Natiijada imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyey + 10 arday ee ugu sarreysa

0
Tuesday August 16, 2022 - 12:58:27 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyey + 10 arday ee ugu sarreysa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2021 illaa 2022-ka.

Imtixaankan oo ahaa mid qaran ayaa waxaa u fariisatay illaa 33,468 oo arday, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, waxaana munaasabadda ku dhowaaqista goobjoog ahaa wasiirka cusub ee wasaaraddaas Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada ayaa warbixinteeda ku shaacisay inay jiraan illaa 1,001 Arday oo aan u fariisan imtixaanaadka, ama aan gelin.

Natiijada ayaa sidoo kale lagu sheegay in ardayda baastay ay gaarayaan illaa 32,325 arday oo u dhiganta 97%, tiradaas oo aad uga badan markii la barbar-dhigo tii sanadkii hore.

Waxay sidoo kale wasaaraddu natiijada ay shaacisay ku sheegtay inay imtixaankaan ay ku dhaceen 1143 arday oo u dhiganta 3%, waana tiro iyana aad uga hooseysa ardayda sanadkii la soo dhaafay ku dhacday imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Kun ka mid ah ardayda dhacday ayaa imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen maamul goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada la shaaciyey imtixaanka dugsiga sare.

1-Khaalid Cabdullaahi Maxamuud Nuur Gobolka Banaadir

2-Xuseen Axmed Xasan Gobolka Banaadir

3-Faadumo Ibraahim Cabdullaahi Gobolka Banaadir

4-Shukri Faarax Ibraahim HirShabelle

5-Huda Cabdullaahi Cabdi Gobolka Banaadir

6-Cabdirisaaq Maxamed Cumar Koonfur Galbeed

7-Naciimo Axmed Maxamed Gobolka Banaadir

8-Maxamed Cabdiweli Maxamed Jubbaland

9-Axmed Cabdiraxmaan Axmed Galmudug

10-Maxamuud Xasan Cali Gobolka Banaadir

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip