Daawo: Nabadoon Xaad oo laga soo badbaadiyey hotel Xayaat oo bixiyey xog cusub

0
Sunday August 21, 2022 - 09:13:14 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Nabadoon Xaad oo laga soo badbaadiyey hotel Xayaat oo bixiyey xog cusub

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay hotel Xayaat ayaa ka sheekeeyey wixii uu ku arkay gudaha Hotelka oo mudo shan saacadood ah uu ku xayiraa.

Nabadoonka ayaa ciidanka dowladda ku eedeeyey inay ka soo daaheen Hotelka oo laba saacadood kadib ay yimaadeen, intaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay gudaha Hotelka toogasho ka wadeen.

Markii lasoo weeraray Hotelka wuxuu sheegay inay fadhiyeen banaanka hore, isla markaana dadkii ay u kala careen seddax jiho oo kala ah irida weyn, qeybaha kore ee Hotelka iyo dhica xiga Hotel Saxafi.

Nadoon Xaad ayaa intaas ku sii daray in markii weerarku bilowday uu u galay derbiga xiga dhinaca Hotel Saxafi, halkaas oo shan saacadood kadib ay ka soo badbaadiyeen ciidanka Haramcad oo aad uu ugu mahad celiyey.

Nabadoon Xaad ayaa yiri, "5 saac ayaan gudaha Hotel-ka ku jiray, meel u dhaxeysa Hotel Saxafi iyo Hayaat oo derbi ah ayaan galay, dadkii waa dhamaadeen dhawac faro badan ayaa yeella hotel-ka, gurmadkii looga baahnaa dowlada laga ma helin.”

Wuxuu aad u dhaliilay ciidanka Alpha Group, oo sida uu sheegay maanta lagu wareejiyey howlgalka, kuwaas oo sida uu sheegay aad u burburiyey Hotelka, iyagoo aan sameyn wax gurmad ah, taas bedelkeedna wuxuu amaanay Haramcad iyo Taliye Farxaan Qaroole.

Sidoo kale Nabadoon Xaad wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ku canaantay in sidaan ay wax ka bedelaan oo firfircoonida dadka ay hoggaanka u qabteen ay ka faa’iideystaan, isla markaana ay ku dhaqaaqaan dagaalka ay iclaamiyeen ee Al-Shabaab.

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip