HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA AGOOSTO 2022-KA

0
Tuesday August 16, 2022 - 08:56:40 in Wararka by
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA AGOOSTO 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxda DF oo ka hadlay doorashada Kenya iyo guusha William Ruto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qoraallo ka soo saaray doorashada Kenya oo Shalay la shaaciyey natiijadeeda rasmiga ah, waxayna balan qaadeen inay iskaashiga labada dal kala shaqey doonaan madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Ugu horeyn Madaxweyne Xa san Sheekh ayaa qoraalkiisa ku yiri, "Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxw eynaha la doortay ee William Ruto, isagoo noq day Madaxweynihii 5-aad ee Kenya, marka aad bilawdo shaqadaada Madaxtooyada Kenya, wax aan rajeynayaa inaan si dhow idiinla shaqeeyo, si aan u horumarino iskaashigayada faa’iidooyinka u leh labada dal.”

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xa mza Cabdi Barre ayaa qoraalkaan uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku yiri, "Waxaan u hamba lyeynayaa Madaxweyne William Ruto, oo loo doo rtay madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Ke nya. Gabagabada taariikhiga ah ee geedi socod kan ayaa marag u ah hogaamintaada. Xiriirka ka dhexeeya dadkeenna waa mid xooggan. Waxaan rajaynayaa in aan dhinacyo badan kaala shaq eeyo.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna qoraal ka soo sa aray doorashada kenya ayaa yiri, "Waxaan dham baal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la door tay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachag ua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtin imo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni.”

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeen kii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay ho ggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen nati ijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 Mil yan oo u dhiganta 50.49%, halka uu Mushara xii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawaaqay gudd oomiyaha guddiga doorashooyinka Wafula Chebukati.

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhi masho ka dhacday kaniisad ku taalla…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliyda, ayaa soo saartay qoraal, ay uga tacsiyeynayso dowladda Masar, dhimasho ka dhacday kaniisad ku taalla Masar, oo uu dab qabsadey Dorraad.

Qoraalka kasoo baxay wasaa radda ayaa lagu sheegay dowlad da Soomaaliya ay murugadad la qeybsaneyso dowadda Masar iyo shacabkeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaal iya ayaa caafimaad deg deg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay kaniisada. Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dabka ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda,isagoo saba bay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah. Waxay wararku intaa ku darayaan in inta bad an dadka ku dhintay ay carruur ahaayen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas. Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee saba bay dabkaas.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda wasaar adda kasoo

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Darajadii Ciid animo U Soo Ceeliyay Saadaq Joon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarr eeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhamm aan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku la haa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qod obbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaali yeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay mu hiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqr aadiyad eed iyo ilaa linta sharciga dalka.

"Sarreeye Gu uto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo Shalay oo aan saxiixay xeerkan Mad axweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xu quuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iya doo xeer kani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isn iin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah mar ka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriya dda Fede raalka Soomaaliya.

R/W XAMZA oo shaaciyey halis soo wajah day dhismaha laamiga Xamar iyo Jowhar

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Md. Xamza Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xir ta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran.

Xamza Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha ji dka dheer ee isku xira magaaloo yinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisul wasaaraha ay aa sabab ta wuxuu ku she egay inay la xiri irto amn iga waddadaasi, wux uuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laami gaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhism aha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho.

"Balcad meeqay jirtaa? 28 KM meelahaas, Ji dkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay, Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis,” ayuu yi ri ra’iisul wasaaruhu.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad.

"Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu sii raacuyey Xamza Cabdi Barre.

Hadalkaan ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaal iya wuxuu ka sheegay munaasabad lagu taageerayey oo ay Beesha Mudulood Dorraad ku qaba tay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jamaac, ayaa xilalka u kala wareejiye wasiirkii hore ee Wasaaradda gargaarka iyo Wasiir-dowla ha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha munaasabad ku qabsoomtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Garg aaka iyo masiibooyinka ayaa hore u ahayd was aaradd.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Wasiirkii hore Gargaar ka iyo Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay taasi oo hoos imaanaysa Xafiiska Wasiirru-dowlaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaam ay in masiibooyinku yihiin wax laga ducaysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaar garoobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masii booyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mah ad celiyey Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, shaq adii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaaminaysay, isagoo Wasiiru-dawlaha Alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabi lay Safiirka Dowladda Imaaraatka u fadhiya Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Ima araadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageeridda Dow ladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay sii xoojin doonan xiriirka labada dal.

Dhankiisa safiirka Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey soo dhaw aynta qiimaha badan, isagoo sheegay in Dowlad da Imaaraadka Carabta iyo hogaankeeduba ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ka taageeraan dhi nacyo kala duwan sida, gurmadka abaaraha, amn iga, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhambaal Laga Siday Xasan Sheekh Oo La Ga arsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurm adka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaash iga Islaamka Md. Xuse en Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada Mu dane oo ka dhacay xar unta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la eg yahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habb oon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saam aynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaal iyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiir ada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Isl amabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaab ooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaa shii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, wa xa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajand ayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaa liya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.

Wasiir Muqtaar Rooboow oo la kulmay qaar kamid ah Cullimada ku sugan Muqdisho

Wasiirka Awqaafta iyo Arr. Diinta Soomaliya Sheelh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wa siir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa kulan la qaatay qeybaha kala du wan ee Culi mada Sooma aliy eed.

Inta uu socday ku lanka waxaa talooyin waxtar leh looga dha geystay culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka co dsaday Culimada So omaa liyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro yoolalka bulsh adeena, iyadoo sare loo qaadayo Barashada Diinta Islaamka iyo Fidinteedaba.

Matalaayasha Culimada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay kulanka ayaa balanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaaradda.

Kulanka waxaa kasoo muuqday Cullimo ka mid ah Ahlusunna, kuwaas oo Muqtaar Rooboow ka hor inta uusan kusoo biirin dowladda Sooma aliya uu ka aaminsanaa inay yihiin kuwa aan Diinta Islaamka ku Shaqeyn.

Munaasabad Ay Ka Qayb-Galeen Mas’uuliyii nta Ugu Sarreysa Galmudug Oo Lagu Qabt ay Cadaado

Mas’uuliyiinta ugu sarreysay Maamulka Gal mududug ayaaa ka qayb galay muna asabad si heer-sare ah loo soo agaasi may oo ka dhacday Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Mas’uuliyiinta ka qaybgashay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi kaariye, madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlama anka Galmudug, labada gole ee Galmudug, ma amulada gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo gudoomiyayaasha qaar ee degmooyinka Gal mudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay shacabka iyo maamulka degmada Cadaa do oo soo agaa simay muna asabadda 14 Agoosto oo ku bee gan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la maamulkaasi la dhisay

Puntland oo ka laabatay go’aankii ay ku ma mnuucday iibinta manhajka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay masuuliy iinta Wa saaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabac aada manhajka Wax barashada Dugsiyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin ku saabsan Manhajka Punt land kaga dhageystay wasaarada waxbarasha da iyo tacliinta sare, aya da oo fallanqeyn dheer kadib dib u eegis lagu sa meeyay qii maha buugaagta iyo sidii cul eyska looga yareyn lahaa waalidka.

Waxaa la isla qaatay in dib loo fasaxo iibinta buugaagta manhajka waxbara shada dugsiyada sare ee Puntland, islamarkaana in qiimaha buugta dugsiga sare laga dhigo sad dex dollar.

Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay kula nka oo dhameystiran;

1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buugg aagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macq uul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daa bacaada iyo ka shaqeynta. Maad aama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.

2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.

3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $2 Dollar oo u dhiganta $1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland la ga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.

4. Waxaa Shalay dib loo fasaxay iibinta Buu ggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiy ada sare ee Puntland.

"Sidaa darteed kharashka $5 doollar ee daa ba cada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meel ood, $2 oo u dhiganta $1Million Dowladda ayaa bi xinaysa, $3 waxaa lagu iibinaya buug aagta ma nhajka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya labo ma alin kadib markii uu madaxweynaha Puntl and Saciid Cabdullaahi Deni joojiyay iibinta Manhajka dugsiyada dowlad gobole edkaas, kaasi oo caba sho xoogan ka keeneen waalidi inta dhalay Ardeyda.

Madaxweyne Farmaajo oo QORAAL deg deg ah kasoo saaray doorashada KENYA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo deg deg ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, kadib markii Shalay lagu

dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doora shada.

Farmaajo ayaa ‘nabad, horumar iyo xasillo oni’ u rajeeyey hoggaaminta Kenya ee William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Ga chagua oo Shalay guddiga doorashooyinka dalkaas ay shaaciyeen inay ku guuleysteen doorashada.

"Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Mada xweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Md. William Samoei Ruto iyo Ku-xige enkiisa Md. Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorasho oyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasill ooni,” ayuu ku yiri qoraalkaan uu soo saaray Farmaajo.

Waxa xusid mudan in Farmaajo uu dagaal culus oo siyaasadeed la galay Kenya, ugu yaraan seddaxdii sano ee ugu dambeysay xukunkiisii Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Max amed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxwey nihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, labaduba waxay xafiisyada baneeyeen iyagoo dagaash an oo ku kala tegay siyaasadda, sanado bada na aan yeelan wax cilaaqaad ah.

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xige enkii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay hoggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga door ashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorash ada ay diideen natiijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 milyan oo u dhiganta 50.49%, halka uu musha raxii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawa aqay guddoomiyaha guddiga doorash ooyinka Wafula Chebukati.

Maamulka Koonfur Galbeed oo abaabul dag aal ka bilaabay degaano kamid ah Gobolka Baay

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxa med Ibraahim Biano, Tali yaha Ciidanka Daraawi ishta ayaa gaaray degm ada Bardaale ee Gobo lka Baay.

Wafdigaan ayaa waxaa deg mada Bardaale ku soo dhawe eyay Maamulka Degmada iyo Saraakii sha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmadaas, waxaana ujeedada Saf arka uu yahay u kuur galida Xaladda Guud ee De gma da iyo Diinwan gelinta Ciidanka Daraashiista KG ee kusugan Berdaale.

Xubnaha wafdiga ayaa kala hadli doona sara akiisha Ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada hoost aga degmada Bardaale.

Degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa wax aa hdowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Cii damada dowladda iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, iyada oo dhinaca kale ciidam ada dowladda ay howlgallo fuliyaan.baxday oo ku qoran luuqadda Carabiga


Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Gur yihii ay gubeen Al-Shabaab & howlgallada socda

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleed ka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dab ageed) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay guryihii ay deganaayeen iyo Ceelkii Biyaha ay ka cabay een ay ka gubeen dad Shacab ah oo markii hore he ysatay dhibaato ka dhalatay abaarta kuwaas oo kunool gobolka Hiiraan.

Yuusuf dabageed oo Shalay tegay degmada Buulo-Burde ee goolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatadii ay Al-Shabaab u geysteen dadka Shacabka ah ay ka dhasheen in Shacabkii ay hub ka qaataan, isla markaana ay kula dagaalamaan degaano katirsan gobolka Hiiraan.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed id kasta oo oo wax heysata inay u soo gurmadaan dadka Shacabka ee dhibaatoo yinka kala duwan ku heysata degaannada gobolka Hiiraan gaar ah aan kuwa hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dow ladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen maleeshiya adka macawiisleeyda waxaa ay howlgallo kala u wan ka wadaan degaano katir san gobolka Hii raan, halkaas oo dhawaan Al-Shabaab ay ku gub een guryo ay daganaayeen dad Shacab ah.

Golihii degaanka degmada Bardaale oo la kala diray

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Gobo leedka Koonfur Galbeed ayaa Shalay oo Isniin ah kala dirtey Golaha deg aanka Degmada Berdaa le ee Gobolka Baay oo mudo xileedkoodii dhama adey Bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 .

Kadib Kulan Shalay Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay degmada bardaale kula yeesheen Golaha degaanka ayay ku wargeliyeen in la kala diray, isla markaana dhawaan golle degaan oo kale la sameyn doono.

Qoraal kazoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arr imaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan oo la ogeysiiy ay guddoomiyaha Gobolka Baay, Agaasimaha gu ud ee Wasaaradda, Odayaasha iyo Nabaddoona da degmada ayaa lagu sheegay in muddo xil eedka golaha degaanka degmada Bardaale oo ahaa Afar sano uu dhamaaday, isla markaana la guda geli doono dib u doorashada golaha dega anka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Degmada ay si KMG ah u maamuli doonaan Go laha fulinta oo kala ah guddoomiyaha degmada, kuxigeenkiisa iyo Xoghayaha degmada, sidoo kalena Golaha degaanka degmada Bardaale lagu soo dhameystiri doono muddo bil gudahood ah.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo maga caabis sameeyay

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Mudane Axmed Sheekh Nuur Cabdi ( Cirro) u Magacaabay Wasiirka

Wasaaradda Reer Miyiga isagoo sidoo kale Mudane Axmed Maxam ed Tuuryare u Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda.

Ciidamada Ammaanka Jowhar Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Qaraxyo

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo la diy aariyay oo Habeen hore lagu aasay mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidanka ay aa sheegay in ay qara xa ay qabteen uuu ahaa miinad dhulka lagu aaso, taasi oo sida ay sheegeen la dhigay qeybo ka mid ah Xaafada Horseed ee magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Dadka ku nool xaafadda Qaraxa lagu arkay ay aa isaga baxay xaafadaha, iyagoo ka cabsi qabay inuu sameeyo qaraxaasi oo lagu arkay xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa wada qorshe ay doonayaan in lagu qarxiyo Qaraxaasi ay gacanta ku dhigeen, waxaana goobta loo diidayaa dadka shacabka ah ee ka ag-dhaw halka qaraxu yaallo.

Wali laamaha ammaanka Magaalada Jowhar ka ma aysan warbixin cidda la oonayay in lagu bar tilmaameedsado Miinadaasi.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hshabeelle maalmihii ugu dambeey ay waxaa kusoo badanayay falalka amini darro oo ay ka mid yihiin qaraxyada, waxaana laamaha am maanku ay sheegeen in ay sameyndoonaan baa ritaanno Culus o oak dhan ah falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca Magaalada Jowhar iyo degaanada ku dhaw.

Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay dile en 14 dagaalame iyo horjoogahooda oo kati rsan Alshabaab

Ugu yaraan 14 ka tirsan Alshabaab oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaa bo Maxamed Weheliye Waasuge, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada So omaaliya ka sameeye en agagaarka degmada Maxaas ee G/Hiiraan.

Sida uu warbaahinta ku hadasha afka dowla dda u sheegay taliyaha ciidamada dhulka ee xoo gga dalka, howgalka ayaa intii uu socday waxay cii damada dowladda kusoo furteen hub iyo ras aas badan

Warar aan helnay waxay sheegayaan in ciid amada xoogga dalka Soomaaliya ay caawin ka heleen weerar duqayn ah oo uu Maraykanku uu ku dilay 13 xubnood oo ka tirsan Shabaabka ku sugan Hiiraan. Waa duqayntii afaraad oo Mara ykanku uu ka geysto Soomaaliya muddo maalmo ah gudaheed. Ma jiro wax war ah oo ka soo ba xay Mareykanka oo ku aadan duqeyntan.

Maraykanku duqayntii hore wuxuu sheegay inuu ku dilay afar xubnood oo katirsan ururka Alshaba ab.Tan iyo markii Alshabaab weerareen Itoobiya, Maraykanka waxa uu kordhiyay dhaqdhaqaaqyad iisa milatari ee ka dhanka ah Alshabaab. Gaar ah aan gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii u gu dambeeyay shabaab ka wadeen dhaqdhaqaaq xoog leh

laammaha Amniga Magaalada Jigjiga oo gac anta ku dhigay Nin dil geystay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Xaafada 17aad ee magaalada Jigjiga uu ka dhacay dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaaciil.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in di lka Ninka loo adeegsaday masaar ama Faas, oo looga dhuftay qeybaha Sare ee jirkiisa, isla mar kaana Hay’adaha Amniga Magaalada jigjiga ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka gaystay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ninka la dilay iyo kan wax dilay uu soo kala dhex-galay khilaaf sabab ay gacan ka hadal kaas oo ugu dambeyn keenay in mid kamid ah ragga Masaar lagu dilo.

Ciidamada Ammanka dowlad degaanka Soo maalida ee Magaalada Jigjiga ayaa wada baarita ano la xiriira sababaha keenay in labada raga ah ay dagaalamaan, waxaana Ninka dilka geystay ee la qabtay la geeyay Saldhiga Boliska ee M/Jigjiga.

Ninka la dilay ayaa ahaa Soomaali ka shaqee ya dhismaha guryaha, halka wararka qaar ay she egayaan in ninka loo haysto dilka marxuumkaasi in maskaxiyan uusan caafimaad qabin oo uu xan uunsan yahay, hayeeshee baaritaan uu ku socdo.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka ayaa aad ugu yar M/jigjiga & degaannada hoostaga, hayeeshee dhulka kale ee degaanka Soomaalida ayaa wax aa ka socda xasuuq ay maleeshiyaadka canfarta u geeysanayaan Shacabka Soomaalida ah.

Fatahaado dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Sudan.

Sawirro ay daabacday warbaahinta dowladda Sudan, ayaa muujinaya guryo badan oo dumay, ama ay hoostooda biyo galeen.

In ka badan 7,000 oo guri, ayaa roobabka dabey laha wata ay waxyeello gaarsiiyeen.

Waxaa qaar badan oo ka mid ah dadka uu saameeyay ay ka codsadeen maamulka inay si deg deg ah gargaar loola soo gaaro, iya goo shee gay inay bannaanka seex anayaan.

Afhayeen u hadlay Gola ha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah, General Abdul-Jalil Abdul-Rahman, ayaa u sheegay TV-ga Qar anka in qaar kamid ah dhibanayaasha ay ku qara qmeen daadadka, halka qaar kalena ay ku dhin teen guryahooda.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinima da ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in in ka badan 136,000 oo qof ay saameeyeen fatahaa daha, tan iyo bishii May, iyadoo xaaladaha wad dooyinka oo liita ay adkeynayaan in gargaarka la gaarsiiyo meelaha qaar.

Dadka ku dhaqan Bariga Afrika, ayaa waxay sanadkan la kulmeen xaalado cimilo oo aad u daran, laga soo bilaabo abaaro ba’an iyo roob la’a an xili dheer ah iyo fatahaado.


William Ruto oo loo doortay madaxweynaha dalka Kenya

William Ruto ayaa lagu dhawaaqay in uu ku g uuleystay doorashada madaxtinimo ee waddanka Kenya daqiiqado ka dib markii ay rabshado ka dhaceen goobta looga dhawaaqayay natiijada doorashada ee magaalada Nairobi.

Mr Ruto oo ahaa mad axweyne ku xigeenka Ke nya, ayaa doorashadan kaga guulaystay hogg aamiyaha mucaaradka Raila Odinga kadib markii uu helay 50.49% codadkii la dhiibtay.

Waa markii ugu horeysay ee Mr Ruto oo 55 jir ah uu isu soo taago xilka madaxtinimada. Waxa uu soo ahaa madaxweyne ku xigeen muddo 10 sano ah, balse waxay isku dhaceen madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Mr Odinga ku taageeray inuu xilka kala wareego.

Dhinaca kale, afar ka mid ah todobada xubnood ee gu ddiga doorashada ayaa dii day in ay taageeraan ku dha waaqista doorashada,Iyago sheegay in natiijada ay tahay mid aan muuqan.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa isna diiday inuu kasoo qeyb galo goobta looga dhawa aqayay natiijada doorashada, sida uu sheegay madaxa ololihiisa doorashada, Saitabao Ole Kan chory oo qabtay shir jaraa’id degdeg ah.

Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaraadka Kenya ayaa billaabay rabshado ka dhan ah natiij ada doorashada, iyagoo aaminsan inay dhacday codad kala shubasho.

Guddiga doorashada ee Kenya oo laba u kala jabay

Afar xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada dalka Kenya oo shir jaraa’id oo lama filaan ku qa btay hotelka Serena ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inaysan qaadan doonin lahaanshaha nat iijada uu ku dhawaaqi doono guddoomiye Wafula Chebukati. Xubnaha guddiga

oo ay ka mid yihiin gud doom iye ku xigeenka Jul iana Cherera, kom ish anka Francis Wan deri, Irene Masit iyo Justus Nyang’aya ayaa si cad u sheegay in natiijada door aahada ay ku timid qaab mugdi ah.

Xubnaha guddiga ayaa diiday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta ay u diidan yi hiin natiijada doorashada ee la filayo in saaca daha soo socdo lagu dhawaaqo.

"Ma joogno Bomas sababtoo ah ma qaadan ka rno lahaanshaha natiijooyinka lagu dhawaaqi doo no,” ayey tiri Ms Cherera.

Go’aanka kasoo baxay qaar kamid ah guddiga doorashada dalka Kenya ayaa kusoo aadeyso iya doo uu Raila Odinga diiday inay kasoo qeybgalo xafladda looga dhawaaqayo natiijada doora shada.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan in uu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta.

Madaxa ololaha Raila Odinga, Saitabao Ka nchory ayaa sheegay in kooxdiisa ay awoodi waa yeen inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada, si daas darteedna aysan weydiisan doonin mushar xooda inuu yimaado xarunta.

Musharax dood ka keenay natiijadii lagu dhow aaqi lahaa ee doorashada Kenya

Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhowaaqista na tiijada doorashada madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii muran cusub ay ka keeneen kooxda musharax Raila Odinga.

Guddiga doorashada ayaa lagu waday inay natiijada ku dhowaaqaan 3:00 PM ee xilliga Bar iga Afrika, hase yeeshee kooxda Odinga ayaa diid an inay yimaadaan xarunta nat iijada looga dhowa aqayo ee Kenyatta International Convent ion Centre ee M/ Nairobi.

Madaxa ololaha Rai la Odin ga, Saitabao Kan chory ayaa sheegay in kooxdi isa ay awoo di waayeen inay xaqiijiyaan qa ar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan we ydii san doonin musharaxooda inuu yimaado xarunta.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto, oo natiijooyin aan rasmi aheyn ay muujinayaan in uu ku horreeyo loolanka, ayaa goor hore tegay xarunta. Saitabao Kanchory oo shir jaraa’id qa btay ayaa sheegay inay jiraan khiyaanooyin ka dhacay doorashada, balse ma uusan faah-faahin.

Niyadjab weyn ayaa laga dareemay xarunta Ken yatta International Convention Centre kadib war kii kasoo baxay kooxda Odinga, waxaana hadda jirta cabsi ah in natiijada lagu dhowaaqi waayo isla Shalay, ama ay saacado kale dib usii dhacdo.

Dadka qaar ayaa dulqaadka ka dhammaaday, waxaana kuwa ay ku jiraan xildhibaano ay billa abeen inay xarunta isaga tagaan.

Qasab ma ahan in musharaxiinta ay joogaan xarunta looga dhowaaqayo natiijada, hase yee shee marka la eego rabshadihii horey uga dhacay doorashooyinka, way adag tahay in guddiga ay ku dhowaaqaan natiijada ayada oo musharaxiinta aysan raali ku wada ahyn.

Haddii Raila Odinga looga guuleysto doorasha dan, waxay noqon doontaa markii shanaad ee la ga adkaado, waxayna u badan tahay inuusan mar kale is-sharxi doonin maadaama uu yahay 77 jir.

Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Oo Jeedi yay Khudbaddiisii Ugu Horreysay

Gudoomiyaha guddiga doorashada dalka Ke nya Wafula Chibukati ayaa shaaciyay in doorash adii madaxwaynanimada dalka Kenya uu ku guuleystay William Ruto.

Ruto ayaa helay 50.49% codadkii la dhiibtay, sida uu gudoomiyaha sheegay.

Gudoomiyaha ayaa natiijadan shaaciyay xilli ay kala qeybsan yihiin xubnaha guddiga.

Afar xubnood oo guddiga ka tirsan oo ay hogaaminaysay gud oomiya ku xigeenka ayaa shee gay in aysan qeyb ka ahayn natiijada uu gudoomi yaha ku dhawaaqo.

Raila Odinga oo ah musharaxii sida aadka ah ula tartamayay ayaan goobta looga dhawaaqayay natiijada imaanin.

Madaxwaynaha la doortay ee William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay.

"Waa maqribnimo cajiib ah waxaa ay awood oo dhan u sugnaatay dadka Kenya, Waxaan u ma hadcelinayaa allihii na soo gaadhsiiyay goobta aan Shalay joogno” ayuu khudbadiisa ku yiri.

WAA KUMA MADAXWAYNAHA CUSUB EE LOO DOORTAY DALKA KENYA?

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Sa moei Ru to uu ku guuleystay doorashada mad axwenaha ee Kenya. Wuxuu helay boqolkiiba 50.4% codad kii la dhiibtay, Wuxuu ka adkaaday Raila odinga oo helay boqolkiiba 48.8%.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa she egay in William Ruto uu yahay madaxweyn aha cusub ee lasoo doortay ee Kenya.

Ruto oo guushiisa ka hadlay ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u su gnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa.

Haddaba waa kuma William Ruto?

Wuxuu sanadkii 1966-dii ku dhashay deegaa nka Sugoi oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Ruto wuxuu kusoo koray nolol adag xitaa wuxuu iskuulka aadi jiray isaga oo kaba la’aan ah. Kab uu lugtiisageliyana waxaa ugu horreysay da’da 15.

Wuxuu waddooyinka de egaan miyi ah oo ku yaa lla Rift Valley ku iibin ji ray digaagta iyo lowska, Ruto wuxuu mar kasta sheegaa in uu yahay nin nolosha meel hoose kasoo billaabay.

Ruto wuxuu halqabsi ka dhigtay "nin xoogsata ah”, isagoo sheegay in uu la dagaallamayo waxa uu u arko qoysaska horey u heystay awoodda Ke nya sida – Kenyatta iyo Odinga – oo doonaya in ay xukunka u sii hayaan.

Wuxuu siyaasadda Kenya kusoo biiray sanad kii 1992, wuxuu sheegay in macalinkiisa siyaasad da uu ahaa Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Mr Ruto wuxuu xubin firfircoon ka ahaa garab kii dhallinyarada xisbigii Kanu ee Moi, wuxuu si doo kale kamid ahaa dadkii loo xil saaray ololihii loogu codeynayay in Kenya ay axsaab badan yeelato sanadkii 1992.

Waa nin aftahan oo awood leh kaas oo si we yn usoo jiita quluubta dadka ka qeybgala isu soo baxyadiisa siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa inuu si wanaagsan ayuu hadallada usoo gudbiya marka uu wareysi siinayo warbaahinta.

Wuxuu sanadkii 1990 shahaadada koowaad ee culuumta seyniska ka qaatay jaamacadda Nairobi, wuxuu markii dambe shahaadada labaad iyo midda PHD ka qaatay isla jaamacadda Nai robi.

Waxaa sanadkii 1997 loo soo doortay xildhiba an ka tirsan baarlamaanka Kenya, waxaa laga soo doortay Waqooyiga Eldoret, xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay dowladda Kenya, waxaana u gu muhimsanaa in mar noqday wasiirkii waxbara shada iyo wasiirka tacliinta sare.

Ruto wuxuu durbaba ug gudbay jagada Madax weyne ku xigeenka Kenya sanadkii 2013-kii, mud do 10 sano ah ayuu madaxweyne ku xigeen aha .

Ruto wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii hor tagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib markii lagu eedeeyay in uu huriyay rabsha dihii ka dhashay sanadkii 2007 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, Ruto oo eedeymihaas oo iska fogeey ay, maxkamadda ayaa markii dambe wax dambi ah ku waaysay Ruto. Mar wuxuu taageeray in la xiro xeryaha qax ootiga? BBC SOMALI


QABIILKA UHURU EE KIKUYU OO KA DORRA ADNAYA GO’AANKOODII DOORA SHADA MADAXWEYNE

Golaha Odayaasha Kikuyu, oo ah qabiilka uu ka dhashay madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa qirtay inay kuu guuldarreysteen inay akhriyaan xa aladda siyaasadda gobolka Mount Kenya kahor inta aysan go’aansan inay taageeraan isbaheysi ga Azimio la Umoja iyo musharaxooda madaxwe yne ee Raila Odinga.

Guddoomiyaha golaha Wachira Kiago ayaa sheegay in natiijada doorashada ee muujineysa in isbaheysiga United Democratic Alliance ee madax weyne ku-xigeenka William Ruto uu si xooggan u gu guuleystay gobolka ay ku qasbeyso inay dib u fa karaan.

"Waxaan qiraneynaa guul darro balse ma dhaheyno waan khaldaneyn, sababtoo ah aqlabiyadda ma cnaheedu ma ahan in mar walba ay saxan yihiin,” ayuu yiri.

Mr Kiago ayaa sheegay in odayaasha aysan hagin dareen iyo go’aanada halka loo badan ya hay, balse ay qiimeeyaan xaaladda ayna go’aan nadooda ku salleeyaan xikmad.

waxa uu sheegay inay jiraan kuwo ku jeesjee saya odayaasha sababo la xiriira inay qaateen mowqif siyaasadeed oo si xooggan ay u diideen una bahdileen cod-bixiyayaasha.

"Waxaan dhahnay waxaan taageernay madax weyne Uhuru Kenyatta inuu noqdo boqorkeena xi taa marka uu xukunka ka dego, waxaana isku wa afa qnay taageeridda Raila Odinga ee ah inuu no qdo musharaxa ku habboon inuu beddelo Keny atta. Go’aankaas ayaa weli ah kii ugu xikmadda badn aa bulshadeena ayada oo aan la eegeyn natiijada doorashada,” ayuu yiri.

Sida haddu tahay xaaladda Mt Kenya, Dr Ruto iyo ku-xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa ku gac an sarreeya doorashadii 9-kii August ayaga oo ka ga adkaaday Odinga iyo ku-xigeenkiisa Martha Karua.

Natiijada ayaa bahdil ku noqotay Uhuru Kenya tta oo taageeraya Odinga, maadaama xitaa uu ka iibin waayey qabiilkiisa inay taageeraan, taasi oo wiiqday rajadii Odinga.

Mr Kiago ayaa sheegay in xaaladdan ay dimoq raadiyad ahaan tahay mid caadi ah "balse aysan macnaheedu aheyn mid xikmadeysan.”

"Bulshadeena waxay qaateen go’aan dareen ku dhisan, mana noqon doonto waqti fog inta ay ka garwaaqsadaan oo ay arkaan qodobkeena,” ayuu yiri.

"Dadkeena waa ay arki doonaan dhowaan In ay sameeyeen khalad weyn oo ay ruuxdooda ka iib iyeen Ruto ayna aayahooda ku aamineyn aya ga oo aan laheyn xisbi u gaar ah,” ayuu yiri.

Hadalladiisa ayaa waxaa ku waafaqay xogha yaha guud ee xisbiga Jubilee, Jeremiah Kioni.

"Waxaan yareysanay saameynta Ruto ee gob olka Mt Kenya, halka codka u socdana wuxuu no qday lama filaan. Runtii, cadaaladdii iyo dhex-dhe xaadnimadii bulshadeena waxaa qashinka ku daray been, khiyaano iyo laaluush ay faafiyeen ko oxda Ruto,” ayuu yiri Mr. Kioni.

Odinga ayaa kasoo jeeda qabiilka Luo, halka Ruto uu kasoo jeedo qabiilka Kalenjin ee madax weynihii hore ee Kenya Danile Arap Moi.

Qabiilada Kikuya iyo Luo ayaa weligood xifaaltami jiray, hase yeeshee Odinga iyo Kenyatta ayaa he shiiyey 2018 oo sameystay isbaheysi cusub, bal se sida muuqata qabiilka Uhuru ee Kikuyu weli ma aysan ka tagin xifaaltankii

Shirkadaha shidaalka oo macaashkii ugu bad naa sameeyey, kadib duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Shirkadda saliidda ee Aramco ee ay leedahay dawladda Sucuudigu, ayaa sheegtay in faa’iidada ay samaysay ay kor u kacday illaa 90%, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, taasoo ka sare martay faa’iidadii ay hore u saadaali yeen inay xilligan helaan, waxaana sabab u noqotay iyada oo ay sa re u kaceen baahida loo qabo xaddiga shida alka la iibsanayo iyo saliida la sifaynayo ee suuqyada caalamka.

Ka dib duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabatayna dii kala duwanaa ee lagu soo rogay dalka Ruushka, ayaa keenay inay sare u kacaan baahida shidaal ka ee dunidu, waana mid ka mida fursadaha ay ka faa’iidaysteen shirkadaha shidaalka soo saara iyo kuwa safeeya, oo ay ku jirto shirkadda Ara mco.

Madaxa fulinta ee Shirkadda Aramco Amin Na sser ayaa sheegay in shirkaddiisu ay filayso in ba ahida shidaalka ee dunidu inuu sii socdo tobanka sano ee soo socota, inkasta oo laga yaabo in ba ahida sarraysa ee haatan ka taagan suuqyada caalamku inay sii jirto wakhti kooban.

Faa’iidada saafiga ah ee ay samaysay shirka dda Aramco ayaa kor u kacday sannadkan iyada oo samaysay illaa $48.39 bilyan saddexdii bilood ee April, May iyo June, halka ay sannadkii hore isla bilahan oo kale ay samaysay dakhli saafi ah oo gaadhaya illaa $25.43 bilyan.

Saamiga shirkadda ayaa isaga laftiisu kor u kacay illaa 25% sannadkan, iyada oo ay ugu wac an tahay qiimaha shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah ee dunida ee sare u kacay, ka dib cunaqabat aynadii reer galbeedka ee ka dhanka ahaa dhoof inta shidaalka iyo gaasta ee dalka Ruushka.

Bishii July 29-keedii, shirkadda Exxon Mobile Corp ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay samay say faa’iidadii ugu badnayd, saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay sheegeen inay sameey een dakhli saafi ah oo gaadhaya illaa $17.9 bilyan oo afar laab ka badan korodhka dakhli ee ay sam eeyeen sannadkii hore.

Shirkadaha Shell iyo Total ayaa iyaguna dii waa ngeliyey inay sameeyeen macaash badan.

. Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay xeebaha Cumaan

Dooni lagu magacaabo Al-caalam oo sidday hanti gaaraysa (1600-Tons) oo qiimaha ahaana ka badnayd (4 Million) oo dollar ayaa ku gubatay xeebaha Cuman, xilli ay kusoo jeeday Somaliya.

Doonidan ayaa u rarnayd gana csato Reer Puntland ah, waxaa na badeecadaha ay waday isugu jireen Shidaal, Raashin’ Gadiid kala duwan, Qalabka dhismaha iyo Bagaash.

Waxay doontaan kasoo shiraacatay dalka Em aaraatka waxayna kusii jeeday Dekeda Boosaaa so, iyadoo ku gubatay meel udhow xeebta Masiira ee dhinaca Cuman.

Bishii June ee sannadkii hore ayay ahayd markii Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ay ku gubatay biyaha u dhaxeeya Cumaan iyo Du bai, waxaana ku khasaaray hanti farabadan oo ay lahaayeen ganacsato kasoo jeeda Puntland.

Inta badan xilliga xagaaga waa xilliyada ay dhaca an gubashada Doonyaha ka yimaada wadamada Khaliijka, iyadoo loo sababaynayo dabaylo xoogg an ka dhacaya badda.

Ukraine Oo Markab Sarreen Sida U Soo Dirtay Dalka Djibouti

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo si da illaa 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukr aine, isaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xidho deke dda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

GUDAHA SUUQA AY GABDHUHU KU IIBS ADAAN RAGGA AY GUURSANAYAAN

Muddo 700 oo sannadood, gobalka Bihar ee dalka Hindiya waxaa ka jira Suuq haweenku kas oo iibsadaan Ragga ay doonayaan inay guursada an. Waa sida adiga oo dukaan aaday kadibna ka soo iibsaday wixii aad u baahneyd.

Gabdhaha guurdoonka ah waxaa socdaalka dukaameysiga ah ku wehliya qoysaskooda. Sid aas darteed, sannad kasta kumaankun ina rageed ah ayaa ku kulma geedaha Pipal hoostooda ee su uqa degmada Madhubani – iyaga oo sugaya in la iibsado ama gabar ay qaadato.

Waxaa la

yiraahdaa Saurath Mela ama Sabhagachhi waxa ana suuqeysiga ama duk aamaysiga loogu jiro iibsiga ragga uu socdaa 9 maalmood waana dhaqan iyo caado uu bilaabay suldaan Raja Hari Singh oo hoggaaminayay boq ortooyadii Karnat muddo hadda laga joogo 7 qarni kahor.

Ujeeddada uu u bilaabay suuqa ayaa lagu sheegay si gabdhaha loogu fududeeyo inay kala doortaan kadibna xushaan qofka ku habboon rag ga tuban suuqa si ay xaaskiisa u noqoto. Ragg una waa kuwa ka kala yimaada meelo kala fog fog. Nin wax walba qiimihiisu waa inta uu aqoon leeyahay heer jaamaceed ahaan iyo inta xooggi isa jireed iyo dadnimadiisu dhan tahay. Waxaa kale oo xusid mudan inay tixgeliyaan gabdhuhu in ninkaasu kasoo jeedo qoys sumcad leh.

Raggu waxay horay usoo qaataan dhammaan aqoonsiyadooda wax-barashada sida shahaad ooyinka, dhalashada iyo marqaatiyada kale ee muujinaya wanaagooda. Kadibna marka gabadhu ku qanacdo, waxaa loo gudbaa qiimaha iyo gorg ortanka. Markaas kaddib haddii la isku fahmo iib ka, ninka ayaa si kastaba dabagala afadiisa si uu seygeeda u noqdo.

Laakiin aalaaba go’aanka kama dambeysta ah waxaa gabadha u gaar qoyskeeda – iyaga oo isku barbardhigaya tayadiisa aqooneed iyo dabeecad iisa. Waxaana sannad kasta fogaan dheer uga yimaada rag iskaabulo ama doobab aan weli gu ursan ah kuwaas oo quudareynaya inay kusoo ba xaan xulashada 1aad ee gabdha ha ragga iibsa naya.

Hindiya waxay sidoo kale leedahay suuq gab dhaha guurdoonka ah laga iibsado kaas oo gasha antida lagu xusho quruxdeeda, nadaafa deeda iyo dabeecadeeda waxaana la yiraah daa Haudati.

W/Q: Zakariye Hiraale


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip