Dagaalkaas dagaal la mid ah geyiga Soomaaliya kama aanu dhicin, waxaanna ku geeriyooday kumanaan kun oo shicib ah; Sidoo kale waxaa uu jab xooggan ka soo gaaray ciidamadii Mareykanka oo maalin qura dagaalkaasi ku waayay 18 askari.

Dagaalkaasi wuxuu soo dedejiyay in Mareykanku & xulafiidii uu horkacayay dalka isaga huleelaan si weji-gabax ah.

Waxaan fahmi waayay sababta lagaga maagayo in maalinkaas la maamuuso nolosha kumanaankii kun ee ay xaqdarrada ku dileen ciidamdii UNISOM.?

Calal-aqal, waxay aheyd ehelada dadkoodu maalintaasi la xasuuqay in sannad walba marka xilligan la gaaro in ay u baroor-diiqaan.