Qaabka loo Aasi doono Boqorad Elizabeth II

0
Saturday September 10, 2022 - 21:48:09 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabka loo Aasi doono Boqorad Elizabeth II

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Boqorad Elizabeth II ayaa geeriyootay, iyadoo ahayd boqoradda ugu mudada dheer ee soo xukuntay Brtitain. Waxa ay ku geeriyootay qasriga Balmoral ee Scotland. Maalmaha soo socda, waxaa lagu hawlanaan doonaa tacsideeda iyo aaska qaran ee loo dhigi doono.

Naxashka Boqoradda

Marka naxashka Boqoradda la geeyo London, waxaa muddo afar maalmood ah uu yaalli doonaa hool ku yaalla Westminster, halkaas oo ay ku eegi karaan dadweynaha.

Hoolka ayaa ku yaalla qeybta ugu qadiimsan ee qasriga Westminster, oo muhiim u ah xukuumadda Britain. Sanadkii 2002, naxashka Boqoradda hooyadeed oo xilligaa geeriyootay ayaa la dhigay hoolka, waxaana booqday in ka badan 200,000 oo qof.

Naxashka Boqoradda ayaa la saari doonaa dhismo taag ah oo loo yaqaan catafalque, halkaas oo ay ilaalin doonaan askar ka tirsan ilaalada boqortooyada.

Naxashka ayaa marka hore laga soo qaadi doonaa qasriga Buckingham, waxaana gaadiid tartiib u socda oo ay la socdaan milateriga iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ay geyn doonaan qasriga Westminster.

Shacabka ayaa loo oggolaan doonaan inay daawadaan kolonyada sida naxashka, waxaana lagu wadaa in shaashado waaweyn lagu xiro goobaha ay dadka isugu yimaadaan.

Kaniisadda ku taalla Westminster

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa goorma aaska Boqoradda?

Aaska qaran ee Boqoradda ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo wax ka yar laba todobaad gudahood, waxaana uu ka dhici doonaa kaniisadda Westminster. Maalinta uu dhacayo aaska waxaa xaqiijin doona qasriga Buckingham.

Kaniisadda uu aaska ka dhici doono ayaa ah halka lagu caleema saaro boqorada Britain, waana goobta ay taajka ku xiratay Boqorad Elizabeth II sanadkii 1953, ka horna ay ku guursatay Amiir Philip sanadkii 1947.

Markii ugu dambeysay ee boqor aas qaran loogu sameeyo kaniisadda ayaa ahayd qarnigii 18-aad.

Madax ka socota dalalka caalamka iyo siyaasiyiinta UK ayaa ka qeybgali doona aaska.

Marka uu dhammaado aaska qaran, waxaa naxashka Boqoradda lagu aasi doonaa xabaalaha King George VI memorial ee ku dhex yaalla kaniisadda St George's Chapel.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip