Hordhac: Granada v Barcelona, Deportivo v Real Madrid – Ayaa Ku Guuleysan Doona Maanta Horyaalka La Liga Oo Galaya Kulankii Ugu Danbeeyay Ee Xilli Ciyaareedka?

0
Saturday May 14, 2016 - 08:55:37 in Sports News by
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Granada v Barcelona, Deportivo v Real Madrid – Ayaa Ku Guuleysan Doona Maanta Horyaalka La Liga Oo Galaya Kulankii Ugu Danbeeyay Ee Xilli Ciyaareedka?

    Granada v Barcelona Deportivo v Real Madrid Waqtiga Labada Kulan: 6pm SGA Waxaa la joogaa maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga, welina ma heysano koox xaqiijisatay hanashada koobka horyaalka. Waxaase la ogaan doonaa 6

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Granada v Barcelona Deportivo v Real Madrid Waqtiga Labada Kulan: 6pm SGA Waxaa la joogaa maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga, welina ma heysano koox xaqiijisatay hanashada koobka horyaalka. Waxaase la ogaan doonaa 6pm Saacada Geeska Afrika maanta wixii ka danbeeya iyadoo Barcelona ay marti u tahay Granada halka Real Madrid ay u safreysa kooxda Deportivo La Coruna.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid waxaa kala saarta kaliya hal dhibic oo ay horeyso kooxda difaacaneysa koobkaan ee Blaugrana, waxaana ay labada kooxood la ciyaarayaan kooxo aysan jirin wax ay u dheelayaan madaama ay ka badbaadeen heerka labaad, laakiin waxaa jirta nuxnux hoose oo sheegeysa in lacago abaalmarin ah loo balanqaaday xiddigaha kooxda Granada haddii ay celiyaan Barcelona.

Barcelona waxa ay xaqiijisan doontaa hanashada horyaalka haddii ay garaacaan Granada, laakiin wax walba oo ka yar guul waxa ay albaabka u fureysaa kooxda tababare Zinedine Zidane kuwaasoo fursad u heli doona inay hantaan koobka horyaalka. Waxaana ay noqon doonaa dhamaad si weyn la isagu dhow yahay.

la-liga-preview-el-clasico-real-madrid-barcelona-ronaldo-neymar-suarez-bale_3379115

MAXAA KA CUSUB KULANKA GRANADA v BARCELONA

Sandro Ramirez iyo goolhaye Claudio Bravo ayaa dhaawacyo kaga maqan weli kooxda Barcelona, laakiin marka xiddigahaas laga reebo tababare Enrique waxa uu la soo shirtagi doonaa shaxdiisa ugu adag iyadoo Ter Stegen uu marka goolka ku soo bilaaban doono.

Dhanka kooxda martida loo yahay waxaa ka maqan weeraryahanka reer Nigeria Isaac Success iyo sidoo kale daafacyada Diego Mainz iyo Salva Ruiz oo dhaawacyo qaba dhamaantood.

SHAXDA MACQUULKA AH EEGRANADA v BARCELONA

1128Granada:Fernandez; Lopes, Babin, Costa, Biraghi; Rochina, Doucoure, Perez, Cuenca; El-Arabi, Penaranda.

 

549Barcelona:Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Neymar, Suarez, Messi

 

MAXAA KA CUSUB KULANKADEPORTIVO v REAL MADRID

Tababare Zinedine Zidane ayaa dhamaan ciyaartoyda kooxiisa u kaxeysanaya garoonka kooxda Deportivo iyadoo ay xitaa ku jiraan ciyaartoy dhaawac ah iyo kuwa dhaawac ka soo laabtay, waxaana uu doonayaa inay kooxdiisa dabaaldega kawada qeyb qaataan haddii uu nasiibka ku saacido inay caawa hantaan koobka horyaalka La Liga.

Lucas Vazguez oo dhaawac ku maqan ayaa ku jira ciyaartoyda uu Zidane u kaxeystay kulanka Deportivo, halka goolhaye Keylor Navas, Dani Carvajal iyo Gareth Bale ay dhaawacyo ka soo laabteen balse aan la ogeyn haddii ay ku soo bilaaban karaan kulanka maanta.

Gareth Bale oo dhaawac ku seegay kulankii Valencia ayaa soo kabsaday waxaana uu diyaar u yahay inuu ku soo bilowdo kulanka maanta.

SHAXDA MACQUULKA AH EE KULANKA DEPORTIVO v REAL MADRID

459Deportivo:Manu; Laure, Arribas, Sidnei, Juanfran; Cartabia, Fajr, Bergantinos, Mosquera, Alberto; Perez.

 

598Real Madrid:Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Casemiro, Modric, Kroos; Ronaldo, Benzema, Bale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip