HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO ISNIIN 5-TA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Monday September 05, 2022 - 08:26:21 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO ISNIIN 5-TA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XASAN Sheekh oo sameeyey xil magacaabis cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoo ne) u magacaabay in uu noqdo la-taliyihiisa dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wa da-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad goboleed Maxamed Qoone ku soo xulay la-taliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeey ey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dow ladda ee Soomaali heshiis ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa masuulkaan cusub u xu shay inuu ka qeyb qaato maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka federaaleynta dalka, kuwaas oo xafiiska madaxweynuhu uu mudnaan gaar ah siinayo.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.”

Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaa bay la-taliyahaan cusub ayaa dhaqan galay Axadii Shalay ee 04-ta September, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxtooyadu sidii caadiga aheyd uma baa hin magacaabidaan, baraha bulshada ee Villa So malia iyo warbaahinta dowladda midna laguma baahin, lamana yaqaano sababta, balse Caasima da Online sheegtay in ay heshay qormada dikree tadaan Shalay ka soo baxday xafiiska Madaxw eyne Xasan Sheekh.

Aadan Madoobe Oo Ka Hadlay Weerar kii AL-Shabaab Ka Gaysteen Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cam baareeyay weerarka Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah iyagoo gubay hantidii ay wateen.

Aadan Madoobe ayaa she egay inuu cambaaraynayo we erarkaasi khasaaraha bad and haliyay ee Al-Shaba ab ka gay steend egaanka Afar Irdood ee Gobolka Hiirran.

"Waxaan cambaareynayaa weerarkaasi Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle”ayuu yiri Gu ddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha ayaa uga tacsiyeeyay shacab ka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo xigtadii ay ka baxeen dadkaasi shacabka ahaa, wuxuuna Alle ugu baryey in Janadii Firdowso ka waraabiyo

Agaasimaha Hay’ada Socdaalka Iyo Jinsiyada ha Oo RW Xamze Xog Ka Siiy ay Shaqadooda.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Max amed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Agaasi maha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiy adda Md. Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Abdu lkadir Ali, ayaa soojeedin ku saabsan howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u sameeyay Raisul-wasaarada ha XFS Mudane Hamza Abdi Barre Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa Raisul-wasaare Xa mse Cabdi Barre u soo ba ndhigay howlaha hortabinta u leh Hay’adda sana dka aan ku jirno iyo qorshayaasha fog ee la doo nayo in la fuliyo sanadaha soo socdo.

Dhanka kale,Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale u soo bandhigay Raisul-wasaaraha XFS waxqabad ka sanadkii tagay iyo horumarada la taaban karo oo ay ku tilaabsatay Hay’adda Socdaalka iyo Jin siyadda, kuwaas oo ay ka mid yihin dhismaha Xar unta dhexe, hufnaanta iyo dardargelinta adeegy ada Hay’adda ay ka bixiso gudaha dalka iyo dibad da iyo qodobo kaloo muhiim ah.

Agaasimaha hay'ada socdaalka iyo jinsiyadaha oo rw xamze xog ka siiyay shaqadooda.

Al-Shabaab oo mar kale gubay guryo ku yaalla G/Hiiraan.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in mar kale ay gubeen guryo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Dagalamay aashaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii dadka ku laayay kuna gubay baabuurta degmada Maxaas oo horay deegaanadaasi hore usii maray.

Deegaanadan ayaa waxaa kamid ah Ceel-la-helay iyo Darow oo gobolka Hiiraan.Sidoo kale, waxaa la sheegay Al-shabaab in ay deegaanada ka kaxeysteen xoolo ay lahaayeen dadkii halkaasi ku noolaa, sidaasi waxaa idaacadda Kulmiye u xa qiijiyay Guddoo miyaha degmada Maxaas, Muum in Maxamed Xalane.

FILISH oo ka hadlay xilka qaadistiisa – "Ma aqaano cidda na baddeleysa”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo Habeen hore u dabaal-degay saddex sanno guuradii ka soo wareegtay markii la magacaabay ayaa jeedi yey khudb ad xasaasi ah oo uu kaga hadlay arr imo dhowr ah.

Cumar Filish ayaa si dadban uga hadlay qor shaha socdo ee ku aadan xilka qaadista ay la da macsan tahay Villa Soomaaliya, maadaama uu dalka ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doo rashadii 15-kii May ee dib loogu doortay Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xil ka uu yahay meerto, isla-markaana uu ogyahay in la beddelayo, balse uusan ogeyn cidda beddeysa, sida uu hadalka u dhigay.

"Mas’uuliyaddu waa meerto hadda waan joognaa, beri cid kale ayaa imaaneysa ma naqaano cidda na beddeli doonta, laakiin waxaan ognahay in na la beddalayo fursadda aan heysanaa waa inta aan joogno,” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomi ye Cumar Filish.

Sidoo kale wuxuu dardaaran culus u jeediyey mas’uuliyiinta kale ee gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay la yimaadaan waxqabad muu qdo, si loo samata bixiyo dalka.

"Qof kasta oo naga mid ah mansabkiisa iyo mas’uuliyaddiisa ayaa xil uga saaran yahay inuu la yimaado waxqabad muuqdo, isaga oo aynan ka heyn is tus-tus oo ay ka tahay Ilaahey dartiis iyo jacey uu u qabo dalkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raac iyey Duqa Muqdisho.

Filish ayaa ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana aad lo ogu xasuustaa weerarkii uu qaaday mucaaradka dowladda, xilligii doorashooyinkii soo dhammaad ay, isagoo markaas si cad u weeraray siyaasiyiin uu ka mid ahaa Xasan Sheekh.

Si kastaba, Duqa Muqdisho ayaa maraya marxa laddiisii u dambeysay, isaga oo haatan uun sugayo xilka qaadis, waxaana aheyd dhowaan markii ay Villa Soomaaliya ka reebtay shirka gola ha amiga qaranka oo lagu qabtay xafiiska gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni Oo Kulan Gaar Ah La Qaat ay Golaha Deegaanka Degmada Eyl Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhib aannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bul shada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo ban dhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dad ka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuur iga ah ee doorashada hoggaakooda.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowlad Goboleedka Puntland ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta.

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka de gmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorash ada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wado oyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

BUUX oo loo doortay xubin ka tirsan golaha fulinta ee Baarlamaannada AFRIKA

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Md. Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa loo doortay xu bin ka tirsan golaha fulinta ee Ururka Xoghayeya asha Baarlamaannada Afrika, kadib shir ka dhacay waddanka Koonfur Afrika.

Buux oo ka qayb-galay shirka xoghayeyaa sha guud ee Baarlamaannada Afrika oo ka dha cay magaalada Johannesburg ayaa ku guuleystay ka mid noqoshada guddiga fuli nta ee Baarlamaannada Afrika si da lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Golaha Shac abka.

"Shirkii Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaa nnadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 -31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cab dikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Gol aha Shacabka.

Guusha Cabdikariim Buux ayaa ah mid muhiim ah,waxayna noqaneysaa markii u horreysay ee Soomaaliya loo doorto ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaannada Afrika.

Doorashadaan ayaa ku soo aaday, xilli la soo gaba-gabeeyey shirweynihii 11-aad ee Baarlam aannada Afrika, waxaana Soomaaliya ku metalay Sheekh Aadan Madoobe.Shirka oo labo maalmo od socday ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa oo dhexmara dowladaha ku bohoobay madashan iyadoo muh iimad gaar ah la siiyey la socodka isbedelka cim ilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cunna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii loo ga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarla maannada Afrika.

Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey shirk aas ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay waj aheeyso qaarada Afrika ayada oo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameynta COVID-19

Dhambaal Laga Siday Xasan Sheekh Oo La Gaarsiiyay Boqorka Dalka Baxrayn

Ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka ab aaraha ayaa Shalay dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan gurmad ka abaaraha gaarsiiyay Boqorka Dalka Baxrayn, Xamad Bin Ciisa.

Ergeyga ayaa waxaa dhanba alka ka guddo omay Raysalw asaara ha dalka, ahna dhaxal sugeha Boqorka, Salm aan Bin Xamad. Ergeyga ay aa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey xaalada ba’an ee saamaynta abaar ahu ku yeelatay in ka badan 7.7 Malyan oo Soo maali ah, iyo sidii ay dawladda Baxrayn gacan u ga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha.

Dawlada Baxrayn ayaa ballan qaadday in ay gacan ka gaysan doonto gurmadka abaaraha, iya da oo uu dhinaca kalena, Raysalwasaaruhu kaga tacsiyeeyey dawladda iyo shacabka Soomaaliy eed xasuqii ay AL-Shabaab ka gaysteen Gobolka Hiiraan.

Cabdullahi Goodax "Haddii Dowladda ay rabto in ay wax ka qabato Al-Shaba ab haka xorreyso Magaalooyinka ay ka heystaan Hiiraan”.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Dowladad Federaalka ugu baaqay "in ay fuliso howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga falceliso weerarkii ay ku dileen Dadka Shacabka ah kuna gubeen Gaadiidka ay wateen”.

Goodax waxa uu sheegay in xal ka u muuqda ee wax looga qaban karo weerarrada Al-Shabab uu ya hay in laga qabsado Magaalooy inka saldhigyada waaweyn u ah sida Moqokori, Aadan Yabaal, Buq aqable & kuwo kale. Cabdull aahi Goodax ayaa tilmaamay in shacabka ay u di yaarsan yihiin in Dowladda ay ku garabsiiyaan la dagaalanka Al-Shabaab balse loo baahan yahay in Dowladdu ay la timaado qorshihii ay uga faai ideysan lahayd fursadda ay heysato.

"Haddii Dowladdu ay rabto in ay wax qabato howl weyn oo wanaagsan oo ay qaban karto una qaabeysan tahay marka loo fiiriyo la dagaalka Shabaab ayaa jirto, Dowladda waxa aan u tilmaa mi lahaa in ay ka shaqeyso sidii Shabaabka looga xorreyn lahaa magaalooyinka saldhigga weyn ku leyihiin, Moqokori, Aadan Yabaal & Buq aqable meelahaas waa meelaha la rabo in ay tagto Dow ladda kana xorreyso, shacabkana ay u deyso in duurka wixii ku jira ay ka shaqeeyaan” C/hi Goo dax Barre.

Waxa uu Cabdullaahi Goodax soo hadal qaa day falcelinta ka dhalan karta dadkii Al-Shabaab ay ku dileen Deegaanka Afar Irdood maadaama uu sheegay in dadkaas weerarka geystay ay Hii raan joogaan.

"Meesha Afar irdoodka lagu leeyahay waa ban naanka Baladweyne, meeshaas dadkii dadka ku soo haligay waxa ay dib ugu soo laabteen guryah ooda Magaalada Baladweyne, sida dhaqanka So omaaliyeed uu ahaa, Baladweyne ilmahaagu way ku noolaanayaan, Xaaskaaga way ka shaqeynee saa haddii la rabo adiga oo Shacaab ah ayaa ganacsi ku leh, Dadka ilmihiisa, Carruurtiisa & wa ayeelkooda waan soo xasuuqayaa markaasaa ba ladka ku noolaanayaa dadka deegaankaas jooga in aysan aqbali doonin ayaa ii muuqata” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Inta uu Maamulka Gobolka Hiiraan Xaqiijiyay weerarka ka dhacay Deegaanka Afar Irdood waxaa ku dhintay 21 ruux oo 3 kamid ah ay hale eshay miino nooca dhulka lagu aaso, halka 18 ka le toos ay u dileen dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Macallimuu oo shaaciyey ujeedka AL-SHABA AB ee beegsiga shacabka HIIRAAN

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarla maanka Soomaaliya kasoo ga lay maamul goboleedka Hir Shabelle ayaa ka hadlay dad kii shacabka ahaa oo ay koo xda Al-Shabaab Dorraad ku xasuuqday duleedka magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Macalimuu ayaa ujeedka

ay Al-Shabaab ka leedahay xasu uqaas ku sheeg ay inay tahay ca bsi gelinta dadka shacabka ah si aan loogu dhiiran in la iska celiyo.

"Hab dhaqanka ku saleysan gumaadka iyo nax ariis darrada ee Alshabaab ay wadaan ujeedkiisu waa cabsi iyo argagax galin si aan loogu dhiirran in la iska dhicyo oo laga horyimaado,” ayuu yiri xil dhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Face book.Wuxuu hadalkiisa kusii daray"Ilaah ha u nax ariisto dadkii shacabka Soomaaliyeed ee Habeen hore la gu xasuuqay duleedka Beledwe yne. Dad masaak iin ah oo safar ah in la xasuuqo ayaa diin Muslim raad ku leh oo Janno lagu taga yaa cid Soomaali ah oo Shalay ay ka daadagey so ma jiro. Waana midabka saxda ah ee Al-Shabaab.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in falka an uu muujinayo inuu soo dhawaaday jabka koox da Al-Shabaab isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caarinimo.

"Shacabka ha u midoobo cadowgaas. Dowlad da waa in ay la timaadaa qorshe ka fog igu sawi rta furumaha loo aado . Cadow ma naxayaal ah yaan umadda loo hoosaasin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii wuxuu ku baaqay in Al-Shab aab loola dhaqmo sida ay dadka ula dhaqmayaan "Alshabaab sida ay u dhaqmayaan ka daran hada an loola dhaqmin dhibaatada dhacday iyo mid ka sii daran weey la imaan doonaan.”

Weerarka ay kooxda AL-Shabaab ku xasuuqd ay dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka M/ Bel edweyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka dee gaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dho waad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxayna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii sa arnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu di lay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baa buur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dha shay weerarkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Xud uudaha

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Ca bdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wad aag een wasiirka warb ixin la xiriirta howlaha shaqo ee gudiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimaeynta maamul goboleed y ada iyo degmooyinka iyo maar eynta xog-dhul eedka da lka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxya abaha iminka hortab inta u leh iyo sida ay doona yaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay gudan lahaayeen hawlaha da stuuriga ah.Wasiirka Wasaarada Axmed Macalim Fiqi ay aa soo dhoweeyay Gudd oomiyaha cusub ee gud diga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiy ay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo she egay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso in ar rimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dal ka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeli yey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xir iirka xuudaha.

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ah guddi Madaxa Bannaan oo hoos taga Wasaarad da Arrimaha Gudaha Soomaaliya ,waxa ayna sha qadiisu tahay inuu DFS caaw iyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooy inka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha so ohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedy ada dalka.

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In Kuman naan Soomaali Ah Ay Qarka U Saaran Yihi in Macluul Daran

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka ku nool qeybo kamid ah Soomaal iya ay qarka u saaran yihiin macl uul.Waxey in taa ku dartey heyad da in loo baa han yahay gurmad degdeg ah, in ta aanay xaaladdu ka sii darin. Meelaha ugu dar an waxaa ka mid ah deegaannada Koofur Galbeed. Dad ka soo bara kacay deegaanno ka tirsan gobolka Bak ool, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxey gaar aye en M/Xudur ee gobolk aasi, halkaasi oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Qaar kamid ah dadkaasi oo BBCda la hadlay, ayaa waxay sheegeen inay dhib badan a soo ma reen, sidii ay Xudur ku soo gaareen.

Dadkaas waxaa ka mid ah Maryan Cumar Ma xamed. Mar ay la hadashey BBC-da, ayaa waxay sheegtay in dhowr iyo toban maalmood ay safar kusoo jirtay, ayna ilaaiyo hadda helin gargaarkii ay u baahnayd "Gaajadii aan kasoo cararnay mid ka daran ayaan la kulannay” ayay tiri Maryan Cu mar. Abaaraha ka jira dalka ayaa saameyn ku yeeshay Kumannaan Soomaali ah oo haatan la she egay in ay wajahaayaan xaalado nololeed oo aad u liita.

Xildhibaan CC SHAKUUR oo soo jeediyey hab looga hortegi karo AL-SHABAAB

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabi lsan gurmadka abaaraha, Xildhibaan CC/ Warsa me ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan kororka weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

C/ Cabdishakuur ayaa shaaca ka qa aday in ujeedka kooxda uu yahay in ay muujiyaan in aysan dalka ka jirin dowlad la’isku haleyn karo, sida uu hadalka u dhigay.

"Cadowgu wuxuu doonayaa in uu tusiyo in aysan jirin dawlad ay isku halleeyaan oo ay dullaysigo oda aqbalaan,” ayuu yiri Xildhibaan C/CShakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey habka kaliya ee looga hortegi karo weerarada Al-Shab aab iyo halistooda, wuxuuna tilmaamay in loo ba ahan yahay in abaabulka ka dhanka ah kooxdan uu noqdo mid heer qaran ah, si toos loogu wajaho dagaalka lagula jiro.

"Gulufka dagaal iyo gurmadka abaabul ee loo gu hiilinayo shacabka uu Shabaab gumaada yo, waa in uu heer qaran noqdaa,” ayuu hadalki isa sii raaciyey ergeygu.Hadalkan ayaa ku soo aad ayo, ayada oo Dorraad kooxda Al-Shabaab ay weer ar lagu laayey dadka shacab ahaa, gaadiid na la gu gubay ay ka fulisay G Hiiraan.Weerarada Al-Shabaab oo si weyn u baahay ayaa ku soo beeg may, xilli madaxweyne Xasan Sh.iclaamiyey

Alshabaab oo sheegay inay gubeen booyado shidaal u siday xerada Balli-doogle

Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay gubeen saddex gaari oo booyad ah oo shidaal u siday ga roonka diyaaradaha ee deegaanka Balli-doogle, halkaas oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin Marayka nka.Afhayeenka howlgallada kooxda Alshabaab, Cabdica siis Abuu Muscab ayaa she egay inay gaadiidkan ku wee rareen iyagoo marayay dee gaanka Xaawo Cabdi ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Abuu Muscab wuxuu sheegay inay ka baxsat ay hal booyad oo dhinaca magaalada Mu qdisho u carartay. Muuqaallo lagasoo qaaday goobta ay aa muujinayay gaadiidkan oo gubanaya oo wada da dhinaceeda yaalla. Saraakiil dowladda katirsan ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray darawaliintii gaadiidkan.

Lama oga wax dhimasho ah. Waxayse saraak iishu sheegeen Alshabaab in dhowr madfac ku dhufteen gaadiidka sahayda u waday xerada Balli-Doogle. Alshabaab ayaa marar badan wad ada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellada hoose ka geysta weeraro "ku dhufoo ka dhaqaaq ah”. Wax ayna inta badan eegtaan ciidamada ku safra jidka an oo ah meelaha ugu halista badan..

Wasiirka Cadaalada Oo UNDP Kala Had lay Dhammaystirka Dastuurka Iyo Sarraynta Sha rciga.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Das tuurka Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Mudane, Ahmed Cabdiraxmaan Xasan, Agaa simaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Qorshaynta iyo Wacyigalinta iyo lataliya asha Wasaaradda ayaa kul an la yeeshay uqaabilsanaha Hay’adda UNDP So omaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sida Hay’adda UNDP u taageeri lahayd howlaha hor-tabinta u leh Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo ay ugu horreeyan dhammaystirka Dastuurka iyo Sarraynta sharciga. Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha mu hiimka ee horyaalla Wasaa radda Caddaaladda iyo Dastuurka.

Dhanka kale, u qaabilsanaha Hay’adda UNDP Soomaliya Joceleyn Mason ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka arrimaha mudnaanta u leh.wasiirka cadaalada oo undp kala hadlay dha mmaystirka dastuurka iyo sarraynta sharciga.

ATMIS oo ku dhowaaqday go’aan culus, kad ib weerarkii gobolka Hiiraan

Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soo maaliya, isla-markaana magaciisa loo soo gaabi yo ATMIS ayaa shaaca ka qaaday inay jawaab de g-deg ah ka bixin doonaan weerarkii ay Al-Sha baab Ka fulisay duleedka M/ Beledweyne, kaas oo lagu laayey dad shacab ahaa, laguna gubay ku dhowaad 10 gaari.

ATMIS ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay inay la sh aqeeyaan ciidamada Soom aaliya, si looga hortego wee rarada kooxda Al-Shabaab, loona helo amni iyo xasillooni buuxda.

Sidoo kale waxa uu howlgalku tacsi u diray ehell ada dadkooda lagu laayey deegaanka Afar Irdood ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay weerar kala kulmeen kooxda Al-Shabaab. "ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qor aal ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xasuuqd ay dadka shacabka ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka lagu gubay illaa 7 gaari oo ay la so cdeen shacabka la laayey.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baabuur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Dhacdadan ayaa timid, xilli Hiiraan ay ka soc daan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib ma rkii ay howlgallo ku qaadeen ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda oo jawaab ka bixiyey weerarkii Al-Shabaab

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bar tamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda ay weer ar culus ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka asi, halkaas oo ay sidoo kale ku suganaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo foolka fool ah.

Horjoogayaal u hadlay Macawiisley ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu jawaab u yahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku leysay dadkii shacabka ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha de egaanka Afar Irdood oo dhaca duleedka maga alada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay khas aare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-mar kaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 15 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka as ee ay guulaha ka sheegteen maleeshiyaadka Macaswiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo la ga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo horey war uga soo saartay wee rarkii ka dhacay Hiiraan ayaa sheegtay inay ku dishay maleeshiyaad ka tirsanaa Macawiisleyda oo qayb ka ah howlgalka gobolkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus iyo weeraro ‘aargoosi ah’ oo ay kooxda Al-Shaba ab ka billowday gobolkaasi, iyada oo gubtay ceelal iyo guryo ay leeyihiin shacab.

Xog: DENI oo damacsan in uu isbeddel ku sa meeyo sirdoonka PUNTLAND

Warar lagu kalsoonaan karo oo haatan soo ba xaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku howlan yahay qo rshe ku aadan isbeddel lagu sameynayo hoggaan ka hay’adda sirdoonka maamulkaasi ee PISA.

Deni ayaa ka fakiraya xilka qaadis la filayo in dhowaan lagu sameeyo agaasimaha guud ee Hay’adda PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte), sida ay innoo xaqiiji yeen ilo wareeydo.

Mukhtaar Jeyte ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 23-kii bishii September ee san adkii 2019-kii. PISA ayaa ka kooban hay’addii nab ad sugidda ee PSS iyo hay’addii sirdoonka ee PIA oo la mideeyey, waxaana kadib loo sameeyey hal Agaaasime oo kaliya. Hay’addan ayaa si weyn ula dagaalanta kooxaha argagxisada, sida Daacish iyo Al-Shabaab, waxayna howl-gallada ugu badan ka fulisaa buuraha galagala ee gobolka Bari.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal xoogan iyo guux siyaasadeed oo si weyn looga dareema yo Garoowe, lamana oga waxa xilligaan ku soo beegay iyo qorshaha xiga ee Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horey isbedalo ballaaran ugu sameeyey hogaan ka ciidamada maamulkaasi, sida Booliska iyo PFS-ta, waxaana qaarkood ka dhashay xiisado, si da dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ka dhashay xilka qaadistii agaasimaha hay’adda PSF-ta, Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo mar dambe xal waara laga gaaray.

Al-Shabaab oo mar kale 5 QOF hal goob ku dishay iyo caro badan oo kooxda loo qaaday

Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhe xe waxay ku toogatay shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhamaantood ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Soo maaliya.

Boqolaal qof oo dadka reer Jilib ah ayaa la isugu keenay fagaarihii Shalay lagu toogtay shantaas nin, wa xaana dadkii ka soo qeyb galay daawashada toog ashada la hadlay nin magaciisa lagu sheegay Macalin Aadan Xaashi, kaas oo eedeymaha raga as u akhriyey.

Dhamaan ragaan waxay Al-Shabaab u heyst een basaasnimo, waxayna soo bandhigeen mag acyada rag ay sheegeen in lagu beegsaday duqe ymo ay hagayeen shantaan nin, kuwaas oo ka dhacay gobollada Jubooyinka iyo Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad u badisay cad aadiska iyo dilka ay ku heysto dadka Soomaaliy eed ee ku nool gobollada ay ka dhaqdhaqaaqaan, waxaana hadda jira wax un baraarug ah oo dadku ay muujinayaan.

Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maal mahaan laga dareemayaa kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo qabaa’ilku ay sameynayaan, waxa ana kasii horeysay Mudug, kacdoonkaan ayaa ka dhashay cadaadiska ay kooxdu bilowday wayah aan dambe.

7aad ama bil kasta Al-Shabaab waxay toogt aan dhowr qof oo basaasnimo ay ku eedeynaya an, dadkaas waxay ka qabtaan deegaanada ay maamulaan, xukunka kooxdaan ay fulisana waa dil oo kaliya.

Habeen ka hor gobolka Hiiraan, inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas waxay ku toogteen ku dhowaad 30 qof oo safar ahaa, waxayna gubeen sideed gaari, war ay ka soo saareen dhacdadaas xanuunka badana, waxay ku faaneen inay laay een macawiisley dagaal kala hor timid, carada loo qaaday Al-Shabaab ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.

Wasiir Beene Beene oo soo xiray Kulan ka Xaqiijinta Hannaanka korme erka & Qiimeynta Qaran

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta, Maalgashi ga & Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cab diraxmaan Sheekh Beene Beene ayaa Shalay M/Muqdisho ku soo xiray Kulanka Xaqiijinta Hannaanka kormeerka iyo Qiimeynta Qaran ka furay M/ Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Korm eerka & Qiimeynta Xalka Waara, Sahra Cabdi Maxamed, Agaasimeyaasha Dowl adda Heer Federal, DG iyo howlw adeeno kale.

Ujeedada ugu weyn kulanka lagu gorfeeyay wa xaa ka mid ah In la helo hannaan qaran ee korme erka iyo qiimeynta oo loo adeegsado, sidii xog saxan oo dhameestiran looga heli lahaa mashaari icda iyo barnaamijyada dowladda iyo bahwadaagt eeda ay fulineyso ee ku saleysan Qorshaha Hor umarinta Qaranka 9aad, In la helo hannaan mid eeysan oo ay adeegsan karaan bahwadaagta ka la duwan iyo daneey ayaasha ay quseeso hirga linta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ee heer federal, dowlad goboleed iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Agaasimaha Kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa qeexd ay tallaaboyinka ay soo martay diyaarinta Hanaan ka kormeerka iyo qiimeynta qaran oo ahmiyadd wayn ugu fadhiso dalka,in xaqiijiyo xogta rasmiga ah sidii aan ku heli lahayn si aan ugu saleyno go’ aamadda ay dowladda qaadaneyso. In xog rasmi ah laga helo ashaariicda dalka laga fulinayo, waa tallaabo wanaagsan oo horunar leh.

Wasiir Beene Beene ayaa tusaalooyin ka bixi yay hadafka guud ee Hannaanka Kormeerka iyo Qiim eynta Qaran. "Hadafka guud ee Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka,In la helo Ha nnaan Kormeer iyo Qiimeyn Qaran oo lagu mide ysan yahay, loona adeegsado kormeerka iyo qii meynta mashaariicda laga hirgelinayo guud ahaan dalka.

Mashaariicda ayaa waxaa si wadajir ah u fuli naya Heer Federal iyo Heer dowlad Goboleed, si doo kale waxaa qayb ka ah Bahwadaagta Caala miga ah ee taageera Somaliya, Hirgelinta Hanna anka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka waxay horseed ka noqoneysaa in la qaato go’àamo ku saleysan xog rasmi ah, in la ogaado guulaha iyo caqabadaha mashaariicda.

QHQ-9aad waxay xoojineysaa xiriirka bahwad aagta, taasoo keeyneysa in la helo Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo xoojineysa xiriirka ka dhexeeya bahwadaagta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ee kala ah hay’adaha Dowladda, Ururada Bulshada Rayidka iyo Bahwa daagta Caalamiga ah.” Ayuu yiri Beene Beene.

Hannaanka Kormeerka iyo Qiimeynta Qaran wax ay horseedi doontaa, haddii la dhaqangeliyo in la helo xogaha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, kuwaas oo la falgalaya qorshaha hor umarinta qaranka QHQ-9Aad.


WAA KUMA ERGEYGA CUSUB UU MIDOW GA AFRIKA U SOO MAGACAABAY SOMAALIYA ?


Xaruunta Midowga Africa ee Addis AbabaMidowga Afrika ayaa Ergey cusub u soo mag aca abay dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Danjire Mousa Faki Mahamat ayaa Ergey ga gaarka ah ee Mido wga Afrika u qaabilsan Soomaaliya u magacaa bay Mohamed El-Amine Souef.

Souef oo baddalay Francisico Madeira oo bi shi April ee sanadkan 2022-ka ay Soomaaliya dalkeeda ka ceyrisay.

Haddaba waa kuma Mohamed El-Amine So uef?

Danjire Mohamed El-Amine Souef waa diblum aasi u dhashay dalka Comoros,

wuxuuna dhashay bishii July 1962-kii.

Waxbarashadiisa heerka hoose, dhexe, sare iyo Jaamacadba wuxuu ku qaatay gudaha dalka Co moros.

Souef wuxuu soo noqday danjiraha Comoros u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka gaarka ah ee Comoros u qabilsan Jaamacadda Carabta inti u dhaxeysay 1995-1998.

Sanadki 1998-kina waxaa loo magacaabay wa siir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Co moros, halka uu 1999-kina uu noqday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.

Wuxuuna xilkaasi iska casilay 2002-dii kaddib marki uu afgambi ka dhacay dalka Comoros si loo dhiso dowlad ku meel gaar ah.

Azali Assoumani oo hoggaaminayey afgamigi mi latari ee dalka Comoros ka dhacay marki uu ku gu uleystay doorashada ayaa mar kale loo magac aabay wasaaradda arrimaha dibadda.

Wuxuuna xilka iska casilay 2005-tii marki la is ku shaandheeyey golaha wasiirrada.

Maxay tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya diidday ee "Guddiga Midowga Afrika"?

19 Luulyo 2021

3 qodob oo ku saabsan hawlgalka ATMIS ee uu Golaha Ammaanka ansixiyay

1 Abriil 2022

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaab ilsan Soomaaliya u magacaabay Mohamed El-Amine Souef.

IGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Markaa kaddib Mr Souef bishii April 2006-dii wa xaa loo magaca ab ay Danjiraha ahna wakiilka ga arka ah ee Comoros u fadhiya Q/Midoo bay. M ohamed El-Amine Souef oo xildhibaan soo no qoday wuxuu mar la taliye uu u soo ahaa mad

axweynaha dalka Comoros.

Souef oo horay uga soo shaq eeyey Waaxda Howlgallada Nab ad ilaalinta Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo DPKO.Ilaa iyo 2011-kina wu xuu madax ka soo ahaa xafiiska xidhiidhka UN AMID ee kahar toum iyo Madaxa Xafiiska Koonfur ta iyo Waqoo yiga Daa rfuur (UNAMID). Wa khti xaadirkan ilaa Souef looga magacaab ay Erg eyga gaarka ee Midowga Afrika u qaabi lsan Soomaaliya wuxuu ahaa madaxa howlgalka ciid amada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali ee MINUSMA.

Mohamed El-Amine Souef waaya aragnimada siyaasadeed uu leeyahay ka sokoow waa aqoon yahan xeel dheer isla-markaana ah qoraa buuga ag badan qoray.

Inta badanna buugaagta uu qoro waxay salka ku hayaan siyaasadda iyo dhaqan dhaqaale.

Tani iyo 2008-dina wuxuu qoray ilaa iyo shan bu u g oo qaarkood loo soo xigto siyaasadda gobolka iyo qaaradda Afrika.

Ergeygi Hore Au u fadhiyey Soomaaliya Fransiso Madeira

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Haddaba Ergeygan cusub ayaa baddalaya

Francisco Madeira oo bishii April ee sanadkan dalka Soomaaliya uu ka ce yriyay Ra’isul wasaarihii hore Ma xam ed Xuseen Rooble.

Dowladda Soomaaliya oo eryidda Madeira isku khilaafday ayaan she egin sababta keentay in la eryo.

Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhash ay dalka Mozambique ayaa xilka loo magacaa bay bishii October ee 2015-kii isaga oo beddelay Maman S:-BBCambo Sidikou oo ka soo jeeday Niger.XIGASHO:-BBC

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama oo ku guuleystey abaal

 marinta sheek ada ugu wanagsan ee Emmy Award

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa ku guuleystey abaal marinta sheeka da ugu wanagsan ee Emmy Award Sabtidii.

Tani ayaa aheyd dokumentari si tax ana ah loog ga sii daayey barta filim ada Netflix. Sheekada ay aa halku dhigeedu wu xuu ahaa "Seerayaashaya da waa weyn ee qaran ka”.Shirkada wax soo saar ka ee Obamas, Higher Ground, ayaa iska laheyd iskuduba ridka taxanaha shanta qaybood ee "Seerayaashayada waa weyn ee qaranka”. Abaal marinta Emmy, ay aa waxaa ka horee yey oo uu ku guuleystay Oba ma laba abaalmarin oo Grammy ah.

Tani ayaa ka dhigaysa inuu heyso abaal marin ada Emmy, Grammy, Oscar iyo Tony.

Waxa uu noqonayaa madaxweynihii labaad ee taariikhda ee ku guulaysta abaal marinta Em my. Taxanaha Netflix, ayaa wuxuu soo bandhig ayaa quruxda dabiiciga ah ee ku baahsan shanta qaaradood ee adduunka, wuxuuna soo gudbiyey goobo ay ka mid yihiin Chilean Patagonia iyo Indo nesia. Tartamayaasha kale ee qaybta ka ahaa sheekada, ayaa waxaa ka mid ahaa David Atte nbo rough, Lupita Nyong’o iyo Kareem Abdul-Jab bar.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidama da badda Turkiga oo gaaray Israel.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo xirtay Israel, taas oo ah imaanshihii ugu horeysay ee markab noocaan ah muddo to ban sano ka badan, iyadoo xiriirka xulafada Ma reykanka uu soo hagaagayo kadib markii khilaaf xooggan oo la xiriira qdiyadda Falastiin uu ka dhex aloosmay.

Markabka Kemalreis ayaa kusoo xirtay dek edda Haifa Sabtidii isagoo qeyb ka ah dhaqdha qaaqyada NATO ee badda Mediterranean-ka, si da uu sheegay sarkaal Turki ah.Sarkaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in Ankara ay u gudbisay codsi horudhac ah oo ku aaddan in shaqaalaha markabka inay kasoo degaan xee b ta.Mas’uul ka tirsan dekedda Haifa ayaa sheegay inay tahay ma rkii ugu horreysay oo markab ay leeyihiin ciidam ada badda Turkiga uu kusoo xirto tan iyo 2010, markaas oo xiriirka laba ge esoodka ah uu burbu ray kadib markii Israa’iil ay weerartay kolonyo gar gaar ah oo Falastiiniyiin ah oo isku dayay inay jebi yaan go’doominta Marinka Gaza.Toban qof oo Turki ah ayay ciidamada badda Israa’iil ku dileen dhacdadaas.Labadan dal ayaa u jiheystay inay hagaajiyaan xiriirkooda bilihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa inay dha waann soo magacaab aan safiiro cusub.Reutes.

SEDDEX GABDHOOD OO WALAALO AH OO HAL GOOB LAGU DILAY IYO

 BOOLISKA OO BAARITAAN WADA

3 gabdhood oo yar yar, ayaa dhintay ka dib rab shad ka dhacday guri ku yaalla Tallaght, ee maga alada Dublin ee caasimadda jamhuuriyadda Ire land, Garda Síochána, oo ah ciidamada booliiska Irish-ka, ayaa sidaasi soo gudbiyey.

Booliiska ayaa loogga wacay goobta uu shilku ka dhacay ee Rossfield estate, abbaarihii 00:30 wakhtiga maxa liga ah ee Shalay aroortii oo Axad ah.

3-da gabdhood ee walaalaha ah, ayaa loo qaaday isbitaalka caafimaadka carruurta ee Ireland ee Cr umlin, laakiin markii dambe ayaa la sheegay iney dhinteen.

Wiil dhalinyaro ah, oo qana dhaawacyo halis ah, iyo hooyada dhashay carruurta oo aanu dha awac soo gaarin, ayaa sidoo kale isbitaalka ku jira. Dhaawaca wiilkan dhalinyarada ah, ayaa la ru meysan yahay inuu halis ku yahay noloshiisa.

Nin 20 jir ah ayaa goobta lagu qabtay, waxaana

hadda lagu hayaa Saldhigga xaafadda Tallaght Garda. Booliisku ayaa waxay sheegeen inuu u ad eeg sadeen qabashada ninkan 20 jirka ah qalab gaar ah.

MAXAAD KA TAQAANAA XABSIGA AY MUCJISADA TAHAY INAAD KA SOO BAX

 DO ADIGA OO NOOL?


XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

1-dii Oktoobar 2020, Walid Elhouderi ayaa loogu yeeray inuu noqdo turju baan mar uu kulan kula qaatay dhowr safiir oo ku sugnaa caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Markii ay dhammaatay turjumaad da, wuxuu xusuustay inuu safiirkii Kongo dib ugu soo laabto ka dib na qolka shirarka si uu u soo qaa to alaabtiisa.

"Halkaas waxaan igu imid afar qof oo i sugaya, way i handadeen, way i dharbaaxeen, qori ayay calo osha iga qabteen, wayna i afduubeen, wixii intaa ka dambeeyayna waa la i waayay, xitaa meel aan joogo ma garanayn. " ayuu yiri Elhouderi.

Afarta nin oo ku labisanaa dhar caadi ah ayaa waxaa u soo diray ciidamada sirdoonka, wuxuuna Waliid sheegay in la geyay mid ka mid ah xabsiyada qarsoodiga ah ee Tripoli oo ay mararka qaar maamulaan kooxaha malee shiyada ah ee gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah caasimadda.

"Muddo 47 maalmood ah, qofna ma ogeyn meesha aan joogo," ayuu yiri Mr Elhouderi.

Maalmihii iyo toddobaadyadii xigay waxay ahaayeen gkuwa adag: waxaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu helo sirta difaaca, Waxaa la geeyay xabsi cidla, ka dibna xabsi kale ayaa loo wareejiyay, halkaas oo lagula kacay jirdil uu muuqday in nafta laga gooynayo.

"Waxay iga diideen biyaha saddex maalmood oo toos ah waxayna dhabarka iga garaaci jireen saddex jeer maalintii. Wax su'aalo ah ma aysan i waydiin,," ayuu yiri Elhouderi.

Muddo ku dhow laba toddobaad ka dib, Mr Elhouderi ayaa ugu dambeyntii la weydiyay su'aalo, waxaana inta badan laga joojiyay garaacistii.

Waxaa la horkeenay dacwad oogaha, bil ka dib, bartamihii Noofambar 2020, waxaa loo gudbiyay mid ka mid ah asxaabtiisa - oo sidoo kale lagu xiray - xabsiga gobolka al-Rweimi ee degmada Ain Zara ee Tripoli.

"Maalintii aan tagnay xabsigaas, waxay la mid ahayd:sida inaga ooo xor ah , inkasta oo aan ku jirno xabsiga, hadana ugu yaraan waxaan ku jirnaa meel nidaam leh."

"Balse Maanu ogayn inaan 13 bilood oo kale ku qaadan doono xaruntaas."

Markii la xirayay, Mr Elhouderi waxa uu dhowr bilood ka shaqeynayay waax da turjumaada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Walid Elhouderi

XIGASHADA SAWIRKA,ELHOUDERI

Ugu dambayntii, ka dib bilooyin oo ay qoyskiisa, qareennadiisa iyo guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee Liibiya (NCHRL), oo Mr Elhouderi uu si mutadawacnimo ah ugu shaqayn jiray, u ololaynayeen sii deyntiisa ayay maxkamaddu waxay soo gebogebaysay in eedaymaha "aysan ku salaysnayn xaqiiqo iyo sharci tona balse ay ahaayeen kaliya khilaaf u dhexeeya dad wada shaqeeya".

Wasaaradda arrimaha dibadda Liibiya, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo agaasimihii hore ee ICT ayaan ka jawaabin codsiyo soo noqnoqday oo ku saabsan arrintan.

Markii ugu horeysay ee Mr Elhouderi la wareestay muddo ku dhow labo isbuuc oo uu ku jiray xaalad adag, ayaa ninkii wareysanayay waxa uu u sheegay in uu nasiib badan yahay.

"Wuxuu igu yiri: 'waad ogtahay inaad nasiib badan tahay. Sufyan waa dhintay,iyo kuwa kale oo badan... Laakiin adiga, nasiib baad leedahay. Markii hore, waxaan rabnay inaan kuu dirno koox dadka khaarajisa."

"Tani waxay ahayd ka dib laba toddobaad oo jirdil ah, iyadoo intaasi ay indhahaygu xirnaayeen oo aan arki Karin dadka I haysta ama I wareysanaya. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee qof uu ila hadlo muddo laba toddobaad ah."

Marka la eego hadlka Mr Elhouderi uu ku yiri ninkii wareysanayay wuu ku saxnaa oo nasiib ayuu lahaa.

Horraantii 2020, oo ah sannadkii la xiray, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) ayaa sheegay in ay heleen " warbixinno badan oo tibaaxay in dad la wayay kuwaas oo jirdil jirdil loo geystay ka dibna la dilay. Waxaa ka mid ahaa dad u shaqeeya bulshada rayidka ah, iyo Saxaafadda. Waa kale oo ku jiray muhaajiriin, iyo saraakiisha gobolka.


MUXUU NOQON KARAA GO'AANKA MAANTA LAGA FILAYO MAXKAMADDA

 UGU SAREYSA KENYA?



Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa Kenya

XIGASHADA SAWIRKA,SUPREME COURT OF KENYA JUDGES

6 Saacadood ka hor

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqdo go'aanka natiijadii doorashada madaxweynaha ee uu u gudbiyay raysul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo markii shanaad isku dayaya inuu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in guushii dirqiga ahayd ee madaxweyne ku-xigeenka William Ruto ay ahayd natiijada ku timid ku shubasho.

Afar ka tirsan toddobada xubin ee guddiga doorashada ayaa qaaddacay natiijada uu ku dha waaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta co dadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017, iyadoo laa shay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga, iyadoo sababta ku sheegtay in khaladaad ay ka jireen hannaanka doorashada. Maxkamadda ayaa xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in doora shadaas ku celiska ah uu ka qeyb galo Raila Odinga.

Tiro dad ah ayaa sanadkaas dhexdiisa ku dhi ntay isku dhacyo ka dhashay doorashada.

Doorashadii dhoweyd, dibadbaxyo yar ayaa ka dhacay dhowr meel oo ay ku xooggan yihiin taage ereyaasha Odinga, kaddib markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya uu ku dhawaaqay guusha Ruto 15-kii bishii aanu soo dhaafnay ee Agoosto. Balse, Raila Odinga ayaa taageereyaa shiisa u soo jeediyay inay nabadda ilaaliyaan, wi xii intaa ka dambeeyayna xaaladdu way degge neyd.Raila Odinga, oo doorashadan taageero ka helayay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa shee gay in koox u shaqeyneysay Ruto ay farageliyeen hannaanka guddiga ee online-ka ah, ayna wax is daba marin sameeyeen.

Odinga iyo 4 xubin oo ka tirsan guddiga door ashooyinka ayaa sidoo kale guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ku eedeeyay inuu ca rqaladeeyay sharciga guddiga iyagoo sheegay inuu iska sii watay tirinta codadka iyo ku dhawaaq idda natiijada.

William Ruto iyo Raila Odinga

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Tirada rasmiga ah ayaa muujineysay in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filneyd in uusan gelin doorasho ku celis ah.

Ruto iyo Chebukati ayaa ka hor yimid dhammaanba eedeymahaas loo soo jeediyay.

Kooxda sharciga ee Ruto ayaa beenisay sheegashooyinka Odinga, iyagoo sheegay inaan wax caddeymo ah loo heyn eedeyntooda.

Muxuu noqon karaa go'aanka maxkamadda?

Maxkamadda oo maanta lagu wado inay ku dhawaaqdo go'aankeeda kama dambeysta ah ayaa waxaa uu go'aankooda noqon karaa labo midkood:

1- In ay maxkamaddu laasho natiijada, isla markaana ay amarto in muddo 60 maalin gudahood ah doorasho ku celis ah lagu qabto.

2- Go'aanka kale ee ay garsooreyaashu gaari karaan ayaa ah in ay taageeraan natiijadii uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, isla markaana madaxwaynaha la doortay oo ah William Ruto xilka loo dhaariyo toddobaadka soo socda.

Kenya ayaa ah dal xulafo la ah dalalka Reer Galbeedka, kuna yaalla gobol ay xasarado ka jiraan. Waxay ciidamo nabad-ilaalin ah u dirtay dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Waxay sidoo kale saldhig u tahay shirkado iyo ururro caalami ah.

Sanadkii 2007, ilaa 1,200 oo qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhashay doorashadii sanadkaas oo ay isugu soo hareen madaxweyn ihii geeriyooday ee Mwai Kibaki iyo Raila Odinga, taasoo guusha ay ku raacday Kibaki

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip