaa falkan foosha xun.

Liibiya ayaa ah marin muhiim ah oo si qarsoo di ah looga tahriibiyo dadka.

Talo uu soo jeediyay ninka adduunka ugu taaj irsan oo ka careysiisay Taiwan

Xukuumadaha Beijing iyo Taipei ayaa jawaab ay ka dib markii maal-qabeenka adduunka Elon Musk uu sheegay in Taiwan ay noqoto aag maam ul oo gaar ah oo Shiinaha ka tirsan.

Ninka ugu taajirsan adduunka ayaa wareysi uu siiyay Financial Times ku sheegay inuu rumey san yahay in labada dowladood ay gaari karaan qorshe "macquul ah oo la aqbali karo”.

Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ayaa ammaanay Musk balse dhi ggiisa Taiwan ayaa sheegay in xorriyadda "aanay iib ahayn”.

Taiwan waa maamul gaar ah laa kiin Beijing ayaa ku anddacoo naysa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Toddobaadkii hore, Musk ayaa waxa uu sidoo kale lagu dhaleeceeyay ra’yi uruurin uu ku soo ba ndhigay Twitter-ka ah taas oo uu ku soo jeediyay indagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, la soo afjaro xukuumadda Kyiv-na inaydhul u oggo laato Moscow.

Hadalka Mr Musk ayaa imaanaya iyadoo shir kaddiisa Tesla ee baabuurta korontada ku shaq eysa ay faa’iido badan ka sameeyay iibkeeda Shiinaha.

Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku ga raac ay magaalooyin ku yaalla dalka Ukr aine oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Ruushka ayaa gantaallo ku garaacay ma gaalooyin ku yaalla dalka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda Kyiv.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhismayaal dhowr ah oo magaalada Kyiv kuyaala.

Ugu yaraan sideed qof ay aa la sheegay in lagu dilay hal degmo oo kaliya, Weriyeyaasha BBC-da ayaa sheegaya in duqeymahan ay yihiinkuwii ugu bad naa ee si isdaba jooga ah oo uuRuushku same eyo tan iyo toddobaadyadii hore ee dulaanka.

Gudoomiyaha gobolka Dnipropetrovsk, Vale ntyn Reznichenko, ayaa sheegay in Ruushka uu duqeeyay gobollo badan

Weerarradan ayaa daba socda baaqyo ka soo yeeray dadkaputin aadka u taageera oo maal mahanba ka ololoeynayay telefishinnada Ruu shka iyo baraha bulshada si uu Ruushkatallaabo adag uga qaadoUkraine.

Sababtidii aynu soo dhafnay ayay aheyd mar kii qarax ka dhacay buundo kutaala Crimea oo muhiim u ahisku xidhka Ruushka iyo Crimea uu burbur xog leh soo gaary.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ay aa qaraxan ku eedeeyay in ay kadanm beeyeen. Sirdoonka Ukraine



CABDULLAAHI YUSUF AXMED, KUMUU AHAA AABBAHA PUNTLAND?


Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Shalay oo kale, 10-kii bishii October ee sanadkii 2004 ayaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo doortay xilka madaxweynaha dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday Kenya ayey baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen kaddib markii lasoo gaboga beeyay shir dib u heshiisiin ah oo muddo u socday siyaasiyiinta Soomaalida.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa xilkaas hayay ilaa 29-kii bishii Decem ber ee sanadkii 2008. Waxa uu geeriyooday 23-kii bishii March ee sanadkii 2012.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa aabbihii Puntland.

Dadka aasaska hore ee Puntland door weyn ka qaatay billaabayna nida amka dimuqraadiyadeynta waxaa ka mid ah Cabdullaahi Yusuf Axmed. Qoraalkan waxaan ku eegi doonna waxa lagu xasuusto aasaasihii iyo mad axweynihii ugu horreeyey ee Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Aasaasitaankii Puntland

Markii dawladdii dhexe burburtay, isla sida oo kalena doonisyo beesha caalamku ay ku doonaysay in dawlad la dhisaana ay waxba ka hir geli waa yeen waxaa gobolladda hadda Puntland maamusho ka bilawday shirar is daa joog oo u dhexeeyey isimada iyo madax dhaqameedka degaankaas.

Waxaana sannadkii 1998 -dii bishii Julaay noqday madaxweynihii ugu hor reeyey ee Puntland, mudane Cabdilaahi Yuusuf.

Waxana uu halkaas madaxweyne ka ahaa ilaa uu ka aadey Eldoret/ Nair obi Kenya oo lagu soo dhisayey Dowlad Ku meel Gaarka ahayd.

Taariikhdiisa oo kooban

Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu ku dhashay tuulada birta dheer, oo u dhaw magaalada Garowe sannadkii 1934, hooyadiina waxaa la odhan jiray Bullo Nuur Siciid.

Waxa uu ku biiray kulliyadda ciidammada, waxaana muddo kaddib laba sano oo waxbarasho ciidan ah loogu diray dalka Talyaaniga, sanaddadii 1952-56.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Waxaana sannadkii 1957 -kii loo magacaabay Taliye Ku xigeenka booliska gobolka Banaadir. Mar kale ayuu se ku noqday Talyaaniga sannadkii 1960-kii.

Waxaana muddadaas kaddib u soo qabtay xilal badan oo dhanka mill at eriga ah, isaga oo gaadhay derajada gaashaanle sare. Waxaa kale ooo uu buugga Cabdullahi Yusuf iska qoray lagu sheegey inuu Jaamacadda Qaran ee Soomaaliya uu ka dhigtey kulliyada sharciga, laakiin inta uusan dham eynin la xidhey.

Waxaana uu sidoo kale dagaalkii xoraynta ee Soomaali Galbeed loo ma gacaabay C/llaahi Yuusuf inuu hoggaamiyo ciidamada Dagaalka, wuxuuna noqday taliyaha qaybtii ka dagaalamaysay koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdilaahi Yuusuf Axmad waxaa uu dhalay afar carruur ah - Laba wiil iyo Laba Gabdhood.

Inqilaabkii dhicisoobay

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tan iyo markii kacaankii dalka qabsaday, ee uu madaxweyne noqday Max amed Siyaad Barre, Cabdillaahi Yuusuf waxaa xabsiga loo taxaabay isla sannadkaasba iyada oo lagu eedeeyey in uu ka caga jiiday la wareegiddii talada ee ciidammada. Mudadaas waxaa uu xidhnaa lix sano, waxaana xabsiga laga soo daayey sannadkii 1975.

Sannadkii 1978 Cabdilaahi Yuusuf iyo saraakiil kale, waxa lagu eedeeyey in ay isku deyeen inqilaab fashilmay. Waxaana Cabdil aahi uu galay dalka Kenya, ka hor inta uusan u wareegin Itoobiya.

Waxaana uu isla xilligaa uu ka badbaaday dil lagu xukumay laguna fuliyay raggii ay saraakiisha wada ahaayeen, ee loo haystay isku daygii afgm bigaas.

Aasasitaankii SSDF

Markii inqilaabkaasi fashilmay, saraakiishii isku deyey ee u horkacayey Cabdillaahi Yuusuf iyo kuwo kale oo mucarad ahaa waxa ay aaseeseen isla sannadkaa 1978 Ururkii SSDF, oo u taagnaa Somali Salvation Democratic Front, macanaheeduna ahaa Jabhadda Diimuqraadiga Badbaadinta Soom aaliyeed.

Waana jabhadii ugu horreysay ee mucaarad ah Soomaaliya.

Dhawr jeer ayuuna Cabdilaahi Yuusuf madax ka soo noqday jabhaddaas.

Dhallinyarada iyo doorashada Puntland

Qoraalka Muuqaalka,

Halkan ka daawo wareysiga madaxweynaha Puntland

Noqoshadii Madaxweynaha Dawladdii Ku meel Gaadhka ahayd ee Soo maaliya

10-kii October snadkii 2004 ayaa doorasho ka dhacday magaalada Nayro obi lagu doortay Cabdilaahi Yuusuf in uu noqdo madaxweyne, kaddib laba sano oo shirar is dab joog ka dhacayeen dalka Kenya.

Doorashadan oo goor duhurnimo ahayd ahayd billaabatay ayaa waxaa la isla gaadhay ilaa saddex wareeg oo si xoog leh loogu tartamay codadka mudaneyaasha baarlamaanka, waxaana tartameyey 26 tartame.

Tartamayaashaas waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Axmed Caddow, Maxa med Qanyare Afrax, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdiqaasim Salaad Xa san iyo Maxamed Xuseen Caddow.

Ka dib afar sano december, 2008 ayuu Cabdilaahi Yuuusf hor tegay golihii baarlamaanka ee DFKMG ee Baydhabo, isaga oo warqaddiisii iscasilaadda u dhiibay Aaadan Madoobe, oo ahaa guddoomiyihii baarlamaankaas. Waxa aana uu muujiyey xilligaas in iscasilaaddiisu tahay cadaadis kaga yimi bee shii caalamka.

C/laahi Yuusuf markii uu la hadlay baarlamaanka DFKMG waxa uu dur badiiba u diyaarad ka raacay Baydhabo waxana uu isla maalintaas (Dec 29) gaadhey magaalada Garoowe. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey mad axweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse, waxayna u gudbeen xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Waxyaalaha kale ee lagu xasuusto Cabdilaahi Yuusuf

Cabdullaahi Yusuf waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto waxaa ka mid ah inuu Soomaaliya keenay ciidammada Ethiopia ee la dagaallamay maxkamadihii Islaamiga ahaa, la dagaallankii al-Itixaadkii Soomaaliya.

XIGASHO:BBC


DOWLADDA QATAR OO U DIYAAR GAROBEEYSA QABASHADA KOOBKA

 ADDUUNKA


Tirada shacabka ee dalka Qatar ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka addu unka ee bilaaban doona bisha November ee foodda inn agu soo haysa.

Dalka Qatar ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan ajnebi ah, si ay u diyaariyaan goobaha lagu qabanayo koobka adduunka.

Tirada dadka ee ku nool dalka Qatar ayaa gaadhay 2.94 milyan oo qof, ka dib markii ay dalkaas u guureen illaa 370,000 oo qof oo dheeraad ah sann adkii hore, iyada oo lagu salaynayo xog la ururiyey bishii September ee sann adkan oo ay soo saartay hay’adda tiro-koobka ee Qatar toddobaadkii hore. Shaqaalaha soo galootiga ah ee dakhligoodu yar yahay iyo ajaaniib kale ayaa inta badan ah shacabka dalkaas ku nool, halka dadka u dhashay Qatar ay gaadhayaan illaa 380,000.

Inkasta oo dalka Qatar uu qaatay shaqaale aad u tiro badan, haddana qa banqaabiyayaasha koobka adduunka ayaa sheegaya inay haysato shaqaale yaraan, maadaama la filayo inay dalkaas gaadhaan dad lagu qiyaasay 1.2 milyan oo qof, inta uu socdo koobka adduunku, taasoo la filayo inay culays badan ku keento kaabayaasha dalkaas, adeegyada martigelinta iyo weliba dhinaca ammaankaba.Hawlwadeenada hotelka Accor ayaa qoranaya illaa 12,000 oo ah shaqaale cusub oo ku meel gaadh ah, oo ay debedda ka keen sanayaan, si ay uga hawlgalaan illaa 65,000 oo qol, oo ku kala yaalla guryo iyo degsiimooyin kale oo loogu talo galay inay degaan taageerayaasha koo xaha ka qaybgelaya koobka adduunka.

Qatar ayaa kula heshiisay dalka Turkiga inuu dalkaas u soo diro, in ka badan 3,000 oo ah ciidamada rabshadaha ka hor taga, sidoo kale waxaa Qatar ay heshiis amni la gashay dalka Pakistan, si uu ciidamo ugu soo diro, inta uu socdo koobka adduunku.

Qatar ayaa dhistay waddooyin waaweyn, illaa toddoba garoon oo kubadda cagta ah, hoteello iyo dhismayaal dhaadheer, iyada oo dhismaha iyo maalge inta kaabayaashaas ku bixisay lacag gaadhaysa illaa $229 bilyan oo dollar, sida lagu xusay warbixin maaliyadeed ay dawaddu soo saartay.

Ugu yaraan kala badh, dadka ku nool Qatar waxay ka shaqeeyaan dhinaca dhismaha.

Marka koobka adduunku dhamaado waxaa la filayaa in tirada dadka ku nool Qatar inay hoos u dhacdo illaa 1.2%, waxaana la filayaa sannadka 2027 ay tirada shacabka ee Qatar inay noqoto illaa 2.5 milyan oo qof, sida ay saadaalisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip