Daawo: Beelaha Mudullood oo maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidan xoog leh

0
Sunday October 09, 2022 - 21:32:48 in Wararka by
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Beelaha Mudullood oo maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidan xoog leh

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidan xoog leh oo ka socda beelaha Mudullood ayaa maanta laga ambabixiyey gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta hoggaaminaysa ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qorsheynayaan in maalmo gudahood lagu xoreeyo Muqdisho ilaa Xarardheere, iyadoo cagta la marinayo gabi ahaan deegaanada ay kooxdu ka joogto dhulka HirShabeelle iyo Galmudug.

Ciidankaan maanta la sagootiyey ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal oo aad u badan, waxaana ka sii horeeyey ciidan kale oo maalmihii lasoo dhafay la isugu geeyey degmada Cadale.

Beelaha Mudulood ayaa wada abaabulkii ugu cuslaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, maadaama inta badan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud kacdoon shacab looga xoreeyey Al-Shabaab.

Inka badan 200 oo gaadiidka dagaalka ah ayaa ku sugan Cadale waxaana hadda deegaanadaas ku wajahan tiro kale oo intaas ku dhow, maalamaha soo socda waxaa lagu wadaa in howlgaladaan ay ka bilowdaan dhulka ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.



Ciidamo beeleedyo xooggan oo ku ruqaansaday dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellada dhexe - News - Wararka - Somali Forum - Somalia Online

Hoos ka daawo ciidankii maanta laga sagootiyey Muqdisho

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip