Greece: Dhallinyaro Soomaali ah oo la helay iyagoo naf biyo ku dhibcis ah (Daawo)

0
Wednesday August 24, 2022 - 08:54:04 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Greece: Dhallinyaro Soomaali ah oo la helay iyagoo naf biyo ku dhibcis ah (Daawo)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Toddoba qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa la helay xili ay xaaladoodu gaartay in biyo lagu dhibciyo, kuwaasi oo lug kusoo galay jasiiradda Chios ee dalka Greece xili ay naf la caari ahaayeen isla markaana cuntadii iyo biyihii ay ka go’een.

Muuqaal lagu baahiyay bogga forRefugees ayaa muujinaya dhalinyaradaan oo aad u tabar beelay, islamarkaana afka biyo loogu dhibcinaayo, iyagoo codsanaya in la badbaadiyo.

Hay’adda forRefugees ayaa sheegtay in booliska Greece ay soo heleen toddoba ka mid ah dhalinyaradaan oo ka koobnaa 30 qof, waxaana maqan 23 kale oo Soomaali ah dhamaantood.

ForRefugees ayaa waxay kaloo sheegtay inaysan garaneyn magacyadooda balse ay jinsiyadooda Soomaali yihiin, maadaama aysan hadli karin oo ay u baahan yihiin daryeel deg deg ah.

 

Dhalinyaradaan ayaa kasoo tallaabay xadka dalka Turkiga sida ay sheegtay forRefugees, iyadoo ay codsadeen in dadka dhibaateysan ee rafaadka soo maray laga joojiyo dib ugu celinta Turkiga.

Dowladda Greece ayaa bilowday in dadka tahriibayaasha ah ee la qabto in dib ay ugu celiyaan dalka ay markii hore uga gudbeen Greece.



 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip