Saraakiil Itoobiyaan ah oo kormeer u tegay Gobolada Baay iyo Bakool

0
Thursday August 04, 2022 - 20:45:27 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Itoobiyaan ah oo kormeer u tegay Gobolada Baay iyo Bakool

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Saraakiishan oo Arbacadii Magaalada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool.

Saraakiishan ayaa goboladaasi u tegay, sidii looga hirgelin lahaa aag ka caagan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib weeraradii ay Shabaabku ku galeen xeryaha Ciidanka Liyuu Boolis ee deegaano ku teedsan xuduudda labada dal iyo tallaabadii ay gudaha ugu galeen Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Saraakiishan ayaa isugu jira Saraakiil ka tirsan Militariga Itoobiya iyo Saraakiil kale oo qayb ka ah Hoggaanka Ciidamada Dowlad Deegaanka. 

Saraakiisha Itoobiya ayaa booqasho ku kala bixinayay Dowlad Goboleedyada xadka la leh dalkaasi, tan iyo wixii ka dambeeyay, duulaankii Shabaabku ku qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Socdaalka Saraakiishan ee Dowlad Goboleedyada ayaa daaran xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip