HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 10-DA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Saturday September 10, 2022 - 08:36:44 in Wararka by
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 10-DA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safiirka Filand kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ay aa ka wadahadlay kor u qaadidda ta ageerada Midowga Yurub oo ay qe yb ka tahay dowladda Finland, adke ynta cilaqaadka labada dal, horumar inta dhaqaalaha, iska ashiga, qorshaha dowladda Soo maaliya ee xoojinta amniga, xasilloo nida dalka iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Xasan Sh. ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’ an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sug an yihiin Al-Shabaab oo ay ka soo male gaan weerarada qo rsheysan.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pir kka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga gu ud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta han naanka dowliga ah.

Muxuu yahay ballan-qaadka ay Jaamacadda Carab ta u sameysay Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad hoygiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u qa abilsan Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay si da Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaannadda G/Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tababarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhexmari lahaa G/Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

G/Golaha Shacabka,Sh.Aadan (Madoobe) ayaa bogga adiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageeray so Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah siiyay adkeynta wada shaq eynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qab an lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Soomaaliya waxa ay Xubin buuxda ka tahay Ururka Jaa macadda Carabta iyada oo ku leh wakiilo si joogta ah uga qaybgala shirarka Ururkaas sida xalka xubno ay ku leedahay Baarlamaanka waddamada ku bahoobay Jaa macadda Carabta.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay xa fiiska guddoomiyaha Guddoomiyaha GShB JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qa abilay Safiirka Jaamacada carabta u qaabilsan Sooma aliya Amb. Salah Elguneid. Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan in xildhibaann adda Golaha Shacabka loo sameeyo aqoon kororsi, tab abarada howl-wadeennadda Golaha Shacabka BJFS, arrimaha caafimaadka, iyo sidii iskaashi buuxa u dhe xmari lahaa G/Shacabka iyo Baarlamaanka Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa bogg aadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageera yso GShB JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaq ada G/Shacabka, isagoo sidoo kale ahmiyad gaar ah sii yay adkeynta wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidii wax badan loogu qaban lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga Danjir enimo ka guddoomay safiirka cusub Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qar anka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddo omay safiirka cusub ee J/Kenya u fadhin doona dalkee nna Md. Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiy ey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isa goo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iska ashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa til maamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dha qaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloon ida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in DFS ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa di blomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaa gsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

DF oo war kasoo saartay tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah beelaha

Waxaa war-saxaafadeed laga soo saaray shirka go laha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ka as oo lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, Xa mza Cabdi Barre oo shirka guddoomiyey.

Kulankan oo ay inta badan soo xaadireen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta gurmadka abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa kulanka warbixin looga dhageys tay wasiiradda Amniga, arrimaha gudaha iyo maaliyad da, taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha gu rmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gur madka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid dadkeena oo ay saameysay abaartu.

Wasiirka Amniga gudaha ayaa warbixintiisa ku soo bandhigay xog ku saabsan howl-galladii u dambeyay ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameyeen dhinacyada sugidda am niga dalka iyo xasillinta deegaana da laga xorreeyo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ayaa si gaar ah u boggaadiyey abaabulka Beelaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kana socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee barta maha Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka maaliyadda xukuumadda Sooma aliya ayaa warbixinta uu soo gudbiyey wuxuu diiradda ku saaray barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soo maaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaa do si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galin aya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiir ri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada

Soomaaliya ayaa ku jirtay xaalad adag oo ka dhala tay abaaraha ka jira dalka iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo koonfurta iyo bart amaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shir Uga Qeyb Galay Dalka Masar.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cu mar Haruse ayaa ka qeyb galay shirka 158aad ee Wasi irada Arrimaha Dibadda Jaamaca Carabta oo ka dha cay magaalada Qaahira.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dowl adaha Carabta iyo arr imaha hadda taagan ee dhinacya da Siy aasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Arrimaha Soomaaliya ayaa la isku soo qaaday sidiigar ab looga siin lahaa wax ka qabashada amniga iyo ab aaraha.

Wasiir Huruuse waxaa la filayaa inuu la kulmo was iirada ka socda dalalka Carabta oo uu kala hadlo xiriir kooda Soomaaliya iyo sidii ay taageero uga geysan la haayeen dhinacyada am aniga iyo gurmadka abaarta. wasiirka arr imaha dibadda soomaaliya oo shir uga qeyb galay dalka masar. doono.

Ikraan Tahliil hooyadeed oo farriin culus u dirtay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada Ikraan Ta hliil oo muddo sanad ka badan lagu la’yahay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA oo Shalay shir jar aaid qabatay ayaa madaxda dalka ka co dsatay in la dar dar-geliyo kiiska gaba dheeda.

Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan weli caddaalad helin, iyada oo xustay in madaxda dowl adda cusub ay ahaayeen kuwii horela ab ta ugu tumay kiiska gabadheed oo muddo badan ma qan. "Waxaa la aamusna baryahaan dowladda cusub ee timid oo og, ballan-qaa day ayaa la aamusna. Bal sug ayaa ku aamusna ee ku ma aamusni in laaluush la isiiyay dulmane ayaa ahay gabadhaydii raq iyo ruux ma haayo. Qof ayaa inta uu dhinto laga samra oo la duugta,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay Hooyada Ikraan sheegtay in dowl adda cusub ay ka fileysay inay ka shaqeeyaan cadaal ad u helida gabadheeda, ayada oo Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA ka dalbatay inay dhaqaajiyaan kiiskii ay Dorraad u ololeynayeen cadaalad u helidiisa.

"Dorraad waxaa u ololeynayseen in Ikraan cadaalad hesho oo qofkasta oo Soomaaliyeed oo cadalad daro hayso uu cadaalad helo. Wax iisoo socda waa la’ahay waxa codsanaya in wax laga qabto kiiska gabadhay waa kiis dhibaato weyn xambaarsan,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Xasan Sheekh oo muddo kiiskan ku weerari jiray ma daxweyne Farmaajo ayaa meel iska dhigay markii uu kursiga ku fariistay, waxaana ay hadda u muuqataa in qeylo dhaantiisa ay aheyd oo kaliya dano siyaasadeed.

Kiiska Ikraan oo hore dalka uga dhaliyay xiisad siyaa sadeed xoogan ayaa illaa hadda meel lagu sheegin, ay ada oo xilalka u sareeya dalka ay qabteen siyaasiyiintii Dorraad u qeylinayay in cadaalad hesho Hooyo Qaali.

Guddoomiye Cali Jeyte "Xildhibaan Xusul waa Al-shabaab cadeymo rasmi ah ayaan ka hayna"

Guddoomiyaha maamulka G/Hiiraan Cali Jeyte Cis maan ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in Xildhib aan ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Sooma aliya uu dhaliilo u jeediyo shacab Soomaaliyeed oo u istaag ay la dagaalanka Al-shabaab.

Guddoomiye Jeyte ayaa Guddoonka Golaha Shac abka Soomaaliya ugu baaqay in si hoose ay u eegeen hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul, islamarkaana baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildh ibaanka eedeynta u jeediyay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee loo yaqano macawiisleeyda.

"Nin waxaan arkay wuxuu ka hadlay iyo wuxuu ku hadlay mid an garaneyn oo la yira hebalka Xusul oo ah argagixiso Al-shabaab ah, kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo dhaliiyaya ciidanka Macawiisleey oo u hiilinaya Al-shabaab, taasina waa nasiib daro weyn in Xildhibaan uu waqtigaan eedeeyo shacab Soomaaliye ed oo iska celinaayo Al-shabaab, halku taageero uga muujin laha, waxaan lee yahay guddonka Golaha Shacabka had alka ninka hoos haloo eego oo baarit aan halagu sameeyo, Madaxweynaha iyo Rwasaarahana ayaga iclaamiyay dagaalka Shaba ab, ninkaso kale ayaana Golaha sharci dejinta dhex fa dhiya oo Al-shabaab ah ee wax halaga qabto arintiisa" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiyaha Hiiraan in Xil dhibaanka eedeynta u jeediyay ciidanka Macawiisl eeyda deegaanka uu isaga matalo in Al-shabaab mudo 20 sano ku dhaw ay ka taliyaan, islamarkaana aysan dhicin in la arko isagoo hal mar xata dhaliil u jeedinaya Al-shabaab.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in cid walba oo ka hortimaado kacdoon ka uu sheegay in lagula dagaalamayo Al-shabaab ay u arkayaan mid loogu hiilinaayo Ururka Al-shabaab.Si kas taba ha ahaate hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo Xildhibaan Xu sul uu sheegay in ciidanka Macawiisleey ee dagaalada kula jira Al-shabaab loo baahan yahay in laga fiirsado taageerada loo muujinaayo, islamarkaana ay noqon kar aan dhibaato horleh oo kusoo kordheysa dhibaatooyin ka dalka ka jira.

Madaxda maamul goboleedyadda oo Muqdisho kusoo wajahan

Madaxda maamulada ayaa kusoo wajahan M/ Muqdi sho saacadaha soo socda ay xaqiijiyeen ilo lagu kals oonaan karo. Madaxda ayaa ka qeyb gali doonna Shir gaar ah oo looga hadlaayo arrimaha maaliya da iyo da gaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Shirkaanayaa lagu wadaa Inuu furmo maalinka berri ah.

Tilaabaddaan ayaa timid ka dib markii uu fashilmay shir kii Muqdisho uga socday Wasiiradda maaliyadda maa mulada iyo dowladda dhexe.


Deni Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Agaasimaha Sirdoonka Puntland & Ku-Xigeenadiisa

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheeg aya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Sa ciid Cabdullaahi Deni uu shaqo ka joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan Jeyte.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa tallaabadan shaqo ka joojinta qaad ay habeenkii Habeen hore aheyd, kadib markii booqasho lama filaan ah ku tegay Xarunta Hay’a dda Sirdoonka PISA, wuxuuna halkaas kula kulmay Sar aakiil ka tirsan Ciidamada PISA.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha Puntland uu xilka Agaasimaha guud ee Hay’adda Sird oonka Puntland si KMG ah ugu magacaabay Maxamed Nuur Jaamac oo horey u ahaa hoggaanka Baarista Sird oonka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay aa shaqada ka joojiyey labadii Agaasime ku-xigeen ee Hay’adda PISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Ma xamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, lama oga sababta keentay shaqo joojintaan.

Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte) oo ahaa Agaasi maha guud ee Hay’adda Sirdoonka dowlad Goboleedka Puntland ee PISA, ayaa waxaa ay wararka sheegayaan inuu ku maqan yaha dalka dibaddiisa.

Mucaaradka Somaliland oo go'aamo ka soo saar ay muranka doorashada

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ayaa ku good iyay in aanay aqbalayn doorasho aan ahayn ta madax tooyada, waxayna sheegeen in ay sii wadayaan muda haraadyadii.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiya ha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta si wadajir ah ula hadlay, ayaa sheegay in anay aqbal ayn doorasho kale oo kasoo horaysa ta madaxtooyada.

"Ma jirto doorasho kasoo horayn karta doorashada mad axtooyada oo sharcigeedii iyo miisaaniyadeediiba di yaar yihiin, oo aanu aqbali karnaa ma jirto, ma jiro xeer diyaar ah oo lagu qabto doorashooyinka tooska ah ee urrurada iyo axsaabta qaranka" Musharax Cirro ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in anay jirin cid qaban karta doo rasho aanay isku waafaqsanayn saddexda xisbi, isaga oo sheegay in qaraarka maxkamada sarre ee ahaa in "Doorashooyinka urrurada loo galo si toos ah" aanu no qon karin xeer doorashada lagu dhaqo, isla markaan waxa uu sheegay in golayaasha sharci dajinta uuni ay leeyihiin awooda xeer samaynta.

Sidookale, waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay doorashada madaxtooyada si ku talo gal ah wakhtigee da u dhaafinayso, waxa uu madaxweynaha ku eedee yay xil-gudasho la aan, isagoo ka digay in madaxwey naha xil-gudasho la'aantiisa loogu abaal guddo mudo kordhin aan sharci ahayn.

Waxa ay sheegeen in ay dib u bilaabayaan bannaa nbaxyo kuwii hore ka baaxad wayn, isla markaana ka abaabul wanaagsan, dibadbaxyadaas oo socon doona ilaa xal laga gaadhayo muranka siyaasadeed.

ONLF oo ka dacwootay warbaahinta DF Itoobiya, kadib kiis culus oo lala xariiriyey

Ururka ONLF ayaa si adag u beeniyey war lagu baa hiyey warbahainta dawladda fedraalka Itoobiya, kaas oo sheegayey in ururka TPLF ee Tigray uu si wadajir ah ula shaqeeyo Al-Shabaab, Shene iyo ururka ONLF.

Madaxda sare ee ururka ONLF oo warb ixintaas ka hadashay waxay sheegeen inay doonayaan in raal-igelin laga bixiyo warkii ay baahisay warbaahinta dowladda federalka Itoo biya, kaas oo been abuur ay ku tilShalayy ONLF.

Xoghayaha arrimaha fulinta ee ONLF Cabdiraxmaan Maxamed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in warkaas ay baahisay warbaahinta dowladda federaal ka Itoobiya uu yahay xad-gudub weyn oo loo geystay ONLF, maadaama ay warbixintu sheegeysay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso.

"Sida ay doontaba ha u dhacdee waa arrin qalad ah, wax ka jira lamahan, waana xad-gudub loo geystay urur gobanimo doon ah, haatana saameyn ku leh xisb iyada siyaasadda ee wadanka Itoobiya,” ayuu yiri Xo ghaye Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah xaqiiqada warkaas oo ay u gudbiyeen madaxda war baahinta dalka Itoobiya, madaxda sare, qaar ka mid ah hey’adaha ammaanka iyo madasha looga arrimiyo xis biyada qaranka Itoobiya.

"Dacwadaas kadib waxaa qoraalkii laga saaray bog agga warbaahinta dowladda, in kastoo laga saaray ma jirto wax raali gelin rasmi ah oo qaladkaas laga bixiyey, balse waan sii wadeynaa dadaalka ilaa aan ka jaaseyno cidii ku kacday falkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ma suulkaan u hadlay ONLF.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hey’adaha dowladda qaar ay ka garaabeen warkaas, isla markaana ay u cad eeyeen in siyaasadda dowladda uusan khuseyn, balse shakhsiyaadkii ku kacay loo ciqaabi

22 ka mid ah shaqaalaha Hay’ada Duulista Hawa da oo dacwo ka ah maareyaha

ka mid ah shaqaalaha hey’adda duulista rayidka So omaaliyeed ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, waxayna qabaan cabasho la xariirta xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda oo aysan helin mudo ku dhow seddax sano.

Dhalinyaradaan oo ah shaqaalihii ugu horeeyey ee hey’adu ay qaadatay markii dib loo soo celiyey hawada Soomaaliya ayaa tababar kooban kadib loo kala diray gobollada dal ka, balse xuquuqdii ay ku lahaayeen hey’adda ayaa ka maqan mudadaas.

Maareeyaha hey’adaas Axmed Macalin Xasan oo ah nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweynihii hore Fa rmaajo ayaa bilo ka hor dhalinyaradaan la galay he shiis, balse hadda waxay sheegeen inuu uga baxay.

Axmed Macalin Xasan waxaa la sheegay in hadda uu qortay 22 qof oo kale, kuwaas oo sida uu qorsheynayo uu ku bedeli rabo shaqaalaha hey’adda uga shaqeeya gobollada dalka, kuwaas oo seddax sano xuquuq la’aan ahaa.

Mid ka mid ah dhalinyarada shaqo joojinta ku dhaw aaqday oo Caasimada Online la hadlay ayaa yiri, "Wu xuu Maareeye Axmed Macalin si cad noogu sheegay in nala ruqseynayo oo shaqaalaha cusub ee hadda uu qortay uu nagu bedelayo.”

Heshiiska ay kala saxiixdeen 22-qof ee shaqaalaha ah iyo Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa dhigayey in dhalinyaradaan loo dalacsiiyo shaqaale rasmi ah, maadaama ay xilli adag hey’adda u soo shaqeeyeen, xaqna u leeyihiin inay xuquuq helaan, balse hadda uu ka baxay heshiiskaas oo dad cusub uu qortay.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shaqaalaha cabashada qaba ee hey’adda duulista rayidka u kala jooga gobolla da dalka ayaa lagu bilaabay, "Waxaan halkaan kuso gu dbineynaa cabasho quseysa dhamaan shaqaalaha ka holwgala gobollada dalka ee Hay’ada Duulista Rayidka Soomaliyeed (SCAA). Anagoo ka cabaneyna xuquuq la’ aan iyo hormarin la’aan dhanka shaqada ah(Update Training).”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Mudane Maar eye, Maareye kuxigeen iyo dhaman Madaxda ay sida to oska ah u quseyso warqadaan cabashada ah, sida aad lawada socotaan waxaan shaqeyneynaa mudo ku dhow 3 sano, waliba si mutadawac-nimo ah, sababtoo ah mu dadaas aan shaqeyneynay ma aanaan helin xaquuqdii aan mudnayn dhan kastaba.”

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa qoraalkooda ku shaaciyey inay go’aansadeen inay sameeyaan shaqo joojin ay ku mu ujinayaan shacuurtooda, iyagoo u maraya sharciga hey’adda.

In ka badan afar jeer ayey qoraalkooda ku sheege en inay inay madaxda hey’adda Emaillo u direen, iy agoo ka codsanaya in hey’adda ay ka helaan xaqa uga maqan iyo hormarinta dhanka shaqada, balse wax ja waab ah aysan ka helin madaxdooda.

Sida aad lawada socotiin waxaa nalaga Qaadey Bal amo Quseeyo dhanka Shaqada ah oo ugu horeeyo Ma areyaha HDRS Md Ahmed Mo’alin Hassan, Waliba iy ada oo Nagala Saxiixay Heshiisyo Hordhac ah oo Cad eyna u ah inaan helno xuquuqdeena.

"Hadaba waxaan ogeysiineynaa dhamaan waaxya ha ay quseeyso warqadaan in aan sameyn doono sha qo joojin iyo banaan-baxyo aan ku muujineyno dareen keena, Anagoo ka samay doona gobollada dalka, laga bilaabo 05/09/2022 ilaa aan ka heleyno isbadal dhab ah oo aan ku qanci karno. Shaqo joojinteenu waxay saam ey doontaan xarumuha hey’addu ay ku leedahay maga alooyinka, Baydhaba, Beledweyne, Dhuusamareeb, Ca abudwaaq, Kismaayo iyo Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka dhalinyarada. Xigasho:caasimadda.net

Maxay beesha caalamka ka tiri safarada XASAN SHEEKH?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, kaas oo diirada lagu saaray, arrimaha am niga, abaaraha daran ee ka jira dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xogh ahaya guud ee QM u qaabilsan Som alia, James Swan oo golaha faahfaahin ka siiyey arrima ha soo kordhay.

Swan ayaa shaaca ka qaaday in haatan xaaladda si yaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid deggan, kuna habboon in wax laga qabto arrimaha mudnaanta u leh dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday safaradii uu galay madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud, isaga oo boggaadiyey dadaalka uu geli yey xiriirka arrimaha dibadda.

"Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxwey ne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibad da ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bahwadaag ga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Mr. James Swan.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu ku boorinayo dowladda inay sii wado dadaalkeeda, si loo xaqiijiyo xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo caalamka.

"Waxa aan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xa qiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan, xitaa dalal ka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa in ay tani sii socoto gaar ahaan kuwa der iska ah ee gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka dalka, isaga oo shaaciyey in dowladda cusub ay muhiim adda ugu weyn siisay amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

"Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda 1aad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga” ayuu mark ale khudbaddiisa ku yiri, James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha bani’ aadanimo, isaga oo sheegay in xaalado halis ah wajah ayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameyn ku yeelatay abaarta dalka oo haatan la saad aaliyey inay ka dhalan karto xaalad macluul ah.

Sarkaalkii Al-SHABAAB u qaabilsanaa miinooyin ka oo la soo qabtay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya how lgal qorsheysan oo Shalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen deegaano dho wr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada H oose ee dowlad goboleedka Jubbaland. Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada kala ah Yaaq Bish aar, Buulaxaaji, Kanjaroon iyo Warta Biloow, oo hoosta ga gobolka Jubbada Hoose.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad, gu utada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbix Iyey howlgalladaan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoo gaga ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku soo qabtay sakaal Al-Sha baab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka ee deegaanna da howlgallada laga sameeyey, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir, sidoo kale ay dil een 2 xubnood oo kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku guuleyste en in ay miinooyin ka soo saaraan waddooyinka isku xi ra deegaannada ay tageen ciidamada Kumaandooska Danab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo ba xay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaal iya. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya go bolka Jubbada Hoose, sid a ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli ma almihii da mbe ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab wadoyinka iskua xira Kismaayo&

de egaanada hoostaga

Madaxweyne Deni " Ma aqbaleyno in Ciidan aan aheyn kuwa Puntland ka howlgallaan degaanadeena”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/hi Deni ayaa sheegay in Puntland ay ku howlan tahay dib u dhis lagu sameeynayo Ciidamadooda kala duwan si ay ugu guuleystaan sugida Amniga Guud ee degaan nada Puntland.

Waxaa uu sheegay in Puntland leedahay Aar Ciidan oo kala ah, Daraawiish, Boolis, Asluub iyo Mabadsugid, balse aysan yeelan karin Ciidamo u Shaqeeyo Ururo ga ar ah oo ka howlgalla degaannada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Saciid C/hi Deni waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in sidoo kale aysan jirin ciidamo gaar u taagan oo marhore laga gudbay, Isla markaana mar walba ay muhiim tahay in la ilaaliyo nidaanka & Sharc iga u degsan Ciidamada Puntland.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka sheegay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliya ha cusub ee Ciidamada daraawiishta Puntland ee dhaw aan uu magacaabay Madaxweynaha.

 

Erdogan: Sax ma’ahan ‘daandaansiga’ reer galbeedka ee Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in aanu u malayneyn in siyaasadaha "daanda ansiga” ee reer galbeedka ee ku wajahan Ruushka ay sax yihiin, kadib markii Midowga Yurub iyo Kooxda Toddobada Waddan ay soo jeediyeen in la dhi mo qiimaha gaaska Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan gaaska haddii Midowga Yurub uu tallaabadaas qaado, taasoo sare u qaadaysa khatarta qaybinta qaar ka mid ah waddamada ugu qanisan add uunka xilliga qaboobaha.

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu magaalada Belgrade kula qaatay madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic. "Muhiim maahan in aan magacyada kuu yeeriyo, laakiin waxaan si cad u dhihi karaa in aana u arag mawqifka ay reer galbeedku qaadanayaan inuu yahay mid sax ah,” ayuu yiri Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay mag aalada Belgrade.

"Maadaama ay jirto reer galbeed oo hoggaaminaya siya asad ku dhisan daandaansi, ma dhici doonto in natiijo hal kaas laga gaaro,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dalalka kale aysan dhayalsanin Ruushka.

Vucic waxa uu sheegay in Serbia ay ka codsatay Turkiga in uu u oggolaado in uu kasoo wareejiyo Korontada laga kee no Azerbaijan,

Serbia ayaa gabi ahaanba ku tiirsan gaaska Ruushka, laakiin waxa ay doonaysaa inay kala duwanaato sahayda iyo qorshayaasha ay ku bilaabayso soo dejinta gaaska dabiiciga ah Azerbaijan sanadka 2023. Vucic wuxuu shee gay in xilli-qaboobaha soo socda ee Yurub uu noqon karo "mid aad u qabow” sababtoo ah dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ukraine. Inkastoo Belgrade ay cambaa reysay duullaanka Ruushka ee Ukraine, haddana waxay di iday inay cunaqabatayn kusoo rogto Moscow.

VOA + Reuters.

RUUSHKA oo fariin culus u diray 3 ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya

Danjiraha Ruuskha u qaabilsan Qaramada Midoobay, Vadim Kirpichenko oo ka hadlayey kulan ay golaha am maanka gelinkii dambe ee Arbacadii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa farriin u diray Somaliland, Puntland iyo Jubbaland. Vadim Kirpichenko ayaa u gu baaqay hoggaamiyeyaasha saddexd aan ma amul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka fede raalka ee Soo maaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muh iim tahay in la ila aliyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee JFS. "Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xuku umadda Moscow ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud, isla-markaana ay la yeelan doonto iskaa sho dhow oo wada shaqeeneed.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday howlgallada da gaalka Al-Shabaab, gaar ahaan kororka weerarada ay koox da ka fuliso gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyey in si wadajir ah loo wajaho howlgallada lagula dagaalamayo kooxda oo ay qayb ka tahay ATMIS. Kulanka golaha am maanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray ammaanka dalka iyo abaaraha, ayada oo warbixin laga dhageystay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya. Hada lk an ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan Soomaaliya ay la daala dhaceyso culeyso kala duwan, sida xaalado bani’aadanimada oo ka dhashay abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Dowladda Alpania oo xiriirka diplumaas iyadeed u jartay dalka Iiraan

Dalka Albania ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray da lka Iraan, ka dib markii ay ku eedeeyeen in Tehran ay ku lug yeelatay weerar dhinaca internetka ah oo lagu qaaday kaabayaasha dalkaas, bishii July ee sannadkan.

Ra’iisal wasaaraha Albania Edi Rama ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in la eryey dhammaan diblomaasiyiinta u dhashay dalka Iran iyo shaqaalaha safaaradda ay ku leey ihiin dalkaas, isaga oo amar ku siiyey inay dalka uga ba xaan muddo 24 saacadood ah.

Websiteka rasmiga ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha ay aa lagu sheegay inay hayaan caddaymo muujinaya in Iran ay ka dambaysay weeraro dhinaca dhinaca internetka ah oo lagu qaaday kaabayaasha internetka ee hay’adaha da wladda ee Jamhuuriyadda Albania.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in go’aanka ay qaat een ay hore ugu wargeliyeen dalka Iran iyaga oo u sii marsi iyey safaaraddooda. Sidoo kale wuxuu sheegay ra’iisal was aare Rama inay caddaymaha ay heleen ay la wadaageen dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO.

Maraykanka ayaa cambaareeyey weerarka dhinaca inter netka "Maraykanku waxa uu qaadi doonaa tallaabo dheera ad ah si uu Iran ugula xisaabtamo Iran,” ayuu yidhi afhaye enka amniga qaranka ee Aqalka Cad Adrienne Watson.

Dalka Iran wax jawaab ah kama bixinin tallaabadan ay qaadday Iran iyo hadalka ka soo baxay Maraykanka.

William Ruto oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Xasan Sheekh

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya io xiriirka kala dhaxeeya madaxweynaha cusub ee Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto oo wareysi siiyey taleefishinka CNN ayaa xaaladda Soomaaliya ku qeexay "mid cakiran oo ay adag tahay in la bixiyo,” sida uu hadalka u dhigay, balse rajo ka muujiyey inay wada shaqeyn kar aan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto ayaa sheegay inuu horey ula shaqeeyey madaxwe yne Xasan Sheekh, maadaama uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya xilligii uu Xasan Sheekh dalka madax ka ahaa muddo xileedkiisii koowaad.

"Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soo maaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iy adu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri mad axweyne Ruto.

Ruto oo la doortay 9-kii August ayey Maxkamadda Sare ee Kenya waxay doorashadiisa ayidday Isniintii kadib ku dhowaad muddo bil ah oo uu horyaallay kiis uu natiijada do orashada kaga horyimid musharaxii laga adkaaday ee Raila Odinga.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-gali doono caleemo-saarka madaxweyne Ruto oo Nairobi ka dhacay 13-ka September, lana filayo inuu wadahadal gaar ah la yeesho.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa sanadihii ugu dambeeyey ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Fa rmaajo, hase yeeshee Xasan Sheekh ayaa markii la door tay kadib tegay Nairobi halkaasi oo heshiis uu kula saxiix day Uhuru Kenyatta.

Heshiiskaas ayey Soomaaliya dib ugu soo celisay qa adkii Kenya ee uu Farmaajo xanibay, halka la sheegay in Soomaaliya ay Kenya u dhoofin doonto kalluun taasi oo aan weli dhicin. Waxaa hadda muuqata in cidda kaliya ee heshiiskaas ka faa’iiday ay tahay Kenya iyo shaqsiyaad iyo ganacsato ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo loo xiray qaadka Kenya

Tahriibeyaal ku dhintay badda Mediterr anean-ka iyo kuwa kale oo lagu la’yahay.

Tahriibeyaal ku dhintay badda Mediterranean-ka iyo kuwa kale oo lagu la’yahay.Ugu yaraan 8 qof oo tahriiba ya al ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia khamiis tii, xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterr anean-ka una sii gudbaan dalka Talyaaniga, sida ay sheeg tay Idaacadda Monastir ee dawladda.Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay mag aalada Chebba ee gobolka Mahdia.Sarkaal ka tirsan laam aha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax.Waxa uu intaasi ku daray in inta badan Tahriibayaasha doontaasi la socday ay u dhasheen dalka Tunisia.

Xeebta Sfax ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka saboolnimada kasoo cararaya Afrika iyo Bariga Dhexe si ay fursad ugu helaan nolol dhaanta Yurub.Bilihii la soo dha afay, tobabbaan dad ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Tun isia, iyadoo ay kordheen isku dayga ka imaanaya Tunisia iyo Liibiya ee dhanka Talyaaniga.Boqolaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay safar halis ah ku galay badda Mediterranean-ka.Reuters .

MAXAA XIGA OO DHACAYA KADDIB GEERIDA BOQORAD ELIZABETH

Windsor Castle

XIGASHADA SAWIRKA,SWNS

Dadka ku nool UK iyo caalamka oo dhan ayaa ka falcelinaya geerida Boqorad Elizabeth II.

Iyadoo la sameeyay jadwal si taxadar leh loo qorsheeyay, lana xiriira munaasabadaha rasmiga ah, uuna si goonni ah u soo bixi doono, ayaa haddana dhimashada Boqoradda waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nolol-maalmeedka UK. Faahfaahinta inteeda badan waa in la xaqiijiyo, laakiin halkan waxaan idinkula wadaageynaa waxa la filayo.

Ma jiri doontaa maalin fasax qaran ah?

Aaska ayaa la filayaa in lagu qabto Westminster Abbey qiyaastii toban ilaa 11 maalin gudahood, iyadoo taariikhda uu xaqiijin doono Qasriga Buckingham. Waxay u badan tahay in lagu dhawaaqo maalin fasax qaran ah, laakiin tan waxaa xaqiijin doona Qasriga iyo dowladda.

Haddii fasaxa lagu dhawaaqo, dugsiyada waa la xirayaa.

Ilaa hadda ma cadda inay gabi ahaanba xiri doonaan xilligaas ka hor. Waaxda waxbarashada iyo maamullada la sameeyay ayaa laga filayaa inay talo soo saaraan.

Ma jiri doonaan munaasabado meesha laga saarayo?

Ciyaaraha loo qorsheeyay Jimcaha ayaa inta badan la baajiyay, oo ay ku jiraan ciyaaraha Horyaalka Kubbadda Cagta ee Ingiriiska iyo Kubbadda Cagta Waqooyiga Ireland.

Waxaa kaloo dib loo dhigay tartamada baabuurta iyo baaskiillada. Waxaan sidoo kale jiri doonin cayaaraha Golf-ka.

Marxaladda lixaad ee tartanka Baaskiilka ee Britain, oo lagu waday in qabto Jimcaha ayaan sidoo kale dhici doonin.

Ballanqaadyadii BBC-da ee Khamiista iyo Jimcaha ee madaddaallada ahaa waa la joojiyay.

Bandhigyada masraxyada ee UK ayaa la filayaa inay sii socdaan, iyadoo la ilaalinayo aamusnaanta halka daqiiqo ah.

Shaqo-joojinta tareennada iyo boostada ma sii socon doonaan?

Ururka tareennada, badda iyo gaadiidka (RMT) ayaa ku dhawaaqay in shaqo-joojinta la qorsheeyay ee 15-ka iyo 17-ka Sebtember la joojin doono, iyadoo la xushmeynayo Boqoradda. Ururka shaqaalaha ayaa sidoo kale joojiyay shaqo-joojin la qorsheeyay bisha Sebtembar.

Shaqo-joojintii boostada ee Jimcaha ayaa sidoo kale waxaa joojiyay Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta (CWU).

Ma jiri doonaan adeegyo kale oo xusuus ah ka hor aaska?

Waxaa Jimcaha Shalay ah ka dhici doona kaniisadda St Paul's Cathedral kulan xus ah, oo ay ka soo qeyb galayaan raysul wasaaraha iyo wasiirro kale oo sarsare.

Sababtoo ah Boqoraddu waxay ku dhimatay Scotland, naxashkeeda waxaa la geynayaa St Giles' Cathedral ee Edinburgh. Dadweynaha waxaa laga yaabaa in loo oggolaado maalmo kaddib.

Haweeney ubax dhigeysa qasriga Buckingham

XIGASHAD SAWIRKA,GETTY IMAGES

Naxashka ayaa makaas kaddib la geyn doonaa London, halkaas oo boqollaal kun oo qof loo oggolaan doono muddo afar maalin ah inay ku booqdaan Westminster Hall.

Calanka Midowga ayaa laga dejin doonaa xarumaha dowladda ilaa subaxda ka dambeysa maalinta aaska.

Calanka si buuxda ayaa dib loogu soo celin doonaa muddo 24 saacadood ah oo ka billaabanaysa 1-da xilliga duhurnimo ee maalinta Sabtida si ay u calaamadiyaan ku dhawaaqista Boqor Charles.

Jimcaha Shalay ah, dhawaqa gambaleelka ayaa abaal-marin doona Boqoradda gaar ahaan Westminster Abbey, St Paul's Cathedral iyo Windsor Castle.

Waxaa Boqoradda lagu sharfi doonaa 96 xabbadood oo lagu xusayo sanad kasta oo nolosheeda ka mid ahaa, waxaana laga ridi doonaa Hyde Park iyo meelo kale.


TAARIIKH NOLOLEEDKII BOQORAD ELIZABETH II OO GEERIYOOTAY


Queen Elizabeth II

Xukunka waqtiga dheer ee boqorad Elizabeth II waxaa uu calaamad u ahaa awooddee da ku aaddan gudashada waajibaadka iyo sida ay uga go'an tahay in ay u hagar-baxdo xil keeda iyo shacabkaba. Dad badan wa xa ay u noqotay qodobka kaliya ee ay u sababeynayeen isbeddelka caa lamka, xilli saameyntii Britain ee dunida la wiiqay, bulshadana ay isku beddeshay si gabi ahaan ah isla markaana maamulka boqortooyada qudhii sa ay su'aal ka taagneyd.

Guusha ay ka gaartay sii ambaqaadista maamulka boqortooyada xilli sidaas u adkaa ayaa xitaa ah mid xusuus mudan maaddaama, waqtigii ay dhalaneysay, uusan jirin qof xitaa saadaalin karay in ay iyadu noqon doonto boqoradda.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dha lay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.Princess Elizabeth at her christening ceremony with her parents

Qoraalka sawirka, Elizabeth oo ilmo ah iyo waaliddiidkeed

Elizabeth iyo walaasheed Margaret Rose, oo iyaduna dhalatay 1930-kii waxa ay labadooduba wax ku barteen guriga, waxaana ay ku koreen jawiga aadka loo jecleysto ee qoyska boqortooyada.

Elizabeth waxa ay si aad ah ugu wada dhaweyd aabbeheed iyo awowg eed George V labadoodaba.

Iyadoo lix sano jir ah, Elizabeth waxa ay tababareheedii farda-fuulista u sheegtay in ay rab tay inay noqoto "Marwada dalka, ayna yeelato fardo iyo eeyo tiro badan".

Waxaa la sheegay in ay muujisay dareen aad u cajiib badan oo dhanka masuuliyadda ah, xilli ay da'deeda aad u yareyd. Winston Churchill, oo markii dambe Britain ka noqday raysul wasaare ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay sameysatay maamul male-awaal ah "masuuliyad aan jirin oo la iska mala-awaasho, taasoo ay cajiib tahay in uu la yimaado cunug yar".

Inkastoo aysan iskuul aadin, Elizabeth waxa ay caddeysay in ay ku fiican tahay luuqad aha, waxaana ay daraasad qotadheer ku sameysay taariikhda dhanka dastuurka.

Gole gaar ah oo loogu talagalay gabdhaha, oo ahaa kii ugu horreeyay ee laga abuuro qasr iga Buckingham,ayaa loo sameeyay si ay isdhexgal ula sameyso gabdhaha da'dedaah

Princess Elizabeth makes her first broadcast, accompanied by her younger sister Prince ss Margaret Rose 12 October 1940 in London

Qoraalka sawirka, Amiirad Elizabeth (midig) iyo Margaret oo tebin u sameynaya qaranka intii uu so cday Dagaalkii Labaad ee Adduunka Xiisado soo kordhayay Markii uu geeriyooday boqor George V sanad kii 1936-kii, wiilkiisii curadka ahaa, oo loo yaqaannay David, ayaa noq day Edward VIII.

Hase ahaatee, guurkiisii haweeney Mareykan ah oo carmal ahayd oo labo jeer lasoo furay ee lagu magacaabi jiray Wallis Simpson, ayaa u muuqday mid aan loo aqbali karin sababo la xiriira siyaasad iyo diin ahaanba.

Waxaa xilkii boqornimo laga xayuubiyay dabayaaqadii sanadkaas.

Amiirkii gobolka York oo aan markii hore rajo ka qabin boqornimada ayaa sidaas ku noqday boqor George VI.

Furs adda uu ku helay xilka boqortooyada ayaa siisay Elizabeth fursad ay boqortooy ada ugu noqoto mid iyada u keydsan, waxaana ay goor dambe qoraal ku sheegtay in ay xu kunka ku heshay "si aad, iyo aad cajiib u ah".

Si looga hor tago saameynta xiisadihii Europe ee sii kordhayay, boqorka cusub, oo ay wehelineysay xaaskiisa boqorad Elizabeth, waxa ay go'aansadeen in ay dib u habeeyaan aaminaadda ay shacabka ku qabaan maamulka boqortooyada. Tusaalehooda ma uusan lu minin gabadhooda weyn.

The newly crowned King George VI & Queen Elizabeth with Princess es Elizabeth & Mar garetXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qor aalka sawirka, Amiirad Elizabeth, iyo waaalidkeed iyo walaasheed ka yar Margaret, xilligii aabbbeed loo boqrayay sidii "aadka iyo aadka caj iibka u ahayd" Sanadkii 1939-kii, amiiradda oo xilligaas 13 sano jirka ah ayaa ku wehelisay boqorka iyo boqoradda booqasho ay ku tagaye en dugsiga tababarka ciidamada badda ee boqortooyada, kaasoo ku yaallay magaalada Dartmouth. Iyada oo ay la socotay walaasheed Margaret, waxaa waardiye looga dhigay mid ka mid ah ciidankii tababarka ku jiray, kaasoo ahaa ina abtigeed saddexaad, waana Amiir Philip oo kasoo jeeday Giriigga.

CaqabadoPrincess Elizabeth marries Philip Mountbatten XIGASHADA SAWIRKA,PA Qoraalka sawirka, Arooskii Amiirad Elizabeth ee Philip Moun tbatten wuxuu iftiimiyay mugdigii dagaalka Ma aysan ahayn kaliya markii ugu horreysay ee ay kulmaan, balse waxa ay sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee ay iyadu dareen u qaadday isaga.

Amiir Philip waxa uu qoyska boqortooyada ee qaraabadiisa ah booq day marar uu fasax uga tagay ciidanka badda - waxa ayna ahayd sanadkii 1944-kii, xilligaasoo ay jirtay 18 sano, markii ay Elizabeth si cad u jeclaatay isaga.

Waxa ay qolkeeda dhigatay sawirkiisa, waxaana ay isweydaarsan jireen warqado.

Amiiradda da'da yar waxa ay ku biirtay guutadii madaafiicda goobta ee loo yaqaannay Au xiliary Territorial Service (ATS) xilli uu sii dhamaanayay dagaalka, halkaasoo ay ku baratay sida loo kexeeyo looguna shaqeeyo gawaarida waaweyn.Dabbaal-degga maalinta VE Day oo ah maalinta la xuso guushii ay Europe ka gaartay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayay Elizabeth qoyska boqortooyada kala qeyb gashay munasabaddaas oo ka dhaceysay qa sriga Buckingham, markaasoo ay goobta isugu yimaadeen kumannaan qof oo u dabb aal-dagayay idlaashada dagaalkii Europe."Waxaan ka codsannay waalidkeen in aan bixi ka rno si aan fantasyaha ugu soo aragno indhaheenna," sidaas ayay waa dambe tiri iyadoo dib u xusuusaneysay. "Waxaan xusuustaa inaan aad uga baqeynay in wajiyadeenna la aqo on sado. Waxaan xusuustaa in dad aanan is garaneyn ay gacmaha is heysteen, ayna hoos u gu sii socdeen qasriga Whitehall, innagoo dhan waxaan la ilmeyneynay farxad iyo nafis."

Dagaalka kaddib rabitaankeedii ku aaddanaa in ay guursato Amiir Philip waxa uu wajahay caqabado dhowr ah.Boqorku suurtagal uma aysan ahayn in uu waayo gabar uu aad u jecel yahay, Philip isaguna waxa uu ku qasbanaa in uu aad uga fiirsado qaadista tallaabo horse edi kartay in aan la aqbalin dhalashadiisa ajnabiga ah. Dhimashadii aabbe Balse rajadii ay lamaanuhu qabeen way hirgashay, waxaana 20-kii November 1947-kii ay isku guursadeen Westminster Abbey. Isagoo noqday amiirka gobolka Edinburgh, Philip wali waxa uu sii ahaa askari ka tirsan ciidamada badda. In ugu yaraan xilli kooban, la geeyo xarunta ciid amada badda ee Malta waxa ay lamaanaha da'da yar u noqotay fursad ay ugu istareexaan nolosha caadiga ah.

Ilmahoodii ugu horreeyay, Charles, waxa uu dhashay sanadkii 1948-kii, waxaana ku xig tay walaashiis, Anne oo iyadana dunida timid sanadkii 1950-kii.

Laakiin boqorku, isagoo dhibaato badan kala kulmay walbahaarka waqtigii uu dagaalka soc day, waxa uu sidoo kale aad ula xanuunsanaa kansarka sambabada, kaasoo uu u sababay sigaar-cabkii badnaa ee uu waligiis waday.

Bishii January ee sanadkii 1952-kii, Elizabeth, oo markaan ahayd 25 jir, iyo Philip ayaa baajiyay safar horay loo qorsheeyay in uu boqorka ku tago waddamo dibadda ah. Boqorka, oo ku gacan seyray talooyin dhinaca caafimaadka ah oo loo jeediyay, ayaa aaday gegida diyaaradaha si uu u sagootiyo lamaanaha oo dhoofayay. Taasi waxa ay ahayd markii ugu dambeysay ee ay Elizabeth aragto aabeheed.

Elizabeth waxa ay geerida boqorka maqashay iyadoo ku sugan hotel ku dhex yaalla xe ro xayawaanaadka lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Kenya, waxa ayna si dhaqso ah u gu laabatay London, iyadoo markaas ah boqoradda cusub. Goor dambe ayay ka sheekey say xaaladdaas.

"Si markii loo eego, ma aanan heysanin xirfad hoggaamin. Aabbehey waxa uu dhintay isagoo aad u da' yar, marka guud ahaan waxa ay ahayd arrin si kadis ah xil loola waree gayo, isla markaana aad sameyneyso dadaalkaaga ugu badan."

AUSTRALIA IYO NEW ZEALAND The Queen at her Coronation in 1953

XIGASHADA SAWIRKA,PAQoraalka sawirka, Munaasabaddii lagu boqray waxay ahayd tii ugu horreeyay ee toos looga sii daayo British TV

Munaasabaddii lagu boqray iyada bishii June ee sanadkii 1953-kii waxaa laga sii daayay Telefishinka, in kastoo uu kasoo ho rjeeday Raysul wasaare Winston Churchill, malaayiin qof ay aana isugu tagtay meelaha ay ka shidnaayeen TV-yada, in ba dan oo dadkaas ahna waxay ahayd markoodii ugu horreysay ee ay TV daawadaan, si ay u arkaan Boqorad Elizabeth II oo xilkeeda u dhaaraneysa.

Iyadoo ay Britain wali kasoo kabsaneysay saameyntii dagaalka, dadka wax falanqeeya wa xa ay caleemo-saarkeeda u arkayeen mid billow u ah xukunka boqortooyo ee Elizabeth.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa sababay in boqortooyada Britain ay burbur ku dha waato, xilligaasna boqoradda cusub waxa ay baajisay booqasho mug weyn lahayd oo ay ku tagi lahayd waddamada barwaaqo sooranka ah sanadkii 1953-kii. Dalal badan oo ay ho ray Britain u heysatay, oo ay ka mid tahay India, ayaa xornimo qaatay.

Elizabeth waxa ay noqotay boqoraddii ugu horreysay ee iyadoo xilka heysa booqasho ku tagta Australia iyo New Zealand. Waxaa la qiyaasay in afar meelood saddex meel oo ka tirsan dadka Australia ay isu soo baxeen si ay shakhsi ahaan ugu arkaan iyada.

Intii lagu guda jiray sanadihii 1950-meeyadii, waddamo kale ayaa iska dajiyay calankii midowga, waxa ayna dalalkii horay loo gumeysan jiray iyo kuwii gacanta ku hayay ay markaas noqdeen dowlado is bahaysi ah oo iskood isku xilqaamay.

Siyaasiyiin badan ayaa dareemay in waddamada barwaaqo-sooranka ah ee cusub ay liddi ku ahaayeen dhaqaalihii kobcayay ee bulshada reer Europe, sidaas awgeedna, ay Britain kasii jeedsatay qaaradda.

Weerar shakhsi ah

The Queen with Prince Phillip and President & Mrs Eisenhower in 1957

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Boo qashadeedii Mareykanka ee 1957 waxay ka mid ahayd booqa shooyin badan oo ay dunida ku soo martay Laakiin mucaaradada ku aaddan saameynta Britain waxaa sii xoojisay guul-darradii Ka naalka Suez ee sanadkii 1956-kii, markii ay caddaatay in dalalka barwaaqo sooranka ah ay si buuxda ugu guul-darreysteen in ay si wadajir ah u dagaal-galaan wakhtiyada ay xaaladaha adag jiraan.

Go'aankii ay Britain ciidamo ugu dirtay si ay uga hor tagaan halistii ku saabsaneyd in Masar ay qaadato Kanaalka Suez waxa uu kusoo afjarmay in si uu fashil ku dheehan yahay ciid ankaas loo soo celiyo, waxaana taas ka dhashay in uu is casilo Raysul wasaarihii Britain ee waqtigaas Anthony Eden.

Arrintaan waxa ay boqoradda ku kicisay xasarado siyaasadeed. Xisbiga Conservative-ka wax qorshe farsamo ah uma uusan heynin soo doorashada hoggaamiye cusub, waxa ana wada-tashiyo is dabajoog ah kaddib, ay boqoradda ka codsatay Harold Macmillan in uu soo dhiso dowlad cusub.

Boqoraddu waxa ay sidoo kale weerar shakhsiyan ah kala kulantay nin qoraa ah oo lagu magacaabi jiray Lord Altrincham.

Maqaal uu kusoo qoray majallad, ayuu ku sheegay in xukunkeeda uu yahay "mid aad British u ah" oo waliba ah "darajada sare", waxa uuna ku eedeeyay in ay tahay qof aan awood u lahayn in ay hal khudbad xitaa jeediso iyadoo aan qoraal heysan.

Hadalladiisu waxa ay muran ka dhex dhaliyeen warbaahinta, waxaana Lord Altrincham si toos ah ugu weeraray waddada qof ka mid ah dadkii daacadda u ahaa boqortooyada.

Sidaas si la mid ah, dhacdadaas waxa ay sababtay in bulshada Britain iyo fikradihii ay ka aaminsanaayeen boqortooyada ay si dhaqso badan isu beddelayeen su'aalana laga ke enay ra'yigii horay looga qabay. Sidii looga gudbay 'Maamulka boqortooyada' oo loogu gudbay 'Qoyska Boqortooyada'

The Queen with Harold Macmillan

Qoraalka sawirka, Iscasilaaddii Harold Macmillan waxay sababtay muran sharci Iyadoo uu seygeeda dhiirrigaliyay, aad na ugu dulqaadan weysay dhaleeceynta maamulkeeda, boqo raddu waxa ay billowday in ay dhaqangaliso amarka cusub.

Maamulkii dowladda ee ay boqortooyada gacanta ku heysay waa la soo afjaray. Waxaa eraygii "xukunka boqortooyada" si rasmi ah loogu beddelay "qoyska boqortooyada".Boqoraddu waxa ay mar ahayd qofka udub dhexaadka u ah murankii siyaasadeed ee dhacay sanadkii 1963-kii, kaasoo sababay in Harold Macmillan uu iska casilo xilka Raysul wasaarennimo.

Iyadoo xisbiga Conservative-ka aysan wali dajinin nidaam ay ku soo xushaan hoggaam iye cusub, waxa ay raacday taladiisii si ay u soo magacowdo suldaanka guriga isaga beddelkiisa. Waqti adag ayay u ahayd boqoradda, iyadoo laga rabay inay dib u saxdo das tuurka ayna kala saarto boqortooyada iyo dowladda Shalay jirta.

Boqoraddu waxa ay si adag u raadisay xuquuqdeeda ku aaddan in la wargaliyo, in ay talo dhiibatomaamulka iyo in ay wax ka digto - laakiin ma aysan raadinin wax intaas kasii kor reeya oo maamul ah. Xilligaas ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay boqortooyada ku lug yeelatay ammarada xukuumadda. Xisbiga Conservatives-ka ayaa ugu dambeyn ka gu dbay maamulkii kumeel-gaarka ahaa kaddib markii ay hoggaamiyeyaal cusub u soo bax een xisbiga, isla markaana la dajiyay nidaam.

NASIINO

Dabayaaqadii 1960-meeyadii, qasriga Buckingham ayaa go'aansaday inuu tallaabo u qa ado dhanka fiican, isla markaana uu sameeyo hab dadka loo fahansiin karo in nololsha qo yska boqortooyada ay tahay mid caadi ah oo la fahmi karo. Taasi waxa ay sababtay in la di yaariyo barnaamijkii cajiibka ahaa ee Royal Family. BBC-da ayaa loo oggolaaday in ay mu uqaal kasoo duubto xubnaha qoyska boqortooyada ee ku sugan qasriga dhexdiisa.

Waxaa jiray sawirro muujinayay qoyska oo jooga meel cuntada duban lagu sameeyo, oo hagaajisanaya geedka loo yaqaanno Christmas tree, carruurtoodana u kaxeynaya inay ga adiid soo wadaan - dhamaan waxyabaha caadiga ah, lkn aan waligood horay loogu arkin.

Dadka wax dhaleeceeya ayaa sheegay in filimkaas oo uu agaasimay Richard Cawston uu baabi'iyay sharaftii xubnaha qoyska boqortooyada kaddib markii uu muujiyay in ay yihiin sidii dad iska caadi ah, tusaale ahaan meelaha filinka ee lagu arki karay Amiirka Edinburgh oo rootiga loo yaqaanno sausage-ka ku dubanaya barxadda qasriga Balmoral.

Queen Elizabeth II lunches with Prince Philip and their children Princess Anne and Prin ce Charles at Windsor Castle in Berkshire, circa 1969. A camera (left) is set up to film for Rich ard Cawston's BBC documentary 'Royal Family', which followed the Royal Family over a pe riod of a year and was broadcast on 21st June 1969.

XIGASHADA SAWIRKA,HULTON ARCHIVE / GETTY IMA GES Qoraalka sawirka, Muuqaal laga diyaariyay qoyska bo qortooyada ayaa wax badan ka ifiyay nolosha qoyskan

Hase ahaatee, filimka ayaa muujiyay nasiinada ay dareem ayeen qoyska boqortooyada, waxaana uu in badan kasoo celiyay taageeradii ay shacabka u hayeen boqortooyada.

Sanadkii 1977, xuska munaasabaddii Silver Jubilee ee ahayd 25 sano-guuradii kasoo wa reegtay markii ay Elizabeth boqoradda u noqotay dalalka barwaaqo-sooranka waxaa si weyn loogu dabaal-dagay waddooyinka iyadoo ay ka qeyb qaateen dhinacyo badan oo ku damaashaaday guud ahaan dalalka hoostaga boqortooyada.

Boqortooyadu waxa ay u muuqatay mid aysan khatar uga imaaneynin dhanka bulshada, arrintaas inteeda badanna waxa ay saameyneysay Boqoradda qudheeda.

Waqtigaas labo sano kaddib, Britain waxay yeelatay, haweeneydii ugu horreysay ee loo doortay xilka Raysul wasaaraha, taasoo noqotay Margaret Thatcher. Xiriirka u dhexeeyay haweeneyda boqoradda ahayd iyo haweeneyda xukuumadda hoggaamineysay waxaa la sheegay in uusan mararka qaar hagaagsanaan jirin.

FADEEXADO IYO MUSIIBOOYIN

Windsor Castle, the morning after the fire XIGASHADA SAWIRKA,PAQoraalka sawirka,Gubashada Qasriga Wi ndsor Hal arrin oo adag waxa ay ahayd daacadnimada boqoradda ee ku aaddan ururka Barwaaqo-sooranka, kaasoo ay ka ahayd madax.

Elizabeth waxa ay si fiican u taqaannay hogga amiyeyaasha Afrika, waxa ayna u calool-nugleyd dhaqdhaqaaqyadooda.

Waxaa la soo tabiyay in ay "wax aan la fahmi karin" u arkeysay fikradihii iyo xeeladdii mu quuniska ku dhisneyd ee ay isticmaaleysay Raysul wasaarihii hore ee Britain Margaret Tha tcher, isla sidaasoo kalena waxa aysan ula dhacsanaan jirin mowqifkii ay haweeneyda Ray sul wasaaradda ah uga soo hor jeedday cunaqabateynnada ka dhanka ahaa cunsuriyaddii ka jirtay Koonfur Afrika.

Sanadba sanadkii ka dambeeyay, adeegga ay boqoradda u heyso dadweynaha wuu sii socday. Markii uu dhammaaday Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii, waxa ay tagtay dalka Mar eykanka waxa ayna noqotay boqoraddii Britain ee ugu horreysay ee khudbad ka jeedisa ku lanka Aqalka Congress-ka Mareykanka. Madaxweyne George HW Bush ayaa yiri "waxa ay ahayd qof saaxiib la ah xornimada inta aan ka xusuusanno nolosheeda oo dhan" Hase ah aatee, sanad kaddib, qulqulatooyin fadeexado ah iyo musiibooyin ayaa ku billowday isla markaana saameyn ku yeeshay qoyska boqortooyada. Wiilkii labaad ee boqoradda, oo ah Amiirka York, iyo xaaskiisa Sarah ayaa kala tagay, halka Amiirad Anne oo uu guursaday Mark Phillips uu guurkeeda ku soo afjarmay furriin. Kaddib Amiirka iyo Amiiradda Wales ay aa la shaaciyay in aysan isku faraxsaneyn ugu dambeyntiina way kala tageen.

Sanadkaas waxa uu dab weyn ka huriyay qasriga ay boqoradda ugu jecleyd in ay deg genaato ee Windsor Castle. Waxa ay arrimahaas si toos ah calaamad ugu ahaayeen in qa sriga boqortooyada uu dhib ku jiray. Waxaa xaaladda uga sii daray dood ka dhex abu urantay shacabka oo ku saabsaneyd in boqoradda ay bixineyso canshuurta la xiriirta daya ctirka qasriga.

SHARAFTA BOQORTOOYADA XILLI AY SOCOTAY DOODDA DADWEYNAHA

Boqoraddu waxa ay sanadkii 1992-kii ku qeexday inuu ahaa "sanad mugdi ah", wax aana mar ay khudbad ka jeedisay magaalada London ay u muuqatay in ay qirsan tahay ba ahida ku aaddan in boqortooyada ay sameyso furfurnaan dheeri ah si markaas ay u yarato cadaawadda saxaafadda.

"Ma jirto hay'ad, magaalo, maamul boqortooyo ama nidaam kashgta oo filanaya in uu heli waayo dhaleeceyn uga timaada dadka daacadda u ah ee taageera. Marka maxaad u maleyneysaa dhaleeceynta uga imaan karta kuwa aan daacadda u ahayn ee aan taa geerin. Balse annaga oo dhan waxaan isla wadannahay hal bulsho oo qaran ah, dhaleec eyntaasina waxa ay saameyn yeelan kartaa markii ay ku dhisan tahay niyad samaan iyo faham."

Maamulka boqortooyadu waxa uu ahaa mid si aad ah isku difaaca. Qasriga Buckingh am ayaa loo furay dadka soo booqda si olole dhaqaale aruurin ah loogu sameeyo dayactir ka qasriga Windsor, waxaana markii dambe lagu dhawaaqay in boqoradda iyo Amiirka Wa les ay bixin doonaan canshuurta la xiriirta dhaqaalaha kasoo xarooda maalgashiga.

Queen Elizabeth at the Commonwealth Heads of Government Meeting (CHOGM) in Perth, Australia, 2011XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka, Boqoradu waxaa taageeraysay Ururka Barwaaqo-sooranka intii ay boqortooyada haysay Dhanka dibadda, rajooyinkii dalalka barwaaqo sooranka, oo aad u sareeyay xilligii uu boqoradda maamulkeeda cusbaa, lama hir galinin. Britain waxa ay dib ugu laabatay dal alkii ay horay is kaashiga ula lahayd ee Yurub iyadoo markaasna la sameeyay dib u habeyn cusub. Boqoraddu waxa ay wali arkeysay qiimaha uu leeyahay ururka barwaaqo sooranka waxa ayna si weyn ugu faraxday markii ay Koonfur Afrika, xilli ay boqoraddu waayeel noqotay, ay ugu dambeyn dhinac iskaga turtay fikirka cunsuriyada Waxa ay arrintaas ugu dabaal degtay booqasho ay waddankaas ku tagtay bishii March ee sankii 1995-ti.

Dhanka waddanka gudihiisa, boqoraddu waxa ay dooneysay in ay ilaaliso sharafta boqor tooyada xilli ay sii socdeen muranka iyo doodda u dhaxeysa shacabka ee ku saabsan mustaqbalka iyo sii jiritaanka boqortooyada.

DHIMASHADII DIANA, AMIIRADDA WALES

Iyadoo ay Britain la xarbineysay sidii ay u heli lahayd mustaqbal cusub, ayay boqoradu isku dayeysay in ay xal u hesho mushkiladaha waxaana ay si lama filaan ah u billowday in ay shacabka soo jiidato si ay u baabi'iso qallafsanaantii laga aaminsanaa boqortooyada. Doorka ay ku qiimeysay booska ugu sarreeya ayaa ahaa astaanta qarannimada.

Balse, eedeymo qeyrul caadi ah ayaa gilgilay boqortooyada waxaana ay boqoradda xi taa si shaqsi ahaan ah u dareentay culeys kaddib dhimashadii Diana, oo ahayd Amiiradda Wales, taasoo ku geeriyootay shil gaari oo magaalada Paris ka dhacay bishii August ee sannadkii 1997-ki.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip