Abwaan Hadraawi oo Hargaysa ku geeriyooday

0
Thursday August 18, 2022 - 15:38:43 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Hadraawi oo Hargaysa ku geeriyooday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Waxa magaalada Hargaysa ku geeriyooday abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, abwaanka ayaa geeriyooday isaga oo 79 jir ah.
      Abwaanka ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargaysa, oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaaladiisa caafimaad, wakiilkii hore ee Somaliland ee Ingiriiska Ayaan Maxamud Cashuur oo ay Hadraawi qaraabo dhow ahaayeen, ayaa geerida abwaanka u xaqiijisay warbaahinta.

       "Adeero Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Alle ha u naxariisto ... guriga ayuu ku dhintay dhakhaatiirtu halkaasay ku eegeen, hadana dhakhtarka Hargaysa ayaanu keenay si aanu u xaqiijino, markaa labadiiba waa laga xaqiijiyay" ayay tidhi Ayaan iyada oo tiiraanyaysan.
    Hadraawi wuxuu ku dhashay gobolka Togdheer ee British Somaliland, (Somaliland-ta maanta) sannadkii 1943 wuxuuna ku barbaaray dalka Yemen, waxaa la aaminsanyahay in uu ahaa mid kamid ah abwaanada ugu waa wayn ee Soomaray taariikhda fanka Soomaalida, iyo ka ugu caansan.
  Hadraawi waxa uu ahaa mufikir, suugaanyahan, iyo shakhsi looga hadhay qorista heesaha macnaha leh, heesihiisa ugu caansana waxaa kamid ahaa Hooyo, Saxarla, Balawdweyn, Araxmaan iyo qaar kale oo badan, sidookale waxa uu alifay maansooyin caan ah oo afaf badan lagu turjumay, wuxuuna door la xaadle ka qaatay silsilado maanso oo caan ah, sida Deelay iyo Siinlay.
Hadraawi oo loo yaqaanay Somali Shakespeare ama Shakespearka Soomaalida ayaa intii uu noola waxa uu ku guulaystay bilado caalami ah, iyadoo loo aqoonsanaa in uu yahay shakhsi cilmi iyo macno kusoo kordhiyay suuggaanta.
     Geerida abwaanka waxa ka tacsiyooday dad badan ay ugu horeeyso xukuumada Somaliland, madaxda axsaabta mucaaradka iyo dad kale oo caan ah.

      Waxaa Allaha u naxariisteen  lagu xusuusan doono waayihiisii fanka oo  uu muddad dheer ku soo dhex jiray intii uu curiyey heeso  baaxad weyn oo  

Heesaha uu caanka ku ahaa

  1. Baladwayn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar
  2. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaanki lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec.
  3. Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool.
  4. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaanki Maxamed Nuur Giriig. Iyo kuwa kale oo badan.
sidoo kale waxa uu lahaa gabayo caan ah oo uu ugu weynaa ilbaxnimo.

 

Taariikhda Abwaan Hadraawi oo dhammaystiran dib ayaan ka soo gudbin doonnaa inshaa Allaah, waxaan leenahay Allaha u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asaxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Alla haka siiyo… Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip