HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AXAD 4-TA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Sunday September 04, 2022 - 08:22:34 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AXAD 4-TA SEPTEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray xusuuqii ay AL-SHABAAB geysteen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuu qeen muwaadiniin So omaaliyeed oo nolol-maalmeedkooda caa diga ah watay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos taga Gobolka Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo Gob olka Galgaduud ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay "in ficillada gurr ac an ee argagaxisadu, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqan ka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qa baan shacabkeenna biri-mageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in kooxda Al-shabaab aysan Shacabka Soomaaliye ed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo huru mar, taas beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi-gelinta, daadinta dhiigga muwaaddiniinta, dhaca han tidooda, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ahi xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.

"Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisada bannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeyst aan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka So omaaliye ed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeya da ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnaw adayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixi sada,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tall aabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, si loogu la xisaabtamo jarriimooyinka ay u geysteen dadka bi ri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tir san G/Hiiraan ee D-G/ Hiirsh & guud ahaan dalka.

Ugu dambentii Madaxweyne Xasan ayaa bogaadi yey dadaallada naf-hurnimada leh ee ay wadaan ci idamada iyo shacabka is abaabulay ee ku nool G/Hi iraan ee Hirshabelle iyo Gobolka Galgaduud ee Ga lmudug, si ay isaga dulqaadan dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed, isagoona baaq adag u di ray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joog aan "si loo ciribtiro kooxaha dhiigyacabka ah ee ca adeystay gumaadka iyo dibindaabyada dadka Soo maaliyeed.”

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si adag u Cam baareeyay weerarkii lagu laayay dadka shacabka ahaa ee ka dhacay deegaanka Afar irdood

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeey ay dadkii ku dhintay weerarkii Habeen hore Al-shabaab ka geysteen deegaanka Afar irdood oo qiyaas ahaan M/ Baled weyne kaga beegan dhinaca Koonfur Bari ilaa 35 KM, isagoona uga tacsiyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkii iyo qar aabadii ay ka baxeen.

Raysal wasaare Xamse Cabdi ayaa si kulul u cam baareeyay falka Habeen hore Al-shabaab ay ku laayeen dadka shacabka ahaa ayna ku gubeen gaadiidkii ay la socdeen iyo hantidii saarneyd, isagoona sheegay in dhacdada noocaasi ah aysan aheyn mid Diinta Is laamka sal iyo raad toona ku laheyn."In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodii, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suub ban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacayb ka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu intaa ku daray hadalkiisa Raysal wasaara ha Soomaaliya in Xukuumaddiisa ay garab taagan ta h ay ciidamada halyeey ada deegaanka ee isku ab aabulay la daga alanka Al-shabaab oo uu tilmaamay iney khasaare badan gaarsiiyeen Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay weer arka Al-shabaab ku laayeen dadka shacab ka ahaa ee ka dh acay deegaanka Afar irdood qaar ka mid ah Xildhiba anada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee de egaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, kuwa as oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo war kasoo saar ay weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhac ay deegaanka Afar irdood

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guu dlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay weerarkii dad ka badan ay ku dileen Ururka Al-shabaab ee ka dha cay deegaanka Afar irdood oo dhinaca Koonfur Bari kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 35 KM.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxtooya da Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in madaxweyne Guudlaawe oo ku hadlayo afka golayaasha dowlad da Hirshabeelle inuu ka tacsiyade ynayo falkii Al-shabaab ay ku xas uuqeen dadka shacabka ahaa ee hantidoodana ay ku gubeen.

"Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadla ya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshab elle ayaa ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada Al-shabab ku xasuuqeen dad shacabka ah kuna gubeen hantidooda oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas sida xaqdarada ah loo xasuuqay waxa uuna Alle uga baryay in Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Hirsha beelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-shabaab lagu jabiyay weeraradii lagu qaaday ee ka socday deegaanada ay kaga sugnayeen gobalka Hiiraan, islamarkaana la sii xoojin doono howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga xoreynayo deega anada gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda wee rarka Habeen hore ka dhacay deegaanka Afar irdood ee la gu dilay ku dhawaad 20-ka ruux ee shacabka ahaa, laguna gubay gaadiidkii ay la socdeen iyo raashiin saarna.

Madax Kala Duwan Oo Ka Qeyb Gashay Salaada Janaasada Hooyada Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axm ed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib muru gada la wadaagay qoyska iyo qar aabada ay ka baxday Marxu umad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Mad axweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

"Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka ye elo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka si iyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumaddu”

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxa muud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Ra’iisul Wasaare Md. Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaareyaal Hore Md. Maxamed Xuseen Rooble, Md.Cabdi Faarax Shirdo on Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shariif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb gashay salaada janaasada hooyada shar iif sheekh axmed.madax kala duwan oo ka qeyb ga shay salaada janaasada hooyada shariif sh.axmed.

Shirkii Baarlamaanada Afrika oo soo dhammaa day iyo qodobadii looga hadlay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Md. Sh,Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galey xiritaanka shirweynaha 11-aad ee Guddoom iyeyaa sha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyey magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa dhexmara do wladaha ku bohoobay mada shan iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey la socodka isbed elka cimilada iyo qaaradda iskugu tashan lahayn cu nna yerida aduunka soo wajahdey, sidoo kale sidii lo oga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxa shirkan u dhexeeyey Guddoomiyeyaasha Baarlam aannada Afrika.

Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wa dajir ah looga hortago abaaraha soo noqnoqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.

Martin Griffiths oo wada-hadal la yee shay LAF TA GAREEN + ujeedka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Ga lbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay ku xig eenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa UN-OCHA Martin Gri ffiths iyo wafdi uu horkacayo oo Shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xar unta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbe ed iyo agaasimaha guud ee madaxto oyada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saa ray wax ka qabashada abaaraha ka jira halkaasi, si da lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed

"Waxaa kulanka looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool gu ud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamay say Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dal ka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Laf ta Gareen.Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Martin Griffiths ayaa maalmo kahor soo gaaray dalka, wuxuuna shirar la yeeshay madax ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan, taa soo laga cabsi qabo inay macluul isku bedasho, waxaana haatan socdo gurmad ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya.


Al-Shabaab oo war yaab leh kasoo saar ay shac abkii ay ku laayeen gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay da dkii shacabka ahaa ee Shalay ay ku laysay gobolka Hiiraan, ayada oo si kale u dhigtay xaqiiqda waxa ay ahaayeen shacabkaas.Qoraal lagu baahiyey warb aahinta taageerta kooxdaas ayaa lagu sheegay in dadkaas oo lagu laayey tuu lada Afar Irdood ee duleedka magaa lada Beledweyne "ay ahaayeen malee shiyada Macawiisleyda.”

Waxey intaa ku dareen Al-Shabaab, inay sidoo kale gawaarida ka baxday magaalada Baladweyne ee ay gubeen "ay sahay iyo saanad ciidan u wad een” maleeshiyaadka Macawiisleyda.

"Inta la xaqiijiyay 20 ka mid ah maleeshiyadii Ma cawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa go obta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadii dkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ilo-wareed yo madax-banaan ayaa Caasimada Online u xaqiij iyey in dadka la laayey ay ahaayeen dad shacab ah.

Al-Shabaab ayaa Shalay aroortii weerar dhabagal ah ka fulisay deegaanka Afar Irdood oo ku yaalla dul eedka magaalada Beledweyne, waxayna gubeen ku dhowaad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, ayaga oo sidoo kale rasaas ku furay dadkii saarnaa baabuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyne.

"Tirada guud inta la dilay waxay mareysaa 17 qof oo rag, dumar iyo carruur isugu jiray todobo baabuur na meeshaas waa lagu gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacadadaan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay ciid amada dowladda, kuwa HirShabelle oo garab ka hel aya maleeshiyaadka Macawiisley ay howlgallo ka wadaan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dagaallo cul us kula galeen kooxda Al-Shabaab oo laga qabsa day deegaanno dhowr ah.

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Al-Shabaab tuulooyin ka tirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo bu rburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyaha.

Guddoomiye Cali Jeyte "Waxaan wacad ku mara ya inaan Al-shabaab ka aar gudi doono dhiibata

 da ay u geysteen Shacab ka ay ku laayeen 4 irdood"

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay Habeen hore dadka badan ku dileen ayna ku gubeen ga adiidkii ay la socdeen ee ka dhacay deegaanka Afar irdood ayaa sheegay in haatan uu ku sugan yahay meel aanan ka fogeyn deegaanka Afar irdood ee dhibaatadu ka dha cday.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Al-shabaabka dhibaatada geystay ay Habeen hore si dhu umaaleysi ah kuso galeen deegaanka, islamarkaana ay dileen dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan oo ay ku jireen caruur yaryar iyo hooyo Umul aheyd oo mudo 30 cisho kaliya dhalneed iyo canugeedii.

"Waxaan wacad ku maraya inaan shacabka uga aar gudi doono dhibaatada cadawga Shabaab u gey steen ayagana waxaan ugu baaqaya iney u istaagan sidii ay isaga dhicin lahayeen cadawgan dhibaatada ku haya, waxay dileen dad masaakiin ah oo ay ku ji rto hooyo dhalan 30 cisho kaliya iyo canugeeda iyo caruur kale oo laba sano jir ah mana jirto qof Max awiisleey ah oo ay dileen ee dadka ay dileen waa 27 ruux oo dhamaan shacab ahaa" ayuu yiri guddoomi yaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Waxuu intaasi ku daray guddoomiye Jeyte in cii dankiisu wali ku howlan yihiin howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab Shalayna uu tagi doono goobta mashaqada ay ka dhacday, warbaahintana uu lasoo wadaagi doono heerka ay gaarsiisan tahay dhibaata da Shabaab u geysteen dadka shacabka ee masa afurka ahaa.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Maxaas Mu umin Maxamed Xalane oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in gaareen goobta lagu laay ay dadka shacabka ahaa, laguna gubay gaadiidkii ay la socdeen iyo raashiinkii saarna oo ay ka qaadeen meydadka dadkii lagu laayay Afar irdood oo gaar ayay 18 ruux iyo sadax ruux oo kale oo ku dhintay miino la kacday gaari ay saarnayeen iyagoo doonay ay iney gurmad u sameyaan dadka lagu laayay Afar irdood.

Wuxuu intaasi ku daray in Al-shabaabkii dhibaat ada geystay ay isaga carareen deegaanka ayna ku daba maqan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa deeg aanka oo ay ka go'an tahay iney usoo aar gudaan dadkii shacabka ahaa ee kooxda Shabaab ku laay say deegaanka Afar irdood.

"Dadka ay kooxda Shabaab dishay waxay ahaye en dad masaafur ah oo u kala socday degmada Ma xaas iyo deegaano kale oo hoosyimaada, waxaana gadiidka qof walba u saarna raashiin uu soo iibsaday oo nolosha reerahooda ay ku maareyn lahayeen, wa xaasa helay oo xasuuqay arxanlaawayaal aan car uur iyo ciroolaba ciseynen" ayuu yiri guddoomiyah degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Axmed Madoobe oo sheegay tallaabo ay tahay in la qaado kadib shacabkii Shalay la xasuuqay

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku baaqay inaan laga niyadjabin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab kadib xasuuqii ay kooxdaan dad shacab ah ugu geysatay duleedka magaalada Beledweyne.

"Waxaan murugada la qeybsanayaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku wayay musiibada ka dhacday Gob olka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo kooxaha argagixisada ah ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur aan waxba Shalaysan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka go’an tahay inay dilaan qof kasta oo kamid shacabka Soomaaliyeed.

"Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliyah ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeen,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray "Waxaan ugu ba aqayaa bulshada gobolkaas inayna ka niyad jabin da daaladii ay Sida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in wadada kaliya ee kooxda Al-Shabaab looga adkaan karo ay tahay in lagu qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad aha xubnaha ka ah.Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xas uuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka magaalada Beledw eyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowa ad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxay na sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa baab uurtaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la had lay war baahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dil ay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari ku waas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baab uur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Siyaasiyiin miisaan leh oo qeylo dhaan ka soo sa artay gabood-fallada ay Al-Shabaab geysanayan

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadkii Habeen hore lagu laa yeey duleedka Maxaas, ee beesha Xawaadle ayaa kulan deg deg ah isugu yimid, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaan oo dhama antood ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shirkooda ka dib waxay la hadleen warba ahinta, waxayna wacad ku mareen inay ka aar-go osa doonaan Al-Shabaab, una hiili doonaan dadkoo da la laayey.

Xildhibaanadaas ayaa sheegay in berri ay u safri doonaan Hiiraan, isla markaana ay hoggaami doo naan dagaal ay uga aar-gudanayaan kooxda, sidoo kalena ay gurmad deg deg ah gaasiinayaan dadka ku nool deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan oo waja haya cunaqabateyn adag oo Al-Shabaab uga imaan eysa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Habeen hore degaan hoos ta ga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacood een inay macawiisley laayeen, gumaadkii Habeen hore wax aa aad uga carooday dhamaan dadka Somaliyed.

wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir M. Nuur ayaa soo qoray, "Shacabkeygiyoow wajiga rasmiga ah ee Alshabaab waa kan Galgaduud iyo Hiiraan iyo meelo kalaba ku aragtaan.

Waa kuwa leynaya marasta gubayana gaadiidka shacbka, ceelasha biyaha baraagaha iyo Isgaarsiin ta, kadib markey u babac dhigi waayeen cududa Sha cabka iyo Ciidanka Xooga.

Waxaa loo aari doonaa dhamaan shuhadadii Ha weenka, Caruurta iyo Waayeelka isugu jirtey ee ay laayeen inshalah.”

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Ca bdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga hadashay xasuuqii loo geystay dadka shacabka ah, isagoo dowladda ka codsaday in dad ka deegaanadaas ay ku garab-siiso dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan.

Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu ka soo saaray dhacdadaas wuxuu ku yiri, "In dadka deegaanku ay is abaabulaan, lana dagaal lamaan kooxaha xagjirka ah waa tilaabo mudan gu ubaabin, ku dayasho iyo garab istaagis. Hadaba si lo oga guuleysto, loona ciribtiro Shabaab, loogana xore eyo deegaannada dalka oo dhan, waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah loogu midoobo cada wgaan gumaadaya shacabka Soomaaliyeed.”

Xikdhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa is na yiri, "Argagexisada Shabaab, caruur dugsi Qura an dhiganaysa cafin mayaan. Dawladdu waa in ay muujisaa dareen xaalad degdeg ah, lana timaado ab aabul heer qaran oo argagexisada la iskaga celiyo. Shacabka abaar ba’an ayuu la tacaalayaan, colaad iyo gumaad Al- Shabaab ma xamili karo. Shacabku wuxuu xaq noogu leeyahay in aan horteenna lagu gumaadin, laguna gumaysan.”

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cab dullahi Cosoble ayaa soo qoray, "Ashhadu anna laa ilaaha illAllahu wa ashhadu anna Muxammad Rasu ulullah. al Shabab aan ahay oo Muslim aan ahay waa been. Gaalada iyo Yuhuudda sidaan uma dha qmaan. Waa inaan difaacanno diinteena, dadkeen na, degaannadeenna, jiritaankeenna iyo hantideen na. Wallahi inaan kuwaan loo dulqaadan karin. Al Shabab xabbad ayaa noo ballan ah. Man khaafa fale ysa minnaa.”

Maleyshiyo beeleed jaray isgaarsiintii degmada Eyl halkaas oo madaxweyn aha Puntland uu u safray

Maleyshiyo beeleed hubaysan ayaa jaray isgaar siintii degmada Eyl iyo deegaannada ku xeeran, hal kaas oo Shalay uu u safray madaxweynaha Punt land iyo wafdi uu hoggaaminayo oo wasiirro u badan.

Warbaahinta gudaha oo la hadashay dad ka agdhow meelaha ante ennada laga jaray, ay aa waxay u sheegeen in maleyshiyo beeleedkan ay Habeen hore damiyeen ante enooyinka shirkaddaha GOLIS iyo SOMTEL ee hal kaas kuyaalla.

Weli si rasmi ah looma oga sababta arrintan ka da mbeysa, hase yeeshee, dadka deegaanku waxa ay sheegayaan inay xiriir la leedahay cabashada ballanqaadyo xilal ah oo aan fulin oo uu ururka Kaah oo madaxweyne Deni uu guddoomiye ka yahay uu u sameeyay dadka deegaankas.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo dib hawada loogusoo celinayo isgaarsiinta deegaanka, waxaana laga yaabaa in saacaddaha soo socda lagu guulays to. Deegaannada anteennada laga jaray waa me elaha ugu badan ee uu codadka ugu badan ka helay ururka Kaah, oo ay usoo baxeen ku dhawaad labo meelood meel kamid ah xilhibaannada golaha deegaanka Eyl.

Arrintaan ayaa laga yaabaa inay saamayn ku ye elato doorashada duqa degmada Eyl iyo ku xigeenki isa oo lagu wado inay maalinta berrito ah ka dhacdo halkaas, iyadoo inta badan la xalliyay khilaafkii horey u jiray.

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Ismiida amin Ah Oo Ka Dhacay Afghanis tan Oo Sii Kordhay

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay masaajid aad u camirnaa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka Afghanistan ayay ku dhinteen ugu yaraan 18 ka mid ah dadkii ku cibaadaysanayey masaajidkaas. Waxa ana dadka dhintay ku jiray wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taliban.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in she ekhan caanka ahaa oo lagu magcaabi jiray Mujibur Rahman Ansari, in weerarka lala beegsaday isaga oo dadweynaha ku tujinayey salaaddii Casar, masa ajid ku yaalla magaalada Herat ee ku taalla xuduud da dalkaasi la wadaago dalka Iran

Ugu yaraan 24 qof oo kale oo ka mid ah dadkii ci baadaysanayey ayaa iyaguna isla goobtaas ku dha awacmay, waxaana la filayaa in tirada dhimash adu ay sii korodho, sida ay sheegayaan laamaha amma anka iyo goobjoogayaal kala duwani.

Afhayeen sare oo u hadlay ururka Taliban oo la gu magcaabo Zabihullah Mujahid ayaa cambaareey ey weerarkan, isaga oo wacad ku maray inay shar ciga la tiigsan doonaan dambiilayaasha weerarkan ka dambeeyey.

Mareykanka oo war kasoo saaray xasu uqii ay Shalay geysteen AL-SHABAAB

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay duleed ka magaalada Beledweyne kaasoo lagu xasuuqay dad shacab ah. Safaaradda Mareykanka ee Muqdi sho ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday ga waari raashin siday.

Safaaradda ayaa sheegtay in ujeed ada weerarkaas ay tahay sidii ay Al-Shabaab u hor istaagi laheyd cunada la gaarsiinayo dadka gaaje ysan.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheeg tay inay Al-Shabaab burburisay ceelasha dadka harr aadsan ee ku sugan gobolka Hiiraan kuwaas oo saa meyn xoog leh ku yeelatay abaarta ka jirta gobol kaas. Ugu dambeyntii safaaradda ayaa xustay in tal laabada ay Al-Shabaab ku xasuuqday dadka shacab ka ah ay muujineyso sida ay u xaqirayaan nolosha aadanaha. Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku xas uuqday dadka shacabka ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Afar Irdood oo ku taalla duleedka mag aalada Beledw eyne, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa gubay ku dhowa ad 10 gaari oo ay la socdeen dad shacab ah, waxa yna sidoo kale rasaas ku fureen dadkii saarnaa ba abuurtaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ku dhowaad 20 qof, islamarkaana lagu gubay 7 gaari kuwaas oo ka baxay Beledweyn.

Sidoo kale waxaa qaraxyo lala beegsaday baab uur kale oo gurmad ahaan u tegey goobta, si ay u soo qaadeen maydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaasi.

Madaxweynihii Hore Ee Sri Lanka Oo Dalki isa Dib Ugu Laabtay Kadib Markii Shacabkiisu Eryeen

Madaxweynihii hore ee Sri Lanka, Gotabaya Raj apaksa, oo dibadda u cararay kadib mudaaharaadyo waaweyn oo dhacay bishii Luulyo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Rajapaksa, ayaa wuxuu ku sugnaa dalka Thail and, si ku meel gaar ah, wuxuu dib ugu soo noqday dalkiisa, isagoo soo marey dalka Singapore.

Qaar kamid ah Wasiirada dowladda Sri Lanka, ayaa lagu soo waramayaa inay kula kulmeen garoonka diyaaradaha.

Dadka reer Sri Lanka, ayaa waxay dawladiisa ku ee deeyaan inay masuul ka aheyd dhaqaale xumadii u gu darnayd ee soo marta taariikhda dalkaasi.

Lacagtii qalaad oo dhamaatay, ayaa keentay cunto yari iyo shidaal yari.

Mudaaharaadyada ayaa billowday bishii Abriil, kadib koror xooggan oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.Boqolaal kun oo qof oo isugu jira qeyb aha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qeyb qaatay mudaaharaadyada sida nabdoon ee lagu dalbana yay in Rajapaksa iyo walaalkiis Mahinda, oo ka weyn ay is casilaan

Jarmalka Oo Magdhaw Siinaya Ehelada Ciyaartoydii La Dilay 50 Sano Ka Hor

Jarmalka ayaa ogolaaday inuu magdhaw siiyo qoy saska ciyaartoy u dhashay dalka Israel oo la dilay xilli ay ka qayb-gelayeen ciyaarihii olombikada ee ka dhac ay dalka Jarmalka sannadkii 1972-kii. Jarmalka iyo qo ysaska ciyaartoyda dhintay ayaa ku heshiiyey in la bix iyo magdhow gaadhaya illaa $28 milyan oo dollar.

Bishii la soo dhaafay, qoysaska ciyaartoo ydii la dilay ayaa sheegay inaanay ku faraxsanayn dalabyada ugu dambeeyey ee la xidhiidha magdhowga ay bixinayso dawladda Jarmalku, iyaga oo sheegay inay qorsheynay aan inay qaadacaan xafladda lagu xusayo sannad guu radii 50aad ee ka soo wareegtay weerarka Munich, iya ga oo taas bedelkeeda ay doonayaan inay sameeyaan mudaharaad ay ku muujinayaan dareenkooda.

Dawladda Federaalka ee Jarmalka ayaa bixin doon ta $22.5 million oo dollar, halka gobolka Bavaria uu isna bixin doono $5 milyan, Munich ayaa iyaduna bixinaysa $500,000 sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasa ara dda arimha gudaha ee Jarma ku.

Bishii September ee sannadkii 1972 waxaa madaxfurasho loo qa bsaday koox ka socotay dalka Israel oo ka qaybgelaysay tartan kii Olombikada ee caalamigaa haa. Hase ahaate muddo 24 saacadood ah oo la is hort aagnaa iyo gurmad la doonayey in loo fidiyo kooxda la afduubay ayaa ku dambeeyey inay dhintaan 11 u dha shay dalka Israel, shan xubnood oo Falastiiniyiin ah iyo sarkaal ka tirsan booliska Jarmalka.

Booliiska Kenya Oo Heegan La Geliyay Iyo Go’aan ka Maxkamadda Oo La Sug ayo

Dhammaan madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garooba an xaalad kasta oo ka dhalan karta go’aanka Maxkam adda Sare ee Isnii nta lagu dhawaaqayo, taasoo ku be egan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno.

Ku xigeenka booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbug ua, ayaa warqad u diray madaxda laama ha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejigna adaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga ye elayo go’aanka maxkam ada ka dib.arqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ay aa waxa uu sidoo kale ka codsa day saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiy aan xarunta adeegga booliiska Kenya, inta aan la gaa rin kahor 3-da Shalaynimo ee Jimcaha, ee ku be egneyd shaley.

"Iyadoo ay ku xiran tahay go’aanka Maxkamadda Ra cfaanka Kenya, waxaan fileynaa falcelinno kala duwan oo ay ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ku sugan goo baha kulul, sida rabshadaha iyo burburka hantiyeed, wa xaa la idin farayaa inaad diyaarisaan howlgallo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri warqadda qeyb ka mid ah.

Arrintan ayaa timid saacado kaddib digniin kasoo baxd ay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, oo ku wajahan muwaadiniinteeda u socdaalaya iyo kuwa ku sugan ism aamulka Kisumu, ka hor inta aan la xukumin Isniinta.

Daanyeero loo sameeyey xaflad si magacyo looggu bixiyo

Labaatan kamid ah daanyeero dhowaan dhashey, gaar ahan noocaGorilla-laha, ee buuraha kunool,ayaa magacyo looggu bixiyay xaflad aad u heer sareysa, oo ka dhacday gunta hoose ee seer aha qaranka Volcanoes, ee deg mada Musanze ee dalka Rwan da ee waqooyiga dalkaasi.

Qaabeynta qoyskan cusub ee daanyeerada, ayaa sidoo kale looggu sameeyey xafladii 18-aad ee magac bixinta Gorilla-laha.

Magacaabistani waa astaan gaar ahaaneed, iyadoo daanyeerada Gorilla-laha ah aaney si jir ahaaneed u joogin xafladda. Kumanaan reer Ruwanda ah, ayaa isku soo baxay, si ay ugu dabaaldegaan maalinta gaarka ah ee loo ast eeyay Daanyeerada buuralayda naadirka ah.

Qeybo kamid ah daanyeerada Gorilla-laha ah, ayaa loo bixiyay magacyo u leh muhiimad dhaqameed reer Rwanda, iyadoo la tixraacayo muhiimada ilaalinta ina aney dabar go’in.

Xafladda magac bixinta, ayaa waxaa ka qeyb galey dad caan ah oo dunida isaga kala yimid, oo ay kamid yi hiin dadka dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha deegaan ka iyo xayawaanka, wariyeyaasha, bahda isboortiga, jila yaal iyo fannaaniin.

Amiir Charles, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ah dha cdada, wuxuu ku magacaabay daanyeer oo dhowaan dhashey Gorilla-le ah Ubwuzuzanye - oo macnaheedu yahay wada noolaansho.

Farriin kooban oo uu ka jeediyay xafladda, ayuu Amiirka Wales ku sheegay in dib u soo celinta, is-waa fajinta iyo isu-dheellitirka dabeecadda, dadka iyo meer aha/dhulka aynu kunool nahay ay tahay arrinta ugu daran ee soo food saartay aadanaha.

Mareykanka oo Tawian ka iibinaya hub casri ah

Mareykanka ayaa ogolaaday inuu Taiwan ka iibiyo hub ku kacaya 1.1 bilyan oo doolar , taasoo ka careysii say Shiinaha.

Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raada arka si loola socdo weerarrada soo socda iyo aaladaha ka hortagga gantaallada laga soo rido maraakiibta.

Tallaabadan ayaa timid ka dib ma rkii afhayeenka Aqalka Wakiil ada Mareykanka Nancy Pelosi ay bishii hore noqotay mas’uulkii ugu sareeyay ee Mare ykanka muddo 25 sano ah oo booqda Taipei. Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ugu baa qday Mareykanka inuu ka noqdo heshiiska haddii kale uu wajihi doono "tallaabooyin liddi ku ah”.

 

70 SANO KA DIB BOOLISKA INGIRIISKA OO RAALLI GELIN KA BIXIYAY SOOMAALIGII XAQ DARRADA LOO DAL-DALAY MAXAMUUD MATAAN


XIGASHADA SAWIRKA,NATIONAL ARCHIVES

3 Sebtembar 2022

Qoyska Aabbe Soomaali ah oo si khalad ah loogu xukumay dil ayaa booliisku raalli-gelin ka bixiyay 70 sano kaddib markii lagu deldelay xabsi ku yaa lla Britain.

Booliiska South Wales ayaa raaligelin ka bixiyay waxayna qirteen in dacwad oogista ay "khaldanayd."

"Waa kiis waqtigiisu aad u dheeraa - cunsuriyad, iyo eexna ku jirtay waxa uuna uur ku taallo ku sii ahaan lahaa bulshada oo dhan, iyo xitaa nidaamka cadaaladda dembiyada," ayuu yiri, Jeremy Vaughan oo ah madaxa boo liska. "Shaki kuma jiro in Mxamuud Mataan uu ahaa dhibane wajahay cadaalad dar ro ah ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa.”

Xaaskii Maxamuud Mataan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen oo la kala yirahdo Daud, Cumar iyo Mervyn, oo sidoo kale loo yaqaanay Eddie, ayaa 46 sano waxay u ololeynayeen in la caddeeyo in uusan dambi galin.

Hadda dhammaantood waa ay dhinteen laakiin, mid ka mid ah lix carruur ah oo uu aw oowe u yahay ayaa raalli gelinta booliska ku tilmaamay "mid aan daacad ahayn."

"Aad bay u soo daahday sabatoo ah dadkii ay dilkiisa aadka u saameysay hadda nala ma joogaan, weli ma maqalno erayada sida waan ka xunahay," ayay tiri Tanya Mat aan oo uu awoowe u yahay.

Sheekada Maxamuud Mataan

Maxamuud Mataan

XIGASHADA SAWIRKA,NATIONAL ARCHIVES

Bishii September 1952, qofkii ugu dambeeyay ee lagu daldal ay Cardif, Britain, ayaa meeshii lagu dilayay la saaray.Maxamuud Mataan ayaa si khalad ah loogu helay dembi ahaa inuu dilay qof dukaan iibinayay oo lagu maga caabay Lily Vol pert, oo ku sugnayd Tiger Bay ee Cardiff.

Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimatay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen.

Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa la ga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff.Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray "caddaalad darro ayaa lagu dilay".

Nadifa Maxamed oo buug ka qortay sheekada ninkan waxay sheegtay in arrinta ay ku dhalisay ka dib markii qeyb ka mid ah buuggeeda mala-awaalka ah ee The For tune Men, ay kaga hadashay sheekada Maxamuud Mataan.

Balse, Nadifa Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

"Dadka yaqaana waxay sheegaan in uu ahaa qof adag oo dhiiran, kuna faraxsanaa inuu difaaco xuquuqdiida iyo xaqa dadka ku hareereysan", ayey tiri Nadiifo.

"Waxaan aaminsanahay in taas ay qeyb ka ahayd sababta booliska ay isaga u bart ilmaameedsadeen in ay ahayd in dusha loo saaro dembiga ugu dambeeya ee ugu wayn ee halkaas ka dhaca."

Nadiifo Maxamed

XIGASHADA SAWIRKA,SEAN AND SENG

Balse, sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan ca sho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yee shee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa - anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan - maxaa xiga markaa.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff.

Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii.

Lily Volpert waxey ku jirtay da'da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraaki ibta.Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 - ayaa laga xaday dukaanka.

Ciidanka booliiska ayaa su'aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wu xuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska.

Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiid kii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa.

Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska war bixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert - kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn.

Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga oga aday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass. Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qo yskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gud biso warka arrintaasi la xiriira.

Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo.

Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goob ta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mat aan uusan meesha tegin maalintaas.

Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mat aan yahay "canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn".

Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil, Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii.

Butetown, oo xilligaas loo garanayay Tiger Bay, waxay ahayd meeshii soo jiidatay shaqaale caalami ahaa oo ku kala sugnaa daafaha caalamka, sida dadkii ku noolaa deeggaannadii Britain ay gumeysatay ee Soomaaliya.

XIGASHADA SAWIRKA,ERNEST T BUSH

Kumuu ahaa Maxamuud Mataan?

Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sannadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab.

Sannadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen.

Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya "xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba," ayey intaa raacisay Nadifa.

Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay.

Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen. XIGASHOl- BBC

MAXAY HAY'ADDA ATOOMIKADA KU SOO ARAGTAY WARASHADDA NUKLIYEERKA EE UU RUUSKU HAYSTO?

Hay'adda waxaa hogaaminaya madaxeeda Rafael Grossi

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Madaxa Hay'adda Atoomikada ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sheegay in warshadda nukliyeerka ee Ukraine ee Zaporisha lagu xadgudbay dhowr jeer, arrintaas oo ka dhalatay buu yiri dhaqdhaqaaqa milateri ee halkaas ka jira.

Rafael Grossi ayaa warshaddaasi waxa uu booqday maalintii Khamiista aheyd, haatanse waxaa goobta ku sugan lix kamid ah kooxdiisa.

Rafael Grossi ayaa si taxadar leh u dooranayay ereyadiisa shirka jaraa'id, isagoo si cad u doonaya inuusan ka careysiin Ruushka iyo Ukraine midkoodna.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in intii uu ku guda jiray booqashadiisa warshadda tam arta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ee Zaporizhzhia ay u suuragashay inuu arko wax kasta oo uu codsaday in la tuso.

Meelaha la tusiyay madaxa Hay'adda Dabagalka Nukliyeerka ee Qaramada Mid oobey Rafael Grossi ayaa waxaa ka mid ah qolka laga hago warshadaasi oo uu shee gay in ujeeddo kale ay u isticmaaleen militariga Ruushka.

Shaqaalaha Ukraine oo warshada wali ku sugan ayuu sheegay in ay shaqo wan aagsan qabteen, iyada oo ay jirto xiisadda halkaasi ka taagan.

Hay’adda dabagalka niyukleerka ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigtay sawi rrada booqashada ay ku tageen warshadda niyukleerka, waxayna sheegtay in laba ka mid ah khubarada hay'adda ay ku hari doonaan goobta si ay xaaladeeda ula soc daan.

Madaxa hay'adda dabagalka niyukleerka ee Qaramada Midoobey Rafael Grossi Waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inay imika laba kormeere ay halkaas joogaan ilaa amar dambe taas oo sahleysa in aan la duqeeyn warshadda.

Kooxda oo sawir ka qaadeysa waxyaabaha ay ku arkeen warshadda

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Balse hay’dda ayaa sidoo kale ka digtay in ay wali jirto suu rtagalnimada dhaawac kale oo soo gaara warshadan ni yuk leerka ah ee caalamka welwelka ku abuurtay.

Madaxa hay'adda wuxuu sidoo kale muujiyay rajada uu ka qa bo in mustaqbalka dhaw ay warshaddu dib ugu soo noq on doonto gacanta Ukraine oo aan kormeerayaashiisa loo baahan doonin.

Rafael Grossi ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu warbixin ka siiyo waxa uu warshadda ku soo arkay.

Mar sii horeysay Ukraine ayaa Ruushka ku eedeeysay in qalabka militari ay goobta ka saareen ka hor inta aysan kormeerayaasha Qaramada Midoobay warshadda soo gaarin.Ruushka iyo Ukraine ayaa midba midka kale ku eedeynaya duqeymo halis gelinaya warshadda Nukliyeer kuwaas oo ay ka dhalan karto qarax horseeda khsaare aan laga soo waaqsan.

Ukraine ayaa waxaa weli maskaxdeeda ka dhex guuxaya musiibadii nukliyeerka ee Chernobyl ee 1986-kii, taasoo hawada ka dhigtay qiiq iyo shucaac ah saameeya guud ahaan Qaaradda Yurub. XIGASHO:-BBC

 


HINDIYA: MAXAA LA ISUGU QABSA DAA HANTIDA DAR ILAAHEEY LOO BIXIYO ‘WAQF’ DHISMAHA TAJ MAHAL


Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ayaa go’ aan ka gaartay hanti muddo dheer ay isku haysteen dadyowga aaminsan diimaha kala duwan oo ku nool gobolkaasi.

Hase yeeshee go’aanka ay maxkamadda gaartay wa xaa ka dhalatay muran xooggan.

Guddiga waqfiga ee Karnataka waxay sheegeen dhismaha Idgah iney muslimiintu leeyihiin oo ay dadka aaminsan diimaha kale ay isticmali Karin.

Maxkamaddana waxay amar ku bixisay iney hanti daasi muranka uu ka taagan yahay ay u diiwaangasha neen hanti ‘Waqfi’ ah oo dar ilaaheey loo bixiyey.

"Hantidaasi waxaa iska leh oo maamuli karo dow ladda hoose ee magaalada Hubli-Dhawad,” ayuu yiri ga rsooraha maxkamadda Justice Ashok oo xukunkaasi ku dhawaaqay.

2010-kii xukun ay maxkamaddu arrintan ka gaartay waxay ku sheegtay iney dhismahaasi gabi ahaantii leey ihiin muslimiinta horayna loogu waqfay.

XIGASHADA SAWIRKA,SURESH SAINI

Waa maxay ‘Waqf’?

‘Waqf’ waxaa la dhahaa hanti kasta oo guurta ama ma guurta ah oo qofki lahaa ama dadki lahaa inta aysan dhiman ay ilaaheey dartii u bixiyeen oo ay siiyeen cid gaar ah.

Inta badanna waxyaabaha ‘Waqf’ loo bixiyo waxaa ka md ah dhul masaajid loo waqfo, dhismo arrimaha diinta loo waqfo, dhismo iskuul loo waqfo iyo hanti kale oo ma guurta ah oo loo bixiyo si dadka nool ay uga faa'I deystaan.

Waxyaabaha ‘waqf’ loo bixiyana marka dhanka diinta islaamka laga eego waxay leedahay darajo aad u sar reysa iyo ajir aad u badan.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya 1998-kii waxay gaartay go’aan ah hanti kasta oo mar ‘waqf’ lagu bixiyo iney weligeed ‘waqf’ sii ahaaneyso.

Haddaba ereyda ‘Waqf’ la xiriiro iyo sida loo micneeyo:

Kalmadda waa kalmad afka carabiga ah oo dadyo wga muslimka ah ay si weyn u adeegsadaan.

Waqf: waa hantida dar ilaahey loo bixiyo

Waqif: waa qofka hantida dar ilaaheey ula baxay

Mutawalli: cidda hantidaasi maamulkeeda u xilsaaran

Guddiga Waqf: Guddi sharci ah oo hantidaasi dusha ka maamulaya oo la aqoonsan yahay

Masaajidkan Delhi qof ayaa Waqf ku bixiyey

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Dhismaha Taj Mahal ee caanka ah laftisu wuxuu ka mid yahay hantida ‘waqf’ lagu bixiyey oo ay maamulaan guddi ay dowladda Hindiya u xilsaartay.

Haddaba hantida Idgah oo haatan la isku haysto oo ay maxkamadda go’aanka ka soo saartay ayaa ka ko oban Masaajid, Qabuuro dadka lagu aaso, beero, dhis mayaal, dhul cagaaran iyo hanti kale.

Sida ay tilmaameyso warbixin la soo saaray bishii Au gust 2022-ka dalka Hindiya waxaa ka diiwaan gashan in ka badan 851,535 hanti oo ‘Waqf’ lagu bixiyey.

Iyada oo hantida ugu badan oo waqfiga lagu bixiyey ay leeyihiin muslimiinta Sunniga iyo Shiicada ee dalka Hin diya ku nool.Sida oo kale waxaa dalkaasi Hindiya ka jiro in ka badan 32 guddi oo maamulo hantida ‘Waqf’ lagu bixiyo ee dalka Hindiya.XIGASHO:- BBC

SABABTII KA DAMBEYSAY INUU RUUSHKA SOO RIDO DIYAARADDII RAKAABKA OO AY SAARNAAYEEN 269 QOF

DIYAARADDA LA SOO RIDO

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Habeennimadii 31-ka August 1983-kii garoonka caa lamiga ah ee John F.Kennedy oo ku yaalla magaalada New York waxaa ka kicitintay diyarad rakaab ah oo Kuu riyada Koonfureed laga leeyahay oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah.

Diyaaraddaasi oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee ‘Korean Airlines’ duullimaad keeduna ahaa KAL-007 kuna socotay magaalada Soul.

Diyaaradda inta ay safarkeeda ku jirtay ku sii dagtay garoonka Anchorage ee gobolka Alaska si shidaal ga arsiiyo caasimadda Soul ay halkaasi uga qaadato.

Afartii Shalaynimo marki ay diyaaradda ka kicitintay garo onka Anchorage oo ay hawada gashay duuliyeyaasha diyaaradda waxay xilki ku wareejiyeen ‘Auto Pilot’, oo ah nidaamka duulista diyaaradda iskii u haga oo duuliyaha xilka kala wareega.

Balse nasiib darro duuliyeyaashu ma eysan ogeen inuu nidaamka ‘Auto Pilot’ cillad ku timid oo maalintaa uu shaqeyneyn.

Diyaaraddii oo ay nidaamki ‘Auto Pilot’ ee hagi lah aa cillad ku timid waxay ka weecatay marinka Soul oo waxay u jaheysatay dhulka Midowgi Soofiyeeti uu maa mulayey.

Balse Rakaabki waxay diyaaraddi ka maqleen cod dhahaya ‘Mudanayaal iyo Marwooyin 3 saacadood ka dib waxaan caga dhigan doonnaa Gigada diyaaradaha Caalamiga ee Gimpo oo ku yaalla magaalada Soul. Saa cadda magaalada Soulna waxay hadda mareysaa 9-ka subaxnimo intaa ka horna waxaan idin siin doonnaa adeegga Qureecda.”

Duuliyihii diyaaradda soo riday

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Balse nasiib darro diyaaraddaasi ma eheen mid ku dagi kartay Soul maadaamaa ay xaalad murugsan ay dhexda u gashay.26 daqiiqo kaddib duuliyihi koobaad ee diyaaradda Chun Byung ayaa rakaabki ku amray ‘in ey si degdeg ah u xirtaan’ maaskarada Oxygen-ta oo neefsiga qofka ka caawiyo.

Diyaarad ay reer galbeedku leeyihiin xadka Midow ga Soofiyeet haddii ay ku soo dhawaato waxaa markiba la socon jiray ciidamada cirka USSR maadaamaa ay diyaarado badan uu Mareykanka leeyahay oo wax basa aso ay howla basaasnimo halkaasi ku tagaan.

Waxaana xaladda sii xumeysay diyaaradaha wax basaaso uu Maeykanka adeegsado oo intooda badan u eg diyaaradaha rakaabka ee ay shacabku adeegsa daan.

Diyaaradda Kuuriya laga leeyahay uu duullimaadke eduna yahay KAL-007 waddadi saxda ahayd ee looga talo galay iney ku duusha waxay ka soo habaawday ku dhawaad 200km.

Markiba taliyaha saldhigga ciidamada cirka Ruushka ee Dlinsk wuxuu amar siiyey laba diyaaradood oo kuwa da gaalka ah si ay diyaaraddaasi wax uga qabta an.Burburka diyaaradda

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Duuliyihi Midowga Soofiyeti oo waday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu magacaabo Ge nnady Osipovich oo wareysi bixiyey 1988-kii wuxuu she egay "Duuliyaha diyaaradda rakaabka ee nooceedu ah aa Boeing 747 inuu daaqadda kala hadlay uuna tusay astaanta caalamiga ah ee ay duuliyeyaasha isku afgar taan, waxaanna u sheegay inuu xadka Midowga Soofiy eeti ay diyaaradda soo tallaawday balse nasiib darro dhanka duuliyaha diyaaradda rakaabka duulinayey jawa ab uu ka helin, kaddib waajibaadkeygi shaqo ayaan gu tay,” ayuu yiri.

Ciidamada Midowgi Soofiyeeti waxay sida oo kale sheegeen iney duuliyaha digniino uu fahmi karo siiyeen wax jawaab ah ay dhanka kale ka helin.

"Diyaaradda Rakaabka ee Kuuriyada Koonfureed in la soo rido waxaa sabab u ahaa diyaarad Mareykanka oo kuwa wax basaasa ah nooceeduna yahay RC-135 oo xilligaa mareysay meel u dhow halka ay diyaaradda asi mareysay,” ayuu yiri Valentin Verenikov qoraal uu 1-da January 2013-kii uu kaga hadlay waxa sababay in diyaaraddaasi la soo rido.

Ugu dambeynti diyaaradda rakaabka ee ay lahayd Kuuriyada Koonfureed oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha daga alka Midowga Soofiyeeti waxaana sidaa ku dhimatay dhamaman rakaabki iyo shaqaalihi diyaaraddaasi saarnaa.

Taalla loo dhisay

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaasi Ronald Regan dhacdadaasi wuxuu ku tilmaamay ‘Xasuuq’ iyo dambiyo laga galay baniaadanimada.

Halka hoggaamiyihi Midowgi Soofiyeeti ee xilligaasi Yuri Andropov uu Mareyka nka ku eedeeyey diyaarad ay leedahay Kuuriyada Koonfureed iney u adeegsatay howlo basaasnimo.

Jasiiradda Sakhalin ee dalka Ruushka dadki ku dhin tay diyaaradda ay lahayd Kuuriyada Koonfureed waxaa looga dhisay taallo yar oo magacda rakaabki diyaarad da saarnaa iyo wadamada ay ka soo jeeden lagu xusay

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaa iyo waddamada ay ka soo jeedeen

Dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi ku dhintay wax ay u badnaayeen waddamada Kuuriyada Koofureed (105), Mareykanka (62), Japan (28) Taiwan (23) iyo Phil ippines (16).

Sida oo kale waxay muwaddiniin kaga dhinteen Aus tralia (4), Hong Kong (12), Canada (8), Dominican Repu blic (1), Hindiya (1), Iran (1), Malaysia (1), Sweden (1), Thailand (5), UK (2) iyo Vietnam (1).XIGASHO:BBC

ITOOBIYA OO MARKII UGU HOREYSAY DALKE EDA U OGG OLAANAYSO BANGIYADA CAALA MIGA INEY KA HOWL GALAAN

Golaha Wasiiradda xukuumadda Itoobiya

FANACopyright: FANA Golaha Wasiiradda xukuumad da Itoobi yaImage caption: Golaha Wasiiradda xukuum adda Itoobiya

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Itoobiya, ayaa meel mariyey siyaasad qabyo ah, oo uu soo jeediyay Bangiga Dhexe, kaasoo u oggol aanaya in qeybta ma aliyadda loo furo Bangiyada Shisheeye.

Tani ayaa waxay muujinaysaa is bedel weyn oo ku yi mid han naanka dhaqaalaha ee dalkani dhaca Geeska Afrika.

Wuxuu albaabada u furey shirkadaha shisheeye ee caal amiga ah, kuwaasoo ay ka xirnaayeen ka qeyb qa ad ashada hannaanka dhaqaalaha dalkani muddo dheer.

Talaabadan ayaa daba socotay furitaankii suuqa isgaar siinta.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul was aare Abiy Ahmed Sabtidii, ayaa lagu sheegay in tallaab adani ay lagama maarmaan tahay, si loo horumariyo is dhexgalka dhaqaalaha Itoobiya ee suuqa caalamiga ah.

Sidoo kale, tallaabadani waxey ka qeyb qaadan doon taa kordhinta tartanka, iyo hufnaanta waaxda maaliyad da ee dalka Itoobiya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip