HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA OKTOOBAR 2022-KA

0
Thursday October 06, 2022 - 08:53:29 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA OKTOOBAR 2022-KA

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Dowladda Al-geria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaat ay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Md.Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Mudane Cabdu lmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Max amed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsi iyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha JFS ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Urur ka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furm aya dalka Al-geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u dir ay dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii 2da Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblum aasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacab ka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadal lada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo soo ce lin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Guddoomiye Madaale” Dukaamadda la gu iibiyo Raashinka & daroogada waa is ku mid”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/ Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in iibinta waxyaabaha maanka dooriya ee daroogada ah ee kusoo badanaya magaalad ay qeyb ka qaadanayaan amni darra da kajirta magaalada muq disho.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in meel kasto oo kamid ah magaalada Muqdisho si caadi ah loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya sida duka amada Burka iyo Bariiska lagu iibiyo iyo kuwa darooga da ay yihiin kuwo iskumid ah .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadal ka jeedina yay kulan looga hadlayay doorka Bulshada ee ka qaa dan karto Horumarinta iyo Xasilinta Amniga Caasimada waxaa uu sidoo kale sheegay in Goobaha lagu iibiyo wa xyaabaha maanka doriya iyo Hoteelada lagu tunyo ee kuyaalla magaalada Muqdisho ilaaliyaan ciidamo katir san Booliska iyo Millateriga Soomaaliya taasina ay tah ay dhibaato kale.

” Waxaan rabaa sida ay bulshada noo aaminto ina an kasbano, waxaase dhibaato ah inaysan naa aamins aneyn, beryahaan waxaan ka cabaneynay in qofkii Bul shada kamid ah ee qof dambiile ah soo sheega in qofkii la xiray la soo deeynaao oo Xildhibaano iyo Wasiiro ay daba oradayaan ayuu yiri” Guddoomiyaha.

Wasiir Fiqi Iyo Jen. Odowaa Oo Ka Wa da Hadlay Qorshaha Deegaanada La Xoreeyay.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray dadaallada dib u xorreynta ee Soomaaliya ka socda, ka jawaabista aba araha, u gargaaridda deegaannada la xoreeyey, baahin ta maamullada iyo adeegyada bulsho, xasillinta guud ah aan iyo arrimo kale.Ugu horreyntii, taliyaha xoogga dal ka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa hordhigay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi howlgallada dib u xorreynta ee socda, baahiyada ay ku arkeen deegaan nada la xoreeyey, aragtidooda la xiriirta sida dadkaasi loo caawin karo iyo xasillinta isaga oo soo qaatay qor shaha ciidanka xoogga dalka ee ku aaddan u gargaar idda deegaannada kala duwan ee ku yaalla Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbal and.Abaarta, taliye Odowaa waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidan, gaadiid iyo dhammaan tashiilaadka kale ee dadka iyo deegaannada looga hor wareejinayo dhibka argigixisada, laguna ga arsiinayo gargaar iyo dha mm aan adeegyada ay u baahan yi hiin isaga oo wasaar adda arr imaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ka dalb aday in ceelal biyo, raa shiin, dawo iyo adeegyo kale lo ogu diyaargaroobo dee gaanna da ay halis ku hayaan argigix isada iyaguna ka xoogga dalka ahaan ay damm aanad qa adi doonaan gaarsiinta iyo qeybinta.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u gu horreyntii ciidamada xoogga dalka ku ammaanay howlgalka dib u xorreynta dalka ee ka dhanka ah Alsha baab, guulaha ay gaareen, isaga oo adkeeyey garab ist aagga wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowlad da. Wasiirka waxaa uu ku dheeraday qorshaha wasaa radda ee la xiriira arrimaha gargaarka, xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg ee heysta sha cabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada uu how galka ka socdo iyo kuwa dhimman.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu taliyaha iyo kooxdiisa hordhigay xogtiisa la xiriirta dhibaatada ka jirta deegaa nnada kala duwan, qorshaha ay wasaaradda iyo hey’ adaha caalamiga ah ugu talogaleen caawinta dadka iyo deegaannada isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay muhi im u tahay in la isku dhex wado dagaalka Xorreynta iyo u gargaaridda shacabka Soomalaiyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u he shiisiinta waxaa uu kulanka ka sheegay in wasaaradda oo kaashaneysa hey’adaha gargaarka ay meeleeyeen, isla markaana ay diyaariyeen qodista ceelal biyood, raa shiin qeybin degdeg ah, sameynta, iskuullo, isbitaallo cu sub oo leh dhakhaatiir iyo dawo iyo baahiyada kale ee ka jirta deegaannada ay argigisada ka baxeen ama ay weli joogaan.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa dhisay guddi si wadajir ah uga shaqeeya isku xirka howlaha socda.

GAAS oo ka digay dagaal sokeeye oo ka dhaci kara…

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntl and Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka digay in dagaal sokeeye uu ka dhaco Puntland, haddii la isku dayo muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Maamulka Puntland ayaa ah kan kaliya ee aan wax mu ddo kororsi ah sameyn, ayada oo maamul goboleedya da kale ee dalka uu midkiiba hal sano ku daray mudda da sharciyeed ee baarlamanka iyo madaxweyne gobo leedka.

Balse Puntland ayaa waxay uga duwan tahay in mu ddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, hal ka maamul goboleedyada kale iyo federaalka uu yahay 4 sano.

Gaas, oo sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland hal mar ay mud da kororsi soo martay, markaasna uu ka dhacay dagaal sokeeye.

"Puntland ku darsasho mar bay soo mar tay, 2001-dii bay hayd, Cabdullaahi Yu usuf baa sameeyay, wixii ka dhacay waa la ogaa civil war (dagaal sokeeye) bay ab uurtay,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqday siyaasiyiinta si da weyn uga digaya in Puntland lagu dayo mudda kor orsi, haddii taasi dhacdana ay horseedi doonto qalalaa se siyaasadeed iyo amni-xumo baahsan.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in do orashooyinka golayaasha degaanka lagu qaban karo qof iyo cod, haddii ay dowladda ka go’antahay in ay hir geliso doorashooyinkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cab dirashiid Yuusuf Jibriil ayaa 18-kii September sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhici do onto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

cod sir ah: Odayaal ‘ka wakiil ah’ Al-Shab aab oo waan-waan bilaabay

Caasimada Online ayaa sheegtay inay heshay codka mid ka mid ah odayaal seddax ah oo kooxda Al-Shab aab ay u soo wakiilatay inay ergo uga noqdaan suurta galnimada inay wadahadal la yeeshaan dowladda Soo maaliya iyo dhaqanka beel aha Hawiye.

Codkaan waxaa loo soo diray saraakiisha abaabulka ciidan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeell ada Dhexe, wuxuuna odaga soo duubay shee gayaa in uu joogo deegaan u dhow Cadale.

"Odayaasha culumada la shaqeeya ayaan ka mid ah ahay, ergo ayaan Shalay ka ahay Al-Shabaab, sab abta aan ergadaan u soo qaadana waa in kan lagu soo duulay iyo kan Xamar ka soo duulay ay ehelkeyga yihi in,” ayuu yiri odagaan ay Al-Shabaab soo wakiisheen.

Hadii laga ogolaado waan-waantaan wuxuu sheeg ay in degmada Cadale uu ku tegi karo 3-saacadood kal iya, isagoo lugeynaya, maadaama uu joogo deegaan u dhow, si wadahadalladu u bilowdaan.

"Waxaan nahay 3 nin oo la soo wakiishay, inaan wa dahadal furano ayaan rabnaa, waxaan helnay magacy ada iyo taleefoonada raga hoggaaminaya ciidanka Xa mar ka soo duulay, marka fariin ayaan idinkaga wadnaa Al-Shabaab,” ayuu yiri odagaan codkiisa soo diray.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo balan qaa deen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse bee sha ay ka rabaan in koonfurta Soomaaliya aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.

"Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin wal aalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhu lkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, ko onfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ay uu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii odagaan wuxuu ku cataabay, "Wa laalayaalow waan-waantaan nala qaata, seddax oday ayaan nahay, waxaan joognaa Cadale agteeda, ma ka la fogin, qaraaboy raga dhiigooda aan kala ceymino, la bada dhinac waxaa ku dhimanaya Hawiye, marka tol ay aan nahay ee aan hoos u wadahadalno.”

Soomaaliya oo kaalinta 2aad ka gashay tartanka caa lamiga ah ee qur'a anka ee Turkiga ka dhacay

Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay tart anka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka ah ee dalka Turkiga. Cabdiwahaab Qaasim Axmed oo ku tartamay soddonka jis ayaa galay kaalinta labaad.

Somalida ayaa safka hore kaga jir ta dadka kaalmaha sare sannad kasta ka gala tartamada Qur'aanka, taasi oo muujinay sa sida ay ugu wanaagsan yihiin Qur'aanka kariimkaa.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa ha mbalyo iyo bogaadin udirtay Tartame Abdiwahab Kasim Ahmed oo dalka Soomaaliya ku matalay Tartanka Qur' aanka Kariimka Caalamiga ah ee Turkey.

Tartankan caalamiga ah ayaa ka bilowday magaalada bari ee Konya khamiisti, Sebtembar 29, ee todobaadkii hore.

Ali Erbas, oo ah madaxa Agaasinka Diinta ee Tu rkiga (Diyanet), ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in laga faa’ideysto kutubta qur’aanka kariimka ah, isagoo intaa ku daray in si mustaqbalka loo dhiso loo baahan yahay Kitaabka Quduuska ah.

Erbas waxa uu sheegay in Qur’aanka Kariimka ahi uu kala soocayo xaqa iyo baadilka, isla markaana uu ya hay isha xaqa ah ee bara bani’aadamka ujeeddada loo abuuray.

Tartankan caalamiga ah ee qur’aanka kariimka ah waxaa ku tartamay saddex iyo lixdan xaafid oo ka kala socday 49 waddan.

Tartankan oo soo socday ilaa 8-da bisha October, ayaa lagu dhawaaqay cidda ku guuleysatay, waxaana lagu abaal mariyay xaflad ka dhicday magaalada Anka ra, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay safiirka dowladda Im aaraadka carabta ufadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaank Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qa abilay safiirka dalka Imaaraadka carabta Amb. Moham ed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Isu-tagga Ima araadka Carabta ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaaraha dalka ka ji ra, islamarkaana Golaha Shacabka BJFS ay kala shaq eyn doonaan horumarinta hawlwadeenada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogg aadiyey Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka carabta si da ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed isa goo sheegay in la xoojin doono xirirka labada Baar lamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Jen.l Indho-qarsho oo saadaaliyey sida kacdoon ka dalka ka socda uu ku dhammaan doono

Waxaa weli dalka ka socda abaabullada dadka deg aanka ay wadaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliyana waxay ku baaqday in abaab ullada lagu ballaariyo dhammaan dalka.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ay aa degaano badan kala wareegay Al-Shabaab toddobaadyadii lasoo dhaa fay.

Ururka Al-Shabaab waxay u hanjabeen beelaha taa geeraya hawlgalka dawladda, hase yeeshee waxaan weli hakanin abaabulka socda.

Haddaba hawlgalladan iyo waxa ay ka beddeli kara an xaaladda amni ee waddanka ayaa waxay VOA ka wareysatay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho), taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Jeneralka oo wax laga waydiiyey sida uu u arko kacdoo nka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa sheegay inay taas tahay guu shii ugu weyneyd ee looga adkaan lahaa kooxda Al-Sha baab, islamarkaana uu guuleysan doono kacdoonka, dhowr sabab dartood.

"Dagaalkaan hadda socdo waxaa dhihi karaa wax mar hore loo baahnaa oo waqtigii ku haboonaa yimid, Shalay shacabkii iyo dowladdii oo isla socda waxaan u arkaa guushii ugu weyneyd ee looga adkaan karo Al-Shabaab, waxaana filayaa in deegaanada dhiman ay ku soo biiri doonaan,” ayuu yiri Jeneral Indhoqarsho.

Taliye Indhoqarsho waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay garab fiican siiso dadka shacabka ah ee diyaarka u ah inay iska xoreeyaan Al-Shabaab, wuxu una si gaar ah ugu baaqay inay dowladda Isbitaalo ka dhisto gobolada dagaalka lagu qaadayo.

"Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigiisii hore waxaa dhacay dagaaladii ugu xoogaana kadibna dagaal ma dhicin, hadda wuxuu leeyahay khibrad fiican oo uu uga faa’Ideysan karo kacdoonka hadda socda, hadda umm adda dhan waxay ogaatay in Al-Shabaab aysan heyn dan ummadda Soomaaliyeed, markii ay dadka sidaan oo kale u bislaadeen waxay u baahan yihiin hoggaamin, waxaana rumeysanahay in madaxweynaha uu yahay hoggaamoyihii ku habboonaa,” ayuu yiri Jeneral In dhoqarsho.

Mar wax laga waydiiyey haddii uu guuleysan karo kacdoonkaan ayuu yiri "Horta Soomaalida deg dega waa dhaqan ay leedahay, waxaa horta ila fiicneyd in ma rka hore 7 bil la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa meelaha lala wareego, shacabka kaliya kuma filna da gaalka, dowladda Soomaaliyana hadda ma heysato cii damo ku filan inay guud ahaan dalka la wareegaan, si kacdoonkaan u guuileysto waa in dowladda ay si deg deg ah dadkaan u gaarsiiso daawo, hub iyo raashin si daas ayuu dagaalka ku noqon kara mid guuleysta had dii kale ma gaarayo meeshii la rabay.”

Taliyaha ayaa sababta kacdoonadii hore ay u fa shilmeen ku sheegay inay tahay in markii hore ay kaliya dagaalka waday dowladda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in hadda la helay shacab heegan u ah inay qeyb ka noqdaan dagaalka.

Mar wax laga waydiiyey taliyaha dhibaatada ka dhal lan karto haddii dadka shacabka ah la hubeeyo ayuu yiri "Soomaalida dhan waa hubeysan tahay, dowlad kasta oo timaato qasab ayey ku tahay in dadka lagu sa meeyo hub ka dhigis laakiin hadda looma baahno sab abtoo ah dowladda kaligeed wax difaaci karto.”

Xildhibaan Hore Mohamed Isaaq Huseen (Afaraale oo Geeriyooday

Allah unaxariistee waxaa Shalay magaalada Muqdi sho ku geeriyooday Xildhibaan Hore Mohamed Isaaq Huseen (Afaraale), marxuumka ayaa muddooyinkii dambe la jiifay xanuun soo wajahay, isaga oo ugu dambeyn Shalay geeriyooday.

Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ayuu muddooyinkii dambe ku jiray marxuumka, Afaraale, ayaa waxaa uu kasoo mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dowladdii kumeel gaarka aheyd, waxaana laga soo doortay deegaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Afaraale wuxuu ahaa shaqsiyaadkii udub dhexaadka u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaal iya tan iyo burburkii kadib, sidoo kale wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii aadka looga yaqaanay gudaha dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaadatay dhigeeda Itoobiya

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Dalka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges.

Wasiirka ayaa dhigeeda Itoobiya ugu hambalyeesay xubin- nimada gud diga golaha 41-aad ee hay’adda Duulista adduunka ee ICAO, kaddib markii Dorraad shir weynaha 41aad ee hay’adda Duulista adduunka (ICAO) loogu doortay xubin ka tirsan golaha.

Sidoo kale , waxaa ay isla soo qaa deen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada dal, iyadoo Wasiirka Gaadiidka Itoobiya , Marwo Dagmawit Moges ay boggaadisay dadaallada lagu horumariyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Docda kale , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardo wsa Cismaan Cigaal ayaa kulan farsamo oo diirrada lagu saaray iskaashiga iyo wad aaga xirfadaha iyo horumarinta adeegyada Gaadiidka la qaadatay wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya.

Guddoomiye Madoobe oo Ka Tacsiye eyay Geerida Xildhibaan Afaraale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane She ekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eh elada iyo dhammaan Shacabka Soomaal iyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhib aan hore Maxamed Isaaq Xuseen-Afara ale.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qo yska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mohamed Hus sein Isaq (Afaraale) oo Shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.”

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu marxu umka ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Shacabka BJFS ilaa shirkii Imbagaati, isagoo soo noqday Gud doomiyihii Dgmada Tiyeeglow waqtigii dowladii dhexe, burburkii dalka wuxuu kaalin wayn ka qaatay nabadeen ta dadka iyo deegaanka. Guddoomiyaha ayaa marxuum ka ku sifeeyay inuu ahaa muwaadin qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah, door wanaagsanna ka qaatay dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoo be ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

DFS oo Hay’adaha Caalamiga ah kala hadashay gurmadka Abaaraha

Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wars me ayaa magaalada london kulan ballaaran kula yeeshay hay’adaha garagaarka Caalamiga ah ee xar untoodu tahay Ingiriiska.

Shirka oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen saraakiil ka socotay Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee UK, ayuu Ergaygu uga warbixiyey xaaladda abaaraha dalka iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay in looga jawaabo ka hortaga macluul Soomaaliya ka dhacda.

Ergayga iyo wakiillada hay’adaha, saraakiisha Dawladda Ingiriiska iyo Guddiga Gurmadka Degdegga ah ayaa isla-meel-dhigay in la dardar-geliyo ka jawaabista xaaladda abaaraha Soomaaliya, si looga hortago in abaaruhu u gudbaan heerka ugu daran ee macluusha.

Ergeyga oo dhawaan gaaray carriga Ingiriiska ayaa hore ula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Ingiriiska, Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada UK iyo Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrim aha Dibadda, waxaana ka sii horreeyay kulan uu New York kula yeeshay Wasiirka horumarinta caala miga ah ee UK, Vicky Ford.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaalka uu Ergaygu ugu jira u qareemidda iyo deeq u raadinta gurmadka abaaraha, si looga hor tago musiibo bani’aadannimo oo ka dhacda dalka. Ergayga ayaa ugu danbayn u mahadceliyey Hay’adda Save The Children oo kulanka martigelisay.

Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliy adadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaaliye ed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qaree mayo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqoo yiga America ee Maraykanka iyo Canada.

Maamulka G/Banaadir Oo Deeq Gargaar Ah Gaarsiyay Qoysas Danyar Ah

Wakiilka Abaaraha ee Gobolka Banaadir Yasmiin Jamac Hassan ayaa kormeer ku tagtay deeq raashin qeybin ah oo ka bilaabatay degaanka Garasbaaley, gaar ahaan waaxda Tabeellaha Sheekh Ibraahin iyo waaxda Geeddi Firdhiye.

Deeqdan oo ka timid maamulka Gobolka Banaadir ayaa ahayd mid lagu garab istaagayay dadka barakacayaasha ah ee ay abaaraha iyo dagaallada argaggaxisada lagu la jiro degaannadoodii ka soo barakiciyeen.

Ergayga oo u kuurgalay xaaladda hoose ee ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ayaa u sheegay sida ay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada mogadisho mudane Yuusuf Hussein Jim’aale ay uga go’an tahay garab istaagidda dadka ay abaartu saamaysay.

Ugu danbayntii waliilkaoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa barakacayaasha u ballanqaaday in ay si dhow uga warqabi doonaan xaaladdooda dhaqaale, iyado oo intaas ku dartay in maamulka Gobolka Banaadir ay u heellan yihiin u adeegidda bulshada ku tabaalaysan ee ku sugan Xeryaha Gobalka Banaadir

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soo maaliya oo ka qeyb galay shirka todob aadka Shidaalka Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cu mar Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dawlado, shirkado shidaal oo heer qaran iyo heer caalami ah, sahmiyayaal madax-banaan, maalgashadayaal, bulshada G&G, iyo adeeg bixiyayaasha.

Soomaaliya waxay leedahay kayd badan oo shidaal iyo gaas ah oo aan weli laga faa'iidaysan gudaha iyo baddaba. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ansixisay shuruuc iyo hab-maamuus ka dhex jira hay’adaha la xiriira shidaalka oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Macdanta Shidaalka dowladda federalka.

Iyadoo ay jiraan dhammaan caqabadaha jira, ayaa wasi irka batroolka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowla ddu waddo dadaallada ay ku dooneyso in Soomaaliya ay caalamka ugu soo bandhigto Shidaalka iyo Gaaska aan weli laga faa’iideysan.

Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Ma xamed ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray farriintiisa ka qaybgalka toddobaadka saliidda Afrika ee Cape Town- South Africa. Waxaa isugu yimid wasiirada Shidaalka & Gaaska Afrika iyo in ka badan 400 oo maamulayaasha IOCs si ay uga wada hadlaan horumarinta tamarta.


Dowladda UK oo boggaadisay horumar rada Soo maaliya ee Duulista Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS,Xil. Fard owsa Cismaan Cigaal ayaa la kulantay agaasi maha Guud ee hay’adda Duulista Ray idka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Le ontaridi.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga adeegyada Duulista Hawada iyo horuma rinta wadaaga khibrada iyo tababarada , iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista hannaanka maamulka iyo adeegga ee Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulanka ku sheegt ay inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaari nayo isk aashiga caalamka , si nidaamka Hawada sare ee Dalka uu u muujiyo doorkiisa dunidda.

" Dalkeenna Shalay wuxuu jooga halkii uu uga mid noqon lahaa waddamada leh hawada adeegyadeeda iyo maamulkeeda la isku haleyn karo , annagoo ka faa’I ideysanayna sida ay hawadeena u tahay goob istiraatiji ah.” Wasiir Fardowsa ayaa sidaa sheegtay.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Rayidka ee Dalka Ingiriiska , Dr. Rannia Leontaridi ayaa dhankeeda boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee Duulista Hawada , iyadoo marka xaqiijisay sida ay uga go’anta hay inay xoojiyaan doorkooda iskaashiga iyo taageerro ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog u ahaa , ma areeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , MudaneAxmed Macalin Xasan..

DF oo ciidamo horleh ka dajisay Beled weyne + Ujeedka

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Shalay dowladda Soomaaliya ay ciidamo horleh u dirtay gobolka Hiiraan oo haatan laga dareemayo xaalado amni, kadib qarax yadii Isniintii ka dhacay maga alada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor oo diya arad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa Shalay laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Saraakiil ka tirsan qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa ciidamadaan kusoo dhoweeyey garoonka magaalada Beledweyne, waxayna u mahad-celiyeen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wara rka ayaa sheegaya in ciidamadan oo aad u qalabeysan loogu tala-galay inay ka qayb qaataan howlgallada dib xoreynta ee ka socdo gobolka Hiiraan, waxayna xoojin doonaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ee ka howlgala halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in saac adaha soo socdo ciidamo kale laga dajin doono Beledweyne, si duulaan loogu qaado deegaanada ay heystaan Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadayo, maalin kadib markii saddex qarax oo ismiidaamin ahaa ay Shabaab ka fulisay xerada Lamagalaay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano horleh looga qabsaday kooxda, isla-markaana lagu gaarsiiyey khasa are xoogan.

Koonfur Afrika: Meydadka muwaadiniin Sooma ali ah oo laga helay Goobahooda Ganacsi

Meydadka Labo Muwaadin ooSoomaali ah ayaa Shalay laga helay dukaankooda oo lagu gubay Tuulo hoos timaada magalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay ino xaqiijiyeen qaar kamid ah Soomaalidii gaar tay dukaanka ay labada Muwaadin ku Geeriyooday ayaa sheegay in Muwaadiniinta lagu kala magacaabi jir ay Aadan Cabdi Saneey iyo Cabdi Mohamed Aadan

Ma cada ilaa iyo hadda dabka ay ku gubteen waxa uu ka dhashay laakin waxaa loo badinaya in dukaanka la gu gubay labada Muwaadin xili ay jiifeen

Laamaha amaanka ee dowlada sida booliska, Waaxda dambi baarista iyo sidoo kale waaxda caafimaadka dow lada hoose ayaa haatan baaraya waxa sababay geerida labada Muwa adin.

Wararkii U Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Xooggan Oo Habeen hore Ka Kacay Kismaayo.

Faah faahini dheeraad ah ayaa laga helayaa kha saaraha hantiyadeed ee ka dhashay dab xooggan oo Habeen hore ka kacay maga alada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sida wararku sheegayaan, Dabka ay aa ka bilowday goob lagu iibiyo shidaalka oo ku taala magaalada, iyadoo uu ku fidiyay goobo ganacsi oo ka agdhawaa, waxeyna wararka hordhaca ah sheegayaan inuu dabka baabi’iyay ilaa Todobo bakhaar, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dabka oo bilowday Sagaalkii habeenimo ee Habeen hore wa xaa la sheegay in lagu guuleystay damintiisa saqdii she xe, waxaana gawaarida dab damiska mar danbe kee nay ciidamadda ATMIS ee ku sugan dekeda iyo gar oonka magaalada Kismaayo.

madaxweye kuxigeenka Jubaland Maxamuud Seyd Aadan ayaa sheegay in ka maa mul ahaan looga baah an yahay iney qorshe u keenaan maareynta dabka oo kamid ah caqabadaha ugu adag ee keena in ganacsatadu ay hanti beesho.

"Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada reer Kismaayo ee hantid oodii ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo, dab ku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta,” ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Jub aland.

Khatar caafimaad oo soo wajahday bulshada Somaliland

Dad ayaa u dhintay qaar kalena isbitaalada ayaa loo dhigay kadib markii ay xumada dengue fever, oo ay kan eecadu faafisaa, ka dilaacday deegaanada Somaliland.

Yaasiin Maxamed Cabdillaahi Wacays, oo xumada u jiifa Isbitaalka Adna Aadan, ayaa VOA u sheegay in xumadu ay dhiig la'aan sababa yso, isla markaana markasta oo la daaweeyo ay hadana qof ka kusoo noqonayso.

Dhiiga ayay ridaysa oo waxay burburinayaa xinjiraha, waxad mooda xanuun xanuu nadii hore ka duwan oo iska soo daba noq noqonanaya, oo laba cisho marka dhakhtarkii laga saaro hadana lagu soo celinayo" ayuu yidhi Wacays.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Soma liland DR Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xumadani anay ahayn mid dhibaato caafimaad oo wayn leh, isla markaana ay dad tirro yari u dhinteen.

"Wasaaradu markii ay siyaabo kala duwan u baadhay waxay ogaatay in xumadaasi tahay xumad ay fidiso nooc kamid ah kaneecada, isla markaana aan dhibaato wayn lahayn oo ah xumad dadka xumad wayn ku qabanaysa lakiin sida la ogyahay dhimashadeedu ay aad u yartahay" ayuu yidhi Xergeeye.

Hadaba, xumadan ayaa noqotay khatar caafimaad oo shacabka soo wajahday iyadoo howlwadeenada caafimaadku ku tilmaameen mid khatarteeda leh, oo loobahanyahay in laga foojignaado.

"Xumadan dengue ayaa la yidhaa, waa xanuun khatartiisa leh oo wajiyo farabadan mara, waxaynu arkayna dad la dhayalsanayay oo afka iyo sanka dhiig ka keenay" DR Maxfuud Cabdi Cabdillaahi oo ka howlgala Isnbitaalka Wayn Ee Hargaysa oo waraysi siiyay HCTV, ayaa sida yidhi.

Hadaba, maalmihii u danbeeyay ayaa waxa xumadan ku nafwaayay dad kala duwan, kuwaasi oo ay eheladoodu sheegeen in laga helay dengue, isla markaana waxa jira dad badan oo isbitaalada u jiifa awgeed.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in ay qaadi doonto ollole lagula dagaalamayo kaneecada xili roobaadka dhalatay oo iyadu faafinaysa xumadan, isla markaana waxay bulshada uga digtay in ay ka fogaadaan goobaha kaneecadu ku badantahay.asatada Kismaayo beddel khayr qaba.

Waxa Ay Iga Guuriyeen 10 Guri Ka Dib Markii Ay Ogaadeen In Aan La Noolahay HIV AIDS ( Sheekada Ruun )

Ruun ma ahan magacaeeda saxda ah balse inaga ayaa dooranay in aan ku magacawno, waa haweeney muddo labo sano ah la nool xanuunka HIV oo ay ka qaaday ninkeeda oo lahaa xaas kale, nasiib daro ninkeeda iyo Haweeneydii kale ee uu qabay bilo ka dib ayay u geer iyoodeen xanuunka balse iyada wali way la nooshahay waxa ay ku noolashay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Markii ay reerkeeda ku ogaadeen in ay la nooshahay xanuunka waa ay dey riyeen waxa ayna ka saareen nolosho oda iyo gurigooda halka dadka qaar laga yaabo in ay soo dhaweeyaan, Ruun oo ah hooyo heysata 9 carruur ah waxa ay dhexda u xiratay in ay kor iso caruurteeda iyada ayaa u xamaasha waxa ay subax waliba aadaa xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo oo ay ku nooshahay si ay dharka ugu soo dhaqdo qoy saska aan aqoonta u laheyn kana war heynin xanu unkeeda.

Waxa ay dhar dhaqista ka heshaa $ 5 taasi oo ay ku dabirto nolosha reerka ay udub dhexaadka u tahay, dhibaatooyinka ay wajaheyso waxaa ka mid ah faquur ahaan kala joogsi laheyn oo ay kala kulmeyso dadka ay dariska yihiin iyo qof waliba oo ay gaarto sheekada ah in ay la nooshahay Xanuurnka HIV.

Waxa ay xustay in laga saaray ama laga raray ilaa 10 guri oo ay kiro ugu jirtay ka dib markii la ogaaday in ay la nooshahay xanuunka HIV "waxa ay iga soo bixiy een guryahooda aniga oo waliba bixinayo lacagtii kirada aheyd sababtana waa in ay ka baqayaan in ay xanuun ka iga qaadaan sidaasi waxaa tiriRuun”

Guuritaanka badan waxa uu saameyn ku yeeshay waxbarashada carruurteeda, waxa ay ku qasban tahay in ay ka badasho goobaha waxbarashada madaama 3 ka mid ah carruurteeda ay aadaan School. Ruun waxa ay la daala dhaceysaa dhibaatooyin is biiraday oo ugu weyn tahay faquuqa ay kala kulmeyso qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo deegaan u ah.

Waxa ay Bilan Media u sheegtay in reerkooda ay u na ceen xanuunka dartiisa iyadana ay go’aansatay in ay nolosheeda iyo tan caruurteeda maareyso.

Marka laga yimaado in ehelkeeda iyo reerkeeda ay u takoorayaan si la mid ah sida ay isaga fogeynayaan dadka caadiga, waxaa taasi u sii dheer in ay mararka qaar isku dhacaan dadka dariska sabab la xiriirto in car uurteeda lagu ceynayo in ay hooyadood la nooshahay HIV.

Ruun ayaa tiri " marar badan ayay dariska i dacwee yeen xitaa mar ayaa leygu xiray saldhig balse markii danbe waan helay xoriyadeyda, mana aheyn wax aan muddanahay, maadaama aan ahay hooyo la nool xa nuun ay dadka neceb yihiin in ay maqlaan.”

Waxa ay hoosta ka xariiqday in maareynta noloshee da iyo caafimaad keeda ay xoog badan galineyso maad aama ay heli karto daawooyin kaalmati u ah xanuunka ay la nooshahay mudadada 2 sano ah.

Waxa ay ka mid tahay boqolaalka qof ee la nool xa nuunka HIV kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka wa jahayo bulshada ay ku dhex nool yihiin, maadaama ay san dadka jecleysaneyn cudurka ay la nool yihiin ee HIV- ADDIS-ka

W/Q Kiin Xasan Fakat Bilan Media

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo shir degdeg ah yeelanaya

Waxaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qara mada midoobay ay 10-ka Bishaan shir deg deg ah ka yeeshaan xaaladaa kajira dalka ukraine iyo qabshadii sharci darrada aheyd ee uu ruushku ku galay dalkaasi Ukraine.

Shirkan ayaa waxaa codsaday dalal ka Ukrine iyo Romania kadib markii dowladda Ruuska ay diiday qaraarkii Golaha Ammaan ka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay aftidii "sharci-darrada ahayd ee Ruushka uu taageeray ee la gu doonayay in lagula wareego qaybo ka mid ah bariga dalka Ukraine.

Guud ahaan 193 xubnood oo ay ka kooban yihiin Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodi doona la wareegida afar gobol oo Yukreeniy aan ah , sida Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kher son, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhawaan dalbaday in Ruushka laga saaro dham maan ururada caalamiga ah, waxaana baaqaas taagee ray dalalka midowga yurub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay u gudbiyay qaraarka ka dhanka ah ruushka.


Kooxda Al Shabaab oo sheegtay inay dagaal ku dileen Askar badan oo kamid ah Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida

Kooxda Al Shabaab ayaa war ay Shalay soo saareen ku sheegay in dagaal dhex maray iyaga iyo Liyuu Boo liska degaanka Soomaalida lagu dilay Askar badan oo kamid ah Ciidanka Liyuu Booliska.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinada ku had asha Afka kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in da gaalku uu ka dhacay tuulada Qu dhacle oo ka mid ah degaanka Wa shaaqo ee dhinaca xadka u dhaxe eya degaanka Soomaalida iyo gobolka Bakool Soomaaliya.

Tirada Ciidamada Liyuu Booliska ee lagu dilay daga alkan ayay kooxda Al Shabaab ku sheegtay ilaa 50 Askari, oo ay ku jiraan Saraakiil Liyuu Boolis ah iyo dhaawacyo tiro badan, inkastoo Warbaahinta madaxa banaan aysan xaqiijin karin sheegashada Al Shabaab.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa magac qaaday qaar kamid ah saraakiisha ay sheegeen in dagaalkan lagu dilay, sida Janaraal Saliid, Korneyl Dhigane iyo Kor neyl Cabdirisaaq, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilka Saraakiishan Liyuu Booliska ah, mar ka laga reebo Janaraal Saliid oo qaar kamid ah xigta diisu ay xaqiijiyeen dilkiisa.

Dhinaca Xukuumadda dowlad degaanka Soomaal ida kamaysan hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab, balse geestooda waxay Warbaahinta Dorraad ilaa Shalay la wadaageen inay guulo waawayn ka gaareen dagaalka Dorraad iyaga iyo Al Shabaab ku dhex maray xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya. Sidoo kale xuku umadda degaanka Soo maalidu waxay sheegeen inay tuulooyin ka furteen Al Shabaab, iyagoo dhankooda soo bandhigay hub tiro badan oo ay ku sheegeen inay ka qabsadeen kooxda Al Shabaab.

Marka laga soo tago Sheegashooyinka kasoo ka la baxaya labada dhinac, ma jiraan ilo madax ban aan oo xaqiijin kara wararkaasi kasoo kala baxaya Xukuumad da degaanka Soomaalida iyo Kooxda Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa ku soo hagaagaya xilli Xukuumadda dowlad degaanka Sooma alidu ay sheegeen maalinimadii Dorraad in Liyuu Boolis ku ay Al Shabaab kala wareegeen tuul ooyin ay horey u degganaayeen kooxda Al Shabaab, khasaare laxaad lehna ugaysteen, waa siday hada lka u dhigeen Ciida mada Liyuu Boolisku.

Isku soo duuboo, dagaallada u dhaxeeya dowlad de gaanka Soomaalida iyo Al Shabaab ayaa muddo qaboo baa, inkastoo dhinaca dowlad degaanka So omaalida ay jireen ciidamo tiro badan oo lagu daab ulayay dhinaca xuduudda, si ay u sugaan amniga xuduudaha oo aysan usoo tallaabin kooxda Al Shab aab.

MADAXWEYNAHA UGANDA OO SHAQADII KA CEYRIYAY WIIL UU DHALAY OO KU HANJABAY INUU QABSANAYO NAIROBI

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa wiilkiisa ka ceyriyay taliyaha ciidamada lugta ee dalk aas, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qo ray hanjabaad uu ku sheegay inuu ku qabsanayo caasima dda dalkaKenya, ta asoo walaac ballaaran ku beer tay bariga Afrika.

Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, ay aa bilihii la soo dhaafay caro ka dhex dhaliyay qaar ka mid ah dad ka reer Uganda oo u arka had alada uu kusoo qoro tweet-giisa kuwo wax kicinaya mararka qaarna khatar ah.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo fallaagada Tigrayga ee dagaalka kula jirta ciidamada federaalka Itoobiya, wuxuuna taage ero u m uujiyay fallaagada rabshadaha ka wada bar iga Congo. Waxa uu sheegay in dhammaan Afrikaan ka ay ku taag eereen Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine. "Aniga iyo ciidankaygaba naguma qaadan lahayn, la ba toddobaad inaan qabsanno Nairobi," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Isniintii lasoo dhaafay.Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo talada la war eegay bishii hore, ayaa saaxiib la ah madaxw eyne Mus eveni, oo uu ku tilmaamay "Aabaha" gobolka intii lagu jiray xafladdiisii caleema saarka.

Qoraallada Kainerugaba ayaa ka careysiiyay dad ba dan oo Kenyan ah. Wasaaradda arrimaha diba dda Uga nda ayaa meesha ka saartay qoraallada Kainerugaba ee twitter-ka.

Inkastoo laga eryay madaxii ciidamada lugta ee Uga nda, Kainerugaba ayaa weli loo dalacsiiyay jeneraal shan xidigle ah, waxaana uu sii ahaan doonaa la tali yaha militariga aabihiis, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray militarigu. Waxaa lagu bedelay tali yaha ciidanka lugta Lt Gen Kayanja Muhanga.

Putin oo saxiixay sharci uu RUUSHKU ku goos tay afar gobol oo Ukraine ka mid ah

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Shalay saxi ixay sharci baarlaman oo Ruushka uu ku goostay dal kiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.

Gobollada Donetsk, Lugansk, Khe rson iyo Zapori zhzhia "ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan fed era alka Ruushka si waafaqsan dastuur ka federa alka Ruushka,” ayaa lagu yiri doku mentiga.

Putin ayaa sidoo kale saxiixay dikreeto uu si rasmi ah ugu mag acaabay madaxda Moscow ay taageerto ee afartaas gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilal kaas.

Goor sii horreysay, sharciga ku darsashada ay aa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee baarlamanka Ruushka.

Madaxweye Putin ayaa Jimcadii tagtay guddoo miy ey xaflad weyn oo ka dhacday Kremlin ka, taasi oo intii ay socotay uu afarta hoggaamiye ee Moscow ay gaysay gobolladaas uu kula saxiixday heshiis ay qeyb uga noqonayaan federaalka Ruushka, inkasta oo ay aad u cambaareeyeen Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol ayaa abuuraya marin muhiim ah oo u dha xeeya Ruushka iyo jasiirad u yaalka Crimea oo Moscow ay goosatay 2014.

Marka la isku geeyo, shanta gobol ayaa ah 20 boq olkiiba dhulka Ukraine.

Hase yeeshee ciidamada Ruushka si buuxda uma maamulaan Kherson iyo Zaporizhzhia, islamark aana Kremlin-ka weli ma xaqiijin meelaha ka midka ah gob olladaas ee la goostay.AFP, VOA

Abiye Axmed Oo Ugu Dambeyn Aqbalay Dalab Culus Uga Yimid Midowga Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’ aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amn iga Qaran ka Redwan Hussein.

"Dowladda Itoobiya waxay aqba shay martiqaadkan wadahadallada na badda kaas oo waafaqsan ma wqifkay aga mab da’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xal liyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shur uudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien ku soo qoray bartiisa Twitterka.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoo biya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wada hadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Ko onfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas uje eddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay waka aladda wararka ee Reuters.

Saddex ilo diblomaasiyadeed oo diiday in mag acooda la shaaciyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka war qadda 1-dii Okt oobar, oo uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo ku socotay Departition Gebre michael, oo hoggaamiya siyaa sadeed ee Tigray. Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waq ooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexd hexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaa llada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

Balse ma jiraan wax wadahadal ah oo rasmi ah oo dha cay, intii lagu guda jiray xabbad-joojin shan bilood ah oo socotay intii u dhaxaysay March iyo Og osto, iyada oo markaas kaddibna uu dagaal xoog gani dib uga bil aabmay guud ahaan goboblka Tigr ayga. Warqadda ayaa lagu sheegay in Olusegun Oba sanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afr ika uu hogga amin doono wada xaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenya tta iyo mad axweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afri ka Phumzile Mlambo-Ngcuka

Dadka U Dhimanaya Cudurka Ebola Ee Dalka Uganda Oo Korodhay.

Wasaaradda caafimaadka Uganda, ayaa xaqiijisay geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee Shalay oo Arbacada ah.

Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafim aadka ee Uganda, Jane Ruth Ace ng.

Koox dhakhaatiir ah ayaa waxaa ha leeley fayraska, markii ay daweeyeen ruuxii ugu horree yay ee la xa qiijiyay inuu qabo cudurka Ebola, kaasoo u baahday qal liin, waxaana la dhigay isbitaalka gobolka Fort Portal.

Arday u dhashay dalka Tanzaaniya oo ka mid ahaa ard ayda caafimaadka, ayaa dhintay dhamaadkii todd oba adkii hore.

Dhanka kale, kaaliye caafimaad oo ku sugnaa deg mada Kagadi, ayaa isna u dhintay fayraska.Waxaa la tuhunsan yahay in umuliso ay sidoo kale u dhimatay Ebola.

Shaqaalaha caafimaadku ayaa waxay muujiyeen wa laac ku saabsan, iyadoo aaney jirin qalab la isaga ilaalin karo shakhsi ahaan, oo ku filan maalmaha ugu horeeya ee cudurka uu dillaacay.

Tirakoobyada rasmiga ah, ayaa muujinaya in 43 xaaladood la xaqiijiyay, tan iyo markii lagu dhawaaqay cudurka dillaacay laba toddobaad ka hor, 10 kamid ah kiisaskii la ogaadey, ayay dadkii qabay ay dhinteen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inay ogaadeen in in ka badan 800 oo qof uu haleeley cuduka Ebola, oo loogga shakisan yahay inay xiriir la sameeyeen dadka uu soo ritay cudurka

Madaxweyne Biden oo khadka teleefan ka kula hadlay Madaxweynaha Ukraine

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in lix boqol oo milyan oo dollar ($600M) oo kale oo gar gaar militari ah ay siin doonaan Ukraine.

Washington ayaa sheegtay in ta ageeradan ay ugu talagashay dag aalka adag, ee ay Kyiv kala horeeddo duulaanka Mos cow.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxweyn aha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay in Mareykanka uu Ukraine siin doono taageero, illaa iyo inta ay u baahan tahay.

Sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa dhiggiisa Ukraine u sheegay inaanu Mareykanku ebid aqoonsan doonin tallaabada uu Ruushka dalkiisa ugu darsaday afarta gobol ee kala ah Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson.

Dhanka kale Ciidamada Ukraine ayaa horumar ka sameynaya dagaalka ka socda bariga iyo koonfurta dalkaasi, iyadoona ay Ciidamada Ruushka isaga baxe en dhul hor leh. Ciidamada Ruushka oo muddo yin kii ugu dambey say uu culeys ka haystay dhanka Gobo lka Donetsk ay uu hadda culeys kale ka soo fuulay dhanka Gobolka Kherson. Khubarada ayaa fahamsan inaanu Ruushku xujo ku noqon lahayn dagaalkan uu kula jiro Ukraine, haddii aanay taageero dhinac kastaba leh ka heli lahayn Reer Galbeedka.

WAA KUMA WIILKA ITOOBIYA KASOO BADIYAY EE HADDA U DHAARSAN TANZANIA OO UU CIIL HORE U QABO?

 


Cabdixafiid Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID MAXAMED

Haddii aad tahay dadka la socda ciyaaraha ama hadal-heynta baraha bulshada Soomaalida, waa hubaal inaad maqa shay magaca ciyaartoyga Cabdixafiid Maxamed ama aad aragtay sawirradiisa.

Kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'do odu ka hooseyso 17 jirka ayaa Isniintii guul darro 1-0 ah u saarisay xulka dhiggooda ah ee dalka Itoo biya. Goolka guusha waxaa dhaliyay Cabdi Xafiid Maxamed oo lagu naaneyso "Xaafid Januzaj".

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga hadal-hayay baraha bulshada ee Soomaalida, oo dad badan ay ku bogaadinayeen isaga iyo ciyaartoyda kale ee guusha soo hoy iyay.Wareysi gaar ah oo uu Cabdi Xafiid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu ka shaqeynayo sidii uu waddanka ugu noqon lahaa isagoo kusoo guuleystay tartanka ay usoo baxeen.

Tartankan ay isku arkeen Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa "Afcon Under 17 cup of Nations", waxaana loo qabtaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Taariikh ahaan ka qeyb-galkiisa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2018-kii, sida uu BBC-da u sheegay Cabdullaahi Maxamuud Xirsi, oo qaabilsan horumarinta dhallinyarada ciyaartoyda ah ee xulka qaranka.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Tanzania ayaa ku wada jira hal qeyb oo ay dha mmaantood isku wada arkayaan. Guud ahaan tartankan waxaa ku jira lix kooxood.

Ciyaarta xigta ee Soomaaliya sugeysa waxa ay kula ballansan tahay Tanzania.

Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa noo sheegay in kaddib guushii ay Itoobiya ka gaareen ay hadda u harsan yihiin saddex kulan oo ka xiga in ay koobka ku guuleystaan. Macallin Nuur Maxamed Amiin ayaa sheegay in uu rajo aad u fiican qabo, uuna ku kalsoonyahay ciyaartoyda da'da yar ee uu wato. Waa kuma Cabdi Xafiid Maxamed?

Cabdixafiid Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID MAXAMED

Cabdixafiid oo hadda 16 jir ah waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay isla Kismaayo, halkaas ayuuna ksoo billaabay xirfa ddiisa ciyaaraha, sida uu u sheegay BBC-da.

"Anigoo aad u yar ayaan Kismaayo kasoo billaa bay ciyaaraha. Waxaan kasoo billaab ay heer xaaf adeed, macallinkeyga ayaa igu dhiirrigeliyay inaan ka ciyaari karo ilaa heer qaran, haddana waan ga aray heerkaas," ayuu yiri.

Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican hiigsaneysa ee ka tirsan kooxda Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Cabdixafiid waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahan xirfad sare leh oo tababareyaashu ay aad u jecel yihiin.

Goolka guusha iyo dabbaaldeg cajiib ah

Cabdixafiid waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay guu shii uu gaaray xulka qaranka da'doodu ka yartahay 17-ka sano ee Sooma aliya, taasoo uu isaga sabab u ahaa kaddib markii uu gool ka dhaliyay koo xda Itoobiya ee kasoo horjeedday.

Markii uu dhaliyay goolka oo ahaa midka keliya ee ay ciyaartaas ku dhammaatay ayuu sameeyay dabbaaldeg ay dad badan su'aalo iska weydi inayeen.

Isagoo ka hadlaya halka uu kasoo min-guuriyay iyo cidda uu uga dayana yay ayuu yiri: "Dabbaaldeggaas waxaan ka arkay Aubameyang iyo Lacaz ette [ciyaaryahanno ajaanib ah], laakiin markaas ka hor waxaan ka arkay wal aalkeey marna saaxiibkeey, Farxaan Xiddig," ayuu yiri.Cabdixafiid Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID MAXAMED

Ciyaaryahankan da'da yar ayaa sheegay in marka laga soo tago taba barka uu mac allinkiisa siiyo uu isaga laftiisa sameeyo dad aal u gaar ah oo uu ku hormariyo xirfaddiisa ciyaareed, taasoo ah dabeecad ay wadaa ga an xiddigaha ugu waaweyn ee kubadda cag ta addu unka. 'Waxaan u dhaarsana hay Tan zania' Inkastoo Cabdixafiid uu soo gaaray dhaawac dhanka muruqa lu gta ah, haddana waxa uu ku rajo weyn yahay in uu ciyaaro kulanka dhaw aan dhex mari doona Soomaaliya iyo Tanzania. Laaki in waxa uu hoosta ka xariiqay inuu jiro ciil gaar ah oo uu u qabo xulka Tanz ania, maadaama ay horay guul darro u gaarsiiyeen Soomaaliya.

"Dhaawac ayaa isoo gaaray balse waxaan wadaa dadaal aan kusoo caafi maadayo, waana rajeynayaa inaan safto kulankaas, kuna soo bandhigo ciyaar ka fiican tii aan la yeelannay Itoobiya, goolal intaas ka badanna ka dhaliyo.

"Waan u dhaarsanahay Tanzania hadda ka hor 2018-kii ayey fiinaal no oga badiyeen, inkastoo aanan xilligaas aniga ciyaareynin waxaa ciyaarayay walaalaheenna. Waxaan rajeynayaa inaan hadda annaga ka aargudanno," ayuu yiri.XIGASHO:BBC

UKRAINE OO MAGAALOOYIN CUSUB KA QABS ATEY RUUSHKA KU SOO DUULEY

Dhamaadka todobaadka waxaa jiray warbixino ku saabsan guulaha Yukreeniyaan ee ka soo baxaya gobo lada Ruushku qabsadey.

Ciidamada Ukraine waxay dib u qabsadeen magaalada Lyman ee gobolka Donetsk ee bariga Ukrai ne. Magaalada Lyman ayaa xu dun u ahayd ciida mada Ruushka, waxayna dhacdaa xa dka gobolka Luhansk oo uu Ruushka hadda maamulo.

Tani waxay ka dhigan tahay in ciidamada Yukreeniyaan ku bilaabeen inay galaan gobolka Luhansk kadib hal maalin markii Ruushku ku dhawaa qay in gobolkaas uu dalkiisa ku darsadey, ayuu yiri sarkaal la hadley warb aahinta DW, oo ah macalin istiraatijiyada milatariga oo ka tirsan jaamacadda difaaca ee Stockholm.

Maalintii Isniinta ayaa sidoo kale waxaa soo baxa yay warar sheegaya in ciidamada Yukreeniyaan ay duul aan ku qaadeen webiga Dnipro ee gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine.Halkaa waxay bilaabeen inay ka soo galaan waqo oyiga waxayna bilaabeen inay dib u riixaan Ruushka, sida laga soo xig tay xog u muuqata mid lagu kalsoon aan karo, ayuu yiri sarkaalka la hadley DW. Ruushka ayaa horey ugu hanjabey gobolada uu ka la waregay Ukra ine haddii la soo weeraro in uu ku dif aaci doono Nukliyeer

Urur Goboleedka Ecowas Oo Wefdi Sare U Diray Dalka Burkina Faso

Wafdi ka socda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa gaaray Burkina Faso, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan hogaamiyaha cu sub ee militariga dalkaas, Ibrahim Traoré.

Waxa uu xukunka kula wareegay Jimcihii afgambigii labaad ee dalka ka dhacay sanadkan kaas oo ka dhashay amni darada sii kordheysa oo we eraro badan ay ka geysteen mintidiin Isla ami ah. Hoggaamiyihii xukunka laga tuu ray ayaa hadda ku sugan Togo.

Ergada Ecowas ayay u badan tahay inay ku boorin doonaan hogaamiyaha cu sub inuu ku adkeysto hindiseyaashii hore ee ahaa in doorasho la qabto bartamaha sanadka 2024-ka.

AL-QAACIDA OO SHEEGATAY WEERAR LAGU DILAY KU DHAWAAD 30 ASKARI DALKA BURKINA FASO

Kooxda Al-Qaacida ee Jama’at Nusrat al-Islam wal Muslimeen (JNIM) oo fadhigeedu yahay gobolka Sahel ayaa sheegtay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo marayey Burkina Faso oo ay ku dileen in ka badan toban askari bishii ho re, sida ay sheegtay kooxda sird oonka SITE Talaadadii.

Xoogagga Islaamiyiin ah ayaa weerar ku qaaday kolonyo sa hay u waday magaalo ku taal waqooyiga Burkina Faso Sebtembar 26-keedii, maalmo kahor inta aan dalka ku yaal galbeedka Afrika lagu qabsan markii labaad afgambi militari markii sanadkan.

JNIM ayaa sheegtey inay mas’uul ka tahay weerarka gaadmada ah oo ay sheegtay in uu sababay khasaare dhaqaale oo baaxad leh oo soo gaaray waxa ay ugu yeerto cadawga.

Weerarkan ayaa horseeday isbedel derajooyinka saraakiisha ciidamada Burkina Faso,taas oo ku dhammaatay afgambigii militariga”,ayaa lagu yiri bayaanka SITE.

11-askari ayaa meydkooda la helay halka ku dhawaad 50-qof oo rayid

ah lagu la’yahay weerarka kadib, sida ay dowladii hore sheegtay.

Balse dukumeenti dhanka amniga gudaha ah oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters Talaadadii ayaa lagu sheegay dhimashada 27 askari. Reuters




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip