HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Monday October 10, 2022 - 08:04:10 in Wararka by
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 10-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray Gudd iyada Adeegga Garsoorka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa kala diray labada guddi ee kala ah Gu ddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalan ka Musuqmaasuqa oo ay ansixisay dowladdii hore, isgaoo amray in la toosiyo hannaanka loo soo dhisay labada guddi.

Labada guddi ayuu ansixiyey Aqalkii Hoose ee Baarlamaankii 10aad, waxaa na saxiixay madaxweynihii hore Max amed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee xiligaas ma uusna ansixinin Aqalkii Sare ee Baarlamaanka.

Sidoo kale xilligaasi la meelmariyey labadan guddi waxaa muran ka taagnaa awoodda sharci ee dowl adda.

Wareegtada madaxweynuhu ku kala diray gudd iya dan ayaa u qorneyd sidan:-

Toosinta Habraaca Magacaabista Guddiga Gola ha Adeegga Garsoorka Iyo Guddiga La-Dagaal anka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh. Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheeg ay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubna ha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan ha wlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeer arka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi'I yey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adee gga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaali yeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhi smahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Gu ddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musu qmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaal iya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi'iyey dhammaan wixii go'aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Gola ha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Banna an ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Okto obar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.DHAMAAD

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiye eyay geerida xildhibaan hore Daahir Xasan Guut aale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ta csi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhi baan hore Daahir Xasan Guutaale. "Waxaan murugada iyo xanuunka la qe ybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Umm ad da Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariis tee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa she egay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xilliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Mado obe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabi yo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Somaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

R/Wasaaraha Xukuumadda oo ka tacsiy ee yay geerida Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyska, ehel ada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoo day Allaha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xa san Guutaale.

Marxuum Daahir Xasan Guutaale oo muddo 50 sano ah (1972 – 2022) u soo shaqeeyay Dowladda Somaliya ayaa waxa uu horey u soo qabtay xilal kala duwan, isaga laba jeer soo noqd ay Xildhibaan ka tirsan Baarlama anka Somaliya, sanadihii 2000-2004 iyo 2008-2012.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxu um Daahir tiir muhiim ah oo ka baxay Dowladnimada Soomaaliyeed, kaas oo maskax iyo talooyin wanaa gsan ku soo kordhiyay nidaamka dowliga ah.

Ra’iisal Wasaare Barre wuxuu si gaar ah ugu ta csiyeeyay wiilkiisa, oo ah La taliyaha Amniga ee Ra ’Iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale, isagoo Allaah uga baryay marxuumka in uu ka waraabiyo Ja natul Fardows, guud ahaan ummadda Somaliye ed & eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Muxuu Yahay Ujeedka Safarka Deg Dega Ah Uu Aadan Madoobe Ugu Ambabaxay Netherland?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Sha lay safar shaqo uga ambabaxay magalada Muqd isho, isagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dal ka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dal kaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Socdaalka gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili xildhibaanada gola ha shacabka ay wali fasax ku maqan yihiin, maadaama uu u soo dhamaaday kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala uga qeyb galaya xuska sanad guuradii 60aad ee ka soo wareegatay markii Uganda ay ka xarowday gum eystihii.

Hay’adaha Amniga & Maamulka Gobol ka Bana adir oo Amarro kasoo saaray Amniga Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska & Nabadsugida Gobol ka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada degmoo yinka gobolka Banaadir ayaa shir kayeeshay amni darrada kajirta magalada muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta degmada war ta-nabada ayaa waxaa looga hadlay mideynta amni ga waxaana ka qeybgalay guddoomiyaasha iyo Taliyeyaasha booliiska iyo Nabad sug ida ee degmooyinka dhaca bartama ha oo ilaa 5 degmo ah.

Guddoomiyaha degmada Wartanaba da Seynab Xaabseey ayaa kawar bixi say waxyaabihii looga hadlay kulanka wadajirka ah oo ay yeesheen talisyada booliiska nabad sugida iyo gudomiyaasha degmooyinka bartamaha waxana ay sheegtay in Shacabka looga digay in guryaha aysan ka kireeyaan dad aysan aqoon taas oo qatar ku ah amniga Muqdisho.

Kulankaan ay yeesheen gudoomiyaasha degm ooyinka dhaca bartamaha taliyaasha booliiska iyo na bad sugida Gobolka Banaadir ayaa imaanaya iy adoo mar qaar ay degmooyinkaas kadhacaan falal lid ku ah amniga

Beelaha Mudullood oo Shalay Muqdi sho ka sago otiyey ciidan xoog leh

Ciidan xoog leh oo ka socda beelaha Mudullood ayaa Shalay laga ambabixiyey gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan deeg aanada ay Al-Shabaab ka joog aan gobollada Hir Shabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha iyo masuuliyiin ta hoggaaminaysa ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Mu qdisho ayaa sheegay inay qorsheynayaan in maal mo gudahood lagu xoreeyo Muqdisho ilaa Xarardhe ere, iyadoo cagta la marinayo gabi ahaan deegaan ada ay kooxdu ka joogto dhulka HirShabeelle iyo Gal mudug. Ciidankaan Shalay la sagootiyey ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal oo aad u badan, waxaana ka sii horeeyey ciidan kale oo maalmihii lasoo dhafay la isugu geeyey degmada Cadale.

Beelaha Mudulood ayaa wada abaabulkii ugu cuslaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, maada ama inta badan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud kacdoon shacab looga xoreeyey Al-Shabaab.

Inka badan 200 oo gaadiidka dagaalka ah ayaa ku sugan Cadale waxaana hadda deegaanadaas ku wajahan tiro kale oo intaas ku dhow, maalamaha soo socda waxaa lagu wadaa in howlgaladaan ay ka bilowdaan dhulka ay Al-Shabaab ka joogaan gobo lka Shabeellada Dhexe.

Waare” Nabad-diidka waqtigooda waa dhamm aaday,”.

Madaxweynihii hore maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah siiyay SONNA, ayaa ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab ee ka socda dalka, wux uuna sheegay inuu soo dhammaaday mashruucii nabad-diidka ee shacabka ay ku gumaadi jireen.

Mr. Waare ayaa sheegay in madax weyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisal wasaare Xamsa ay ka go’an tahay in dalka laga cirib tiro argagixisada iyo in mashaariic horimaneed laga fuliyo deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Waare, madaxwey nihii hore ee Hirshabeelle ayaa wareysiga ku sheeg ay in Al-shabaab kaliya ku soo koobmeen dhibaate ynta bulshada, sida in ay ceelasha bur buriyaan, sha cabka laayaan iyo in ay dhaqaalo baad ah ka qaata an shacabka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah, wuxuuna howlgalka iyo kacdoonka shacabka ku tilm aamay mid ahmiyad gaar ah u leh dalka si loo helo Bulsho amni ah oo nabad ku wada nool.

"Dagaalkaan argagixisada lugula jiro waa mid da wladu ay wado, wakhtigaan wixii ka dambeeya nim ankaas waxay ku joogi karaan anaga rabitaankeena, nabad diidku wakhtigoodi waa dhamaaday sidaan aaminsanahay balse wakhtiga lugu sifaynayo yuus an nala dheeraan,” ayuu yiri Mr. Waare.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Md. Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna til maamay in dowladda ka go’an tahay xoreynta dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan xog-wareysi ah la qaadat ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Fardawso Cismaan Cigaal oo howlo shaqo u joogto dalka Canada ayaa kulan xog-wareysi ah la qaadatay jaaliyadda Soomaa liyeed ee dalkaas , gaar ahaan Montreal , Ottawa iyo Toronto.

Wasiirka ayaa sheegtay in jaaliy adda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ay udub-dhexaad u yihiin dadaallada Dib u dhis ee dalkeenna, waxaana sidoo kale, wasiirka jaaliyadda ay wadaageen xooj inta doorkooda taa geerro ee Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed oo wajahaya saameynta abaarta, isbeddelada cilimada , dib u xorreynta iyo xasillinta dalka. Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaddiidka iyo Duul ista hawada Fardawso Cismaan Cigaal ayaa uga ma had celisay hoggaanka jaaliyadda, waxgaradka, aqo onyahanka,haweenka , Dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada soo dhoweynta wanaags an ay u sameeyeen iyo dhiiri-gelinta dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Jabuuti & IGAD oo cambaareey ay weerarkii askarta lagu dilay

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si adag u cambaareeyey weerar lagu diley 7 askari oo ka tirsan milatariga Djibouti ee ka hawlgalla galbeedka waqooyi ee dalka Djibouti gaar ahaan degmooyinka aadka u duruksan.

Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Jabuut ayaa Warsaaafadeed ay soo saaartay waxaa ay ku sheegtay in si doo kale weerarka ay ku maqan yih iin lix kamid ah Askarta Jabuuti, balse lagu raadj oogo.

Dhinaca kale Xoghayaha Fulinta ee Urur Gobol eedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa waxaa uu si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guutada Tadjourah ee Ciidanka Jabuuti, kaas oo lagu dilay. todobo askari lagua dhaawacay afar kale.

Dr. Workneh ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal nabadeed, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta nabad kuwada noolaanshaha gobolka.

Xoghayaha fulinta IGAD ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dowladda iyo shacabka Jabuuti iyo qoysas kii ay ka baxeen saraakiishii lagu dilay. Sidoo kale waxa uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, wuxuuna u rajeeyay in 6-da askari ee maqan la helo dhawaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno cidii geysatay falkaasi, waxaana mas’uuliyadda weerarka as sheegtay kooxda isku magacawda garabka hub eysan ee jabhadda FRUD.

Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS oo furay xarumaha laga hagayo hawlgallada ka dhan ah Alshabaab

Hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ATMIS ayaa furay xarumo wadajir ah oo laga hagidoono Hawl-gallada, si kor loogu qaado isku-dubbaridka iyo qorsheynta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, ayaa sheegay in xarunta howlgall ada wadajirka ah ee loosoo gaabiyo JOCs ay taageerayaan fulinta go’aamadii ka la duwanaa ee Qaramada Midoobay ee ahaa in cii damada ammaanka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka.

"Kulamo wada-tashi ah ayaa dhex maray ATM IS-ka iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si dib lo ogu habeeyo ATMIS-ka iyadoo la tixgalinayo muhii madaha shaqo ee Ciidamada Ammaanka Soomaali ya,” ayuu yiri Lt. Gen. Ndegeya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Sidaas da rteed, xarumaha howlgallada wadajirka ah waxa ay noqon doonaan kuwo ka shaqeeya dhammaan qey baha kala duwan si ay isugu xiraan howlgallada Alshabaab.’

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Soomaali ya, C/fitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in gu ulo laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay iska kaashanayeen ATMIS iyo ciidamada ammaan ka Soomaaliya, howl-galladaas oo ka dhacay gobol lada Hiiraan iyo Galgaduud.

"Waxaan ugu hambalyeynayaa ATMIS hirgelinta Xarumaha Hawlgallada Wadajirka ah, taas oo wa naajin doonta isku xirka ciidamada Soomaaliya iyo ATMIS. Saraakiisha isku duuban iyo wada shaqe ynta ayaa xaqiijin doonta howlgallada wax ku oolka ah,” ayuu yiri wasiir Qaasim.

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka oo xilka kala wareegay Cabdikariin Buux

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka, Ca bdir axmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa Shalay xilka kula wareegay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeisa, waxaana goobjoog ka ahaa Hab dhow raha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdu llaahi Xasan (Nuux) iyo Kuxigeenadiisa oo kala ah Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim, La taliyaha Arrimaha Siyaas adda & Amniga ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Xasan idiris.

Xoghayihii hore ee Golaha Shac abka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Bu ux ayaa feylasha ay ku kaydsan yihiin xogta Golaha Shacabka iyo dhammaan howla ha xafiiska ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka, isagoona sheegay in uu ku farax sanyahay, isla-markaana uu ku kalsoon yahay aqo onta iyo kartida shakhsiga kala wareegay xafiiska, waxaana uu kula dardaarmay in uu shaqada mee sha ka sii amba-qaado.

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore shaqadii wanaa gsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu Xafiiska joo gay, isaga oo ballanqaaday in uu halkeeda ka sii wadi doono.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Ma xamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo geba-gabadii munaasabada soo xiray ayaa Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku ammaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu goluhu ka soo qabtay, waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee Shalay xilka la wareegay in ay shaqadiisa noqoto mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo.

Wasiirka Amniga Iyo Taliye Odawaa Oo Ka Shir ay Qorshaha Xasilinta Deegaanada La Qabsaday

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Sheekh Cali Doodishe ayaa Shalay xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliye ed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dal ka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsan eday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka so cda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa ka qeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska So omaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la ware egidda amniga deegaannada la xureeyay.

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.

Dowladda Soomaaliya Oo Turkiga La Wadaagtay Qorshayaal Hortabin Leh

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xuku umadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz.

Kulanka ayaa looga hadlay , xoojinta iskaashiga ee dhinacyada , horumarinta Shaqada, Shaqaalaha , xirfadaha iyo Arrimaha Bulsha da. Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa Safiirka la wadaagay qor shayaasha hortabinta u leh ho wlaha shaqo iyo hiigsiga Wasaaradda , iyadoo sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay sida loo horumarin karo.

"Turkiga waa saaxib iyo dal muhiim u ah wad dankeenna, xilligaana dadaalladane waxay ka qa adan karaan door iskaashi oo muhiim ah. "ayuu yiri Wasiir Biixi.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday , sidii loo dhaqangelin lahaa is-afgarad ay horey u gaa reen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo dhigeeda Dalka Turkiga.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha , xirfadaha , taageerr ada Bulshada iyo kor u qaadista shaqada,

sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaallada dib u soo kabashada ee Soomaaliya

Sh.Cali Wajiis: Ganacsatada lacagta siiya Al-Shabaab waa in laba loo kala saaraa

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soo maaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay kacdo onka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ahna uga hadlay go’aamada ay dowladda ku wajaheyso soo afjar ida kooxda.

Sheekh Wajiis oo ka hadlay go’a ankii dowladda ee ganacsatada ku amreysay inay joojiyaan lacagaha ay siiyaan Al-Sha baab, ayaa waxa uu dalbaday in dowladda ay u kala saarto ganacsatada labo nooc, si aysan dhibaato hor leh usii gaarsiin.

"Dowladda waxa usoo jeedinayna in la tixgeliyo dadka daruufahooda amniga oo la baaro qofka xo olaha u siiya jaceyl iyo taageero uu hayo kooxda, waa in lasoo qabto oo ciqaab adag la marsiiyo had ey ku cadaato iyo in la kala saaro qofka u bixiyay in uu naftiisa ku badbaadsado, qofkaas dhibaato lagu ma sameyn karo waa loo digayaa un,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xili sanado badan ay dhibaato ku haysay argagixi sada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

"Shacabka waxa uu kaabaya dowladda oo waa dadka xanuunku ku dhacay, deegaanadooda inay xoreystaan xaq ayey u leeyihiin, labada dadaal wey is dheelitirayaan. Wadamo badan oo argagixisada soo wareerisay waxa looga xoreeyay shacabka iyo dowladda oo iskaashaday.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Al-Shabaab ma aheyn in xiligaan soo gaaraan howl-galkaan waa guuleysanaya waxa kaliya u baahan yahay in gac maha la is-qabsado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in dow ladda ay dardar-geliso abaabulka beelaha, islamar kaana ay u dhameystirto waxkasta oo ay u baahan yihiin, si aan loogu kala hadhin kacdoonka dagaalka ee ka dhanka Al-Shabaab oo markii hore kasoo bill owday gobolka Hiiraan.

Guddiga Amniga Golaha Shacabka oo Warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Soomaaliya

Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Gobalee dyada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Sooma aliya Maxamed Axmed Sh. Cali (Doodisho).

Kulanka oo ka dhacay Xarrun ta Guddiyada ee Villa Hargey sa ayaa waxaa shir guddoomi naayay Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomi ye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Dii riye (Nuur Afeey), iyaga oo dhageystay Wasiirka war bixin ku saaban Arrimaha Amniga.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa waxaa diirad da lagu saaray Amniga Dalka iyo guud ahaan haw laha kala duwan oo ay Wasaaradda Amniga Xuku umadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsantahay Dalka, iyaga oo ku lafaguray dagaallada ka socda Dalka.

Dhanka kale kulanka Wasiirka Amniga Soomaali ya iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Gobal eedyada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlama anka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii loo dardar-gelinta howlaha hor-tabinta, iyo wadasha qeynta Wasaaradda iyo Guddiga.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Gobaleed yada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaan ka Federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda u soo bandhigay Wasaaradda talooyin ku saabsan Arrima ha Amniga.


Wasiir Cabdisaciid oo shaaca ka qaaday ‘arrintii ay isku qabteen’ R/W Rooble

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay khilaxafkii dhex maray isaga iyo ra’is ulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Cabdisaciid oo u waramay warbaahinta Gaylan ayaa shee gay in isaga iyo ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Roole aysan isku qabsan wax la xiriiraa dhuxul la dhoofiyey, maa daama shaqo ka joojintii uu ku sameeyey Rooble ay salka ku heysay dhuxul laga dhoofiyey dalka.

"Sidaa ogtahay ra’isul wasaare Rooble shaqada waa ku cusleyd isaga shaqadiisa markii hore ma ah eyn wax la xiriira siyaasad, wuxuu ahaa Injineer, ma aheyn nin kala saari kara siyaasadda iyo caadifad iisa, dood na dhex martay aniga iyo isaga intii aan wasiirka ahaa way badneyd,” ayuu yiri Wasiir Cabdi saciid Muuse.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray "Dooda way ka la duwaneyd, waxaa kamid aheyd fasixidda qaadka, aniga November ayaa la i magacaabay, December illaa May qaadkaas ayaa la igala hadlayey inaan fas axo, wuxuu Rooble ii keenay nin qaraabadiisa ah oo la siiyey mashruuca qaadka iyo nin kale oo wasiir ahaa.”

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay inuu iska diid ay cadaadiskii kaga imaanayey ra’iisul wasaare Roo ble iyo kooxdiisa, wuxuuna xusay inuu u sheegay in ay sugaan inta laga gaaro doorashadii madaxwe ynimo ee sanadkaan dalka ka dhacday.

"Aniga waxaan dhahay doorashada hala sugo, ay agana waxbaa ku taagnaa, mar kasta oo aniga aan diido inaan arrimaha Qaadka galo ra’isulwasaare Rooble wuxuu dhahayey Farmaajo ayaa ku dhahay sidaas miyaa, anigana waxaan ku iri Farmaajo wa xaas igalama hadlin haddii aad ogtahay inuu Farma ajo diidan yahay adiga u tag,” ayuu yiri Wasiir Cab disaciid.

Cabdisaciid ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble handaday wasiiro kale oo uu ku qasbayey ar rimaha Qaadka, balse wuxuu sheegay in uusan isa ga marnaba ku handadin shaqadiisa.

"Maalinbuu Rooble ii yeeray si deg deg ah iigu imow ayuu dhahay, markaan u tagay wuxuu i dha hay waxaan rabaa inaad Shalay qaadka fasaxdo, wasiirrada kale waa la hadlay adiga bis ayaa ku dha gan, wuxuu igu dhahay ma ogtahay Habeen hore ina an ku riyooday anigoo shaqada kaa qaaday, taasna waxay aheyd handadaad sarbeeb ah, waxaan ku dhahay ra’iisul wasaare haddii aad rabto inaad qaad ka fasaxdo dhib malahan anaa kaala shaqeenaya ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu dhibayo garo onka Nairobi orad kala soo hadal ayaga, haddii ay ta as aqbalaan waxyaabo kale oo ganacsiga ku saab san waan ka wada-hadleynaa wuxuu igu dhahay ha ye, waana kala tagnay,” ayuu yiri Cabdisaciid.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay inay jiraan arrimo kale oo ay isku qabteen isaga iyo ra’iisul wasaare Roo ble, balse wuxuu kaliya ka xusay arrin la xiriirta sax iixa heshiis la xiriiray shidaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo xoogan oo Shalay ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobol ka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo Shalay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-sha baab ku dhexmaray deegaanka Jiciboow oo qiyaas ahaan 30 KM degmada Buulaburte kaga beegan dhinaca Waqooyi.

Dagaalka Shalay ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa la sheegay inuu qaatay saacado badan, kaa soo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duw an, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii Ciida mada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo la tilmaamay in Al-shabaab dhaqdhaqqayo kala duwan ka wadeen.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya Khasaa raha dhashay dagaalka Shalay ka dhacay Jiciboow waxay sheegayaan in ku dhaw aad 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku geeriyoo tay dagaalka, islamarkaana dha awaca uu intaasi ka badan yahay, hayeeshee ma jir to war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo warinaya in haatan gacanta si buuxdo u gu hayaan deegaanka Jiciboow, waxaana lasoo she egaya in shabaabkii laga saaray deegaanka aysan wali ka fogeen nawaaxiga deegaanka, islamarkaana labada dhinacba galinkii dambe ee Shalay soo kala gaareen gurmad ciidan.

Dagaalkan ka dhacay deegaanka Jiciboow ayaa qeyb ka ah howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo mu dooyinkii dambe ay ka wadeen deegaanada gobolka Hiiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka, waxaana xusid mid an in Shabaab howlgaladaasi looga saaray inta bad an deegaanadii ay kaga sugnayeen gobolka Hiiraan.

Jen. Tuury are ayaa sheegay in la joogo waqtigii gacan ku gambasha da Al-Shabaab, isagoona dowladda

Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), DFS kula taliyay in aan laga aqbalin beenta iyo hagardaamada ay soo marinayaan dadka deeg aanadooda ay dul saaran yihiin.

Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare oo booqasho shaqo ku yimid London ayaa Caasimada Online uga waram ay marxaladda xiligaan ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, isagoona ka digay halista ay maleegayaan iyadoo suuragal tahay inay weeraro nafla caarinimo ah ay ka fulayaan goobaha shacabka iyo waddooyinka ay isticmaalayaan ciidam ada iyo shacabka kacdoonka wada.

Mar aan weydiinay sababta 10 sano ka badan oo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (EX-AMISOM) ay guulo wax ku ool ah ugu soo hoyn waayeen howl galada Al-Shabaab maadaama ay ka tayo iyo awood badan yihiin shacabka kacdoonka bilaabay iyo ciida mada DFS, wuxuu ku jawaabay Jen. Tuuryare in AMISOM ay dagaallada qeyb ka ahaayeen, khasa aro naf iyo maal lehna uu kasoo gaaray laakiin had da imtixaan ay ku tahay AMISOM kacdoonka billowd ay ee lagu dhabar jabiyay Al-Shabaab.

"Haddii hadafkii dalka loo keenay AMISOM ay ah eyd dagaalka Al-Shabaab waxay garab galayaan ha dafka cusub ee dagaalka Al-Shabaab, oo waxaa la arkayaa furmaha dagaalka iyagoo garab joogaa, had dii ay ahaayeen mashruuc nooca Shabaab loola dag aalamo nooc kale aheyn oo dalka lagu waxyeeley naayo hadda ayey kala caddaaaneysa, waxaan is leeyahay meeshii AMISOM ku kala caddaan laheyd, inay dalka u joogeen dano saaxiibtinimo qaran oo dalka in laga xoreeyo Shabaab iyo in dano kale oo guracan oo waqti dhameys ah u joogeen hadda ayey kala caddaaneysaa,” ayuu yiri Jen. C/raxmaan Tuuy are.

Wuxuu qiray Jen. Tuuryare in 10 sano oo AMIS OM ay dalka joogtay in guulaha xiligaan la gaaray in aysan weli soo hoyin, balse taasi wuxuu ku macnee yay inay ka dhalatay bisil iyo naceyb loo qaaday Al-Shabaab.

"Hadii AMISOM ay aheyd mashruuc 10 sano soo socday waxay kala caddaan doontaa maalmaha ama todobaadyada soo socda guulaha ay gaaraan ciidamada dowladda iyo shacabka is-abaabulay, wa xaana kala caddaan doonta in AMISOM dalka u joo gtay mashruuc dhaqaale iyo howlgal amni,” ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuur yare.Mar aan weydiinay sababta kacdoonka billowd ay ayuu sheegay in yihiin shacab isbaabulay oo la baneystay dhiigooda, hantidooda iyo reerahooda, ku waasi oo horey aan fursad ugu helin dowladihii hore balse dowladda xilligaan ay muujisay taageero iyo in ay garab taagan tahay shacabka kacdoonka bill aabay.

Jen. Tuuryare wuxuu kaloo dowladda madaxde eda ugu baaqay in kooxaha ay adeegsanayaan Sha baab ee deegaanadooda la haysto aysan dhagey san hagardaamada iyo shirqoolka ay soo marsiina yaan ee ah in wadahadal lala galo si nabad ah ugu baxaan deegaanada ay haystaan, hadalladaasi oo uu ku tilmaamay hagar looga bartay Shabaab.

Ugu danbeyntii wuxuu ka digay Tuuryare shirq oola da AL-Shabaab ay la damacsan yihiin shacab ka, ciidamada dowladda iyo kooxaha isbaabulay ee macaawiisleyda wuxuuna fariin u diray ciidamada inay ka feejignaadaan wadooyinka ay isticmaalaya an si aysan u dhicin dhacdadii lagu dilay taliyihii bool iska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo saraa kiishii kale.

Jen. Tuuryare ayaa xiligaan si dhow ula shaqeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna wa rar ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan in xil sare loo magacaabi doono, gaar ahaan garsoorka maxkamadaha.

Cali Muxiyaddiin Caasimada Online

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Haweenka Soomaalida Belgium-ka oo xaflad ku maamuusay safiirka Benelux & Midowga Yurub

Kulan ballaaran oo ay soo abaabuleen ururka ha weenka Soomaalida Benelux ayaa Sebtidii lagu qab tay Magaalada Gent, ee waddanka Beljium-ka.

Munaasabaddan, oo ay soo agaasintay Guddoomiya ha ururka haweenka Soomaalida Beljium-ka Canab ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa safiirka Soo maaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Dan jire Yonis Yaasiin Xaashi, Guddoo miyha Jaaliyada Soom aalida Gent Ab shir Axmed, Gud doomiye ku-xig eenka dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Net her land C/qaadir Cali Nuune, masúuliyiin ka socotay Ja aliyada Soomaalida Belj ium & waxgarad isugu ji ra rag & haween.

C/qaadir Nuune oo ku hadlayay codka Soomaal ida ku dhaqan Netherland ayaa soo dhoweeyey ded aalada safiirka ee ku aadan sidii dadka Soomaal iyeed ee ku dhaqan waddamada Beljium & Nether land iyaga oo middeysan ay kaga qeybqaadan laha ayeen caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaru hu saameeyeen.

"Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadaha Soom aalida ee ku dhaqan Netherland waxaan u xaqiijey naa safiirkeena Yoonis in reer Holland ay diyaar u yi hiin wax walba oo kor loogu qaadayo magaca & sum cada Soomaaliyeed” Ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Danjire Yoonis ayaa noqonaya danjirihii ugu hor reeyey ee ka socda Dowlad Soomaaliyeed wixii ka dambeeyay qaran-jabkii dalka ka dhacay, ee soo ga ara fagaarayaasha ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soomaalida, wuxuuna marar badan ka soo dhexmu uqday shirarka ay isugu yimaadaan Jaaliyadaha Soo maalida Beljium & Netherland. Danjire Yoonis, wux uu ku guuleystay muddadii uu xafiiska joogay inuu soo celiyay billicdii & quruxdii safaarada Soomaalidu ku laheyd Beljium, waxaanna socda olole ay hormu ud u yihiin Soomaalida Netherl and oo lagu nadiifin ayo gurigii martida ee ay safaa radu laheyd.

Booliska Gambia oo bilaabay baaritaan ku saabs an dhimashada 66 carruur ah lala xiriirinayo afar nooc oo sharoobada qufaca ah

Booliska Gambia ayaa bilaabay baaritaan ku saa bsan dhimashada 66 carruur ah, kuwaas oo lala xir iirinayo afar nooc oo sharoobada qufac a ah oo dibadda laga keeno.

Madax sare oo ka tirsan Hay’adda Xa kamaynta Dawooyinka iyo Ganacsata da soo dejisa sharooba da ayaa loo ye edhay si su’aalo loo wa ydiiyo, sida uu sheegay Xafi iska Madaxweyne Adama Barrow ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay baari taan buxa sameyn donaan.

'Imran Khan waxaa ka go'an in uu xoog ku qabs ado caasimadda Pakistan'

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Rana Sa nau llah ayaa sheegay in hogaamiyaha xisbiga Tehreek-e-Insaf ee Pakistan, R/Wasaarihii hore ee Imran Khan uu qorsheynayo in uu qabsado ca asimadda Islamabad 12-ka ilaa 17-ka October uuna qas ka sameeyo magaal adan.

Waxaa uu u sheegay TV-ga Geo News TV ee Paki stan in dowladdu ay sameyn doonto dadaal kasta oo suurtagal ah si loo fashiliyo qorshaha Imran Khan iyadoo taageero ka heleysa shacabka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan ayaa intaa ku daray in sharcigu dadka siinaya in ay si nabad ah ku mudaaharaadaan, balse maxkamadda ayaa sheeg tay in aan cidna loo ogolaan doonin in ay shirar siy aasadeed ku qabato aagga cas ee caasimadda.

Wasiirka arrimaha gudaha Nigeria oo in uu la kulmay guddoomiyeyaasha maamul goboleedyada dalkaasi

Wasiirka arrimaha gudaha Nigeria ayaa she egay in uu qorsheynayo in uu la kulmo guddoomiye yaasha maamul goboleedyada dalka si go’aan looga gaaro sii deynta ugu yaraan boqolkiiba 30 maxaabiis ta ku xiran xabsiyada dalkaasi.

Mr. Rauf Aregbesola waxa uu si daasi sheegay mar uu ka hadlay ay kulan wacyigelin ah oo ay soo qab an qaabisay Wakaalada Wararka ee Nigeria, NAN, oo ka dhacay Abuja.

Wasiirka ayaa sheegay in hindisahan uu yahay mid loo baahan yahay maadaama boqolkiiba 90 dad ka ay u xiran yihiin ku xadgudubka shuruucda kala duwan ee dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in in ka badan 70 boqolkiiba 75,635 maxbuus oo hadda xabsiga ku jira ay sugayaan maxkamad. "In la yareeyo ciriiriga ka jira 253 xabsi oo Niger ia oo dhan waa lagama maar maan sababtoo ah qaar ka mid ah maxaabiista waa inaysankusii jirin xabs iga,” ayuu yidhi.

TV-ga tooska ah oo ay Iraan maamusho oo ay ka soo muuqdeen sawirro aan looga baran

Wararka ka imaanaya dalka Iran ayaa sheegaya in la jabsaday Telefishinka Iraan, iyadoo warkaasina uu hakiyay dibadbax looga soo horjeedo hogaamiy aha dalkaasi.

Qof Maaskaro xiran ayaa ka soo muuqday sha ashadda Telerfeshinka, waxaana ku xigay sawirka hoggaamiyaha sare ee Iraan Cali Khamenei oo har eerihiisa olo layaan.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii ugu yaraan saddex qof la toogtay markii dibad baxayaasha iyo ciidamada ammaanka ay isku dhac een, rabshado cusub oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini.

Warka TV-ga ee Sabtidii ayaa la hakiyay abbaa raha 18:00 xilliga maxalliga ah iyadoo sawirro ay ka mid yihiin hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran oo mad axa la beegsaday, sawirrada Ms Amini iyo saddex kale oo haween ah oo lagu dilay mudaaharaadyadii dhawaan halkaasi ka dhacay

Booliiska bariga dalka Hindiya oo tooga sho ku dilay shabeel dilay ugu yaraan sagaal qof tan iyo bishii May

Booliiska bariga dalka Hindiya ayaa toogasho ku dilay shabeel dhedig ah kaas oo dilay ugu yaraan sa gaal qof tan iyo bishii May, oo ay ku jiraan haweeney iyo wiil ay dhashay oo siddeed jir ahaa Sabtidii.

Laba boqol oo shaqaale oo kaashanaya Marood iyaal ayaa ka qayb qaatay ugaars iga, oo ka dhacay meel u dhow kaynta Valmiki Tiger ee gobolka Bihar.

Dadka tuuladaas deggan oo argagax dareema yay xilliyada habeenkii ah isla markaana garaaci ji ray daasadaha iyo waxyaabo kale si ay isaga ilaali yaan shabeelka, ayaa dabaa ldegay markii la toog tay.

Isku dayo hore oo lagu do onayay in si tartiib ah loogu qabto Shabeelkaan ayaa fa shilmay



SHAN FAA'IIDO OO LAGA HELO BIYAHA QUMBAHA

Biyaha qumbaha ayaa mararka qaarkood lagu tilmaamaa in ay yihiin cabitaan mucjiso ah. Jo Lewin oo ku takhasusay cuntootinka nafaqada ah ayaa sharaxaya sheegashooyinkan caafimaad.

Muddo dheer ayey jirtay aragtida ku saabsan in faa'iidooyin caafimaad oo badan laga helo biyaha qumbaha, oo sidoo kale aan ognahay in waxyaabo kalena laga sameeyo, sida nooc ka mid ah saliidda.

Maxay yihiin biyaha qumbaha?

Cabista biyaha qumbaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Biyaha qumbaha waa dareere cad oo laga helo gudaha mirta cagaarka ah ee qumabaha aan weli bislaan.

Qumbaha cagaaran ayaa mudnaanta la siiyaa sababtoo ah biya hiisa aad bay u dhadhan fiican yihiin, muggooduna wuu badan yahay, sidoo kale si fudud ayaa loola soo bixi karaa.

Dhandhanka biyaha qumbaha wey kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay halka laga beero.

Nafaqada guud ee ku jirta biyaha qumbaha

100 mililiter oo biyaha qumbaha ah waa ku jira:

18Kcal / 75KJ

0.2 garam oo borotiin ah

0.0g oo dufan ah

4.1g Carbohydrates ah

4.1g Sonkor ah

165 miligaram oo potassium ah

5-ta faa'iido ee caafimaad ee ugu sarreeya biyaha qumbaha

Biyaha qumbaha

1. Isha macdanta ee dabiiciga ah

Biyaha qumbaha waa isha macdanta dabiiciga ah, oo waxaa ku jira potass ium, magnesium, calcium iyo sodium.

Qaar badan oo naga mid ah kuma filna macdanahan muhiimka ah oo door weyn ka ciyaara shaqooyinka jirka oo dhan, oo ay ku jiraan caafimaadka wadnaha iyo shaqada lafaha iyo murqaha.

Run ahaantii, qaar ka mid khuburada ayaa sheegaya in biyaha qumbaha ay la siman yihiin macdanaha dheelitiran ee laga helo cabitaanada la yirahdo "iso tonic" ee tamarta laga helo.

Waxaa jira cuntooyin badan oo qani ku ah potassium-ka kuwaas oo laga yaa bo inay ka jaban yihiin kana badan yihiin biyaha qumbaha.

2. Waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan nafaqooyinka difaaca unuqyada ee loo yaq aano 'Antioxidant'

Cilmi-baarisyada xayawaanka ayaa waxay soo jeedinayaan in biyaha qumb aha ay ku jiraan nafaqooyinka ilaaliya unugyada jirka.

Labo ka mid ah nafaqooyinka loo yaqaan 'phytonutrients' ee ku jira biyaha qumb aha ayaa leh saamayntan. Waxaa la kala yiraahdaa "shikimic acid" iyo "caffeic acid".Kaddib markii lagu tijaabiyay xawaanka ayaa waxaa la ogaaday inay hoos u dhigaan calaamadaha kolestaroolka, taa soo sare u qaadeysa caafimaadka beerka. Si kastaba ha noqo tee, ilaa Shalay, ma jiraan daraasado lagu sameeyay bini'aa danka oo taageraya kuwa xawaanka.

Qumbaha

3. Waxay kaa caawin karaan maareynta sonkorta ku jirta dhiigga

Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanku waxay soo jeedinayaan in biyaha qumbaha ay gacan ka geysan karaan maaraynta maaddada "glycemia" oo ay yareeyaan xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha jirka, sida sonkorowga.

Isha magnesium-ka ee ku jirta biyaha qumbaha waxay sidoo kale gacan ka gey san kartaa maareynta sonkorta ku jirta dhiigga, gaar ahaan dadka qaba cudurka macaanka.

Inkasta oo daraasadaha xayawaanku ay u muuqdaan kuwo dhiirigelin ah, cilm i-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo saameynta dhina caaadanaha.

4. Waxay kaa caawin karaan ka hortagga dhagxaanta kelyaha 

Isticmaalka dareere ku filan jirka ayaa muhiim ah si looga hortago samaynta dhagxaan kel yaha ku beerma.

Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in cabitaanka biyaha qumbaha aysan kaliya dhimin tirada dhagxaanta, laakiin sidoo kale waxay u muuqataa inay ka hortagayaan inay dhagxaanta ku dhegaan kelyaha iyo kaadi mareenka.

5. Waxaa laga yaabaa inay cawiyaan firficoonida ciyaartooyda

Biyaha qumbaha

Waxaa la soo jeediyay in cabbitaanka biyaha qumbaha ay sa re u qaadeyso firfircoonida dadka ciyaara isboortiga.

Sababtoo ah waxaa ku jira carbohydrate-yada u shaqeeya qa abka gulukooska (sonkorta fudud) oo ay weheliyaan macdanta sodium iyo potassium kuwaas oo sidoo kale ku jira cabitaannada ciyaartooyda ay isticmaalaan ee tamarta laga helo.

Daraasad la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabitaanka biyaha qumb aha ka hor jimicsiga ay kor u qaadeyso awoodda jimicsiga.

Daraasad kale ayaa daaha ka qaadday in cabista biyaha qumbaha kaddib jimi csiga ay kaa caawinayaan inaad fuuq baxdo si la mid ah cabitaanka isboortiga ee ay ku jiraan carbohydrate-yada iyo macdanta kala duwan.

Biyaha qumbaha qof kasta ma isticmaali karaa?

Dadka intiisa badan, biyaha qumbaha waa ay isticmaali karaan. Hase yeeshee haddii ay kalyahaaga fariisteen waxaa laga yaabaa inaysan noqon isha ku habb oon ee fuuq-celinta caadiga ah.

Intaa waxaa dheer, biyaha qumbaha waa isha laga helo carbohydrate-yada fudud, marka haddii aad leedahay cudurka macaanka, la tasho dhakhtarkaaga guud marka hore ka hor inta aadan isticmaalin biyaha qumbaha.

XIGASHO:BBC


SARKAAL KA TIRSAN SIRDOONKA ISRAA’IIL OO LAGU DILAY MAGAALADA QUDDUS

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askari boolis ah oo dumar ah ay u dhimatay dhaawac ka soo gaaray rasaaseyn ka dhacday bar koontarool oo ku taal bariga magaalada Qudus oo ay Israa’iil haysato.

Waxaa sidoo kale jira askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo isna dhaawac soo gaaray oo xaaladiisa ay aad u liidato.

Booliska Israel ayaa sheegay in nin looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa rasaasta la is weydaarsaday la xiray.

Sidoo kale, waxaa jira ciidamo nab ad-sugid ah iyo diyaarado helicopter ah oo boolisku diyaariyeen si ay sad dex qof oo kale uga baadi goobaan goobta.

Waxaa maalmahan sii kordhaya xiisadda u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo ciid amada Israa’iil ee ka taagan Daanta Galbeed iyo webiga Urdun ee ay Israa’iil haysato.XIGASHO:BBC



Yaa xukuma iran, ma ayatollah ali khamene mise

 madaxweyne ibrahim raisi?


Hogaamiyaha ugu sareeya ayaa maamula dhamaan ciidamada qalabka sida ee Iran

Ciidamada amaanka dalka Iran ayaa si xoog leh uga hortagaya dibadbaxyada ka dhashay dhimashada gabar dhalinyaro ah oo xabsiga ku jirtay.

Mahsa Amini, oo 22 jir ah, ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in aysan timaheeda si fiican ugu dedin xijaab.

Dalka oo dhan waxaa ka dhacay dibadbaxyo, waxaana hay'adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ugu yaraan 150 qof ay ku dhinteen.

Yaa go'aaminaya goorta awood xad dhaaf ah la isticmaalayo si loo joojiyo mudaaharaadyada?

Maxay yihiin awoodaha hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran?

Shaqsiga ugu awooda badan Iran waa Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hogaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.

Waa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Waxa uu awood u leeyahay amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa, kuwaas oo askartoodu ay xireen Mahsa Amini.

Ayatollah Khamenei waxa kale oo uu gacanta ku hayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabinta Basij.

Sidoo kale, waa qofka ugu awoodda badan marka ay timaado amarada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.

Maxay tahay awoodda madaxweynaha?

Madaxweyne Ebrahim Raisi, waa masuulka ugu sareeya ee la soo doorto, sidoo kale waa ku xigeenka hogaamiyaha ugu sarreeya.

Waxa uu masuul ka yahay hawl-maalmeedka dawladda, waxaanu saamayn weyn ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arrimaha dibadda.

Si kastaba ha ahaatee, awooddiisu aad bay u xaddidan tahay - gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee madaxweynaha ayaa maamusha ciidamada booliska qaranka - kuwaas oo ka hortagayay mudaharaadyada. Hase yeeshee, taliyaheeda waxaa magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya oo isaga ayaa si toos ah uga jawaabaya.

Sidoo kale waa taliyaha ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo Basij. Haddii hoggaamiyaha ugu sarreeya uu doonayo in mudaaharaadyada lagu dhammeeyo xoog, madaxweynuhu talo badan kuma laha waxa uuna raacaya amarka hogaamiyaha.

Awoodaha madaxweynaha waxaa sidoo kale hubin kara baarlamaanka, kaasoo soo saaraya sharciyo cusub.

Dhanka kale, Golaha Ilaalada - oo ay ku jiraan saaxiibada dhow ee hoggaamiyaha ugu sarreeya - ayaa leh shaqada ansixinta sharciyada cusub oo diidi kara.

Waa kuwee booliiska anshaxa ee Iran?

Ciidamada Anshaxa oo gabdho su'aalo weydinayo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Booliiska anshaxa waa qayb ka mid ah booliiska qaranka Iran.

Ciidankan ayaa la aas aasay sanadkii 2005-tii si ay u ilaaliyaan akhlaaqda iyo shuruucda Islaamka ee ku saabsan lebbiska saxda ah, oo la soo saaray kacaankii Islaamiga ee 1979 ka dib.

Qiyaastii 7,000 ayay ka kooban yihiin waxayna isugu jiraan rag iyo dumar waxayna awood u leeyihiin inay soo saaraan digniino, ganaax ku soo rogaan ama xiraan tuhmanayaasha.

Madaxweyne Raisi, oo ah nin mayal adag, ayaa soo bandhigay dhowr tillaabo oo cusub oo lagu dhaqangelinayo xeerarka xijaabka xagaagan.

Kaamirooyinka ilaalada ayaa la rakibay si ay gacan uga geystaan ​​in la ogaado haweenka aan xijaabnayn, waxaana xukun xabsi ah oo qasab ah lagu soo rogay dadka ka soo horjeeda xeerarka xijaabka.

Waa ayo Ilaalada Kacaanka??

Ilaalada Kacaanku waxay u shaqeeyaan si ka madax bannaan militariga caadiga ah

 

&


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip