Sky Italia: "Mourinho & Man United Waa Ay Heshiiyeen", Sky Sports UK "Man Utd Weli Lama Heshiinin Mourinho"

0
Saturday May 14, 2016 - 08:54:25 in Sports News by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sky Italia: "Mourinho & Man United Waa Ay Heshiiyeen", Sky Sports UK "Man Utd Weli Lama Heshiinin Mourinho"

    Hadaad daawato Sky Italia waxaad ogaaneysaa in tababaraha reer Portugal Jose Mourinho inuu si rasmi ah u noqon doono tababaraha kooxda Manchester United xilli ciyaareedka danbe oo uu bedeli doono Louis van Gaal, laakiin haddii aad daawato Sky Sports

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaad daawato Sky Italia waxaad ogaaneysaa in tababaraha reer Portugal Jose Mourinho inuu si rasmi ah u noqon doono tababaraha kooxda Manchester United xilli ciyaareedka danbe oo uu bedeli doono Louis van Gaal, laakiin haddii aad daawato Sky Sports UK waxa ay ku sheegayaan inuusan warkaasi waxba ka jirin oo aysan Man United weli heshiis la gaarin Mourinho.

Labada telefishinee bahwadaaga ah ayaa kala hogaaminaya labo war oo iska soo horjeeda, waxaana tan Talyaanigu ay xuseysaa in Mourinho uu noqon doono tababaraha xiga ee Man United iyagoo aaminsan inuu jiro heshiis dhexmaray labada dhinac.

jose-mourinho-manchester-united_3414190

Si kastaba, Jose Mourinho wax heshiis ah lama gaarin Manchester United oo uu ku noqonayo tababarahooda xagaaga, sida ay iyadana xalayto xilli danbe soo gudbisay Sky Sports UK, kuwasoo sheegaya inay warkooda ka soo xigteen ilo muhim ah.

"Waxaa la fahamsan yahay inaysan jirin u dhawaansho rasmi ah oo la sameeyay ama heshiis lala gaaray tababaraha reer Portugal” ayay tiri Sky Sports UK.

Waqtiga ayaase sheegi doona labada telefishin midkii uu warkooda sax noqdo, iyadoo haatan lagu dhawaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka oo kulanka ugu danbeeya ee horyaalka ay Man United ciyaari doonto berri oo axad ah iyagoo rajo meel dheer ah ka leh inay u soo baxaan Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip