Wiilka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn lagu dilay

0
Monday October 03, 2022 - 08:37:34 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn lagu dilay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sida ay sheegtay in ay  xog ku heshay Caasimada Online waxaa la dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaadka u xiran dowladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, taas oo faahfaahin badan aan laga helin.

Ehelka Ibraahim ayaa noo sheegay in wiilkaan uu gobolka Shabeellada Hoose kulahaa Beer, sidoo kale wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho.

Kol sii horeysay ayuu Dr. Ibraahim ka qalin jebiyey jaamacadda Muqdisho, xiligaas waxaa xafladiisa qalin jebinta ka qeyb galay Aabihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dowladda Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ibraahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Shabaab iyo in kale, balse waxay xogtaani xaqiijineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa.

Aabihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar kamid ahaa raga ugu saameynta badan Al-Shabaab ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, isagoo in ka badan todoba sano xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.

Wiilka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn lagu dilay - Caasimada Online


XIGASHO:-CAASIMADDA,NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip