HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Monday August 29, 2022 - 08:32:04 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Xas an Sheekh Garoowe – Maxaa dhacay Xalay?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud oo habeenkii afaraad ku hoy anaya magaalada Garowe ee Puntland ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxwe ynaha ayaa lagu sheegay in kulankaas uu ka dhacay Madaxtooyada dowlad-goboleedka Puntland, isla markaana uu ahaa kulan la-ta shi ah.

"Madaxweynaha oo kulanka uu ku weheli nayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgarad ka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shac abka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka Xalay ayaa imaanaya iyadoo ay soo gabagaboobeen kulamadii Madaxweynu hu uu maalmahaan Garowe kula lahaa mad axda Puntland, kuwaas oo is-faham lagu gaa ray, sida ay Habeen hore shaaciyeen dhinacyadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shalay kormeeray dhowr xarumood ayaa warbixinno ka dhageystay hey’adaha iyo wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maa reynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhe xe iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee door ashooyinka Puntland.

Akhriso: Nuxurka Khudbadii RW Xamse Barre Uu Ka Jeediyey Shirka Ka Socda Tunisia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Xamse Ca bdi Barre oo khudbad ka jee diyey shirka caalamiga ee TI CAD8 ee ka socda magaal a da Tunis ee dal ka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasi llinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dow ladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in am niga iyo deg enaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli ka rin, si horumar bulsho iyo Is ku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xus ay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dun ida ka jira ay saameyn xoog leh ku yee she en nolosha bulshada, xili dalka ay ka jira an abaaro saameeyey dad ka iyo duunyada.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhi imadda ay le edahay Kaalmada Japan, ga ar ah aan, dadaallada kor lo ogu qaadayo taya da booliiska iyo hay’ada ha amniga, bixintani daamyada isgaarsiinta ee Booliiska Sooma aliya iyo taageerada war shadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-no loleedyada”. Ay uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Xamse ayaa xu say ahmiyadda ay lee dahay taageera da do wladda Japan ee xil igan, si looga miro dha layo hadafyada waaw eyn ee la higsana yo ee dhinacyada amniga, wax ka qabasha da colaadaha, abaaraha & isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa Inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoo jinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Maamulka gobolka Banaadir oo soo rogay ganaaxyo LACAG oo nooc cusub ah

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo sa aray awaamiir cusub oo gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka mamnuucaya waxkasta oo xad-gudub ku ah nadaafada, bili cda iyo xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda.

Go’aamada kasoo baxay maamulka gobol ka Banaadir ayaa sidoo kale waxa lagu shee gay in la ganaaxi doono hadda kadib guri kas ta oo ku xad-gudba bilicda caasimada lacag dhan $20, halka meherada ganacsadaha la ganaaxi doono lacag dhan $30.

"Si loo dardar-geliyo bilicda iyo nadaafa da waxa guddoomiyaha gobolka Banaadir soo saaray wareegto ku aadan dardar-gelinta nadaafada iyo dib u soo celinta bilicda mag aalada Muqdisho oo ku socota agaasimaha guud, guddoomiyeyaasha degmooyinka, da dweynaha ku nool gobolka iyo taliska ilaalin ta deegaanka Xamar.”

Wareegtada kasoo baxday xafiiska gudd oomiye Filish ayaa waxaa lagu sheegay in xo olaha baadida ee iska dhex socda caasim ada la qaban doono, islamarkaana cidda iska leh laga qaadi doono ganaax lacageed."Wixii hadda ka dambeeya xoolaha baadida ah ee lagu soo qabto magaalada Muqdisho waxaa laga qaadi doona ganaax iyo calafka Xoola ha mudada la hayo. Xoolaha baadida ah ee magaalaada laga qabto neefka Geela waxa la ganaaxi doona $25, Lo’da $20, Aragi $10,” ayuu yiri.

Go’aamadan ayaa imanaya xili maalmihii la soo dhaafay roobab mahiigan ah ka da’a yeen magaalada Muqdisho ee caasimada dal ka, kuwaasi oo biyo dhigay qaar kamid ah wa ddooyinka waaweyn iyo jidadka xaafadaha.

Wasiirka Amniga iyo ku xigeenka Ergeyga QM oo ka wadahadlay Amniga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukum adda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Axmed Shiikh Cali Doodashe ayaa Shalay kulan la yeeshay Ku xigeenka Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gb eho. La bada mas’uul ayaa ka wa da hadlay sugida Am niga iyo tayeynta adeegya da booliska ee loo dhan ya hay, xoojinta wada sha qe ynta bulshada

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen ha gaajinta isku xirka Wasaaradaha Amniga ee Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo ta ageerada Qaramada Midoobay.

Ehellada darawalkii lagu dilay Muqdisho oo go’aan culus ku dhawaaqay

Ehellada Marxuum Maxamed Axmed Bar row oo Dorraad Askari ka tirsan ciidamada do wlada Soomaa liya uu ku dilay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in meydka aysan aasi doonin, ilaa inta ay dowladdu cadaala dda u soo taageyso askarigii dilay wiilkooda.

Maxamed Axmed Barrow oo darawal ka ah aa gaari xamuul ah oo kuwa dekedda Muqdi sho shixnadaha ka qaada ka mid ah, ayaa Dorraad loo dilay 2 dollar oo baad ah, sida ay cadeeye en dad joobjoog u ahaa dhacdadaas.

Sahro Axmed Ibraahim oo ah gabadhii u dha cday marxuumka ayaa iyadoo ilmeyneysa wa xay ka sheekeysa sida ay u taabatay geerida Seygeedii oo ku noqotay mid xanuun badan.

"Cadaalad maheysano, ninkii dilay ilmaheyga aabahood dowladda ayuu ka tirsan yahay, la mana soo qaban, Ilaahey iyo dowlada wax aan ka baryaa in ninkii ilmahaan agoonta ka dhigay cadaladda la soo taago, waxaa xanu un igu heysa qof aad hadda quraac siisay ee markii uu kaa tegay meydkiisa laguu soo she egay, $2 iyo wax lamid ah ayaa loo dilay, ninkii dilayna magaalada ayuu baashaala yaa,” ayey tiri Sahro .

Aabbe Axmed Barrow oo ah abaabihii dha lay wiilka la dilay ayaa la hadlay TV-ga Som ali Cable ayaa sheegay in wiilkiisa oo korsan ayey lix carruur ah uu askari ka tirsan dowlad da si bareer ah u toogtay, isagoo cod dheer cadaalad ku dalbaday.

"Burbur, dowlad la’aan iyo shaqo la’aan ayaan wiilkeyga ku soo koriyey, lix caruur ah ayuu heystay, Shalay ilmihiisii xitaa waa la dhaafiyey, anigu wax uma galo oo nolo sheydii ciidanimo ayaan ku soo qaatay oo ta bar ma hayo,” ayuu yiri Aabe Axmed Barrow.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Wiilkeyga kii dilay cid soo qabatay ma jirto, hada qabiil ma jiro oo dowlad Soomaaliyeed ayaa dadka u dhis an, waxaana laga rabaa in dadka wax magar atada ah ay umadda ka badbaadiso, haddii

cadaalad dowladda laga waayo, waxaa dhici oonta in la iska aar goosto.” Wuxuu Aabbah aan carabka ku adkeeyey in meydka wiilkiisa aan la aasi doonin, ilaa inta dowladdu ay cad aalada ka hor keeneyso askarigii dilay, isa goo sheegay faranjiyeer uu ku jiro meydku habeenkii labaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Bariga Afrika iyo Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson.

Kulanka ayaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyaddeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diirrada lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda guud.

Waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga ka waddo Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw ugu wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya gaar ahaan hay'addaha maaliyadda dalka.

"Waxa aan ku faraxsanahay in Shalay ku soo dhaweeyo xarunta Wasaaradda maaliyadda, Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubnaha kale ee wehlinaayay. Waxaan ka wada hadalnay barnaamijka dib -u - habaynta maaliyadda ee socda, xoojinta dowlad wanaagga iyo mashaariicda Bangigu naga taageero ee ku aadan dib-u-habeynta iyo horumarka dhaqaalaha dalka", ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taageero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Maaliyadda.

MAAMULKA G/HIIRAAN OO AMAR DEG-DEG AH SIIYEY HAY’ADDAHA GARGAARKA

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Je yte Cismaan oo aay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne Agaasimaha Wasaar ada Gargaarka Do wlad gobaleedka Hir shab eelle , ayaa kul an wadajir ah la qa atay Hay ’adaha sam afalka ee ka how lgalo Gobalka Hiira an.

Guddoomiyaha Gobalka ayaa Hay’adaha ka dhageeystay warbixino la xiriiro waxa aay Bulshada u qabteen oo la taaban karo asigoo carabka ku adkeeyey in Shalay loo baahan yahay Gargaar biniadanimo oo buuxa.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa la wadaagay warbixin la xeriir to xaaladaha deeganada laga saaray Al-sha baab iyo dhibaatooyinka ka jiro ee u baahan wax ka qabashada Deg-dega ah si dadkeena loo badbaadiyo madaama inta badana aay ka ba’een xoolahii iyo beerahii.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa fa ray Hay’adaha ka howlgalo Gobalka Hiiraan in loo jiheeysto dhanka wax ka qabashada xaaladaha abaaraha asigoo xusay in dham maan Degmooyinka Matabaan, Maxaas, iyo Beledweyne inta badan laga xoreeyey Al-shabaab lana gaar siin karo dhamaan wax walbo oo adeega dadweynaha muhiin u ah Maamulka.

Wuxuu ahaa Askari, haddana bil walba 70 Dollar ka qaadanayey Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay Baydh aba ayaa Dorraad la horkeenay todoba rag ah loo heysto in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga da cwadaha loo heysto eedeysanayaashaan oo ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ay si yaabo kala duwan gacanta ugu soo dhigeen.

Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxka madda, raga qaar waxaa la soo qabtay iy agoo ku howlan fulinta weerarro, halka qaar ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed-na la gu qabtay iyagoo si hoose ula shaqeynaya kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay sarkaal u hadlay dacwad oogayaasha seddax oo ka mid ah ragaan ay aa ka soo dagaalamay Galmudug iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka, halka labo kale lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladdu ku qabsadeen degaanka Goofgaduud-shabee low.

"Guddoomiye Maslax Cabdullahi wuxuu ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed, ka dib Al-Shabaa waxay ku tashkiiliyeen inay Al-Shabaab la shaqeeyo, iyagoo siin jiray 70 dol lar,” ayuu yiri sarkaalkii u hadlay dacwad oog eyaasha. Ugu dambeyntii Maxkamadda ay mudeysay oo sheegtay in go’aan ay ka soo gaari doonto xukunka raggaan loo heysto ka mid noqoshada kooxda Al-Shabaab.

Jimcihii ayaa Fagaare ku yaalla magaala da Baydhaba waxaa lagu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galb eed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukumay.

Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Degaano Hor Leh Kana Tirsan Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Urura da 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus oo ka dhan ahaa Al-shabaab wax aa ay ka sameeyeen deegaa no ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Saraakiisha hoggaa mineysay howlgalka ay aa sheegay in Al-sha baab laga saaray tuulo oyinka Cabanan ey, Beeraha bay, Siig aale, Malable iyo Buulo aru undi oo dhamaa ntood hoostaga deegaanka Janaale ee Sh/ Hoose.

Taliyaha Ururka 84-aad, guut ada 14 Oc tober Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa wabaahinta dowladda u sheegay in howlgalka inta uu so cday inay ku guuleysteen soo saarista Miin ooyin ay Al-shabaab ku aaseen wado.

Wuxuu intaas kusii daraya Taliyaha in mii nooyinka laga soo saaray wadada isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen Shabaabka in lagu dhibaatee yo shacabka, isagoona sheegay in Al-shaba ab khasaaro lagu gaarsiiyey howlgalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyin kii dambe howlgalo ka dhan ahaa Al-shaba ab waxaa ay ka wadeen deegaano iyo deg mooyin ka tirsan Gobolada dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo ay kula wareegeen dee gaano dhowr ah oo ku yaalla halkaas.

Xisbiga Waddani: Waxaanu soo dhaway naynaa soojeedinta guddida

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Wadd ani, ayaa soo dhaweeyay talada ay soojeedi yeen guddida isku xilqaantay xalinta khilaaf ka doorashooyinka Somaliland.

Xogeeyaha xisbiga Khadar Xuseen Cab di, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay aqbalayaan soona dhawaynayaan soo jeedinta guddida, si ay u ilaaliyaan sumcada iyo wadajirka Somaliland.

"Anaga oo rabna in da lkeena xal siyaasi ah laga gaadho, si sumcadiisa, wadajirkiisa iyo horu-soc odkiisaba loo ilaaliyo oo loo dho wro, waxaanu soodhawaynaynaa so ojeedin ta guddida ganacsatada J.Somali land" ayuu yidhi Khadar.

Madaxweynaha ayuu ugu baaqay in uu ta ag eero soojeedinta guddi da, "Waxaanu ku boorinaynaa madaxweynaha iyo xukuumad aba in anay carqaladaynin ama anay fashilin in, is kudaygaa ugu danbeeyay ee ay guddi da gan acsatadu isku dayayaan in arrimaha taagan xal loogu helo".

Waxa uu sheegay in ay ka mucaarad ah aan ka warsugayaan gol ayaasha sharci-dej inta oo guddidu ay ku soc odsiisay soo jeed intooda, si ay salka ugu dhig aan sharcigii meel marin lahaa.

Wali xukuumada Somaliland kama hadal mawqif keeda ku aadan soojeedinta ganacs atada, ee odhanaysa "Ha la is raaciyo doora shooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaa sada", waxaana jira urruro dhawra oo ilaa ha dda ka horyimid soojeedinta guddida.

Ciidamo Kala Dhex-Galay Maleeshiyaad Uu Dhexmaray Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyey

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka gaar ah aan kuwa qeybta 21-aad ayaa Shalay kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo la badii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaal xoo gan ku dhexmaray dee gaanka Laba-golle ee ku yaalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku guuleystay inay kala dhex-galaan maleeshiy aadii dagaalamayey, isla markaana waxaa la joojiyay dagaalkii dhacayay, waxaana xaalad da deegaanka Laba-golle ay tahay mid de gan oo wax rasaas ah dhaceyn.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheega yaan in Ciidamada dowladda ee ku sugan La ba-golle ay howlan yihiin sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo beeleedka hubeysan, iy adoo Saraakiisha hoggaamineysa ay wada an dadaal heshiis lagu kala dhex dhigayo beelaha.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaa wac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray la bada maleeshiyo beeleed, waxaana daga alka la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka ba dan 15 qof oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, halka 35 qof kalena ay dhaa wacmeen.

Deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xiliyadda qaarkood ka dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal qorshe ysan oo salka ku haaya arrimo la xiriira anoo yin iyo dhul-daaqsimeedyo, Galmudug ayaa horey u kala dhex gashay maleeshiyad daga alamay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo billaabay qor she ‘uu mudo kororsi ku sameysanayo’

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Ga lmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ay aa bilaabay qorshe uu muddo kororsi hal sa no ah ku sameysanayo.

Sida aysheegtay in ay ogaatay Caasima da Online, Madaxwe yne Qoor-Qoor ayaa gu ddoonka baarlama an ka maamulka Galmud ug ku cadaadinaya inay qabtaan mooshin ay ka diyaariyeen qaar kamid ah xildhibaan ad maam ulkaasi, si wax ka badal loogu sameeyo Dastu urka maamulkaas.

Qoor-Qoor iyo Xildhibaanada ku dhow ay aa doonaya in meesha laga saaro qoddobka dhigaya in muddo xileedka Galmudug uu ya hay 4 sanno, islamarkaa na qoddobkaas lagu badalo in muddada xil haynta ay noqo to Shan sanno.

Baarlamaanka maamul ka Galmudug ay aa la filaya inay yeeshaan kulan gaar ah, si ay uga doodaan wax ka badalka la rabo in lo ogu sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlama anka muddo hal sanno ah.

Sida la fahamsan yahay Qoor-Qoor ayaa qorshahaan kaga dayanaya maamulada Koo nfur Galbeed iyo Jubbaland, oo ayaga dhan kooda sameystay muddo kordhin hal sanno ah kadib markii ay wax ka badal ku sameeyeen Dastuurkii u dagsana maamulad aas. DFS ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qanacsaneyn muddo kordhinta ay sameys teen madaxda dowlad-goboleedyada, waxaa na indhaha lagu haya sida ay dowladda u wajahi doonto arrintaan.

Al-Shabaab oo soo saartay qoraal ku socda William Ruto

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horr eysay war ka soo saartay isbedelka ka dha cay waddanka Kenya, waxayna si lama filaan ah uga hadashay doorashadii dalkaasi ee uu ku soo baxay William Ruto oo tartan adag la galay Raila Odinga.

Bayaan ka soo baxay Maktabka Warfaaf inta ee Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ku qornaa luqadda English-ka ayaa lagu she egay in Kenya ay ka dhacday doorasho si ad ag loogu tartamay, balse ay haatan heysato fursad ay uga noqon karto duulaanka Soom aaliya, gaar ahaan howlgallada ay xiligan cii dankeeda ka wadaan gobollada dhaca koon furta dalka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay inay haboon tahay in Kenya ay dib u eegis ku sameyso siyaasadeeda arrima ha dibadda, siiba duullaanka military ee So malia. "Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay Shalay taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiis ka keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aan adaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaa liya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ee looga hadlay isbedelka Kenya.

Qoraalka ayaa waxaa kale lagu sheegay in ciidamada Kenya aysan illaa iyo hadda ku guuleysan hadafyadii loo soo galiyey gudaha Soomaaliya, kadib 11 sano oo ay joogaan.

Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in xittaa aysan qaadi karin wax weerar ah ciidamada dalka Kenya, isla-markaana ay ku go’doons an yihiin saldhigyadooda, sida ay hadalka u dhigtay.

"Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa mar kii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soo maaliya, ilaa Shalaydana Kenya kuma guul eysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasi ga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigya dooda, kama soo baxaan godadka ay gabb adaan xabadda Mujaahidiinta, mana awooda an inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaa hidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliy een boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahoo da” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale kooxda ayaa ku hanjabtay had dii dowladda cusub ee Kenya ay ciidankeeda kala bixi weyso gudaha Soomaaliya in ay markale beegsan doono xarumaha waa weyn Kenya."Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciid amada kusoo duulay wadanka, balse ay wee raro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta Saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareeca da Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu yiri.

Hadalkaan ka soo yeeray Al-Shabaab iyo hanjaabadda cusub ee ay u direen xukuum adda Nairobi ayaa kusoo aadayo, xilli sanad ihii dambe ay kooxda kordhisay weerarade eda Kenya.

Somaliland: Dad loo xidhxidhay mudah ara adkii 11 bishan oo lasii daayay

Waxa xoriyadooda dib u helay 49 qof oo loo xidh xidhay mudaharaadkii xisbiyada mu caaradka Somaliland dhigeen 11 August.

Cuqaal iyo waxgarad ayaa ka howlgalay sii daynta 26 qof oo ku xidhnaa xabsiga Madhe era iyo 23 hablood oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gabilay, waxaana lagu siidaayay warqad codsi ah oo cuqaashu u qoreen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somali land Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqa dhi Dabaggale.

Xogeeyaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyin ka

ee Xisbiga Waddani Max amed Cabdillaahi Jaam ac Bookh, oo ka qaybgalay siidaynta hablaha ku xidhnaa xabsiga Gabilay, ayaa u mahadn aqay cidkasta oo ka qaybqaadatay siidaynt ooda.

"Dhamaan cid ala cidii ka qayb qaadatay hablahaa soodayn tooda ayaanu u mahadn aqaynaa, Shalay halkan wax kale kama odhanayno, 49 kaa qof ee lasiidaayay ee ba dhna Madheera ku jireen 23-na halkan, dha mmaan cidii ka qaybqaadatay in aanu u mah adnaqno" ayuu yidhi Bookh.

Dhanaca kale, salaadiinta iyo cuqaasha ka howlgashay siidaynta dadka xidhnaa, ay aa u mahadnaqay xukuumada iyo taliyaha bo oliiska, iyo shacabka Gabilay oo ay sheege en in ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo u soo dhaweeyeen hablaha xidhnaa.

Mudaharaadka shacabkan laga soo xi dhay ayaa dhacay 11 bishan kadib markii mu caaradka iyo xukuumada Somaliland isku af garan waayeen sida loosoo kala horaysiin ayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urru rada siyaasada.

WARARKII U DAMBEEYAY EE DAGAALKA KA SOCONAYA WAQOOYIGA ITOOBIYA

Wararkii u dambeeyay ee kasoo baxaya dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxda TPLF ay aa sheegaya in Militariga Itoobiya ay ka baxeen mag aalada Kobo ee degaanka Axmaarada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya ay aa lagu xaqiijiyay arrinkan, iyad oo dowladdu ay War saxaafade edkan ku sheegtay inay xeelad dagaal uga baxeen magaalada Kobo, sidoo kalena magaalada ay ku dhex nool yihiin dad shacab ah sidaa darteed na aan lagu dhex dagaalami karin shacabka dhexd iisa.Intaa kaddib waxaa magaalada Kobo gacanta ku dhigay kooxda TPLF, iyagoo markii horena gantaalo kusoo tuuray dhinacyada magaalada Kobo.

Kobo waa magaaladii u horreysay ee ay dowlad du caddeysay inay ka baxday gacanteeda, walow ay taasi ku tilShalayy xeelad dagaal haddana waxay dowladdu qiratay in TPLF ay jihooyin dhawr ah magaaladan kasoo weerartay.

Dhinaca Canfarta oo dagaalku ku badnaa maalmi hii u dambeeyay, TPLF waxaa usuurowday inay gac anta ku dhigaan magaalo muhiim ah oo dhacda deg aanka Canfarta, iyadoo War saxaafadeed kasoo ba xay dhinaca Canfartana lagu cambaareeyay kooxda TPLF, oo ay Canfartu sheegeen inay TPLF xasuuqd ay dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan.

Canfarta ayaa dhankooda waxay Ciidamo badan soo dhoobeen goobaha uu dagaalku ka socdo ee ay isku hayaan TPLF, iyaga oo kaa shanaya Militariga Itoobiya. Isu soo duuboo, dagaalkan ayaa u muuqda mid labada dhinac ay isu adeegsanayaan wax walba oo ay awoodaa, dowladda Itoobiya waxay dhawr jeer duqaymo ka gaysatay goobo ay ku sheegtay inay ku sugan yihiin kooxda TPLF, halka kooxda TPLF ay iyaguna madaafiic ku garaacayaan dhulka ay isku ha yaan iyaga iyo labada degaan ee Canfarta iyo Axm aarada.

Inta uu dagaalku socdo War saxaafadeedyada la bada dhinac kasoo baxaya waxa uu mid walba ka kale ku eedeynayaa inuu gaystay xasuuq badan.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono dagaalkan markii labaad ka dhex qarxay Itoobiya iyo TPLF, balse wadamada reer galbeedka ayaa cadaadis xoo ggan saaraya labada dhinac ee uu dagaalku ka dhax eeyo, si ay ujoojiyaan xabadda.

DALALKA YURUB OO BILLAABAY XEE LAD YAAB LEH OO ERDOGAN LOOGA HORKEENAYO SHACABKA


Sinem Okten, oo ah weriye cayaaraha tebi sa oo Turkish ah, ayay la-yaab ay ku noqotay in laba jeer laga diido codsigeeda dal-ku-galka (visa-ha) Yurub. Waxay aalaaba u bixi jirtay soo tebinta cayaaraha iyo waraysiyada cayaaryahann ada caanka ah sida goolhayaha Talyaaniga, Gianluigi Buffon iyo tababbaraha Liverpool, Juergen Klopp.

"Jarmalka iyo Faransiiska ayaan laba jeer oo is xigta ka dal baday, wayna iga diideen,” ayay tiri. "Safarro badan ayaan diba dda ugu baxay si aan dhacdooyinka, tebinta, iyo waraysiyada cayaaraha ku saabsan usoo qabto. Waana in ka badan 50-60 jeer oo aan safarradaas galo.”

"Laakiin diidmadan waa middii iigu horreysay oo aan la kulmo.”

Sida tirakoob lagu muujiyay, dadka Turkida ah ee codsanaya fiisaha dal-ku-galka 26-ka dal ee Yurub ee ku mideysan aagga loo yaqaan Schengen, waxaa dhawa anahan loogu diidayay si isasoo taraysa. Qaar badanna waxaa uga baaqday saf arro ay doonayeen inay galaan.

Xukuumadda Ankara ayaa tallaabooyinkan ku tilShalayy mid lagu doonayo in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu geliyo xaalad adag kahor doorash ooyinka soo aadan ee dhacaya sannadka xiga. Laakiin Midowga Yurub ayaa beeniyey eedeymahaas.

Marka loo eego xogta mareegta schengenvisainfo.com, 16.5% dadkii codsad ay fiisaha sannadkii hore waxay la kulmeen diidmo; taas oo ka badan 12.5% dad kii diidmadaas oo kale la kulmay sannadkii kasii horreeyey. Arrintan ayaa ahayd mid isasoo taraysa taniyo sannadkii 2015-ka.

Kharashka fiisaha – oo gaaraya ilaa 100 Euro, ama saddex meelood meel ka mid ah mushaharka ugu yar ee Turkiga lama soo celin karo haddii fiisaha la bix iyay iyo haddii kale.

"Guud ahaan, heerarka diidmada codsiyada fiisaha Schengen ayaa kordhay adduunka oo dhan balse marka la barbardhigo wadamada kale sida Ruushka, ko baca heerka diidmada Turkiga waa mid ka weyn oo joogto ah,” ayuu yiri Shkurta Januzi, oo ah tifaftiraha guud ee mareegta.

Simen Okten ayaa sheegtay in safaaradda Jarmalku aysan bixin sabab ay ku diiday codsigeeda. Dukuminti kasoo baxay safaaradda Faransiiska oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, ayaa lagu sheegay inaysan arag caddaymo ku fil an oo muujinaya in weriyaha TV-gu uu ka bixin karo qarashka muddada joogit aankeeda Faransiiska iyo in kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inuu ru maysan yahay in waqtiyada dheeraynta iyo kororka lagu arkay heerarka diidma da ay yihiin kuwo si ula kac ah loo sameynayo. Wuxuu intaas ku daray inuu arrin tan kusoo qaaday kulamo uu la yeeshay dhigaggiisa.

"Nasiib darro, Mareykanka iyo qaar kamid ah Midowga Yurub iyo dalalka aan EU-da ahayn waxay siiyaan muwaadiniinteenna ballamaha fiisaha hal sano ama 6-7 ilaa 8 bilood kadib. Waxay sidoo kale kordhiyeen heerka diidmada. Tani waa mid qorsheysan oo si ku tala-gal ah loo qorsheeyey,” ayuu yiri.

Cavusoglu waxa uu meesha ka saaray cudurdaarro la xiriira tallaabooyinka Coronavirus ama inaan xirfadlayaal dheeri oo ka xoojiya suuqyada Yurub loo ba ah neyn.Wuxuu yiri; ‘iyada oo aan la bixin caddaymo ku saabsan diidmada fiisa ha, waxaan kaliya u arkaynaa tallaabooyinkan kuwo loogu tala-galay in madaxa looga xanuujiyo Erdogan doorashada kahor.”

Isaga oo uga digaya safiirrada Reer Galbe ed cawaaqibka ay arrintani reebi doonto, wuxuu sheegay in haddii aysan xaaladdu kasoo reynin ama aan wax isbedel ah laga sameynin inay dhankoda qaadi doo naan tallaabooyin falcelin ah.

Nikolaus Meyer-Landrut, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Turkiga, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in codsadayaasha fiisaha Yurub ee dalalka Schengen ay ula dhaqmaan si ay u qalmaan oo aan loo eegayn arrimo siyaasadeed, isaga oo intaa ku daray in codsiyo aan dhammaystirnayn oo suurtagal ah in la khiyaaneeyey laga arko Turkida.

"Ma jiro go’aanno lagu gaarayo arrimo siyaasadeed, balse waxaa loo qaataa arrimo kale oo hortebin inoo leh,” ayuu yiri.

Dalxiisayaasha waa laga horjoogsaday bixitaan

22 kamid ah 26-ka xubnood ee aagga Schengen waa wadamada Midowga Yurub.

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku naaloonaya xiriir ganacsi oo wanaagsan iyo tobannaan sano oo soo-galooti Turkiga uga sii gudbaya Yurub. Laakiin wax aa arrinta kala dhantaalay arrimo ay kamid yihiin ilaalinta xurriyadda hadalka gud aha Turkiga iyo siyaasadda Midowga Yurub uga degsan qaxootiga Suuriya.

Kahor cudurka faafa ee coronavirus, dala lka Schengen waxay ka heli jireen in ka badan 900,000 codsi fiisaha sanadkiiba dalka Turkiga, laakiin tiradaasi waxay hoos uga soo dhacday ilaa 270,000 sannadkii 2021. Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah Schengen lama weydiiyo wax fiiso ah marka ay booqan ayaan Turki ga, waxayna qaarkood ku geli karaan kaararkooda aqoonsiga, sida lagu sheegay mareegaha wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Maaddaama in badan oo Turki ah la diidayo, hawl-wadeennada dalxiisku wa xay baajiyeen safarradii caadiga ahaa, sida uu yiri Cem Polatoglu oo ah Guddoo miyaha Tur Andiamo. "Dhibaatooyin ayaa nasoo wajahaya, safarradeenii waa la joojiyay, waxaan qorsheyn jirnay safarro aan ku aadno Talyaaniga toddobaad walba, hadda waa inaan bixinaa labadii toddobaadba mar,” ayuu yiri Cem Polatoglu.

Marka laga soo tago dalalka Schengen, Mareykanka ayaa balanqaaday inuu ballaarin doono bixinta fiisaha dalkiisa kaddib markii wasaaradda arrimaha dib adda ay soo gaareen cabashooyin badan oo ku saabsan codsiyada fiisaha ay da lbadaan Turkida.Simen Okten waxay sheegtay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan sidii ay ku heli lahayd fiisaha.

UHURU OO ‘IS-HORTAAGAY’ IN LA DHAARI YO WILLIAM RUTO


Xoghayaha guud ee Xisbiga William Ruto ee United Democratic Alliance (UDA), Veronica Maina ayaa ku eedeysay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu ya hay taageeraha ugu weyn ee ka dambeeya dacwadda maxkamadda sare oo ay gudbiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga Azimio la Umoja ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo guusha madaxwweyne-nimo ee William Ruto.

Codsigeedii laga gudbiyay Maxkamadaha Sharciga ee Milimani maalintii Jimcaha, Veronica waxay ku eedaysay sii-hayaha xilka madaxtinimada Kenya, inuu gadaal ka riixayo ra’Iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo musharax mad axweyne ku-xigeekiisa Martha Karua, si doorashadii dhacday 9 Agoosto loogu tilmaamo mid lagu shubtay.

Raila iyo Karua ayaa doonaya in – William Ruto, oo 15-kii Agoosto lagu dhaw aaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay, kaddib tartan adag oo doorasho madaxtinimo – laga hor istaago in loo dhaariyo xilka.

"Nuxurka iyo ujeeddada codsiga hadda la gudbiyay kuma jirto dood maangal ah. Marka labaadna, hey’adaha dowladda oo uu gacanta ku hayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka-sida iskuna heysta inuu yahay Guddoomiyaha qarsoon Isbaheysiga Azimio la Umoja – Mr Uhuru Kenyatta, wuxuu si aan xishood ku jirin uga gaabiyay kaalintiisa. Lamana imaanin wax dadaal ah oo ku aadan in ha nnaanka loo marayo hubsashada sugnaanshaha natiijada doorasho walba ay qasab tahay gadaasheeda inay dhacdo dhaarinta madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalkeeda.

Veronica waxa ay faahfaahin ka bixisay in Uhuru uu ku howlanaa qorshe uu ku doonayay in Raila uu ku guulaysto xilka ugu sarreeya Kenya isaga oo adeegs anaya mashiinnada dowladda oo ay ku jirto Agaasinka Dembi-baarista. Xoghayaha Guud ee Xisbiga William Ruto ee UDA, waxay ku adkaystay in dala byada kooxda Azimio ay ku doonayaan in lasoo saaro macluumaadka ku saabs an muwaadiniinta Venezuela u dhashay ee lagu qabtay Gegida Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran oo lagaga hortagayo in Ruto uu xukunka qabto.

Waxay intaasi sii raacisay in dambi-baarayaashu ay ka niyad jabiyeen mas ’uuliyiinta Xisbiga Kwanza Kenya – waxayna ku qasbanaadeen inay basaasiin ge eyaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda.

Uhuru ayay sidoo kale ku eedeysay inuu u adeegsaday madax iyo saraakiil kale si loo caburiyo codbixiyayaasha uuna hoggaaminayo ol’ole hoose oo loogu jiro in Raila loo doorto madaxweyne.

Sida laga soo xigtay Veronica, taageerada cad oo xoghayayaasha golaha wa siirada ay siiyeen Raila, waxay qeyb ka ahayd qorshaha Uhuru ee xil-warejintisa.

"Madaxweynaha xilka banneynaya wuxuu si siman oo geesinimo leh ugu yee ray shaqalaaha rayidka, xog-hayayaasha, saraakiisha iyo guddoomiyaha golaha deegaaannada iyo ismaamullada inay ka qeyb noqdaan taageerada iyo soo dhaweynta madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda,” ayay tiri.

"Waxaase daaha gadaashiisa ka socday wax ka duwan afka baarkiisa; wax aa la handaday oo qalabkooda lala wareegay dadka sida dhow ula xiriira xisbiga Ruto, waxaana la bartilmaameedsaday siyaasiyiin, shaqaale, farsama-yaqaanno iyo shaqsiyaad kale oo taageere u ahaa William,” ayay sii raaciyay.

Veronica markii ay u gudbisay maxkamadda sare ee dalka, waxay garsoorayaa sha ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda, Martha Koome ugu yeertay inay taa geeraan guusha William Ruto. Waxay ku adkeysatay in howshu ahayd mid daahfuran oo iska cad. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayayna ku aShalayy qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo

XEENDAABKA AWOODDA ERITREA – WAA AYO SHANTA NIN EE KU HAREEREYSAN ISAIAS AFWERKI?

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki waa ninka jaangoynaya dag aalka sokeeye ee Itoobiya ka socda. Waana jiheeyaha siyaasadda goba lka Geeska Afrika.

Xukunkiisa keli-taliska ah ayaa dalkiisa ka dhigay mid dunida inteeda go’doon ka ah, waxaana uu xakameyn adag ku giijiyay muwaadiniinta, isaga oo awoodeynta ciidamada miltariga u arkay sida kaliya oo qaran la gu maamulo.

Isaias oo 76 jir ah, wuxuu talada dalka qabsaday sannadkii 1993. Wuxuuna dalkiisa kusoo hoggaamiyay gacan bir ah. Xisbigiisa Cadaal adda iyo Dimuqraadiyadda ee uu madaxda, ma qaban wax doorasho ah, wuxuuna da’yarta waddanka ku waajibiyay dhibow iyo leyli miltari oo qa sab ah inay maraan.

QM ayaa dowladdiisa saartay cuna-qabateyn madaama ay taageero siiso kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Maray kanka ayaa sidoo kale cuna-qabateyn kusoo rogay xisbiga talada haya iyo xoogga dalka madaama ay ku lug yeesheen dagaalka gobalka Tigray ee dalka Itoobiya ka socda.

Eritrea waxay dagaal qaraar Itoobiya kula gashay hanashada xurni mad eeda – iyada oo dal madax bannaan noqotay sannadkii 1993. Xiriir ka labada dal ayaa taniyo markaas aad u xumaa. Waxaana jira muran xu duudeed laba waddan ka dhaxeeya oo aan ilaa iyo hadda xal waara laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dur ba markii uu la wareegay tal ada Itoobiya san nadkii 2018, wuxuu heshiis nabadeed la saxii xday mad axweyne Afwerki. Waxaana labada dal u furmay bog cusub oo iskaashi ah. In yar ka dibna, waxay wadajir dagaal ugu qaadeen ururka TPLF ee qowmi yadda Tigrayga.

Jariiradda The Afrika Report ayaa haddaba warbixin ay qortay ku eeg tay ragga ku hareereysan Afwerki oo ah awoodda iyo jaagooyeyaasha siyaasadda Eritrea.

YEMANE GEBREAB

Yemane Gebreab waa ninka labaad ee ugu awoodda badan Eritrea, ka dib madaxweyne Isaias Afwerki. Wuxuu dalkiisa u qaabilsan yahay arrimaha dibadda. Wuxuu door libaax leh ka qaatay ka qeybgalka Eritrea ee dagaalka ka socda gobalka Tigrey.

Yemane waa diblomaasiga ugu sa rreeya ee dowladda Afwerki, wuxu una u qaabilsan yahay dhaqangelinta siyaa sadda arrimaha dibadda. Bo oskiisa ras miga ah waa la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee Xisbiga talada haya.

Wuxuu katirsanaa xukuumadda mu ddo soddon sannadood ka ba dan. Wa siirro badan oo arrimaha dibadda ayaa Intuu joogay xilalka isku kala beddelay laakiin isagu wuxuu joogay marwalba daaha gadaashiisa. Wuxuu aadaa meel walba oo wasiirka arrimaha dibaddu uu u safrayo.

Wuxuu asalkiisa kasoo jeedaa gobalka Aksum ee Tigrayga. Wuxu una ka dhashay qoy sabool ah. Aabbihiis wuxuu ahaa geyfane u taagan qad diyadda Itoobiya iyo Eritrea oo hal waddan isku ah in la helo.

Yemane wuxuu si qoto dheer ugu dhex jiraa iskaashiga xiriirka dalki isa kala dhaxeeya Itoobiya, madaama uu si aad ah wax uga ogyahay da gaalka Tigrayga. Wuxuu la kulmay diblomaasiyiinta dalal dhowr ah Afrika ah iyo Israel si uu uga dhaadhiciyo inay dhankooda ka fududeeyaan ca daadiska caalamiga ah ee dowladda Itoobiya lagu saaray dagaalka Tig reyga.

HAGOS GEBREHIWET

Hagos Gabrehiwet waa madaxa dhaqaalaha ee Xisbiga talada haya ee PFDJ. Wuxuu kormeeraa xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha dowla ddu leedahay iyo dakhliga guud.

Wuxuu sidoo kale kor kala socdaa howlaha shaqo ee wasaaradda maali yadda. Hagos iyo madaxweyne Afwerki unbaa gacanta ku haya xogaha maal iyadeed ee muhiimka ah iyo ilaha dhaq aalaha ee dalka.

Hagos Wuxuu kasoo jeedaa deega anka Tembien oo dhulka Tigrayga ka mid ah.

Waxaas intaas dheer, Hagos waa kormeeraha shirkadaha ka hoos shaqeeya ciiddanka, qodaalka macdanta iyo dhoofintooda. Mashruuca macdan-qodidda Bisha wuxuu il dhaqaale oo sugan u yahay dowladda. Wixii dakhli iyo qarashaad ah wuxuu uga warbixiyaa madaxweyne Isa ias.

Wuxuu sidoo kale maamulaa canshuuraha laga qaado muwaadiniinta qurba-joogta ah ee Eritrea.

YEMANE GEBREMESKEL

Yemane waa hoggaanka iyo isku xiraha maamulka sare ee dhamm aan xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda. Waa maareeyaha ugu kartida badan ee howlaha hoose ee dowladda iyo sanca-yaqaan.

Wuxuu ahaa wasiirka warfaafinta tani yo sannadkii 2015. Wuxuu noqday hogga anka shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo awoodda qarsoon ee jagada madaxwe yne-ku-xigeenka dalka.

Wuxuu kasoo jeedaa magaalada Agame ee gobalka Tigrey. Aabbahiis wuxuu ahaa geyfane u taagan la midowga Itoobiya.

Yemane waa sidoo kale waa isha laga helo xogta wararka Eritrea. Wuxuu aad uga firfircoon yahay twitter-ka, oo uu soo dhigaa wararka ku saabsan dowladda iyo madaxda dalkaas booqata.

ABRAHA KASSA

Abraha Kassa waa madaxa hey’adda Sirdoonka Eritrea. Wuxuu maareeyaa how la ha dabagalka iyo sirdoonka dalka oo dhan. Abraha wuxuu kasoo jeeda koofurta Eritrea.

Waa isu duwaha iyo agaasinka guud ee Taliska Afwerki u qaabilsan howlaha ‘Ilb aadi nta’ ama basaasnimada oo xattaa ay ku jira an miltariga dalka. Waxaa jira hoggaanno ka le balse sida Abraha uma lahan awood buu xda.

Kamana qeyb ahan go’aamada la gaaro iyo daadejinta siyaasadda g udaha iyo falcelinnada lala wadaago madaxweynaha. Howshoodu kal iya waa inay ku dhaqmaan amarrada lasoo faro.

Tan iyo markii la dhisay Xoogga Dalka Eritrea sannadkii 1970, wuxuu ah aa mid ka madax bannaan hoggaanka siyaasadda. Laakiin si tartiib tar tiib ah ayuu gacanta ugu soo galay madaxweyne Afwerki.

ZEMHRET YOHANNES

Zemhret Yohannes waa gaaxda iyo maskaxda lagu maamulo Taliska Afwerki. Wuxuu maareeyaa howlaha barobagaandada ah oo dowladdu ku marinhabaabiso ra’yulcaamka guud iyo ho ggaanka cilmi-baarista iyo keydka qoraallada ee Xisbiga talada haya.

Awood sidaas usii buuran malahan; la-kula nkiisa madaxweynahana wuu kooban yahay. Wuxuu aragtiyadiisa ku saleeyaa fikirka Marx ism-ka. Wuxuuna aad uga soo horjeedaa ar agtida imbiriyaalism-ka iyo diidmada in la helo dal Yuhuudda leedahay.

Waa nin ku xeeldheer maleegidda aragt iyada shirqoolka ku saley

san. Waana Masiixi kasoo jeeda koofurta Erit rea.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip