Orodyahan Usain Bolt: Waan U Ciyaari Doonaa Manchester United Haddii Louis van Gaal Uu Baxo.

0
Saturday May 14, 2016 - 08:57:23 in Sports News by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahan Usain Bolt: Waan U Ciyaari Doonaa Manchester United Haddii Louis van Gaal Uu Baxo.

    Orodyahanka sarre Usain Bolt ahna taageeraha weyn ee kooxda Manchester United ayaa sheegay inuu weli ku riyoonayo inuu u ciyaaro Manchester United ilaa iyo inta uusan kooxda tababare ka aheyn macalinka reer HollandLouis van Gaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka sarre Usain Bolt ahna taageeraha weyn ee kooxda Manchester United ayaa sheegay inuu weli ku riyoonayo inuu u ciyaaro Manchester United ilaa iyo inta uusan kooxda tababare ka aheyn macalinka reer HollandLouis van Gaal.

Xiddiga reer Jamaica oo heysta rikoorka orodka 100ka mitir oo uu ku orday 9.58 ilbiriqsi iyo rikoorka orodka 200 mitir oo uu ku orday 19.19 ilbiriqsi ayaa in muddo ahba eedeynayay shaqada uu Van Gaal ka hayo Old Trafford, isagoo sheegayay inuusan ciyaartoyda u adeegsaneynin boosaska ay ku fiican yihiin.

premier-league-usain-bolt-manchester_3466113

"Waxaan taageerayaa Manchester United muddo sannado ah” ayuu Bolt yiri shalayto oo jimce aheyd. "Waxaan weli jeclaan lahaa inaan iyaga u ciyaaro laakiin haddii uu Van Gaal tababare ka sii yahay ma doonayo inaan u ciyaaro.”

United ayaa kaalinta shanaad kaga jirta Premier League iyagoo kulankooda ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka dheelaya berri oo axad ah, waxaana ay labo dhibcood ka danbeeyaan Manchester City.

Mar sii horeysay isbuucaan Usain Bolt ayaa kala hadlay Tv-ga Norway ee TV2 aragtidiisa ku aadan xilli ciyaareedka Manchester United.Warbixintaas halkaan ka akhriso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip