Taariikh nololeedkii boqorad Elizabeth II oo geeriyootay

0
Thursday September 08, 2022 - 23:33:47 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh nololeedkii boqorad Elizabeth II oo geeriyootay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Queen Elizabeth II

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xukunka waqtiga dheer ee boqorad Elizabeth II waxaa uu calaamad u ahaa awooddeeda ku aaddan gudashada waajibaadka iyo sida ay uga go'an tahay in ay u hagar-baxdo xilkeeda iyo shacabkaba.

Dad badan waxa ay u noqotay qodobka kaliya ee ay u sababeynayeen isbeddelka caalamka, xilli saameyntii Britain ee dunida la wiiqay, bulshadana ay isku beddeshay si gabi ahaan ah isla markaana maamulka boqortooyada qudhiisa ay su'aal ka taagneyd.

Guusha ay ka gaartay sii ambaqaadista maamulka boqortooyada xilli sidaas u adkaa ayaa xitaa ah mid xusuus mudan maaddaama, waqtigii ay dhalaneysay, uusan jirin qof xitaa saadaalin karay in ay iyadu noqon doonto boqoradda.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dhalay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.

Princess Elizabeth at her christening ceremony with her parents

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Elizabeth oo ilmo ah iyo waaliddiidkeed

Elizabeth iyo walaasheed Margaret Rose, oo iyaduna dhalatay 1930-kii waxa ay labadooduba wax ku barteen guriga, waxaana ay ku koreen jawiga aadka loo jecleysto ee qoyska boqortooyada.

Elizabeth waxa ay si aad ah ugu wada dhaweyd aabbeheed iyo awowgeed George V labadoodaba.

Iyadoo lix sano jir ah, Elizabeth waxa ay tababareheedii farda-fuulista u sheegtay in ay rabtay inay noqoto "Marwada dalka, ayna yeelato fardo iyo eeyo tiro badan".

Waxaa la sheegay in ay muujisay dareen aad u cajiib badan oo dhanka masuuliyadda ah, xilli ay da'deeda aad u yareyd. Winston Churchill, oo markii dambe Britain ka noqday raysul wasaare ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay sameysatay maamul male-awaal ah "masuuliyad aan jirin oo la iska mala-awaasho, taasoo ay cajiib tahay in uu la yimaado cunug yar".

Inkastoo aysan iskuul aadin, Elizabeth waxa ay caddeysay in ay ku fiican tahay luuqadaha, waxaana ay daraasad qotadheer ku sameysay taariikhda dhanka dastuurka.

Gole gaar ah oo loogu talagalay gabdhaha, oo ahaa kii ugu horreeyay ee laga abuuro qasriga Buckingham, ayaa loo sameeyay si ay isdhexgal ula sameyso gabdhaha da'deeda ah.

Princess Elizabeth makes her first broadcast, accompanied by her younger sister Princess Margaret Rose 12 October 1940 in London
Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth (midig) iyo Margaret oo tebin u sameynaya qaranka intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka

Xiisado soo kordhayay

Markii uu geeriyooday boqor George V sanadkii 1936-kii, wiilkiisii curadka ahaa, oo loo yaqaannay David, ayaa noqday Edward VIII.

Hase ahaatee, guurkiisii haweeney Mareykan ah oo carmal ahayd oo labo jeer lasoo furay ee lagu magacaabi jiray Wallis Simpson, ayaa u muuqday mid aan loo aqbali karin sababo la xiriira siyaasad iyo diin ahaanba.

Waxaa xilkii boqornimo laga xayuubiyay dabayaaqadii sanadkaas.

Amiirkii gobolka York oo aan markii hore rajo ka qabin boqornimada ayaa sidaas ku noqday boqor George VI.

Fursadda uu ku helay xilka boqortooyada ayaa siisay Elizabeth fursad ay boqortooyada ugu noqoto mid iyada u keydsan, waxaana ay goor dambe qoraal ku sheegtay in ay xukunka ku heshay "si aad, iyo aad cajiib u ah".

Si looga hor tago saameynta xiisadihii Europe ee sii kordhayay, boqorka cusub, oo ay wehelineysay xaaskiisa boqorad Elizabeth, waxa ay go'aansadeen in ay dib u habeeyaan aaminaadda ay shacabka ku qabaan maamulka boqortooyada. Tusaalehooda ma uusan luminin gabadhooda weyn.

The newly crowned King George VI & Queen Elizabeth with Princesses Elizabeth & Margaret

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Amiirad Elizabeth, iyo waaalidkeed iyo walaasheed ka yar Margaret, xilligii aabbbeed loo boqrayay sidii "aadka iyo aadka cajiibka u ahayd"

Sanadkii 1939-kii, amiiradda oo xilligaas 13 sano jirka ah ayaa ku wehelisay boqorka iyo boqoradda booqasho ay ku tagayeen dugsiga tababarka ciidamada badda ee boqortooyada, kaasoo ku yaallay magaalada Dartmouth.

Iyada oo ay la socotay walaasheed Margaret, waxaa waardiye looga dhigay mid ka mid ah ciidankii tababarka ku jiray, kaasoo ahaa ina abtigeed saddexaad, waana Amiir Philip oo kasoo jeeday Giriigga.

Caqabado

Princess Elizabeth marries Philip Mountbatten

XIGASHADA SAWIRKA,PA

Qoraalka sawirka,

Arooskii Amiirad Elizabeth ee Philip Mountbatten wuxuu iftiimiyay mugdigii dagaalka

Ma aysan ahayn kaliya markii ugu horreysay ee ay kulmaan, balse waxa ay sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee ay iyadu dareen u qaadday isaga.

Amiir Philip waxa uu qoyska boqortooyada ee qaraabadiisa ah booqday marar uu fasax uga tagay ciidanka badda - waxa ayna ahayd sanadkii 1944-kii, xilligaasoo ay jirtay 18 sano, markii ay Elizabeth si cad u jeclaatay isaga.

Waxa ay qolkeeda dhigatay sawirkiisa, waxaana ay isweydaarsan jireen warqado.

Amiiradda da'da yar waxa ay ku biirtay guutadii madaafiicda goobta ee loo yaqaannay Auxiliary Territorial Service (ATS) xilli uu sii dhamaanayay dagaalka, halkaasoo ay ku baratay sida loo kexeeyo looguna shaqeeyo gawaarida waaweyn.

Dabbaal-degga maalinta VE Day oo ah maalinta la xuso guushii ay Europe ka gaartay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayay Elizabeth qoyska boqortooyada kala qeyb gashay munasabaddaas oo ka dhaceysay qasriga Buckingham, markaasoo ay goobta isugu yimaadeen kumannaan qof oo u dabbaal-dagayay idlaashada dagaalkii Europe.

"Waxaan ka codsannay waalidkeen in aan bixi karno si aan fantasyaha ugu soo aragno indhaheenna," sidaas ayay waa dambe tiri iyadoo dib u xusuusaneysay. "Waxaan xusuustaa inaan aad uga baqeynay in wajiyadeenna la aqoonsado. Waxaan xusuustaa in dad aanan is garaneyn ay gacmaha is heysteen, ayna hoos ugu sii socdeen qasriga Whitehall, innagoo dhan waxaan la ilmeyneynay farxad iyo nafis."

Dagaalka kaddib rabitaankeedii ku aaddanaa in ay guursato Amiir Philip waxa uu wajahay caqabado dhowr ah.

Boqorku suurtagal uma aysan ahayn in uu waayo gabar uu aad u jecel yahay, Philip isaguna waxa uu ku qasbanaa in uu aad uga fiirsado qaadista tallaabo horseedi kartay in aan la aqbalin dhalashadiisa ajnabiga ah.

Dhimashadii aabbe

Balse rajadii ay lamaanuhu qabeen way hirgashay, waxaana 20-kii November 1947-kii ay isku guursadeen Westminster Abbey.

Isagoo noqday amiirka gobolka Edinburgh, Philip wali waxa uu sii ahaa askari ka tirsan ciidamada badda. In ugu yaraan xilli kooban, la geeyo xarunta ciidamada badda ee Malta waxa ay lamaanaha da'da yar u noqotay fursad ay ugu istareexaan nolosha caadiga ah.

Ilmahoodii ugu horreeyay, Charles, waxa uu dhashay sanadkii 1948-kii, waxaana ku xigtay walaashiis, Anne oo iyadana dunida timid sanadkii 1950-kii.

Laakiin boqorku, isagoo dhibaato badan kala kulmay walbahaarka waqtigii uu dagaalka socday, waxa uu sidoo kale aad ula xanuunsanaa kansarka sambabada, kaasoo uu u sababay sigaar-cabkii badnaa ee uu waligiis waday.

Bishii January ee sanadkii 1952-kii, Elizabeth, oo markaan ahayd 25 jir, iyo Philip ayaa baajiyay safar horay loo qorsheeyay in uu boqorka ku tago waddamo dibadda ah. Boqorka, oo ku gacan seyray talooyin dhinaca caafimaadka ah oo loo jeediyay, ayaa aaday gegida diyaaradaha si uu u sagootiyo lamaanaha oo dhoofayay. Taasi waxa ay ahayd markii ugu dambeysay ee ay Elizabeth aragto aabeheed.

Elizabeth waxa ay geerida boqorka maqashay iyadoo ku sugan hotel ku dhex yaalla xero xayawaanaadka lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Kenya, waxa ayna si dhaqso ah ugu laabatay London, iyadoo markaas ah boqoradda cusub. Goor dambe ayay ka sheekeysay xaaladdaas.

"Si markii loo eego, ma aanan heysanin xirfad hoggaamin. Aabbehey waxa uu dhintay isagoo aad u da' yar, marka guud ahaan waxa ay ahayd arrin si kadis ah xil loola wareegayo, isla markaana aad sameyneyso dadaalkaaga ugu badan."

Australia iyo New Zealand

The Queen at her Coronation in 1953

XIGASHADA SAWIRKA,PA

Qoraalka sawirka,

Munaasabaddii lagu boqray waxay ahayd tii ugu horreeyay ee toos looga sii daayo British TV

Munaasabaddii lagu boqray iyada bishii June ee sanadkii 1953-kii waxaa laga sii daayay Telefishinka, in kastoo uu kasoo horjeeday Raysul wasaare Winston Churchill, malaayiin qof ayaana isugu tagtay meelaha ay ka shidnaayeen TV-yada, in badan oo dadkaas ahna waxay ahayd markoodii ugu horreysay ee ay TV daawadaan, si ay u arkaan Boqorad Elizabeth II oo xilkeeda u dhaaraneysa.

Iyadoo ay Britain wali kasoo kabsaneysay saameyntii dagaalka, dadka wax falanqeeya waxa ay caleemo-saarkeeda u arkayeen mid billow u ah xukunka boqortooyo ee Elizabeth.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa sababay in boqortooyada Britain ay burbur ku dhawaato, xilligaasna boqoradda cusub waxa ay baajisay booqasho mug weyn lahayd oo ay ku tagi lahayd waddamada barwaaqo sooranka ah sanadkii 1953-kii. Dalal badan oo ay horay Britain u heysatay, oo ay ka mid tahay India, ayaa xornimo qaatay.

Elizabeth waxa ay noqotay boqoraddii ugu horreysay ee iyadoo xilka heysa booqasho ku tagta Australia iyo New Zealand. Waxaa la qiyaasay in afar meelood saddex meel oo ka tirsan dadka Australia ay isu soo baxeen si ay shakhsi ahaan ugu arkaan iyada.

Intii lagu guda jiray sanadihii 1950-meeyadii, waddamo kale ayaa iska dajiyay calankii midowga, waxa ayna dalalkii horay loo gumeysan jiray iyo kuwii gacanta ku hayay ay markaas noqdeen dowlado is bahaysi ah oo iskood isku xilqaamay.

Siyaasiyiin badan ayaa dareemay in waddamada barwaaqo-sooranka ah ee cusub ay liddi ku ahaayeen dhaqaalihii kobcayay ee bulshada reer Europe, sidaas awgeedna, ay Britain kasii jeedsatay qaaradda.

Weerar shakhsi ah

The Queen with Prince Phillip and President & Mrs Eisenhower in 1957

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Booqashadeedii Mareykanka ee 1957 waxay ka mid ahayd booqashooyin badan oo ay dunida ku soo martay

Laakiin mucaaradada ku aaddan saameynta Britain waxaa sii xoojisay guul-darradii Kanaalka Suez ee sanadkii 1956-kii, markii ay caddaatay in dalalka barwaaqo sooranka ah ay si buuxda ugu guul-darreysteen in ay si wadajir ah u dagaal-galaan wakhtiyada ay xaaladaha adag jiraan.

Go'aankii ay Britain ciidamo ugu dirtay si ay uga hor tagaan halistii ku saabsaneyd in Masar ay qaadato Kanaalka Suez waxa uu kusoo afjarmay in si uu fashil ku dheehan yahay ciidankaas loo soo celiyo, waxaana taas ka dhashay in uu is casilo Raysul wasaarihii Britain ee waqtigaas Anthony Eden.

Arrintaan waxa ay boqoradda ku kicisay xasarado siyaasadeed. Xisbiga Conservative-ka wax qorshe farsamo ah uma uusan heynin soo doorashada hoggaamiye cusub, waxaana wada-tashiyo is dabajoog ah kaddib, ay boqoradda ka codsatay Harold Macmillan in uu soo dhiso dowlad cusub.

Boqoraddu waxa ay sidoo kale weerar shakhsiyan ah kala kulantay nin qoraa ah oo lagu magacaabi jiray Lord Altrincham.

Maqaal uu kusoo qoray majallad, ayuu ku sheegay in xukunkeeda uu yahay "mid aad British u ah" oo waliba ah "darajada sare", waxa uuna ku eedeeyay in ay tahay qof aan awood u lahayn in ay hal khudbad xitaa jeediso iyadoo aan qoraal heysan.

Hadalladiisu waxa ay muran ka dhex dhaliyeen warbaahinta, waxaana Lord Altrincham si toos ah ugu weeraray waddada qof ka mid ah dadkii daacadda u ahaa boqortooyada.

Sidaas si la mid ah, dhacdadaas waxa ay sababtay in bulshada Britain iyo fikradihii ay ka aaminsanaayeen boqortooyada ay si dhaqso badan isu beddelayeen su'aalana laga keenay ra'yigii horay looga qabay.

Sidii looga gudbay 'Maamulka boqortooyada' oo loogu gudbay 'Qoyska Boqortooyada'

The Queen with Harold Macmillan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Iscasilaaddii Harold Macmillan waxay sababtay muran sharci

Iyadoo uu seygeeda dhiirrigaliyay, aadna ugu dulqaadan weysay dhaleeceynta maamulkeeda, boqoraddu waxa ay billowday in ay dhaqangaliso amarka cusub.

Maamulkii dowladda ee ay boqortooyada gacanta ku heysay waa la soo afjaray. Waxaa eraygii "xukunka boqortooyada" si rasmi ah loogu beddelay "qoyska boqortooyada".

Boqoraddu waxa ay mar ahayd qofka udub dhexaadka u ah murankii siyaasadeed ee dhacay sanadkii 1963-kii, kaasoo sababay in Harold Macmillan uu iska casilo xilka Raysul wasaarennimo.

Iyadoo xisbiga Conservative-ka aysan wali dajinin nidaam ay ku soo xushaan hoggaamiye cusub, waxa ay raacday taladiisii si ay u soo magacowdo suldaanka guriga isaga beddelkiisa.

Waqti adag ayay u ahayd boqoradda, iyadoo laga rabay in ay dib u saxdo dastuurka ayna kala saarto boqortooyada iyo dowladda maanta jirta.

Boqoraddu waxa ay si adag u raadisay xuquuqdeeda ku aaddan in la wargaliyo, in ay talo ka dhiibato maamulka iyo in ay wax ka digto - laakiin ma aysan raadinin wax intaas kasii korreeya oo maamul ah.

Xilligaas ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay boqortooyada ku lug yeelatay ammarada xukuumadda. Xisbiga Conservatives-ka ayaa ugu dambeyn ka gudbay maamulkii kumeel-gaarka ahaa kaddib markii ay hoggaamiyeyaal cusub u soo baxeen xisbiga, isla markaana la dajiyay nidaam.

Nasiino

Dabayaaqadii 1960-meeyadii, qasriga Buckingham ayaa go'aansaday in uu tallaabo u qaado dhanka fiican, isla markaana uu sameeyo hab dadka loo fahansiin karo in nololsha qoyska boqortooyada ay tahay mid caadi ah oo la fahmi karo.

Taasi waxa ay sababtay in la diyaariyo barnaamijkii cajiibka ahaa ee Royal Family. BBC-da ayaa loo oggolaaday in ay muuqaal kasoo duubto xubnaha qoyska boqortooyada ee ku sugan qasriga dhexdiisa.

Waxaa jiray sawirro muujinayay qoyska oo jooga meel cuntada duban lagu sameeyo, oo hagaajisanaya geedka loo yaqaanno Christmas tree, carruurtoodana u kaxeynaya in ay gaadiid soo wadaan - dhammaan waxyaabaha caadiga ah, laakiin aan waligood horay loogu arkin.

Dadka wax dhaleeceeya ayaa sheegay in filimkaas oo uu agaasimay Richard Cawston uu baabi'iyay sharaftii xubnaha qoyska boqortooyada kaddib markii uu muujiyay in ay yihiin sidii dad iska caadi ah, tusaale ahaan meelaha filinka ee lagu arki karay Amiirka Edinburgh oo rootiga loo yaqaanno sausage-ka ku dubanaya barxadda qasriga Balmoral.

Queen Elizabeth II lunches with Prince Philip and their children Princess Anne and Prince Charles at Windsor Castle in Berkshire, circa 1969. A camera (left) is set up to film for Richard Cawston's BBC documentary 'Royal Family', which followed the Royal Family over a period of a year and was broadcast on 21st June 1969.

XIGASHADA SAWIRKA,HULTON ARCHIVE / GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Muuqaal laga diyaariyay qoyska boqortooyada ayaa wax badan ka ifiyay nolosha qoyskan

Hase ahaatee, filimka ayaa muujiyay nasiinada ay dareemayeen qoyska boqortooyada, waxaana uu in badan kasoo celiyay taageeradii ay shacabka u hayeen boqortooyada.

Sanadkii 1977, xuska munaasabaddii Silver Jubilee ee ahayd 25 sano-guuradii kasoo wareegtay markii ay Elizabeth boqoradda u noqotay dalalka barwaaqo-sooranka waxaa si weyn loogu dabaal-dagay waddooyinka iyadoo ay ka qeyb qaateen dhinacyo badan oo ku damaashaaday guud ahaan dalalka hoostaga boqortooyada.

Boqortooyadu waxa ay u muuqatay mid aysan khatar uga imaaneynin dhanka bulshada, arrintaas inteeda badanna waxa ay saameyneysay Boqoradda qudheeda.

Waqtigaas labo sano kaddib, Britain waxay yeelatay, haweeneydii ugu horreysay ee loo doortay xilka Raysul wasaaraha, taasoo noqotay Margaret Thatcher. Xiriirka u dhexeeyay haweeneyda boqoradda ahayd iyo haweeneyda xukuumadda hoggaamineysay waxaa la sheegay in uusan mararka qaar hagaagsanaan jirin.

Fadeexado iyo Musiibooyin

Windsor Castle, the morning after the fire

XIGASHADA SAWIRKA,PA

Qoraalka sawirka,

Gubashada Qasriga Windsor

Hal arrin oo adag waxa ay ahayd daacadnimada boqoradda ee ku aaddan ururka Barwaaqo-sooranka, kaasoo ay ka ahayd madax.

Elizabeth waxa ay si fiican u taqaannay hoggaamiyeyaasha Afrika, waxa ayna u calool-nugleyd dhaqdhaqaaqyadooda.

Waxaa la soo tabiyay in ay "wax aan la fahmi karin" u arkeysay fikradihii iyo xeeladdii muquuniska ku dhisneyd ee ay isticmaaleysay Raysul wasaarihii hore ee Britain Margaret Thatcher, isla sidaasoo kalena waxa aysan ula dhacsanaan jirin mowqifkii ay haweeneyda Raysul wasaaradda ah uga soo hor jeedday cunaqabateynnada ka dhanka ahaa cunsuriyaddii ka jirtay Koonfur Afrika.

Sanadba sanadkii ka dambeeyay, adeegga ay boqoradda u heyso dadweynaha wuu sii socday.

Markii uu dhammaaday Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, waxa ay tagtay dalka Mareykanka waxa ayna noqotay boqoraddii Britain ee ugu horreysay ee khudbad ka jeedisa kulanka Aqalka Congress-ka Mareykanka. Madaxweyne George HW Bush ayaa yiri "waxa ay ahayd qof saaxiib la ah xornimada inta aan ka xusuusanno nolosheeda oo dhan"

Hase ahaatee, sanad kaddib, qulqulatooyin fadeexado ah iyo musiibooyin ayaa ku billowday isla markaana saameyn ku yeeshay qoyska boqortooyada.

Wiilkii labaad ee boqoradda, oo ah Amiirka York, iyo xaaskiisa Sarah ayaa kala tagay, halka Amiirad Anne oo uu guursaday Mark Phillips uu guurkeeda ku soo afjarmay furriin. Kaddib Amiirka iyo Amiiradda Wales ayaa la shaaciyay in aysan isku faraxsaneyn ugu dambeyntiina way kala tageen.

Sanadkaas waxa uu dab weyn ka huriyay qasriga ay boqoradda ugu jecleyd in ay deggenaato ee Windsor Castle. Waxa ay arrimahaas si toos ah calaamad ugu ahaayeen in qasriga boqortooyada uu dhib ku jiray. Waxaa xaaladda uga sii daray dood ka dhex abuurantay shacabka oo ku saabsaneyd in boqoradda ay bixineyso canshuurta la xiriirta dayactirka qasriga.

Sharafta boqortooyada xilli ay socotay doodda dadweynaha

Boqoraddu waxa ay sanadkii 1992-kii ku qeexday in uu ahaa "sanad mugdi ah", waxaana mar ay khudbad ka jeedisay magaalada London ay u muuqatay in ay qirsan tahay baahida ku aaddan in boqortooyada ay sameyso furfurnaan dheeri ah si markaas ay u yaraato cadaawadda saxaafadda.

"Ma jirto hay'ad, magaalo, maamul boqortooyo ama nidaam kashgta oo filanaya in uu heli waayo dhaleeceyn uga timaada dadka daacadda u ah ee taageera. Marka maxaad u maleyneysaa dhaleeceynta uga imaan karta kuwa aan daacadda u ahayn ee aan taageerin. Balse annaga oo dhan waxaan isla wadannahay hal bulsho oo qaran ah, dhaleeceyntaasina waxa ay saameyn yeelan kartaa markii ay ku dhisan tahay niyad samaan iyo faham."

Maamulka boqortooyadu waxa uu ahaa mid si aad ah isku difaaca. Qasriga Buckingham ayaa loo furay dadka soo booqda si olole dhaqaale aruurin ah loogu sameeyo dayactirka qasriga Windsor, waxaana markii dambe lagu dhawaaqay in boqoradda iyo Amiirka Wales ay bixin doonaan canshuurta la xiriirta dhaqaalaha kasoo xarooda maalgashiga.

Queen Elizabeth at the Commonwealth Heads of Government Meeting (CHOGM) in Perth, Australia, 2011

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Boqoradu waxaa taageeraysay Ururka Barwaaqo-sooranka intii ay boqortooyada haysay

Dhanka dibadda, rajooyinkii dalalka barwaaqo sooranka, oo aad u sareeyay xilligii uu boqoradda maamulkeeda cusbaa, lama hir galinin.

Britain waxa ay dib ugu laabatay dalalkii ay horay is kaashiga ula lahayd ee Yurub iyadoo markaasna la sameeyay dib u habeyn cusub.

Boqoraddu waxa ay wali arkeysay qiimaha uu leeyahay ururka barwaaqo sooranka waxa ayna si weyn ugu faraxday markii ay Koonfur Afrika, xilli ay boqoraddu waayeel noqotay, ay ugu dambeyn dhinac iskaga tuurtay fikirka cunsuriyadda.

Waxa ay arrintaas ugu dabaal degtay booqasho ay waddankaas ku tagtay bishii March ee sannadkii 1995-ti.

Dhanka waddanka gudihiisa, boqoraddu waxa ay dooneysay in ay ilaaliso sharafta boqortooyada xilli ay sii socdeen muranka iyo doodda u dhaxeysa shacabka ee ku saabsan mustaqbalka iyo sii jiritaanka boqortooyada.

Dhimashadii Diana, Amiiradda Wales

Iyadoo ay Britain la xarbineysay sidii ay u heli lahayd mustaqbal cusub, ayay boqoraddu isku dayeysay in ay xal u hesho mushkiladaha waxaana ay si lama filaan ah u billowday in ay shacabka soo jiidato si ay u baabi'iso qallafsanaantii laga aaminsanaa boqortooyada. Doorka ay ku qiimeysay booska ugu sarreeya ayaa ahaa astaanta qarannimada.

Balse, eedeymo qeyrul caadi ah ayaa gilgilay boqortooyada waxaana ay boqoradda xitaa si shaqsi ahaan ah u dareentay culeys kaddib dhimashadii Diana, oo ahayd Amiiradda Wales, taasoo ku geeriyootay shil gaari oo magaalada Paris ka dhacay bishii August ee sannadkii 1997-ki.

Xilli shacabku ay isugu soo baxeen qasriyada magaalada London iyagoo murugsan oo wata ubaxyo, boqoraddu waxa ay u muuqatay mid aan sidii loo baahnaa diiradda u saarin maadaama ay horayba si aad ah diiradda ugu saari jirtay xilliyada ay jiraan xaaladaha qaran.

In badan oo ka mid ah dadka iyada dhaleeceeya waxa ay fahmi waayeen dareenkeedii murugo ee ay uga qeyb gashay baroor diiqda shacabka ee dhimashada amiiradda.

Waxaa sidoo kale loo dareemay ayeeyo maadaama ay rabtay in ay la wareegto wiilasha Diana.

Ugu dambeyntii waxa ay sameysay baahin toos ah, taasoo ay ugu murugooneysay gabadha ay sodohda u ahayd iyadoo sheegtay in ay ku dadaali doonto sidii ay boqortooyada uga soo kabsan lahayd dhibkaas.

Qasaaraha iyo dabaaldegyada

Geeridii boqoradda hooyadeed iyo Amiirad Margret, oo kusoo wada aaday sannadkii 2002-dii oo ay boqoradda u dabbaal dageysay 50 sano guurada kasoo wareegtay xilligii ay qabatay xilka boqortooyada ayaa murugo ku hareeyay dabaaldagyadii ka dhacay guud ahaan dalalka ay xukunnto boqoradda.

Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, isla markaana ay socotay doodda ku saabsan halka uu ku dambeynayo mustaqbalka boqortooyada, ayay dad tiradooda gaareyso 1 million isugu soo baxeen bannaanka qasriga Buckingham habeenkaas ay sannad guurada 50-aad ee caleema saarka boqoradda.

Bishii April ee sannadkii 2006-di, kumannaan qof oo u duceynaya ayaa buux dhaafiyay jidadka soo gala magaalada Windsor xilli ay boqoradduna dabbaal deg aan rasmi ahayn u sameyneysay sannad guuradii dhalashadeeda ee 80-aad.

Bishii November ee sannadkii 2007-di, iyada iyo Amiir Philip waxa ay si wada jir ah ugu dabaal dageen 60 sano guuradii kasoo wareegtay arooskooda waxaana munaasabaddaas oo ka dhacday Westminster Abbey ka qeyb galay dad gaaraya 2,000 oo ruux.

Waxaa dhacday munaasabad kale oo farxadeed bishii April ee sannadkii 2011-ki markii ay boqoraddu ka qeyb gashay arooska wiilka ay ayeeyada u tahay ee William, oo ah Amiirka magaalada Cambridge, kaasoo guursaday Catherine Middleton.

Bishii May ee sannadkaasna waxa ay noqotay boqoraddii ugu horreysay ee Britain oo booqata jamhuuriyadda Irish-ka, taasoo ahayd munaasabad taariikhi ah oo saameyn leh.

Khudbad ay ku billowday luqada Irish-ka, ayay jeedisay waxayna ku baaqday in la sameeyo dulqaad iyo dib u heshiisiin iyadoo ku qeexday oraahda ah "waxyaabihii aan rajeyneysay waxay u dheceen si kale ama maba aysan dhicinba"

Afti

Sannad kaddib, booqasho ay ku tagtay waqooyiga Ireland oo qeyb ka ahayd dabaal dagga munaasabadda konton guurada kasoo wareegatay caleema saarkeeda, waxa ay ku gacan qaadday gogaamiyihii hore ee IRA Martin McGuinness.

Waxay u ahayd xaalad murugo boqortooyo in hogaamiye ay aad u jecleyd oo ahaa Lord Louis Mountbatten, lagu dilay qarax bambaano oo ay IRA fuliyeen sannadkii 1979-ki.

Aftidii ku saabsaneyd madax bannaanida Scotland ee dhacday bishii September ee sannadkii 2014-ki , waxa ay waqti tijaabo ah u ahayd boqoradda.

Dad kooban ayaa illoobay khudbaddeedii ay baarlamaanka ka jeedisay sannadkii 1977-ki taasoo ay si cad ugu qeexday sida ay diyaar ugu ahayd midnimada boqortooyada midowday.

Hadal ay u jeedisay dadka wanaaga rajeynayay ee ku sugnaa Balmoral markii ay aftida soo dhaweyd, oo dabcan dhagaha uun laga maqlayay, ayay ku sheegtay in ay rajeyneyso in dadku ay si taxaddar leh uga fikiri doonaan mustaqbalka.

Markii ay natiijada soo baxday, qoraalkeedii ay dadweynaha ugu tala gashay waxa ay hoosta uga xarriiqday sida ay nafis u dareentay markii ay ogaatay in boqortooyada ay wali mideysantahay, in kastoo ay garwaaqsatay in uu isbeddal ku yimid nidaamkii siyaasadeed.

"Hadda, innaga oo horay u soconeyna, waa inaan xasuusnaanno xitaa iyadoo ay jirto kala aragti duwanaan haddana in uusan naga dhammaanin jacaylka aan u qabno Scotland, taasoo naga caawineysa inaan mideysnaano dhammaanteen.

9-ki bishii September ee sannadkii 2015-ki waxa ay noqotay boqoraddii ugu waqtiga dheereyd ee xilka heysa taariikhda Britain, iyadoo ka waqti dheeraatay boqoraddii horay ugu waqtiga dheereyd ee Queen Victoria, taasoo ah ayeeyadeeda saddexaad.

Waxa ay diidday in ay si weyn arrintaas ugu faraxdo yadoo sheegtay in jagadaas"aysan ahayn mid ay waligeed rajeysay."

Wax ka yar hal sano kaddib, bishii April ee sannadkii 2016-ki, waxa ay u dabbaal degtay dhalashadeedii 90-aad.

Inkastoo boqortooyadu aysan awood u lahayn xilliga uu boqoradda waqtigeeda ku ekaaday markii loo eego sidii ay ku billowday haddana waxaa ka go'neyd in ay boqortooyadu sii ahaato mid ay ixtiraam u hayaan guud ahaan shacabka Britain.

Markii ay dhaceysay munaasabaddii loogu dabaal degayay 25 sano guuradii caleema saarka boqortooyadeeda, waxa ay dib u milicsatay ballan qaadkii ay u sameysay booqashadii Koonfur Afrika 30 sano ka hor.

"Marki aan ahaa 21 jir, waxaan ballan ku qaaday inaan nafteyda u huri doono u adeegista dadkeenna waxaana Ilahay ka baryay inuu igu garab galo sidii aan ballan qaadkaas u wanaajin lahaa. In kastoo ballantaas aan qaaday anigoo yar oo aan khibrad lahayn, kama qoomameynayo, kamana noqonayo, hal erayna kama baddalayo".

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip