Waxa Ay Iga Guuriyeen 10 Guri Ka Dib Markii Ay Ogaadeen In Aan La Noolahay HIV AIDS ( Sheekada Ruun )

0
Wednesday October 05, 2022 - 11:24:34 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Ay Iga Guuriyeen 10 Guri Ka Dib Markii Ay Ogaadeen In Aan La Noolahay HIV AIDS ( Sheekada Ruun )

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ruun ma ahan magacaeeda saxda ah balse inaga ayaa dooranay in aan ku magacawno, waa haweeney muddo labo sano ah la nool xanuunka HIV oo ay ka qaaday ninkeeda oo lahaa xaas kale, nasiib daro ninkeeda iyo Haweeneydii kale ee uu qabay bilo ka dib ayay u geeriyoodeen xanuunka balse iyada wali way la nooshahay waxa ay ku noolashay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Markii ay reerkeeda ku ogaadeen in ay la nooshahay xanuunka waa ay deyriyeen waxa ayna ka saareen noloshooda iyo gurigooda halka dadka qaar laga yaabo in ay soo dhaweeyaan, Ruun oo ah hooyo heysata 9 carruur ah waxa ay dhexda u xiratay in ay koriso caruurteeda iyada ayaa u xamaasha waxa ay subax waliba aadaa xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo oo ay ku nooshahay si ay dharka ugu soo dhaqdo qoysaska aan aqoonta u laheyn kana war heynin xanuunkeeda.

Waxa ay dhar dhaqista ka heshaa $ 5 taasi oo ay ku dabirto nolosha reerka ay udub dhexaadka u tahay, dhibaatooyinka ay wajaheyso waxaa ka mid ah faquur ahaan kala joogsi laheyn oo ay kala kulmeyso dadka ay dariska yihiin iyo qof waliba oo ay gaarto sheekada ah in ay la nooshahay Xanuurnka HIV.

Waxa ay xustay in laga saaray ama laga raray ilaa 10 guri oo ay kiro ugu jirtay ka dib markii la ogaaday in ay la nooshahay xanuunka HIV"waxa ay iga soo bixiyeen guryahooda aniga oo waliba bixinayo lacagtii kirada aheyd sababtana waa in ay ka baqayaan in ay xanuunka iga qaadaan sidaasi waxaa tiri Ruun”

Guuritaanka badan waxa uu saameyn ku yeeshay waxbarashada carruurteeda, waxa ay ku qasban tahay in ay ka badasho goobaha waxbarashada madaama 3 ka mid ah carruurteeda ay aadaan School. Ruun waxa ay la daala dhaceysaa dhibaatooyin is biiraday oo ugu weyn tahay faquuqa ay kala kulmeyso qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo deegaan u ah.

Waxa ay Bilan Media u sheegtayin reerkooda ay u naceen xanuunka dartiisa iyadana ay go’aansatay in ay nolosheeda iyo tan caruurteeda maareyso.

Marka laga yimaado in ehelkeeda iyo reerkeeda ay u takoorayaan si la mid ah sida ay isaga fogeynayaan dadka caadiga, waxaa taasi u sii dheer in ay mararka qaar isku dhacaan dadka dariska sabab la xiriirto in caruurteeda lagu ceynayo in ay hooyadood la nooshahay HIV.

Ruun ayaa tiri "marar badan ayay dariska i dacweeyeen xitaa mar ayaa leygu xiray saldhig balse markii danbe waan helay xoriyadeyda, mana aheyn wax aan muddanahay, maadaama aan ahay hooyo la nool xanuun ay dadka neceb yihiin in ay maqlaan.”

Waxa ay hoosta ka xariiqday in maareynta nolosheeda iyo caafimaad keeda ay xoog badan galineyso maadaama ay heli karto daawooyin kaalmati u ah xanuunka ay la nooshahay mudadada 2 sano ah.

Waxa ay ka mid tahay boqolaalka qof ee la nool xanuunka HIV kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka wajahayo bulshada ay ku dhex nool yihiin, maadaama aysan dadka jecleysaneyn cudurka ay la nool yihiin ee HIV- ADDIS-ka



W/Q Kiin Xasan Fakat

Bilan Media



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip