Go'aankii ay qaateen Sacuudiga iyo Masar ee 'argagax geliyay Mareykanka iyo Ingiriiska'

0
Wednesday October 05, 2022 - 22:39:51 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aankii ay qaateen Sacuudiga iyo Masar ee 'argagax geliyay Mareykanka iyo Ingiriiska'

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Inkasta oo xiriir wanaagsan ka dhexeeyay madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon iyo boqorkii Sucuudiga Feysal, Sucuudiga wuxuu ka qeyb qaatay qorshe lagu cadaadinayay reer galbeedka si Israa'iil ay dib ugu celiso dhulka ay qabsatay

Dukumiintiyo ay leedahay dowladda Britain ayaa muujiyay in Britain iyo Mareykanka ay dhayalsadeen go'aankii dalalka Carabta iyo awooddooda ku aadaneyd joojinta shidaalka ay gaarsiin jireen dalalka Reer Galbeedka-xilliggaas oo ay taariikhda ku beegneyd 6-dii bishii October sanadkii 1973.

Dokumentiyada oo uu arkay weriyaha BBC-da laanta Carabiga, Amer Sultan ayaa muujinayay in Britain ay ka naxday go'aankii dalalka Carabta ee soo saara shidaalka ay ku shaaciyeen inay yareynayaan shidaalkii ay u dhoofin jireeen dalalka Reer Galbeedka kadib howlgal militeri oo soocday 10 maalmood oo ay Israa'iildiyiintu u yaqaannaan dagaalkii 'Yawm Kiboor'-kaasoo maanta lag ajoogo 40 sano.

Bishii June ee sanadkii 1973, afar bilood ka hor dagaalkaas, William Rogers, Xoghayahii Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa booqday Iran si uu uga qayb galo shirkii ay lahaayeen golaha wasiirrada ee ururka Iskaashiga Bariga Dhexe (Baghdad Pact).

Anthony Parsons, oo isna ahaa wakiilkii joogtada ahaa ee xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ee xilligaas, ayaa sheegay in xoghayahii arrimaha dibadda ee Maraykanka, William Rogers, uu dhayalsaday hanjabaadii dalalka Carabta ee ahayd in shidaalka loo isticmaalo sida hub ahaan si ay ugu cadaadiyaan reer galbeedka inay ku qasbaan Israa'iil inay ka baxdo dhulkii ay ku qabsatay dagaalkii 1967.

Parsons waxa uu intaa ku daray in warbixin sir ah oo ku saabsaneyd wadahadal Tehran ku dhex maray isaga iyo xoghayaha Maraykanka, in Rogers "uu si xoog leh uga hadlay mowqifka dalalka Carabta ay ka qaateen shidaalka."

Wadahadalkii dhexmaray Rogers iyo Parsons ayaa yimid dhowr toddobaad kaddib markii madaxweynihii Masar ee xilligaas Anwar Sadat uu uga digay reer galbeedka in waddamada Carabta ay diyaar u yihiin inay cunaqabatayn dhanka shidaalka ah ku soo rogaan si ay Masar uga caawiyaan dagaalkii millatari ee ay kula jirtay Israa'iil.

'Hanjabaado halis ah'

Wargeysada kasoo baxa Ingiriiska ayaa xilliggaas wax ka qoray hadalka Anwar Saadaat kadib khudbad uu ka jeediyay maalintii xuska shaqaalaha 1-dii bishii May ee sanadkii 1973 isagoo xilliggaas "Ballan qaaday in shidaalka ay u adeegsanayaan sida hub oo kale marka ay Masar qaaddo howlgal militeri" oo Israa'iil looga xoreynayo dhulkii ay qabsatay sanadkii 1967.

Xilliggaas wargeysyadu waxa ay soo qaateen hadallada dad falanqeeya siyaasadda gobolka oo dhahayay, "Sadat wuxuu rumeysnaa dagaalkii u dhexeeyay Masar iyo Israa'iil in uu ahaa mid gudaha ah islamarkaana dalalka Carabta ay ka hor istaagi karaan waddamada galbeedka gaar ahaan Mareykanka si looga joojiyo in uu hub siiyo Israa'iil".

Anthony Parsons, oo ahaa wakiilkii joogtada ahaa ee xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka Rogers u sheegay in hadalkii kasoo baxay Sadat iyo dalalkii Carabta uu ahaa mid halis ah oo awood leh.

 

Dagaalkii dalalka Carabta iyo Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Dagaalkii dalalka Carabta iyo Israa'iil

Wuxuu intaa ku daray in uu rumeysnaa in Rodgers uu mowqif adag ka qaatay hadalkaas.

Sida laga soo xigtay warbixinta Parsons, xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu meesha ka saaray shaki kasta oo ku aaddan sidii Mareykanka uu ku qaadi lahaa tallaabo kasta oo ka caawin karta inay ka kaaftoomaan shidaalka Carabta, haddii Carabta ay tallaabadaas dhaqangeliyaan.

Xilliggaas, waddamada Yurub ayaa si weyn uga walaacsanaa suurtagalnimada ah in dalalkii Carabta ay shidaalka hub ahaan u adeegsadaan maadama ay iyagu si weyn ugu tiirsanaayeen shidaalkii dalalka Carabta.

Wadahadalladii dhexmaray Parsons iyo Rogers waxay daaha ka rogeen in xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka uu "qirtay in dalalka Reer Galbeedka iyo Yurub ay xaalad adag soo wajahi karto haddii dalalka Carabta ay go'aanka dhaqangeliyaan".

'In Shidaalka la mamnuuco waa mas'uuliyad darro'

Afar maalmood ka hor inta uusan dagaalka billaaban, Masar waxay u soo jeedisay Ingiriiska in aysan waxbo ka jirin cunaqabateynta shidaalka ay dalalka Carabta ku baaqeen islamarkaana Masar aysan qeyb ka aheyn cunaqabateyntaas.

Shir 1-dii bishii October ee sanadkii 1973 dhexmaray Xafid Ismaaciil oo ahaa la taliyihii arrimaha amniga qaranka Masar iyo Philip Adams oo ahaa safiirkii Britain u fadhiyay Masar, waxay isla soo hadal qaadeen arrimaha tamarta iyo suurtagalnimada ah in dalalka carabta ay hub ahaan shidaalka u adeegsan karaan.

Farriin qarsoodi aheyd oo Telegram-ka lagu diray oo gaartay London waxaa cinwaan looga dhigay, "In shidaalka hub ahaan loo adeegsan doono", waxay ka wadahadleen in Masar aanay mas'uul ka aheyn islamarkaana aysan qeyb ka aheyn ololaha ka dhanka ah cunaqabateynta shidaalka ee ka dhanka aheyd Reer Galbeedka.

Dhanka Carabta, sarkaalkii madaxtooyada Masar ka tirsanaa ayaa meesha ka saaray in ay shidaalka hub ahaan u isticmaalayaan, kaasoo oo ka dhan ah reer galbeedka.

Wuxuu sheegay in xayiraadda noocaas ah ay noqon doonto mid dhaawaceysa danaha Carabta laftooda, ayna horseedi doonto in Mareykanka ay fal-celin qaldan ka bixiyaan".

Xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka William Rogers

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka William Rogers

Mowqifkii Sucuudiga iyo xaaladdii Israa'iil

Dagaalkii 1973 waxaa lasoo afjaray intii u dhexeysay 6 October iyo 25 October. Maalmo kaddib markii ay billowdeen howlgalladaasi oo ay la yaabeen Israa'iil iyo reer galbeedka, ciidamada Masar waxa ay ka gudbeen laamiga dheer ee Bar Lev Line si ay uga gudbaan kanaalka Suweys, kaddibna Israa'iil qeylo dhaan ayey u dirsatay Mareykanka.

Toddobo maalmood kaddib, isla bishaas 13-keedii, Maraykanku wuxuu billaabay in uu hub u diro Israa'iil.

Afar maalmood oo kaliya ayaa ka soo wareegtay markii uu Maraykanka billaabay howlaha badbaadinta ah, dalalka Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Iran, Aljeeriya, Kuwait, Imaaraatka iyo Qadar waxay ku dhawaaqeen inay kor u qaadeen qiimaha shidaalka 17%, wax soo saarkoodana ay hoos u dhigeen. waxaa ku xigay xayiraad ay dalalka Carabta ku soo rogeen dalalka shidaalka siiya Israa'iil.

Dukumeentiyada waxay daaha ka rogeen, in maalintaas, wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ay qoraal u dirtay safaaradda Ingiriiska, farriintaas oo durbadiiba la gaarsiiyay magaalada London, waxaana ku qornayd, "Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay aad uga xun tahay mowqifka Maraykanka uu ku taageerayo Israa'iil iyo sii waddida hubka loo dirayo Israa'iil".

 

M arkii ciidamada Masar ay gaareen gacanka Siinaay waxaa xaaladda faraha lasoo galay Mareykanka si uu u taageero Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Markii ciidamada Masar ay gaareen gacanka Siinaay waxaa xaaladda faraha lasoo galay Mareykanka si uu u taageero Israa'iil

Wuxuu Sucuudiga ka digay in tallaabadan ay saameyn xun ku yeelan doonto dalalka Carabta.

Warqadda waxay intaa ku dartay "iyadoo la arkayo mowqifka eexadka ah ee Mareykanka, Sacuudi Carabiya waxay ku khasbanaan doontaa inay yareyso baaxadda shidaalka ay dhoofiso si waxyeelleyn loogu geysto suuqa Yurub, dalalkan waxaa saaran in Mareykanka ay kula taliyaan inay baddalaan mowqifka uu ku taageerayo Israa'iil, dalalkan si xun bey arrinta u saameyn doontaa"

Qoraalka Sucuudiga wuxuu ka nixiyay Britain, waayo Britain kama aysan fileyn Sucuudiga arrintaas, sida ku xusan dokumentiyada, dalalka Carabtana waxay muujiyeen geesinimo ay tallaabadaas ku fulinayaan.

Sucuudiga waxa uu sii kodhiyay xaaladdii hubanti la'aanta ahayd iyaga oo aan jawaab rasmi ah ka bixin su'aalaha reer galbeedka ee ku saabsan suurtagalnimada in waddamada ay hub ahaan u adeegsadaan shidaalkooda kadib markii reer galbeedka ay taageereen Israa'iil.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip