HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA AGOOSTO 2022-K

0
Saturday August 27, 2022 - 08:14:59 in Wararka by
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA AGOOSTO 2022-K

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madax weyne Saciid Deni Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeen hore Xarun ta Madaxtooyada M/Garoowe kulan gaar ah kula yee shay Madaxwe ynaha dowlad Go boleedka Puntland Saciid Cabdu llaahi Deni.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Madaxw eyne Xasan iyo Saciid looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Maamulka Puntland kala dhexeeya DFS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sidii loo xalin lahaa tabashooyinka uu Madaxweyn Saciid C.hi Deni ka qabo DFS, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo kulankii ka dhacay Madaxtooyada Garo owe laga helay.

Kulanka Madaxweynaha JFS iyo Md.Deni dhexmaray ayaan cid kalen ku wehlin, waxaana wa rarka qaarkood ay sheegayaan xubno ka tirsan dow ladda oo doonayay kulanka inay ka qeyb galaan me esha laga saaray. Si kastaba Madaxweynaha Puntl and oo damac uga jiray xilka R/Wasaaraha Soo maaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaa bista Xamse Barre oo ka soo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarl amaanka Federaalka Oo Fasax Galay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xi geennadiisa ayaa Dorraad shir guddoomiyey kalfa dhiga 1aad kulankiisa 16aad, tirada guud ee xildhi baannadda soo xaadirtay kulanka ayaa ahaa 179 .

Guddi ka kooban dhowr xildhib aan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee G/Bokool ayaa warbixin loo ga dhageystay isla markaasina ay sheegeen in Bulshada G/Bokool ay wajahayaan Amni darro ,Abaara ba,an iyoxaalad nololeed oo kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacabay laba da Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xil .Sa hra C/hi Cigaal iyo Xil.Cabbaas Cali Ibrahim, waxa ana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaan waxaa ka aamuustay labo Xildhibaan waxaana diiday labo Xildhibaan kale, sidaasi ayuu Guddoomiyuhu shee gay in ay ansax ku yihiin.

Dhanka kale Xildhibaannadda ayaa doortay Guddi ga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalka 5-ta xubnood ee G/shacabka waxaana ku guuleytay,

1-Xil. Xuseen Qasim Yusuf Iidow

2- Xil. Maxamed Heyle Axmed

3- Xil. Yuusuf Cali Xoosh

4- Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid

5- Xil. Cabdullahi Carab

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray Kal fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadii Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhiba anada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaan islamarkaana Deega an doorashadoodu dib ugu laabtaan.

Raysal wasaare Xamse "Waxaan rabaa in aadan dagaalka joojina ilaa dalkeena aad ka xoreysaan”

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soom aaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa booqday xerada Lamagalaay oo ku jiraan ciidamo dheeraad ah oo loo diyaariyay ka qeybqaadashada howlgalada ciid amada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dag aalamayaan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Hiir aan.

R/wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddii sa ay wax ka qabaneyso baahiyaha ay soo gudbiye en saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ee ho wlgal ada kawada gobolka Hiiraan, isagoona ku bo gaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda howgala da ay kula dagaalamayaan Shabaab."Waxaa runtii aan Saraakiisha kala balamay Baahiyihiina, u kuu rgalkaan kadib waxaa waaye waan la noqoneynaa, Madaxweynaha, aniga, Wasiirka G/dhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka waan wada fadhiisan doonaa oo waxaa xoogga saari do onaa wax ka qabashada baahiya ha la ii sheegay maxaa yeelay dagaal ayaad ku jirta an, waxaan rabaa in aadan dagaalka joojina ilaa da lkeena aad ka xoreysaan” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

R/wasaare Xamse ayaa Saraakiisha hoggaamin eysa ciidanka kula dardaarmay ineysan joogsan how lgalada ka dhanka ah Al-shabaab inta ay gacanta u gu dhigayaan deegaannada Al-Shabaab ay ka jooga an gobolka Hiiraan. "Waxaad tihiin geesiyaal sooma jeestayaal ah waxaan idinku bogaadinaya howgala da aad cadawga kaga xoreyseen dhul dhan 150-KM mudo aad u kooban darteed, taasoo muujineysa gee sinimadii" ayuu yiri Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Booqashada R/wasaaraha XFS uu Dorraad Baled weyne ku tagay ayaa imaaneysa kadib markii ciida mada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaan ka ee loo yaqaan Macawiisleey mudo ka badan laba bilood ay Al-shabaab kula dagaalamayeen deegaa nada u dhaxeysa magaaloyinka Baledweyne, Mata baaniyo Maxaas, islamarkaana ay ku guuleysteen iney Shabaab ka qabsadaan deegaano badan.

DF oo shuruud lama filaan ah ku xirtay inay ma shaariic ka fuliso maamul goboleedyada

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in DFS ay mashaariic ka fulineyso deegaanada ku ya alla gobolada dalka ee dadka degan ay iska xoreey aan Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in bulshada ku nool gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa ururka Al-Shabaab.

"Al-Shabaab waxay dileen dad kii hogaanka iyo hal doorka u ah aa dadka ku nool G/Hiiraan, hase yeeshee hadda waxa haysataan fursad aad ugu aar-gudaan mas’uuliyiintii ay idinka dileen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in d adkii deegaanadooda ka saaray dowladda Soomaal iya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa imanaya xili deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo ay si wa da-jir ah u wadaan ciidamo deegaanka ah oo is aba abulay iyo kuwa dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyada culus ee ka dhanka ah arga gixisada ayaa sidoo kale waxa looga qabsaday dee gaano dhowr ah, kuwaasi oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda, waxaana la rumeysan ya hay in guusha ciidanka ay soo dadajisay ka qeyb qa adashada dadka deegaanka oo ay ka go’an tahay is ka dhicinta cadawga.

Ninkii dilay Wasiir Xasan Ibraahim Lug buur oo isna Dorraad la toogtay

Fagaare ku yaalla M/Baydhaba waxaa Dorraad la gu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qa raxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka K/Ga lbeed Sh. Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukum ay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Ibhaahim 23-kii bishaan ku riday xukunkaan ayaa Dorraad ku fulisay, waxaana toogashada kadib warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaarad da cadaaladda maamulka K/Galbeed. Wasiir Nuura diin Maxamed ayaa sheegay in Dorraad la toogtay dhagarqanbihii dilay wasiirkii isaga ka sareeyey ee wasaaradda cadaaladda K/Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur, isagoo digniin u diray kuwa dadka dila.

"Maxkamadda waan uga mahad celineynaa qisa asta ay Dorraad fulisay, sidoo kale madaxweynaha oo deg deg u saxiixay tooshadaas ayaan u mahad celinayaa, waa in lagu waano qaato tallaabadaan, kii dadka dili doonow ogow in tiirka lagu gey doono,” ayuu yiri wasiir ku xigeenkii Sheekh Xasan Lugbuur oo todobaadyo ka hor qarax lagu dilay, xilli uu ka soo baxay salaadii Jimcaha.

Maxamed Meeris Ibraahim oo ninka Dorraad la to ogtay ay walaalo ahaayeen ayaa soo qorsheeyey qa raxaas, sidoo kale ninkaas wuxuu ka mid ahaa max aabiistii ka baxsatay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso markii ay Al-Shabaab weerareen sanadkii 2021-kii. Maxamed Meeris isagoo maqan ayaa lagu xuku may dil toogasho ah, halka Gabar la yiraahdo Falast iin Aadan Shuceyb, oo Ibraahim uu shukaan san jir ay, ay maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka qeyb qaad atay dilaarinta qaraxii lagu dilay wasiirka.

Ibraahim Meeris Ibraahim oo la toogtay Dorraad ayaa fuliyey qaraxaas ay isaga iyo walaalkiis u qor sheeyeen Adeerkood wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo marar badan ninka dilay ka damiintay hey’adaha ammaan ka oo ku tuhmay Shabaabnimo.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dagaal Khasaaro Dhaliyey Oo Dorraad Ka Dha cay Warsheekh

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo duhurnimadii Dorraad oo jimco ah ka dha cay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beele ed oo walaalo ah ayaa la isku adee gsaday hubka no ocyadiisa kala duwan, waxaana uu si gaar ah uga dhacay agagaarka Saldhiga degm ada Warsheekh.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaac adda Dalsan ayaa u sheegay in dagaalka uu ka dha shay khasaaro dhaawac oo soo gaaray hal ruux oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, sidoo kalena la kala qabsaday qoryo.

Dagaalkii ka dhacay Waraheekh ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira muran dhul oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Maxkamadda degmadaas, waxaan dhulka isku heysta sida la tilmaamay maleeshiyo be eleedka dagaalka uu dhexmaray.

Maamulka degmada Warsheekh ee G/ Sh/Dhexe ew Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay, wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay xiisad u dhexeey sa labada dhinac.

Si kastaba deegaano hoostega Warsheekh ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aanooyin, waxaana xusid mudan in be elaha qaarkood heshiisyo kala dhex-dhigay, halka ku wo kalena lagu guuleysan waayay in la heshiisiiyo.

Ingiriiska Oo Soo Food-Saartay Khataro Caafim aad Iyo Digniino Laga Bixinayo

Ingiriiska ayaa waxaa soo food-saaray khataro dhinaca caafimaadka iyo nolosha nooleyaasha ba dda ku jira ah, taas oo ka timid xeebta Faransiiska markii la oggolaaday in qashin sidi isa ah lagu aaso badda woqooyi iyo kanaalka u dhe xeeya labada dal, sida ay sheegeen saddex xi ldhiba an oo ka tirsan Baarlama anka Yur ub.

Digniino laga bixinayo wasaqo wga ayaa laga soo saaray inta badan 50 xeeb oo ku ya alla Ingiriiska iyo Wales, kaddib markii roobab xoo ggan ay keeneen qashin xad dhaaf ah oo loo we eciyay webiyada iyo badda. Xildhibaano Faransiis ah ayaa ku eedeeyay Ingiriiska in uu dayacay ama ka baxay ballamadii dhinaca deegaanka, uuna qatar galinayo nooleyaa sha badda ku jira iyo kalluumey siga. Shirkadaha biyaha ee Ingiriiska ayaa sheegay inaymaalg alinay

an sidii loo xallin lahaa mashqadan


Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Oo Kulan La Qaat ay Ku-Xigeenka Wakiilka Q/Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS,Md. Xamse Cabdi Barre ayaa Dorraad dib ugu laabtay M/ Caas imadda ah ee Muqdisho, kadib markii uu Dorraad saf ar ku tegay M/Baladweyne ee Xarunta G/ Hiiraan.

R/Wasaare Xamse ayaa u kuur-ga lay xaaladda abaareed ee ka jirta Hiiraan, isla markaana waxaa uu kulamo lasoo qaatay Madaxweyna ha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda.

Sidoo kale wuxuu R/wasaaraha kormeer ku tegay isaga iyo Madaxweyne Cali C/hi Xuseen Guudlaawe xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala M/B/weyne.

Madaxweynaha & R/wasaaraha ayaa u kuurgal ayay xaaladaha ay ku nool yihiin barakacayaashaan isugu jira kuwa kasoo barakacay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo qoysaskii kasoo barakacay deegaanka teedaan.

Dhinaca kale R/Wasaaraha XFS ayaa Dorraad mar kii uu dib u soo laabay Garoonka diyaaradaha Aad an Cadde kulan kula qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay, Anita Kiki Gbeho

Kulanka R/Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay ayaa waxaa looga ha dlay xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo hay’ adaha Q/Midoobay gaar ahaanna arrimaha gargaar ka iyo taakule ynta dadka abaartu saameysay.

Wasiirka gaashaandhiga oo digniin cul us u direy ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabab

Wasiirka Gaashaandhiga X XFS MD.Cabduqa adir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho ku jooga dee gaanada G/Hiiraan ee ciidam ada dowladda howl-galada ka wada an ayaa ka digay in ciidama da dhexd ooda la iska horkeeno oo dagaal dhexmaro.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka, isaga oo u ballan-qaade yna ciidamada deegaanka ee is-hubeeyay in ay dow ladda ka taageeri doonto dhinacyada amniga iyo baa hiyaha ay qabaan bulshada si adeegyadii bulshada loogu soo celiyo deegaanada laga saaray Al-Shabab "Waxa uga digaya ciidamada deegaanka iyo ku wa dowladd in dhexdooda la iska horkeeno si loo wi iqo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabab ,” ay uu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Max amed Nuur.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay howl-galadii u dambeeyay ee Al-Shabaab looga qabsaday deegaa no dhowr ah, isaga oo ku dhiiriyey in dagaalka dhan ka ah argagixisada sii xoojiyaan.

Hadalka Wasiirka G/dhiga Soomaaliya ayaa im anaya xili weli deegaano ka tirsan G/Hiiraan ay cii damada dowladda ka wadaan howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xi ra B/weyne, Matabaan & Maxaas, ayada oo ciidam ada dowladda deegaano uga qabsadeen Shab aab.

Safiirka Soomaaliya u magacaawday dal ka Hindiya oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Md. Ah med Ali Dahir ayaa gudbiyay warqadaha aqoonsiga ee Danjirinimo, iyadoo munaasabadda looga gud doom ayey warqadaha aqoons iga danjirenimo ay ka dhacday xarunta Madaxtoyada ee dalka Hindiya(Rashtrapati Bhav an).

Munaasabadaan oo si heersa re ah loo soo agaas imay waxaa Safiirka ku wehlina yey diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dal ka Hindiya oo uu ugu horreeyo sii hayihii Safaaradda ahna ku xigeenka Safiirka Md. Abdifatah Abdullahi Nur iyo xubno kale oo ka tirsan Safaaradda. Marka ay gaareen aqalka Madaxtooyada ee dalkaas Hind iya looga arri miyo waxaa halkaasi ay ku mareen ha nnaanka ha bmaamuuska oo ay maraan Safiirada.

Intaasi kadib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee da lka Hindiya Mudane Ahmed Ali Dahir waxaa uu ku lan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Hind iya Marwo Droupadi Murmu.

Ugu horreyn waxaa uu Safiirku gudbiyey dhan baalka dowaladda Soomaaliya ee ay u soo dirtay dowladda Hindiya. Madaxwaynaha dalka Hindiya ay aa ugu horreyn dhanbaal hambalyo u dirtay Madaxw eynaha JFS Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda cusub sidoo kale waxay ka tacsiyee ysay weerarkii M/Muqdisho gaar ahaan Hotelka Xay aat ka ku qaa deen Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxwaynaha Hindiya Marwo Droupadi Murmu ayaa u sheegtay danjiraha in dow ladda Hindiya ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka caawiyaan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta dalka Soomaaliya isla markaana ay garab taagan yihiin mar walba.

2Labada masuul ayaa ugu dambeyn isku afga rtay in ay xoojiyaan xiriirka qotada dheer ee Hindiya iyo Soomaaliya oo dhincyo badan khuseeya.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa xiriiro kala duwan la leh dalka iyo dadka reer Hindiya sida arri maha caafiimaadka, waxbrashada iyo gancsiyada ka la duwan oo ay labada dhinac kawada faa’iideyst aan.Ugu dambeyn munasabadda gudbinta aqoonsi ga Safiirnimo ee dalka Hindiya ayaa ku soo idlaatay jawi daganaan ah.

Ciidamada oo looga digay inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee CQS Jen.xasan Cali nur Shuute ayaa kaga digay Cii damada Qalabka Sida ku Milanka Loolanka u dhexe eyo Siyaasiyiinta isku khilaafsan Danahooda Gaarka ah & Arrima kale.

Guddoomiyaha oo Boqolaal Askari kula hadlayay M/Baydhabo ee Xarunta G/Baay ayaa sheegay in markasta ay dhacdo siyaasad aan wanaagsaneyn ay ka dhalato in uu dhiig daato, balse Ciidamada looga baahan yahay inay wixii sharci ah ay difaacaan.

Wuxuu sheegay in siayasad toos an ay sahli karto in dalka uu noqdo mid toosan oo amni ah, isla markaana Sarkaalka iyo Ciidamada looga baahan yahay inay wadaniyaddu ay tahay in qof walba uu u hiiliyo dalkiisa balse dow ladda loo hiilin karo markii ay ku soocto waddo sax ah oo sharci ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya Xasan Cali Nuur Shuute in Ciidamada looga baahan yahay inay si hagar la’aan u difaacan dalka ayna ka hortagaan ururka Al-Shabaab oo mar walba weerar ka geysta dalka ayna yihiin kuwo iska sii dhamaanaya sida u hadalka u digay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heystaan fursad dalka uu ku badbaadi karo, hayeeshee ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Puntland: Dawlad da hadda joogta kama go'na nidaamka lagu heshiiyey ee Federalka

Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda uu hoggaamiyo madaxw eyne Xasan She ikh aysan ka go’ nayn inay dalka ku hoggaamiso nid aamka federalka.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay tan iyo KMG Gaarnimadii dalka ka dib, in dowlad kasta ay Xamar ka koobto dhammaan taag eerada caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliyeed. ‘"Dawladda dhexe hadda joogta ifafaalaha ka muu qda waxay u muuqataa inaysan ka go'nayn dalka nid aamka lagu heshiiyey ee Federalka ah inay ku hogaamiso. Arrinta la isku hayaa waa arrintaas. Lug la isku bixinayo ma jirto. Sharci baynu ku heshiinay. Doon i mayno digteetar,” ayuu yiri wasiirka warfaafin ta Puntland.

Eng, Caydiid wuxuu sheegay madaxweyne Xas an Sheikh in dowladdiisa ay khasab ku tahay inay ful iso wixii sharciyan ay xaq u leedahay Puntland. Wu xuu hadalkiisa sii raaciyay inay Puntland diyaar u ta hay wixii wada shaqayn ah ee kaga aadan dowladda federalka.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu haatan ku sugan yahay M/ Ga rowe, isagoo wada hadalo kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada liyuu Boolis

Wararka naga soo gaaraya degaanka Yeed oo katirsan Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan

in Saldhig Ciidamada liyuu Boolis ee DDS hal kaasi ku leeyihiin ay weerar madaafiic ah ku qaad een Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dha cday Xerada Ciidamada liyuu Bool is, balse aysan cadeyn karin qasa araha ka dhash ay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weer arkaas ayaa sheegtay inay madaa fiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada liyuu Boolis, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiy een, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiiji naya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Cii damada liyuu Boolis dhankooda ay weerarka madaa fiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madf ac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow deg aanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Yeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xaal adu ay tahay mid degan, balse maalmihii la woo dha afay ay kordheen howlgallada ay sameeynayaan Cii damada liyuu Boolis maadama dhowr jeer ay Al-Shabaabweeraro ka geysteen Xadka Gobolka Ba kool & dowlad deganka Soomaalida.

Golaha fulinta dowlada degaanka Soom aalida oo ansixiyay degmooyin cusub oo ku yaal gssiobolka Siti

Golaha fulinta ee Xukuumadda dowlad degaan ka Soomaalida ayaa anisixiyay laba degmo oo ka mid noqon doona gobolka Siti, ee dowlad degaanka Somalida.

Deg mooyinkan oo lagu magac aabo Dhuunyar iyo Deymeed ayaa dhaca dhinaca galbeed ee Gobolka Siti, waxayna hirgali do onaan labadan deg mo ee cusub marka ay ansixiya an Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida. Lama ogaan wali ujeedada ay dowladdu wakhti xaadirkan u samaysay labadan degmo ee cusub, iyadoo la xasuusan yahay in dhibaatooyin badan ay ka jireen muddooyinkii u dambeeyay galbeedka gob olka Siti, oo ay dad ba dan ku barakaceen colaadda dheeraatay ee u dhax aysay Soomaalida iyo Canf arta.

Dhawaan ayay ahayd markii Canfartu ay si buux da ula wareegeen magaalooyinka Garbaciise, Can dhuufo, Danlahelay iyo Caddeytu oo uu imbadan da gaal ka socday, iyadoo isla golahan fulinta ee deg aanka Soomaalidu uu ahaa golihii burburiyay heshiis kii xukuumaddii hore ay magaalooyinkan ugu hoo sgeysay maamulka Canfarta, Taas oo markii dambe horseeday colaad daba dheeraata iyo dagaalo ay ku dhinteen dad aad u tiro badan, shacab badana ay ku barakaceen, ugu dam beyna dhulkii lagu muransan a ay si buxda ula waregaan Canfartu. 2-d degmo ee cusub ayay dad badan ka war sugayaan waxa ay ka badasho xaaladda ka jirta galbeedka G/Siti.


Jubaland oo digniin u dirtay siyaasiyii ntii ka horyimid muddo kororsiga A/Madoobe

Duqa M/Kismayao Md.Cumar C/hi Maxamed (Fa rawayne) oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaas iyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo dhowaan ku shiray M/Muqdisho, kuwaas oo si cad uga horyimid muddo kordhinta loo sameeyey Axmed Mad oobe.Farawayne ayaa u digay siy aasiyintaasi, wuxuuna shaaca ka qaa day inay abuurayaan carqalad ka dhan ah Jubbland, kadib muddo kor orsigii Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu difaacay muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland, isa ga oo tilmaamay si qaldan loo turjumay, sida uu ha dalka u dhigay.

"Intii hotel Maa’ida la fariisto dadka halaga maa go, arrintaas hala iska daayo waa ceeb, haddii arrint aas billaabatana nin walba waa is difaacayaa,” ayuu yiri duqa Kismaayo.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey "Haddii ma karafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” . Siyaasiyiinta Jubbaland ee diiday muddo kororsiga Axmed Madoobe, kuna shiray Muqdisho ayaa ku dhowaaqay isbaheysi, waxaana ka soo mu uqday Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Axm ed Madoobe.

Ka soo saaray - Caasimada Online

"Wax talo ah oo Senatorradii ama Xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan Dorraad soo bilowday oo isla Dorraad lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka hadlay xaaladda ca kir an ee Jubbaland.

Si kastaba, baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaa dkan hal sanno oo dheeri ah ugu daray muddo xileedka Axmed Madoobe, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.

XOG-WARRAN: ARRIMAHA DENI UU TABANA YO, TALLAABOOYINKA UU QAADAY IYO HADDII AY DIB ISU QAADAN KARAAN XASAN

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Dorraad si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweeyey iyadoo sidoo kale ay Garoowe sii joogeen xubno ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Abshir Cumar Haruushe.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Itoobiya ay wada-hadalo toos ah la billowday maamulka Puntland xilli ay gacan dhaaf ku sameeneyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Puntland weli waxaa socda muddo xileedkii Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo hungoobay qorshihiisa madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalana lagala dul booday kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu si weyn u raadinayey lana sheego in laga ballan qaaday.

Iyadoo dhinaca kale, cadka ugu weyn ee Puntland ka heshay dhismaha xukuumadda cusub la siiyey xoghayihii urur siyaasadeedka mideeyey ee Puntland, kaasi oo ay Saciid Deni si weyn ugu loolamaan deegaanka.

Isku xirka dhacdooyinkaan waxay ku siinayaan halka uu Deni ka taagan yahay cilaaqaadka Villa Somalia, haddana sidaas oo ay tahay kama dhign inaysan madaxda federaalka ah booqan karin lana doodikarin Puntland, ama aan laga wada-shaqeyn karin arrimaha danta guudWada-shaqeynta Puntland ee xilligaan waa u muhiim madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin natiijada wada-shaqeyntaasi waxay ku xiran tahay sida isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni isku qaataan.

Siyaasiyiinta reer Puntland qaar waxay sheegayaan inuu Deni gaaray meel ay adag tahay inuu dib u aamino siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Waxaa loo diiday garab xilli uu hoggaaminayey wareegii hore ee doorashada madaxtinimada, wuxuuna marqaati ka noqday in musharixii kaalinta saddexaad uu xukunkii qaatay. Waxay aheyd markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka Soomaaliya oo ay dhacdo in qof kaalinta seddexaad galay wareegii hore ee doorashada inuu ugu dambeyn xukunka ku guuleysto.

Hadda is aaminaad dambe muhiim maahan, laakiin wada-shaqeyn furan in la helo waa u muhiim dowladda dhexe iyo Puntland labadaba.

Maamulka ugu cimriga dheer maamul goboleedyada hoos taga dowladda federaalka ah wuxuu lumiyey mashaariic iyo wax wada-qabsi badan oo uu la sameynsan karay dowladda dhexe ee Soomaaliya mudadii uu Villa Somalia joogay Maxamed C/hi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas iyo Saciid Cabdullaahi Deni labaduba waxay qabeen Farmaajo diid, waxayna taasi dhaawacday waxyaabihii ay Puntland ka faa’idi jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Inuu Saciid Cabdullaahi Deni dhabarka xijiyo wada-shaqenta dowladda dhexe waxay ka dhigan tahay in federaalkana wax badan oo wadajir lagu qaban karay kasii xayirmi doonaan, Puntland ay lumin doonto wax badan oo ay wadajir ku heli laheyd.

Siyaasiyiinta reer Puntland waxay leeyihiin Saciid Cabdullaahi Deni waxaa hortaalla inuu hagaajiyo cilaaqaadka Puntland iyo dowladda federaalka ah oo muddo xumaa oo uusan arrinta ku dabaqin rabitaankiisa iyo inuu waayey wixii uu Xasan Sheekh ka filayey oo aheyd ra’isulwasaaranimo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn u door bidayo inuu wada-shaqeyn fiican la yeesho maamulka Puntland.

Su’aasha ah isaga iyo Saciid Deni ma is qaadan karaan xilligaan? Dadka waxay badi uga jawaabayaan haa iyo maya is huwan.

Diidamadaan iyo ogolaanshaha is huwan waxay dadka soo jeediyey ku fasireen in Saciid Deni uusan siyaasad ahaan ula falgeli doonin hoggaanka cusub ee Villa Somalia balse ay u badan tahay inuu Xasan Sheekh u bandhigi doono qaab loo maareyn karo waxyaabaha danta guud ee isaga xiran Puntland iyo dowladda dhexe.

XAMZA IYO XUKUUMADDIISA OO HEYSTA FURSAD AY SHACABKA QEYB KAGA NOQON KARAN DAGAALKA KOOXDA AL-SHABAAB

100 maalmood ayaa laga joogaa markii madaxweyne Xasan Shiikh uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dhinacyo badan oo isbadal laga filayey madaxweynuhu weli ma taaban.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaa sida loo shaqeeyey boqolkiisii maalmood ee ugu horreeyey, waxaase ka waran u baahneyn in boqolkaas maalmood uu dhacay mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa muddooyinkaan.

Weerarkii Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho wuxuu geystay khasaaro nafeed iyo mid hanti. Ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ee badbaadinta u yimid goobta waa kala reebi waayeen kooxdii gudaha ku jirtay ee weerarka soo qaaday iyo dhismaha Hotelka.

Marar badan oo hore ayey dhacday inay ciidanka dowladda ku hor dumiyaan dhismaha kooxda weerarka soo qaaday. Dhowr jeer ayey ganacsatada hantidaas leh waxay dowladda waydiisteen ceymo.

Inkastoo ay dad badan dhinteen oo hanta ka muhiimsan la waayey haddana dowladda iyada ayey mas’uuliyad ka saaran tahay kala ceyminta hantida, shacabka iyo soo afjaridda kooxda weerarka soo qaaday.Ganacstadii laheyd hantidii ku burburtay dhowrkii qarax ee ugu dambeysay oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho iyaga ayaa si is xilqaan ah ku dhistay goobahooda.

Xukuumadihii hore waxay isku darsadeen inaan marka hore la adkeyn amniga iyo inaan marka dambe waxba lagu celin dadka ku hantida beelay dhibaatada.

Haddaba maxaa la filan karaa markaan?

Ra’isulwasaare Xamze oo dhawaan booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hoteel Xayaat wuxuu bal lan qaaday inay gurmad fiican ka geysan doonaan daryeelka dadkii uu dhibka gaaray, ganacstada hanti daas laheyd waxay ka mid yihiin dhibanayaasha weerarka.

Maadaama uu weerarkaan yahay midkii koowaad intii ay xukuumadaan jirtay waxaa la waydiinayaa in ay macquul tahay inay xukuumadda ku dhiiran doon to wax u ceyminta ama siinta gacan maaliyadeed ga nacsatadii ku hantida beeshay halkaas.

Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay dowladda diyaar u tahay kala qeyb qaadashada dib u dhiska dhismayaashii ku burburay weerarka, haddana waxaa macno weyn ku fadhisa in warkaas uu dhab noqdo oo ay xukuumaddu kor u sheegto inta ay dhan tahay kaalinta ay ka qaadaneyso hanta beelkii, burburkii iyo dhibaatadii shacabka kasoo gaartay weerarkii lagu soo qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Inaysan xukuumadda dib u eegis ku sameyn hog gaanka iyo shaqada laamaha amniga oo aysan qeyb ka noqon baxnaaninta dhaawacyada iyo gacan siinta dadkii ku hantida beelay weerarkaas waxay hordhac u noqon kartaa niyad jab laga qaado xukuumadda cusub.

Kooxda Al-Shabaab waxay weli diyaar u tahay inay sii wado weerarada noocaan oo kale ah, sida ugu dhow oo kooxdaan looga adkaan karana waxay dad badan u arkaan isku duubni dhex marta xukuu madda iyo shacabka, waxaana jira dad badan oo aa minsan in gacan naxariis leh oo dowladda laga helo inay furo u noqon doonto wada-shaqeyn togan oo dhex marta shacabka magaalada Muqdisho iyo xuku umadda federaalka ah.

Isha ayaa lagu wada-hayaa sida ay xukuumadda ra’isulwasaare Xamze u garab istaagto dhibanayaashii weerarkii hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Somaliland Oo Bandow Kusoo Rogtay Magaalo Uu Ka Dhacay Bannaanbax Rabshado Watay

Kadib markii maalmo kahor Magaalada Ceeriga abo ee Xarunta Gobolka Sanaag ay ka dhaceen ba nnaabaxyo rabshado watay ayaa Maamulka Soma liland waxaa uu Magaaladaasi kusoo rogay bandow, xilliga habeenkii oo ka bilaabanaya 8:00 habeenimo.

Maamulka Magaalada Ceerigaabo ayaa ku wargely ay shacabka in Magaalada bandow la gu soo rogay habeenkii, isla markaana wixii ka dambeeya 8:00 habeenimo ay san dadka socon karin gudaha magaa lada oo looga baahan yahay inay gur yahooda joogaan.

Bandow ayaa yimid kadib markii Ceerigaabo ay ka dhaceen bannaabaxyo rabshado watay oo ay dhi gayeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka care ysnaa nin ay toogasho u geysteen Ciidanka Booliska Somaliland.

Bannaanbaxyadii dhacay ayaa waxaa ka dhash ay khasaaro u badan dhaawacyo, waxaana dadkii dhigayay ay dhagxaan ku tuurayeen Ciidam ada Booliska, Somaliland ayaa shacabka Ceerigaa bo ugu baaqday in xaaladda ka dejiyo, xalna laga ga arayo falkii dhacay. Magaalada Ceerigaabo ee Xar unta Gobolka Sa naag ayaa waxaa marar badan ka dhacay bannaab axyo rabshado watay oo looga horj eeday Maamulka Somaliland,


MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA FEKE RAYA IN AHLU SUNNADA GOBOLADA DHEXE KA QAYB QAA DATO DAGAALKA SHABAAB

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doona, sidii dowladdiisu ay kaga takhal usilah eyd cadowga keliya ee muuqdo, ee ay Dorraad dad ka Soomaaliyeed leeyihi in, waa Sha baab’e.

Madaxweynaha ayaa abaabulaya guluf saf ballaaran oo lagu qaado ko oxaha mintidiinta, iyadoona uu yool ku yahay in kooxahaasi laga saaro deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin, si taasi loo gaarana, waxa uu iskaashi kala samayn doonnaa dhammaanba dhi nacyada ku habboon.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe waa mid ka mida dhinacyada ay Villa Somalia u aragto in ay do wl addda ka caawin karaan wiiqitaanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fekerayo, haddii Ahlu Sunna uu da gaalka ku soo biirin lahaa iyo haddii kalaba, isagoo na arrintaasi wadatashi ka gelinaya Wasiirka 1aad ee XFS, Xamse Cabdi Barre, ka hor inta aanu go’ aansan, suurtagalnimada xiriir toos ah oo uu la sa meeyo Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljam eeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, inkastoo la fahamsan yahay halka ay kala jooggaan Madaxweynaha Galm udug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2-dii bishii June gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Ma amulka Galmudug ayaa reer Galmudug ka dalbaday inay hormuud ka noqdaan dagaalka dalka looga ci ribtirayo kooxaha jid iyo jihadiidka. Warar aan la xaqi ijin ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ax med Macalin Fiqi uu soo jeediyay in Ahlu Sunna oo muddooyinkii ugu dambeysay saldhig ka sameysat ay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beeg an M/Dhuusamareeb laga soo qaybgeliyo dagaalka, bacdamaa Xertii Ahlu Sunna ee kala ambaday, ha atana ku sugan Wisil iyo Baxdo ay door firfircoon ku lahaayeen jabkii Shabaab ka gaaray weeraradii ay sanadkii hore iyo sanadkanba ka gaysteen deegaan adaasi.

Dhawaan daraasad uu daaha ka rogay Machad ka SPA (Somali Public Agenda) ee fadhigiisu yahay M/Muqdisho ayaa lagu ogaaday in Ahlu Sunna ay weli tahay cudud ciidan oo xoog leh.

"Ahlu Sunna Waljameeca ciidan ahaan hadda laga ma adkaanin, inta laga adkaaday hoggaankoodii la ma soo qaban, ciidamadii ka tirsanaa lama soo qaba nin, lamana afjarin jiritaankoodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubeysan oo joogga, kuna uruursan had da qaybo ka mida Galmudug. ” Ayuu yiri Agaasima ha Machadka SPA, Farxaan Isaaq Yuusuf oo kahadlayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho, la guna soo bandhigay daraasaddaasi.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa wareysi uu mar sii horreysay siiyay BBC waxa uu ku yiri "Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tah ay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cad owga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar ka sta, oo ay uga baahdaan. Hadafka Ahlu Sunna Wal jameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in laga la dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya.”

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheega ya inaanay Ahlu Sunna doonayn dagaal ay la gasho Maamulka Madaxweyne Qoorqoor, balse taasi bede lkeeda ay door bidayaan in ay ka wada hadlaan shir qoolo ay aaminsan yihiin in Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kaga saartay Ma gaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, horaantii sanadkii 2020. Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa ku guuleysa tay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caag an weerarada kooxaha argagixisada, tani oo lagu macneeyay, iyada oo si wanaagsan u garaneysa xe eladda dagaalka ee mintidiinta, waana Ahlu Sunna da lagu tilmaamo in ay shacabka Soomaaliyeed ba rtay in lala dagaalami karo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muuqaal uu ha beenkii Talaadada kula hadlayay shacabka waxa uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwo mar kasta u taagan fashilinta weerarada argagixisada, ayna tah ay in is bedel laga sameeyo qaabka loola dhaqmayo kooxahaasi.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula dardaar mayaa inay noqdaan daljireyaal daahsoon, oo u taa gan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada. Arg agixisadu annaga ayay nagu dhex nooshahay, waa na inaan iska qabanaa. Is bedel waa inaan ka kee nnaa sidaan argagixisada ula dhaqmaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkii soddonka saa cadood qaatay, ee ay dableyda Shabaabku ku gash ay Hotel Xayaat ee Magaalada Muqdisho ayaa hoos u dhigay dulqaadkii ay Madaxda Qaranku u lahaaye en, waxa uu R/Wasaare Barre ugu yeeray ‘ciyaalkii naarta’.

Xasan Cadde Tafaftiraha Dhacdo.com

Xog-Warran: Arrimaha Deni Uu Tabanayo, Talla abooyinka Uu Qaaday Iyo Haddii Ay Dib Isu Qaadan Karaan Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Dorraad si weyn loogu soo dhaweeyey M/Garoowe halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho dhowr cisho ah.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhaweeyey iyadoo sidoo kale ay Garoowe sii joogeen xubno ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Ab shir Cumar Haruushe.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh waxay ima aneysaa iyadoo dowladda Itoobiya ay wada-hadalo toos ah la billowday maa mulka Puntland xilli ay gacan dhaaf ku sameeneyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Puntland weli waxaa socda muddo xileedkii Sac iid Cabdullaahi Deni oo kusoo hungoobay qorshihii sa madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalana la gala dul booday kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu si weyn u raadinayey lana sheego in laga ballan qaa day.

Iyadoo dhinaca kale, cadka ugu weyn ee Puntland ka heshay dhismaha xukuumadda cusub la siiyey xo ghayihii urur siyaasadeedka mideeyey ee Puntland, kaasi oo ay Saciid Deni si weyn ugu loolamaan dee gaanka.

Isku xirka dhacdooyinkaan waxay ku siinayaan hal ka uu Deni ka taagan yahay cilaaqaadka Villa Som alia, haddana sidaas oo ay tahay kama dhign inay san madaxda federaalka ah booqan karin lana doodi karin Puntland, ama aan laga wada-shaqeyn karin arrimaha danta guud.

Wada-shaqeynta Puntland ee xilligaan waa u m uhiim madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin natiijada wada-shaqeyntaasi waxay ku xiran tahay sida isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni isku qaataan.

Siyaasiyiinta reer Puntland qaar waxay sheegaya an inuu Deni gaaray meel ay adag tahay inuu dib u aamino siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Waxaa loo diiday garab xilli uu hoggaaminayey wareegii hore ee doorashada madaxtinimada, wuxu una marqaati ka noqday in musharixii kaalinta sadd exaad uu xukunkii qaatay. Waxay aheyd markii ugu horeysay taariikhda doorashooyinka Soomaaliya oo ay dhacdo in qof kaalinta seddexaad galay wareegii hore ee doorashada inuu ugu dambeyn xukunka ku guuleysto. Hadda is aaminaad dambe muhiim maahan, laakiin wada-shaqeyn furan in la helo waa u muhiim dowladda dhexe iyo Puntland labadaba.

Maamulka ugu cimriga dheer maamul goboleedyada hoos taga dowladda federaalka ah wuxuu lumiyey mashaariic iyo wax wada-qabsi badan oo uu la sam eynsan karay dowladda dhexe ee Soomaaliya mud adii uu Villa Somalia joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiweli Gaas iyo Saciid Cabdullaahi Deni lab ad uba waxay qabeen Farmaajo diid, waxayna taasi dhaawacday waxyaabihii ay Puntland ka faa’idi jirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Inuu Saciid Cabdullaahi Deni dhabarka xijiyo wa da- shaqenta dowladda dhexe waxay ka dhigan tah ay in federaalkana wax badan oo wadajir lagu qaban karay kasii xayirmi doonaan, Puntland ay lumin do onto wax badan oo ay wadajir ku heli laheyd.

Siyaasiyiinta reer Puntland waxay leeyihiin Saciid Ca bdullaahi Deni waxaa hortaalla inuu hagaajiyo cila aqaadka Puntland iyo dowladda federaalka ah oo muddo xumaa oo uusan arrinta ku dabaqin rabitaan kiisa iyo inuu waayey wixii uu Xasan Sheekh ka fila yey oo aheyd ra’isulwasaaranimo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn u door bidayo inuu wa da-shaqeyn fiican la yeesho maamulka Puntland.

Su’aasha ah isaga iyo Saciid Deni ma is qaadan kar aan xilligaan? Dadka waxay badi uga jawaabayaan haa iyo maya is huwan.

Diidamadaan iyo ogolaanshaha is huwan waxay dadka soo jeediyey ku fasireen in Saciid Deni uusan siyaasad ahaan ula falgeli doonin hoggaanka cusub ee Villa Somalia balse ay u badan tahay inuu Xasan Sheekh u bandhigi doono qaab loo maareyn karo waxyaabaha danta guud ee isaga xiran Puntland iyo dowladda dhexe.

Ciidanka Tigreega oo bililiqeystay shida al ay la haayeen hay’adaha Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidanka Tigreega ay bililiqeysteen 570,000 oo liitir oo shidaal ah, kadib markii ay si xoog ah kusoo galeen xarun ay leedahay ha’adda cuntada ee WFP oo ku taalla M/Mekelle, sida uu xaqiijiyay madaxa hay’addaas David Beasley.

"Bakhaarka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Mekelle waxaa xoog ku galay ciidamada Tigreega, kuwaas oo qaatay 12 booyadood oo buuxa oo shida al ah oo ay saaran yihiin 570,000 litir oo shidaal ah. Kooxdii goobta joogtay kuma guuleysan inay ka hort agaan bililiqadaas” ay yiri afhayeen Xoghayaha Guu d ee Q/M.Stephane Dujarric oo bayaan kasoo saar ay dagaalka kasoo cusboonaday Itoobiya.

"Waxaan cambaareyneynaa wax kasta oo bililiqo ah ama lala wareego badeecooyinka bini’aadantinim ada ama goobaha bini’aadantinimo, waxaana ugu ba aqaynaa dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo in ay ixtiraamaan shaq aalaha, dhaqdhaqaaqa, hantida iyo badeecadaha” ayuu sii raaciyay.

Shidaalkan ayaa loogu tala galay in ay isticmaala an gawaarida gargaarka bini’aadaminimo gaarsiisa dadka gobolka Tigreega.

"Tani waa ceeb iyo fadeexo. Waxaan dalbanay naa in shidaalkan hadda la soo celiyo” ayuu yiri David Beasley, madaxa hay’adda WFP.


 

Safaaradda Mareykanka oo Ruushka u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta Soomaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku ee deysay Ruushka in duulaanka uu ku qaaday dalka Ukr aine uu saameyn xun ku yeeshay Soom aaliya. Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay bar teeda twitter-ka ayaa lagu she egay in dagaalkaas uu kasii daray xaaladda abaarta ka ji rta Somaliya oo malaayin qof ay ga ajo darteed qarka u saaran yihiin macl uul.

"Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushku ee ka dhanka ah Ukraine ayaa saameynta xun ee abaarata ka jirta Soomaaliya ka dhigay mid kasii dar ran,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

"Iskaashiga hay’adda USAID kala dhaxeeya hay’ad da WFP ayaa maal-gelinaya soo dhoofinta iyo key dinta qamadiga Ukraine oo caawinaya jawaabaha bani’aad aminimo ee ku wajahan malaayiin qof oo halis ugu jira macluul.”

Qoraalka ayaa waxaa lasoo raaciyey muuqaal muuj inaya sida Ruushka u xanibay haruurkii ka iman jiray Ukraine, oo ay ku tiirsanaayeen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo Soomaaliya ay ku jirto, taasi oo gaajo dhaxalsiisay malaayiin qof.

Ruushka ayaa horey loogu eedeeyey inuu duqe eyey dekedaha dalka Ukraine ee qamadiga laga soo dhoofin jiray, sidoo kalena xayiraado dhanka gaadiid ka iyo bad da ah saaray qaarkood, taasi oo hakisay haruurkii ka iman jiray Ukraine.

Horraantii bishan, dowladda Turkiga ayaa ka sha qey say heshiis dhanka bani’aadaminimada ah oo dhexmar ay Ruushka iyo Ukraine si loo fasaxo haru urka, hase yeeshee waxay qaadan doontaa bilo inta uu kasoo gaarayo Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max am uud ayaa 24-kii July wuxuu Muqdisho kula kul may ma daxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Samantha Power ayaa kulanka ka sheegtay inay ka qa yb-qaadan doonaan gurmadka abaaraha, waxay na ba llan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doon to lacag deeq ah oo gaaraysa $470 milyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay hay’addu u qoondeysay Soo maaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabash ada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhii mka ah.

Maxaa Ka Jira In Muwaadiniin Soomaali Ah Laga Soo Masaafuriyey Dalka Jarmalka?

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmalka Maxam ed Maxamuud Tifow ayaa sheegay in aysan jirin muwaadi niin Soomaali ah oo si sharci darro ah ama si qasab ah looga masaafuriyay dalkaasi.

Safiirka oo u waramayey Warbaahinta dowladda ay aa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la mid yihiin dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan dal ka Jarmalka,isla markaana ay leyihiin xuquuq la siman muwaadiniinta dalka asi.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmal ka Maxam ed Maxamuud Tifoow ,waxa uu xaqiijiyay in ay ka wa rhayaan dil todobaadkii hore ciidanka Booliska ay u geysteen nin soomaali ah, isagoo intaa raaciyay in ay jiraan qoysas laga qaatay caruurtooda ,kadib ma rkii lagu eedeeyayIn ay dayac ku sameeyeen la soc odka iyo ka warqabka nolosha caruurtaasi..

Safiirka, waxa uu soo jeediyay in dadka Soomaaliy eed ee ku dhaqan dalka Jarmalka ay wax u qab sadaan sida dadyowga kale.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool 72 kun oo soo maali ah, kuwaas oo 20 kii sano ee u dambeeyay ga lay ama u tallaabay dalkaasi ,waxayna isugu jiraan qaar sharci leh iyo kuwo aan sharci heysan.

Sacuudiga oo Amray in Hal Bilyan Doll ar lau maal geliyo Pakistan

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay 1 bily an oo dollar ku maalga shato waddanka Pakistan, si da uu shaaciyay TV-ga dowladda Sacu udiga Kha miistii, isaga oo intaas ku daray in boqor Salmaan Bin C/casiis uu amray in Boqortooyada Sacuudi ga ay taageerto dha qaalaha Pakis tan. Ku dhawaaqista ma algashigan ayaa yimid kaddib markii wasiirrada arrimaha dibadda Sacu udiga iyo Pakistan Faisal Bin Farhan iyo Bilawal Bhutto Zardari ay yeesheen wa dahadal khadka telefoonka ah.

Bhutto Zardari ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashi kas ta iyo caawimaad kasta oo kaga ima naya boqortooyada Sacuudiga.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu boqortooyada Sac uudiga uga warbixiyay dhibaatada daadadka Pakist an, kuwaas oo dilay dad ku dhow 1000 qof.

Pakistan ayaa sanadihii ugu dambee yay la daalaa dhaceysay dhibaatoo yin maaliyadeed iyo kuwa siya asad eed.

Taliban oo soo saartay war shaki geliy ey sheega shadii Mareykanka ee dilka Zawahiri

War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Taaliba an ayaa shaki geliyey sheegashadii Mareykanka ee aheyd inay magaalada Kabul ku dileen hoggaamiy ihii Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, horraantii bishan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 2-dii Augu st sheegay in duqeyn ay CIA-da ka fuliyeen Kabul lagu dilay Ayman Al-Zawahiri.

Si kastaba, Taalibaan ayaa hadda sheegtay in ku dhowaad bil kadib sheegashadaas aysan weli hel in meydka Ayman al-Zawahiri, islamarkaa na ay wad aan baaritaanka ku aadan dha cdadan, sida laga soo xigtay afhayeenka kooxdaas Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid waxa uu qiray in wee rarka Mareykanka uu sheegtay uu dhacay, wuxu una u cambaare ey ey si xooggan, isaga oo ugu yeeray xad gudub ka dhan ah "mabaadi’da caalamiga ah,” balse wa xa uu yiri "inaysan arag mey dka Zawahiri.”Su’aasha ay aa ah; ma Taalibaan ayaa qarineysa meydka iyo inuu Al-Zawihi joogay Kabul, mise Mareykanka ayaa ka been sheegay dilka hog gaamiyaha Al-Qacida.

Marka si loo eego, Taaliibaan waxay haysataa sab abkasta oo ay u qariso dilka Zawahiri iyo joogitaan kiisa Kabul, sababtoo ah wuxuu dhalinayaa su’aalo ku saab san haddii kooxda ay gabbaad siisay kadib markii ay la wareegtay gacan ku haynta Kabul bishii August 2021. Heshiiska Mareykanka uu uga baxay Afghanistan ee uu la galay Taalibaan ayaa dhigaya inaysan kooxdaas we erarin danaha Mareykanka, is lamark aana gabbaad siin Al-Qaacida.

Zawahiri, oo ahaa dhaqtar qalliin oo Masri ah, ay aa gacan ka gaystay isku xirikii weeraradii Septem ber 11, 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Weeraradaas ayaa lagu afduubtay afar diyaarad oo rayid ah kadibna lagu weeraray daarihii mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, xar unta Pentagon-ka iyo goob maran oo ku taalla gobol ka Pen nsylvania, waxaana lagu dilay 3,000 oo qof. Geerida Al-Zawahiri ayaa timid 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dha cay dalka Pakistan ku dileen hoggaa miyihii hore ee Al-Qacida Osama bin laden, markaasi oo kadib Zawahiri uu la wareegay hoggaanka.

Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyey caasimada Tigray iyo dagaalka oo sii xoogaystay

4 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa Jimca ha Dorraad ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo diyaar adaha Itoobiya ay ka fuliyeen caasimadda gobolka Tigray, wa xaa sidaas sheegay sarkaal caafimaad.

Dowladda Itoobiya waa ay beenisay sheegashada mucaaradka ee ah inay beegsatay shac abka ku sugan gobo lka ay haystaan muc aaradka.

Wararka ku saab san duqeynta Mekele ayaa yi mid maalmo kadib markii uu dib u billowday daga alka dhulka ee dowladda iyo mucaaradka kadib shan bilood oo hakad uu ku jiray, taasi oo soo afjartay xa bad-joojintii, meeshana ka saartay rajadii wadaha dallada nabadeed.

Kibrom Gebreselassie, oo ah agaasimaha caafi maad ee isbitaalka Ayder Referral Hospital ee M/Me kele, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in "afar qof ay m eyd ahaayeen markii isbitaalka la keen ay.”"Laba ka mid ah dad ka dhintay waa caruur,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in sagaal qof oo kale ay ku dhawacmeen duq eynta. Ayada oo mucaaradka Tigr ay ay ciidamada cirka Itoobiya ku eedeeyeen inay bee gsadeen xaafado shacab iyo iskuul, dowladda ayaa she egtay "inay be egsanayso kaliya goobo militari.”

"Jabhadda TPLF waxay billowday inay meydad be en abuur ah ka buuxiso baco oo ay gayso goobaha shacab ka, si ay u sheegto in ciidamada cirka ay weerareen shacab,” ayey tiri dowladda.

"Shacab ayaa dhintay oo dhaawacmay, waxaana so cda howlgal gurmad,” waxaa sidaas AFP u she egay afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot.

Laba ilo-wareedyo bani’aadaminimo oo ku sugan Itoobi ya ayaa AFP u sheegay in lagu wargeliyey du qeyn ka dhacday Mekele.

Waxyar kadib markii ay soo baxeen warbixinada ku saabsan duqeynta, dowladda ayaa ku dhowaaqd ay "In ay qaadi doonto tallaabo” ka dhan ah TPLF, wa xayna uga digtay shacabka inay ka fogaadaan bartil maame edyada militari.

Madaxa Cafimaadka Adduunka ee WHO oo ka wa ramay xaaladda ka taagan gobalka Tigray

Madaxa Cafimaadka Aduunka Tedros Adhanom ayaa ka waramay xaaladda dhabta ah ee ka jirta gob olka uu isagu kasoo jeedo ee Tigray.

Tedros ayaa sheegay in dad wheladi isa ah oo ku dhaqan gobolka Tigray uusan la xiriiri karin, ogayna xaalad ay da dkaasi ku su gan yihiin hadda, isagoo yiri " Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laaki in lacag uma diri ka ro, way gaajoonayaan, waan o gahay ma caawin karo, Ma caawin karo iyaga, gabi ahaanba waan kala go'ann ahay, Xitaa ma garanayo ka dhintay iyo ka nool midna" ayuu yiri Tedros Adha nom, Madaxa Hay'adda Caafima adka Adduunka ee WHO. Tedros Adhanom ayaa kasoo jeeda dalka Ito obiya gaar ahaan gobolka colaaduhu saameeyeen ee Tigray, marar hore waxa uu xilal kala duwan oo sar sare kasoo maray dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa intii uu Tedros xilkan uu hadda ka hayo ee qaramada midoobay uu hayay, wa liba intii ay socdeen dagaallada u dhaxeeya dow ladda Itoobiya iyo TPLF, waxay dowladdu ku eedey say Tedr os inuu u xaglinayo dhinaca gobolka uu ka soo jeedo ee Tigray, marar badan xitaa dowladdu waxay isku dayday in Tedros xilkan Madaxa Caafi maadka Adduunka laga qaado. Hadaladan haatan ka soo yeeraya Tedros Adh an om Madaxa Caafima adka Adduunka ee WHO, ayaa ku soo hagaagaya xilli uu dib u cusboonaaday dag aal ka u dhaxeeya D/Itoobiya iyo Kooxda TPLF.

Taiwan Oo Caro Darteed Dhagxaan U Adeegsa tay Diyaarad Uu Shiinaha Leey ahay

Taiwan ayaa sheegtay in ay bilaabayso inay daa busho hab-difaaca diyaaradaha aan duuliyaha laha yn ee jasiiradeeheeda dhaca xeebaha, kadib markii la soo bandhigay muuqaalo muujinaya askarta Tai wan oo dhagxaan ku tuuraya diyaarad uu Shiinaha leeyahay oo dul heehaabaysay meel u dhaw mid ka mid ah xaruma ha ay ilaalada ka tahay Taiwan.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in nidaamyada ma rka hore la dhigi doono jasiiradaha yaryar.

Taiwan ayaa ka cabatay duulla anka soo noqnoqday ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinuhu ku soo qaadeen meel u dhow jas iiradaheeda, taas oo qayb ka ah dhoolatuska iyo ca gajuleynta Shiinaha ka dib booqashadii afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Nancy Pelosi ee Tai wan taas oo shiinaha ka careysiisay waxayna tallaa badaas sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Maamulka Taiwan ayaa bilowgii bishan Ogosto ku eedeeyay Shiinaha inuu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah jasiiradda, iyadoo dhowaana han uudhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip