HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA OKTOOBAR 2022-KA

0
Wednesday October 05, 2022 - 08:06:39 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xog: Yaa u kala dabqaaday Xasan Sheekh iyo ABIY?

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay tan iyo dib u doorashadiisii ku tegay magaalada Addis Ababa booqasho hawleed la bada maalmood ah Arbacadii September 28, 2022. Booqashada ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka laba da dal uu soo galay madmado ow. Ajendaha ugu sarreeyay ee wadahadallada ayey warba ahinta Turkiga ku tilmaamtay inuu diirrada ku hayay ganac siga, iyo kaabayaasha dhaqaa laha. Labada dal ayaa wada gaaray heshiisyo kor loogu qaadayo xiriirkooda dhaq aale ka sokow, is kaashigooda arrimaha gobolka, waxaana lagu wad aa inay magacaabi doonaan guddi heer wasiir ah oo dhaqangeliya axdigaas.

Horaantii toddobaadkan ayaa labada dowlad Isku waafaqeen kor u qaadista iskaashiga sirdoonka si si wax ku ool ah ay uga hawlgalaan argaggaxisa da ah cadawga mideeyay. Socdaalku waxuu ka turj umayaa mudnaanta siyaasadeed uu Xasan Sheekh siinayo deris wanaagga.

Labada mas’uul oo ka wadahadley caqabadaha is-dhexgalka iyo fursadaha guud ee ka dhalan kara iskaashi ayaa isku waafaqay, iyadoo la dhowrayo midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida dal walba, in la kobciyo lana xoojiyo xiriirkii dalalka.

Walow, fagaare aan la isku dhaafsanin eedeym aha dal waliba ka tirsanayo midka kale, haddana si xushmad leh ayay madaxdu isku weydaarsadeen wixii ay kala tabanayeen.

Ragaadiddii booqashadii Xasan Sheekh ee Qa ahira ayaa dowladda Itoobbiya ku beertay welwel iyo cabsi ah in uu dalka Masar ka helay Dowladda Fed eraalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeriba.

Taas waxaa dheer, in Madaxweyne Xasan Sh.oo u ololeynayay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka uu geesmaray Itoobiya. Arrinkaas waxuu xo ojiyay mala-awaalkii lahaa xiriirka labada dal waxuu gelini doonaa khalkhal isbeddelka hoggaanka dalka kaddib.

Falcelintii ugu horraysa ee Itoobiya ayaa noqotay dib u dhigiddii safarkii July 2022, uu ku tegi lahaa Xa san Sheekh, iyadoo ku marmarsiinyootay in jadwal ka ra’iisul wasaaruhu uu aad u buuxo. Taas waxaa xi gay ku xadgudubkii arrimaha gudaha Soomaaliya ka dib markii Addis Ababa ay gacansaar toos ah la yeel atay maamul-goboleedyo federal ah, iyadoo aan lag ala tashan Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, xogta ayaa sheegeysa in dalka Turkiga uu suurtag geliyay in Xasan Sh. iyo Ab iy Axmed si fool-ka-fool ah arrimahooda uga wada xaajoodaan si aan fursad loo siin shisheeyaha wax u dhimi kara nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa tagaeero xooggan Abiy Ahmed ka siiya dagaalka Tigray-ga oo uu u adeegsado diyaara daha drone ee Bayraktar, waana ku qasban yahay in uu maqlo Ankara.

Diblomaasiyiinta gobolka qaarkood ayaa rumey san aragti kale oo leh, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka odoyeeyay khilaafka kaddib markii labada madax oo ku wada baryay Nairobi is-bariidin waayeen.

Labada aragti waxaa barbar yaal mid ka wada du wan oo qabta in kacdoonka shucuurta qawmiyadda Amxaaradu uu walbahaar hor leh ku riday taliska Ad dis Ababa. Halka, Villa Somalia ay ka hoyo la’dahay in maamul-goboleedyadii federaalka ay ka wada siib an rabaan faraheeda.

Waxaa xaqiiqa ah in Itoobbiya ay kala daadan do onto haddii reer Galbeedka iyo Masaaridaba u ade egsadaan Xasan Sheekh hangool ay iskaga qabtaan Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki. Halka Xasan Sheekh uusan dalka u heli doonin xisillooni siyaasadeed iyo mid amniba ilaa uu iska soo oodo faragelinta deriska – Itoobiya iyo Kenya.

Xigasho:-Caasimadda. Net

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddi qiimeeya u xil saaray khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Beledwayne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maga caabay Gud diga Gurmadka iyo Qiimey nta Khasaarihii ka dha shay qaraxyadii Dorraad ka dhacay Magaalada Beled weyne.

Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeya an baaxada qasaaraha ee uu geystay.

 

Muxuu Roobow ka yiri kacdoonka dalka ka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab?

Wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka ha dlay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka curtay qeybo kamid ah dalka.

Roobow ayaa sheegay in qof kasta la ga rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga, la isagana dhicin lahaa cid kasta oo diidan.

"Waxaa waajib ah inaan ka shaqe yno amniga, haddii intiina aad u istaagtaan inaad am maanka ka shaqeysaan waa lagu guuleysanayaa, waa inaan ka shaqeyno sidii ay isaga celin laheyn cid kasta oo dhi baato ku ah amnigeena,” ayuu yiri Mukhtaar Roob ow.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray "Nabi Ibraahim mar kii uu ummadiisa u duceynayey wixii ugu horreeyey ee uu Allah u waydiiyey waxay aheyd amni kadib ay uu irsaaq u waydiiyey, haddii aan ammaan la heysan arsaaqda waxay tahay ma lahan, waa la is booba yaa waa la is dhacayaa.”

Mar uu ka hadlayey kacdoonka dalka ka bilowd ay ayuu yiri "Waad ogtihiin hadda waddanka wuxuu galay inay iska dhiciyaan dadkaan balaayada noqd ay waa Al-Shabaab iyo wixii lamid ah, waa ogtihiin hadda gobolada oo dhan waxaa ka bilowday howlga lo la isaga dhicinayo.”

Roobow ayaa xusay in markii ay dowladda Soo maaliya go’aansatay in iska celiyo Al-Shabaab la ar kay haween badan oo cunno iyo biyo la daba taagan ciidanka, taasi oo uu ku tilmaamay door fiican.

"Al-Shabaab waa kuwa dadka shacabka ah ee aan waxba Dorraadsan ka duminayo ceelasha oo ka gubayo guryaha, gabdhahana waxay ballan qaadeyn inay qeyb ka noqonayaan markii ay dowladda go’a an ku gaartay in la iska dhiciyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Roobow. Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu hadalkiisa imaanayaa xilli uu dalka ka socdo kacdoonka looga soo horjeedo ko oxda Al-Shabaab oo socdo gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Sanbaloolshe oo shaaciyey in aysan sii wadi kar in dagaalka Al-Shabaab ee Hiiraan + sababta

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalo olshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacab ka, isla-markaana kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.

Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaa day in aysan sii wadi karin dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay dara meeyamaan culeyska in lagu fiir sad ay dagaalka ay ku jiraan.

Xidlhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray qab aa’ilada kale, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaataan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, si horey loogu sii wado.

”Walaalayaalow qolo gooni ah ayuu culeyska he ystaa dagaalka kaligeena masii wadi karno mana ka bixi karno hadii aysan beelaha kale nagala qeyb qaa dan” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii uu sii socdo kacdoonka in laga adkaan karo Shabaab, maadaa ma haatan laga qabsaday deegaano dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in male eshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisle yda ay u baahan yihiin hub iyo inay garab ka hela an dowladda dhexe.

Hiiraan ayaa noqotay xudunta kacdoonka ka bill owday Al-Shabaab, waxaana gobolka laga dareem ayaa culeys amni, kadib qaraxyadii gilgilay magaal ada Beledweyne ee gobolkaasi.

Dowladda oo amaro culus la xiriira Al-Shabaab dul dhigtay shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumad da Soomaaliya, Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa waxa uu Dorraad kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA.

Wasiirka oo fulinaya doorka wasaaradda ee la-dagaalanka Al-Shabaab ayaa waxa uu shirkadaha diyaaradaha ku amray joojinta nooc kasta oo mac aamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in arrintani ay tahay go’aan dowladeed, islamarkaana ciddii fulin wayda ee ka hortimaada amarkaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

"Marnaba lama aqbali doono in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu noqdo mid lagu xasuuqo sha cabkeena Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Gana csiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya.

Ganacsatada ku bahoobay daladda duulimaadyada ee SATA ayaa dhankooda sheegay inay u hogaansa mayaan awaamiirta kasoo baxday dowladda feder aalka, taasi oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Shirkaan ayaa waxa Wasiirka ku wehlinayay wa siir ku-xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicaziz Ibraahim Aadan.

Si kastaba, shirkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee ah in ganacsatada ay joojiso lacagaha ay siiyaan argagixisada Al-Shabaab, kaasi oo ujeed koodu yahay siddii xididada loogu siibi lahaa dariiq

kasta oo ay lacago ku hesho Al-Shabaab.

Xigasho:c-aasimadda.net


Wasiir Fiqi Oo Shaqo Joojin Ku Sameey ay Maar eeye Mukhtaar Xuseen Kadib Eed Culus Oo Loo Jeediyay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Mcaallin Fiqi ayaa si kumeelgaar ah shaqada uga joojiyey Maa reeyihii Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dad weynaha Soomaaliyeed (National Identification) Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qoor aansey).

Qoraalka shaqo ka joojinta maar eeyhii Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey) ayaa lagu faafiyey boga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta, warka ayaa u qoran sidan:-

Ku: Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliy eed.

Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Sooma aliyeed

Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gud aha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Gudd aha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta

Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ujeeddo: Shaqo ka joojin

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;

Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sha rciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadw eynaha Soomaaliyeed.

Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay ’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,

Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.

Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangal inta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah haw laha hortabinta u leh XFS.

Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta ku la jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’ adda.

Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo ma shruuca Aqoonsiga Dadweynaha.

Wuxuu xeeriyay:

Qodobka 1aad:

Laga bilaabo Dorraad oo ay Taariikhdu tahay 04 /10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah lo ogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiw aangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliye ed Md.: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraa nsey).

Qodobka 2aad:

Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Fulin Wacan

Md: Axmed Macallim Fiqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS

Cosoble oo hal arrin u soo jeediyey XASAN SHEEKH kadib qaraxyadii Beledweyn

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Md. Cali Cabdullaahi Cosoble oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka kadib qaraxyadii Axadii Dorraad ka dhacay gudaha magaalada Beledweyn.

Cali Cosoble ayaa soo hadal qaa day dagaalka adag ee lagula jiro koo xda Al-Shabaab, gaar ahaan kacdoonka shacab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bart amaha dalka. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ay aa soo jeediyey hal arrin oo uu tilmaamay in looga mira dhalin karo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, taas oo ah in dalka geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho kooxdaasi.

"Dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab wuxuu mira dhalayaa oo keliya marka uu Madaxwe ynaha geliyo dalka xaalad deg-deg ah,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in howlgallada ka socdo HirShabelle ay guuleysan do onaan, isla-markaana kooxda Al-Shabaab laga saari doono maamulkaasi.

"Saadaasha waa in Hirshabeelle laga sifeyn doo no argagixisada,” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hir Shabelle.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo ayadoo weli xaal ad murugsan ay ka taagan tahay magaalada Beled weyne, kadib qaraxyo ismiidaamin ahaa oo ay koo xda Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Ciidamadda Dowladda Iyo Dadka Deeg aanka Oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Yasooman.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidama dda dowaldda oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macwuusleyda ay Dorraad la wareegeen gacan ku heynta deegano ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cism aan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cii damada Dowladda Federalka & Dadka deegaanka ay Dorraad dib u qabsad een deegaanka Yasoom an, waxa uu sheegay in aysan dib uga bixi doonin Deegaankaan.

Yasooman oo hoostagta degmada Buula-barde oo dhacda bariga gobolka Hiiraan ayaa bilowgii todo baadkan waxaa isaga baxay ciidamadda isbaheys naayay, iyadoo kabixitaankaas uu salka ku hayay ci da maamuleysa deegaanka, maadaama ciidamada dowladda ay deegaano kale uga sii gudbayaan.

Si kastana, Qabashada deegaanka Yasooman ayaa kusoo aadeysa xili Dorraad qaraxyo Ismiidaamin ahaa ay ka dhaceen magaalada Beledweyn, kuwaa soo dhaliyay dhimashada dad ka badan 10 ruux iyo dhaawaca sodomeeyo kale, iyadoo wali meydad hor leh laga soo saarayo dhismayaashii qaraxyada ay bur buriyeen.

Haweenka Xamar oo soo bandhigay kaalintooda DAGAALKA Al-Shabaab

Haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Muqd isho ayaa bilaabay inay garab istaagaan ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, gud doomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sac diyo Yaasiin, wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar ka mid ah haweenka Muqdi sho ayaa bilaabay diyaar inta cunto fudud oo ciidan ka loogu tala galay.

Haweenka ayaa xirtay dhar gaar ah waxayna ku dhawaaqeen inay u socda an jiida hore ee dagaalka, iyagoo diyaariyey cuntoo yin fudud oo maalmaha soo socda loo daabulayo jiid aha hore ee dagaallada ka socda gobollada dalka.

Marwo Sahro Cumar Xasan oo warbaahinta la had ashay ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay furinta dagaalka tagaan, "Haweenka Soomaaliyeed garab istaaga waa lagu yaqaan gadaalna ma maraan maal maha dagaalka, furintaan tegeynaa, cid aan ka cab saneynana malahan,” ayey tiri Marwada Madaxwey naha Soomaaliya.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay diyaariyeen agab badan oo sahay looga dhi gayo ciidanka qaranka, inta ay dagaalka ku jiraan, "Wax walba ayaan diyaarinay goobo badan ayey ka socotaa howshu, inta halgankaan socdana ma jiifa doono,” ayey tiri, Khadiija Diiriye.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa she egtay in Dorraad ay soo xirteen dharkii ciidanka xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, "Dharkaan xarago uma aanaa xiran, waa kii ay xirnaayeen raga mac awiisleyda ah ee is xilqaamay, ciidanka in maryaho odii aan la gashanay waxaan ku muujineynaa sida aan u garab taaganahay,” ayey tiri Guddoomiye Sac diyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Xafii skiisa Ku Qaabilay Wakiilka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa Dorraad oo Talaado ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasa aradda, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ahna Madaxa Ergada Ururka ee Soom aaliya, Mudane Salah Ahmed Al-Salah Elguneid, wa xa uu kala hadlay xoojinta iskaashiga heerarkiisa ka la duwan iyo fulinta heeshiisyadii horey uga dhexe eyey Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa ergayga uga war bixiyey howlgallada lagu xaqiijin ayo amniga iyo xasiloonida ee ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, iyo ololaha gur madka loogu gargaarayo dadka ay abaaruhu saam eeyeen.

NISA iyo booliska oo dusha loo saaray mas’uuli yadda qaraxyadii Beledweyne

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Cabdi Da ahir Guure (Karoore) ayaa ka hadlay qaraxyadii Dorraad gilgilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu beegsaday xerada Lama-Galaay.

Wasiirka ayaa sheegay in dayac dhanka amniga ah uu sabab u ahaa in la qarxiyo xaruntii gobolka, maadama gawaarida soo gala magaalada ay leeyih iin dhowr barkantarool oo baara, sida uu sheegay.

"Waxa Beledweyne ka dhacay amniga ayaa sab ab u ahaa, Saraakiisha amniga Beledweyne dayac ka yimid ayey dadka ku dhinteen Dorraad qaasatan Booliska iyo Nabadsugidda. Qaraxa waxa uu kasoo galay Buundooyinka oo uu kasoo gudbay, xarunta gobolka la qarxiyay,” ayuu yiri.

"Baabuur ayaa siduu u soo socday qarxiyay guriga Gobolka, mid kale ayaa qa rxiyay bacadlihii, haddana mid kale ayaa qarxiyay iri dii waardiyaha. Jekpoint-yo ayey soo mareen waa mas’uuliyad darro amniga sabab u yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka Al-Sha baab ay ka leeyihiin qaraxyada ku gumaadayaan da dka uu yahay si hoos uga dhaco dagaalka ka dhan ka ah ee uga socda duurka, sida uu hadalka u dhigay.

"Magaalada Jowhar baabuur uusan damiinan Nin Nabadoon ah ama Ganacsade ma soo galo, in magaalada uu baabuur iska soo galo amni darada ayey qeyb ka tahay. Waa in la baaro baabuurta si amniga uu damaanad u helo.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday shacab ka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaa na loo midoobi sidii loo sii xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu sheegay in gabalkoo da sii dhacayo.

Wasiirka ganacsiga oo shirkadaha duu llimaad yada ku amray inay joojiyaan la macaamilka Al-Shabaab

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xil dhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo ful inaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeegga duulima adyada ee ku bahaysan dalladda SATA oo uu ku am ray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shaba ab,

Wasiirka ayaa u sheegay ma s’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, ganacatada ku bahoobay daladda Ade egyada Duulimaadyada ee SATA oo iyagu na halk aas ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay u hog gansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dawladda.

Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Max amed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Was aaradda Mudane Cabdicaziz Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo bax ay dhinaca Wasaaraddu in aanay ahayn kuwo ka no qosho leh isla-mar-ahaantaana uu ujeedkoodu yah ay siddii xididada looggu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay safiirka Sudan ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo isk aashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse ayaa xarun ta wasaaradda arrimada dibadda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka Sudan ee Soomaaliya Khalafallah Mustafa Baabikir.

Labada mas’suul ayaa kul ankooda diirada ku saaray xooj inta xariirka iskaashi ee soo jir eenka ah ee labada dal iyo si dii la isaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada, dhaqaalaha iyo amniga guud ee Gobolka."Waxaan Dorraad kullan kula yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Safiirka Suudaan u qaabilsan Soomaaliya Danjire Khalafallah Mustafa Baabikir. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada, dhaqaalaha iyo am niga guud ee Gobolka” ayuu yiri mudane Abshir Cu mar wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Degaanno Hor Leh

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Dorraad la wareegay deegaanka Quracle oo qiyaastii 10-km u jira degmada Rabdhuure ee gobolka Bak ool, halkaasi oo markii hore dagaalamaayasha Al-Shab aab gacanta ugu hayeen.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay cag ta mariyen xaruuma ay ku sugnaayeen Al-Shbaab oo ay ku lahaayeen fariisimop waa weyn waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ciidamadda dowladda oo gar ab ka helaya dad ka deeg gaa nka ayaa wadda dagaalka ka dhan ah Al-Shbaab, waxaa na ay sheegeen in saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen degaanno dho wr ah oo ka tirsan Gobo lkaasi Bakool. Sidoo kale wali Gobolka Hiiraan wax aa ka dhac ay dagaallo Culus oo u dhe xeeya Ciidan ka Dowlad da iyo Al-Shabaab, waxaana dagaaladii u gu dambee yay Guulo ka sheegtay D/ Somaliya

QM oo cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guter res, High Commissioner for Refugees of UNHCR, att ends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wa xaa uu camba areeyay weerarradii qaraxyada ah aa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay geysteen Al-Shab aab, isla markaana sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan D/G/hir-Shabe elle.

Wuxuu tacsi u dirayaa qoysas ka/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowla dda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.

Xoghayaha Guud wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay Q/Midoobay uga go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si dadka iyo Dowladda Soomaaliya loogu taageeraan waddada ay u marayaan Soomaaliya oo nabad ah.

Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay qar axyadii Ismiidaaminta ahaa ee Dorraad ka dhacay Baledweyne

Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaar eysay weeraradii qaraxyada ahaa ee Dorraad ka dha cay magaalada Bal ed weyne ee xarunta go bolka Hiiraan ee geys tay khasaaraha is ugu ji ray dhimash ada, dhaa waca iyo bu rbur hantiy adeed oo baax ad weyn.

War qoraal ah oo la soo dhig ay bogga Twit ter-ka ee Safaaradda Mareykanka ku leedahay Soo maal iya ayaa tacsi loogu diray ehelada dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxy adii Ismi idaaminta ahaa ee Baledweyne ka geys teen Al-shabaab.

"Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarra da Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxa an tacsi u direynaa dadka laga dhintay, Waxaan dad ka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabada iyo mustaqbal fiican " ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Safaaradda Mar eykanka ee Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa imaanaya, iyadoo sadaxdii qarax ee Ismiidaam inta ahaa ee Dorraad ka dhacay Baledweyne ay ku ge eriyoodeen ugu yaraan 20 qof oo isugu jiray masuu liyiin iyo dad shacab aha, halka dhaawacyadana in taasi ka badan yihiin.

Ciidamada Liyuu Booliska dowlad dega anka Soomaalida oo fadhiisino kala wareegay kooxda Al Shabaab

Wararka ka imaanaya de gaanka Soomaalida ay aa sheegaya in Ciidamada Liyuu Booliska ee deg aanka Soo maalidu gaar ahaan kuwa ka howlgala xu duudda deg aanku la leeyahay Soomaaliya ay fadhi isino kala wa reegeen kooxda Al Shabaab, fadhiisima haas oo ku yaallay degaanka Yeed ee dhinaca Soo maaliya.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinta ay leeyih iin Cii damada Liyuu Booliska ayaa sidoo kale waxaa lagu shee gay in Ciidanka Liyuu Boolisku ay khasaa re laxaad leh u gaysteen kooxda Al Shabaab, inkas too aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijin kara warkaas. Xukuumadda dowlad degaanka Soomaal ida ay aa horey waxay u sheegtay in Ciidanka Liyuu Bool isku ay samaynayaan aag ka caagan Al Shaba ab, si aysan kooxda Al Shabaab usoo hawaysan inay soo galaan dowlad degaanka Soomaalida. Sara akiil u hadlay Ciidanka Liyuu Booliska ayaa she egay inay sii wadayaan howlgallada lagula jiro Al Shab aab, ilaa kooxda Al Shabaab laga sifaynayo aagga xuduudda.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Al Shabaab iskudayday inay degaanka Soomaalida soo gasho, xilligaa oo iyada iyo Ciidanka Liyuu Boolisku ay ku dagaallameen degaannada dhaca xuduudda Itoobi ya iyo Soomliya. Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa jirtay in Xukuumadda degaanka Soomaalidu ay hee ggan buuxda galisay ciidamadeeda ku sugan xudu udda degaanka Soomaalidu la wadaago Soomaaliya si loo sugo amniga degaanka.

Al Shabaab ayaan iyadu wali ka hadlin warkan Dorraad kasoo baxay dhinaca Ciidanka Liyuu Boo liska ee ah in degaanno ay maamuleen Al Shabaab la wareegeen Liyuu Boolisku.

Maraykanka oo ka hadlay duqayn lagu dilay sarkaal sare oo katirsan Alshabaab

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga be egan Muqdisho.

Qiimeynta bilowga ah ee taliska Maraykanka ay aa ah in duqeynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaaw acmay ama ku dhintay.

Dowladda Maraykanka ma sheegin magaca sarkaal ka la gu dilay duqaynta, balse wax ay sheegtay inay macluum aad dheeri ah soo saaridoo nto. Ba lse, dowladda federalka Soo maaliya ayaa horey u sheegt ay in duqayntan lagu dilay madaxii dacwada Alshab aab Cabdullaahi Nadiir.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sheegay inuu sii wad ayo tillaabooyinka looga hortagayo Alshabaab oo qorsheynaya weraro ka dhanka ah dadka rayidkaah.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaaliya si ay u wiiq aan al-Shabaab.

29 qof oo ku dhintay Dorraad markii uu dagaal ku dhex maray maxaabiis ku xiran xabsi ku yaalla dalka Ecuador.

Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa ku dhintay, kow iyo labaatan kalana way dhaawacmeen Isniin tii,markii uu dagaal ku dhex maray maxaabiis ku xir an xabsi ku yaalla dalka Ecu ador.

Tani ayaa ah dhacdo kale oo uu dagaal ku dhex mar ey xa bsi ku yaalla dalkan dha ca qe ybta Koonfurta ee qaar adda Ameerika.

Waxay taasi mar kale muuji yey doodda ku saab san xaka mayn la’aanta nida amka iyo maamulista xabsiyada dalkani. Sida uu xafiiska xeer ilaaliyaha ku xaqiijiyay Twi tter-ka, dhimashadaayaa waxay ka dhacday xarunta Xoriyadda ee xabsiga Cotopaxi, oo u dhow magaal ada Latacunga, oo qiyaastii 80 kiilo omitir u jirta ee magaalada caasimadda ee Quito.

Xabsigan ayaa waxaa ku jira ilaa 4,300 oo max bu us, waana mid kamid ah kuwa ugu weyn dalkani.

Dhacdadan ayaa bilaabmay Isniintii, kadib maxa ab iista xabsiga oo ka qayb qaadanayey tirokoob ay hay’addu samaysay, oo lagu ururinayey xogta max aabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Sidaasi ayaa waxaa sheegay aggaasime ku xig een ka hay’adda daryeelka guud ee qaranka (SNAI) ee dadka maxbuuska ah, Jorge Flores, hadal uu sax

aafadda u gudbiyey.

Antonio Guterresoo wadamada horu maray ugu baaqday inay bixiyaan laca gihii ugu yabooheen wax ka qabashada cimilada

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Anto nio Guterres ayaa Isniintii ka codsaday dalalka hor umaray inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan $100 bilyan oo dollar, si ay u taag eeraan hawlaha la xidhiidha wax ka qabashada isbe delka cimilada ee dalalka soo koraya, ka hor shir weynaha dib u eegista cimilada ee bisha November ka dhacaya dalka Masar.

Wasiirada, khubarada cimila da iyo wakiillada bulshada rayid ka ah ayaa toddobaadkan ku shiraya caasimad da dalka Congo ee Kinshasa, si ay u diyaariyaan ajan daha shirka bisha November ee loo yaqaano CO P27, kaas oo ka dhici doona xeebta badda cas ee Sharma el-Sheikh. Shirkaas ayaa la filayaa inuu so cdo inta u dhexeysa 6-da bisha illaa 18-ka bisha November.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalalka horumaray ee ku bahoobay ururka G20 inay yihiin ku wa caalamka ku sii daaya qiiqa ugu badan, taas oo qiyaas ahaan noqonaysa 80% qiiqa dunida ee haw ada lagu sii daayo. Iyada oo ay taasi jirto, ayay hadd ana ka gaabiyeen inay fuliyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay bixiyaan illaa $100 bilyan oo wax lagaga qabto isbedelka cimilada.

Shirkii cimilada ee ka dhacay Paris sannadkii 20 15 ayaa lagu sheegay, in marka la eego ballan-qaad yada iyo siyaasadaha haatan jira, inay soo xidhay aan albaabkii la doonayey in lagu xakameeyo heer kulka dunida, hase ahaatee Qaramada Midoobay ayaa ka digaysaa in ku guul-daraysiga yoolalkaasi in uu horseedi doono masiibo dhinaca cimilada add uunka ah.

Dowladda Uganda ooiska fogeysay qo raallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wiilka madaxwe ynaha Dalkaasi oo ahaa duulaan dalka Kenya lagu qaado,

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraalla da uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madax we ynaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ug anda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yee layso hadal kas oo baxay Lt Gen Muhoozi Kaine rugaba, kaasoo ah wiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duul aan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bar tiisa twitter-ka.

"Waxaan aad u qadarineynaa xiriirka adag ee labada dal” ee aan la leenahay "wadanka dariska ee aan walaalaha nahay” ee Kenya, ayaa lagu sheegt ay qoraal Dorraad oo Talaado ah kasoo baxay wasaa radda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda, iya doo maamulka dowladda uu quud dareynayo in wax walba ay sidoodii hore ahaadaan.

Wasaaradda ayaa ca deysay inaanay ku raac san eyn hadalada kaf tanka macna-darrada ah, ee uu soo saarey curadka madaxweyne Yoweri Museveni, Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, in kasta oo dadka qaar ay sheegeen in loo diyaarinayo inuu beddelo aa bbihii, oo 78 jirka ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee qoraaladiisa twitter-ka uu soo dhigo Muhoozi ay keenaan xiisad, laakiin kii ​​ugu dambeeyay ayaa wuxuu ahaa mid aad wax u kala fogeynaya.

Muhoozi ayaa wuxuu kaloo sheegay in ciidamadi isa ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya ee mag aalada Nairobi ,muddo laba toddobaad gudahood ah. Wuxuu intaa ku darey in uu "wada hadal gooni ah” la yeeshay aabihiis oo "ku dhawaaqi doono isbe ddello balaaran. Dhaqankiisa, waa Muhooziye, ay aa waxaa hub aal ah inuu dad badan oo isticmaala Internet-ka, uu u noqon doono maaweelo.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo dacwad ka gudbiyay telefishinka CNN

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa dacwad ka gudbiyay telefishinka CNN, isagoo ku eedeeyay inay wax u dhintay sumca ddiisa, oo ay la barbardhigtay Adolf Hitler.

Trump ayaa codsaday magdhow gaaraya 475 Mi lyan oo doollar.

Dacwadda loo gudbiyay ma xkamad ku taalla Florida, ayaa lagu sheegay inay jirto walaac ah in Donald Trump uu mar kale, sanadka 2024-ka u tart ampo doorashada madaxtino mo ee Mareykanka, taas awgeedna la doonayo in la gu dilo sumcaddiisa.

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal loogga shakisan yahay ku gantay hawada Japan

Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaal loogga shakis an yahay ku gantay hawada Japan, taasoo u muuq ata mid si ula kac ah loo riday, si loo jiheeyo daree nka maamulada Tokyo iyo Washington.

Gantaalka Ballistic-ga, ayaa waxa uu ku socday ilaa iyo 4,500km (2,800 mayl), kahor inta aanu ku dhicin Badweynta Baasifigga, waxa uu gaari karayaa haddii mar kale la rido jasiiradda Guam ee Maraykanka.

Waa gantaalkii ugu horeeyay ee Kuuriyada Waq ooyi ay ku tuurto Japan, tan iyo sanadkii 2017-kii.

Riditaanka gantaalka, ayaa kusoo beegmay xili dowlada Japan ay soo saartay digniin naadir ah, oo ku socota muwaadiniinta, si ay u feejignaadaan.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Kuuriy ada Waqooyi inay tijaabiso hubka ballistic-ga iyo hubka nukliyeerka.

Ridista gantaalada ee ku wajahan ama gaaraya wadamada kale, iyada oo aan wax wargelin ah loo gudbinin, ama lagala tashan, waxay sidoo kale ka hor imanaysaa xeerarka caalamiga ah.

Waddamada badankoodu waxay ka fogaadaan inay si buuxda u sameeyaan, maadaama si fudud looggu qaadan karo weerar.

Inkastoo aysan u weynayn sida tijaabada nukliye erka ridistan gantaalkan u danbeeyey, laakiin wax aan la ogeyn tallaabada xigta, iyadoo loo qaadan karo mid wax kicinaysa ama dagaal.

Qareenada MBS ka difaacaya Maxkam adda Mar eykanka oo dood cajiib ah la yimid

Qareenada dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo dacwado ku wajahaya Mareykanka sababo la xiriira dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji, ayaa Isniintii maxkamadda u sheegay in xilka ra’iisul wasaare ee loo magacaabay toddobaadkii tegay uu siinayo xasaanad.

Khaashuqji, oo ahaa suxufi u dhashay dalka Sacuu diga oo deganaa Mareykanka, ayaa waxaa qunsuli yadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhexdilay kadibna meydkiisa jarjaray saraakiil Sacuudiyaan, ayada oo sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in dilka uu amray Maxamed bin Salmaan.

Amiirka waa uu beeniyey inuu amray dilka Khaa shuqji, hase yeeshee waxa uu qiray inuu ku dhacay mas’uuliyaddiisa.

Toddobaadkii tegay, aabihiis Boqor Salmaan ay aa u magacaabay ra’iisul wasaaraha Sacuudiga, ta asi oo sarkaal Sacuudiyaan ah uu ku macneeyey in rasmi laga dhigay howlihii uu markii horeba qaban ayey.

"Dikreetada Boqortooyada shaki kuma jiro inay Amiirka Dhaxal-sugaha ah siineyso xasaanad ku sal eysan maqaam,” waxaa sidaas yiri qareenada amiir ka oo maxakamadda federaalka Mareykanka ee deg mada Washington u gudbiyey codsi ay ku dalba nayaan in kiiska lagu gacan sayro, ayaga oo tusaale u soo qaadanaya kiisas kale oo Mareykanka uu ku aqoonsaday xasaanadda madaxda dalalka shishe eye.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo am iirka kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu booqday bishii July si uu ula yeesho wadahadallo amni iyo kuwa dhanka tamarta ah, ayaa Amiir Maxamed u sheegay inuu rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa dilka Khaashuqji.

Biden waxa uu sheegay in Maxamed bin Salma an uu beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa isaga oo xaqiijiyey in kuwii ku lugta lahaa lala xisaabtamay.

Khaashuqji oo siyaasadaha amiirka ku cambaareyn jiray maqaallo uu ku qoray Washington Post, ayaa qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul u tegay inuu ka soo qaato warqado uu ugu baahnaa inuu guursado Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah.

Kiiska dacwadda ee yaalla Washington ayaa wa xaa diiwaan-geliyey Cengiz iyo koox xuquuqda aad anaha u doodda oo uu aas-aasay Khaashuqji, wax ayna dalbanayaan magdhow aan la shaacin oo ka dhan ah ah amiirka.

Waxaa sidoo kale kiiska dacwadda ku jira 20 qof oo kale oo Sacuudiyaan ah oo la eedeysan Maxam ed Bin Salmaan.

Dacwadda ayaa Maxamed bin Salmaan iyo ku wa la eedeysan ku eedeyneysa inay fuliyeen shirq oolka "si ay si joogto ah ugu aamusiyaan Khaashu qji” kadib markii ay ka war heleen inuu qorsheeyey in kooxda uu aas-aasay u adeegsado "madal uu ugu ololeeyo isbeddel dimoqraadi ah iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha.”

Maxkamadda ayaa weydiisatay Waaxda Cadda aladda Mareykanka inay muujiso aragtideeda ku aaddan haddii Maxamed Bin Salmaan uu haysto xas aanad, ayadoo u qabatay inay jawaabta kusoo gud biso kama dambeys 3-da October oo Dorraad ku beeg neyd.

Hase yeeshee kadib markii Maxamed bin Salma an ra’iisul wasaare loo magacaabay toddobaadkii te gay, ayaa Waaxda Caddaaladda waxay Jimcihii she egtay inay dooneyso 45 maalmood oo dheeri ah oo ay jawaabta kusoo gudbiso "sababo la xiriira isbedde llada dhacay.”

Isnintii, garsooraha Maxkamadda John D. Bates ayaa ogolaaday codsiga muddo kordhinta, balse wu xuu sheegay in tani ay tahay muddo kordhinta kaliya ee uu ogolaanayo sababo la xiriiro caddeymo xoog gan oo aan jirin.

Dowladda Mareykanka waa inay kusoo gudbisaa jawaabteeda kama dambeys 17-ka November ayuu Bates ku yiri go’aanka maxkamadeed.

REUTERS, VOA

Iiraan oo Mareykanka iyo Israel ku eede ysay Dibad baxyada ka dhacay dalkaasi

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Isra a’iil in ay hurinayaa dibadbaxyada dalkaasi ka dhacayay in ka badan laba toddobaad.

Khamenei ayaa mudaa haraadyada dawlad da loo ga soo horjeedo ku tilmaa may rabshado la damac san in lagu burburiyo horr umarka Iiraan.

"Waxaan si cad u sheegayaa in rabshadahan iyo amni-darradan ay ahaayeen naqshad ay sameeyeen Maraykanka iyo guumaysiga, maamulka Sahyuuniy adda beenta ah [Israa’iil] iyo kuwa ay mushahar siiyaan, iyo qaar Iiraaniyiin ah oo khaa’inul waddan ah oo dibadda jooga ayaa caawiyay,” Khamenei ay aa ka sheegay Xafladda Arday ka qalin jabineysay Jaamacadda Tehran.

Dibabad baxyada ayaa billaawday, ka dib markii haw eeney 22 jir ah oo Kurdish ah, Mahsa Amini, ay ku dhimatay bishii hore gacanta booliska Iran


 

Qaramada Midoobayoo ka digtay cudurro si xawli ah ugu fidaya Pakistan oo ka dhashay fatahaadihii ku dhuftay

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halis ku soo fool leh dalka Pakistan ee ay daadadku halakeeye en, iyaga oo sheegay in dalkaasi uu haatan gelayo wejigii labaad ee saamaynta ka dhalatay fatahaada ha, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya xanuunada faafa ee ka dhashay fatahaadaha oo lagu arkay dalkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin, kan eecada ama duumada, shubanka, cudurada maq aarka ku dhaca, iwm.

Julien Harneis oo ah isuduw aha arrimaha gargaarka bini’a adanimo ee Qaramada Mido obay ee dalka Pakistan ayaa sheegay in wejigii hore ee ma siibada ka dhalatay daadadku inay sababtay burbur xooggan oo soo gaadhay waddooyinka, buundooy inka, guryaha iyo kaabayaasha kale ee dalka.

Isagoo sheegay in arrintaasi ay markhaati u tahay, cawaaqib xumahada ka dhalan karta, marka loo dhug yeelan waayo arrimaha deegaanka iyo isbed elka cimilada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay illaa 1,700 oo qof ay naftooda ku waayeen, daadadkii ku fatahay dalka Pakistan, iyada oo dadka dhintay ay saddex meelood, meel ka mida ay caruur ahaayeen. Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala du wan ay soo gaadheen illaa 12,800 oo qof.

Daadadkan iyo fatahaadaha ka dhashay ayaa sa ameeyey illaa 33 milyan oo qofk, halka ay barakiciy een illaa 7.9 milyan oo qof. Harneis ayaa sheegay in cabsida laga qabo fiditaanka cudurada faafa ee goo baha ay fatahaaduhu ka dhaceen inay horseedi do onto dhimasho badan oo kale, gaar ahaan caruurta, kuwaas oo malaayiin ka mid ahi, ay haatanba la ilda ran yihiin nafaqo darro baahsan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carr uurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 3.4 milyan oo carruur ah ay u baahan yihiin taageero naf-badbaadin ah oo degdeg ah.

Dowladda Mareykanka oo dhageysan ayso eedo loo haysto Google, Twitter iyo Facebook

Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacw adood oo ka dhan ah shirk adaha waaweyn ee iska leh baraha isgaadhsiinta bulsha da, taas oo lagu eedaynayo shirkadahaasi inay qayb ku lahaayeen masuuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan.Ehelada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faran siiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Goo gle, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjire eyaan isla markaana dad cusub u qortaan.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay dacwaddan dhegaysan doonto, inta lagu guda jiro, kal-fadhigood an oo bilaabmay Isniintii, waxaana la filayaa inay ka go’aan gaadhaan inta ka horraysa dhammaadka bi sha June ee soo socota. Maxkamaddu ma aysan sheegin, xilli gaar ah oo ay dhegaysan doonto dac waddan, hase ahaatee waxaa la ogsoon yahay in jadwalka maxkamaddu uu buuxo bilaha October iyo November.

Mid ka mida kiisaska ay maxkamadda sare dhe gaysan doonto ayaa ah, Nohemi Gonzalez oo ah 23 jir u dhashay dalka Maraykanka oo wax ka baranay ey magaalada Paris. Ardayga ayaa ka mid ahaa illaa 130 qof oo ay weerar ku dileen kooxda ISIS, bishii November ee sannadkii 2015.

Ehelada Gonzalez ayaa dacweeyey shirkadda Google oo iska leh Youtube, iyaga oo sheegay inay ka caawisay kooxda ISIS inay soo bandhigaan boq ollaal muuqaal ah oo gacan ka geystay hurinta rab shadaha iyo weliba inay qortaan taageerayaal cus ub. Ehelada Gonzalez ayaa sheegtay in algorithms-ka computer-ada ee shirkaddu inay ka qayb qaateen faafinta muuqaallada kooxdaas, iyaga oo daawad ayaasha gaadhsiinayey.

Hase ahaatee garsoore hore ayaa kiiskan Mee sha ka saaray, waxaase dacwadooda ayiday garsoo re ka tirsan maxkamadda racfaanka ee heer federa al, arrintaas ayaa keentay in la isula yimaddo maxk amadda sare si ay go’aan kama dambays ah uga gaadho. Sida uu dhigayo sharci u yaalla dalka Mar aykanka, gaar ahaan Qaybta 230 ee xeerka hufnaan ta isgaadhsiinta, shirkadaha iska leh baraha bul shada ayaa laga dhaafay in loo qabsado arrimaha ay soo bandhigaan dadka isticmaalaya.

Kiiska kale waxaa qayb ka ah muwaadin u dha shay dalka Jordan oo lagu magcaabo Nawras Alas saf, kaas oo ku dhintay sannadkii 2017 weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul, ka dib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda ISIS. Goobtaas waxaa ku dhintay illaa 39 qof.

Qoyska Nawras ayaa dacwad ku soo oogay shirkadaha Twitter, Google iyo Facebook iyaga oo ku eedaynaya inay taageereen falalka argagixisanim ada, ka dib markii ay ka caawiyeen kooxda ISIS inay si weyn u kobocdo, ayna u adeegsato baraha bul shada inay gaadho meelo fogfog. VOA + AP

13 Gabdhood Muddo Bil Ah Afduub Loo Haystay Oo Lasoo Badbaadiyay

Saddex iyo toban gabdhood oo dhalinyaro ah, oo dad aan la garaneyn ay ku afduubteen dalka Zam bia,ayaa lasoo badbaadiyay bilo kadib markii la waayay.

Haweenkan oo da’doodu u dhax ayso 17 ilaa 28 jir, ayaa waxa ku jirta haweeney nin ka shaqaysay telefoonnada gacanta.

Haweeneydan ayaa noqotey bud dhiga dadka la afduubay, kadib markii la baahiyey muuqaal ay ku jirto iyada, oo bir la gu garaacayo, taasoo codsanaysa in loo naxariisto lix bilood ka hor.

Afduubayaasha ayaa dalbanayay lacag madax furasho ah. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan dadka la afduubtay, iyadoo aaney waxba ka soo bixin.

Balse isniintii, mid kamid ah dadka la afduubay, ayaa ku guuleystey inuu miisaamo darbiga guriga la gu haystey ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Lusaka, gaar ahaan xaafadda Chalala.

Dabadeed waxay digniin u dirtay dadkii deriska ahaa, si ay u badbaadiyaan inta kale ee dumarka ah.

Robby Chitambo, oo ahaa kii ugu horreeyay ee ka ja waaba dalabka dadka la afduubtay, ayaa asxaabtiisa abaabulay si ay u soo galaan guriga, isagoo ka she ekeeyay tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu arkay.

Baarlamaanka Ruushka oo Kremlin-ka u xalaale eyay 4-tii gobol ee Ruushku ka goostay Ukraine

Baarlamaanka Ruushka ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in afarta gobolka ee dalka Ukraine ka tirsan ay si rasmi ah uga mid noqdaan dhulwey naha Ruushka.

Moscow ayaa sheegtay in dadka degan Gobolada Zaporiz hzhia, Kherson, Donetsk iyo Lu hansk ay doorteen inay ka mid noqdaan dalka Ruushka, ka dib aftidii bishii Septem ber. Vyacheslav Volodin, Afhayeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ruushka ayaa gelinkii dambe ee Isniintii ku dhawaaqay in goboladan ay hadda si ras mi ah uga mid yihiin dhulka Ruushka.

Aqalka Kremlin-ka ayaa soo dhaweeyay tallaa bada ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku qaramee yeen 4-taasi gobol.

Moscow ayaa sheegtay in goboladaasi ay laca gtooda rasmiga ah noqonayso ruble-ka Ruushka, illaa iyo inta bisha December laga gaarayana ay dad ku isticmaali karaan lacagta Ukraine (hryvnia).

Madaxda Reer Galbeedka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa wax sharci darro ah, oo aan ebid la aqbali karin ku tilmaa may ku darsashada Ruushka ee dhulka Ukraine.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada Ruushka ay isaga baxeen Magaalada Lyman ee Gobolka Do netsk, dibna ay u qabsadeen Ciidamada Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta ay dib uga qabsanayaan dhulka uu Ruushku ka haysto.

'NIMAN KA BADAN 500 AYAA II KUFSADAY SI AAN U TAGO YURUB'

"Raggii na kufsaday annagoo joogna magaalada Maghnia ee dalka Algeria qaarkood waxay ahaa yeen dadka la nool cudurka HIV, qaarkood ayaana ku dhintay horteenna.”

Hadalladaas waxaa sheegtay gabar da’ yar oo u dhalatay dalka Nigeria, oo ka sheekeyneysay tacad diyadii ay la kulantay intii ay ku jirtay tahriibkii ay ugu socotay Yurub. Magaceeda saxda ah lama shaacin ayo, balse waxaan u bixinnay "Ada”.Sanadkii 2016 waxa ay ku dhacday dabinka dadka wax tahriibiya ee ay Soomaalidu u yaqaannaan "Ma gafe”, xilligaas oo ay ahayd 20 jir.

Iyadoo ka shaqeyneysa mehe rad ay dadka tim aha ugu hagaajin jirtay ayuu u yimid nin waxa uuna u sheegay in ay jirto walaashiis oo Yurub dadka ti ma ha ugu habeysa, halkaasna laga jecel yahay xirfad da dhanka timo-hagaajinta ee gabdhaha Nigeria

Taas ayey ahayd sababtii ay Ada uga tagtay guri geeda, waxa ayna go’aansatay in ay toos u aaddo Yurub si ay usii wadato ganacsigii ay markii hore ku heysatay Nigeria.

Balse waxa ay ku seexatay iyadoo og in ay saf ar dhulka ah ku bixi doonaan, diyaaradna aysan raa ci doonin, maadaama aysan xitaa xilligaas heysan wax baasaboor ah.

"Safarka aan uga baxnay Nigeria waxa uu ka bil lowday inaan sii marno Niger. Markii aan Niger tag nay waxaan usii gudubnay saxaraha oo aan joognay ku dhawaad hal bil.

"Darawal bas ayaa nagu qaaday gaarigiisa. Nol osheydii oo dhan waxay ku burburtay saxarahaas. 20 qof oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa saarnaa baska,” ayey tiri.

Ada waxa ay sheegtay in ay ugu dambeyn u suur tagashay inay tagaan magaalo ku taalla Algeria oo lagu magacaabo Oran.

‘Niman HIV qaba ayaa ka mid ahaa kuwii na kufsan jiray’

Kufsi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ada kaligeed ma aha, balse waxaa jiray boqollaal dumar ah oo loo geystay tacaddiga noocaas ah intii ay tahriibka ku jireen.

Algeria waxaa ku taalla xero la geeyo dadka ta hriibeyaasha ah ee doonaya in ay galaan Morocco. Waxa ay halkaas ku sugayaan inta fursad libiqsi ah laga helayo ciidanka waaxda socdaalka.

Ada waxaa halkaas lagu hayay qiyaastii labo bil ood. Waxa ay sheegtay in habeen kasta qolalka ay joogaan ay u imaan jireen niman, kaddibna la bixi jireen haweeneyda ay rabaan si ay u kufsadaan.

"Nimanka halkaas u imaanaya inay dumarka kaxey staan waxaa ka mid ah kuwo xanuunsan, waxaa loo ga shakisanaa in ay qabaan HIV, waxaa ka mid ah aa kuwo isla goobtaas ku dhintay. Xitaa haddii aad uur ku qaaddo kufsiga wax dan ah oo ay ka leeyihiin ma jirto,” ayey tiri Ada.

Kufsi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii Ada la geeyay Morocco waxa ay billowday in ay jirkeeda ka ganacsato, sida ay u sheegtay BB C-da.

"Markii la ii kaxeeyay Morocco, waxaan codsaday in la igu xiro Casablanca, balse waxaa la ii sheegay in aanan xaq u lahayn taas, maadaama ay deyn igu lahayd haweeneydii bixisay lacagtii la iiga soo kaxe eyay Nigeria.

"Waxaa la iga dalbaday lacag u dhiganta qiyaas tii $4,000 oo dolar, oo ay kharashka la igu saarayo doonta. Ma jirin meel aan ka heli karo lacagtaas, sidaas darteed ma jirin waddo kale oo ii furneyd, oo aan ka ahayn inaan jirkeyga ka ganacsado,” ayey tiri Ada.

Lacagta ay sidaas ku hesho qaarkeed waxay siin jirtay haweeneyda lahayd guriga ay dagganeyd, taa soo maamuli jirtay qaabka ay nimanka u kala xul anayaan iyo lacagta ay gabar walba heleyso.

Ada markii ay halkaas joogtay muddo labo sano iyo bar ah ayey u aruurtay lacag ku filan in ay deynta isa ga bixiso. Waxay sheegtay in ay kufsadeen in ka badan 500 oo nin si ay ugu suurtagasho in ay tagto Yurub.

Sababta ay tahriibeyaashu u doortaan Morocco waa in waddankaas uu xuduud la wadaago dalka Spain oo ay u dhaxeyso badda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qax ootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay adag tahay si da lagu ogaado tirada tahriibeyaasha ah ee la kulma tacaddiyada xilliga ay u gudbayaan Yurub.BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip