HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Wednesday August 31, 2022 - 08:15:44 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA AGOOSTO 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xasan Sheekh oo Jeneraal Cabdalla Cabda lla dib ugu soo celiyey darajooyin kii iyo xuquuqdii ciidannimo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Max amed, dhammaan darajooyinkii iyo xuqu uqdii ciidan ee uu ku lah aa Hay’adda Sirdo onka iyo Nabad-sugida Qaran ka.

Madaxweynaha ayaa dig reetadaan u cuskaday qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kmg ah ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharci ga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay san adkii 1970-kii.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wu xuu qaatay go’aankaan kadib markii uu codsi u soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdal la Maxamed, sidoo kalena uu eegay muhiim adda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquu qdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

"Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxam ed, laga bilaabo Shalay oo aan saxiixay xeerk an Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u o golyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dham maan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Mada xweynaha.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30-ka Ogoosto 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasm iga ah ee dowladda.

15-kii bishaan Agoosto ayuu madaxweyne Xasan sheekh sidaan oo kale Jeneraal Saadaq Joon dib ugu soo celiyey darajooyinkiisii ciidan imo iyo xuquuqdii uu ku lahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.

2daan sarkaal waxaa horay darajooyinka u ga xayuubiyey Madaxweynihii hore Maxamed C/hi Farmaajo, waxaana hadda dib u buriyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xukunka kala wareegay.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Am ar Dul Dhigay Wasiirada Ku Jira Guddi ga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha.

Ku-simaha R/Wasaaraha ahna R/Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Sooma aliya Md.Salah Jama,ayaa dardar galinaya how laha la xiriira sidii degdeg wax looga qaban lahaa abaarta ka jirta qeybo kamida dalka.

Mr. Saalax ayaa Shalay ku lan la qaatay Wasiiradda xu bnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Aba araha iyo xubno ka tirsan Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn, isaga oo ka dhagaystay xo gihii ugu danbeeyey ee la xiriira saamaynta aba artu ku yeelatay dalka. Ra’iisul Wasaare Ku xig eenka, ayaa faray in howllaha gurmadka abaa raha la dedejiyo, maa daama abaartu ku sii fid ayso deegaanno hor leh, dadka ay abaartu saa maynta ku yeelatayna u baahan yihiin in gurm ad lala gaaro. Abaarta oo la rumeysan yahay in ay ka dhalatay isbeddelka cimilada ee dunida ayaa ku dhufatay malaayiin Soomaali ah, wax aana la ga cabsi qabaa in sanadkii shanaad ay roo babku baaqdaan, ayna ka dhashaan gaajo, cud urro, iyo barakac.

Hay’adaha gargaarka fidiya ayaa sheegaya in ka badan 800 kun oo qof ay ka barakace en guryahoodii tan iyo bilowgii sannadkii hore, ab aarta darteed, halka dadka ay waajahayso gaa jada oo ahaa wax ka yar shan milyan haa tan la ga cabsi qabao inay kor u dhaafto todd oba Mil yan bilaha soo socda

XAAD: Afar bilood ayaan dhuumaaleysa nayey kadib dil laygu xukumay

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah gu ddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Ha wiye ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Dalsan TV wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda dalka & marxaladihi la soo mar ay. Nabadoon Xaad ayaa wareysiga uu bixiyey kaga hadlay dhacdooyin cajiib oo uu la kulmay intii lagu jiray marxaladihii isbed-bedelka bad naa ee ay soo martay dowladda federaalka.

Xaad ayaa ka sheekeeyey qiso isaga ku dhacd ay xilli dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne C/hi Yuusuf oo ay dagaal la gale en, isaga iyo ciidamadii Ito obiya.

Nabadoonka ayaa shaaca ka qa aday in 2007-dii golaha amniga dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay shir isugu yimaadeen, kadibna ay dil ku xukum een isaga iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, kadib markii ay horyimaadeen nidaam kii xilligaas, wuxuuna tilmaamay in loo aqoons aday dambiileyaal kadibna uu mudo 4 bilood ah dhuumaaleysayey.

"Waa la’ii xukumay waxaa fariistay golihii la dhihi jiray ammaanka ee madaxweyne Cabdu llaahi Yuusuf ugu horreeyey oo xittaa Gabre ka ahaa hormuudka, Maxamed Dheere ku jiray All aha u naxariistee, Cabdi Qaybdiid ku jiray, Dar wiish ku jiray raggaas ayaa fariistay way na xuk umeen, waxaa la yiri Odayaasha Hawiye isku sheega waa dambiileyaal guddoomiyaha hala dilo, inta kalena hala soo xiro ayey dheheen. Aniga waa cararay marka afar bilood waxaa ku dhuumanaayey magaaladaan Muqdisho, mee lna ugama bixin warkeyga iyo shaqadeydana waa watay, saas ayaana ku badbaaday,” ayuu yiri Xaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii dam be uu soo bad-baadiyey ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde, isaga oo tilmaamay inuu mar wal bo u duceeyo, maadaama uu soo caawiyey, isa ga iyo AUN Nabadoon Axmed Diiriye oo uu is na ka soo daayey xasbiga Baydhabo.

"Inaan soo badbaado amaanteeda waxaa is ka leh Nuur Cadde Allaha u naxariistee, isagaa i caawiyey, Axmed Diiriye isagaa kasoo daayey xabsiga Baydhabo, aniga isaga ayaa iga soo saaray dhuumashada aan ku jiray odayaasha intooda kalena isagaa cafiska siiyey,” ayuu mar kale hadalkiisa raaciyey Nabadoonka Maxam ed Xasan Xaad oo u warramay Dalsan TV.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka

Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa Shalay u ambabaxay safar dibadeed oo uu ku aaday M/ Johannesburg ee Koonfur Afrika.

Ujeedka safarka Aadan Madoobe ayaa ah ka qayb-galka shirweynaha guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika ee (Pan-African Parlia ment) oo ka dhacaya Johannesburg. Guddoomi yaha ayaa madasha ku soo bandhigi doono ho rumarada Golaha Shacabka iyo sidii ay wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlama anka Afrika iyo kan Somalia.

Aadan Madoobe ayaa dhinac kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doono xubnaha ka soo qab-galaya shirka Pan-African Parliament, isa ga oo kala hadli doono arr imaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu gud doomiyaha Golaha Shac abka la shiri doonaa jaali yada Soomaaliyeed iyo ga nacsatada ku dhaqan waddanka Koonfur Afr ika, isaga oo ka dhageysan doono cabashooyin ka ay qabaan oo ay ugu horreyso dhibaatooyin ka loogu geysto dalkaasi.

Safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aadayo, xilli maalmo ka hor uu soo xirmay kalfadhigii koowaad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, isla-markaana ay fasax galeen xildhi baannada G/Shacabka ee Baarlamaanka FS.

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe ayaa tan markii la doortay u baxay safarro kala duw an, wuxuuna gaaray dalal ay ka mid yihiin Ken ya, Sacuudiga iyo Turkiga.

Guddoomiyaha Maareynta Musiibooyinka "Maxaad ku qaban kartaa raashin diyaarad lagu qaaday oo calaa diyaarad kumanaan dollar lagu kiraynayo"

Guddoomiyaha hay'adda maareynta musi ibooyinka ee dowladda Soomaaliya Maxamu ud Macalin ayaa muujiyay culayska dhaqa ale ee ka taagan raashinka gargaarka ee diyaarad aha lagu daabulo, si loo gaarsiiyo dadka abaa ruhu saameeyeen ee ku nool gobolada dalka.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sheegay in qara sh aad u xooggan uu dowladda uga baxo raashinka diyaaradaha lagu daabulo. Wuxuu sheegay gargaar dhowaan loo qaaday magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburte in ay ku baxday lacag gaaraysay $26,000.

"Afar diyaaradood ayaa la raray. Labo Buuloburte ah iyo labo Baladweyne ah. $6,500 ayay calaa diyaarad ku qaaddaysay. Raashin ka Afartaas diyaaradood kama badna gaari ku r imoor ah. Maxaad ku sameyn kartaa raashin di yaarad lagu qaaday?” ayuu yiri M/mud Macalin.

Raashin gargaar ah oo ka badan kun tan oo dhowaan dowladda Imaaraatku geysay Muq disho ayay dowladda Soomaaliya caqabad we yn ka tahay in loo helo qarashkii lagu daab uli lahaa. mararka qaar waxaa dhacdo in garga ar ka uu ka bato qarashka diyaarada lagu saar ay. Dad 2 Malyan ah ayaa ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya. Sidoo kale in ka bad an 7 Malyan ayay abaartu saameyn ku yeelat ay, iya doo cabsi weyn laga qabo in Xaaladda abaartu ay sii dheeraato.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Hey’adda Caalamiga Ee Nabad Dhiska.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fe deraalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Ah med Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organizat ion for Peace Building).

Wafdigaan uu hogaami yey mud. Axmed Cabd iraxmaan Baadiyow ay aa Wasiirka lawadaagay shaqooyinka ay soo qabteen, guulihii ay ka gaareen iyo shaqooyin ka hortabinta u leh oo ay doonayaan in Wasaar adda ay kala shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa ugu mahadciliyey Hey’adda Caalimiga ee Nabad dhiska (International Orga nization for Peace Building) shaqooyinka ay ka soo qabteen Gobalada Dalka, isagoona carab ka ku adkeeyay in ay Wasaaradda si dhaw ula shaqeyn doonta, iyadoona xooga lasaaraayo hal kudhiga Dowladda ee ah (Soomaali heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah), Wasiirka ayaa si doo kale lawadaagay wafdigan Deegaanada qa ar ee ubaahan xasilinta ee Kooxaha Argagixis ada laga xureeyay.

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdiga ayaa I sla gartay in lasii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hey’adda si horum ar lataaban karo loogu gaaro qoryashaasha hor tabinta u leh Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Xasilinta Deegaanada laga xureeya kooxaha Ar gagixisada &dhismayaasha Dowladaha hoose.

wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay waf di ka socday hey'adda caalamiga ee nabad dhi ska.wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay waf di ka socday hey'adda caalamiga ee nabad dhiska.

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha oo la kulm ay Danjiraha Mareykanka ee dalka

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Ja amac ayaa Shalay M/Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Danjire Larry André. Labada dhin ac ayaa ka wada hadlay xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa la bada dal ee Somaliya iyo Mareykanka, sida la gu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’I isal Wasaaraha.

"Kusimaha R/Wasaaraha ayaa ka mahad celiyay kaalmada Mareykanku uu siiyo Somal iya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrim aha bani’aadantinimada oo xiligan ka mid ah ku wa ugu mudan ee u baahan in wax laga qabto.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli 2da dowald ood lagu wado inay ka arrinsadaan arrimaha amniga ee dalka, ka hor inta aanay dowladdu guluf ku qaadin maleeshiyada Al Shabaab.

Oomaar: Ujeedka Axmed Madoobe hal sano ma'aha ee waa afar sano oo kale

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Haw ada Soomaaliya FS, Md Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa isaga oo ka hadlay xaa ladda guud ee Jubbaland si adag uga horyimid muddo kororsiga Axmed Madoobe.

Oomaar oo u warramayShabelle TVayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu doonayo in is ka heysto Jubbaland, isla-markaana uu soo la a-laabto 4 sano kasta kadib.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan uje edka Axmed Madoobe uusan aheyn hal sanno ee uu doonayo afar sano oo kale, si uu usii hoggaamiyo dowlad goboleed ka Jubbaland.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in muddo kororsigaan uu keenaayo in markale ay is qabtaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, sida uu ku dooday wasiir hore Oomaar.

"Hal sano ma’aha ujeedadiisa, kadib 4 sano oo kale, kadibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo isaga inay is qabtaan, Xasan Sheekh sidaa ku tego afar sano oo kale haddane soo laabto sidii foormaladii horey ugu daganeyd oo dhowr jeer u shaqeysay,” ayuu yiri Oomaar.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Ha wada ayaa sheegay in ka siyaasiyiin ahaan ay doonayaan in Jubaland ay la mid noqoto Pun tland, laguna tartamo hoggaankeeda.

"Kaliya waxaa wax lagu noqon karaa heshiis iyo in wax la’isla lahaado hal qof oo meel heys to xero u oodan tahay wuxuu raboo uu ka sam eysanaayo ma noqon karo dowlad, waxaan rab naa dowlad hana qaata, sida Puntland oo kale,” ayuu sii raaciyey Oomaar.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dhowaan Golaha Wakiiladsa Jubbaland ay muddada u kordhiyeen Axmed Madoobe, aya ga oo muddo xileedka ka dhigay 5 sanno.

Faah-faahin: Qaaraxyo Shalay & Shalay ka kala dhacay Kaaraan iyo waddada 

Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa qarax duh urnimadii Shalay ka dhacay Magaalada Mu qdisho, gaar ahaan Wad adda mashquulka badan ee Maka Al-mukarama, ka asi oo dhaliyey khasaare.

Qaraxa oo ka dhacay isg oyska Shaqaalaha oo u dhow Xarunta Socdaal ka iyo Jinsiyadaha ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu xiray Gaari uu leeyihiin Ciidamada Booliska, taasoo qaraxday xili uu halkaasi marayey.

Qaraxa waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawac may laba qof, iyadoo Darawalkii Gaariga uu dhaawac ulus kasoo gaaray, waxana si deg dega mas’uuliyadda qaraxa u sheegtay Alshab aab oo sheegtya inay ku beegsadya ciidmada dowladda.

Waa qaraxii 2aad ee 24 saac gudahood ka dhaca Muqdisho, ayada oo qarax kale uu Shalay ka dhacay degmada Kaaraan, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrim aha siy aasadda ee maamulka degmada Yaaq shiid ee G/Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wa yne, kaas oo la soo wariyey inuu qaraxa ku dhi ntay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sug naa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maa xaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobol ka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in marx uumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-mark aana uu ku dhintay isla goobta, sida ay shaaciy ey mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaq shiid. Dhinaca Kale Maryan Maxamed oo ah mar wada mas’uulka geeriyooday ayaa dhan keeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Xarunta Salmaan oo gargaar gaarsiisay kun qoys oo ku nool degmada Kaxda

Ilaa kun Qoys oo Barakacayaal ku nool De gmada Kaxda ee G/Banaadir ayaa Maata loo qeybiyay deeq raashin gargaar ah oo Xarunta Boqor Salmaan ee arimaha gargaar ka iyo bani ’aadamnida ay ugu tala gashay in la gu caa wiyo dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta xiligaan ka jirta Soomaaliya.

Raashinkan Gargaarka ah oo gaaraya ilaa 5,000 (shan kun) oo tan ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo in ka ba dan Nus Milyan qof oo ku barakacay Muqdisho iyo dhamaan gobollada dal ka.Madaxa Xarunta BoqorSalmaan,Yusuf Bin Bakhiit Al-raxma oo ka hadlay Munaasabada la gu daahfurayay bixi nta gargaarkan ayaa sheeg ay in midani ay tah ay bilow Shalayna ay daah fur een wajiga 2aad ee deeqaha ay doonaya an inay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ku habsatay.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in gurma dkaan uu ka kooban yahay wajiyo badan oo isu gu jira quudin, biyo dhaamin & dhismo meel de egan u noqda dadka abaartu soo barakicisay.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf ayaa uga mahadceliyay dowlada Sucu udiga gargaarkan ay soo gaarsiisay dadka ay soo barakicisay Abaarta ee ku nool degmada uu Maamulo ee Kaxda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan xiligan dad hor leh oo soo gaarayay degmada maalmihii ugu dambeyay, kuwaas oo kasoo barakacay deegaanada Koofur Galbeed, ugu dambeyntii gudoomiyaha Kaxda ayaa dow lada Sacuudiga uga mahadceliyay sida ay mu dnaanta u siineyso in gurmad loo fiidiyo dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay saamey say.

Dadkii nasiibka u yeeshay deeqdan gargaark a ah ayaa u mahadceliyay dowlada Sucuudiga iyo cid kasta oo gacan ka geysatay in lasoo gaarsiiyo gurmadkan.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Isku Dhacyo Baqdaad Ku Dhex-Maray Ciidanka Ammaanka Iyo Dad Shacab Ah

Ugu yaraan labaatan qof, ayaa ku dhintay boqollaal kalana way ku dhaawacmeen, iska ho rimaad ka dhacay agagaarka baarlamaanka Cir aaq ee magaalada Baqdaad.

Gantaalo, hoobiyeyaal iyo qo ryaha darando orga u dhaca, a yaa loo adeeg sa day iska hori maad dhexmar ay ciidam ada ammaanka Cira aq, iyo taageer ay aasha wa da adka Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadr. Isba haysigiisa siyaasadeed ayaa ku guule ystay tiradii ugu badneyd ee kur astii baarlama anka ee dorashadii sanadkii hore

Balse Isniintii ayuu Muqtada ku dhawaaqay inuu xirayo xafiiskiisa siyaasadda, taasoo een tay in taageerayaashiisa ay xoog ku galaan xar unta madaxtooyada. Shirkadaha diyaaradaha ee gobollada dal kaasi isaga kala goosha, ayaa hakiyay duulim aadyadii ay sameyn jireen, iya doo waddamada jaarka ay ku boorriyeen mu

waadiniintooda inay Ciraaq ka baxaan.


Wasaaraddaha maaliyadda dowlad gobole edyada oo hakiyay wada shaqayntii wasa aradda maaliyadda Soomaaliya

Wasaaradaha maaliyadda dowlad gobolee dyada Soomaaliya ayaa joojiyay wada shaqa yntii ay la lahaayeen was aaradda maaliyadda Soomaaliya.

Kulan fogaan-arag ah oo ay yeesheen wasii radda maaliyadda dow lad goboleedyada ayaa waxay ku eedeeyeen wasaaradda maaliyadda dowladda federalka inay ka baxday heshiisyadii hore.Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleed yada waxay she egeen in wasaradda maaliyad da ee heer fede ral ay si bareer ah ujebisay he shiisyadii 2019 illaa 2020.

Waxay ugu baaqaeen in wasaaraddu kusoo laabato xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisy adii hore sida lagu sheegay bayaanka ay soo saareen.

 

XASAN SHEEKH OO WAJAHAYA GADOOD KA AFAR MAAMUL GOBOLEED – MAXAY DIIDAN YIIHIN?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa dib u gurasho ka imaneysa dhanka maamul goboleedyada.

Puntland, Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhammaan madaxdoodu waxay siyaabo kala duwan u dhaliilsan yihiin sida uu howsha ku billaabay nidaamka cusub.

Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laab tay iyadoo maamul goboleed yada iyo Villa Somalia aysan wada-shaqeyn togan laheyn.

Nidaamkii hore ee madaxwe yne Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo ayaa shan s ano ku lumiyey dagaalka maa mul goboleedyada, wax aana muddo xileedkii ka dhammaa day isagoo gacanta ku haya sa ddex maamul goboleed lab ana ay diidan tahay xukunkiisa.

In dowladda dhexe ay hesho dhammaan saa xiibtinimada iyo wada-shaqeynta shanta maa mul goboleed waa shaqo aad u culus. Maamull ada ayaa dib uga gurtay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gagoodeen hanaan kii loo maareeyey qandaraaska qaadka, dhism aha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah. Maamullada qaaday ayaa tall aabooyinka ay qaaday xukuumadda cusub wax ay u arkaan duulaan iyaga ku socda. Tusaale, in Mukhtaar Roobow wasiir la siiyey waxay Laf tagareen uga dhigan tahay in dagaalkiisa loo soo bareeray.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowr kii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa ma gaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhowr kulan oo gaar ah oo ay Saciid Deni wa da qaateen waxay wararku sheegayaan in diir adda lagu saaray waxyaabaha uu Sac iid kaga diday nidaamka cu sub kuwaas oo u badnaa bal lamo shaqsi ah.

Mid kamid ah wararka laga helay kulanka waa in la qabto shir u dhaxeeya dowladda fede raalka ah iyo maamul goboleedyada, waxaa ji rtay soo jeedin ah in shirku Muqdisho ka dhaco laakiin warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ca bdicasiis Laftagareen uusan ogoleen inuu Mu qdisho tago xilligaan, taasoo ka dhigan inuu Sa ciid Deni marti gelin doono shirka.

Villa Somalia waxaa la siiyey iclaaminta shir ka halka Puntland ay isku diyaarineyso gogo sha laakiin Galmudug iyo Puntland ayaan weli la hubin inay aqbaleen in gogosho noqoto Gar oowe ayey ku warameen illo wareedyadu.

Shirkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, inuu Xasan Sheekh ku guuleysan doono isku haynta dalka gaar ahaan maamul goboleedyada waa xujo cu lus oo dhallin karta guul ama fashil.

Marka la eego halka la kala taagan yihiin xilligaan Villa Somalia ma heysato maamul gob oleed aad ugu dhow. Farmaajo wuxuu baxay is agoo haya Galmudug, HirShabelle &K/Galbed.

Xasan Sheekh waqti badan ayuu weli hays taa, in lasii kala maqnaado waxay cuuryaamin kartaa shaqooyinka heer federaal iyo kuwa he er maamul goboleed.

Madaxda maamulada qaar waxay ku dooda yaan inaan xukuumadda si dheeli tiran loo dhis in oo beesha madaxweynuhu qaadatay tayadii xukuumadda.

Kulankaan la qorsheenayo wuxuu kusoo aad ayaa iyadoo inta badan madaxda maamulada kordhisteen mudadii xill heynta, sidii uu madax weyne Xasan Sheekh u wajihi doono arrinta mu ddo kororsiga ayaa isha lagu wada hayaa.

Maamulada qaar ayaa laga soo wariyey in wada-shaqeyn laga wada hadli karo balse ay san Villa Somalia kala gorgortameyn mudada xil-heyntooda. Xasan Sheekh Maxamuud wux uu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni dono dalka oo heshis ah dunidana heshis la ah.

Cabirka koowaad ee hal ku dhigaas waa ma amul goboleedyada, inuu ka dhigo muddo koro rsiga ay sameysteen kuna qanciyo wada-shaq eyn waxay u baahan tahay xeelad weyn iyo aq balaad kasii culus.

Marka dhinacyo badan laga eego xaaladaha an dadku waxay badi is waydiinayaan mada xe yne Xasan Sheekh ma sidii Farmaajo ayuu ku fashilmi doonaa maareynta iyo isku heyn ta ma amul goboledyada? Xigasho:-caasimadda.net

General Odawaa oo arrimo ka baxsan shaq ada ciidanka u tegay Awdheegle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Gudoomiyaha Ma amulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Shalay gaaray Deg mada Aw dheegle ee gobolkaasi. Taliyaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabella ha Hoose ayaa waxaa hal kaa si ku soo dhaweeyay Gud oomiyaha D/Awdheegle, Saalax Cab diraxma an Maxamed iyo Saraakiisha Ciidamada.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray suuqyada iyo xaafadaha degmadaasi, iyagoona agab wax barasho gaarsiiyay iskuul cusub oo degmadaa si laga hirgeliyay. Gudoomiyaha Gobolka Sha bellaha Hoose oo ka warbixinayay socdaalkoo da ayaa yiri "Guud ahaan Degmada Awdheeg le, carruurtan yar yar ee runtii ubaxa dalka ah, una baahan in mustaqbalkooda la dhiso ay aan Shalay u joognaa halkan.”

Waxa kaloo uu yiri "Wa xaan rabnaa iskuul kii laba sano iyo bar ka hor aan halkan ka dhis nay inaan daahfurno ay ah ayd inay wax ka bart aan, oo aan furmin inaan Shalay dib u furno.”

Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay ciidam ada, oo uu ku ammaanay inay shaqo adag oo amni ka qabteen degmadaasi iyo deegaanada hoostaggaba.

"Degmadan markii laga xoreynayay cadow ga, runtii juhdi badan ayay ciidamada ku bixiye en, maamulkana waxay keeneen adeegyadii bu lshada.” Ayuu yiri Gudoomiye Najax.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankiisa waxa uu ciidamada ku bogaadiyay howsha nafhurn imada ah ee ay shacabkooda u hayaan.

"Waxaa farxad gaar ah ii ah inaan Shalay hal kan u taaganahay in laga hadlo arrimo wax barasho. Dorraad markii meeshaan la xoreynay ay runtii lagama hadleynin waxbarasho, caafim aad iyo horumarin bulsho, in Shalay halkan loo taagan yahay, sidii ay u noqon lahaayeen dad la hagaajiyo mustaqbalkooda, hela waxbarasha dii ay u baahnaayeen.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Madaxda dowladda iyo madax goboleedya da oo isugu tegaya GAROOWE

Puntland ayaa marti-gelineyso shir guud oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad go boleedyada, kaas oo dhowaan ka dhacaya gu daha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrintaan ayaa lagu go’aamiyey waa-hadall adii ay magaalada Garoowe ku yeesheen mad axweynaha Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxa muud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cab dullaahi Deni, inkastoo aan la shaacin goorta la qabanayo shirkaasi xasaasiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka u furmayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dow lad goboleedyada diiradda lagu saari doono xa aladda guud ahaa dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub iyo sida ay u wada shaqeyn karaan labada dhinac.

Sida aysheegtay in ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan lagu soo qaadi doonaa mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedya da, waxaana arrimaha kale ee la gorfeyn doono ka mid ah muddo kororsiga halka sanno ah ee ay sameysteen madaxweynayaasha maamulla da Jubbaland iyo K/Galbeed Somaliya.

Sidoo kale waxa ay madaxdu ka wada-hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shasbaab iyo gurmadka abaaraha haatan ka jira dalka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana uu jiro mad-madow haatan soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowl ad goboleedyada dalka. Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee uu ku guuleystay Xasan Sheekh oo kadib soo magacaabay ra’ii sul wasaare Xamza Cabdi


Xukuumada Somaliland oo ganafka ku dhuf atay soojeedintii guddida ganacsatada

Xukuumada Somaliland ayaa diiday sooj eedintii guddida ganacsatada ee isku xilqaan tay xalinta khilaafka doorashada, iyadoo ku she egtay in ay ka shaqaynay een danaha xisbiga Wadd ani.

Wasiir Ku Xigeenka Arrima ha Guddaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed, oo waraysi gaar ah siiyay Horyaal TV, ayaa sheegay in sharciga Somaliland aanu ogolayn in la israaciyo door ashooyinka urrurada iyo madaxtooyada.

"Odayaashu dee niman siyaasiyiin ahna ma aha, niman xeerarka iyo dee garyaqaanana ma aha, markaa wax ayay ula muuqa tay, waxbay soojeediyeen ... hadii lagu jiro heerkii urrur ada la kala saarayay, isla markaana doorash adii madaxweynaha hala qabto oo ha laysku sidko arrin shuruucdeenu ay ogoshahay maa ha" ay uu yidhi wasiir Xuseen.

Wasiirka ayaa dhinaca kale badanka xubna ha guddida ganacsatada ku eedeeyay in ay ka mid yihiin xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo ay danihiisa ka shaqaynayeen.

"Horta ganacsatadu waa niman wanaagsan oo waa niman odayaal ah, lakiin 5 nin ayaa dee Waddani ahaa oo anigu aan u haystaa in ay Waddani yihiin" ayuu yidhi wasiir Xuseen.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in ganacsatadu ay soojeediyeen in lagu dhaqmo sharciga lakiin, ay la tashadeen garyaqaano u olloleeya xisbiga Waddani, sidaa darteedna ay talo qaloocani usoo baxday.

Ilaa hada labada, xisbiyada mucaarad ah ee UCID iyo Waddani ayaa si buuxda u soo dha weeyay soojeedinta guddida ganacsatada hal ka urrurada cusub iyo xukuumada Somaliland deedifeeyeen.

Xisbiga Waddani: Dowladeenii shimbirtii dhaqaaqdaba waxay ledahay waa Waddani

Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa wax laga xumaado ku tilma antay in xukuumadu ganacsatadii isku xilqaan tay dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka ay xisbi gaar ah ku tilma anto.

Xogeeyaha Caddaalada ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo MMTV u warramay ayaa hadalka uu wasiir ku xigeenka amnigu qaar kamid ah guddida ganacsatada u gu sheegay in ay kamid yihiin xisbiga Waddani ku sifeeyay qabyaalad.

"Waxad arkaysa in isaga oo wasiir ah oo um ada u dhaartay in uu qabyaalad cad lasoo fa dhiistay, 6 qof ayaa ganacsato ahaa, 6-dii qof, qof kamid ah ayuu ka saaray markaasu yidhi waa Waddani" ayuu yidhi Yoonis.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aam insanyihiin in ganacsadii isku xilqaantay dhex dhexaadintu, ay yihiin muwaadidiin reer Soma liland ah oo aanay ahayn Kulmiye iyo Waddani mid toona, isla markaana ay ahaayeen dad tu saale u ah wadatashiga ay Somaliland kusoo caano maashay.

Waxa uu ku andacooday in xukuumadu ay qofkasta oo hadlaba ay leeyihiin waa xisbiga Waddani, taasi oo uu ku tilmaamay guul wayn oo xisbiga Waddani usoo hoyatay, waxaanu sheegay in uu yahay fikir uu qabo madaxwey naha Somaliland.

"Lakiin hadii dowladeenii shimbirtii dhaqaaq da iyo cidii hadashaba ay leeyihiin waa Wadd ani, waa farxad wayn oo Waddani usoo hoya tay, waa guul wayn oo Waddani usoo hoyatay, in umadii reer Somaliland ay gabi dhamaanto odba Waddani noqdeen" ayuu yidhi Yoonis. "Ar ragtidani maaha aragti ay wasiiradu hindiseen waa arragti madaxtooyada ka timid".

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay jirin cid ay aaminsatahay, oo odayaashii, ganacsatadii, culimadii iyo beeshii caalamkaba ka aamin baxday, isla markaana ay dadkii qa biil u kala saartay.

Dhallinyaro Soomaali ah oo arrin lagu khiy aanay darteed ugu jira xabsi ku yaalla dalka Niger

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Niger ayaa soo saaray qeylo dhaan ay u dirayaan dowladda Soomaaliya, ka dib markii ay la soo xariireen warbaahinta.

Dhalinyaradaan oo tahriib ahaa ayaa lagu qiy aamay warqado lagu dhoofina yey, waxayna hadda dowlad da Niger u xiran yihiin mudo shan bilood ah.

Xamse Cabdi Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu ku faa hfaahiyey sababta loo xiray, isagoo codsi u diray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Mad axweyne Xasan Sheekh.

"Waxaa naloo xiray oo dowladdu ay nagu qabatay warqado dhalasho oo wadankaan Nig er ah, waxaana noo sameeyey niman u dha shay wadankaan, markii nala qabtay dalka ay ey isaga carareen,” ayuu yiri Xamse Cabdi. Xamse oo ka mid ah dhalinyarada ku xiran dal ka Niger sidoo kale wuxuu sheegay in maxkam ad lasoo taagay, kadibna loo sheegay in kiisk oodu fududyahay, balse ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa inta laga soo qabanayo raggii war qadaha u sameeyey, kuwaas oo dalka isaga cararay.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in mukhalaskii u sameeyay waraaqaha uu u sheegay in war aaqahu ay saxan yihiin oo hannaan sharci ah uu u maray, balse ay dowladdu u sheegtay in aanay sax ahayn.

"Waxaan codsi u dirsanaynaa dowladda Soo maaliyeed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan si khaas ah ula hadlayaa, waxaan leeyahay ma daxweynow mar labaad ayuu alle noo kaa do oray, noo damqo si lamid ah dhalinyaradii Eri trea, naga soo gaar oo naga saar meeshaan oo la soo hadal madaxweynaha wadankaan,” ayuu yiri Xamse Cabdi Xuseen.

Wasiiro Sare Oo Ka Tirsan Midowga Yurub Oo Ka Arrinsanaya Sidii Ukraine Loogu Sam ayn Lahaa Xarun Tababar

Wasiiro sare oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa ku shiraya Jamhuuriyadda Cze ch-ga, iya doo wasiirada difaaca la gu wado inay ka wada hadlaan si dii dalka Ukraine looggu samayn lahaa xa run dhexe oo lagu taba baro ciid anka reer Ukraine. Khuburo gaarka ah, ayaa in muddo ah tababarayay cii damada Ukraine, kuwaasoo u badnaa kuwa ku shaqeeya hub cusubLaakiin madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa she egay inuu rajaynayo in "tababar heer sare ah” lasiinayo ciidamada Ukraine.

Waxa uu intaa kud darey in nidaamka dhexe ee tababarka uu u ogolaanayo khuburada Mid owga Yurub inay noqdaan kuwa saadaaliya da gaalka, iyadoo dhanka kalana ay tahay inay u fidiyaan taageero xooggan reer Ukraine.

Dhanka kale, wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sidoo kale lagu wad aa inay kulmaan toddobaadkan, iyadoo kulanko oda lagu soo bandhigi doono dood la xiriirta xa nnibaadaha fiisaha ee muwaadiniinta Ruushka.

Xubnaha Midowga Yurub, ayaa la filayaa inay kasii wadayaan doodaha caasimadda Czech-ga ee Prague illaa iyo maalinta Arbacada ah.

TPLF oo beenisay inay qabsadeen magaal ada Weldiya ee gobolka Amxaarada

Afhayeenka kooxda TPLF Getachow Reda ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada Weldiya oo ku taalla gobolka Amxaarada ee ay deriska yihiin Tigray.

Maalinimadii Dorraad ayay warb aahinada qaarkood waxay tabiy een in magaaladan Waldiye ay qabsadeen kooxda TPLF, balse warkaa waxaa been iyay Getachow Reda, Afhayeenka kooxda TPLF.

Sidoo kale dowlad degaanka Amxaarada ayaa iyaguna beeniyay warka hore ee ah inay kooxda TPLF qabsadeen magaalada Weldiya, iyagoo soo xiganaya hoggaanka nabadgalyada ee magaaladaas oo Warbaahinta la hadlay.

Magaalada Weldiya ayaa ah magaalo muhiim ah oo ku taal degaanka Amxaarada, una jirta Addis Ab aba qiyaastii ilaa 300 oo Kiiloomitir, waana magaalo uu maro jidka isku xidha Addis Ababa ilaa Mekelle.

Toddobaadkii hore ayuu dib u billowday dagaalkan cusub ee u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF, iyadoo ilaa Shalay ay socdaan dagaaladu, waxaana jira in labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo uu midba guulo ka sheeganayo dagaalk an, balse aan sheegashadooda la xaqiijin karin.

Khasaaraha Ka Dhashay Daadadka Ku Dhuftay Pakistan Oo Sii Kordhay

Hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daad adkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sanna dood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 mil lion oo qof, iyada oo daadad kaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay. Wasiirka Is bedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay Isniintii, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuray sa dhibaato aan la qiyaasi karayn.

Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pak istan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.

Maamulka Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (NDMA), oo hogaaminaya ka jawaabista, isku dub aridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bin i’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ay aa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto masiibo ka dhalatay roobabku.NDMA waxay xustay in ugu yaraan 1 milyan oo guri, 162 buundo ama bir iij, iyo ku dhawaad 3,500 kilomitir oo waddooyin ah inay waxyeelo soo gaadhay ama ay daadadku

burburiyeen

MADAXWEYNE MIKHAIL GORBACHEV OO GEERIYOODAY

Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii ugu dam beeyey ee Midowga Soviet, ayaa geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas ku warramay wakaaladaha wararaka Ruushka Talaadadii.

"Mikhail Sergeyevich Gorbachev waxa uu dhintay fiidnimadii kadib xanuun darran oo mud do fog hayey,” waxaa sidaas yiri isbitalka Cen tral Clinical Hospital ee Moscow oo ay soo xi gteen wakaaladaha wararka Interfax, TASS iyo RIA Novosti.

Gorbachev, oo xukunka hayey 1985 illaa 1991, islamarkaana gacan ka gaystay inuu sa re usoo qaado xiriirka Mareykanka iyo Ruush ka, ayaa ahaa hoggaamiyaha kale ee ka nool Dagaalkii Qaboobaa.

Waxa uu inta badan labaatankii sano ee ugu dambeeyey banaanka ka joogay siyaasadda, wuxuuna mar mar naadir ah ugu baaqi jiray Kre mlin-ka iyo Aqalka Cad inay hagaajiyaan xiriir kooda oo gaaray heerka Dagaalkii Qaboobaa ka dib markii Ruushka ay ku darsadeen Crimea 2014 kuna duuleen Ukraine horraantii sanadk an.

Xiriirka kala dhaxeeya madaxweyne Vladimir Putin ayaa mararka qaar ahaa mid adag, hase yeeshee hoggaamiyaha Ruushka ayaa "damqa sho” ka muujiyey geerida Gorbachev.

"Madaxweyne Putin waxa uu saaka tacsi u diri doonaa qoyskiisa iyo saaxiibadiisa,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Pe skov.

Gorbachev ayaa sanadihii ugu dambeeyey noloshiisa wuxuu u dhaxeeya isbitaalka iyo guriga ayada oo xaaladdiisa caafimaad ay xumaatay.

Gorbachev ayaa laga jeclaa dalalka Galbee dka, oo looga yaqaan naaneysta Gorby, waxa ana lagu xusuustaa inuu qaboojiyey xiisaddii Nukliyeer ee Mareykanka iyo Soviet-ka ee sideetamaadkii.

Waxa uu sanaddii 1990-kii ku guuleystay Aba al-marinta Nabadda ee Nobel Peace Prize kadib markii heshiis taariikhi ah oo Nukliyeer uu la galay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan.

Gorbachev ayaa gudaha Ruushka ka ahaa shaqsi muran badan dhaliyey, sababo la xiriria inuu ahaa madaxweynihii Soviet-ka xilligii Midowga uu burburay, waxaana xumaa xiriirka isaga iyo Putin.

Putin iyo Ruushiyaan badan ayaa burburkii Midowga Soviet waxay u aheyd musiibo keent ay sanado badan oo saboolnimo ah iyo inay wiiqantay awooddii Ruushka ee masrax yada caalamka.

Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Oo Guul darro Kala Kulmay Maxkamadda Sare

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa diiday co dsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee, William Ruto.

Codsiga ayaa ahaa in lix kamid ah guddiga door ashada (IE BC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacw adda doora shada madaxweynaha, iyadoo go’aam isay in khilaafka la horkeeno garsoora yaasha.

Ruto, ayaa doonaya in afarta xubnood ee guddi ga doorashada, ee ku rayiga ah isbaheysiga Azimio, inay dhanka isbaheysigaasi maraan.

Xubnaha afarta ah, ayaa haatan qeyb ka ah xub naha guddiga doorashada ee dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyey ka jawaabaya.

Maalinta bari ah ayey maxkamaddu si rasmi ah u bilaabi doontaa dhageysiga dacwada.

Waxay haysataa maxkamadda inay go’aan ku gaarto illaa iyo 5-ta bisha September.

Muqtada al-Sadr oo cuntada ka soomay iyo Ciraaq oo gashay xaalad dagaal

Wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq, Muqtada al-Sadr ayaa ku dhowaaqay inuu cuntada ka soomay ilaa inta ay ka istaagayaan rabshadaha dibadbaxay aasha iyo adeegsiga hubka, waxaa sidaas ku war antay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA.

Go’aanka Muqtada al-Sadr ayaa yimid saacado kadib markii uu Isniintii shaaciyey inuu ka fariistay siyaasadda, taasi oo horseeday inay boqolaal ka mid ah taageeray aashiisa ay ku xoommaan xarunta golaha wasiirada ee Aagga Caga aran ee Baghdad.

Iskudhacyo ayaa ka dhex qarxay taageerayaa sha al-Sadr iyo kuwa kooxo ku xiran dowladda Iira an. Booliska ayaa soo faro geliyey rabshadaha wax ayna adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayey Aagga Cag aaran, waxaana ilo-wareedyo caafimaad ay u shee geen wakaaladda wararka AFP in toogasho lagu dilay 12 ka mid ah taageerayaasha al-Sadr, ayada oo ay jiraan ugu yaraan 270 dhaawac ah.

Militariga Iraq ayaa ku dhowaaqay Bandow lagu soo rogay dalka oo idil oo billowday Shalay 7:00pm, waxaana ra’iisul wasaare Mustafa al-Kadhimi uu hakiyey kulamadii golaha wasiirada.

Xiisadda Iraq ayaa salka ku haysa is-mari waa ka taagan dhismaha xukuumad cusub.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kac doon malees hiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mare ykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhow aaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharax nimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Toogasho lagu dilay 11 qof oo bannaan bax dhigayay

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dalka Mad agascar, ka dib markii ay ciidamada boolisku rasaas ku fureen dad doonayey in ciidamada boolisku ay u gacan geliyaan afar qof oo loo haystay inay afd uubeen ilmo yar halka ay hooyadiina dileen.

Dadweyne gaaraya 300 illaa 400 oo qof oo car eysan ayaa isugu soo baxay irida hore ee saldhiga, iyaga oo dalbanaya in la sii daayo afarta qof ee loo xiray tuhunka, hase ahaa tee ciidamada booliska ay aa diiday, iyaga oo dadw eynihii ku riday sunta dadka kaga ilmaysiisa, si ay u kala eryaan, hase ahaatee arrintaasi xal may keenin, waxaana sii batay buuqii iyo rabshadihii taas oo horseedday in ciidamada boolisku ay rasaas adeegsadaan.

"Ciidamadu waxay sameeyeen tallaabo kasta oo suurogal ah, si looga fogaado inuu dhaco iska hor-im aad ama rabshado. Waxaa ciidamadu ay sameey een xayndaab ammaan ah oo ay tahay inaan dadwe ynuhu soo dhaafin, waxaanna u sheegnay dadw eynaha in arrinta wadahadal lagu dhameeyo si looga hortago inuu dhiig daato” ayuu yidhi Gen. Andry Rakotondrazaka oo ah taliyaha ciidamada amma anka.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah da dkii goobta ku sugnaa inay wateen baangado waa weyn, mindiyo iyo ulo. Markii ay bilaabeen inay dhag xaan ku tuuraan ciidamada ammaanka, ayaa ciidamaduna ku jawaabeen inay rasaas ridaan.

Taliyaha ayaa sheegay in la baarayo dhacdadan. Hase ahaatee ku xigeenka degmada uu dilku ka dhacay ee Ikongo, Jean Brunelle Razafintsiandraofa, ayaa mar Khadka telefoonka ugu sheegay wakaalad da wararka ee AP in uu u maleynayo in dibadbaxay aashu aysan hubeysneyn


SOMALIA

OGAYSIISKA – CALAAMADA GANACSIGA



MERCEDES-BENZ


OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:


Mercedes-Benz Group AG of Mercedesstrasse 120, 70372 Stuttgart, Germany

 


waxaana loo adeegsaday:

 


Qalabka mashiinka iyo mashiinka; matoorada (marka laga reebo baabuurta dhulka); isku xirka mashiinka iyo suunka (marka laga reebo baabuurta dhulka); qalabyada beeraha oo waaweyn; qalabka wax lagu shido, baabuurta; qalabka loogu talagalay in lagu maro dhulka, hawada ama biyaha.

 

 


OGAYSIIS WAXAA KALE OGEYSIISAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip