HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Thursday August 18, 2022 - 08:23:26 in Wararka by
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPAER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA AGOOSTO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

R/W. Xamse oo kulankii ugu horreeyay la yee shay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka duulaya baahida loo qabo dardar gelinta ho wllaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliy eed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa kulankii ugu horreeyey Shalay la yeeshay guddiga heer Qaran ee gurmadka ab aaraha.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno laga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Fe deraalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafim aadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ ada, waxayna soo bandhigeen Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaa raha.

Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareya ha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda ab aarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hor tago abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in howlaha gu rmadka la dardargeliyo, maadaama ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ga can loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim ta hay in ummadda Soomaaliyeed ay dhexdooda is garab siiyaan

Fiqi oo qabsaday waqtiga ay dowladda ‘ku ba abi’in doonto’ maxkamadaha Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo labo sano gudahood ah ay albaabada is ugu dhufan doonto waxa loogu yeero maxkamada ha ay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ka dhistay Shabeellaha Hoose iyo daafaha magaal ada Muqdisho.

Wasiirka cusub ee arrimaha guda ha Axmed Macallin Fiqi, oo khudb ad ka jeediyay munaasabad ka dha cday magaalada Muqdisho, ayaa qiray in dadka qaar ay cadaaladda u doontaan maxkamadaha Al-Shabaab, maadaa ma laga aamin baxay nidaamka garsoorka dalka.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay in labada sano ee soo socota ay meesha ka sa arto maxkamadaha noocaan ah ee ka howlgala Shabeellaha Hoose iyo Muqdisho.

Sida uu sheegay Fiqi, fulin la’aanta xukunada maxkamadaha dowladda ayaa sabab u ah in Soo maalida qaarkood ay cadaalad ka helaan maxka madaha kooxda Al-Shabaab.

Waxa loogu yeero maxkamadaha kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa saameyn ku leh dalka Geeska Afrika, iyagoo ma rarka qaar dib u celiya go’aannada ay soo saar aan maxkamadaha dowladda.

Dad badan ayaa maxkamadaha Al-Shabaab u raadsada cadaalad si qarsoodi ah, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in maxkamadaha dowlad da Soomaaliya ay yihiin kuwo musuqmaasuq ah oo qofkii lacag leh ku awood badan yahay. Maxkamadahaan ayaa ah kuwa guurguura oo inta badan ka howlgala Shabeellaha Hoose, Sh/ Dhe xe iyo Jubbada Dhexe, waana dhulka kaliya ee ay gabi ahaan gacanta ku hayaan ururka argagixisa da ah.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxa med Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayay balse wuu ku guul dareystay in uu dadka ka mamnuuco in ay u dhawaadaan maxkamadaha kooxda Al-Shabaab

WasiirkaCusub Ee Isgaarsiinta Iyo Teknol ojiyada Oo Kulan La Qaatay Madaxda Shirk adaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xuk uumadda FS.Md.Jaamac Xasan Khaliif ayaa Shalay xarunta wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay madaxda shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaa radda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Ugu horeyn Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloji yada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadi yey shaqada ay shirkaddaha Isgaarsiinta u haya an Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka.

"Sida aan la socono adduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyee d, waxaad u baahan tihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan, waa fahmayaa waxaana raj eenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri wasiir Jaamac.

Madaxda Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa ka ma hadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen wa siirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoo naan.

Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sh.

Hooyo Faa'iso "Gabdheyda Suuqa ayaan ad eeg uga diray, ayadoo meyd ah ayaana ley keenay"

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil arg agax badan ku reebay dadka deegaanka Ceel asha Biyaha

oo Dorraad galinkii dambe hal kaasi loogu geystay Allah u naxariiste marxuumad Hibo Qaasim Maxamed oo ka mid aheyd ardaydii Dorraad ku ba astay Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Hooyada dhashay marxuumada oo lagu ma gacaabo Faa’iso Maxamed Abuukar oo ka hada shay dilka gabadheeda ayaa sheegtay in loo ade egsaday mindi ama toorey, xili ay gabadheeda su uqa uga dirsatay adeeg casho, hayeeshee loo keenay ayadoo meyd ah.

"Suuqa ayey adeeg ka doontay soo noqodkii ay soo noqoneysay ayaa waddada lagu helay oo nin tuug ah ayaa dhowr mindi ka taagay, Wallaahi wax lagu dilay ma sheegi kari gabadha, ayada oo mindida ay ka taagan tahay ayuu ninka ka tegay afar meel ayay uga dhacday mindida waana isla xaafadda dhexdeeda halka lagu dilay gabadhe yda" ayey tiri Hooyo Faa’iso Maxamed Abuukar.

Hooyo Faa'iso ayaa sidoo kale sheegtay in gaba

dheda si arxan daro ah loo dilay oo xata mindidi la gu dilay ayadoo ka taagan looga tagay wadada dhexdeeda, waxayna ka codsatay dowladda Soo maaliya inay soo qabtaan ninkii ka dambeeyey di lka naxariis darada ah ee gabadheeda loo geys tay oo goobta isaga baxsaday.

Qoyska marxuumada la dilay ee Hibo Qaasim ayaa Dorraad si weyn u faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhooda, hayeeshee farxadii Dorraad gabadha iyo reerkeeda ay ku naaloonayeen waxaa Habeen hore badalay murug iyo mugdi ay ku seexdeen Allah u naxariistee qo yska ay ka dhalatay Hibo Qaasim.

Odowaa oo xog ka bixiyey howlgal lagu laay ey xubno ka tirsanaa Al-SHABAAB

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy eed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xo

ogga dalka ka fuliyeen duleedka deegaanka Jana ale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hooose.

General Odowaa oo la hadlay war baahinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka oo ka dhacay tuulada Kili-Jiido oo hoostagta Janaale la gu beegsaday kooxda Al-Shab aab.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ay dhaawaceen 13 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay koox da Al-Shabaab ka soo furteen hub fara badan, ay na burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen halk aasi. Waxa kale oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgal kaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xo ogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dule edka Janaale laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidanka oo iska soo horjeedo, sida ay innoo she egeen ilo deegaanka ah.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.

Dowladda Somaliya Iyo Itoobiya Oo Ka Wa da Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Xafii skiisa Wasaaradda ee Magaalada Muqdisho, Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, Cabdulf ata ax Cabdullaahi Xasan. Kulanka ayaa la iskula soo had al-qaaday xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah uu ka dhexee yo iyo dadaalka wad ajirka ah ee lagu sare qaadayo heerka isku-duw idda.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac iyo Safiirka Itoobi ya ee Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xas an ayaa isku raacay in la joogteyo wadatashiga la gu xoojinayo dhammaan hababka iskaashiga ee dheef wadaagga leh ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, C/taax C/hi Xasan ayaa uga mahadceliyay W/Arr imaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS soo dhaweynta uu Xafiiskiisa ugu sameeyay.


Ciidanka Dowladda Oo Degaanno Cusub Kala Wareegay Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii lasoo dhaafay Al-Shabaab iyo Ciid amada Dowladda Ku dhex-maray degaanno ka tir san Gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan Ciidamada do wladda Soomaaliya ayaa la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceellahele, kaddib dagaal ko oban oo halkaasi ka dhacay.

Dagaalka oo sida la sheegay ahaa mid culus ayaa ilaa iyo hadda la ogayn khasaaraha ka dha shay, iyadoo Saraakiisha hor kacaysa dagaalk aasi aysan ka hadlin.

Howgallada iyo dagaalka as ayaa waxaa qayb ka ah Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Maaamulka Hirsa hbeelle iyo DFS,kuwaasi oo dhawaanahaan ku su gnaa goobaha ay ka socdeen howgalladu.

Masuuliyiinta qaybta ka aha waxaa ka mid ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo kamid ah BFSoomaaliya Wasiirka gaadiidka iyo Duulista ha wada dowlad goboleedka Hirshabelle Muuse Sal aad Wehliye guddoomiyaha G/Hiiraan’

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay dhanka Al-Shabaab ka dileen hal qof balse dhankooda ma aysan sheegin wax kha saare ah.

Maxaa ka jira in Prof Samatar uu BF isaga casi lay xilka loo dhiibay Roobow?

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah gol aha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay war laga faafiyey maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo sheegayey inuu iska casilay xubinimada Aqalka Sare.

Senator Cabdi Ismaaciil ayaa been abuur ku tilmaam ay qoraalkaas oo lagu baah iyey ciwaan Facebook oo magaciisa loo isticmaalay, kaas oo sheegayey "inuu iska casilay xubinimadii Aqalka Sare, kadib markii wasiirka Diinta loo mag acaabay Mukhtaar Roobow.”Senatorka ayaa cade eyey in baraha bulshada ee Internetka uusan istic maalin, sidoo kalena uu maalmihii laga faafiyey warkaas ku mashquulsanaa qormada buug, xogo badan xambaarsan ka hadlaya xaaladda Soomaal iya, kaas oo uu ugu magac daray "Xeyn-daabeyn ta Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Professor-ka oo u waramay TV-ga Universal ayaa sheegay in dadka ka sameeyey been abuurkaas ay sabab uga dhigeen magaca abidda Wasiir Mukhtaar Roobow, isagoo cadeey ey mowqifka uu ka taagan yahay magacaabidda Sheekh Mukhtaar ee wasaaradda Diinta.

Senator-ka ayaa Mukhtaar Roobow ku tilmaamay nin geesi ah oo wax ceeb ah uusan u heyn in xil kaas loo dhiibo, isagoo ka sheekeeyey inta uu ka yaqaano iyo waayihii uu bartay Mukhtaar Roob ow. "Sanadkii 2006-dii ayaan Sheekh Mukhtaar kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaan ka wa dahadleynay sidii hoggaamiye kooxeedyada loo ga saari lahaa magaalada, Mukhtaar waa nin gee si ah, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee maxaak iimta oo baqeysa ku dhawaaqay in dadkii Muqdi sho ka qaxay ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheeg ay in markii ugu dambeysay ee Baydhaba laga soo xiray Sheekh Mukhtaar lagu kacay "Jariimo umadeed, marka wax xun oo aan ka sheego wasi irnimada Roobowna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Dadkii ku dhintay banaanaxyadii ay digaye en Xibsiyada Mucaaradka Somaliland oo Shalay la Aasay

Waxaa Shalay Khabuuraha Halleeya ee mag aalada Hargeysa lagu Aasay Saddex kamid ah dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii rabashadaha watay ee looga soo horjeeday xukuumadda Soma lailand, kuwaas oo todobaadkii hore Xisbiyada mucaaradka kas ameeyeen Magalada hargeysa e degaannada Somaliland.

Xisbiga WADDANI oo kamid a xisbiyada mu caaradka Somaliland ayaa Aaska u sameeyay Sa ddexda dhalinyarada ahaa ee banaanbaxa ugu dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada Somali land , kadib markii Xukuumadda Somaliland ay og golaatay inay bixnineyso magta dadkaas.

Aaka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xisbiyada mucaaradka Somaliland, taageerayashooda, Ehellada dhalinyarada dhintay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Hargeysa.

Musharraxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxma an Cabdullaahi Cirro & Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraa be ayaa qoyskooda iyo saaxiibadood uga tacs iyadeeyay dhalinyaradii ku dhintay bannaanbaxya dii dhacay, iyaga oo Alle uga baryay in uu alle Naxariistii jano ka waraabiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay aheyd wax aad looga xumaado wixii ka dhacay magaa lada Hareysa iyo guud ahaan Somaliland xilligii ay socdeen bannaanbaxyada, isla markaana ay dib uga hadli doonaan.Todobaadkii hore ayaa ba naanaxyo ay soo abaabulaan Xisbiyada mucaar adka Somaliland loogana soo horjeeday Xukuum adda Madaxweyne Muuse Biixi oo mucaaradka ay ku eedeeyeen in uu doonayo muddo kororsi, waxaana bannaanbaxyada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wasiir Siciid Sulub: Inamada ay soo abaab uleen waxa lagu amray in ay i weeraraan

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Sic iid Sulub Maxamed, ayaa madaxda xisbiga Wad dani ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii ay taageerayaasha xisbigu kusoo qaadeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in markii uu aaska tagay lasoo dhaweeyay lakiin, kadib markii ay madaxda xisbiga Waddani goobta soo gaadheen ay dhalinyaradii ku amreen in ay shiidaan.

"Dadkii waxgaradka ahaa way isoo dhaweeye en, kadibna madaxdii xisbiga ayaa timid, markay yimaadeen inamada ay soo abaabuleen oo kush in kushin meelaha u taagnaa, waxa lagu amray in ay aniga i shiidaan" ayuu yidhi wasiir Siciid Sulub.

Waxa uu sheegay in dadkii wax garadka ahaa u digeen kahor in tii aanu weerarku bilaaabmin, ka dibna markuu soo baxay uu wee rarku ku bilaabmay "Waa la ii di gay, dadkii waxgaradka ahaa ayaa igu yidhi inama halkan shoobaraynayee is kaga tag, waan soo baxay markiiba shiidku wuu bilaabmay". Waxa uu ku daray in uu ilaaladiisa ku amray in anay xabad ku ridin shacabka "Askartii ila socotay waxan ku amray in anay xabad ku ridin dadka, oo dhaqan biniadam oo xabaal dusheed laga muda haraadayo waa maalintii kowaad".

Waxa uu sheegay in ay ceebi ka dhacday xab aalaha, ceebtaana ay leeyihiin musharax Cirro iyo cida la talisa, waxa kale oo uu sheegay in uu dad yaqaan yahay, isla markaana cida dhagaxa bilo wday ay ahayd qoyska hoose ee musharax Cirro.

Dad cadhaysan ayaa dhagax la boobay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo ka qaybgalay aas xabaalaha Halle eya ee magaalada Hargaysa loogu sameeyay 3 qof oo ku dhintay bannaanbixii 11 August.

Khasaaro ka dhashay dagaal Beeleed ka dhacay Gobolka Galgaduud

Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Shalay waxaa uu ka dhacay degaanka Ba alle oo u dhow degaanka Dhagax-dheer oo hoos yimaada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galga duud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul ku yaalla halkaas, waxa ana dagaalka ku geeriyooday hal ruux halka la ba kale ay ku dhaawacm een, kuwaas oo dhammaantood ah dhinacyadii dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in colaada labada maleeshiyo beele ed ay tahay mid in muddo ah soo jiitameysay, Isla markaana dhowr jeer sidaan oo kale ay dagaal ameen, sidoo kale ay siyaabo kala duwan dad isaga dileen.

Maamulada degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaan weli ku bixin goobaha ay dag aalada ka dhaceen oo dadka degan badi ay yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Degaano iyo degmooyin katirsan Maamulka Galmudug ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku batay colaad beeleedyada, iyada oo Madaxda Maamulka Galmudug ay kaga mashquu leen arrimo kale

Midowga Yurub Oo Farriin U Diray Shacab ka Kenya Doorashadii Kadib

Midowga Yurub, ayaa shacabka Kenya ku amm aanay sida nabdoon ee ay u qabsadeen doorashada guud, waxayna ku booriyeen dhinacyada tabashada qaba, in cabashadooda lagu xalliyo qaab sharci ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Yurub, ay uu ururku ku sheegay inay muhiimad leedahay "is xusuusinta natiijadii IEBC ay ku dhawaaqday in William Ruto uu ku guulaystay doorashada iyo go’a anka ku gacan seyrista ah ee uu qaatay Raila Odinga. "Dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasad da iyo bulshada, waa inay ka fogaadaan wax kasta oo rabshad kicin kara oo ay dalbadaan in la is dajiyo. Wa xaa la joogaa waqtigii hogg aa minta siyaasadeed iyo mas’u uliyadda dhammaan kuwa qeybta ka ah do ora shada,” wakiilka sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sidaasi yiri.

Borrell, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay mad axweynaha la doortay ee Ruto. Odinga oo u tarta may doorash ada madaxtinimo ee Kenya, ay aa tal aadadii diiday natiijada la soo saaray, isagoo ku til maam ay mid aan waxba ka jirin iyo di bu dhac ku ke eneysa hannaanka curdunka ah ee di muqraad iyadda Kenya. Ruto ayaa si dirqi ah kaga guuleystay Odinga, iy adoo lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 50.5% cod adkii la dhiibtay.


Madaxweyne Mustafe cagjar iyo Wafdi uu ho ggaaminayo oo gaarey gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaal ida Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkii sa Ibraahim Cismaan ayaa Shalay gaarey magaalooyin kamid ah gobolka Siti ee deg aanka Soomaalida.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku horree yay magaalada Biki, iyagoo booqday Isbitaalka ay ku jiraan dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartey duu llaankii ay Canfartu dhawaan kusoo qaaday mag aalooyinka Cundhufa iyo Danlahelay ee dega anka Soomaalida.

Dhalinyar gadoodsan oo ku sugnaa magaal ada Biki ayaa wafdiga Madaxweyne Mustafe ca gjar ku mudaaharaaday Shalay, iyagoo dhalinyar tani ay ka gadoodsanaayeen sida ay xukuumaddu u wajahday arrinta galbeedka Siti, iyo ka aamus naanta ay xuku umadda Madaxwene Mustafe ca gjar uga aamusan tahay Colaadda ka jirta galbe edka gobolka Siti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin gobolka Siti booqan doona magaal ooyin dhawr ah, iyagoo magaalada Biki kaddib bo oqan doona magaalada Afdam.

Dhinaca kale Ugaas Mustafe oo ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Siti oo ay wehelinayaan Oda yaal dhaqameedka gobolka Siti ayaa iyaguna maal mahan ku sugnaa galbeedka gobolka Siti, gaar aha an magaalada Cusbuli halkaas oo ay gargaar ku ga arsiinayeen dadkii kusoo barakacay duullaanka Canfarta.

Sidoo kale waxaa iyagana maalmihii la soo dha afay ku suganaa goobihii ay dadku kusoo barakac een wafdi kale oo uu hoggaaminayo Was iirka Maa rreynta Khataraha masiibooyinka ee dow lad dega anka Soomaalida Axmed yaasiin Sh Ibr aahim oo iya guna halkaas ka wada qaybinta garg aarka kala duwan ee loogu tala galay dadkan ka soo barakacay Colaadda galbeedka gobolka Siti.

Socdaalka Madaxweyne Mustafe cagjar ee go bol ka Siti ayaa kusoo hagaagaya xilli muddo ay xukuum addu ka aamusnayd xaaladihii u dambaye eyay ee ka jiray galbeedka Siti, halkaas oo shac ab badan ay Canfartu kasoo barakicisay magaal ooyinkii ay deg ganaayeen ee Cundhufo iyo Dan lahelay.

Shacabka ku shaqan gobolka Siti ayaa ka biyo dii dsan sida xukuumadda Madaxweyne Mustafe cagjar u wajahday xaaladda galbeedka gobolka Siti, oo dha waan ay Canfartu kula wareegtay ma gaalooyinka Cundhufo, Caddaytu, Danlahelay iyo Garbaciise oo inbadan muran ka taagnaa, shacab badana ka barakaceen dhulkaas.

Mareykanka iyo K/koofureed oo samaynaya dhoolatus Militeri

Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa bil aabi doona dhoolatuskii ugu ballaan oo Militeri , xi lli ay sii kordheyso tija abada Hubka Nuclear-ka ee ay samayneyso Do wla dda Kuriyada Waqo yi.

hoolatuska oo lagu aadiyay xilliga xagaaga ay aa bilaaban doona Ogosto 22 ilaa Sebtember 1, iy ada oo ay ka qeyb ka yihiin diyaarado, maraa kiib dagaal, taangiyo iyo lana soo bandhigi doono tobanaan kun oo ciidan ah.

Tillaabadan ayaa sii kordhinaysa colaada iyo

Han jabadaada ay is dhaafsadaandalalka Ma reykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Turkey iyo Israel oo ku dhowaaqay go’aan cusub oo ku saabsan xiriirkooda

Israel ayaa si buuxda dib ugu soo celineysa xir iirka diblomaasi ee Turkey, waxaa sidaas Shalay ku dhowaaqay xafiiska ra’iisul wasaare Yair La pid, kadib sa nado uu xumaa xiriirka labada dal.

"Waxaa la go’aansaday in mar kale heerka xi riirka laba da dal la gaarsiiyo xiriir diblom aasi oo dhameystiran, lana soo celiyo safiirrada iyo qunsu lla da labada dal,” waxaa sidaas la gu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Lapid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isfaham ka diblomaasi ee labada dhinac wuxuuna ku qeex ay "hanti muhiim u ah xasilloonida gobol ka iyo war wanaagsan oo dhaqaale oo ay heleen shac abka Israel.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in labada dal ay dib u magacaabayaan safiirradooda.

"Magacaabista safiirrada waxay aheyd mid ka mid ah tallaabooyinka soo celinta xiriirka. Tallaab adan togan waxay ka timid Israel ayada oo ka dha latay dadaallada, Turkey ahaanna waxaan go’aa nsanay inaan safiir u magacowno Israel iyo Tel Aviv,” ayuu yiri Cavusoglu.

"Waxaan hadda billaabeynaa hanaanka aan ku go’aamineyno qofka aan magacaabeyno.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkey "aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda” Falastiin inkasta oo ay dib usoo celineyso xiriirka Israel.

Go’aanka ayaa yimid kadib bilo ay socdeen dad aallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo xum aaday 2008 kadib howlgal militari oo Israel ay ka fulisay Gaza.

Xiriirka ayaa gebi ahaan burburay 2010 kadib markii 10 qof ay ku dhinteen weerar ay Israel ku qaa day Markab Turkish ah oo lagu magacaabo Mavi Ma rmara oo gargaar u sida Gaza, kaasi oo isku dayey inuu jebiyo xannibaad ay Israel kusoo rogtay.

Heshiis la gaaray 2016 oo dib loogu soo celi yey safiirrada labada dal ayaa burburay 2018, ka dib markii 200 oo dadka Gaza ah ay toogasho ku dileen ciidamada Israel xilli ay dibadbax dhiga yeen.

Madaxweynahga Israel Isaac Herzog ayaa bo oqasho taariikhi ah ku tegay Ankara bishii March, hal kaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo kulanka ku qeexay "Marxalad isbeddel u ah xiriirka labada dal.” AFP + VOA

Tahriibayaal Ku Go’doonsanaa Xadka Turk iga Iyo Giriiga Oo La Helay

Tahriibayaal gaaraya 38 qof oo ay ku jirto hawee ney uur leh, ayaa laga helay jasiirad yar oo aan ma gaceeda la shaacin, oo ku ta alla xadka Turkiga iyo Giriiga.

Laba iyo labaatan nin, sag aal dumar ah iyo todd obo carr uur ah, ayaa la sheegay inay ku sugnaaye en jasiir adda wabiga Evros, tan iyo bartamihii bishii Luulyo. Kadib markii la helay Isniintii, ayaa waxaa loo qaa day dhul weynaha Giriiga.

Wasiirka socdaalka ee da lkaasi, ayaa sheegay in koo xdan ay xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay, isla markaa haweenaydii uurka la hayd loo qaaday isbitaal, si loo siiyo daryeelka dheer aadka ee ay u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan ilmo yar, ay aa ku dhintay jasiiradda, oo ku dhow magaalada Gir iigga ee Lavara, sida ay sheegeen hay’adaha xu quu qda aadanaha. Booliiska Giriiga weli ma xaqiijin arrin tan.Waxaa jiray waxoogaa hubanti la’aan ah oo la xiriirta meesha ay kusugan yihiin kooxda u baahan gargaarka, si Turkiga ama Giriiga ay ugu gurmadaan caawintooda. Maamulka Giriigga, ayaa markii hore sheegay in dadka, oo ay booliisku ku sheegeen in dhammaant ood ay yiihiin Suuriyaan – ay ku sug naayeen dhulka Turkiga. Ugu dambayntii waxaa la ga helay meel 4km (2.4 mayl) koonfur ka xigta oo ka baxsan dhulka Giriigga oo markii hore lasoo she egay maalmo ka hor inay kusugnaayeen. Tani waa sababta, booliiska Giriiga ay usoo jeediyeen, muha ajiriinta in aan laga helin go or hore goobtani

Dawladda Kuuriyada Waqooyi oo gantaalo tijaabisay

Dawlada Kuuriyada waqooyi ayaa Shalay gan taal oo nooca ridada dhexe ah ku tijaabisay xeebaha koof ureed ee dalka as sida laga soo xigtay warb aahinta dalka Kuuriyada koo fureed.

Wakaaladda wararka Yon hap ayaa sheegtay in labada gantaal oo laga riday xarun u dhaw mag aalada caas imada ah ee Pyo ngyang War lagu baahiyay war baahinta dawlada Kuuri yadda waqooyi ayaa lagu sheegay in tijaabada la bada gantaal lagu gulaystay.

Dawlada Japan iyo Kuuriyada koofureed waa ay cambaareeyeen tilaabadaan ay xukuumadda Pyong yang ku tijaabisay gantaalaha.

Iran oo ku gacan seyrtay inay hub sharci darro ah galiso Yemen iyo Soomaaliya

Dowladda Iran ayaa beenisay inay hub sharci darro ah oo lagu taageerayo Xuutiyiinta geysay dalka Yemen, hubkaas oo la sheegay in lasoo ma rsiiyo badda Soomaaliya, sida ay horey u she egeen hay’adaha UNka iyo kuwo kale.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Kanaani ayaa si adag u beeniyay warkaas, isagoo sheegay in Tehran aysan wax wada shaqayn ah la lahayn fall aagada Xuutiyiinta iyo koox aha ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

"Taageerada Iran ay siiso dadka Yemen waxay ahayd mid siyaasadeed, iyo in Iran ay mar walba taageerto geeddi-socodka nabad da ee Yemen iyo sidoo kale dadaalka Qaramada Mi doobay ee ah in si nabad ah lagu soo afjaro dagaal ka Yemen, lana ilaaliyo nabadda Yemen," ayuu yiri Kanaani.

Dhowaan ayay ahayd markii warbaahinta Sacuud iga ee Al Carabiya ay baahisay muuqaal lagu arkay fallaagada Xuutiyiinta oo hub sharci darro ah oo Iran laga keenay ugasoo gudbay dhinaca biyaha Soom aaliya.

Warbixin ay soo saareen Janaayo 2022, gudd iga khubarada ee Qaramada Midoobay ayaa shee gay in ay jiraan cadeymo muujinaya in labo shix nad ood oo hub ah oo ay qabteen ciidamada Mar eykan ka ay ka yimaadeen dekedda Jask- Iran.

Warbixintu waxay xustay in hubka laga helay ca dde ymo muujinaya in lagasoo raray kaydka hubka ee da wladda Iran, kuwaas oo lagusoo daa bulay doomaha isaga goosha badda Carbeed, kuwaas oo hubka u qaada Yemen iyo Soomaaliya.

Maxay Tahay Sababta Yuhuuddu Uga Cara rayaan Dalka Ruushka?

Dalka Ruushka, ayaa waxaa isaga cararaya dad aad u tiro badan oo Yuhuud ah, tan iyo markii Ruu shku uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine. Ha y’ad ay leeyihiin dadka Yuhuuddu, ay aa ka caawi say in dad badan oo Yu huudda inay ka tagaan Ruushka, una amba baxaan Israa’iil.

Waxay sheegtay hay’addani in tiro badan oo Ruush ah oo as alkoodu Yahuud yahay ay dalka ka baxeen tan iyo bishii March ee sanadkan. Kuman aan kale ayaa u guuray dalal kale.

Cabsida ay ka qabaan dhibaatooyin horey u dha cay oo taariikhi ah ee ka dhana Yuhuudda, ayaa la rumeysan yahay inay keeneyso qaxa degdega ah, iyo kuwa aan weli bixin, ee ku haminaya inay sidaas sameeyaan. Magaalada Moscow, ayaa waxaa ka socday dadaal weyn oo lagu horumarinayo bulshada Yuh uudda, tan iyo



ADIGUNA ILA ARAG. (GAALADA IYO FIKRADDA AY KA QABAAN NABI MUXAMED CS).

ARAAR.

Adiguna ila arag, Aragtidaadana igu caawi, waa ogahay in aan ahay Qof Aqoon ahaan liito, iigu Cudurdaar, iguna Caawi Aragtidaada si aan uga Faa’iido, marka aad Akhriso Xogtaan aan soo ururiyay.

Diinta Islaamka, Shareecada, Aqoon yahano Gaalo ah iyo kuwo Somali ah. ● Filasoofkii/ Caalimkii weynaa ee Ingriiska George Bernard Shaw "1856 – 1950” ayaa yiri:

(Mustaqbalka waxaa la arki doonaa Dhakhaatiirta oo Daawa ahaan Bukaan ka ugu qoree, Salaadda iyo Soonka Islaamka)( F.S: 1aad)

Dad badan ayaa la yaabanaa waxa uu uga jeedo. Aniguba ma fahmin u jeedadiisa markii aan akhriyay Hadalka Bernard.

Laakin Hadda Laba dhacdo oo aan Akhriyay ayaa i tusinee ula jeedadiisa.

       Markii uu Bilaawday Cudurka Covid 19, ayaa qoraal uu sameeyay Edward Cooper oo Mareykan ahaa waxa uu yiri: Haddii aad dareento Cudurka Covid 19, waxaa dhici karto in Xab uu fadhiyo Sanbabkaaga, sidaa daraadeed Foolka dhulka dhig oo isku qaabeey sida Marka Muslimiintu ey Sujuudayaan.( F.S: 2 & 3aad)

Dhakhtarka, Dr. Yoshinori Ohsumi oo u dhashay Dalka Japan kuna takhasu say "Cell Biology” kuna Guuleystay Billadda Nobel Prize sanadkii 2016, ayaa yiri: (si aad uga badbaado Cudura badan oo ku dhaco Unugyada Jirka, kuwaa oo gudbiyo xanuuno badan, Sida Faafidda Jeermiga iyo Duqoowga Unugyada, waa in aad Soontaa Maalin kasta 14 Saacadood Muddo 15 Cisho ama Hal bil ah). ( F.S: 4aad)

Labaadaa Dhacdo markii aan Akhriyay ayaan Dib ugu noqday Hadalkii Bernardo Shaw, kadibna waxaan Goostay inaan kula wadaago.

Gaaladda kale maxey ka yiriheen Rasuulkeena, Muxamed CSW.

Prof. Raw ayaa yiri: ( Qofka kaliya ee Dunida Buuxiyay Sifada saxda ah ee Hogaamiye waa Muxmadkii Islaamka Hogaminayay). (Ogow isagu Muslim ma aheyn)

Thomas Carlel oo Ingriis ahaa ayaa yiri: (inta Diin Hogaamiso waxaa u weeynaa Muxamed oo lahaa Sifo Dad lagu amaano tan ugu sareeyso).

Mr. Senerstain oo ahaa Swedish oo Gaal kale ahaa ayaa yiri:( inta aan Taariikhda ka akhriyay, Dambi ayaan ka galnay Moxamed haddii aan la sino Qofkale oo Beni Aadam ah ).

Dr. Hanns oo u dhashay Dalka Switzerland ayaa yiri:( Qof wanaag Tusaale u gu Noqon karo, Muxamed ayaa ka jiro)Ogow, Jaamacadda UN ee Shaqaalah eeda lagu baro Hogaaminta kuna taal Magaalada Torino -Italy, Bacdamaa Wadama badan ey ka Shaqeynayaan Shaqaalaha UN-ku. waxaa loo dhigaa Buug la yiraa Hogaamintii Moxamed ” Leadership of Mohamed” waxaana u dhigo khubaro ingiriis ah.

Mr.Golle ayaa yiri: ( Haddaan nahay Reer Yurub, Afkaarta aan Dunida keenay, ma gaareeyso tan Moxamed, Mustaqablkana Qof gaaro lama sugaayo).

Suugaan yahankii Caanka ahaa ee Jarmalka Mr. Van Goethe, ayaa yiri:( inta aan ka Akhriyay, Dunida Sharciyada lagu dhaqmo, Weli ma arkin Sharci ka dhameeystiran Shareecadda Islaamka) ( F.S: 4aad)

FG: Maalin Dhaweyd ayaan ku arkay Baraha Bulshada Rag sheeganayo Aqoonyahano Somaliyeed oo wax laga weeydiiyay ku dhaqanka Shareecadda Islaamka oo ku jawaabay: Maya, Maya, ( I would say no) laguma dhaqmi karo iyo mid kale oo leh, Mareykankuba kuma dhaqmo Shareecada, mana ahan in lagu dhaqmo Shareecada.

Aqoonyahanka sidaa lohoow, idhinkuma heeysto Culuunta xirfadeed ee aad ku takhasusteen sida Dhakhtarnimo ama injeneer iwm. ee Ar Hoogayaal, ka Istaaqfuruleeysta, Shareecada wanaageeda ma taqaanide, Diintana si fiican u barta. F. G: iga sax,Haddii aan ku khaldamay, Aragtideeyda Qoraalka Bilaawga ee Bernardo Shaw ee aheyd, in Dadka Mustaqbalka dhakhaatiirtu ey u qori Doonaan Daawo ah Salaad iyo Soon, waxa uu uga jeeday iyo Labada Dhacdo ee aan arkay kuna fasiray Hadalkiisii, waa sida ey iila muuqatay.

wixii iga khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir



QORSHAHA WAKHTIGA FOG.


Muddo dheer Somalidu waxa ey ku doodeysay in Dhul ey Ethiopia ka eeysato. Haddaba si mustaqbalka fog eyna somalidu u sheegan Dhul dambe, waxaa la qorsheeyay in Dhulka laga sal guuriyo.

Dhul aan dadi jooginna lama sheega karo.

Hore Diridhabe iyo Harar ayaa waxaa la wareegay Oromo, waxa la qorsheeyay in DDS lagu soo fatahiyo Qabaa’il aan somali aheyn, laguna soo koobo Somalida Jigjiga, lana baabiyo jabhadihii Gobanima doonka. Dhalinyaradii Somalidana laga dhigo Liu Police, eyna dagaal ku qaadaan Qabiilka Somalida ee Xuduuda degan, si loo abuuro is naceyb iyo inaan la isku soo gurman haddii Ethiopia soo weerarto oo ey dhaxdooda isku mashquulaan.

in la jaro lana dhimo Biyaha Labada wabi, si Somlidu eyna u yeelan awood dhaqaale. dhinaca kale Gobalka Sitti in laga bara kiciyo Somlida laguna bedelo Cafarta.

mustaqbalka in Ethiopia laga waayo dhul somalida u gaar ah ama dheegaan ey ku badan yihiin.intooda badanna loo soo qixiyo dhinaca JFS.

Iska sug Adaa yaabi doonee

Qore: Yahya Amir



IFTIIMIN: HABRAACA SHARCIGA AH EE LOO MARO MURANADA DOORASHADA DALKA KENYA

Guddoonka Guddiga Doorashada Qaran ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in ma daxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub kadib loolan ilaa gabagabadiisa aad la isku cirbiyay oo dhex maray isaga iyo hoggaa miyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Odinga ayaa ku gacanseyray natiijada isa ga kasoo qaaday wax kama jiraan uusan sahal ku aqbali doonin. Balse ma ahan markii koowa ad oo uu sidan oo kale u diido natiijada. San nadihii 2013 iyo 2017 wuxuu maxkamadda u hordhigay racfaan uu ku dalbanayo in dib-u-eegis lagu sameeyo natiijada – isaga oo sheegtay in looga shubtay.

Haddaba, habraac sidee ah ayaa loo maraa xalinta murannada ka dhasha natiijada doorashooyinka?

Sannadkii 2010-ka, waxaa la meelmariyay xeer cusub oo dhigaya sida iyo tub aha loo maro haddii la isku qabto natiijada doorashada. Waxayna daba-soctay – oo ayna jawaab u ahayd – doorashadii qalalaasaha dhalisay ee dhacday sannad kii 2007 markaas oo in ka badan 1,200 oo qofood ay ku dhinteen.

Rabsadahaas waxaa qeyb ahaan lagu eedeeyey dhinacii loolanka looga adk aaday inay abaabuleen madaama aysan ku qancin go’aankii maxkamadda ee xilligaas.

Xeerkan cusub, ayaa si kastaba, dhisay maxkamad sare oo ka kooban todd obo xubnood kuwaas oo ay shaqadoodu tahay inay xal-waara u helaan soona afjaraan natiijada doorashada.

Waqtigee kama dambeys u ah oo maxkamadda loogu soo gudbin karaa racf aanka?

Kuwa aan aqbalin natiijada ee racfaanka qaata waxaa laga doonaya inay cab ashadooda usoo gudbiyaan maxkamadda sare muddo 7 maalmood ah oo ka dambeysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada.

Maxkamadda ayaa qabata shir ay ku dhan yihiin maqaawiirta ugu sarreysa xisbiyada si loo asteeyo jadwalka dhageysiga tabashada iyo tubaha kale ee loo marayo go’aan gaaridda. Dastuurka ayaana faraya in maxkamadda ugu sarreysa dalka ay ku dhawaaqdo go’aankeeda muddo 14 cisho oo ka bilaabanaysa kolka gal-dacwadeedka kiiska uu gacantooda soo galo. Iyada loo eegayo adkaanshiya ha jadwalka, waxay maxkamaddu soo saartaa natiijooyin hordhac ah oo ku saab san go’aankeeda ilaa marka dambe ay ku dhawaaqdo. Sidee u badan tahay in maxkamddu go’aamiso?

Marka maxkamadda loola yimaado racfaanka iyo diidmaad natiijada doorash ada qaran, waxaa u furan saddex doorasho.

Haddii ay hesho caddaymo ayidi kara in sharci ahaanshiyaha natiijada su’aal la gelin karo, waxay gebi ahaanba laali kartaa natiijada – iyada oo amri karta in doorasho kale lagu qabto muddo 60 cisho ah; ama waxay eeddaynta ku celin kar taa habraacii loo maray ku dhawaaqista natiijada kadibna waxay qaadataa go’ aan tilmaamaya inaysan caddaymo ku filan oo ay ku diido natiijada.

Tan ugu dambeysana waa inay gebi ahaanba aqbasho natiijada haddii ay ogaato in loo maray habraacyadii saxda ahaa.

Si maxkamaddu u gaarto go’aanka, waxaa xusid mudan inay u baahan tahay dib-u-eegis inay ku sameyso codadka la dhiibtay – dibna loo tiriyo.

Maxaa dhacay doorashadii hore?

Maxkamadda ayaa ku gacanseyrtay natiijadii Uhuru Kenyatta ka dhigtay mar labaad in la doorto – iyada oo heshay caddaymo muujinaya in lala leexsaday lag una shubtay natiijada meelo badan oo laga codeeyey.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ogaatay sinnaan la’aan ka jirta habtirinta codadkii la dhiibtay ee loogu codeeyey xildhibaannada qaar iyo midka madaxw eynaha.

Saddex kamid ah garsoorayaashii qaadacay natiijada doorashada ayaa weli jooga maxkmadda – halka horjoogahoodii uu howlgab noqday sannadkii lasoo dhaafay. Waxaana booskiisa beddeshay Martha Koome oo ah haweeneydii koo waad ee jagadaas u qabata Kenya.

Laakiin mid kamid ah garsoorayaasha ugu doodaha kulul ayaa wali ku jira bo oska keydka, halka midkii howlgabka noqdayna booskiisa la buuxiyay.

Markii lagu celiyay doorashadii madaxtinimada bishii October sannadkaas, ki is kale ayaa la geeyey laakiin maxkamadda ayaa laashay – iyada oo ansixisay natiijada; taas oo Uhuru Kenyatta u caleemo saartay mar kale inuu shan sanno kale sii hoggaamiyo dalka Kenya

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

 

MAREYKANKA OO SOO FURTAY DHALLINYARO SOOM AALI MAREYKAN AH OO LAGU HAYEY XARUN KU TAALLA NAIROBI

Waxa ugu weyn oo ay ka cabsadaan dhall inyarada Soomaali Mareykanka ah ee lagu xabisay Xarunta Dhaqan celinta Irshaad, waa qo lalka lagu karantiilo oo ay keli keli ugu jiraan.

Markii ay isku dayaan inay ka dhiidhiyaan xeerka u degsan xarunta ama ay gebi ahaan diidaan, waxaa loo dhaa dhiciyaa qolalkaas ku yaalla dhulka hoostiisa oo leh gidaarro la dulmariyay fiilooyin leh danab koronto oo nool iyo siligyo.

Cabdirizaaq Aaden Axmed, oo ah da’yar Soomaali Ameerikaan ah oo ka yimid magaala da Mechanicsburg ee gobolka Pennsylvania, wuxuu sheegay in waqtigiisa ugu bada, siiba ha beenkii lagu go’doominayey qolalkaas qol ka mid ah, muddadii sideedda bilood ahayd oo uu go’aan aan kiisa ahayn ugu jiray xarunta Irsha ad oo ku taalla xaafadda ay Soomaalidu ku ba dan tahay ee Islii.

Xarunta Irshaad iyo xarumo kale oo lamid ah oo ku yaalla Soomaliya iyo Kenya waxay il ganacsi ka arkeen – inay dhaqanceliyaal aqoon leh isaga dhigaan – waalidiinta Soomaaliyeed ee qadyaanka ka jooga barbaarinta iyo tarbiy ada ilmahooda qaar oo ay daroogadu dilootay, maskax ahaan jiran, caaqyaal ah kana tagay dhaqankii Soomaaliga.

Cabdirizaaq hooyadiis oo inankeedu qabti may isticmaalka xashiishka Marijuana waxay sheegtay inay bil walba ku bixiso lacag dhan $600 wax ay xaruntu kula balantay oo ah in wiil keedu kaga caafimaadi doono cabidda iyo qab tinka maandooriyaha.

Laakiin xaqiiqadu way kasii warwar badan tahay intaas.

Cabdirizaaq wuxuu sheegay in gudaha qola lkaas gudcurka ah uu dharbaaxi jiray nin uu ku sheegay Cherad Abubakar oo kormeere guud ka ah xarunta kuna daadiyay kaadi iyo biyo qa bow si uu u dhadhamiyo ciqaab uga timid sababtii uu aayado qur’anka kamid ah u xifdin waayay.

Cabdirizaaq oo 18 jir ah, waxaa looga tagay qolka isaga oo qaawan – qarqaryoonaya – wax gogol ahna aan loo dhigin.

"Waa i jirdilayeen,” ayuu yiri.

Bishii April, booliska Kenya ayaa howlgal ay ka fuliyeen xarunta Irshad kusoo badbaadiyay Cab dirizaaq iyo shan kale oo Soomaali Mareykan ah iyo kuwa kale oo UK, Canada iyo Holland ka soo jeeda.

Safaaradaha Holland iyo Maraykanka ee Nairobi ayaa dib ugu celiyay muwaadiniintooda dalalkii laga keenay.

Xaruntu waxay kamid tahay dhowr xarumod oo safaaradda Maraykanka ay kasoo furatay muwaadiniin da’yar ah kuwaas oo ka furan gu daha Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ay ku warramayaan dad horay ugu jiray xarunta, shaqaale hore oo usoo shaqeey ey, diblomaasiyiinta Maraykan ah, geyfanayaal xuquuqda aadanaha u dooda iyo booliska Kenya, Irshaad iyo xarumo kale oo dhaqancelin ah wax yar ayay ka fiican yihiin xabsiyada caa diga ah, waxaana lagu jirdilaa looga xayuubi yaa xurriyadda gaarka ah da’yar badan oo kusoo barbaaray Maraykanka iyo Yurub.

"Xarumahani ujeedkoodu waa inay lacag hel aan,” ayuu yiri Robyn Luffman oo ka howl gala safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Safaaraddu waxay sheegtay inay jiraan 4 xar umood oo sharciyaysan kuwaas oo ka howlga la Kenya oo labo kamid ah ay boolisku holwgal ka sameeyeen sannadkii 2017-ka.

Afhayeenka Guddiga Qaran ee Ololaha Ka-dhanka ah Maandooriyaha ee Kenya oo si dhow ula socota xarumaha dhaqancelinta ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo eedeyma ha loo jeediyay Irshad.

Xarumo badan oo dhaqancelin ah ayaa ka furan Soomaaliya – iyaga oo aan wax badan ay san kala soconin dowladda dhexe, marka lo eego diblomaasiyiinta iyo geyfanaal xuquuqda aadanaha u dooda.

"Boqollaal ayaa ku jira xarumahaas – mana sheegi karno tirada saxda ah,” ayuu yiri Guul eed Axmed Jaamac oo ah garyaqaan xuquuq da aadanaha oo Soomaali ah.

Burburkii dalka ayaa la yimid in Soomaali badan ay u dhoofaan Yurub iyo Maraykanka, carrur badan ayaana ku dhashay dhulkaas oo dhaqankii wacnaa iyo barashada diinta aan si fiican uga haqabeelin. Mana ka baxaan ilmuhu talada waalidkooda ilaa ay ka guursadaan oo ay ka noqdaan qoys gaar u degan. In badanna, waxaa duufsada nolosha ka-dhacda ah ee ka jirta jidadka qaar – iyaga oo la saaxiiba tuugada hubeysan – qabatimana isticmaalka darooga da.

Tani waxay ku kaliftaa waalidiin badan inay ilmahooda ula soo baxsadaan Afrika. Bartilma ameedka ugu weynna waa Kenya iyo Sooma aliya.

Qaar badan ayaa geeya deegaannadooda si ay afka iyo dhaqanka usoo baraan; in kale-na, waxay usoo wadaan xarumaha dhaqancelinta kuwaas oo u sameeya balamo aan dhab u hi rgelin inta badan.

"Waxaan aragnay kiisas badan oo waalidka dhibanayaasha aysan fikrad ka haysan xaalada ha ayna naxaan marka ay maqlaan xadguduby ada jir, maskax iyo galmo ee lagula kaco caruu rtooda,” waxaa sidaas yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa soo saartay diginin ah in xarumaha nooca as ah "ayan haysan shatiyo ay ku howlgalaan ama aysan jirin korjoogteyn lagu

Xigasho:-caasimadda.net

SADDEX CASHIR OO LAGA BARTAY DIB U SOO CELIN TA DARAJADII CIIDANIMO EE SAADAQ JOON

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo ugu soo celiyey General Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooya da Soomaaliya ayaa sarkaalka an oo hadda xildhibaan ah wu xuu dib ugu helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.

Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gob olka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse mada xweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sar kaalkaan.

Hal sano iyo 3 bilood kadib, Saadaq Joon hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacab ka ee baarlamanka Soomaaliya, wuxuu qeyb ka noqday isbadalkii lagu bixiyey Farmaajo, wu xuuna dib u helay darajadiisii ciidanimada iyo xuquuqdiisii.Haddaba maxaa laga baran karaa dhacdada an?

1- Macnaha go’aanada xilliga adag

Inaad waqti adag u bareerto diidmada tallaabo sharci darro ah oo ay madaxdaadu ku dhaqa aqday ma ahan mid sahlan, waxaad quureysaa naftaada, xilkaaga iyo aqbalidda wax walba oo falcelin ah oo ka dhasha arrintaasi.

Laakiin sida diiwaanka ku xusan, dad badan oo iska diiday inay madaxda u qasbaan shacab ka waxay ka dhaxleen sharaf iyo maamuus da mbe.

Saadaq Joon wuxuu ku biiray kuwa haysta diiwaankaas wanaagsan, wuxuuna tusaale u noqon doonaa saraakiil badan oo laga yaabo in ay ku timaado xaaladaan oo kale.

2- Inusuan mas’uul dambe u bareerin darajo ka xayuubin daneysi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu darajada ka xayuubiyey dhowr sarkaal oo ka biyo diiday in ay rabitaan shaqsi ah meel mariyaan, waxay u aheyd mid ka mid ah ciqaabadaha ugu waaw eyn oo ay kula kacaan saraakiisha.

Inay Shalay billaabatay darajo usoo celinta sa raakiishaas, waxay farriin u tahay mas’uul wal ba oo isku daya inuu askarta qab jabiyo.

Hoggaamiye kasta oo taga Villa Somalia oo isku daya inuu dabaqo dhaqanka darajo ka xay uubinta siyaasadeysan, waxaa Shalay usii saw iran inuu sarkaalku berri dib u heli doono daraj adiisa, waxaana la aaminsan yahay in madax du aysan waqti dambe isaga lumin doonin arr intaan.

3- Difaaca sharciga

Tallaabadii uu madaxweyne Xasan Sheekh dib garaadishiisa ugu soo celiyey General Saa daq Joon waxay ka dhigan tahay in la difaacay sharciga dalka oo xaaraantinimeynayo in mada xda dantooda shaqsiga ah u isticmaalaan awoo dda dowladeed ee lagu aaminay.

Sidoo kale, waxay dhiiragelin u tahay askar ta kale ee berri la kulmi kara xaaladaan oo kale. Talaabada uu madaxweynaha qaaday oo si weyn loo bogaadiyey waxaa dhinaca kale bar bar socota waydiin la xiriirta xaaladda General Cabdalla Cabdalla oo ah qofkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajadiisa kadib markii uu maxkamadda ciidamada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shab aab.Dad badan ayaa madaxweyne Xasan She ekh ugu baaqay inuu sidoo kale General C/lla Ca bdalla usoo celiyo darajadiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip