HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 4-TA OKTOOBAR 2022-KA

0
Tuesday October 04, 2022 - 08:43:07 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 4-TA OKTOOBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dowladda Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yee latay Qa raxyadii Beledweyn & Dagaalka Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shir gu ddoomiyey kulan looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledwey ne oo Berri argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhi masho, dhaawac iyo burbur han tiyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay weerarradii bahalnimada ahaa ee Berri ay kooxdu ku qaadeen Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qarax yada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beled weyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waaye en awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ayna beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud aha an hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Ba rre ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii Berri ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiira an isagoo tacsi u diray qoysaska ay dadkooda uga dhinteen qaraxa.

Wuxuu amar ku siiyay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha dowlad da inay gurmad deg deg ah u fidiya an dadka ku waxyeelloobay qarax yada.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka codsad ay shacabka inay sare u qaadaan dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale sheegay in qa raxyadan ay Al-Shabaab uga golleeyihiin "in ay ku ni yad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda”.

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii Shalay ka dhacay Beledweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si kulul uga hadl ay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehell ada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii Berri ka dhacay maga alada Beledwey ne.

adaxweynaha ayaa Xukuumada ku jiheeyay in si degdeg ah ay gu rmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus ta hay xa aladooda caafimaad, sida lagu shaaciyey qor aal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray hay’ada ha ammaanka heer federaal ee ku sugan Hirshabe elle iyo kuwa heer dowlad goboleed, in ay sare u qa adan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalk ooda bahalnimada ah, maadaama Al-Shabaab lagu soo jabiyey furimaha dagaalka.

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxya da argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladw eyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkee nna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Hir Shabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadaj irkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta ciidamada xoogga dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deega annada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dha garta iyo gumaadka.Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay qaraxyadii Berri ka dhacay M/Beledweyne, intaas ka badana waa ku dhaawacantay, dowladda ayaa di yaarado gargaar ah Shalay ka dirtay Muqdi sho, kuwaas oo Xalay Xamar keenaya dhaawacya da ugu halista badan ee qaraxaas ka dhashay. Guudlaawe "Shacabka Soomaaliyeed haka wada qaybgalaan hawlgalada lagu ciribtirayo Shabaab”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe lle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo dhammaanba shacabka Soomaaliyeed, ee ay ka geeriyoodeen All aha u naxariistee Wasiirkii Caa fima adka Hirshabelle, Sakariye Maxam ed Axmednuur (Hurre), Xildhiba an Geelle Isaaq Warsame, Gudoom iye Kuxigeenkii Maaliyadda & Siyaa sadda Gobolka Hiiraan, Abuukar Ca bdullaahi Maadey iyo dhammaan dadkii kale ee ku dhintayqaraxyadii Berri ka dhacay M/ Beledweyne

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka ummadda Soomaaliy eed, ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiig ga shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay ku ja been dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deeg aanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliy eed u gu baaqay in si wadajir ah ay uga qaybgalaan hawl galada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qara xyadii argagixiso ee ka dhacay M/Beledwe yne waxa ay ka marag kacayaan, sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay warsaxaafa deed.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxa ha qarxa laga oo buuxiyay ayaa bar qanimadii Berri lagu weeraray Xerada Lama Galaay.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii 3-da ahaa ee Beledweyne

Laba gaari oo walxaha qarxa Manaato ah iyo mid Shalaykii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee G.Hiiraan yaa ahaa kuwo loo adeegsaday Gaadiid la ga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana lagu weer aray Xerada Lama Galaay, iyadoona ay qarax yadaasi gaysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka dhintay waxaa ku jira masuuliyiin heer gobol iyo heer Dowlad Goboleedba.

Illaa labaatan qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen qaraxyadan, oo masuuliyadooda ay sheegteen mintidiinta Al Shabaab.

Qaraxyadii 2daa ahaa ee barqanimadii Berri dhacay iyadoo Dadka ku dhintay qaraxyadaasi laga xusi karo Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakari ye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarl amaanka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuuk ar Cabdullaahi Maadeey.

Qaraxyadan ayaa sidoo kale gaystay burbur lixa ad leh, iyadoo burbur weyn uu ka muuqanayo dhism ooyinkii ku yaalay Xerada Lama Galaay, oo ay ku dhex taalo Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale qaraxii 3aad ayaa waxaa uu dha cay Shalaynimadii Berri iyadoo ay xilligaasi soctay daad gureynta dadkii waxyladu soo gaartay gurmad loo fidinayo ayuu isaguna dhacay waloow aan la soo sheegin qasaraha uu geystay waxaana la soo warinayaa in ay jiraan qasaarooyin uu gyestay waloy aysan wacli tiro rasmi ah la helin

Qaraxyadaan ayaa inta badandadka shcabka ah iyo masuuliyiinta dowladda la beegsada al shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in qaraxyadii Beledweyne la doonayay in isaga lagu dilo

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisma an ayaa sheegay in qaraxyadii Berri lagu weera ray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne uu bartilmaameedkoodu ahaa in isaga lagu dilo, balse uu Alle ka badbaadiyay.

Gudoomiyaha Jeyte oo maal mihii ugu dambeysay furimaha dagaalka ku maqnaa ayaa Dorraad uun dib ugu soo laabtay M/Beledweyne.

Qaraxyadii ayaa Berri dhac ay, xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku dhex yaala Xerada Lama Galaay ee magaaladaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Mad axweyne Kuxigeenka Hirshab elle iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaankuba ay labaduba ka bad baadeen qaraxyadaasi, haatana ay isaga la joogg aan. Dhanka kale Gudoomiyaha G/ Hiiraan, Cali Jey te Cismaan ayaa sheegay in dad badan ay ku dhi nteen qaraxyadaasi, kuwaa oo ay ka mid yihiin qaar ka mida ilaaladiisii, mana sheegin tirada rasmi ah ee qaraxyadaasi ku dhimatay.

Dadka kale ee ku dhaawacmay qaraxyadan ay uu sheegay inay ka shaqeynayaan, sidii ay ugu qa adi lahaayeen dhanka Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan qaraxyadan ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakar iye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baa rlamaanka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuu kar Cabdullaahi Maadeey.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyad da qaraxyada ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Bandow Xalay lagu soo rogay Beledwe yne iyo wararkii u dambeeyey ee khasaaraha

Waxaa Xalay bandow lagu soo rogay M/ Beled weyne oo Berri qaraxyo culus ay gilgileen, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha booliska ee maga aladaas Bashiir Xuseen, bandowgaan ayaa Beled weyne saaraa doona mudo 24 saacadood ah.

Taliyaha ayaa ugu baaqay d adka shacabka ah inay guryahoo da joogaan, maadaama laga ca bsi qabo weeraro kale iyo qaraxyo loo maleynayo in ay ku jiraan gudaha magaalada Baledweyne.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in mudadaas 24-ka saac ah ay ciidanku magaalada ka samey doonaan howlgallo culus, waxaana gudaha magaala da lagu arkayaa ciidamo aad u badan, kuwaas oo ga linkii dambe ee Berri lasoo dhoobay wadooyinka muhiimka ah ee magalaada Baledweyne.

3 qarax oo waaweyn ayaa Berri ka dhacay bar tamaha magaalada, gaar ahaan halka ay ku yaalla an xafiisyada madaxda ugu sareysa maamulka gob olka, saraakiisha iyo masuuliyiinta D/ Goboleedka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qarax yadaas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka ba dan, dadkii qabay dhaawacyada ugu daran ayaa Xalay diyaarad lagu keenay Muqdisho, halka kuwo laga soo tegay ay dowladdu balan qaaday in berri diyaarad loo diri doono.

24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qara xyadii Berri ka dhacay magaalada Beledweyne ay aa Xalay laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii Shalay ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo Xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masuuliyiin, dad shacab ah, askar iyo sar aakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.


Duqa Muqdisho Oo Garoonka Ku soo dhaweey ay dhawacyadii laga keenay B/weyne

24-qof oo qaba dhaawacyadii ugu daraa ee qara xyadii Berri ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa Xalay laga soo dejiyey Muqdisho, kadib markii Shalay ay dowladda Soomaaliya diyaarad u dirtay.

Diyaarad Shalay Muqdisho ka qaaday gargaar u badan mid caafimaad ayaa Beledweyne ka soo qa aday dhaawacyada 24-kaan qof ee Xalay Muqdisho la kieenay, waxaana la sheegay inay jiraan dhaa wacyo kale oo halis ah, lagana soo tegay.

Madaxweynaha dowlad gobo leedka HirShabeelle Cali Guudl aawe oo Xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in masu uliyiin, dad shacab ah, askar iyo saraakiil ciidan lagu dilay qaraxaas, isagoo tacsi u diray dhamaan dad kaas oo askar Jabuutiyaan ah ay ku jiraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Mad aale iyo Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in dhaawacyadii ugu daraa ee ka dha shay qaraxyadii Beledweyne ka dhacay Xalay lasoo gaarsiiyey Muqdisho, waxayna dowladdu balan qaa day in dadka kale ee liita berri lasoo qaadi doono.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyad aas, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, sidoo kale cabsi badan ayaa Xalay ka jirta magaa lada Beledweyne, waxaana laga baqayaa weerarro kale.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in weerarradaan bahalnimada ah ay Al-Shabaab dadka uga aargoosanayaan jabka culus ee furimaha daga alka loogu geystay.

Cali Guudlaawe ayaa wacad ku maray in reer Hir Shabeelle ay deg deg isaga sifey doonaan Al-Shab aab, isla markaana ay noqa doonaan dadka ugu horeeya eek a nabad gala dhagartooda.

Abuu Muscab oo ka hadlay qaraxyadii gilgilay Beledweyne

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qar axyadii mataanaha ahaa ee Berri lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne.

Afhayeenka Hawlgalada Ciidamada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in weeraro ismiidaamin ah ay maleeshi yadoodu la eegteen xeradaasi.

"Waxaa xurunta la beegsaday ku sugnaa musuu liyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Hiiraan. Khasaare lixaad leh baa halkaas ka soo gaaray. Ma suuliyiin, Saraakiil ciidan, kuwa maamul iyo askar, in taba way ku la’deen halkaasi.” Ayuu yiri Abuu Mus cab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in sidoo kale ay qaraxyadu waxye elo ka soo gaareen Ciidanka Militariga Jabuuti ee wax ka ilaaliya Xerada Lama Galaay, sida uu yiri.

Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Ma xamed Axmednuur (Hurre) iyo Gudoomiye Kuxige enkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey ayaa ka mid ah dad ka ku dhintay qaraxyadaasi.

Qaraxyadan ayaa gaystay burbur lixaad leh, iya doo burbur weyn uu ka muuqanayo dhismooyinkii ku yaalay Xerada Lama Galaay, oo ay ku dhex taalo Xa runta Madaxtooyada Hirshabelle ee G/Hiiraan.

Dadka reer Beledweyne waxay Berri u tahay mid ka mida maalmihii ugu adkaa, ee ay noloshoodu la kulmaan.

Qaraxyadan ayaa imaanaya, xilli gobolku uu ka soconayo guluf la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan ee arrimiya qaybo ka mida gobolkaasi.

Xoghayihii Golaha Shacabka BF oo is-casilay + Sababta

Xoghayihii baarlamaanka federaalka ee Soomaa liya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa iska casilay xilkii uu baarlamanka Soomaaliya u hayey sanado badan.Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, xoghaye Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa is-casilaadiisa u gudbiyey guddiga joogta ee golaha shacabka.

Sababta uu isku casilay xoghaye Cabdikariim ay aa lagu sheegay inay tahay khilaaf soo dhex-galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya guddoon ka oo salka ku haya hab maamulka lacagta baarla manka.

Buux oo ah qofka ugu sarreeya shaqaalaha baarlamaanka Soom aaliya, balse ana xildhibaan aheyn, ayaa lagu eedeeyey inuu lacag ba dan oo ka mid aheyd tan baarlam anka uu si khaldan u maareeyey.

Waxaa la sheegay in 350 qof oo shaqaale baarla manka u qornaa laga helay kaliya 150 ayada oo 200 kale la sheegay inay ahaayeen magacyo aan jirin oo lacag un lagu qaadan jiray.

Waxaa sidoo kale dhowaan la ogaaday lacag ka badan hal miyan oo dollar oo aan la ogeyn halka ay ku baxday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo laba diisa ku-xigeen ayaa tan iyo intii loo doortay guddo onka baarlamanka 11-aad waxay wadeen in la saxo khaladaadkii uu sameeyey Buux.

Buux ayaa fursad loo siiyey inuu is-casilo ama xil ka laga qaado, taasi oo uu aqbalay.

Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeed uu soo saa ray waxa uu xilka uu baneeyey Buux ugu magacaab ay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Xigasho:-Casimadda.Net

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Bangiyada Ganacsi ga ee Dalka Ku Amray Joojinta Lacagaha ay Koo xda Argagaxisada ee Al-Shabaab ka qaadaan Bangiyada

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isa ga oo ka duulaya xaaladda dagaal ee dalku galay, sidoo kale na fulinaya amarada Madaxweynaha So omaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS ee la xidhiidha la dagaalanka kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shab aab, wuxu kulan la qaatay ganacsatada Bangi yada oo uu kala hadlay siddii kooxdaas argagaxisada ah ee Al-Shabaab looga joojin lahaa dariiq kasta oo dhaqaale iyo mid maaliyaddeed oo ay ka helaan Ganacsatada gaar ahaan lacagaha dhex-mara Bangi yada dalka.

Wasiirku, wuxu ganacsatada ku amray inay joojiyaan nooc kasta oo dhaqaale ama maaliyaddeed oo Al-Shabaab ay ka helaan Bangiyada, waxaana uu carabka ku adke eyey in ciddii fulin way da awaamiirta Wasaaradda iyo Dawladda ba ay ka qaadi doonaan tallaabo wa afaqsan sharciga isla-mar-ahaantaana ay si dhab ah u la xisaabtami doo naan ciddii fulin wayda.

Sidoo kale, wuxu carabka ku adkeeyey in aanay marna suurto-gal ahayn oo aanay aqbalayn in dha qaale maaliyaddeed oo laga qaaday ganacsatada in lagu gumaado oo lagu xasuuqo shacabka Soomaa liyeed, isaga oo xusay inay ka dawlad ahaan ka go’ an tahay joojinta dariiq kasta oo kooxda Al-shabaab ay lacago kaga hesho ganacsatada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuum adda Federaalka Soomaaliya mudane Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed,

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XF/Soomaaliya md. Salah Jama, ayaa ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Direed, kaasi oo looga arrinsana yay qaabkii ay uga qayb qaadan lahaayeen kacdoon ka bulsho ee lagu cirib-tirayo argagixisida Alshab aab.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirro, Xildhibaan no, Saraakiil Ciidan, Odayaasha Dhaqanka iyo Gan acsato oo dhamaantood isku raacay in la iska kor-qa ado heerayada cadawga Alshabaab kaalin muuqata na laga qaato hawlgalada Ciidamada qalabka sida ay ku baacsanyaan Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa tilmaamay inay waajib tahay in la iska kor qaado cadawga arx aan laawayaasha ah ee xalaashaday dhiigga iyo han tida shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey beesha Direed inay dhinacooda qayb ka qaataan hawlgallada ciidamada qalabka sida ku cirib tirayaan argagixisada Alshabaab.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dal ka Md. Saalax, ayaa canbaareeyey falalkii bahalnim ada ee argagixidau Berri ka gaysteen magaalada Beledweyne, isagoo ka tacsiyadeeyey shacabkii ku naf-waayey, kuwii ku dhaawacmayna Alle uga bar yay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ergeysga gaarka ah ee Gurmadka Abaa raha oo wada hadllo mira-dhal ah la yeeshay madax ka socota Dowladda Ingariiska

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qa abilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Ca bdishakuur Warsame oo Habeen hore gaaray magaalada Lo ndon ee carriga Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Erg eyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Daw ladda Ingiriiska Sarah Montgomery iyo masuuliyiin kale.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Xoghaya joogtaa ah ee Horumarinta Gargaarka bani’aadannimada Nick Dye, Madaxa Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Corin Robertson iyo Ergeyga gaarka ah ee Isbedelka Cimillada Nick Bridge, halka ay aaladda fogaan aragga uga qeyb qaateen safaaradda UK ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankan ayaa daba socday kulan uu Ergeyga Magaalada New York kula soo yeeshay Wasiirka ho rumarinta caalamiga ah ee UK, Vicky Ford.

Ergayga ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu la kulmay sidii ay dawladda Ingiriiska u kordhin lahayd dad aall ada u qareemidda gurmadka abaaraha iyo sidii ay deeq-bixiyayaasha ugu soo jeedin lahayd in wadajir looga hor tago macluul daran oo Soomaaliya ka dhacda.

Sidoo kale Ergeygu wuxuu la wadaagay FCDOG ovUK, halka uu marayo kacdoonka shacabka iyo gu ulaha milatari ee ka dhanka ah argagixsada, kuwaa soo uu ku tilmaamay in ay iftiin hor-dhac ah u yihiin xasilloonida amni ee Soomaaliya, isagoo ka codsada y dawlada Ingiriiska in ay indhaha caalamka ku soo leexiso sidii loo taageeri lahaa kacdoonka shacabka iyo ka go’naashaha hoggaanka dawlada ee lagu ciri btiro Kooxaha argagixsada ah.

Ergeygu wuxuu sidoo kale si gaar ah ugala ha dlay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Arimaha Dib ada UK ee Is-baddalka cimilada Nick Bridge, wax ka qabshada cimilada heer caalami, xoojinta u ad key sashada is-baddalka cimilada ee Soomaaliya iyadoo loo marayo dhaqaalaha la xariira mag-dhowga cimi lada, la qabsiga maxalliga ah iyo dhisidda awoodda Dowladda.

Ergeyga oo ku guda jira safarro uu kula kulmayo jaaliyadadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibadda ayaa 9 October 2022, Jaaliyadda Soomaali yeed ee ku dhaqan Ingriiska la qaadan doona kulan loogu qareemayo taakulaynta dadka abaaruhu saa meeyeen, si la mid ah kulamadii uu la soo yeeshay jaaliyadaha Waqooyiga America ee Maraykanka iyo Canada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka ay Haweenka ka qadan karaan xasilinta dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Ji mcaale (Madaale) ayaa xarunta Tiyaatarka Qaranka kaga qeybgalay kulan weyne looga hadlaayay Do orka ay Haweenka ka qadan karaan xasilinta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ee ka socda guud ahaan dal ka Soomaaliya.

Sidoo kale Mas’uuliyi in kala gedis an oo ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Haweenka & xuquuqul Insaanka, Guddoomiye Kux igeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Ururka Haween ka Gobo lka Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Haween weynaha Soomaaliye ed ayaa ka qeybgalay Muna asabadan.

Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad dheer ka jeediyay kulankaasi ayaa Haweenka Soomaaliye ed ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan Amniga iyo Xasilinta dalka.

General Zakiya oo shaacisay saddex hab oo loo ga adkaan karo Shabaab

Taliye ku xigeenka ciidanka Bo oliska Soomaaliy eed, Sarreeye Gu uto Zakiya Xuseen Axmed oo Berri ka qayb-gashay kulan loo ga hadlayeydoor ka haweeynka ee ku aadan xoreynta dalka ayaa ka hadashay dagaalka Al-Shabaab.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in loo wada istaago dagaalka ad ag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si looga cirib tiro dalka oo dhan.

Taliye ku xigeenka Booliska Soo maaliyeed ayaa sidoo kale soo ban dhigtay saddex hab oo looga guu leysan karo Al-Shabaab, waxayna ku talisay in loo diido guri, goof yo guur.

"Saddex shey haddii aan ku dadaalno Al-Shaba ab dalkaan waa laga cirib tirayaa waxaa u diideynaa horta gurigeena waa ka mamnuuc, goofkeena wa ka mamnuuc, guurna mana geeyaan,” ayey tiri General Zakiya Xuseen oo khudbad ka jeedisay kulanka Berri.

General Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in sad dexdaan qodob haddii la sameeyo in ay bannaanka soo istaagayaan Al-Shabaab, kadibna ay wajahaya an ciidamada Xoogga dalka.

"Intaas haddii aan u diidno banaanka iyo barxad da ayey is keenayaan ciidamada Xoogga dalka aya ana dhammeystiraayo,” ayey sii raaciyey.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay diyaar u yih iin la dagaalanka Al-Shabaab, si ay dadka Soomaal iyeed ugu noolaadaan sharaf iyo xasilooni waarta.

"Waxaan ku dhaaranay inaan dalka difaacno, Shahiidnimo ama inaan sharaf ku noolaano,” ayey markale tiri Generaal Zakiya Xuseen Axmed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee abaabul iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maa mulka Jubaland ayaa waxaa ka billowday dhaq dhaqaaq ciidan, oo loogu diyaargaroobayo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shab aab.

Jubaland ayaa dooneysa in ay ku biirto hawlgall ada ka soc onaya qaybo ka mida gobolada dalka, ee ujeedkiisu yahay in Shabaabka lagaga xoreeyo dal ka Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada xerya ha ku yaala dul eedyada magaalada Kismaayo. Saraakiisha aya a Sabtidii kormeeray xeryaha Ciid anka Daraawiish ta, iyagoona ciidamada ku warge liyay inay u diyaar garoobaan, sidii guluf mideysan lo ogu qaadi lahaa Al-Shabaab.

General Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hawlgalada uu yoolkoo du yahay in lagu wiiqo Shabaab.

"Waad ogtihiin dalka Somaliya waxaa ka socdo Berri, dadkii shacabka ahaa ayaa waxay go’aans adeen inay iska dulqaadaan cadowga ummadda So omaaliyeed ee Al-Shabaab, annagana wixii hadda ka dambeeyo dhufeyska aad ku jirteen muddada dheer ee 8-da sano ku dhow, kuma sii jiri doontaan, Insha’Allah. Waan kacaynaa, dhufeyskana waan ka baxaynaa, goobaha ay jooggaan iyo meelaha ay naga soo weerarayeen baan aadaynaa,” ayuu yiri General Ismaaciil Saxardiid.

General Keydsane ayaa yiri "Waxaan haysanaa Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo isku xiran, gacmo wadajir bay wax ku gooyaanee oo Berri is haysto oo is taageerayo, baahida aad qabteena soo haqabtireyso.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland, General Maxamed Sheekh Cabdi Xujaale ayaa isna yiri "Ho wlaha dhaqaaqay aad arkaysan ee dabeysha ah ee meel walba ka dhaqaaqay ee sifeynta cadowga ah ayaa la gelayaa.”

Waxa uu intaas ku daray "Waxaad sugeyseen oo Berri wax idinkaga farxad badan ma jiro in la idiin yiraahdo berri Jamaamaa la tagayaa ama Xagar ama waxaa la qabanayaa Jilib, wax idinkaga farxad badan inaysan jirin waan ogahay. Waa waxaad sug eyseen, wixii la sugaaba mar bay dhacaan, Ilaahay baa ku mahadsan, waana xaqiijin waxa taagan ee dhaqaaqi lahaa, sidii ay u dhaqaaqi lahaayeen xaq ij inteeda weeye.”

Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay inay dowladdu gacanta ku dhig tay gur yo u kiraysnaa shabakad katir san Alshabaab

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa ma gaalada Muqdisho, Yuuusf Xuseen Jimcaale (Mad aale) ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka ay la wa reegeen shan guri oo u kiraysnaa shabakad katir san kooxda Alshabaab.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guryahan laga soo saaray hub nu ucyadiisa kala duwan leh. Sidoo kale wuxuu shee gay inay Alshabaab u adeegsan ji reen qaab isbitaal aha an ah, iyagoo ku daweyn jiray dhaaw acyadooda.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in gacanta lagu soo dhigay dadkii guryahaas ku sug naa, isagoo she egay in sharciga la marsiindoono.

Guddoomiyuhu wuxuu digniin u diray dadka shac abka ah isagoo u sheegay in ay la socdaan dadka guryahooda ay ka kiraynayaan.

"Nimankaas arxaanlaawaayaasha ah ee gabba adka uga dhiganaya meelaha qaarkood, waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay guryahooda markii ay kiraynayaan ay ogaadaan cidda ay ka kira ynayaan nuuciyadeeda. Waa in la yaqaanaa cidda laga kiraynayo guriga oo la tagaa degmada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee, ciidamada NISA ayaa Habeen hore ka fuliyay howgalkan, degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, waxayna gacanta kusoo dhigeen sha qsiyaad, hub, qaraxyo iyo gaadiid kala duwan oo la rabay in lagu fuliyo weeraro ismiidaamin ah.

Dowladda Somaliya oo Berri ka qeyb galaysa shirka shidaalka Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka batroolka Soo maaliya, C/risaaq Cumar Max amed ayaa u am babaxay dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo tod doba adka shidaalka Afrika. Shirka todobaadka shid aalka Afrika oo isniinta Berri ah ka billaaban doona mag aalada Cape town ayaa waxaa kasoo qeyb gali doo na go'aan gaarayaasha tamarta ee da wladaha, shirk adaha tamarta caalami ga ah, shirkadaha sahaminta, maalg ashadayaasha, iyo adeeg bixiy ayaa sha.

Toddobaadka shidaalka Afrika ee sanad kan wax aa ka soo qaybgeli doo na in ka badan 1800 oo er go, oo kala matalaya in ka badan 80 waddan, oo ay ku ji raan 30 wasiirro dawladeed, 150 wakiillo qar an, iyo 25 shirkado shidaal.

Munaasabadda sannadlaha ah waxaa loogu tal agalay in lagu dhiirri geliyo hor umarka waara ee Afr aka, iyada oo toddoba adka Afrika 2022 diiradda la gu saarayo baahida Afrika si kor loogu qaado koba ca dhaqaalaha, horumarinta adeegga iyo ka saarista malaayiin muwaadiniina faqriga.

Qaybta tamarta Afrika ayaa weli wajaheysa caq abado waaweyn, iyadoo warbixin dhowaan la soo saaray ay xustay in baahida tamarta ee qaaradda Afrika ay khatar ku tahay inay ka sarreyso sahayda bannaanka.

Safarka wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa ku soo aaday xilli uu muran badan ka taagan yahay he shiiska arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Iyadoo dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay In ay shirkaddo shisheeye la gashay heshiis ku saab san baarista shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca " Dilkiii Cabdulaahi Nadiir waxa uu aargsoosi u yahay Dilkii Farxaan Qaroole.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Md.Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay dilka Horjooge sare Cabdulaahi Nadiiroo arg agixisada u ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda Al- shabaab

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaasha deen Ciidammada Qaranka iyo saaxiiba dooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada.

Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe Wasiirka Gaashaan dhigga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa fecbooka ku yiri:-

"Waa loo aarayaa shuhadadeena inshalah

Dilka Cabdulaahi Nadiir oo ahaa madaxii hore ee da cwada hadana ahaa madaxa Jabahaadka iyo isku duwaha dhamaan howlaha khawaarijta wuxuu bilow u yahay in loo aaro shuhadada uu ugu horeeyo Far xaan Maxamuud Aadan, Cilmi Hagar Guure iyo dha mmaan Shuhadada Soomaaliyeed ee ku maqan gacmaha Khawaarijta”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirka Maray kanka ufadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Md.Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali "Doodishe” ay aa Berri kulan la qaatay Safiirka Maraykanka ufa dhiya Soomaaliya Md. Larry André.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa kawada hadlay Xoojinta Ciidanka Bo oliiska, ka hor tagga argagixisada, taakul eynta dadaala da So cda ee amniga iyo ta ageerada Am niga Soomaaliya si bulsha da Soomaaliyeed Nabad ugu noolaadaan.

AAS-AASIHII AL-SHABAAB IYO NINKII BEDD ELI LAHAA AXMED ABU CUBEYDAH OO LA DILAY’

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war-saxaa fadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jub bada Dhexe Dorraad oo aheyd 1-dii Bishan October, waxaana lagu dilay Cabdullaahi Nadiir.

"Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qora alka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray "Cabdullaahi wux uu horey usoo noqday madaxa shuurada iyo maali yadda, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu beddalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Al-Shabaab ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.”

Cabdullaahi Nadiir ayaa waxaa madixiisa saarna yd lacag, waxaana si wayn u doondoonaysay Dowla dda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caala miga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoon ka qaranka ee Soomaaliya NISA, sida lagu yiri qor aalka.

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan Cabdullaahi Ya re ayaa waxaa $3 milyan oo dollar madaxiisa dul sa artay dowladda Mareykanka. Wuxuu aad ugu dho waa horjoogihii hore ee kooxda Al-Shabaab Axmed Godane.

Qoraalka madaxiisa lagu dil dhigay $3 milyan wa xay dowladda Mareykanka ku sheegtay in Cabd ullaahi uu adeegsan jiray magacyada: Cabdullaahi Yariisow, Cubeyd iyo Cabdullaahi Yare, uuna horey usoo noqday madaxa warbaahinta kooxda.

"Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda So omaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed,” ayey tiri dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’ an in la ciqaabo dhammaanka xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Sooma aliyeed.

Sida ay sheegtay in ay xog ku heshay Caasima da Online wax aa sidoo kale Dorraad dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaad ka u xiran dow ladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeynka dhacday dee gaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, taas oo faahfaahin badan aan laga helin.

Dowladda Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah ka ma aysan bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo in ka le, balse waxay xogtaani xaqiijineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa.Xigasho:Caasimadda.net

WAA KUMA "DHAXAL-SUGAHA AL-SHABAAB EE LAGU DILAY” DUQEYNTA?

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa ragga asaasay Al-Shabaab, isla markaana loo badinayay inuu mar uun hoggaamin doono ururkaas.

War qoraal ah oo lagu shaa ciyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in sarkaalkaas oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdullahi Yare, 1-dii October lagu dilay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada dhexe. Do wladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay uu ahaa "mid qorsheysan” oo ay iska kaa shadeen "ciidamada qaranka iyo saaxiibbadooda caalamiga ah”.

Faahfaahin kama aysan bixin in weerarka loo ade egsaday diyaaradaha Drones-ka mise inuu ahaa mid qaab kale loo fuliyay.

Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin dilka ay dowla dda Soomaaliya sheegtay in loo geystay sarkaal kaas sare.

Abaal-marinta la dhul dhigay

XIGASHADA SAWIRKA,RFJ_USA

Maraykanka ayaa Cabdullaahi Nadiir dul dhigay la cag 3 milyan oo doollar ah, waxaana uu ka mid ah aa saraakiisha ururkaas ee sida weyn loo baad igoobayo.

Khubarrada amniga ayaa rumaysan in Cabdulla ahi Nadiir uu ahaa "dhaxal-sugaha Al-Shabaab” uu na ka haray raggii aasaasay ururka.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa marar kala duwan sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cu mar Diiriye (Abuu Cubayda) uu xanuunsan yahay.

HADDABA WAA KUMA CABDULLAAHI NADIIR?

Dad ka mid ah kuwa sida dhow u yaqaan Cabdu llaahi oo ka gaabsaday in aan haybtooda sheegno sababo amni awgood, ayaa sheegay in Cabdullaahi Nadiir uu ahaa da’aada 44 jirka, isla markaana ay qo yskiisa ka soo barakaceen Koonfur-galbeed ka dib "Abaartii Cagabararka" ee koonfurta Soomaaliya ka dillaacday sanadkii 1992.

Cabdullaahi ayaa xilligaas da’diisa lagu sheegay dhowr iyo toban jir, waxaana ay qoyskiisa soo dag een deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Abdullahi Nadir

XIGASHADA SAWIRKA,WARBAAHINTA DOWLADDA SOOMAALIYA

Qoraalka sawirka,

 Cabdullahi Nadiir

Lama sheegin waxbarasho aasaasi ah oo uu helay, waxaase la tilmaamay in muddo kaddib uu u wareegay dhan ka Muqdisho, halkaasna uu ku bartay culuumta kumbiyuutarka markii damb ena noqday macallin kumbiyuutar.

Markii uu si qarsoodi ah u soo shaac baxay urur ka Al-Shabaab sanadkii 2004, waxaa la tilmaamay in Cabdullaahi Nadiir uu ka mid ahaa ragga aadka ugu dhow hoggaamiyhii hore Axmed Cabdi Godane, isla markaana uu ahaa gacan-yarihiisa.

Godane ayaa Nadiir u magacaabay xafiiska warfaa finta ee Al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa raggii diyaariyay barnaamijkii uu 2009 ururkaas aad ugu dhaliilay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilliyaas loo doortay madaxtinnimada Soomaaliya.

Dadka ka warramay taariikhda Cabdullaahi Nad iir ay aa sheegay in markii uu Axmed Cabdi Godane si bu uxda ula wareegay hoggaanka uu fursad u waa yay saaxiibkiis Cabdullaahi Nadiir, sidaana uu ugu waree gay dhanka Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afgha n) oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Nadiir iyo Afghan ayaa noqday saaxiibbo dhow. Ax med Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa isku qab tay arrimo la xiriira hoggaanka ururka, waxaana taas ay keentay dagaalyahannada ururkaas inay bishii Juun ee 2013 Ibraahim Afghan ku dilaan Shabeell aha hoose.

Dilkii Ibraahim Afghan kaddib, Cabdullaahi Nadiir oo ay kala irdhoobeen saaxiibkiisii hore ee Godane ayaa u cararay gobolka Gedo, waxaana uu halkaas ku dhuumaalaysanayay in muddo ah.

Kaddib markii uu Mareykanka duqeyn ku dilay Axm ed Godane bishii Sebteembar ee 2014, waxaa hog gaanka Al-Shabaab la wareegay Axmed Cumar Dii riye (Abuu Cubayda), kaasoo mar kale saaxadda ku soo celiyay Cabdullaahi Nadiir.

Waxa uu noqday madaxa Golaha Shuu rada iyo sarkaalka ugu sarreeya maaliy adda. Sidoo kale wa xa uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa waxa ay ugu yeer aan dacwadda.

Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin may al-adag, oo ay ku fog tahay afkaar ta gaalaysiinta ama waxa loo yaqaan takfiirinta.

Waxaa u dhaxday haweeney la dhalat ay Xasan Daahir Aweys oo uu dumaal ahaan ku guursaday ka ddib markii uu ka dhintay walaalkiis.

Saameynta dilkiisa

Al-Shabaab waxaa hadda ku socda dagaal ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanna da Hiiraan iyo Galgaduud. Waxaa laga saaray deeg aanno ay sanado badan ka talinayeen.

Cabdisalaam Guuleed oo mar ahaa taliye ku-xigeen ka Hay’adda Sirdoonka Soom aaliya ee NISA ayaa rumaysan in dilka Cabdullaahi Nadiir uu Al-Shabaab ku soo aaday xilli adag.

"Geeridiisa dhabar-jab ayay ku tahay Al-Shaba ab oo hadda wajahaysa culaysyo badan. Mas’uuliy adda uu hayay waxaa ka badan isku xirka iyo dhax taalka uu ahaa iyo kalsoonida uu ku qabay hoggaan ka ururka,” ayuu yiri Cabdisalaam, oo u warr amay BBC.

Waxa uu intaa raaciyay inay geeridiisa xitaa sa babi karto kala qeybsanaan soo dhexgasha Al-Shab aab.

"Markii Al-Shabaab lagu qaaday dagaalkii xoog ganaa ee Muqdisho looga saaray ee madaxda urur ka ay isugu tag een Baraawe, waxaa dhacday inay su’aalo iska weydiiyaan waxa qaldamay, kaddibna Godane ayaa laayay qaar ka tirsan saraakiishii ugu sarreysay ururka. Maa ddaama hadda uu Cabdulla ahi Nadiir ka baxay meesha, waxaa dhici karta arrint aas oo kale, oo xitaa ay ururka gudihiisa isku laaya an cidda beddelaysa.” XIGASHO:BBC

TALISKA CIIDAMADA MAREYKANKA EE AFRICA OO WARSAXAAFADEED SOO SAARAY.

Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ay aa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iy agoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiy aastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed

Muqdisho.Warsaxaafadeedka ay aa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku waxyeeloobay duqeyntaas.

Africom ayaa sheegtay inay iyada iyo xulafade eda ay sii wadi doonaan tallaaba kasta oo looga hor tagayo qorshaha Al-Shabaab iyo weerarada ka dhan ka ah dadka shacabka ah.Waxay intaa ku dartay in Taliska Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tababarka, talada iyo qalabeynta ciidamada uu ka dhaxeeyo iskaashiga, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

WAXAY UGU DARAN TAHAY [SOOMAA LIDU] MARKA IYADU TAARIIKHDEEDA ISKA

XAQIRTO

Saddexda Oktoobar waxay ku beegan tahay daga alkii Muqdisho ku dhexmaray ciidamadii huwanta ee uu horkacayay Marey kanka & xooggagii AUN Janar aal MF Ceydiid, da gaa lkaas wuxuu dhacay 3 Oktoobar 1993.

Dagaalkaasdagaal la mid ah geyiga Soomaa li ya kama aanu dhicin, waxaanna ku geeriyooday kumana an kun oo shicib ah; Sidoo kale waxaa uu jab xoogg an ka soo gaaray ciidamadii Mareykanka oo maalin qu ra dagaalkaasi ku waayay 18 askari.

Dagaalkaasi wuxuu soo dedejiyay in Mareykanku & xulafiidii uu horkacayay dalka isaga huleelaan si weji-gabax ah.

Waxaan fahmi waayay sababta lagaga maagayo in maalinkaas la maamuuso nolosha kumanaankii kun ee ay xaqdarrada ku dileen ciidamdii UNISOM.?

Calal-aqal, waxay aheyd ehelada dadkoodu maalintaasi la xasuuqay in sannad

MARTI GELINAYA CIYAARAHA BARIGA IYO BARTAMAHA AFRIKA.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa Ham balyo u diray xulka 17 jirrada ee dalkeenna oo natiijo ah 1-0 kaga adkaaday xulka Ethiopia oo marti gelinaya ciyaaraha Ba riga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka oo khadka Telefoon ka kula hadlay xulka, maa mulka iyo macalimi inta ayaa ku amaanay guusha ay usoo hooyeen umm adda Soom aaliyeed.

Intii aanay xulku ka dhoofin dalka ayuu wasiirku ca sho sagootin iyo dardaaran isugu jirta oo uu xulka la qa atay kula dardaarmay inay natiijo dadka Soomaal iyeed ka farxisa u keenaan isagoo dhinaca kale ku bar aaru jiyay inay anshaxa iyo kala danbaynta ilaaliyaan maada ama ay yihiin danjirayaal dalkooda matalaya.

XULKA 17-JIRADA SOOMAALIYA OO KA BADIYAY DHIGIISA ITOOBIYA.

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine Ayaa Hambalyo u diray Guud Shacabka Soomaaliyeed, Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo Gudigii Horkacaayay Xulka Qarank eena, Kadib guushii Shalay Aan Ka Gaarnay Dhigeena Itoobiya.

Xulkeena Ayaa 9-ka bishan La Ciyaaraya Xulka Ta nzaania, iyadoo xilkeena aan u rajaynayno ciyaartaas inuu ka soo hoyiyo guul wayn oo ummadda Soomaa liyeed ku farxaan.

Tirada dadka ku dhintay duufaanta ku dhufatay Mareykanka oo korortay

Wararka ka imanaya gobolka Florida ee dalka Ma raykanka ayaa sheegaya in tir ada dadka ku dhintay du ufaanta la magac baxday Ian inay sii kordheen, waxa ana haa tan ay tiradaasi maraysaa ill aa 51 qof. Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, wax aana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla go bo lka Florida.

Deanne Criswell oo ah madaxa hay’adda xaaladaha degdegdegga ah ee Maraykanka ayaa u sheegtay telefishanka CNN, gaar ahaan barnaamijka "State of the Union” in kooxaha samatabixintu inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay u gaadhi lahaayeen guri walba oo ku yaa lla meelaha ay duufaantu waxyeellaysay, si ay u hubiy aan bedqabka bulshada.Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri.Duufaanta Ian oo ka timi dhina ca badda ayaa meelihii ay dhinaca berriga ka soo bila abantay waxaa ugu horreeyey xeebaha ku yaalla dhina ca Koonfur-Galbeed ee gobolka Florida, iyo weliba xeeb aha gacanka Mexico. Hase ahaatee dhimasha da ugu badan ayaa laga diiwaangeliyey degmada Lee, halkaas oo aan ku jirin meelihii markii hore la saadaalinayey in ay duufaantu ku dhufato.

Criswell oo markale la hadashay Fox News Sunday ayaa sheegtay in casharka ugu weyn eel aga baranayo duufaanada ku soo noqnoqday dalka Maraykanku inay tahay, in shacabka Maraykanka ahi inay ogaadaan hali saha jira iyo meelaha ay tahay inay ku noolaadaan iyo sida ay muhiimka u tahay in dadku ay leeyihiin caymis ka fatahaadaha, si aad u ilaalisaan hantida qoyskaaga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maalinimada Isniinta inuu safar ku soo ma ro gobolka Puerto Rico oo ay duufaantu hore ugu dhufa tay bishii hore iyo gobolka Florida, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha soo gaadhay labadan gobol.

Gobolka North Carolina oo ay duufaantu gaadhay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in duufaantu ay ku dishay gob olkiisa illaa 4 qof.

Shirkadda CoreLogic oo khu takhasustay qiimaynta hantida, ayaa sheegay khasaaraha ay dabayluhu soo gaadhsiiyaan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee ku ya alla gobolka Florida, inay shirkadaha caymiska ugu kici doonto lacag gaadhaysa illaa $32 billion oo dollar, halka khasaaraha ka dhasha fatahaaduhuna uu shirkadaha caymiska ugu kacayo illaa $15 billion oo dolar.

VOA + AFP

XABAAL-WADAREEDYO LAGA HELAY LIBYA

Hadda ka hor Libya waxaa laga helay xabaal-wadar eedyo ay ku aasnaayeen meydad

Getty ImagesCopyright: Getty Images

Hadda ka hor Libya waxaa laga helay xa baal-wadareedyo ay ku aasnaayeen me ydadImage caption: Hadda ka hor Libya waxaa laga helay xabaal-wadareedyo ay ku aasnaayeen meydad

Laanta dowladda u qaabilsan xaaladda dadka ma qan ayaa sheegtay in xabaal-wadareedyo ay ku aasan yihiin 42 meydad ah laga helay magaalada xeebta ku taalla ee Sirte.

Lamana aqoonsan meydadka, Waxaana deegaan ka laga helay meydadka ka talin jirtay kooxda la magac baxday dowladda islaamka intii u dhexeeysay 2015 ilaa 2016.

Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii 34 masixiyiin Itoobiyan ah meydadkooda laga helay meel u dhaw magaalada Sirte.

walba marka xilligan la gaaro in ay u baroor-diiqaan

FARANSIISKA OO LAGU EEDEEYAY INUU XAG AL DAACINAYO DAGAALKA UKRAINE

Colaadda Ukraine

XIGASHADA SAWIRKA,ARIS MESSINIS

Haddii Faransiisku uu doonayo inuu Yurub ku hogg aamiyo isku tiirsanaan dhanka milateriga ah, maxaa ke enay inay yaraato kaalmadiisa ku aaddan dagaalka Ukraine?

Waa su’aal ay isweydiinayaan qaar ka tirsan mufakiriinta ugu sarreeya dalkaas, kuwaas oo ku cadaadin aya Madaxweyne Emmanuel Mac ron inuu qaato go’aan degdeg ah oo uu hub dheeraad ah ugu dirayo Kyiv.

Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa muujinaysa in Faransiiska uu wax ka yar 2% ku leeyahay hubka dib edda uga imanaya Ukraine, halka Maraykanka uu dalk aas ku caawiyay 49% hubka dibedda uga yimaada.

"Waxaan ka walaacay sida ay sax u tahay xogta mu ujinaysa in Faransiiska uu kaalin hoose uga jiro dalalka kaalmada u fidiyay Ukraine, balse markii aan tegay Poland si aan u eego xaddiga hubka halkaa gaaray, wa xaa ii caddaatay in Faransiiska uu ku jiro kaalinta 9-aad,” ayuu yiri François Heisbourg oo lagu tilmaamo in uu yahay khabiirka gaashaandhigga ee ugu galaangal ka badan Faransiiska.

Xukuumadda Paris ayaa ku doodaysa in inkastoo xaddiga hubka ay siiso Ukraine uu kooban yahay, hadd ana ay jiraan qaabab kale oo ay dalkaas ku caawiso.

Mas’uuliyiinta gaashaandhigga ayaa sheegay in kaalm ada milateri ee waxtarka leh ay tahay in lagu cabbiro ta yada oo aan la eegin tirada. Waxa ay tilmaameen in dal alka qaar ay Ukraine siiyeen qalab xilli hore la sameey ay, halka Faransiisku uu dalkaas geeyay 18 madaafi icda goobta ah ee loo yaqaan Caesar, kuwaas oo guulo la taaban karo ka soo hoyay furimaha dagaalka.

Hubkaas uu Faransiiska siiyay Ukraine ayaa u dhigma 25% guud ahaan tirada uu ka haysto noocaas, haddii uu intaa ka badan bixiyana waxa ay caqabad ku tahay howlgallada kale ee uu ka wado gobollada Saaxil iyo Indo-Pacific.

"Waxay u muuqan kartaa in aan ka dambeyno dalal ka kale, balse Faransiiska waxaa ka go’an inuu dowrkii sa qaato,” ayuu yiri Jeneraal Jérome Pellistrandi oo ah tifaftiraha wargeyska Difaaca Qaranka.

Heisbourg ayaa tilmaamay in dooddaas ay tahay mid loo qaateen ah, balse caqabaddu ay tahay in haddii Faransiisku uu ka muuqan waayo gudaha Ukraine, ay taasi horseedi doonto in uusan go’aan ku yeelan arrim aha muhiimka ah.

Doodda Heisbourg ayaa ah in Ukraine ay codsi u dir sato dalalka siin kara hubka ay u baahan tahay, Farans iiskuna aanu hadda ka mid ahayn dalalkaas.

Faransiiska iyo Ukraine

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Wasiirka arrimaha dibedda Farans iiska Catherine Colonna iyo Madax weynaha Ukraine, Zelensky

Tuhunka Bariga Yurub

Durbadiiba dalal badan oo ku yaalla Bariga Yurub ayaa walaac ka muujiyay hab-dhaqanka Madaxweyne Macron, oo ay rumaysan yihiin inuu bilihii hore ee dagaalka u janjeeray dhanka hoggaamiyaha Ru ushka, Vladimir Putin. Waxaa baahay feker ah in Far ansiisku uu weli rumaysan yahay in Ukraine aanay guul ka gaari karin dagaalka.

Dr Pierre Haroche oo ah bare amniga caalamka ka dhiga jaamacadda Queen Mary ee London ayaa tilmaa may in fekerkaas uu yahay mid aan sax ahayn, isla mar kaana aan lagu saleyn karin sababta keentay in hub tiro yar uu Faransiisku siiyay Ukraine.

Hase yeeshee, waxa uu rumaysan yahay in Faransi iska looga baahan yahay inuu sida ugu dhaqsaha ba dan sare u qaado hubka uu siiyo Ukraine, si ay dowrki isa u aaminaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub ee uu ku jiro Poland.

"Si aan uga shaqeysiino yoolka Yurub ee ku aaddan iskaashiga, waxaan u baahannahay in aan u muujino dalalka Bariga Yurub in la shaqeynta Faransiiska ay tah ay mid muhiim ah oo aan khatar ku keeni doonin,” ayuu yiri Dr Haroche.

Wuxuu kula taliyay Faransiiska inuu dagaalka Ukrai ne u diro 50 taanki oo ah nooca Leclerc, halka Heisbou rg uu doorbidayo hannaanka difaaca hawada oo uu sheegay in Ukraine ay baahi weyn u qabto.

Xidigta caanka ah ee Kim Kardhashian oo lagu ganaaxay lacag dhan $1.26 milyan

Kim Kardhashian ayaa ogolaatay inay bixiso lacag ga naax ah oo dhan $1.26 million, kaddib markii ay xay ees iisay lacagta digitaalka ah ee loo yaqaan cry ptocu rrency.Guddiga amaanka iyo arrimaha sarifka Mareyk anka, ayaa sheegay in Kardashian ay qa adatay lacag gaareysa $250,000 kaddib marki ay sameysay xayeeysiintaasi,iya da oo aan daaha ka qaadin lacagtaas la siiyay.

Xiddigtan ayaa sidookale sheegtay inaanay same yn doonin xayeeysiin taa lamid ah.

Liibiya Laanta dowladda u qaabilsan xaaladda dad ka maqan oo sheegtay in xabaal-wadareedyo

Laanta dowladda u qaabilsan xaaladda dadka ma qan ayaa sheegtay in xabaal-wadareedyo ay ku aasan yihiin 42 meydad ah laga helay ma gaalada xeebta ku taalla ee Sirte.

Lamana aqoonsan meydadka, Wa xaana deegaanka laga helay mey dadka ka talin jirtay kooxda la ma gac baxday dowladda islaamka intii u dhexeeysay 2015 ilaa 2016.

Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii 34 masixiyiin It oobiyan ah meydadkooda laga helay meel u dhaw ma gaalada Sirte.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip