HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Wednesday September 07, 2022 - 08:13:13 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA SEPTEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra'iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qara mada Midoobay u qaabilsan Arrim aha Bini'aadamnimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud

ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bini'aadamnimada, Martin Griffiths oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Dowladda iyo Kuwa QM, gaar ahaan dar-dargelinta Gurmadka Abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey goobaha ay sida daran u saameeyeen abaaruhu, isagoo tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinaysay gurmadka abaaraha iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa mustaqbalka abaaraha dalka ku soo laalaabta xal u heliddooda.

Sidoo kale, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadamnimada, Martin Griffiths ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo in dadku wajahayaan xaalad nololeed oo daran, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho heer macluul, maadaama dadka intooda badan ay dhaafeen wixii ay ku noolaayeen. Waxuuna caalamka ugu baaqay in gurmad loo fidiyo dadka abaartu saameysay.--DHAMMAAD-

Dowladda Finland Oo Dowladda Sooma aliya Ka Taageereysa Arrimo Muhiim Ah

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Shalay la kulmay Safiirka Finland Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray xiriirka labada dal, iskaashiga laba geesoodka ah iyo arrimo badan oo Finland ay ka caawiso Soomaaliya.

Qodobbada lasoo qaaday waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dhismaha maamulka deegaanka iyo Xasilinta oo ah meelo ay dowladda Finland uga is qeyb qaadato dowlad dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa safiirka Jamhuuriyadda Finland Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola ayaa sheegay sida dalkiisu uga go’antahay taageerrada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey in saxiibada Soomaaliya ee caalamka ay dhiirigelinayaan dadaalka iyo hindisaha dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay dowladda Finland sida ay garab istaag ugu sameysay Soomaaliya muddo dheer, gaar ahaan doorka ay ka qaadatay dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladaha hoose, waxaa uuna xusay in wasaaraddiisu ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaan hey’adaha laga leeyahay Finland ee mashaariicda kala duwan ka wada gudaha Soomaaliya.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Saarnaa Gaari Oo Ku Le’day Qarax Xoogan Oo Lala Beegsaday

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyiga dalka Burkina Faso halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxaha jihaad-doonka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Baabuur ay la socdeen dadka ayaa waxaa la kacay qarax miino xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaannada Djibo iyo Bourzanga.

Waxaa qaraxa sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah. Weerarada ay kooxaha ka geystaan ayaa sare u kacay Burkina Faso tan iyo bishii January oo ay militeriga talada la wareegeen.

Burkina Faso ayaa wuxuu kamid yahay dalalka ugu saboolsan adduunka, wuxuuna la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhashay weerarada ay kooxaha ka geystaan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Xukun Dil Toogasho Oo Lagu Riday Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Dilal Geysatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay xukun dil toogasho ah ku riday laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Gor-gor iyo kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad, kuwaasi oo lagu helay inay dilal bareer u geysteen laba wiil oo dhallinyaro ahaa.

Labada Askari ee Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Guuleed Xa mse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi, wa xaana 11-kii June sanadkan ay deegaanka Bariire ee Gobalka Shabellada Hoose ku dileen Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Ma calim Isxaaq, xilli ay baranayeen Farshaxan.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun ku riday Askari sedaxaad laguna magacaabo Maxamed Isxaaq Guuleed, kaasi oo ku Eedeysan inuu horey u soo raacay Askarta falka geysatay, iya goona saddexdooda markii hore kusoo tashtay inay dhacaan ragga la dilay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowa ad Ee Ciidamada Qalabka Sida oo ku dhawaa qay xukunka ayaa sheegay in Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi lagu ri day xukun Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Isxaaq.

Guddoomiye Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sidoo kale sheegay in sed dax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Max amed Isxaaq Guuleed, kaasi oo ku eedeysan inuu horey u soo raacay Askarta falka gey satay.

Tuuryare oo ka digay arrin ka dhalan karta DAGAALKA qabaa’ilka iyo Al-Shabaab

Tan iyo markii ay beelaha qaarkood bilaab een inay si dhab ah ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, waxaa sare u kacay bar-til maameedyada ay ko oxda ku hayso qab aa’ilada ay ka soo je edaan maleesh iyaa dka is-abaabulay ee dagaalka kula jira ko oxdaas. Al-Shabaab ayaa maalintii Sabtida ahayd ugu yaraan labaa tan qof oo rayid ahaa ku dishay gobolka Hiir aan, xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa mag aalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara haddii daga alka qabaa’ilada kula jiraan Al-Shabaab aan la gu taageerin?

Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabad sugida NISA, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo la hadlay idaacada BBC ayaa sheegay in ha ddii dowladda aysan garab ku siin maleeshiyo-beeleedyada dagaalka kula jira Al-Shabaab ay dhibaato u gaar ah wajihi doonaan.

"Haddii hal qabiil kaligiis uu dagaal la galo Al-Shabaab wuxuu culays ama xoog uu ku wii qayo qabiilkaas saarayaa deegaanadooda si ay qabiillada kale ugu quus-qaataan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

"Beegsiyada qabaa’illada ee ay Al-Shabaab waddo waxa ay sababaysaa in qabiilka intiisa kale ay is-abaabulaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen Al-Shabaab, maad daama deegaannadoodii la bar-tilmaameeds anayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu fu dud ee ay Al-Shabaab dowladda dalka uga xor eyn karto ay tahay in dadka deegaanka iyo qa baa’illada ay is abaabulaan, islamarkaana ay dowladda ciidamo ku taageerto, si aysan Al-Shabaab u beegsan keligood.

"Dowlad aan shacabka deegaanka haysanin oo ay dadkeedu abaabulnayn inay A-Shabaab ka adkaato way adag tahay, maxaa yeelay xi taa haddii ay ciidamada xoreeyaan deegaan nada dad sii haya oo abaabulan ayaa loo baa han yahay.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray "Waxay ta asi horseedi kartaa in arrintan ay noqoto dagaal nooc cusub ah oo ugu dambeyn looga guulays an karo Al-Shabaab, balse waxay ku xiran ta hay sida loo fahmo iyada oo laga hortagayo in uusan abaabulkoodu mar kale damin, waxaana is leeyahay in tani ay tahay fursadda ugu wan aagsan ee ay dowladdan haysato.”Ugu dambe yntiina waxa uu ku baaqay in laga faa’iideysto kacdoonka socda ee ay dadka deegaanka iyo qabaa’ilada ay isku abaabulayaan si ay isaga difaacan Al-Shabaab, maadama xiligaan dowl adda keligeed aysan awoodin inay dalka ka xareyso kooxdaas


Magacaabista Gudomiyaha cusub ee G/Ba naadir: Afar qodob oo aan laga bo odi karin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wa xaa miiska u saaran magacaabista guddoomiya ha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho. 2daan xil oo mar la hadal hayey in la kala qaadi doono ayaa hadda u mu uqda in sidii hore loo dhaafi doono.

Horey wuxuu madaxwey naha u muujiyey in qabyadii uu ka tagay inay kamid aheyd inuu Muqdisho u sameeyo maa mul madax banaan. Dad badan ayaa olole ugu jira kursigan.

Xubnaha raadinaya waxaa ku jira rag horey u soo maamulay gobolka Banaadir oo ay qaar kood leeyihiin diiwaan wanaagsan. Sidoo kale dhallinyaro siyaasadda ku cusub oo dhanka he y’adaha caalamiga ah kasoo shaqeeyey ayaa kamid ah magacyada miiska u saaran madaxw eyne Xasan Sheekh.

Laakiin marxadda ay Shalay Muqdisho ku jir to ayaa adkeeneysa xulashada madaxweyna ha. Xasan Sheekh oo xilalkii muhiimka ahaa ee dowladda ku tixay xisbigiisa UPD ayaan la oge yn jihada uu la aadi doono kursigaan muh ii mk ah.Haddaba waxaan eegeynaa afar arrimood oo looga baahan yahay in laga helo qofka loo dhiibaayo hoggaanka gobolka Banaadir maad aama weli sida muuqata lagu sii socon doono marxaladda magacaabista.

Amniga

Muqdisho waxay ku jirtaa xilli aad u qaraar xagga amniga sanado badan ayey soo tixneyd amni xumada caasimadda. Waxyaabaha loo aa neeyo waxaa kamid ah in amniga caasimadda uusan hoos tagin maamul gobolka Banaadir.

Guddoomiyaashii gobolka soo maray badan kood ma aheyn dad haya talo amni ama loo o gol yahay inay faraha la galaan arrimaha amni ga caasimadda iyadoo la ogyahay inay qeyb ku leeyihiin eeda amni xumada.

Tani waxay hoos u dhigtay qiimaha kursig aan. Guddoomiye gobol oo aan wax talo iyo go ’aan ku laheyn mushkiladda ugu weyn ee sha cabkiisa heysata waa dhibaato kale.

Maadaama hadda la filayo in hoggaan cusub la magacaabo waxaa muhiim ah in la helo gud doomiye gobol oo haya aragti wax looga badali karo amniga caasimadda sidoo kalana qaadan kara mas’uuliyadda amniga.

Madaxda dowladda cusub waxaa hor taaala wax ka duwan dhaqankii hore.

Dhaqaalaha

Xamar waa isha koowaad ee dhaqaalaha do wladda Soomaaliya, waxaa ka jira xilligaan ho os u dhac dhaqaale oo saameeyey guud ahaan shacabka. Sicirka cuntada ayaa sare u kacay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay lacagaha ay ka aru ursato ganacsatada magaalada Muqdisho. Da acish ayaa iyadana sidoo kale bilowday lacag noocaas ah.

Dhaqaalihii dowladda Soomaaliya uga soo xaroon jiray magaalada caasimadda ah ayaa hoos u dhacay. Qofka laga dhigayo duqa M/ Muqdisho waa inuu hayaa aragti abuuri karta is badal dhaqaale, yareyn karta lacagaha Al-Sha baab kasoo gasha magaalada Muqdisho, indha buuxin kara canshuur bixiyaasha oo maareyn kara sicir bararka.

Maareynta Al-Shabaab

Dowladda dhexe ee Soomaaliya inay guuley sato waxay ku xiran tahay sida ay u maareyso nabadda magaalada Muqdisho. Haddii aan Al-Shabaab laga adkaan lama hanan karo qalbiy ada dadka reer Muqdisho.

Mar walba dadka loo dhiibo hoggaanka gobol ka Banaadir waxay isku ekeysiiyaan inaysan waxba ka quseyn la macaamilka Al-Shabaab oo ay tahay shaqo u taalo dowladda dhexe.

Dhaqankaan inuu sii jiro waa dayacaad sha cab. Qofka uu madaxweyne Xasan Sheekh sii nayo kursiga guddoomiyaha gobolka banaadir waa inuu noqdaa qof haya dariiq shacabka ca asimadda iyo maamulka isaga kaashan karaan dagaalka ama xal u helidda Al-Shabaab looga na wada shaqeyn karo horumarka deegaanka.

Sidoo kale, waa inuu yahay qof abuuri kara wa cyi bulsho oo kabayo dowladda dhexe.

Maqaamka caasimadda

Banaadir oo ah gobolka ugu dadka badan guud ahaan gobolada ay Soomaalidu dagto matalaad kuma lahan aqalka sare ee baarlama anka Soomaaliya, caasimadduna maqaam mal ahan.Xasan Sheekh wuxuu ololihiisa ku ballan qaaday inuu arrintaasi hirgelin doono haddii dib loo doorto. Hadda fursadda gacantiisa ayey ku jirtaa, waxaana muhiim ah inuu keeno guddoo miye gobol oo idman lehna caqli, aqoon iyo ar agti uu magaalada ku gaarsiin karo inay maqa am hesho.

Weliba dadka qaarkood waxay qabaan in sa nado cayiman la siiyo qofkaas si uu arrinta ma qaamka uga shaqeeyo oo lagu daro waxyaaba ha hortabinta u leh xulashada.

Qof aragti ka heysto afartaan qodob iyo qa ar kaloo badan laguna tuhmayo inuu fulin leeya hay, dadka indha buuxin kara, aaminaad lagu tuhmayo, eedo hore aan loo qabin oo dadka iyo deegaanka aqoon u leh ayaa badi loo arkaa In ay muhiim tahay inuu madaxweynuhu u xusho kursiga guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay oo ka digtay Maclu ul ballaaran oo ka dhacda Soomaaliya

Isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qara mada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macl uul, taasoo uu sheegay inay wacan tahay aba artii ugu xumayd ee dalka soo marta afartan sa no kadib.

Hal milyan iyo bar carruur ah oo ku nool So omaaliya ayaa wajihi doona nafaqo-xumo ba'an bisha soo socota, haddii xaaladdu ay sii socoto oo aan wax laga qaban, ayuu tiri Griffiths.

"Tobanaan sano oo colaado ah, barokac baahsan, arrimo dha qaale oo ba'an ayaa dad badan ku riixaya inay qarka u saaran yihiin macaluul," ayuu ku yiri sar kaalkan katirsan QM. Wuxuu sheegay in abaar tu u badan tahay inay sii socoto illaa ugu yara an Maarso 2023.

Marka loo eego warbixinta falanqaynta haq ab-beelka cuntada iyo nafaqeynta ee Soomaal iya, oo sidoo kale la sii daayay Isniintii Dorraad, il aa 7.1 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya oo dhan, ayay abaartu aad u saameysay.

Dadkan waxay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, oo dhinacyo badan leh si loo daweeyo loogana hortago nafaqo-xumada ba'an loona yareeyo tirada sii socota ee dhimashada.

Xubnihii Ka Harsanaa Komishanka Doo ra shooyinka Somaliland Oo Shalay La Ansix iyey

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somalil and Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada ay ansixiyeen xubnihii ka harsanaa Komishanka doorashooyinka Somalil and, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada ar rimaah doorashooyinka aan Golahooda wax lo oga saarin.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku baaqay in xubnahan Komishanka doorashooy Inka ay si wada jir ah hawsho oda u dhamaystiraan, si ay u gudda-galaan hawshii u taal ay Komishanka dorashoyinka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa wa xa uu sheegay in looga baahan yahay xubnaha komishanka doorashooyinku inay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka u guta an shaqada culus ee horyaala

"Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komi shanka ee aynu codka siinay Shalay in ay xilk ooda u gudan doonaan, si waafaqsan xeerarka, shuruuda iyo dastuurka Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la hadlay warbaahinta.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Guddo omiyaha Golaha Wakiillada Somaliland "waxa aynu ka filaynaa waa caddaalad iyo garsoor ay u sameeyaan dhamaan tartamayaasha iyo asx aabta ama Ururada tartami doonta.”

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan qabsoomida do orashada Madaxtooyada Somaliland, waxaana dhowr jeer deegaanada Maamulkaas ka dha cay bannaanbaxyo rabshado watay oo ay dhig een dadweyne farabadan oo ay hoggaaminaye en Madaxda mucaaradka Somaliland ee kasoo hoejeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Maamulka Degmada Baraawe Oo Ka Hadlay Qaraxii Khasaaraha Sababay Ee Dhacay

Maamulka M/Baraawe ee G/Sh/Hoose ee Maamulka K/Galbeed ayaa ka hadlay qarax sa babay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Shalay ka dhacay Boosteejada laga raaco ga adiidka aada deegaanka Kuunya-barow.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasad da ee Baraawe, Ismaaciil Cabdullaahi Aaden oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Magaaladaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isagoo xusay inuu ka dhacay Suuq ku yaalla Baraawe.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo uu tilmaamay in qaraxa lala beegsaday, waxaana uu sheegay Ismaaciil Cabdullaahi in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo isugu jiray rag iyo haween ku sugnaa goobta.

Sidoo kale Guddoomiey ku-xigeenka amn iga iyo siyaasadda ee Baraawe ayaa intaas ku sii daray in laamaha ammaanka Maamulka ay wadaan howlgalo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa khasaar aha dhaliyey ee halkaas dhacay.

Warar madax banaan oo la helayo ayaa she egaya in qaraxii ka dhacay Baraawe ay ku dhi nteen laba ruux oo mid Askari uu yahay, halka 9 kalena ay ku dhaawacme en, kuwaasi oo haa tan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee M/ Bar aawe


Al-shabaab oo gubay guryo shacab oo ku yaalay tuulooyin ka tirsan gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaala mayaasha Al-shabaab ay Habeen hore gubeen guryo dad shacab ah daganayeen oo ku yaala tuuloo yin dhowr ah oo hoos ta ga deegaanka Baxdo.

Tuulooyinka Al-shabaab ay gubeen ayaa kala ah Biyo deys iyo meegaag duub oo qiyaas ahaan Baxdo u jira ilaa ugu badnaan 20KM, waxaana dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheege en in ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee guryaha gubay ay dib ugu laabteen meelahii ay kasoo ta geen markoodii hore, iyadoo dadkii deganaa gu ryaha la gubay ay yihiin kuwo banaan cidlo ah jiifa oo ay soo wajahday xaalad hoyi la'aaneed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Shalay Tuulooyinka guryaha laga gubay iyo de gaano kale oo ku dhadhaw ayaa sheegaya iney socdaan abaabulo xoogan oo ay wadaan dad ka degaannadaas oo is hubeeynaya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaabka ka gubay guryaho odii.

Dhawaan ayay aheyd markii Al-shabaab ay gubeen guryo, Ceel biyood iyo xarumo Isgaarsi ineed oo ku yaalay deegaanka Cadakibir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana dadka de egaankaasi oo Dorraad warbaahinta kasoo hor muuqday iyagoo hubeysan ay sheegeen iney u diyaar garoobeen la dagaalanka Al-shabaab oo aysan markale dhici doonin in guryahooda si sahlan u gubaan Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa mudooyinkii da mbe bilaabay beegsiga ay ku hayaan adeegya da muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed si da gubista guryaha, Ceelasha biyaha, Isgaarsi inta, waxayna horay u beegsadeen deegaano badan oo ku kala yaala gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo arintaasina ay sababtay in shacabka deegaanadooda la gubay iney is hu beeyaan oo ay la dagaalamaan Al-shabaab.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Wararka aan ka hele yno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sha beellaha Dhexe ayaa wa xaa ay sheegayaan in Habeen hore gudaha Magaal ad aas la gu dilay Nin kamid ahaa dadka deegaan ka oo ay toogasho ku dil een rag hubeysan oo Ba stoolad watay.

Dilka ayaa waxaa fiidnimadii Habeen hore uu si ga ar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Maamul ka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaa na halkaas ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas khaajirinta ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaal ada kuna sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa gaaray goobta kana qaaday Meydka Ninka la dilay, isla mark aana waxaa Meydka durbadii la geeyay Isbitaal ka weyn ee Magaalada.

Lama oga sababta loo dilay Ninka oo la til maamay inuu kamid ahaa dadka deegaanka M/ Jowhar, hayeeshee falkaas ayaa waxaa uu qe yb ka noqonayaa falal amni darro oo horey uga dhacay M/G/Hirshabeelle ee Jowhar.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa dilal qor sheysan horey uga heystay Jowhar, sidoo kale na ay ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo lagu weeraray hoteelo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Magaaladaas, waxaana mas’uuliyadoo da sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab .

Ururka ONLF " ONLF waxay aaminsan tahay in Itoobiya ay haysato dhul Soomaali leedahay"

Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarr eeya ee ONLF oo waraysi siiyay Warbaahinta ku hadasha afka Ururka ONLF ayaa ka hadlay xaaladda galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan dhulkii ay dhaw aan Canfartu qabsatay.

Ugu horreyn Nuur Faatulle wa xa uu sheegay in ONLF ay aam insan tahay in dowladda Itoobi ya ay haysato dhul Soomaa liyeed, fikirkaas oo uu sheegay in shacabka degaanku aaminsan yi hiin, ONLFna ay fikirkaas la qabto shacabka.

" Dowladda Itoobiya in dhul Soomaaliyeed ay haysato ayay ONLF aaminsan tahay, dadku na in doonistooda aysan meelna ku tagin ayay aaminsan yihiin, ONLFna sidaas ayay aamin san tahay". ayuu yiri Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarreeya ONLF.

Nuur Faatulle oo kamid ah xubnaha u sarr eeya ee ONLF ayaa sidoo kale ka hadlay arr inta galbeedka Siti, iyo dhulka ay Canfartu qabs adeen isagoo yiri " Canfar haddii dowladihii ka la duwanaa ee Itoobiya soo maray ay siiyeen dhul Soomaali leedahay, ONLF taa aqoonsi uma hayso waana lasoo celin doonaa wakhti ay noqoto, wadadii lagu soo celin karana waa lagu soo celin doonaa".

Isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu yiri " Nasiib darro ayay ahayd in dadka Soomaaliy eed aysan dowladdu u sheegin siyaasad qee xan oo ay ka lahayd colaadda, daandaansiga iyo dal ballaadhsiga ee ay Canfartu ku hayso dadka Soomaaliyeed ee deggan gobolka Siti".

Dhawaan ayay ahayd markii gobolka Siti gaar ahaan galbeedkiisa ay xukuumadda dowlad de gaanka Soomaalidu ay ka sameysay labo de gmo oo cusub, taas oo dadka qaarkii iyo ONLF ay u aamineen in labadaas degmo ee cusub ay baddal u yihiin dhulkii ay Canfartu qabsadeen muddo ka hor ee Garbaciise, Cundhufo iyo Ca ddeytu.


MAXAA KA JIRA INAY AL-SHABAAB ADEEGSATO DIYAARADAHA AANU DUULIYAHA SARAN EYN? AL-SHABAAB


Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay adee gsanayno teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fu dudeeyaan fulinta weerarrada, sida uu sheegay La-taliyaha sare ee Arrimaha Gaarka ah ee Siy aasadda ee Ergada Mareykanka ee Q/Midobey , Danjire Jeffrey DeLaurentis.Danjiraha ayaa xu say in weerarrada marka laga yimaado uu ag abkaas ka caawiyo kooxaha argagixisada ah soo ururinta xogta sirta ah iyo dhinaca dacaa yadda.

Hadalka ayuu mas’uulkaas ka jeediyay kulanka Arria oo looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falal ka argagixisannimo ee xud duudaha isaga gud ba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykan ka ee Q/M Kulan kaas wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu yeeshay guddi ka mid ah G/Amma anka.

Qoraalka laguma sheegin goorta ay Al-Sha baab billowday adeegsiga qalabkan iyo sida ay ku heshay. Laakiin kooxo ay ka mid yihiin urur ka la magacbaxay 'Dowladda Islaamka' ayaa la rumeysan yahay inay horey u adeegsadeen di yaaradaha drones-ka si ay u fuliyaan weerarro, sida laga soo xigtay warbixin ay faafiyeen mila tariga Mareykanka. Kooxda ayaa diyaaradaha drones u adeegsatay weerarro ay ka fulisay Sii riya, Ciraaq iyo meelo kale. Horraantii sanadkii 2013, Al-Qaacidda waxa ay isku dayday inay weerar ka fuliso Pakistaan, iyadoo adeegsanay sa diyaaradaha aanu duuliyaha la socon ee Drones-ka, balse kuma aysan guuleysan.

"Waxaan aragnay kororka isticmaalka nida amyada hawada ee aan duuliyaha lahayn iyo adeegsiga teknoolajiyadaha kala nooca ah ee argagixisannimada si loo waxyeelleeyo bartil maameedyada nugul,” ayuu yiri danjire Jeffrey DeLaurentis

Wuxuu bogaadiyay dadaal uu sheegay in Kenya ay ugu jiro la-dagaallanka argagixisada, isagoo ballan-qaaday in Mareykanku uu sii wad ayo taageeradiisa "si dadaallada awood-dhisid da ee la-dagaallanka Argagaxisada ay u miro-dhalaan”.

Danjiraha ayaa tilmaam ay in dhowaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoob ay ku sheegay warbixintiisa labadii sano ee la soo dhaafay in halista Daacish iyo Al-Qaacidda ay ku sii kordheyso meelo kala duwan oo Qaar adda Afrika ah. Sababta waxaa lagu sheegay in kooxahaas ay ka faa’ideysanayaan dhibaato oyinka iyo qalalaaseyaasha ka jira qaaradda.

Hoteel Xayaat erarkii ay Al-Shabaab ku qaad day Hoteel Xayaat oo ku yaalla Muqdisho 19-kii ilaa 20-kii Agoosto iyo duullaankii xadka Itoo biya ee bishii Luulyo ayaa loo arkay dhacdo oyin waaweyn oo wax u dhimaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo Bariga Afrika.

Maraykanku wuxuu ballan-qaaday inuu sii wadi doono taageerada dalalka Afrika si ay u dhistaan awood joogto ah oo ay uga hortagi kar aan khatarta argagixisada, taas oo isugu jirta adeegyada amniga rayidka iyo milateriga.

Mar uu si gaar ah uga hadlayay dalalka iyo urur rada taageera Soomaaliya ayuu yiri: "Waxaan soo dhoweyneynaa wadashaqeyn dheeri ah oo lala yeesho Soomaaliya, Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo dalalka ku deeqay ciidamada, iyo xubnaha Golaha Ammaanka, si wax looga qabto khatar ta Al-Shabaab iyo in Soomaaliya loo sahlo in ay xil weyn iska saarto amnigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka danjiraha.

Qaraarkii Qaramada Midoobay ee uu tirsigi isu ahaa UNSC 751 ee Guddiga Cunaqabateyn ta Hubka ee Soomaaliya ayuu danjiruhu ku tilm aamay mid fursad wanaagsan u ah wax ka qab

ashada halista Al-Shabaab.


Hormuud Salaam Foundation Oo Taba bar U Furtay Dhalinyaro Shaqo Abuur Loo Sameeyay

Waxaa Shalay lagu daah furay degaanka Km13 ee Degmada Kaxda, Mashruuca Tabab arka Mootooyinka, oo aay ka qeyb qadanayaan 80 dhalinyaro. Mashruucaan oo aay maalgeli neeyso Hormuud Salaam Foundation, ayaa qor shuhu yahay in shaqo loo gu abuuro ilaa iyo 100 0 (kun dhalinyaro ah), ku waa soo la bari doono wa di da Mootooyinka, ka dib na aay dhaqo siin doonto Shirkada RIKAAB, oo ka shaqeeysa adeegyo kala duwan , tababarka ayaa socon doono mu do 28 maalmood ah,dhalinayarada Shalay Tababarka u furmay ayaa kasoo gudbay Imtix aan qoraal iyo Xisaab ah oo laga soo qaaday.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo ugu horeyn meesha ka hadlay , ayaa sheegey ineey doonayaan ineey shaqo u abuuraan, 1000, dhalinyaro oo ku shaqeyn doono Mootooyinka, iyaga oo shaqada aay siin doonto shirkadda RIKAAB, ayna ka shaqeynta doonaan adeegyo kala duwan oo macaamiisha alaabta loogu geynayo goobahooda, waxaana Shalay tababarka loo furey 80 dhalinyaro ah oo noqonaya dufcadii 1aad. Gudoomiyaha ayaa sheegey in Tababarka loo qaban doono Dufcad Dufcad, dufcada 2aadna aay bilaaban doonto 5 November

2022.

Tababarka ayaa waxaa fulinaya Dugsiga Farsamada Gacanta ee Buruuj , Maamulaha Dugsiga Farsamada ee Buruuj , Abdimajiid Khadar Ali ayaa sheegey in tababarka oo noqon doono Baraatiko iyo casharo fasal ah, si loo soo saaro Dhalinyaro u carbiyeeysan shaqada,

Maamulaha Shirkada RIKAAB, Maxamed Abdullahi Maxamuud (Quulle ) oo ah shirkada bixin doonta shaqada Tababrka ka dib, ayaa u balan qaaday dhalinyarada ineey horey ka shaqo bilaabi doonaan, ka dib markii aay soo dhameeyaan Tababarka Shalay la daah furey , waxaana uu u sheegey ineey gacmo furan kusoo dhaweyn doonaan, diyaarna ula yihiin shaqo joogto ah, waxaana uu kula dardaarmay ineey aad uga faaiideystaan Tababarka, si aay uga soo dhalaalaan shada aay qaban doonaan ee u adeegida macaamiisha. Maamulaha RIKAAB ayaa u sheegey dhalinyarada in laga doonayo marka aay shaqo galaan ineey la yimaadaan hab dhaqan fiican, daacadnimo, howlkarnimo iyo ineey si fiican ula macaamilaan macaamiisha aay u adeegi doonaan, maadaama shaqada aay ka shaqeyn doonaan aay lafdhabar u tahay hab dhaqanka fiican ee diinteena Islaamka na fartay.


KALLUUMEYSATADA KENYA OO KA HADLAY HESHIISKII IS WEYDAARSIGA KALLUUNKA IYO

 QAADKA EE SOOMAALIYA IYO KENYA KALLUUN

Guud ahaan caalamka, kalluumaysiga ayaa la sheegaa inuu yahay mid laga helo macaash badan, iyadoo sannadkiiba ay ka soo xarooto lacag u dhiganta $6 bilyan oo doollarka Ma reykanka ah.

Badda ku teedsan Gees ka Afrika ayaa la tilmaamaa inay ka mid tahay meelaha ugu qanisan kalluunka qaaradda.

Hase yeeshee, ganacsatada kalluunka maxalli ga ah ayaa wajahaya caqabado badan, kuwaas oo ay sheegayaan inay ka hor istaageen hour markii ay ganacsigooda ka samayn lahaayeen.

Axmed Xasan Cali, wuxuu ka mid yahay gana csatada kalluunka ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kuwaas oo kalluunka ka soo jilaa bta badda Kenya, sidoo kalena ka soo iibsada Soomaaliya, una beeckeena dalkan.

"Caqabado badan baa jira oo ku xeeran kall uunka,” ayuu yiri Axmed oo intaas ku daray: "Kalluunka sida aad rabto uma helaysid, mee sha aad rabto kama keeni kartid oo kamą soo jillaaban kartid, sidoo kalena ma haysanno talla agadihii aan ku kaydin laheyn, ileen markaad keento lagaama iibsanaayo.”

Kalluumaysatada yaryar ee Soomaalida u badan ee Geeska Afrika ayaan lahayn shirkado isku xiran ama dhaqaale buuran oo ay ganacs igooda ku horumarin karaan, taas oo hoos u dhigta wax-soo-saarkooda iyo weliba awooddii ay dibadda ugu dhoofin lahaayeen kalluunka. Axmed waxa uu ku cawday in aanay jirin shi rkad xooggan oo ka caawisa sidii ay caqabad ahaas uga gudbi lahaayeen "Illaa hadda mayn aan arag shirkad wayn oo dadka kalluumaysata da ah intay isku keento leh waxaas baan idiin qabanaynaa,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in haddii la helo shirkado ka caawiya arrintaas la horumarin karo ganacsi ga kalluunka, balse hadda ay ku shaqeeyaan "noolow oo ha dhiman”.

"Ganacsiga kalluunka aad ayuu u liitaa, sab abtuna waa in dhaqaalaha dalka uu liito,” ayuu sii raaciyay Axmed.

Ka ddib sanado badan oo uu ku jiray ganac siga kalluunka, sidoo kalena ay soo mareen isb edello kala gedisan, ayuu Axmed Xasan ku rajo wayn yahay in mustaqbal wanaagsan uu ka ho rreeyo. Rajadaas oo ku timid heshiiskii isfahamka ahaa ee ay dhawaan gaareen dow ladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sidaas oo ay tahayse Axmed iyo ganacs atada kale ee kalluunka ee Mombasa ayaa wa xa ay ku doodayaan in wax badan aanan laga dareemin heshiiskii dhigayay in kalluunka Soo maaliya Kenya la keeno, Soomaaliyana ay qa adato qaadka iyo waxyaabaha kale ee loo dho ofiyo."Kalluunka waxaan ka soo gadannaa gan acsatada ka soo dabata badda Soomaaliya, hal kan Kenyana waan ka jillaabannaa,” ayuu yiri Axmed, walow uu ku andacooday in heshiiska labada dal ay gaareen aanay weli iyagu daree min."Wax ganacsigeenna ku soo kordhay ma ji raan, si rasmi ahna cid dhahaysa baddii way fur an tahay oo halaga ganacsado maynaan arag, haddiise ay taas dhacdo ganacsi badan ayaa la ga samayn karaa, oo qofka hadduu xorriyad ha ysto meel walba ayuu kalluunka ka soo jillaa ban karaa, laakiin taas annaga illaa hadda ma hayno.” Xasan Sheekh iyo Uhuro oo kala saxiix anaya heshiiskii qaadka iyo Kalluunka

Heshiiskii ay dhawaan labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nairobi ee la isku weydaarsanayay ganacsiga qaadka iyo kalluunka kaddib, ayay dhawaan sidoo kale ganacsatada Soomaaliya sheegaya an in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluum eeysatada Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Du caale oo goor sii horreysay wereysi gaar ah si iyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqab ado ay wajahayaan.

Kalluumaysatada Soomaalida ah ayaa la sheegaa in aanay helin xogta aasaasiga ah, qalabka, aqoonta, farsamooyinka iyo suuqyada ay u baahan yihiin si ay u horumariyaan gana csigooda. Arrimahaas oo haddii sida ay tahay ay u helaan ka caawin laheyd inay sare u qaad aan heerka nolosha qoysaskooda sidoo kalena ay xoojiyaan dhaqaalaha iyo wax-soo-saarkood aba.Soomaaliya oo kaliya ayay xogta tilmaa maysaa inay ka kalluumayst aan kumannaan kalluumays ato maxalli ah, kuwaas oo si yaabo kala duwan gacan u ga gaysta dhaqaalaha dalka, hase yeeshee, haddii loo fidiyo tababarro wanaagsan misana ay helaan qalab tayo leh oo ay wax ku soo jillaaban karaan, kuna kaydsan karaan ayaa la sheegayaa inay taasi horumarin karto macaashka ay ka helaan ganacsigan.

Inkastoo dhanka kale ganacsatadu ay ka ca wdaan shirkado shisheeye oo si sharci-darro ah uga kalluumaysta badda Geeska Afrika, kuw aas oo ay kalluumaysatadu ku andacoonayaan inay haystaan qalab casri ah oo ay mar qura ku jillaaban karaan kalluun aad u badan.Waxay ka lluumaysatadu dhanka kale ku rajo wayn yihiin in arrintaas wax laga qaban doono mustaqbal ka dhaw.

Madaxweynaha Putin Oo War Kasoo Saaray Isbeddelka Cimilada Dunida Ee Sii Xuma anaysa

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlayey Arrimaha deegaanka ayaa yiri ”Waxaan marar badan maqalnaa calaamado naxdin leh oo sheegaya in haddii aadanuhu uu san wax ka qaban arrimaha deegaanka nolo sha Aadanuhu halis gelayso”

ha ayaa xusay in ay jiraan fikra do kala duwan, haddana way is ka caddahay in bini’aadamku ay sababeen dhibaatooyin xagga deegaanka ah, ayuu Putin ka sheegay Mada sha Deegaanka Ecological Youth ee Dhamm aan-Ruushka: "isagoo carabka ku adkeeyey in Arim aha deegaanka u baahan yihiin fiiro gaar ah.”

Putin waxa uu dhaleeceeyay habka Yurub u wajahdo arrimaha deegaanka ee caalamka.


Lix Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaa day Safaaarada Ruushka Ee Magaalada Kabul.

Qarax ka dhacay afaafka hore ee safaarad da dalka Ruushku ku leeyahay caasimadda dal ka Afghanistan ee Kabul, ayay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo ka mida shaqaalaha safaarad da.

Warbaahinta dalka Ruush ka oo soo xiganaysa wasaa radda arrimaha debedda ee Ruushka iyo goobj oogayaal kala duwan ayaa sheegtay in "qof is miidaamiyey oo aan weli la aqoonsani inuu isq arxiyey” ka dib markii uu diblomaasi Ruush ahi u soo baxay barxadda hore ee safaaradda, si uu u akhriyo magacyada muwaadiniin u dha shay dalka Afghanistan oo saf ugu jiray inay qa ataan dal ku galka Ruushka.

Illaa hadda xog badan lagama bixinin xaala dda diblomaasiga la bartilmaameedsaday.

Khalid Zadran oo ah afhaye enka booliska ee Kabul ay aa sheegay in qof ismiida amiyey inuu fuliyey weerar ka lala beegsaday safaaradda Ruushka, hase ahaatee wuxuu sheegay afhayeenku in ciidam ada ilaalada ee Taliban inay dileen qofka ku hu baysnaa walxaha qarxa, ka hor intii aanu gaar in bartilmaameedka uu u socday.

"Qofka is qarxiyey wuxuu damcay inuu isku dhex qarxiyo dadka safka ku jiray, balse ciidam ada ammaanka ayaa ka hortagay oo toogtay ka hor intii aanu gaadhin halkii uu u socday, taa soo keentay inuu markiiba is qarxiyo” sidaasi waxaa bartiisa twitterka ku soo qoray afhayeen ka ciidanka booliska ee Kabul.

Afhayeenka Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey dhi mashada afar qof oo rayid ah oo reer Afghanist an ah, isagoo intaas ku daray inay weerarkan ku dhaawacmeen illaa toban qof oo kale. Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa tacsi u diray dadkii waxyeel ladu ka soo gaadhay weerarka safaaradda

Liz Truss oo no qotay Ra'iisul Wa saaraha cusub ee UK Qaabishayna Boqor adda UK

Liz Truss ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain taas oo afjareysa labo bilood oo xaalad kala-guur ah ah kadib markii lagu khasbay Boris Johnson in uu xilka ka dego faddeexado dhowr ah dartood.

Boqoradda Elizabeth ka codsatay Liz Truss inay soo dhisto dowladd kadib markii ay kulan kula qaadatay gurigeeda ku yaalla Scotland.

Waxay xilka la wareegeysaa kadib saameynta ka dhalatay dhaqaale xumada ka taagan Ingiriiska iyo dagaalka Yurub.

Liz Truss oo la kulantay boqoradda

PA MediaCopyright: PA Media

Liz Truss oo la kulantay boqoraddaImage caption: Liz Truss oo la kulantay boqoradda

Bisadda 15ka sano xoreysatay xafiiska reysal wasaaraha ingiriiska oo hadda xaalad cabsi ah wejeheysa.

Bisad la yiraahdo larry ay aa ku nool xafiiska reysal wa saaraha ingiriiska. larry wux uu hadba nolosha la bilaa baa masuulka cusub ee la wareega xafiiska wa xa ayna waqti lasoo qaadatay saddex reysal was aare iyaddo hadda sugeysa soo dhoweynta reysal wasaaaraha cusub ee Britain liz truss.dhacdada cajiibka ah ayaa noqoneysa in larry mar waliba uu ahaa bisadda kaliya ee ku nool xafiiska reysal waasaraha ingiriiska, ba lse hadda ayaa laga cabsi qabaa in godkiisa ay biyo uguso galaan maadamaa ay macquul ta hay in qoyska reysal wasaaraha cusub ay lafti gooda wataan bisad kale.

larry ayaa markaas wajihi doona cillad hor leh maadaama boos ay xoreysatay lagu ciriirin doono. larry ayaa salaami doona reysal wasaar aha cusub ee UK xilliga xafiiska Downing Str eet laguso dhaweynayo.

larry ayaa la siiyay darajo sare markii uu mu ddo sanado ah ku nolaa xafiiska. larry ayaa leh bar ciwaan oo twitter ah halkaasi oo uu kaga hadlo arrimaha siyaasadda iyo waxyaabaha is aga quseeya waxaana ku xiran dad badan.

Intii lagu guda jiray dhacdo olole bishii Ogo sto, Ms. Truss, xoghayahii arrimaha dibadda ee Britain, waxay xustay inay xiriir aad u wanaag san la leedahay Larry, iyadoo tiri Si joogta ah ayuu ii garab istaagaa.

Waxaan u maleynayaa inaan ahay mid ka mid ah golihiisa wasiirada ee uu doorbidayo. Larry, Ms. Truss ayaa soo jeedisay in meesha bisadda ee Downing Street ay ahaan doonto mid ammaan ah.

Muxuu yahay 'cudurka halista ah' ee rag gu ka qaadaan cabidda caanaha?

Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaa facaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaal in, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xu say daraasad cusub.

Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mar eykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta.

Tan iyo sanadkii 2001, baarayaasha ayaa la so cday caafimaadka rag ku sugan Mareykanka iyo Canada. Waxay daraasa ddan eegeysay cuntada ragan muddo shan sano ah.

Qaar ka mid ah raggan ayaa laga helay kansar ka kaadi-heysta, kaddibna daraasadda ayaa is barbar dhigtay kuwa aan isticmaalin manaafaca adka xoolaha iyo kuwa isticmaalay. Waxaa la ogaaday in ragga maalintii cabay 430 garaam oo caano ah ay boqolkiiba 25 halis ugu jireen kansarka kaadi-heysta, marka la barbardhigo kuwa cabay 20.2 garaam maalintii.

Miyey u fiicantahay nimanku inay sarajoog ku kaadshaan?

Atoorihii caanka ahaa ee dhintay 'mar buu So omaaliya aflagaadeeyay'

Baarayaasha ayaa sidoo kale ogaaday in qa adashada maaddada kalshiyamka ee waxyaa baha aan manaafacaadka xoolaha ahayn laha helo aysan wax saameyn ah ku yeelan khatarta kansarka kaadi-heysta.

"Waxyaabaha aan ogaannay waxay cadde ymo dheeraad ah u yihiin xiriirka manaafacaad ka xoolaha iyo kansarka kaadi-heysta," ayuu yiri Gary Fraser, oo hormuud ka ahaa baaritaa nkan.cow milk Hoormoonnada caanaha xoola ha iyo kansarka kaadi-heysta Fraser ayaa she egay in hal sabab oo caanaha xoolaha iyo kan sarka kaadi-heysta isku xiri karta ay tahay in xa nuunku yahay mid ka fal celiya hoormoonka.Maad daama ilaa 75 boqolki iba lo'da caanaha laga helo ay uur leedahay, hoormoonnada ku jir acaanaha ayaa laga yaabaa inay kordhiyaan halista kan sarka kaadi-heysta.

Daraasadda ayaa sidoo kale ogaatay in da raasado hore oo la sameeyay ay isla xiriiriyeen cabidda caanaha iyo manaafacaadka kale ee xoolaha iyo kororka sokorta dhiigga, taas oo loo maleynayo inay sababo noocyo kansarka ka mid ah.

Waxyaabaha lagu ogaaday daraasaddan ay aa la mid ah kuwa daraasad kale oo sanadkii 2020 la sameeyay taas oo ay baarayaashu ku sheegeen in haweenka sida joogtada ah u ca ba caanaha xoolaha ay halis ugu jiraan kansar ka naasaha.khudaar Cuntada dhirta ka same ysan

Taas beddelkeed, baaritaanno badan oo la sa meeyay ayaa la gu ogaaday in cuntada dhirta ka sameysan ay difaac u tahay noocyo kansar ka ka mid ah, oo uu ka mid yahay kan kaadi-heysta ku dhaca.

Daraasad sanadkii hore lagu daabacay Warg eyska Urology ayaa waxaa lagula socday caafi maadka 47,243 muddo 28 sano ah.

Cuntada dhirta ka sameysan ayaa la sheeg ay inay yareyso halista kansarka kaadi-heysta ku dhaca. Waa maxay kansarka kaadi-heysta?

Kansar

Waa nooca kansarka ugu badan ee ku dha caragga ku nool UK - bulshada sii gaboobeysa ayaa waxay ka dhigan tahay in rag badan uu ku dhacayo ayna u dhimana yaan xanuunka Wuxuu ku dhacaa kaadi-heysta raga Kansarka ayaa si tartiib tart iib ah u faafi kara sanado bad an ragga badan koodna ma isku arkaan calaa mado Calaamadaha lagu ogaan karo waxaa ka mid ah kaadi badan oo haddana si daciif ah kaaga timaadda

Ma jiro hal baaritaan oo lagu ogaado kansarkan - baaridda dhiigga iyo baaritaan jir aha aneed ayaa dhammaanba la adeegsan karaa

.Maleeshiyaad ka cararayey duqeymaha dal ka Nigeria oo WEBIGA ku qarqamay

Tiro ka mid ah maleeshiyaad Islaamiyiin ah ayaa ku qarqamay webi ku yaalla Nigeria xilli ay ka cararayeen duqeymaha ay ciidamada dal kaasi. Ilo wareedyo dhan ka amniga qaabilsan ayaa laga soo xigtay in dhacdada an ay ka dhacday gobolka waq ooyiga bari ku yaalla ee Borno, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ballaaran.

Ciidamada ayaa weeraray tuulooyin hoosta ga keymaha Sambisa halkaas oo ay ku dhuu maaleystaan dagaalyahanada kooxda Booko Xaraam.Wararka waxay sheegayaan in kooxda ay baxsadeen fariisimahooda isla markaana ay u jiheysteen dhinaca webiga mara halkaas.

Maleeshiyaad maxalli ah oo ka barbar da gaallamayo ciidamada dowladda ayaa sheegay in ka badan 100 meydad ah laga soo saaray webiga oo ay aaseen. Tobonaan kun oo qof ayaa ku dhintay halka 2 milyan oo qof ay gury ahooda ka qaxeen ka dib weerarrada maleesh iyaadka ee ka bilowday Nigeria tan iyo 2009-kii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip