Hadalkii cajiibka ahaa ee uu Hadraawi ka yiri Aakhiro

0
Thursday August 18, 2022 - 16:27:57 in Wararka by
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalkii cajiibka ahaa ee uu Hadraawi ka yiri Aakhiro

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Qoraalka sawirka,

Abwaan Hadraawi

Geerida Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi", oo maanta ku dhintay magaalada Hatgeysa ayaa si wayn u gilgishay Soomaalida iyo dadkii kale ee aqoonta u lahaa ama magaciisa garanayay.

Qof walba wax buu ku xasuustaa abwaanka oo magac wayn ku leh fanka Soomaalida iyo taariikhda waddanka.

Suugaantiisa oo uu wax walba ku cabiray waxa uu sidoo kale uga hadlay dhinaca diinteenna Islaamka.

Buuggiisa caanka ah ee "Hawaale Warran" oo uu umadda Soomaaliyeed u hibeeyay ayuu ku sharraxay muhiimadda diinta.

"Si badbaado loo helo, diinta Islaamku waa qalabka Ilaahay ugu talagalay in lagu dhaqmo," ayuu ku yiri qormada buuggaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Culumadu ay tahay hoggaanka shacabka ku haga raacista diinta.

Taas marka laga soo tago, si toos ah ayuu uga hadlay aakhiro, oo ah meesha aan dhammaanteen u wada soconno.

Silsiladda Siinleey

Waxaa laga yaabaa in aad maqashay silsiladda caanka ah ee ‘Siinleyda’ ee ka billaabatay heesta Saxarla ee uu tiriyay abwaan Hadraawi.

Waxaa jiray labo maanso/hees oo ay horay isu waydaarsadeen isaga iyo abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qeys), kuwaas oo kala ahaa: ‘Aakhiroy xaggee baad naga xigtaa?’ iyo ‘Araxmaan’.

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Abwaan Cabdi Qeys ayaa 1970-kii wuxuu tiriyay heesta Aakhiro oo uu ku yiri:

Maalinta xanuunkiyo

Xaqa mowdku soo galo

Xabaasha iyo iilkaan

Kugu soo xusuustaa

Xiddigaha cirkee sare

In aad xubin ka mida tahay

In aad hoos u xulan tahay

Dhulka xero ku leedahay

Maanu helin xogtaadee

Aakhiroy xaggee baad naga xigtaa?

Jawaabta Hadraawi

Abwaan Hadraawi ayaa ka jawaabay su'aasha uu abwaan Qays ku sheegay tixdiisa ee ah "Aakhiroy xaggee baad naga xigtaa?".

Waxa uu aakhiro ku sifeeyay tix kale oo aad cajiib u ah, ilaa haddana xiisaheedu uu jiro. Waa tixda loo yaqaanno "Araxmaan".

Aayadaha Qur’aankiyo Al-Raxmaan siday tidhi

Aayadaha Ilaahay, ruuxii islaam ah sida uu aqoonsaday

Waa oomman hawdoo, waa guri abeesoo

Edeg weeye hoosoo, abataqa ku yaalloo, waa iil madooboo

Rabbigay addoomaha kaga aargutaayoo

Waxa laga arooraa irridaha xabaashoo,

amban maayo ruuxii qabri lagu adkeeyaa

marna oogadeenniyo waa oosha guudkoo,

waa beer udgooniyo duni wada ilaysoo

Waa ceel irmaaniyo togag wada ordaayoo

Ilo wada xareedoo lagu oon baxaayoo

Naftu eegmo sugashada ashqaraar ka qaaddoo

Toddobaatan ooryood lala aqal galaayoo

Rabbigay addoomaha ku abaal marshaayoo dhibta lagu ilaabaa

Af-hayaha barbaartoow, ababshaha dhallaankoow

Taliyaha abwaankoow, aabbaha jacaylkoow

Adigoon ogayn baan uurkaaga baadhoo

Ula jeedadaadaan ka arkaa dhul dheeroo

Arrinkaagu Qaysoow af gobaadsi weeyaan

Aakhiro Cabdoow way aasan tahay, iilkay jirtaa

Aakhiro Cabdoow ambatoo luntoo, ururkiyo laxaha

Awrkii cikray ku ag xidhan tahee dadku yuu ku eedayn

Ha dhex galin umuuraha, isha xidho afkana dhowr,

Arag maqal warkana ood

Abwaan Hadraawi

XIGASHADA SAWIRKA,ABDIRAHMAN TAYSIIR/FACEBOOK

Alle ha u naxariisto, Abwaan Hadraawi wuxuu buuggiisa Hawaale Warran horay ugu sheegay in qof kasta uu leeyahay waxa uu shaqeysto.

Wuxuu yiri: "Haddii uu qofku jidka badbaadada raaco, waxa uu ka kasbo isaga ayaa leh. Haddii uu jidka naarta raacana, waxa uu ka kasbo isaga ayaa leh. Labada waddo hadba ka uu qofku raaco ayaa xukuma ficilka qofka iyo abaalmarinta uu helayo."

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip