HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO TALAADO 6-DA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Tuesday September 06, 2022 - 08:39:54 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO TALAADO 6-DA SEPTEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ra'iisul Wasaare Xamse "Dagaalka cado wga waa wadeynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan"

Muqdisho, Sibteembar 05, 2022-Ra’iisul Wa saaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Md.Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay daah fu ray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaarad da Haweenka &Horu mari nta Xuququl Insaanka .

Ra’iisul Wasaare Xam se Cabdi Barre oo ka ha dlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dhe er uga hadlay doorka muhiimka ah ee haween ka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Md. Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuum addiisu ay ka go’an tahay xorreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murug ada geerida ehellada shacabkii ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud.

"Waxaan ugu hambalyeynaya ciidanka qal abka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaal ka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowg ana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meela ha ay ku dhuumanayan, Shalay oo u danbeys ay waxaa laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuun sii so conayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.” Ayuu yiri R/Wasaare Xamse.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ah aa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, xubno ka tirsan labada golle ee do wladda, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo ururrada haweenka.---DHAMMAAD----

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Hoygi isa Ku Booqday Madaxweynihii Hore

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoo be),ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhu uriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ho oyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq gee riyootay. Guddoom iye Sh.Aadan, ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qo yska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isa aq, isagoo Alle uga baryey inuu Jannadiisa Fir dowsa ka waraabiyo.

"Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Al le ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isa aq, oo Dorraad la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo jannadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheeg ay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Al le u baryey in uu Jannadiisa ka waraabiyo. Taliye Xijaar Oo Faah Faahiyey Howlga lkii Shalay Ciidanka Haramcad Ka Fuliyeen Basro

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Feder aalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorshe ysan oo waaberigii hore ee Shalay Ciidanka Bo oliska Haramacad ka fuliyeen de egaanka Basra ee Shabeellaha Hoose.

Taliye Xijaar oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheeg ay in howlgalkii laga fuliyey dee gaanka Basra lagu burburiyey Maxkamad ay Al-shabaab ku laheyd halkaas iyo fariisimo kale oo ay lahaayeen Shabaabka.

Taliyaha Booliska dowladda ayaa caddeey ay in howlgalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, isla markaana sheegay in Shabaab ka dileen xubno, kuwo kalena ka dha awaceen.

Sidoo kale Xijaar ayaa xusay in dhankooda Ciidanka Booliska Haramcad ka dhintay hal sa rkaal, halka Askari kalena uu dhaawacmay, wu xuu intaas kusii daray in howlgalkii Shalay uu bilow u yahay howlgalo kale oo laga

fulinayo deegaano ka tirsan dalka.

Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa u ga digay dadka Soomaaliyeed inay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab, isaga oo sheegay in ciddii isku dada ay tallaabo ka qaadi doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Gaba-gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska dowl adda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in howgalka Basro uu yahay kii ugu horeeyey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada, isagoo sheegay in gobollada dalka uu ka bilowday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Cumar Cabdirashiid: Ku darsashada Axmed Madoobe iyo ka aamusnaanta dowladda waa arrin khatar ah

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cu mar Cabdirashiid ayaa ku baaqay inaan laga ogolaan ku darsashada halka sano ee madax weynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Cumar

Cabdirashiid ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka aamusan tahay ku darsa shada madaxweyne Axmed Ma doobe. Wu xuuna ku tilmaamay arrin khatara.

"Dowladda federalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhaca ya dow lad goboleedyada, moral authority-gee da ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku da rsanay, do wladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tira ahdo waan diidnay,”ayuu yiri Cumar Ca bdira shiid.Cumar wuxuu sheegay fakarka ku da rsha da Jubbaland inay tahay wax aan ka sha qayna yn dimuqraadiyad. Wuxuu sidoo kale she egay, in Axmed Madoobe uu leeyahay eedda in uu wax ku qaban waayay muddada dheer ee uu madaxweynaha ka yahay Jubbaland. Barlamaanka Jubbaland ayaa dhowaan hal sano ugu daray Axmed Madoobe, waxaana arri ntaas ka horyimid siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah wakiillada barlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland.

Saadaq Joon oo soo saaray digniin ku soc ota ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabab

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, haarana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacab ka ee BF, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Jo on) ayaa soo saaray digniin ku socota ciidanka jooga furimaha hore ee dagaalka.

Xildhibaan Saadaq ayaa ciidanka uga digay xiligaan oo dalku uu galay xaalad dagaal inay raacaan gaad iidka, isagoo taas bedelke ed u soo jeediyey in ay luge eyaan, si khasaaraha soo gaaraya uu u yaraado.

"Waxaan uga digayaa ciidamada jooga furi maha dagaalka sida gawaarida aad u raacays aan joojiya, kuna badala inaad lugaysaan, si aad qasaarihiina u yaraysaan, cadowgana u ja bisaan, guulaysta,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Qoraalkaan wuxuu soo raaciyey kolonyo cii dan ah oo aad u buux-dhaafisay gaadiidka dag aalka, gaar ahaan gaari Cabdi Bile ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalkii Shalay ka dhacay degaanka Basra oo lagu beegsaday Al-Shabab

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa miinooyin gelisay wadooyinka ay adeegsadaan ciidama da dowladda, waxaana xusid mudan in khasaa re lixaad leh ay geystaan, miinooyinka gacan ku sameyska ah ee kooxdu ay geliso wadooy inka.

Agaasimaha Xiriirka Machadka Daraasaad ka Jowhar Oo Ka Qeyb Galay Shir Ka Dhacay Qatar

"Shirkaan wuxuu muhiimad gaar ah u leey ahay dalkeenna Soomaaliya oo ay ka jiraan dhi baatooyin musuq-maasuq oo ragaadiyey shac abka, waxaa loo baahan yahay in shirarka noo caan oo kale lagu qabto dalka” ayuu yiri Agaa simaha xiriirka caalamiga ee Machadka Daraasaadka iyo Arrimaha Bul shada Jowhar.

Agaasime Xasan Cali ayaa hay’adaha shirka qabtay ka cod saday in shirarka noocaan oo kale ah lagu qabto gudaha dalka Soomaal iya, si looga hortego dhibaatada musuqa maal iyad eed ee gaaray meel aan wanaagsaneynin.

Shirweynaha la dagaalanka dembiyada Maali yadda ee ka dhacay Magaalada Dooxa ee Caa simadda dalka Qata ayaa qabashadiisa iska ka ashaday Machadka Imtithaal iyo Ururka Qaree nnada Xisaabiyayaasha Qatar.

Machadka Daraasaadka iyo Arrimaha Bulsh ada Jowhar ayaa kaalin weyn ka qaatay horu marinta Waxbarashada dalka Soomaaliya, wax aana Maamulka Mach adka ay Aradyda Sooma aliyeed ka taageer aan sidii ay waxbarasho wa naagsan uga heli lahaayeen Jaamacaddaha ku yaalla dalalka Caalamka.

 


Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo oo kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo Gu ddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu ho ggaamiyo ayaa Shalay kulan la yeeshay gan acsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardarg elin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo mar kii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Axmed Moallim Fiqi ayaa she egay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Bu ulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay gu ddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu daya ctiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ahmagaalooyinka Baydhabo iyo Xu ddur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kula mo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhin aca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kul anka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoog ga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.

Dowladda Somalia Iyo Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Arrimaha Iskaa shiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulq aadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka ayaa waxayn ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardar gelin lahaa fulinta qo rshaha kala guurka.

Wasiir Cabduqaadir Jaamac ayaa uga ma had celiyay Midowga gar ab istaaga ay u muujiye en Midowga Yurub iyo doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka Sooma aliya, wuxuuna tilmaamay in dowladda Federa alka ay ka taageeraan dhinacyo kala duwan.

Midowga Yurub ayaa dowladda Federaalka ka taageera dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, tababarada Ciidamada, Amniga iyo shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka.

Madaxweyne Qoorqoor Oo Tagay Dega an Ay Al-Shabaab Ku Burburiyeen Ceelbiyood

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ax med Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hog aaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay Al-shabaab ka jareen Isgaarsiinta iyo biyaha, ka dib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha Isg aarsiinta iyo ceel biyood.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhage estay guddoomiyaha deegaanka iyo odaya asha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad 150 qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga difaacaan Al-shabaab.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo waxa loogu yeero arg agixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku bogg aadiyey shacabka iyo culimada deegaanka Ca da Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay Al-shabaab uga difaacdaan deegaankooda iyo deegaanada hoostaga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galm udug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xu say Galmudug ay had iyo goor garab taagan tahay shacabka u hiillan inay iska dulqaadaan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Shalay la wareegay deegaano badan oo hoos taga degmada Buulaburte

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaal iya ee fadhigoodu yahay magaalada Buulabur te ee gobolka Hiiraan ayaa Shalay howgalo qo rsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ho ostaga degmada Buulaburte.

Ciidamada dowladda ayaa howgaladooda waxay kula wareegeen deegaanada kala ah Gu badleey, Dabayoodle, Kilad, Ceeymooy iyo Dhagaxyaale, kuwaas oo dhamaantood hoosta ga degmada Buulaburte, islamarkaana ay hor ay ugu sugnayeen dagaalamayaasha Al-shab aab.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada dow ladda Soomaaliya ee hoggaaminaayay howlga lada ciidamadu sameyeen ayaa sheegay iney ciidanka gacanta kusoo dhigeen doon Al-shab aab ugu xirneed wabiga Shabeelle oo u aheyd bar isku socod oo ay ku gu dbistaan sahayda, dhaawac yada, gurmadka iyo ciidama dooda u kala gudbaya gob olada Shabeelooyinka iyo gobolada dhaxe ee dalka.Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Sooma ali eed ee horkaceysay howlgalada ay Shalay kula wareegeen deegaa nada dhowrka ah ee hoostaga Buulaburte ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay noqonaya an kuwa sii socon doono ilaa inta ay ka xoreyn ayaan deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiran

Howlgalada ciidamadaan ayaa imaana ya xili ciidamo isugu jira Macawiisleey iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay howlgalo ka wadaan labadii maalmood ee lasoo dhaafay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Baledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana howl agalada ay sii xoogeysteen markii dhawaan Al-shabaab dad shacab ah ay ku laayeen deega anka Afar irdood, islamarkaana ay ku sheege en dadkaasi ay dileen iney ahayeen Macawiisl eey taasi oo dhalisay kacdoon dadweyne.

Ka dib go’aankii maamullada ee ka dhan ka ahaa DF, shir Shalay ka furmay Muqdisho

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho shir uga furmay Wasiirada Maaliyada dowladda fe deraalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo dhawaan soo dhex-galay wada-shaqeyntooda.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda he er federaal iyo dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxay dhinacyadu uga wada-ha dleen qaabkii loo qeybin lahaa 100 Milyan oo ka timid Bangiga Adduunka, taasi oo ay maam uladu diideen in laga siiyo wax ka yar Toban Milyan midkiiba, sida ay sheegeen.

Gebo-gabada shirka Wasiirada Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed ayaa waxaa laga soo saari doona War-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada-hadleen iyo heshiiska wada-shaqeyn ee ay gaaraan.

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, shirkaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa laheyd Wasaaradda Maaliyadda dowladda fed eraalka Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad-gobol eedyada ay ku dhawaaqeen inay xiriirkii wada-shaqeyneyd u jareen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Was iirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad-gobole edyada ayaa waxay ku eedeyeen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka inay jabisay he shiisyadii horey loo kala saxiixday ee kala aha a: 1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019, 2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019, 3- Heshiiskii Kampala ee December 2019, 4- He shiiskii Nairobi ee January 2020, 5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay hore u qaadeen maamul gobole edyada ayaa aheyd caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hogaam iyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre, hase yeeshe waxay u muuqata in durtaba xal kama dambeysa ah laga gaarayo.

Booliska oo digniin adag u diray gana csatada Muqdisho, kadib arrin la ogaaday

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saa ray digniin adag oo ku socota ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa loo yeero ee ugu taga deegaanada ay ku sugan ta hay kooxdu.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jen eraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jar aa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamadii howl galka ka fuliyey degaanka Basra ay halkaas u gu tageen ganacsato ay u yeertay kooxdu.

"Waxaan uga digayaa umadda Soomaaliy eed in aysan ku haligmin amarrada Al-Sha baab, yaan la aadi goobaha ay joogaan Al-Sha baab, sababtoo ah mar kasta ayaa la beegsa karaa kooxdaas, howlgallo culus ayaa ku bilow day,” ayuu yiri Jeneraal Xijaar.

Sidoo kale Taliyaha booliska ayaa u balan qaaday ganacsadihii looga yeero goobaha ay maamulaan Al-Shabaab, hadii uu soo sheego inay ammaankiisa sugi doonaan.

"Ninkii aada ee aan ku ogaano talaabaan ka qa adi doonaa, waxaan ognahay kuwo badan oo xiriir la leh, xitaa ninkii gaari ka ijaara ama ay gaarigiisa ku adeegtaan, ahyaga dagaalamaya iyo isagu waa isku mid, waana la iska dhicina yaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xij aar. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan Duufa an iyo booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa Shalay fuliyey howlgalkii ugu horeeyey ee noo ciisa ay waayahaan fuliyaan ciidamada dowlad da Soomaaliya.

Howlgalkaas oo ka dhacay degaanka Basra oo dhaca inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad, jihada koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday fariisinkii ca nshuurta looga qaadi jiray dadka reer Muqdisho.

Halkaas Al-Shabaab waxay ku lahaayeen maxkamad ay ku kala saaraan dadka reer Mu qdisho ee kala dacwoonaya, sida muranada dhulalka, sidoo kale waxay u aheyd fariisin weyn oo ay canshuurta uga uruuriyaan ganac satada Muqdisho, waxaana gacanta lagu soo dhigay boonooyinkii ay Al-Shabaab canshuurta ku qaadi jireen.

Cabdi Xuseen: Ninkii Maraykanka uu dul dhigay halka milyan ee doolar oo loo gacan geliyay

Cabdi Xuseen Axmed Booliska Kenya ayaa u gacan galiyay Mareykanka nin lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay duurjoogta.

Cabdi Xuseen Axmed oo loo yaqaan Abu Kha di, ayaa waxaa loo ha ystay eedey mo la xiriira inuu ku lug lahaa uga ars iga in ka badan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maro odi.

Wuxuu ninkaas ku jiray liiska dad ka uu Mare ykan ku baadigoobayo.

Waxaa lagu soo oogay isaga iyo saddex qof oo kale dambi ah "in ay ka qaybqaateen ka gan acsiga geesaha wiyisha iyo foosha maroodiga, oo labaduba ah noocyada duurjoogta ah ee la il aaliyo, kuwaas oo lagu qiimeeyay in ka badan 7 milyan oo doollar, sida ay sheegtay Agaasim aha Waaxda Dembi-baarista ee dalka Kenya (DCI) . DCI-da ayaa Axaddii sheegtay in eedeysana ha loo gacan galiyay dalka Mareykanka "si uu u ga jawaabo dambiyadii lagu soo eedeeyay".

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo dool ar oo loo ballanqaaday in la siinayo qofkii kee na macluumaad lagu soo qaban karo.

Dambiga looga soo oogay Mareykanka wa xaa kale oo ku wehelinayay eedeysaneyaal ka le oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno "Ayoub,”, "Ayuba,” a ma "Kampala Man;” Amara Cherif, oo loo yaqa anno "Bamba Issiaka;” iyo Mansur Maxamed Surur. Cabdi Xuseen

Laga soo billaabo bishii December ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo niman ka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kii lo oo geesaha wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foolasha maroodiga ah, oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika, sida Kenya, Uganda, Ja mhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Gui nea, Mozambique, Senegal iyo Tanzania.

Qabashada eedeysanihii hore

Badru Cabdul Casiis Saalax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Gari ssa xilli uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soo maaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan boo liska.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalin un ka dib markii Agaasinka Danbi-baarista ee Ke nya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn lo ogu faafiyay warbaahinta.

Booliska ayaa markaas sheegay inay ku ra ad-joogeen Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Qaabkii loo soo qabtay faahfaahin lagama bi xin, mana cadda in ay jirto cid qaadatay aba almarintii uu Mareykanku ballanqaaday.

Balse, safaaradda Mareykanka ayaa daba yaaqadii bishii May xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku amm aantay inay gacan ka geysteen soo qabash adiisa.

Booliiska Somaliland oo iska fogeeyay eedo loo soo jeediyay

Booliiska Somaliland ayaa beeniyay tacadi uu sarkaal hore uga tirsanaan jiray sheegay in booliisku u gaysto maxaabiista saldhigyada ku xidhan.

"Taliska Ciidanka Booliska J. So maliland , waxa uu halkan ka beeninayaa wararka waxba ka ma jiraana oo wiigagii u dambee yaybaraha bulshada lagu baah iyay ,taasi oo Ciidanka Bo oliska JSL lagu she egay inay saldhigyada ka gaystaantacadiyo iyo dhibaatooyin naxaabii sta lagu soo xidho".

Wararkan oo booliisku sheegay in uu faafi yay Yaxye Samaysne oo hore uga tirsanaa boo liiska, ayuu ku tilmaamay qaar looga gol leeyah ay in lagu waxyeeleeyo sumcada ciidamada bo oliiska, waxaanu digniin u diray cidkasta oo ku foogan ka been abuurida ciidamada booliiska.

Samaysne ayay booliisku sheegeen in uu taliye ku xigeen ka ahaa Saldhiga Dhexe ee Ha rgaysa, kadibna uu maskax ahaan u xanuunsa day, ka bacdina loo badalay talis ka guud ee ci idanka booliska, si halk aas loogaga war hayo, lakiin uu u baxsaday magaalada Muqdisho, wa rar been ahna ka faafiyay booliiska intuu halka joogay. Sarkaalkan ayaa sheegay in uu ka tagay ci idamada booliiska isaga oo ku eedeey ay in ay gaystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuq da aad anaha.

Jubbaland oo digniin adag u jeedisay shac abka ku dhaqan Magaalada Kismaayo

Jubbaland ayaa awaamiir adag ka soo saar tay hubka lagu dhex qaato Magaalada Kismaa yo, ka dib markii ay soo baxeen warar sheega ya in maleeshiyada Al Shabaab ay qorsheyna yaan weeraro ka dhan ah magaal adaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka ha dlay wararka ay dadku isla dhex marayaan, isagoona digniin u jee diyay dad uu sheegay inay Shab aabka ka soo qaadeen farriimo la gu qalq algelinayo amniga magaa lada.

"Runtii Magaalada Kismaayo way fiican ta hay, wax qalqal amni ahna kama jira an, waxa an dareemi karnaa uun dad farriin ka soo qaad ay nabadiidka in ay yihiin, oo mag aalada dhah ayo qaraxyaa ku jiro iyo wax saas ah oo meel aha fadhi ku diriryada laga sheeg ayo way jira an, laakiin annagu waxaas wax na khuseeyo ma ahan. Magaaladu waa amni, ciid anku 24 sa ac way ka shaqeeyaan, ciidan nagu filana wa an haysanaa, annaga iyo nabadiidk ana dagaal baa naga dhaxeeyaba, oo hadda waxasxaan iyo wanaag ah oo naga dhaxeeyo ma jiro.” Ay uu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaan uga digayaa dadka farriimaha inta Shabaabka ka soo qaada magaalada ku faafinaya, waxaana amrayaa Cii damada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland inay xaaladdaasi si dhow ula socda an, cid kasta oo dacaayadaas fidineyso, la ark ana in la waafajiyo sharciga.”

Dhanka kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheeg ay in ciidamada aan ahayn kuwa qaabilsan am niga magaalada aanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, ciddii lagu arkana in tallaabo sharci ah laga qaadi doono. "Dha mman Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Go boleedka Jubbaland iyo kuwa qarankaba wa xaan ku wargelinayaa in ay xeryahooda ku sug naadaan, Taliye walb ana uu ciidankiisa kala baxo magaa lada, kuna sugnaadaan xeryaho oda.” Ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Wasiir Dhuumaal ayaa intaasi ku daray "Cii damada Sida Gaarka ah u tababaran iyo kuwa Booliskaba ama JISA (Nabad Sugidda Jubbal and) ayagana waxaan ku wargelinayaa cid kas ta oo magaalada hub ku dhex wadato, oo aan ahayn mid sharci ah ama mid goobtiisa la joogg a inay qabtaan, oo ay xareeyaan, dibna looma celinayo, amarkaasna waa in la fuliyo, ayadoo la waafajinayo shuruucda dowlad da u taalo. Qorigaas markii la qabto ciidan ka leh baa la qorayaa, waana la diiwaan gelinayaa, qofkii la gu qabtay baa la qora yaa, isla-markaana wax aa lagu xareyna yaa bakhaarka dowladda, dow laddaa mar kaa u talineyso.”


Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain oo lagu dhowaaqay

Liz Truss ayaa Shalay loo magacaabay inay noqoto ra’iisul wasaare xiga ee Britain, ayada oo ku guuleystay hoggaanka xisbiga talada ha ya ee Conservative-ka.

Kadib toddobaadyo loolan adag ah, oo si ya asiyiin bad an ay u tartame en hoggaanka xi sbiga, waxaa ta rtankii ugu da meeyey isugu soo haray Liz oo ah wasiirka arri maha dibedda iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak.

Codeyn loo qaaday labada xildhibaan ayaa waxaa ku guuleystay Liz Truss oo heshay 81,3 26 ah codadka xubnaha xisbiga Conservati ve-ka,halka Rishi Sunak uu ka hel ay 60,399c od.

"Waxaan u baahannahay inaan wax qabad gaa rsiino shacabka labada sano ee soo socota. Waxaan gudbin doonnaa qorshe geesinimo ah oo aan ku dhimayo canshuuraha kuna kobcina yo dhaqaalaheena,” ayey tiri Truss.

"Waxaan wax ka qaban doonaa xasaradda tamarta [qiimaha shidaalka iyo gaaska], waxa an wax ka qaban doonaa biilasha tamarta ee shacabka, balse inaan yeelano qorshe muddo fog aan ku xalineyno tamarta,” ayey tiri.

Guusha Liz Truss ayaa ka dhigan in Boris Johnson uu wareejin doono xilka ra’iisul wasaa raha oo lagu qasbay bishii July inuu iska casilo kadib bilo ay hareeyeen fadeexado, islamarkaa na uu lumiyey taageerada xisbigiisa.

Johnson ayaa Talaadada u safri doona Sc otland oo ay ku sugan tahay boqorad Queen Eli zabeth, si uu ugu dhiibo is-casilaaddiisa. Wxa aa kadib boqoradda u tagi doona Liz Truss oo ka codsan doonta inay soo dhisto dowlad.

Truss oo 47 jir ayaa noqon doonta ra’iisul was aarihii afaraad ee xisbiga Conservative-ka ee tan iyo 2015. Truss, oo ah wasiirka arrimaha di bedda ee dowladda Johnson, ayaa ballanqaad ay inay si deg deg ah wax uga qaban doonta si cir-barar ka iyo qiimaha nolosha shacabka oo sare usii kacaya. Waxay sidoo kale ballan-qaa day inay ma gacaabi doonto gole wasiiro oo xooggan, is kuna dayi doonto inay hesho taa geerada xubnihii xisbiga ee loolanka la galay oo uu ku jiro Rishi Sunak

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo go’ aan rasmi ah ka gaartay doorashadii RUTO

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ayidday doorashadii William Ruto ee madaxweynaha sha naad ee dalkaas, taasi oo soo geba-ge beys ay isku day uu musha raxii laga guule ystay Ra ila Odinga ku doona yey inuu mee sha kaga saa ro.Dhammaan gars oorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamine ysay guddo omiyaha Maxk amadda Sare Mar tha Koome, ayaa isku raacay in la tuuro codsi ga isbahaysi ga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaa qista Ruto ee madaxw eynaha Ken ya ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxka madda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo "caddeymo ku filan” oo uu ku muuji yo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay doora shada.Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa labadii 7baad ee tegay ku bixiyey inay baaraan baakado ay ku jiraan dukumentiyo la sheegay inay yihiin caddeymo, si ay u helaan caddeymo ku filan oo ay ku nasakhi karaan natiijada doora shada.

Baaritaan dheer kadib, Maxkamadda Sare ayaa diiday dhammaan sagaalkii ashtako ee sa ldhigga u ahaa loolanka laga keenay natiijadii doorashada ee guusha ku siisay Ruto dhibco kayar boqolkiiba laba.

Kooxda Odinga ayaa ku dooday in dad co mputer jabsada ay jabsadeen akoonada IEBC kadibna ay geliyeen natiijooyin horey loo diyaa riyey, balse taas waxaa diiday Maxkamadda Sare.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamad da Sare Martha Koome ayaa sheegtay in tek noolajiyadda ay adeegsadeen guddiga mada xa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii "Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorash ada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada.

"Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambey sta ah ee doorashada madaxwe ynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

"Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dha mmaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sid aas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeyn aa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doort ay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madax weyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September.

Ruto iyo Odinga ayaa labaduba horey u ball anqaaday inay aqbali doonaan xukunka Maxk amadda Sare.

Odinga oo jawaab ka bixiyey go’aankii ay Maxkamadda Sare guusha ku siisay Ruto

Musharaxa looga adkaaday doorashadii ma daxweynaha Kenya Raila Odi nga ayaa shee gay inuu ixtir aamayo go’aan ka Maxkama da Sare ay ku ay idday guu shii William Ruto, balse wu xuu intaas ku daray inuusan ku raacsaneyn.

"Waxaan mar walba u taagneyn sarreynta shar ciga iyo dastuurka. Marka ay noqota arrintan, waxaan ixtiraameynaa aragtida Maxkamadda Sare inkasta oo aan si xooggan ugu diidannah ay go’aanka Shalay,”ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxay aheyd markii shanaad oo Odinga oo 77 jir ah looga adkaado doorashada madaxwey naha, inkasta oo uu doorashadii 9-kii August ha ystay taageerada madaxw eynaha xilka ka deg aya ee Uhuru Kenyatta oo ay mar xifaaltami jir een.

"Qaraanadeena waxay soo bandhigeen ca ddeymo aan la diidi karin, xaqiiqooyink ana an naga ayey nala jireen, nasiib darro garsoorayaa sha si kale ayey wax u arke en,” ayuu yiri Odi nga."Go’aankan kama dhigna dhammaadka dhaq-dhaqaaqeena. Dhab ahaantii waxay nagu dhiiri-gelineysaa inaan laba laabno dadaallada aan ugu beddeleyno dalkan mid baraaqo iyo di moqraadi ah,” ayuu yiri isaga oo intaas ku dar ay in kooxdiisa ay dib kasoo sheegi doonto qor shahooda mustaqbalka.

Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxk amadda Sare Martha Koome, ayaa Shalay is ku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azi mio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dho waaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxka madda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo "caddeymo ku filan” oo uu ku muuj iyo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay door ashada.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamad da Sare Martha Koome ayaa sheegtay in tek noolajiyadda ay adeegsadeen guddiga mad axa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii "Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada.

"Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeys ta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

"Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqey naa in Ruto uu yahay madaxweynaha la door tay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sa re Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madax weyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September. Ruto iyo Odinga ayaa labadu ba horey u bal lanqaaday inay aqbali doonaan xukunka Max kamadda Sare.

Uhuru Oo Ka Hadlay Go’aankii Maxkamad da, Isagoo Soo Hadal Qaadin Magaca William Ruto

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Ken ya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’ an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta Awoodda madaxweynaha, kad ib khudb ad lasoo duubay oo uu u jeediy ay shacabka Kenya, isa ga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo. Kenyatta, wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo ‘dhammaan kuwii guul aystay.’

"Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharc iga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna” ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharr axa laga adkaaday ee Raila Odinga. Maxkam adda sare ee dalka Kenya ayaa Shalay oo Isn iin ah ku taageertay doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, kaddib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo me sha ka saartay codsi uu u gudbiyay hogga amiyaha mucaaradka Raila Odinga.


LIZ TRUSS: WAA TUMA HAWEENEYDA YARAANTE EDII JILI JIRTAY RA’IISAL WAS AAREN IMADA EE HADDA SI DHAB AH U NOQOTAY?

 Liz Truss, ra'iisal wasaaraha cusub ee UK Liz Truss ayaa noqon doonta ra’iisal wa saaraha cusub ee UK, kadib markii ay ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Cons ervative-ka. Waxa ay xilka kala wareegi doontaa Boris Johnson.

Haddaba waa tuma Liz Truss?

Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O'Leary, waxaana u jooga laba hablood.

Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss ayaa doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulk eeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher.

Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad.

Liz Truss oo taageertay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sana dihii dambe noqotay mid aad ugu dhaw garabka midig ee xisbiga Conservative-ka, ku waas oo u ololeeyay bixitaanka UK.

Markii hore waxa ay ka tirsanayd taageerayaasha xisbiga Liberal Democrat. Waxa ay isku tilShalayy inay qaadi doonto dhabbihii ra’iisal wasaarihii hore, Margaret That cher. Ma ahayn qof shacbiyad badan ku dhex leh siyaasiyiinta xisbiga Conservative-ka, hase yeeshee waxa ay ololaheeda ku salaysay arrimo soo jiitay xubnaha rayidka ah ee xisbiga, sida canshuur dhimidda, kuwaas codkooda siiyay.

Sidoo kale waxa ay taageero ka heshay siyaasiyiinta daacadda u ah ra’iisal was aaraha xilka ka degaya, maadaama ay garab istaagn u muujisay, isla markaana dii dday inay iska casisho xilka xoghayaha arrimaha dibedda mise ay dhaliisho Boris Johnson.

"Waa qof taqaana waxa ay dooneyso iyo waxa aanay rabin,” ayuu yiri walaalkeeda Francis oo ka warramayay shakhsiyaddeeda.

Maadooyinka Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayay ka baratay jaamacadda Oxford.

Mudadii ay dhiganaysay jaamacadda Oxford, waxa ay ka qeyb qaadatay ololayaal badan, si gaar ahna u khuseeyay arrimaha siyaasadda. Markii dambe waxa ay noqo tay hogaamiyaha ardayda Liberal Democrats ee jaamacaddaas.

Kulan uu xisbiga Liberal Democrats yeeshay Brighton sanadkii 1994, ayaa waxa ay taageertay olole meesha looga saari rabay boqortooyada UK. Waxa ay ku dood day "Ka Liberal Democrats waxaan rumaysannahay in fursado siman ay helaan dad ka oo dhan. Ma aaminsanin inay jiraan dad ku dhasha xukunka.”

Ka dib markii ay ka qalin jebisay jaamacadda, waxa ay xisaabiye ka noqotay shirka dda Shell, and Cable & Wireless, halkaas oo ay isku barteen seygeeda Hugh O'Leary. Waxay aqal galeen sanadkii 2000.

Liz Truss

WAAYAHEEDA SIYAASADDA

Ms Truss ayaa doorashadii guud ee 2001 u tartantay xildhibaanka Hemsworth, iyadoo u sharraxnayd xisbiga Conservative-ka, balse waa laga guulaystay. Markale ayay 2005 isu sharraxday xildhibaanka Cald er Valley, hase yeeshee ma aanay guulaysan.

Hase yeeshee sanadkii xigay ayaa waxaa loo doortay golaha deegaanka Greenwich ee koonfur bari London.Hogaamiyihii xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sanadkii 2010 Ms Truss u xushay inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Norfolk, kaasoo aan ka bixin gacanta xisbigaas.Inkastoo ay cadaadis xoog gan kala kulantay maqaawiirta xisbiga ee deegaankaas, ayaa haddana waxa ay cod ad badan ku heshay guusha doorashadaas.

Sanadkii 2012 ayaa waxa ay markii ugu horreysay kamid noqotay xukuumadda, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, laba sano kadibna waxaa loo dallacs iiyay xoghayaha deegaanka ee UK. Sanadkii 2021 ayaa iyada oo 46 jir ah waxa ay kamid noqotay wasiiradda ugu awo odda badan xukuumadda, waxaana loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda, iy adoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab.

Waxa ay qabatay hawlo ay kamid yihiin wax ka bedal idda heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub gaar ahaan arr inta xuduudda Waqooyiga Ireland, taasoo ka caraysiisay madaxda Brussels.

Waxa ay ka shaqeysay sii deynta laba muwaadin oo haysata dhalashada Britain balse ka soo jeeda Iran, kuwaas oo u xirnaa xukuumadda Tehran.

Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, waxa ay kamid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u garab istaagay xukuumadda Kyiv, iyadoo ku doodday in ciidamada Putin gebi ahaanba laga xoreeyo dalkaas.

Waxaa se lagu dhaliilay inay taageertay dadka ka tegaya UK ee doonaya inay u dagaallamaan dowladda Ukraine. XIGASHO:BBC

AFAR ARRIN OO U SAHLAY WILLIAM RUTO INUU KA ADKAADO QOYSASKA U TALIN JIRAY KENYAWILLIAM RUTO

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa Shalay go’aamisay in doorashadii dhacday 9-kii Agoosto ay natiijadeedu sax tahay, uuna William Ruto yahay Madaxweynaha dooran ee dalka.

Ruto ayaa loollan adag la galay raysul wasaarihii hore Raila Odinga oo taageero buuxda ka helayay madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta.

Uhuru iyo Raila ayaa labaduba ka soo jeeda qoysas sanado badan u talinayay Ke nya, waxaana Kenyatta uu ahaa Madaxweynihii koowaad ee waddanka, halka Jaram ogi Odinga uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee dalka.

Haddaba maxaa u sahlay William Ruto inuu doorasho uga adkaado raggan ay aabbeyaashood soo talin jireen? Sababaha loo tiiriyay guusha Ruto waxaa ka mid ah:Kenya la wada leeyahayRuto ayaa ololihiisa doorasho xoogga ku saaray doodda ah in Raila iyo Uhuru ay doonayaan in talada Kenya ay ku koobnaato gacmaha qoys aska talin jiray, isla markaana aanu boos uga bannaaneyn dadka sidiisa oo kale ah.

Madaxweynaha dooran ayaa iibiyay feker ah in dadka "la harjadaya nolosha" ay yihiin kuwa leh go’aanka lagu dooranayo madaxda Kenya. "Waxa uu muujiyay inay la tartamayeen Raila, Uhuru iyo Gideon Moi oo dhammaantood ay aabbeyaashood hog gaamin jireen Kenya, halka isagana uu yahay nin shacabka caadiga ah ka soo dhex baxay oo si weyn u garanaya baahidooda,’’ ayuu yiri Daahir Qoriyow oo si weyn ula socday arrimaha doorashada Kenya.

Waxa uu Daahir intaa raaciyay in Ruto uu ololihiisa si weyn ugu aaddiyay beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Kenya, kuwaasoo leh codadka ugu badan.

RAILA, UHURU IYO RUTO

Ku dhex jirka dowladda

Ruto ayaa bishii Maarso 2013 loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, xilligaas oo uu doorashada madaxtinnimada ku guulaystay Uhuru Kenyatta. Labada nin ayaa xilligaas wajahayay dacwad ku aad dan dembiyo ka dhan ah aadanaha oo ka socotay Maxkamadda Cadd aaladda Adduunka.

Doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 2017-kii, Uhuru iyo Ruto ayaa mar labaad loo doortay hoggaaminta Kenya, balse bilooyin kaddib, labada nin ee muddada saax iibbada ahaa ayaa kala booday, kaddib markii uu Uhuru la heshiiyay Raila bishii Maa rso 2018-kii.

Heshiiskaas dhexmaray Madaxweynaha iyo ninka uu xifaaltanka siyaasadeed ka la dhexeeyay ayaa horseeday in Ruto uu noqday nin lagala wareegay inta badan mas’uuliyadda go’aan gaaridda.

Ruto ayaa si cad u sheegay inuu diiddan yahay heshiiskii "ga can-qaadka” ee dhexmaray Uhuru iyo Raila, isagoo sheegay in aanay meelna kaga jirin dimuqraadiyadda in la "sasabo" cidda laga guulaystay.

"Ruto waxa uu diidday inuu iska casilo xilka madaxweyne ku-xigeenka, taasina wa xa ay u sahashay inuu xog wanaagsan ka helo laamaha dowladda, isla markaana uu sheegto guulaha la laaban karo ee ay gaartay xukuumadda uu hoggaaminayay Uhuru Kenyatta," ayuu yiri Dahir Qoriyow. XIGASHO:BBC

WAX KA OGOOW WADDAMADA HAYSTA GUJISKA NUKLIYEERKA XAMBAARA

Gujiska xambaara qumbuladda Nukliyeerka

Gujisku waa gaadiid ay ciidamada baddu isticmaalaan oo looga tala galay badda ho osteeda inuu muddo dheer ku socdo isaga oo aan muuqan.

Mararka qaar Gujisku badda hoosteeda wuxuu ku jiraya ilaa iyo 90 maalmood shaqaalaha iyo ciidamada saaran cuntadi ay cuni la haayeen iyo adeegyadi kale ee ay u baahnaayeenna gudahiisa ayey diyaar ku yihiin.

Wuxuuna awood u leeyahay ilaa iyo 244 miitir inuu gunta hoose ee badda uu ku socda.

Haddaba waa kuwee waddamada haysta Gujiska xambaara hubka Nukliyeerka? 

Horraantii 1980-yadi Ruushka ayaa sameystay nooca gujiska ee Typhoon loo yaqaa nno uu dhirirkiisu ahaa 175 mitir halka ballaciisuna uu aha 23 mitir.

Cabbirka gujiskaasi oo u dhigma laba diyaaradood oo Boeing 737 oo la isdaba dhigay xajmigood.

Waddama kooban ayaa leh maraakiibta Gujiska weliba nooca ku hubeysan ganta alaha Nukliyeerka.

Wuxuuna markabka Gujiska uu awood u leeyahay inuu badda hoosteeda uu ka soo rido gantaalaha baalastika iyo inuu xambaaro gantaalaha Niyukliyeerka.

Gujiska Nukliyeerka xambaara

Ilaa iyo hadda 6 waddan oo keli ah ayaa leh maraakibta Gujiska noocaasi ah.

Waddamadaasi oo kala ah Mareykanka (68), Ruushka (29), Shiinaha (12), Ingiriiska(11), Faransiiska (5) iyo Hindiya.

Sida oo kala khubarada abla-ableysa arrimaha hubkana waxay shee gayaan iney heleen caddeymo muujinaya waddamada Kuuriyada Waqooyi iyo Israa'iil iney leeyihiin maraakiibta Gujiska ee gantaal aha Nukliyeerka xambaari kara.

Markabka Gujiska sameyntiisa waxaa ku baxeysa lacag gaareysa $320.5 balyan oo doolarka Mareykanka.

Halki markab oo Gujis ah sameyntiisana waxay qaaadataa qayaastii 3-4 sano. Wa xaana markabkaasi gudahiisa ka shaqeeya shaqaale gaaraya 123.

Matoorka Gujiska wuxuu si siman uu tamarta uga helaa shidaalka iyo korontada.

Wuxuuna awood u leeyahay marka uu badda hoosteeda uu ku jiro inuu socdo xawaara gaaraya 23 km saacaddiba.

Maxaad ka ogtahay sirta ku gadaaman hubka nukliyeerka?

29 Agoosto 2022

Maxay yihiin gantaalada guuxooda ka dheereeya ee aadka looga baqo?

20 Nofembar 2021

Gujiska Nukliyeerka xambaara

Habka uu Gujiska marka uu biyaha u quuso marna kor ugu soo baxo ayaa waxay tahay sidan.

Markabka qaybta hoose waxaa kaga rakiban seddex haamood oo ay tan dhexe weyn tahay labada cirif haamaha ku yaallana ay yihiin kuwa ka yar haanta dhexe ee weyn.

Haamaha dhinacyada ku xiran ee yaryar waxay markabka ka caawinayaan inuu kor ama hoos uu socda oo jihada gujiska u soconayo ayey ku shaqa leeyihiin.

Halka marka la rabo markabka inuu biyaha hoostooda ku socda haanta weyn biyo ayaa laga buuxinayaa sidaa ayuu ku quusayaa, halka marka la rabo inuu Gujiska biyaha ka soo baxana hanti weyneyd biyaha laga sii deynayo oo naqas laga buux inayo. Gujiska caadiga ah ee ay isticmaalaan ciidamada badda waddamada hormaray ilaa iyo 10 dal ayaa leh, balse nooca xambaara gantaalaha Nukliyeerka ayey dalal badan haysan oo sida weyna la isugu faano ayaa wuxuu yahay markabka

Gu jiska ee xambaara gantaalaha Nukliyeerka XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip