HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH 28KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Wednesday September 28, 2022 - 08:22:17 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH 28KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Aadan Madoobe oo daahfuray Shirka Xuquuqul Insaanka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarla maanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Shalay Magaalada Mu qdisho daahfuray Barnaamijka Mideysan ee Xu quuqul Insaanka Somaliya, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka ee XFS.

Gudoomiyaha Golaha Shacab ka ayaa haweenka Soomaaliyeed ku boggaadiyay doorka lama ilaa baanka ah, ee ay kaga jiraan Ilaalinta xuquuq da aadanaha, isagoona xusay in Golaha Shac abku ilaalin doono xuquuqda aadanaha.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in Guddigga Xu quuqul Insaanka ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan dardargelinta iyo ilaalinta dadka ku nool dhulka jamhuuriyadda.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa sheegtay in D FS ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii haweenka Soomaaliyeed ay doorkooda uga qayb qaadan lahaayeen ilaalinta xuquuqda aadanaha.

DF oo shaacisay ciqaabta ganacsadihii lac ag siiya Al-Shabaab, soona saartay

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha canshuurta ah siisa Al-Shabaab, sidoo kale wa xay dowladdu cadeysay in ganacsadihii lagu qa bto arrintaas loola dhaqmi doono sidii nin Sha baab ah. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ah aa barnaamij ka baxay TV-ga Universal ayaa sheegay in dowladdu ay meel mari doonto sharci xadid aya maalgelinta argagixisada, si meesha looga saaro canshuurta ay qaado kooxda Al-Shab aab.

"Suurta gal maahan in nin Al-Shabaab uu dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada canshuuro oo magaalada uu xafiis ku lahaado, anaguna aan duurka ku eryano mid aan waxaba kala og eyn,” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Waxaan ogaa doonaa akoonada lagu shubo lacagta, qofkii la gu helo dembigaas, noogama duwana Cali Dhe ere, suurta galna maahan in masaajidka aad no oga horeysaan, lacagaha aad bixisaana dad ke ena lagu laayo.”

Mar la weydiiyey qorshaha uga degan dowl adda ammaanka ganacsatada hadii ay diidaan canshuurta ayuu sheegay in Al-Shabaab ay yih iin cadow ku sii koraya Soomaaliya, balse hadii laga jaro dhaqaalaha ay suurta geli doonto in mudo kooban lagu soo afjari karo kooxda.

"Adigu qoriga ii hay, i dil, taleefan iigu ha njab, dhaqaalahaaga aan dadka ku laayo, wax la sii fiirsa karo maaha, waxay u baahan tahay faro gelin dowladeed, waana in la joojiyaa, ta as waxay naga saamixi doontaa, in kooxdu ay weyso waxay qaraxa ku iibsato,” ayuu yiri Was iir Fiqi. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay masuuliyad iska saari doonto ammaanka ganacsatada, "Taas qorsheeha kow ayey ka tahay, laakiin ganacsade jooji dhaqaa laha aad bixineyso, lama fiirsa karo in Shabaab lagu maal geliyo ‘lafaheygaan la cabsanayaa’ wax la aqbali karo maaha,” ayuu yiri. Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan amn iga looga hadlayay la yeeshay taliyaha guud ee ciimadda ATMIS

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir sha beelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha gu ud ee Ciidamada ATMIS ayaa yeeshay Kulan looga hadlay arr imaha amniga, howlgalada la gu baacsanayo argagixisada iyo si da la isaga kaashan lahaa xooj inta howlgalada argagixisa da alshabaab looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Taliska ATMIS in door muuqda ay ku yeeshaan howl galada alshabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle waxa uuna intaa raaciyay in hada wixii ka dambeeyo loo wada ist aago ciribtirka argagixisada cadowga ah.

Gudoomiye Jeyte oo la wareegay deeq lacageed

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Shalay Degmada Buulo Burde kula wareegay deeq lacageed oo cadadkeedu dhan yahay labaatan kun oo dollar ($20,000).

Deeqdan lacageed ayaa ka timid Gudoom iye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cali Shacbaan Ibraahim, oo deegaan doorashadiisu tahay Hi rshabelle.

Gudoomiyaha G/Hiiraan ayaa u mahad cel iyay Gudoomiye Kux igeenka 1aad ee Aqalka Sare, isagoo na xusay in qof kasta oo xab ad sharoota ah ku dee qa ay Shalay u mahad celin ayaan. Gudoomiyaha ayaa til maam ay in cid kasta oo dooneysa inay ka qayb qaa dato hawlgalada ka dhanka ah maleeshiya da Al Shabaab, ay soo dhaweynayaan deeq kasta oo itaalkeeda ah.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in lacagtani loo isticmaali doono taakuleynta ciidamada iyo sidii loogu biirin lahaa dadaalada hawlgalada socda.

Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Cana da, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda du ulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Mal aysia , Dr Wee Ka Siong.

Wada-hadalka gaarka ah ay aa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaay een adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soom aaliya, Axmed Macallin Xasan.

"Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay ayay tiri" Wasiir Fardowsa.

Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malay sia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsama da iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’ adda Duulista Rayidka Soomaaliya. Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudna an u siinay aan iskaashiga Soomaaliya ee dhin acyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Ha y’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardo wso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiir rada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dega ano horleh lagala wareegay Al-Shabaab

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaali ya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhe xe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaro hawlgallada ay iska kaashanayaan dawl adda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

D/Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hii raan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xore eyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaasha deen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaa ndoosta ah, ee ay tababartay dawladda Mara ykanku.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay Al-Shabaab ku jebiyaan bartamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaaray hawlgalladii ka dha cay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku ya alla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Gal gaduud in lagu xoreeyay wax ka yar muddo sa ddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tah ay shaqo aad u wacan oo la qabtay.

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay xuska maalinta Dalxiiska Adduunka

Xaflad lagu maamuusayay maalinta caalami ga ah ee Dalxiiska oo ay ka qeyb galeen Wasiir ka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Md.Daud Aweis Jaamac, Wasiirada Warfaafin ta dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo marti sharaf ayaa Shalay lagu qabtay M/ Muqd isho.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa lagu soo ban dhigay goobaha ku haboon dalxiiska ee gobalada dalka.

Wasiirka WWDH & dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaaamac oo ka hadlay Munaasabadda maalinta dalxiiiska aduunka oo Wasaarad da xuseyso ayaa yiri Sooma aliya waa dal u diyaar san dalx iiska waxa ayna leedahay goobo qurux badan oo isugu jira bad iyo barri labadaba, wasaara dda warfaainta dha qanka iyo dalxiiskana waxa ay ka shaqeyney saa in dalka ay yimaadaan dalxiisayaal caalami ah”

"Dalkeeno waxa uu baahan yahay in la dhiso goobaha indhaha u ah dalkeena waana in anna ga aan bilownaa dalxiiska soona bandhigno qur uxda dalkeena” DG & G/Banaadir ayaa dhii ra galiyay xuska Maalinta iyo dedaalka was aara dda Warfaafinta, ee dib u soo nooleynta da lxi iska, waxaana ugu dambeyn munaasabadda la gu dhiiragaliyay dadka ka shaqeeyo horumari

nta dalxiiska Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha xoog ga oo faah faahiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Gaas haandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduq aadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Cii damada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuu suf Raage oo gaaray degaano katirsan Bariga G/Galgaduud ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Go bolada dalka, kuwaas oo degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.

asiirka Gaashaandhigga waxaa uu sheegay in dad ka Soomaaliyeed ay mar kii hore ogolaaden inay ku dul noolaadaan dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, balse hadda ay u dul qaadan waayeen lana dagaalamayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan la jo ogo waqtigii Al-Shabaab guud ahaan dalka la ga saari lahaa, isaga oo u mahad celiyay Ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya & kuwa deg aanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in Alle mahadi is tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garaaws adeen inaan lasii fiirsan karin Al-Shabaab ayna go’aansadeen inay la dagaallamaan si shart oo da looga nabad galo, loona helo nabad iyo xasi looni waarta.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu hadalkiisa uu int aasi kudaray in Al-Shabaab sanado badan da gaalo lagula jiray, balse dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu gaaray jab xoogan, isaga oo sheegay in DF,D/goboleedyad & Bulshada Soo maaliyeed ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab.

DF OO WAR CUSUB KA SOO SAARTAY GO ORTA LASOO CELINAYO ASKARTA KU MA QAN ERITREA

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay qor shaha dowladda ee dhalinyarada tababarka loo gu qaaday dalka Eritrea, isaga oo shaaciyey in dalka dib loogu soo celinayo.

Fiqi ayaa sheegay in ciidamadaasi oo ga araya 5,000 oo askari dalka lagu soo celin ayo inta uu socdo ho wlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billowday gobollada gaar ah aan Hiiraan, Galgaduud, Shabeelooyinka, Ba ay & Bakool si ay uga qayb qaataan xoreynta dalka.

"Ciidamadda lagu tababaray Eritrea waxa ay soo laaban doonan inta uu socdo howlgala da haatan dalka oo dhan ka socda’’ ayuu wasiir Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdu ay diyaarin doonto meelihii la dajin lahaa aska rtaasi iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

"Diyaarintooda waa ay socota, Ciidamada waa kuwo aad utiro badan oo u baahan in loo diyaariyo goobihii la dijin lahaa iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, Wasaaradda Gaashaan dhigga ayaa xog badan ka haysa, laakiin waxa aan ogahay in Ciidamadaasi ay dib uga soo noqonayanaan dalka’’ ayuu mar kale yiri was irka arrimaha gudaha Soomaaliya. Horey mada xweynaha Soomaaliya ayaa 10-kii bishii July ee sanadkan 2022-ka ku booqday ciidamadaan xeryahaha ay ku tababaranayaan ee dalka Eri trea, ayadoo in muddo ah la la’aa wacaalkoo da, taas oo ay walaac iyo shaki xo ogan ku abu urtay walidiinta carruurtaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haa tan wada qorshe ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana billowday kacdoon weyn oo Al-Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.

Aadan Barre oo wasiir sare loo magacaabay iyo Ruto oo shaaciyey golaha wasiirada

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Shalay ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo Soomaali ah ay aa loo magacaabay wa siirka gaashaan dhi gga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wa siirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warb aahin ta Kenya.

Aadan Barre ayaa ka mid ah xubnaha aad ka ugu dhow madaxweyne Ruto, wuxuuna si xo oggan ugala shaqeeyay ololihiisa doorashada ee guusha ku dhammaaday 9-kii August markii ay dhacday doorashada madaxweynaha.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacs iga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noq onaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale ma gacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hog gaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha 1aad ee Golaha Wasiirrada.

Mr Mudavadi ayaa noqonaya sarkaalka ugu sarreeya xukuumadda kadib madaxweyne Wi lliam Ruto iyo madaxweyne ku-xigeenka Rig athi Gachagua.

Xubnaha kale ee dowladda ayaa waxaa ku ji ra wasiirka warfaafinta oo loo magacaabay El iud Owalo, Ezekiel Machogu oo loo magacaab ay wasiirka waxbarashada, wasiirka beeraha iyo xoolaha oo laga dhigay Mithika Linturi iyo Davis Chirchir oo noqonaya wasiirka tamarta.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaan ku ji rin qof kale oo Soomaali ah marka laga reebo Aadan Ducaale, mana caddaa xubno kale ay dhiman yihiin, ama wasiir ku-xigeenada lagu soo dari doono.

Dhallinyaro kasoo baxsatay magafaha Libya oo Shalay soo gaaray Muqdisho

9 ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa Shalay laga soo dejiyay garoon ka diyaaradah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada ayaa wa xaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan DFS, oo ay kamid tahay Ergeyga Gaarka ah ee Xuqu uqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yu usuf.

Soo celinta dhallinyaradaan oo Liibiya ku xa yirnaa sannado badan oo Magafe ka soo bax saday ayaa waxa gacan weyn ka geystay Xafii ska Ergeyga Gaarka ah, kadib markii ay yimaadeen Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan. Amb. Maryan oo dadaalkaan soo wadday illaa 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan ayaa wax ay uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaalka ay galiyeen bad baadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii dam be ku hawlaneyd sidii muwaadiniinta Somaaliy eed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan ee ku xayiran ay dib ugu soo celin laheyd dalka.

ATMIS: Ciidanka Soomaaliya waxay hadda awood u leeyihiin in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga ee dalkooda

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalab ka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay ciidamada Sooma aliya inay soo bandhigeen awoodooda weerar, taasoo u suuro galisay in ay gacanta ku dhigaan deeganno ee in ka bad an 10 sano gacanta ugu jiray kooxda Alshab aab.

ATMIS waxay sheegeen in howlgallada cii dan ee socda ay caddeyn u yihiin in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay horseed u noqdaan howlgallada ka dhanka ah Alshaba ab ayna la wareegi karaan mas’uuliyadda amn iga dalkooda.

"ATMIS waxay ku adkaysanaysaa in ciidan Soomaaliyeed oo si xirfadaysan u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay runtii yihiin ku wo wax ka bedela dagaalka ka dhanka ah arg agixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay ATMIS. Dhammaadka 2024, ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalka, iyadoo lasoo afjarayo howlgalka na bad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan haysata ciidamo aad u tababaran oo la carbinayay shan tii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale illaa shan kun iyo dheeraad askari ayaa haatan Eritrea la gu tababaray, kuwaas oo aan weli dalka la gusoo celin.

Faarax Macalin oo weeraray saaxiibkiis Far maajo "Wuxuu ahaa fulay la diriri waay ey Shabaab”

Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baa rlamaanka Kenya oo saaxiib dhow la ahaa Mad axweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabd ullahi Farmaajo ayaa dhaliilay markii ugu horey say, isagoo ku tilmaamay ‘fulay ku dhiira waayey in dalka uu ka xore eyo Al-Shabaab.

Faarax Macalin ayaa she egay in Farmaajo uu dhowr jeer kala hadlay dagaalka Al-Shabaab, balse uu noqday nin aan go’aan la heyn oo u hoggaansamay rabitaanka reer Gal beedka.

"Farmaajo wuxuu tilaab ugu qaadi waayey Al-Shabaab, wax ogolaansho ah ayuu ka wa ayey Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaa la yiri ha daa la dagaashaan waxay ku cararayaan guda ha Kenya, waxaa la go’aansaday in sidaas ay Soomaaliya u dhex joogaan,” ayuu yiri Faarax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisii Kheyre ay is qiyaameen, "Kheyre wuxuu xiriir la lahaa Axmed Madoobe, waxayna is tuseen hadii Bu’aale la xoreeyo in Axmed uu meesha ka baxayo, marka waa is qiyaamayeen Farmaajo iyo Kheyre,” ayuu had alkiisa ku sii daray Faarax Macalin.

Wuxuu sheegay in waayahaas ka Faarax ahaan uu aad u doonayey in meesha laga sa aro Axmed Madoobe, Al-Shabaab-na lala diriro, balse Farmaajo uu qaada waayey wax go’aan ah oo geesinimo ku jirto.

"Farmaajo wuxuu ahaa ‘fulay wadani ah’ tu ug maaheyn, dalku inuu guuleystana waa ra bay, laakiin calool adeygii ayaa ka maqnaa, si tartiib ah ayuu rabay inuu ku gaaro xalka Soo maalida, taasna macquul ma noqon,” ayuu yiri Faarax Macalin.

Mar la weydiiyey sababta uu uga aamusi jir ay qaladaada dowladii Farmaajo ayuu sheegay in markii la laayey askartii Cabdiraxmaan Cabdi shakuur iyo markii la dhiibay Qalbidhagax, uu si cad u sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay mee shii ugu sareysay ka bilaabeen khaa’inimo tii u gu xumeed.

Mar uu tilmaamay dhibaatooyinkii heystay Farmaajo wuxuu sheegay inuu ahaa nin ka cab sada in shacabkiisa uu la hadlo, "Xitaa hadaa qalad gashay waa inaad dadka la hadasho oo sidii ay wax u dhaceen u sheegto, wixii la qal day aad saxdo, dadkii qaldana aad tallaabo ka qaado, dadku markaas waa kaa qancayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Faarax Macalin oo wareys igaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Farmaajo aad loo qiyaamayey, sidoo kalena isa goo niyad fiican uu ahaa fulay ay dhibeysay in uu shacabka Soomaaliyeed toos ula hadlo.

"Dhagar miiran waaye siyaasadda Soomaali ya, dad badan oo Farmaajo uu aaminay ayaa dhagray, nin eed la’aan ah iima muuqdo, laak iin eedaha ayaa kala weynaa, balse waxaa mu hiim ah in qaranimada iyo qabka Soomaalida la dhowro oo kor loo qaado,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka dal ka Kenya.

Gud: Golaha Wakiilada Somaliland oo ka ja waabay xeerarkii guurtidu kuso celisay 

G/G/akiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Ax med ayaa guddoomiyaha guurtida ugu baaqay inuu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiye en hor dhigo golaha guurtida.

War qoraal ah oo uu guddoo miye Khaliif soo saaray ayuu ku sheegay in soo celinta xeerarka doorashooyinka ee golaha guur tidu ay dib ugu soo celiyeen wakiiladu, anay ah ayn mid leh as aas sharci.

"Qoraalka soo celinta ah ee aad golaha wak iilada usoo gudbisay ma laha asaas sharci oo waafaqsan xeer hoosaadka golaha guurtida, waxaana waajib ku ah gole waynaha guurtida inay ka gutaan waajibaad kooda dastuuriga ah" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan usoo jeediyay in uu ixtiraamo dastuurka isla markaa na uu xeerarkan wax ka badalka lagu sameey ay uu hor dhigo gole waynaha guurtida si ay cod ugu qaadaan.

"Md. guddoomiye waxan kusoo jeedinayaa adiga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeer hoos aadka golaha guurtida, in xeerarkan golaha wa kiiladu wax ka badalka iyo kaabista ku sameey ay aad hor dhigto gole waynaha si ay waajib ko oda dastuuriga ah uga gutaan" ayuu yidhi Khal iif.

Shirguddoonka golaha guurtida ayaa Isniintii golaha wakiilada dib ugu soo celiyay xeerarka kala ah, Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Som aliland Xeer Lr 91/2022 iyo Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Axsaabta Siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha wakiiladu wax ka bad al iyo kaabis ku sameeyay ayaa la filayay in gu urtidu ay cod ku aqbasho ama ku diido lakiin Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in xildhi baano ka badan kuwii xeerka meel mariyay ay dacwad usoo gudbiyeen sidaana uu dib ugu ce liyay.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo bixiyey XOG ku saabsan hubka Macawiisleyda

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tir san Mudanayaasha Golaha Shacabka oo haa tan ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa bixiy ey xog ku aadan hubka maleeshiyaadka Mac awiisleyda ee dagaalka kula jira Al- Shabaab.

Xildhibaanka ayaa marka hore genafka ku dhuftay wararka lagu baahiyey baraha bushada ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay hubin eyso beel gaar ah oo degta Hiiraan.

Cabdimaalik ayaa shaa ca ka qaaday in wararka as ay yihiin kuwa baraba gando ah, wuxuuna tilma amay in Macawiisley da ay yihiin ciidan beeleed u taagan la dagaal anka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihin gobol ka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubka ay hey staan ay si gaar ah ayagu leeyihiin, isla-markaa na aysan jirin saanad ay ka heleen dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

"Aniga ma arag meel dowladda hub ku siis ay ciidanka Macawiisleeyda ee ku sugan gobol ka Hiiraan, hubka ay wataana waa hub ay aya ga leeyihiin dowladna ma hubeyn inta aad ark eysan iyo boqol jibaarkeeda ayay leeyihiin oo tuulo iyo degma kasta waxaa u yaalo hub far abadan oo waxay rabaan iney iska dulqadaan Al-shabaab, buuq iyo barabagando Al-shabaab ayaa noogu filan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdim aalik Cabdala oo ku sugan Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, una istaagaan duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeey lagu eedeynayey DFS in ay hubeyneyso mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, hal kaas oo uu haatan ka socdo abaabul iyo daga al ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalkii xoreynta Ceelbuur oo fashilmay iyo ciidankii oo ku laabtay Dhuusamareeb

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa fa shilmay howlgalkii lagu xoreyn lahaa degma da Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib mar kii khilaaf culus uu Shalay ka dhashay hanaan ka loo weeraro degaanka Ceel-lahelay oo dha ca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Ceel buur.

Dhamaan ciidankii duulaanka qaaday ee ma almihii lasoo dhaafay ka gudbay deegaan ada Sinadhaqo iyo Laba-dulle oo gelinkii hore ee Shalay Al-Shabaab ku hareereeyey degaan ka Ceel-lahelay ayaa Shalay ku laabtay Dhuu samareeb.

Sababta uu howlgalkaas u fashilmay waa khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ciidanka hoggaa mineysa oo kala ah, Taliyaha ciidanka xoo gga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf iyo Xildhib aan Yuusuf Dhegey Ugaas oo ka soo jeeda Ce elbuur. Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay inuu soo jeediyey in Al-Shabaab lagu duqeeyo dega anka Ceel-lahelay, kadib markii diyaarad aha dagaalka ee Mareykanka oo qeyb ka ah howlg alka ay arkeen goob ku taalla gudaha deegaan ka, oo xubno badan oo Shabaab ah ay difaac uga jiraan.

Hase yeeshee Xildhibaan Dhegey Ugaas ay aa diiday in la duqeeyo magaalada, isagoo taas bedelkeed soo jeediyey in toos loo weeraro ko oxda, si loo yareeyo khatarta soo gaari karta shacabka oo Al-Shabaab ay u diideen inay qax aan oo isaga cararaan deegaanka.

Intaas kadib waxaa la sheegay in Jeneraal Odawaa uu amray ciidamada xoogga dalka oo lahaa cududa ugu weyn ee howlgalka inay dib ugu laabtaan Dhuusamareeb, halkaas oo Xalay ay isugu tageen, dhamaan ciidankii la qorsheey ey inay xoreeyaan inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Wararka aan heleyno waxay intaas daraya an in Shalay ciidanka dhex loo galay oo Al-Sha baab ay ku qarxiyeen meel u dhow degaanka Laba-dulle, waxaana Xalay Dhuusamareeb la gaarsiiyey dhaawacyada askar aan la shaacin tiradooda.

Gaadiid dagaal oo todobaadkii hore Muqdi sho laga diray, safar dhulka ahna ku tegay Dhu usamareeb iyo hub iyo gaadiid kale oo diyaar ado looga soo qaaday Muqdisho ayey wataan ciidanka dib uga soo laabtay howlgalkii xoreyn ta Ceelbuur iyo deegaano badan oo dhaca bar iga gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab ay ku

xoogan yihiin. Xigasho:caasimadda.net

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo sii xooggan loogu soo dhaw eeyey Garowe

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo dalka dib ugu soo la abtay ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey M/ Garowe ee caadimadda Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweyne kuxigeenka wax aa ka qeyb galay Goleyaasha dowladda, Maa mulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

"Illaahay baa mahad leh igu soo celiyey dalkii oo nabad ah, waxaan Alle Su bxaanahu Watacaalaa ka rajaynaynaa inuu Ra xmad Khayr leh inoo shubo oo inaga dulqaa do Abaarta saamaysay dadkii iyo duunyadiiba, ani ga oo la socday in meelo kamid dalka Roob ku ka da’ay” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntl and oo Shalay si weyn loogu soo dhoweeyey Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maalmihii la soo dhaafay safar gaar ah ugu maqnaa dal ka dibediisa.

Wasaaradda Kalluumeysiga oo soo gudbi say bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraad ka Badda DFS, waxay halkan ku soo gudbinay saa bayaan ku saabsan ilaalinta kheyraadka nool ee badaheenna ku jira.

Wasaaradda oo ka masuul ah khayraadka badaha ayaa digniin u diraysa cid walba oo si sharci-daro ah uga Kalluu mpeysata badaheenna, waxa ana ay soo saartay qodobada soo socda.

Sida uu qabo Dastuurka KMG Qodobkiisa 44a ad iyo heshiiskii Baydhaba ee 02 Febraayo 20 18 iyo heshiiskii Addis Ababa 22 Maarso 2019. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa si dii dowladda Federaalka iyo dowladaha xubna ha ka ah u wadaagi lahaayeen wax-soo saarka Kheyraadka Kalluunka.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga So omaaliyeed Lr.23, 1985 Qodobkiisa 4aad. Wa saar adda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DFS waxay u taagan tahay sidii loo hormarin la haa kheyraadka nool ee badaheenna ku jira, iyo sidii umadda Soomaaliyeed ay uga faa’iidey san lahayd.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985 Qod.6aad, Faq.1aad. Wasaaraddu Wax ay dhiirigalinaysaa Kalluumeysata sidii kor loo gu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa xirfa da hooda iyo qalabkooda kalluumeysi, lana kor dhi yo suuq-gayntiisa gudaha iyo dibaddaba.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr. 23, 1985 Qodobkiisa 12aad, Faq.5aad. Wasa arad da Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda w axay ilaalinaysaa Kheyraadka Nool ee Badahe ena ku jira, inaan lagu qaadan si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerka Kalluumeysiga dal ka. Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga So omaaliyeed Lr.23,1985. Qodobka 3aad. Wasa aradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xoojinaysaa oo dhiirigalinaysaa Kalluum eysa tada Shisheeye inay ka Kal luumeystaan Badde ena si waafaqsan Xeerka Kalluumeysi ga, xeer arka Caalamiga ah ee la isku raacsan yahay, iyo heshiisyadii Baydhabo 02 Febraayo 2018 iyo Addis Ababa 22 Maarso 2019.

Sida uu qabo Sharciga Kalluumeysiga Lr.23 1985, Qodobkiisa 7aad.Faq.3aad. Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda waxay xo ojinaysaa xiriirka iyo wada shaqeynta Dowlad Goboleed-yada, si uu mira dhal u noqdo

Howlgallada Gedo oo guulo laga gaaray xilli Al-Shabaab aysan iska caabin sameyn

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada de egaanada ka baxsan Degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoona yoolku yahay in la isu furo wad ooyinka degmooyinka iyo deegaanada.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dal ka ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay ha wlg alada ka bilowday gobol kaasi.

"Gobolada Koonfurta So maliya waxaa ka socon aya hawlgalo isugu jira kacdoon shacab iyo dib-u-xoreyntii Ciidamada Qalabka Sida. Gob olka Gedo markaan u soo dhaadhaco 7aadkii la soo dhaafay iyo midkanba hawlgalo baan ku jirnay, kuwaa oo ka socda deegaanada ku dhow dhow Degmooyinka Baardheere, Buur dhuubo, Garbahaarey, Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Ciidamadii Shalay ka baxay Garbaha arey iyo kuwii kale ee ka yimid Beled Xaawo waxay isugu taggeen aagga Cara-case. Degma da Ceelwaaq oo ugu dambeysay Shalay ayay hawlgaladu ka bilowdeen, sidaasi ayayna haw lgaladu u soconayaan,” ayuu yiri Korneyl Aad an Axmed Xirsi.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta gudaha ay uu sheegay illaa iyo hadda inaanay ciidamo wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al-Shabaab, isagoona tani u sababeeyay Sha baabka oo aan gobolka ka joogin goob loogu hagaago amaba lagu weerari karo.

"Illaa iyo hadda ciidamadu wax iska caabin ah lama aysan kulmin, nimanku rug ay degan yihi in oo lagu weeraro ma jirtee, meeshii ayaga nin ka mid ahba lagu sheego ciidan baa loo dira yaa. Hawlgalada hadda gobolka ka socdana waa mid wadooyinka la isugu furayo. Insha’Al lah waxaan sida ugu dhakhsiyaha badan rajeyn aynaa in wadooyinka la isugu kala gudbo, dha mmaan dhulkeenuna uu cadowgu ka dham aado,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri "Waxaad ogtihiin in tod dobada degmo ee gobolku ka kooban yahay ay xor yihiin oo Ciidamada Dowladda ayaa gacan ta ku hayo. Nimanka meelo ay ka ugaarsada an baa jiro oo duurka ah, deegaanada hawdka baana laga xoreynayaa, hadafkuna waa waddo furid weeye.”

Aadan Rufle ayaa yiri "Waxa aan la dagaal amayno waa argagixiso caalamiya, aalad qarax dana isticmaalo, ummadana lagu dhex beeray oo shacabka ayay ku dhex dhuumana yeen, wa xaase marxalad is bedel ah in sha cabka Soo maaliyeed ay kaceen, nimankaasina ay ka hory imaadeen. Waxaanu rajeynaynaa shacabka So omaaliyeed oo kacay, shacab kacay muraadkii mowluhu ma diidee in looga faa’iideysto la dag aalanka cadowga.” Korneyl Rufle ayaa xusay inay soo dhaweyn doonaan xubnaha Shabaab ka ee garta inay isa soo dhiibaan, kuwa kale ee ka dhega adeeg ana uu halaag u dambayn do ono. "Waxaan rajeynaynaa nimanka cadowga ah wixii garta inay isa soo dhiibaan, si dadka looga badbaadiyo, wixii halaag u qoran yahay na in la soo afjaraa rajeynaynaa,” ayuu yiri Rufle.

Masar oo qaaday tallaabo la xiriirta howlgall ada ka socda HIIRAAN iyo GALGADUUD

Dowladda Masar ayaa taageero weyn u mu ujisay dowlada Soomaaliya, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay maga alada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Masar ayaa gargaar caafimaad u fidisay qaar ka mid ah dhaawac yada askartii ku waxy eelo wday howlgall ada ka dha nka ah Al-Shab aab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgad uud, kuwaas oo laga daji yey Qaahi ra, sida uu sha aca ka qaaday safiirka So omaaliya uu fadhiyo dalka asi, Amb. Ilyaas Sheekh.

Danjiraha ayaa sheegay in dhaawacyada askarta ay ku qaabileen garoonka Qaahira, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey Masar.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada ee dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in gargaarkan uu qayb ka yahay taageerada ay siinayaan DFS iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo hadda la daa la dhacayo xaalado adag.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya usoo dirtay laba diya aradood oo sida gurmad bani’aadanimo, si lo ogu caawiyo dadka tabaaleysan.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeyso aya da oo uu sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhan ka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolla da Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo dowladda ay sheegtay inay ka qayb qaadanayaan dowl ado waa weyn, sida Mareykanka iyo Turkiga.

Howlgallada socdo ayaa ah kuwii ballaar naa oo lagu qaado Al-Shabaab, waxaana qayb ka ah maleeshiyaad deegaanka ah oo lagu ma gacaabo Macawiisley, kuwaas oo deegaanno bad an ka qabsaday kooxda Al-Shabaab, tan iyo marka ay billowdeen howlgallada haatan socdo.

Mid Kamid Ah Shaqaalaha Maxkamadda G/ Banaadir Oo Lagu Qarxiyay Muqdisho .

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muq disho ayaa sheegaya in Shalay qarax xooggan uu ka dhacay nawaaxiga kontrolka laga ilaaliyo madaxtooyada ee dhanka Sey dka, iyadoo jugta qaraxaasi laga maql ay xaafado kamid ah caasimadda.

sida wararka hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan, Qaraxa oo ahaa Miino waxaa gaa rigiisa loogu xiray wiil dha linyara ah oo lagu magaaabo Musharaf Mohamed Mo’allim oo kamid ay shaqaalaha do wladda.

Dhaawac daran oo soo gaaray ay aa looga qa aday goobta waxaana haatan xaa ladiisa caafim aad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Musharaf Mohamed Mo’allim ayaa kamid ah sha qaalaha ugu firfircoon ee maxk amadda G/ Banaadir, wuxuuna qaraxa lala eegtay uu ku soo beegmay maalin kadib markii Hay’adaha garsoorka ee dalka digniin adag u direen dadka u cadaalad raadsada koox da Al-Shabaab.

Aas qaran oo loo sameynayo ra'iisal was aarihii hore Japan oo dhawaan toogasho lagu dilay

Kumanaan qof, oo ay kamid yihiin tobanaan hogaamiyeyaasha caalamka ah, ayaa ka qeyb galaya aaska qaran ee loo sameynayo ra’iisal wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, kaas oo toogasho lagu dilay bishii July.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka goobta uu ka dhacayo aaska.

Tobannaan ka tirsan hogaam iyayaasha caalamka ayaa wa xa ay ka qeybgaleen aas loo sa maynayay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe, kaas oo toogasho lagu dilay bishii July ee aynu ka soo gudubnay.

Hogaamiyayaashaas waxaa kamid ah madaxw eyne kuxigeenka Mareykank, Kamala Harris.

Hadal hayn ka dhalatay hadal ka soo yeeray Marwada Koowaad ee dalka Kenya

Qaar ka mid ah shacabka dalka Kenya ay aa dhaleeceeyay qorshaha ay marwada 1aad Rachel Ruto, ku martigelineyso kulamo duco ah oo bil kasta ah oo lagu qabto madaxtooyada Kenya.

Axaddii, waxaa kulan loogu qabtay mataxyo oda ku dhawaad tobaneeyo hoggaamiya diim eed ah. Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa ah Masiixiyiin aaminsan Evangelical , waxaana ma daxweyne William Ruto uu ku tilmaamay in iima ankiisa uu door muhiim ah ka qaatay guushiisa doorashada.

Mrs Ruto ayaa u sheegtay hogaamiyayaa sha diinta in mar walba lagu soo dhaweyn doo no aqalka madaxtooyada. "Albaabada Aqalka Dawladdu way furan yihiin oo ogow in ay hal kan idin joogto hooyo Rachel ayna had iyo jeer albaabada kuu furi doonta marka madaxweynu hu mashquulo,” ayay tiri.

Balse qaar ka mid ah dadka u dhashay Ke nyaan ayaa qaba in kulamada salaadda ee ca adiga ah aanan lagu qabanin madaxtooyada maadaama Kenya ay tahay dowlad cilmaani ah, diimahana aan la kala dooran.

"Haddii madaxweyne Muslim ah uu same eyo waxa ay Masiixiyiinta ka sameynayaan Aq alka Madaxtooyada hadda, waxaa dalka oo dhan ka dhici lahaa mudaaharaadyo. Annagu waxaan nahay dowlad cilmaani ah, diinna ka ma hormaro cid kale,” ayuu yiri mid ah sha cab ka reer Kenya ee isticmaala barta Twitter-ka.

Putin oo dhalasho siiyey ninkii faafiyey sirta Mareykanka

Sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada ee Ruushka, Madax weyne Vladimir Putin ayaa dhalashada dalkaas siiyey Edward Snowden oo u shaqayn jiray hay’adaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Snowden ayaa ka mid noqd ay 75 qof oo ajaanib ah oo la sii yey jinsiyadda dalka Ruushka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay daw ladda Ruushka.

Snowden oo ahaa qandaraasle ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka, ayaa tan iyo sannadkii 2013 wuxuu ku noolaa dalka Ruu shka, isaga oo ka dhuumanayey inuu u gacan galo saraakiisha Maraykanka, kadib markii uu faafiyey xogo sir ah oo si faahfaahsan uga hadlaya barnaamijyada basaasnimada ee Maraykanka. Sannadkii 2020 ayaa Snowden la siiyey deganaansho rasmi ah, isagoo xilligaas sheegay inuu qorshaynayo inuu codsado dhala shada dalka Ruushka, isaga oo aan ka tana asulin dhalashadiisa Maraykanka.

Wargayska The Guardian oo ka mid ahaa wargeysyada la siiyey ee sii faafiyey xogta uu uu bixiyey Snowden ayaa daabacada in sirdo onka Maraykanka ay dhagaysteen dad dhowr milyan gaaraya telefoonno ay leeyihiin.

Macluumaadka uu bixiyey Snowden ayaa xiisad ka dhex dhaliyay Dowladaha reer galb eedka, bacdamaa Sirdoonka Mareykanka la sheegay inay dhageystaan Telefoonada gaarka ah oo ay isticmaalan madaxweynayaa sha ugu tunka weyn Yurub.

Ilaa 30 safaradood ayaa la sheegay inay bas aasayeen sirdoonka Maraykanka. Wadda ma da la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Faransiiska, Talyaaniga, Greeg iyo waddamo aan Yurub ahayn sida Japan, Koonfur Koreya iyo Hindiya.

Safaarada Midowga Yurub ee New York iyo Washington ayaa la sheegay in la basaasay.

Qareen U Dhashay Kenya Oo Wajahayay Eedeymo Culus Oo Geeriyooday

Qareen u dhashay dalka Kenya oo wajahay ay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka soc otay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiya da (ICC) ayaa geeriyooday, sida ay qoyskiisa iyo booliiska u xaqiijiyeen warba ahinta gudaha.

Booliska ayaa sheegay in Paul Gicheru meydkiisa laga he lay gurigiisa oo ku yaala Magaal ada caasimada ah ee Nairobi habeenimadii Isniinta.

Mr Gicheru ayaa lagu eedeeyay in uu laaluu shay marqaatiyaashii doonayay in ay ku marqa ati furaan William Ruto – oo hadda ah mada xweynaha Kenya – rabshadihii ka dhacay Ke nya 2007-2008 ka dib doorashooyinkii oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

Eedeymahaasi waa uu beeniyay. Qareenka ayaa isku soo dhiibay maxkamada bishii Nofe embar 2020, shan sano kadib markii maxkam ada ICC ay soo saartay amar lagu soo xirayo.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in eedey maha loo soo jeediyay ay wax u dhimayaan da cwadda Mr Ruto uu ku wajahay maxkamadda.

75 Qof Oo Ku Dhintay Dibad-Baxyada Ka Dhashay Dilkii Mahsa Amini

In ka badan 75 qof ayaa ku dhintay howlgall ada ay Iran ku xakameynayo dibadbaxyo socda maalinkii 11-aad oo ka dhashay dilka gabar la gu magacaabay Mahsa Amini, waxaa sidaas sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Warbixintan ayaa imaneysa ayada oo dalal ka Reer Galbeed ay ku cadaadinayaan Jamhu uriyadda Islaamiga ah inay soo afjarto rabshadaha.

Tirada dhimashada rasm iga ah ee mas’uuliyiinta Iran ay she egeen ayaa ta agneyd 41 qof tan iyo Sabt idii, kuwaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciid amada ammaan ka, xilli dalka ay gilgileen dib ad-baxyadii ugu xoogganaa ee muddo saddex sano ah.

Dibad-baxayaasha ayaa mar kale qaaday waddooyinka habeenkii Isniinta – si la mid ah sidii ay sameynayeen habeen kasta tan iyo dhimashadii Amini oo dhacday 16-kii Septe mber. Mahsa Amini ayaa loo xiray inay jebisay xeerarka adag ee dalkaas u yaalla ee ku saab san xirashada xijaabka, waxayna ku geeriyoo tay gacanta booliska.

FAALLO HAYEEY, XATOOYO XOOLO DADW EYNE.

1.Sida ku cad Xadiithka ku qoran Sunan Nasai 4454.Rasuulkeena Muxamed CSW kii kha yrka badnaa, intii Raacdayna ey Liibaantay ayaa yiri: (( waxaa imaan doono Wakhti uuna Qofku kala jecleeyn xageey Hantidiisu ka timid/ Ka ka

sbaday,

Xalaal iyo Xaaraan)). ( F.S: 1aad).

Amaa wakhtigii la gaaray ?.2.Nin Saalixiinta ka mid ahaa ayaa yiri: Sheydaan oo ah kan ugu sharta badan Uunka Alle ayaa yiri: ibnu Aadamka hal Talo ayaan siiyaa, hal dhinac ayaan u jeheeyaa, kadibna wakhti isagama dhumiyo, waa isaga tagaa, siduu doono ha u dhaqmee.

Waxaa lagu yiri: Noo sheeg, waa maxaay?

Waxa uu yiri: (( waxaan ku hagaa in kasabkiisa/ waxa uu Tacbanayo ey Xaaraan noqdaan, kadibna wax uu cunayo iyo waxa uu cabayo waxa ey naqdaan xaaraan.Dharka uu ku labisanayo waxa uu noqdaa xaaraan, dharka uu ku tukanayo waa kasab xaaraan ah, waxa uu Sadaqeeysanayo waa xaaraan, Haddii uu soomo, waxa uu ku Af furayo waa xaaraan, haddii uu Guursado waxa uu ku guursaday waa xaaraan, Haddii uu Xajiyo waxa uu ku xajiyay waa Maal xaaraan ah iyo….)) . ( F.S: 2aad)Hal talo oo Sheydaan ku siiyay oo aad qaadatay ayaa uga filan in uu Talooyin kale ku siiyo.Allow waxaan kaa magan galnay in aan raacno Talo Sheydaan iyo Xoolo xaraan ah.3.Waxa ey ila tahay Gabar lagu guursaday Xoola xaaran ah, lagu hugiyay Dhar Dollar xaaraan ah laga soo bixiyay ( F.S: 3aad).Waxaa iimaan dhaantu Gabar Baalweyn Shilin Somali ah oo Bolol ah oo Xalaal lagu kasbaday, loogu soo iibiyay Maro ey ku tukato. ( F.S: 4aad).4.Xoolo Hal Qof aad ka xaday waa kaa cafi karyaa, Laakin Xoolo aad ka Xaday Ummadda Somaliyeed oo dhan ee Ummaddii oo dhaney Qiyaamaha kaa wada laalaad sato Culeeys kuuma yaro.Qiyaamuhu yuuna kula dhee raan, Berriba waa noqon karaa.( F.S: 5aad). Allaah, Xoolo iyo kasab xaaraan ah hakaa badb aadiyo, wixii Dambi ah ee aad hore u gashayna hakaa cafiyo.Ogowna waxaa lagu jiraa wakhtigii Rasuulkeena Moxamed CSW uu sheegay ee Xalaal iyo Xaraan aan la kala sooceeyn si wax loo helo.Sheydaana waxaa uu buxinayaa Hal Talo oo uu uga nasto Talooyin badan oo uu ku siiyo.iska ilaali xatooyo Xoolo Dadweyne.FG: wixii iga khadan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip