Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani'aadanimo ee Tigray.

0
Sunday October 02, 2022 - 14:51:02 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo ka dayriyey xaaladda bani'aadanimo ee Tigray.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

"Kadib dhamaadkii dagaalka, xaaladda bini’aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya, waa ay ka sii daraysaa, Midowga Yurub ayaa ka walaacsan arrintaasi,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tobanaan kun oo qof, ayaa mar kale ka barakacay dagaalada soo cusboonaaday, waxaana la sheegay in burbur xoogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka deegaanka.

Ururku ayaa wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u liidata, ayna kasii dari doonto dhibaatada, haddaan degdeg wax loogga qaban.

Dib u soo cusboonaanshaha dagaalka, ayaa si weyn u hor istaagay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo waqooyiga Itoobiya, ururka Midowga Yurub, ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa wali gabi ahaanba go’an jidadkii la marin lahaa sahayda iyo agabka aasaasiga u ah nolosha, shidaalka iyo dhaqaalihii la gaarsiin lahaa Tigrayga, iyadoo sidoo kale dhibaatadan lagu arkayo deegaanada Axmaarada iyo Canfarta oo uu dagaalku ku fiday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip