HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO SABTI 30-KA JULY 2022-KA

0
Saturday July 30, 2022 - 08:26:44 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO SABTI 30-KA JULY 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Shalay ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo walaac ka muujiyey nolosha adag ee soo wajahday malaayiin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masaajid ku dhex yaalla mad axtooyada salaadii Jimcada ee Shalay kadib ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan kuwo oda la dhiaateysan abaaraha gobollada dalka ka jira.

"Abaartu walaalayaal waa sii adkaatay, heerkii aan cabsida badan ka qabnay ee macaluusha ayey ku dhowdahay hadda, dhimasho ayaa dadka ku bilaab atay, xoolihiina horay ayey u dhamaadeen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka wax heysta ka cod saday inay sii laba jibaaraan dadaaladooda caawinta danyarta, "Sax maaha in dadka qaar ay dhereg la seexa waayaan, qaarna baahi u dhintaan, waa la is weydiinayaa xaaladaan adag,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in Shalay ay xaaladu joogto meel aad u adag, "Caruurta iyo wa ayeelkaa ugu daran, dadku waa dhimanayaan, wax aan idinka codsanayaan inaan ku noqono jeebkee na, si aan naf u badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay qiima ha ay leedahay in naf la badbaadiyo iyo sida uu Alle u weyneeyey, balan qaadka uu Alle ka heysto qofkii naf badbaadiya.

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Kulan LaYee shay Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soo maaliya, Hamza Abdi Barre ayaa Shalay la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kul anka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gac an ka siiso.

Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga ma had celiyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siin ayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa maalmah an wada latashiyadii ugu danbeeyay ee uu kusoo dhi sayo Xukuumadda cusub ee dalka, waxaana uu maa lmo kahor Golaha Shacabka ka codsday in waqti dheeraad ah loogu daro, si uu u soo magacaabo Gol ihiisa Wasiirada..

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Ka Hadlay Dil kii Wasiir Lugbuur, Baaqna Diray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa uu tac si tiiraanyo leh u diray qoyska ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Allah ha u Naxriistee Wasiirkii Cadaala da maamulka Koonfur Galbeed marxuum Sheekh Xa san Ibraahim (Lugbuur) oo lagu dilay Qarax ka dhac ay Magaalasa Baydhabo.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa dhammaan Umma dda Soomaaliyeed, gaar ahaan sha cabka Koonfur Galbeed geerida ku ti mid Alle ha u naxariistee Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS Sheekh Xasan Ibr aahim Lugbuur. Sidoo kale Guddoomiye Aadan Ma doobe ayaa Marxuum Xasan Ibraahim iyo dadka ka le ee shacabka ah ee ku dhintay qaraxa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, sidoo kalena dadka dhaa wacmay uu Alle Caafimaad siiyo

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa shacabka Soomaal iyeed u sheegay in xooga la saaro sidii la isaga xo rreyn lahaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Agaasime Mahad Salaad oo kordhiyey mushaar ka NISA

Agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Salaad ay aa qaaday tallaabo uu sare ugu qaadayo mushaara adka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha hay ’adda.

Kordhinta mushaarka ee uu sameeyay Agaasime Mahad Salaad ayaa waxay imaneysa kadib markii la jaray lacago shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuujin jir ay iyo kuwo loo bixin jiray (Spesa Politica) khara shaad siyaasadeed oo maamulkii hore ee hay’adda ku maareyn jiray howlaha siyaasadda.

Agaasimaha ayaa tan iyo markii uu la wareegay hogaanka NISA waxa uu ku sameeyay isbedelo dhowr ah oo muhiim u ahaa hay’ adda, oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda.

Sida ay sheegtay Caasimada Online inay heshay shaxda mushaar kordhinta iyo inta ugu korortay der ajo kasta, waxayna u dhigan tahay sidan:

1. Darajada Gaashaanle waxa uu hore mushaar ahaan u qaadan jiray $400, haddana waxa looga dhi gay $500.

2. Jaamici waxay hore u qaadan jireen $300, had dana waxa looga dhigay $350.

3. Shaqaalaha wata shahaado Dugsi Sare, wax ay mushaar ahaan u qaadan jireen $200, haddana waxaa looga dhigay $300.

4. Mudane ama shaqaalaha kale ee aan haysan shahaado, mushaarkoodii hore wuxu ahaa $150, ha ddana $200. 5. Darajada Dable, ayaa sidoo kale mushaar aha an u qaadan jiray $150, haddana waxa looga dhigay $200. Sidoo kale waxa uu Agaas imaha go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hay’ad da ee geeriyooday ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, hal ka markii hore aysan

Qarax lagu dilay wasiir, wiil uu dhalay iyo dad shacab ah oo ka dhacay BAYDHABA

Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galb eed Xasan Ibraahim Lugbuur, xubno ka mid ah qoys kiisa iyo dad kale oo shacab ah

Ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Shalay ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday salaaddii Jimcaha ee Shalay, sida aysheegtay in ay xog ku heshay Caasimada Online.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xi ray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale, waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii, wiil uu dhalay, qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dha awacmay oo gaaraya illaa 11 qof, sida aan xogta ku helnay, ayada oo dadka dhaawac ahna uu ku jiro wiil kale oo wasiirka uu dhalay, taasi oo khasaaraha qoyska wasiirka ka dhigeysa saddex qof.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana ku jira kuwa ay xaa laddoodu liidato, sida uu sheegay weriye ku sugan isbitaalka. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku eedeey ey kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Cambaare eyay Qar axii Lagu Dilay Wasiirkii Cadaaladda KGS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u camba areeyay weer arka Al-shabaab ee Shalay lagu dilay Wasiirkii Caddaaladda Dowlad Gobolleed ka Koon fur Galbeed (AUN) Shiikh Xasan Ibraahim Lugbuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska wasiirka iyo dhamm aan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga baryay naxariistii janno inuu ka waraabiyo, ehelka iyo uma dda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iim aan ka siiyo.

Xamse ayaa waxa uu sheegay in falalka Al-shab aab aanay marna niyad jabin doonin dadaalka shac abka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan amn iga iyo sidii loo heli lahaa nabad waarta.

Qarax miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday oo lagu dilay Wasiirkii Wasaaradda Cada aladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur, xilli uu kasoo baxayey masjid ku yaalla Magaalada Baydhabo.

In ka badan 10 ruux ayaa ku dhaaw acmay Qara xii lagu dilay Wasiir Lugbuur, waxaana dadka dhaa wacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada si xaala ddooda Caa fimaad loogu dabiibo qaraxa.

Kumuu ahaa wasiirkii Shalay qaraxa lagu dilay ee bil ka hor dadka cafiska weydiistay?

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa wasiirka Caddaaladda ee maamulka Koogurgalbeed ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qarax Ismiidaamim ahaa oo lagula eeg tay magaalada Baydhabo salaaddii Jimcaha kadib xilli uu masjidka kasoo baxayey.

Kumuu ahaa?

Deeqow Madkuus Iftiin oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool sanadaihii 2010-16 oo aad u yaqaanay marxuum Sheekh Xasan Ibraahim Lug buur oo BBC-da u warramay ayaa sheegay inuu magaalada Xudur miyigeeda ku dhashay sannadlkii 1960-kii.

Waxa uu ka mid ahaa dad kii ka faa’ideystay ololohii hor umarinta reer miyiga ee Sann adkii 1974-tii.

Wuxuu waxbarsaho u aaday magaalooyinka Mar ka iyo Aw-dheegle, wuxuuna halkaasi ku soo bartay diinta, Qur’aanka iyo tafsiirkiisa.

Sannadkii 1992-dii ayuu Xudur ku soo laabtay wuxuuna ka bilaabay Ganacsi kala duwan oo uu xoolaha, dharka ka mid yihiin.

Markii ay Xudur qabsatay jabhaddii USC-SNA 1996, wuxuu la jiray jabhaddii ka soo horjeedday ee RRA.

Wuxuu noqday guddoomiye ku-xigeenka gobol ka Bakool sannadkii 2006-dii, wuxuuna ka tagay bi shii afaraad ee 2011-kii.

Ka dib la sameeyay Maamulkii Shariif Xasan wuxuu ka noqday xildhibaan, wuxuu sidoo kale soo noqday Wasiirka maaliyadda Koonfur-galbeed.

Qof noocee ah ayuu ahaa?

Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur "Nin wuxuu ah aa aad u maslaxo jecel, sidoo kale wuxuujelcaa horu marka deegaanka,” Ayuu yiri Deeqow Madkuus Iftiin oo aad wasiirka u yaqiinay.

Sheekh Xasan wuxuu ahaa Nin hoggaamiye ah, oo sadaqada jecel, oo masaajidda wax ku darsada, sidoo kale dad agoomo ah oo uu guryo u dhisay. Si da uu sheegay Deeqoow

"Masaajidka Jaamaca ee Xudur ayuu ka istaagay bil ka hor wuxuuna cid kasta ka dalbaday in la cafiyo isagoo sheegay in adduunyada lagu waareeynin.” Hadalkaas wuxuu ahaa mid u muuqday dardaaran,” ayuu yiri Deeqow ayaa sidoo kale BBC-da u sheeg ay in Marxuumka uu aad u jeclaa in misaajiadda iyo dugsi yada la horumariyo. Wuxuu sidoo kale sheeg ay inay jireen ceelal uu qoday.

"Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ehelkiisa Ayaa tacsi ay aan u dirayaa waxa ana Alle uga bar yayaa inuu Sa mir iyo iimaana naga siiyo, cid kasta oo khasaarad aas gaysatay Allaah wuu kula xisaab ta mayaa,” ayuu yiri Deeqow Madkuus Iftiin.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Lagu Dily Wasiir Lugbuur

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur

Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bul shada Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Marxuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaal ada Koonfur Galbeed oo Shalay Al-shabaab ay ku dileen Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xusay in Marxuum Lugb uur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulsha da Koonfur Galbeed.

Qoraal uu soo saaray Lafta-gareen ayuu Marxu umka xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu xilalka kala duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed, hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaag san uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Ko onfur Galbeed

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxa an ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Mar xuum Shekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wa siir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigii saba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galb eed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u he shiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fird owsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaali yeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka sii yo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo

Taliye Xijaar Oo Shalay Ka Hadlay How lgalada Amni Ee Ka Socda Muq disho & Qorsheyaal Kale

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal ku talagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida caasim adda iyo guud ahaan degmooyinka kale ee dalka.

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybg alay kulanka todobaadka ee warb aahinta dowladda ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caa simadda iyo guud ahaan dalka.

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa dara adeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux .

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ay aa xusay in lagu guuleystay la dagaalankamuqaa adaraadka, wuxuuna dhinaca kale codsaday in shac abka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaq eeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmoo yinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga.

Thaabit Cabdi oo u jawaabay Cagjar, farriina u diray DF

Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thabit Cabdi Maxamed oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowlad deeg aanka Soomaalida Galbeed Mustafe Cagjar, kaasi oo ku sheegay in uu aag ka sameysan doono meel ka baxsan xuduuda deegaankiisa.

Thabit Cabdi ayaa sheegay in hadalka kasoo ye eray Cagjar uu gef ku yahay curfiga xiriirka caalam iga ah ee dowladdaha u yaalla, maadama ay Soomaaliya tahay dal madax-bana an oo lagu xad-gudbi karin xuduudi hiisa. "Itoobiya xaq ayay u leedahay iney iska difaacdo argagixisada dal keeda ku soo duusha, balse mad axweynaha DDS ee Itoobiya labo yuusan isku qal din; Soomaaliya iyo Soomaali waxaa ka dhexeeya isir aan xuduud kala jara laheyn laakiin marka ay Dow ladda Itoobiya tahay, Soomaaliya waa dal mad axbannaan oo xudu uddeeda laguma xadgudbi karo, iskaba daayee in ‘Security Buffer Zone’ laga samey sto,” ayuu yiri.

Thabit ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay si feejigan u fiiriyaan hadal iyo ficil kasta oo iin ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

"Waa in hadalladaas oo kale laga fiirsado haddii aan ogaal loo dhihin, waayo waa wax gef ku ah curfiga xiriirka caalamiga ee dowladdaha u yaal. Dowladda Soomaaliyana waa in ay si foojigan u eegto hadallada iyo ficil kasta oo iin ku ah mad axbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xili uu dha waan ku sugna deegaanada xuduuda ayaa waxa uu shaaciyay in maamulkiisu qorsheynayo sameynta "aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaan ka ismaamulka Soomaalida.”

Hadalka Cagjar ayaa marka indho kale lagu fiiriyo ahaa in maamulkiisa uu xad-gudub dhuleed ka same ynayo gudaha Soomaaliya, hase yeeshe markale oo uu fasiraad ka bixiyay uu ku sheegay in qorshahaas aysan uga dan laheyn xad-gudub, balse kaliya ay uga gaashamanayaan falalka cadowga iyo inay gud aha usoo galaan deegaanadooda.

Ergeyga Gaarka Ah Ee Arrimaha Abaara ha Dalka Oo IOM Kala Hadlay Gurmadka Socda

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qa abilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gur madka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, ayaa mgaal ada Kampala ee dal ka Uganda kulan kula qaatay ku xigeenka agaasim aha guud ee Hey’adda IOM iyo Agaasimaha gob alka ee IOM.

Ergayga ayaa warbixin ka siiyay xaalada abaaraha dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dadka la gaa rsiiyo gurmad deg deg ah iyada oo sidoo kale lala tacaalayo sababha asalka.

Ergayga ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda IOM sidii ay Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd de eqaha laqabsiga isbadalka cimilada iyadoo ay xo ojiyeen in magacaabista ergayga ay muhiim ugu ta hay in kor loo qaado wacyiga is badalka cimilada iyo dhibaatooyinka ba’an ee dhinac walba taabanaya ee ay ku heyso Soomaaliya.

Berri ayaa la qorsheynayaa in Ergeygu qeyb ka noqdo qudbadna ka jeediyo shirka madaxda Africa ay si hordhac ah uga tashanayaan isbadalka cimila da ee loogu gogol xaarayo shirka COP27.

Xildhibaanno ka tirsan BF oo gaaray go obihii ay ku dagaallameen Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab

Xildhibhaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaal ka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray goobihii ay dho waan ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis ee do wlad deegaanka iyo Xoogaga Al-Shabaab ee ku yaal gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Xildhibaannadaan oo ka soo jeeda maamulka Ko onfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Aadan Maxa med Nuur (Saransoor) wuxuuna sheegay in ujeed ko oda uu la xiriiro xog uruurin iyo sidii gargaar loo gaa rsiin lahaa dadka ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay halkaasi. "Magaalada Caato oo aheyd mee shii ugu darneyd dagaallada cadowga argagixisada ay ku soo qaade en ayaa Shalay nimid. Runtii Ceel Barde ayaanka soo baxnay,” ayuu yiri. Saransoor ayaa shaaca ka qaaday in markii ay tageen deegaanka si weyn lo ogu soo dhoweeyey, ayna shacabka aragtidooda ku farxeen, maadaama ay gaartay dowladdu.

"Markaa nimid waxaa la kulanay odayaasha dhaq anka iyo maamulkii illaa 10 KM markaa soo mareyn ay ayey naga horyimaadeen aadbey noo soo dhawe eyeen wayna hadleen, runtii muraalkooda aad ayey u gu farxeen inay soo gaaray dowladda,” ayuu hadal kiisa raaciyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inay gurm ad isugu jiro raashin iyo daawo ay gaarsiiyeen sha cabka si loo caawiyo, maadaama ay sameeyeen barakac.

"Ujeedka waaa inaan dheeri gelino ciidamada, si doo kale waxaan bulshada u keenay daawo, raa shi in iyo gurmad-baan u keenay” ayuu markale yiri Aad an Saransoor. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka deegaan ka ee barakacay inay guryahooda ku soo laabtaan, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciid amada ammaan ka ee ka howlgala xadka.

Dhowaan ayey aheyd markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula galeen xadka Itoobiya, ciid amada dowlad deegaanka, kaas oo sababay khas aare dhimasho & dhaawac.

Jubbaland oo sheegtay in DFS siyaasa deysay la cag loo qoondeeyay gurmadka Abaaraha

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamulka Jub baland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in lacag hal Milyan oo Dollar ah oo Xukuumaddii Ra ’Iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble u qoo ndeeysay gurmadka abaaraha la siyaasadeeyay.

Waxaa uu sheegay in lacagtaas kaliya Maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar la soo diray, isaga oo sheegay in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsa do saxiibtinimo ama xil Wasiir.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamulka Jubb aland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed wuxuu sheegay in deeq kasta oo ka timaada Caalamka ay aheyd in dowladda federaalka & dowlad Goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, balse taasi ay mee sha ka baxday oo dad gaar ah ay jeebka ku shubten.

Ugu dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in cab ashadooda Madaxweynaha Jubbaland uu u gudbiy ay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, ayna raj eeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqba lo in si siman oo wadatashi ah loo qeybiyo deeqaha Caalamka uga yimaado Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maamulka Jubbaland ayaa kusoo beeg may xilli dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka Dowladdii uu hoggaamin ayay Mafax weyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo & Maam ulka Jubbaland .

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 111,150 qiyaasood oo ah tallaalka COVID-19

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya keenayso 198,900 oo qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer COVID-19 ah.

Dowladda Mareykanka ayaa tallaalkaan usoo marsiinaya Soomaaliya, xarunta COVAX oo ka shaqeysa in si siman loo helo tallaallada COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka ah ballan-qaadka dowl adda Maraykanka ee ku aadan, ka jawaabidda caala miga ah ee masiibada COVID-19, iyadoo Maraykan ku uu hoggaamiyo dardargelinta iyo qaybinta tal laalka COVID-19 .Maraykankuna wuxuu ballanqaad ay inuu bixiyo 1.1 bilyan oo tallaal oo COVID-19 ah oo adduunka oo dhan ah. Ilaa hadda, Maraykanku waxa uu in ka badan 575 milyan oo qiyaasood oo tallaal ah ga adhsiiyey in ka badan 115 wadda Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykan ka waxaa ka go'an dadaallada tallaalka ca alamiga ah, si loo badba adiyo nolosha dadweyn aha caalam ka iyo soo afjarida masiibadan.

Go’aano laga soo saaray Amniga Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac (Dirir) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Magaalad Bosaaso ee Gobalka Bari kaas oo ka dhacay Sal dhiga Bartamaha Bosaaso.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maxka madaha’ Garsoorka’ Xeer ilaaliyaasha Maxkamada Ciidmaada iyo tan darajada 1-aad ee Gobalka Bari iyo dhamaan Sarakisha ciidanka Booliska Gobalka Bari oo uu ugu horeeyo Taliye ku xigenka Qaybta Booliska G/dhexe khalaid maxamed C/raxmaN.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sar aakiisha amniga iyo Masuuliyiinta kale u sheegay ina an la aqbali karin falalka amnidarada la xariira ee ka dhaca Magaalada islamarkaana ay muhiim tahay xo ojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo xog iswe ydarsi ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbin ta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Sarakisha Booliska in talaaba deg deg ah laga qaa do cid kasta oo wax u dhimeysa amniga guud ee Go balka Bari. Shirka Amniga ayaa inta uu socday wa xaa laga soo saaray Go’aamo la xiriira dhinaca amn iga iyo in la xoojiiyo iyo in laga hortago weerarada Al-Shabaab & Daacish, mukhaadaraadka iyo dhaliny arada dhibatada dhaca moobilada ku Haaya Busha da iyo wada shaqeynta xaafadaha iyo Laamaha ama anka iyagoo bulshada ay kaashanaaya ciidamada Booliska Gobalka Bari. Dhammad

Xog: Magacyada xubnaha R/W XAMZA kula dhegan dhismaha xukuumaddiisa

Xilli walba oo lagu jiro dhismaha xukuumadda Soomaaliya, waxaa jira gacma badan oo isku daya inay saameyn ku yeeshaan shaqada socota iyagoo soo jeedinaya magacyo ay xilal u rabaan

Ra’isul wasaaraha iyo madaxwey naha waxaa cadaadiya siyaasiyiin, xub no madax ka ah labada aq al, qab iilo iyo ganacs ato, balse dhammaan dhinacyad aasi madaxda lama qaadaan fashil iyo dib u dhac wixii ay keenaan xubnihii ay u dagaalameen in was iiro laga dhigo.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Wararka qaar waxay shee gayaan in Sabti ama Axad midkood la shaacin doo no liiska. Toddobaadkii hore ayuu qorshuhu ahaa in liiska lasii daayo balse codsi ka yimid ra’iisul wasa araha ayaa 10 beri dib loogu dhigay.

Hase ahaatee weli waxaa jira caqabado uu ra’ iisul wasaare Xamza uu kala kulmayo xubnaha qaar gaar ahaan kuwa ay isaga isku qoondada yihiin.

Tusaale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdull aahi Timacadde ayaa cadaadis saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo doonaya in laga talo geliyo qofka kusoo baxaya xubinta wasiirnimo ee gobolka Sool.

Xogaha waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sh.iska bari yeelay arrintaas oo uu guddoomiyaha u caddeeyey inuusan rabin inuu aad u fara geliyo xubnaha ku xisaabta ah ra’iisul wasaare Xamza ay na muhiim tahay in arrintaasi lagala hadlo ra’iisul wasaaraha.

Weli ma cadda mowqifka uu ra’iisul wasaaraha ka qaadan doono isku dayga guddoomiye Timacadde, iyadoo ay jirto in ra’iisul wasaarayaasha mar walba lagu qadarin jiray go’aan ka gaarista xubnaha ay is ku qoondada yihiin.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Timacadde ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad diidan qofka uu ra’ii sul wasaare Xamza u arko midka ugu manaasabsan ee la siin karo kursigaas. Dhinaca kale, xubnaha baarlamanka ku matala Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ayaa iyagu qaatay go’aan kasoo horjeeda kan gudd

oomiye Timcadde oo ay ku arkaan inuu shaqsiyaad gaar ah wax la raadinayo halkii uu dhex dhexaad u noqon lahaa darafyada loolanka ugu jira kursiga was iirnimada.

Iyadoo dad badan muhiim u arkaan Wada-tashiy ada uu ra’iisul wasaaraha wado xilligaan ayaa hadda na dhanka kale culeyska ka imaanaya guddoonka Aqalka sare wuxuu sii adkeenayaa xaaladda.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdu llaahi ayaa isna maalmihii tagay laga soo tabiyey in uu diidanaa sida uu ra’iisul wasaaraha u rabo inuu u xusho xubnaha reer woqooyiga ku matali doona golaha wasirada ee soo socda.

Aqalka sare aad muhiim uguma ahan xukuumad da maadaama uusan ansixin iyo ridid midna saam eyn karin. Xamza Cabdi Barre waxaa loo yaqaanaa qofka inta badan doorbida madax-banaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa nin garanaya Xamza maadaama dadkii u tagay kula taliyey inay ra’iisul wasaaraha kala hadlaan rabita ankooda.

Cabdi Xaashi iyo Timacadde oo dhanka madax weyne Xasan Sheekh culeys ka raadiyey ayaan la ogeyn sida ay hadda ra’iisul wasaarhaa uga iibin kar aan rabitaankooda iyo dadka ay doonayaan in wasi iro looga dhigo.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hort aalla inuu soo dhiso xukuumad ku filan inay dalkaan ka gudbiso xilliga adag, inuu la yimaado xubno ay is fahmi karaan, shaqada yaqaana, isku heyn kara isa ga iyo golaha shacabka oo ah xubno aan lagu qas bin balse uu isagu dooqday.

Xigasho:-Caasimadda.net

Ciidamada DF iyo kuwa Jubaland oo soo daayey maxaabiis u xirnaa Shabaab

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda Jubbaland ay si wadajir ah uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Somalia.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku kala yaalla degaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay, Yaaq xaluul & Kaabjirroon ee gobolkaas.

Saraakiisha horkaceysay ayaa shaaca ka qaad ay inay burburiyeen saldhigyadii ay kooxda Al-Shaba ab ku laheyd deegaanadaasi, kadib markii ay guda ha u galeen halkaasi

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku guul eysteen soo deynta maxaabiis ku xirneyd xabsiga tuulada Kaamjarroon, waxay na shee geen inay ka carareen xooga gii Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dal ka iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, wa xaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dare emayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ciidamada huw anta ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgalla da ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee hoosta ga maamulka Jubbaland.

Xukuumadda Abiy Axmed oo go’aan adag ka qaa datay wadahadallada Tigra yga

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadal ay la ga sho Xoogagga Tigray oo dagaal kala dhaxeeyo tan iyo November 2020 kaddib markii ay isku qabteen doorashada guud ee Dalkaas. Sarkaal katirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa she egay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal me el weliba lagu qabto si loosoo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee u dha xeysa Ciidamada Federaalka iyo kuwa Ismaamulka Tigray. Waxa uu intaas ku da ray in la joogo waqtigii dhina cyadaan ay kawada xa ajoon lahaayeen sidii wadahadal loogu soo afjari la haa iyada oo la eegayo xaa ladaha adag ee ka jiraDal ka Itoobiya ee laga dhaxlay dagaalka lab ada dhinac.

Sarkaalkaan ayaa mee shaka saaray in shuruud ad ag oo caqabad ku noqon kar ta ka gungaarista wa da-xaajoodka ay wataan balse uu si cad uu u shee gayo in meel weliba oo lagu wada hadlayo ay diyaar u yi hiin in ay tag aan & waqti kasta oo loo go’aa miyo.

La taliyaha dhanka Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa tilmaam ay in dhab baha wadahadalka lagu soo afjarayo xiis adda lab ada dhinac uu shukaanta u hayo Ururka Mid owga Afrika isla markaana codsan kara wixii taage ero ah uu u baahdo.

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa markaas ka dib magcawday toddoba xubnood oo dhinaceeda ku metela wadahadalada, oo uu hoggaaminayo Wasiir ka Arrimaha Debedda hase ahaatee madaxda Tigr eega ayaa soo bandhigay shuruudo hordhac ah oo ay tahay in la meel-mariyo ka hor inta aan si rasmi ah la isu horfadhiisan.

Talaadadii aan soo dhaafnay, Madaxweynaha Ti greega Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in "haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wa dahadal lagu soo afjaro colaadda, inay dib dib u bil aabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobol kaas” isaga oo tixraacaya dhibaatada ka jirta gobol kaas gaar ahaan dhinaca bangiyada, koronta da iyo isgaadhsiinta.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka & ku wa Tigray oo ay ka qayb qaateen Askar Eretariyaan ah waxaa ka dhashay Khasaarihii ugu badnaa ee dhi masho, dhaawac & burbur ee Itoobiya ka dhacay ab id sida ay sheegeen saraakiil.

Madaxweyneyaasha Dalalka Shiinaha Iyo Marey kanka Oo Isweydaarsaday Digniino Adag

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa midba midka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saac ado od.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiradda.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in si yaasadda Maray kanka ee Taiwan aanay waxba iska beddelin.Beijing ayaa sheegtay in Mr Xi uu u shee gay Mr Biden inuu u hogaansamo mabda’a ah in Shiinuhu yahay hal dal, isaga oo uga digay in "qofkii dab ku ciyaara uu ku guban doono”.

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor qor she la isla dhex marayey oo ah in afhayeenka Aqal ka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay booqa sho ku tagayso Taiwan.

Waaxda gobolka ayaa sheegtay in Ms Pel osi ay san ku dhawaaqin wax safar ah, balse Shiinaha ay aa ka digay "cawaaqibka ka dhalan kara” haddii Ms Pelosi ay sii waddo booqashadaas.

Kumuu Noqday MW Ugu Horreeyay Ee Lagu Casuumay Shirka Mareykanka & Africa?

Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Qaahira ayaa xaqiijisay inay Madaxweyne C/Fataax Elsisi ga arsiiyeen Casuumaadii u ho reysay ee uu Madaxwe yne Joe Biden ugu talagalay Hog gaamiyayaasha dal alka Afrika, si ay uga soo qeyb galaan Shirka Hogg aamiya yaasha Maraykanka iyo Africa (The US.-Afr ica Lea ders Summit) oo la qorsheeyey inuu Washin gton ka dhaco bisha December 13-da ilaa15-da ee sanad kan 2022-ka.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Qaahira ay aa lagu sheegay in Casuumaadda loo gudbiyey Mad axweynaha Masar muddadii uu Ergayga Khaas ka ee Maraykanka ugu qaabilsan Geeska Afrika, Mi ke Hammer Kulan la yeeshay Saraakiil Sare oo Ma sa ari ah bishan July 25-dii.

Howl-fuliyaha Safaaradda Maraykanka ee Qaa hira (Chargé d’Affaires) Nicole Shampaine ayaa la sheegay inuu soo gaarsiiyey Madaxweyne Elsisi Cas uumaad ka timid Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mar aykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Casuumaadaasi ayaa wa xay bilow u tahay Marti-qaadka Madaxweyne Joe Bi den ee uu ku doonayo inuu kulan Wadareed la yee sho Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika dabayaaqada sanadkan 2022-ka, kaasi oo looga hadlayo Xoojinta Xiriirka Maraykanka la leeyahay dalalka Africa.

Dowladda Maraykanka ayaa waxay walaac xoo ggan ka qabtaa Galaangalka muuqda iyo saamaynta Maalgashiga ballaaran ee ay Dowladaha Raashiya iyo Shiinaha ku leeyihiin inta badan dalalka Africa.

Madaxweyne Kim Jong Un Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isku Difaacayo Hubka Nukliyeerka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa "diyaar u yahay inuu Nukli yeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac mil itari uu dhexmaro ayaga iyo Mare ykanka iyo Kuur iyada Koonfureed. Washington iyo

Seoul ayaa marar badan ka digay in Pyongyang ay diyaarineyso inay fuliso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeer, tallaabadaas oo Mareykanka ay ka dig een inay horseedi doonto jawaab "deg deg ah oo xo og badan.”

Khudbaddii ugu dambeysay ee Kim uu jeediyo ee lagu xusayey he shiiskii lagu soo afjaray Dagaalkii Ko rea, taasi oo Kuuriyada Waqooyi looga yaqaan "Maalinta Guusha”, ayuu ku sheegay in ciidamada dalkiisa "ay sii buuxda diyaar ugu yihiin” xasarad kasta.

"Ka hortagga dagaal Nukliyeer ee dalkeena waa u diyaar in la abaa bulo, waana awood xooga badan,” ayuu Kim ku yiri khudbadda uu jeed iyey Arbacadii oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Pyongyang ee KCNA.

Kim oo munaasabadda 69 guurada dhammaadkii dagaalkii 1950-53 kula hadlayey askartii ka qeyb ga shay ayaa adkeeyey "u diyaar ahaanshaha dalkiisa ee inuu meel iska saaro Mareykanka haddii ay isku dhacaan.”

Hanjabaadda Kim ayaa imaneysa ayada oo Kuur iyada Koonfureed iyo Mareykanka ay sare u qaade en dhoolatusyada militari ee mar kasta ka careysiiya Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay u argato isku diyaarin duulaan ka dhan ah.

DF ooheleysa lacag $100 milyan ah oo loogu deeqay

Bangiga Adduunka ayaa lacag malaayiin dollar ah u ansixiyey Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarinta dhaqaalaha dalka, si loo gaaro heerarka dhammeystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee dalkeenna Soomaaliya. Lacagtaan oo gaareysa illaa 100 milyan oo dollar ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay maamulka sare ee Bangiga Adduunka, si loogu taageero dowladda fede raalka.Ujeedada ayaa ah ho rumarinta dadaallada dowlad da ee ku aadan daah-furn aanta maaliyadeed iyo kordhi nta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in deeqdaan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda.

Kristina Svensson oo ah Maamulaha Bangiga Ad duunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeraad aan dhaqaale ayaa sheegtay in sidoo kale wax looga qaban doono abaaraha.

"Howlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dowladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka la gu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtani aqeyb ka mid ah Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo weli fara ba’an ku haya dalka. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.

Wasiir ka tirsan Kenya oo raaligelin ka bixiyay hadal ay ka caroodeen Muslimiinta dalkaasi

Wasiirka Waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa raaligelin ka bixiyay hadal ay ka caroodeen Muslimiinta dalkaasi ku dhaqan.

Muslimiinta Kenyanka ayaa ka carooday hadal jees jees ahaa oo dhawaan uu Wasiirku ku yiri gabar Saxafiyad oo Muslim ah.

Wasiirka oo Magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Hoggaamiye-yaasha Muslimiinta ayaa u sheegay inuu arrintaasi ka xun yahay, isla-markaana uu Muslimiinta ka raaligelinayo.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil oo xubin ka ah Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa sheegay inay aqbaleen raaligelinta Wasiirka.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa tilmaamay in raaligelintu uu Wasiirku bixiyay ay masuuliyiin badan u arki doonaan dariiq xun in Muslimiinta la aflagaadeeyo.

"Sunno fiican bay jeexeysaa in Muslimiintu sidaa uga dareen celiyaan, isaguna uu sidaan uga jawaabo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo intaasi ku daray "Xitaa wuxuu gaaray Wasiirku, haddaad idinku ku qanci weydaan, diyaar baan u ahay inaan Madaxweynaha u taggo, kuna iraahhdo gefkaa aan dadkaas u gaystay darteed waan iska casilayaa jegada.”

Gabadha uu ku jees jeesay ninka Wasiirka ah ayaa lagu magacaabaa Rukhiya Buulle, waxayna ka hawlgashaa Telefishinka NTV.

Itoobiya oo ku dhawaaqday inay dishay Fu’aad Shongole, Abu Muscab iyo Cubeyda

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalka ka socda dhulka Soom aali Galbeed lagu dilay seddax hoggaamiye oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shab aab ee gudaha u gashay Itoobiya.

Saraakiisha ay Itoobiya shaacis ay in laga dilay Al-Shabaab ayaa kala ah:1 – Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shan gole) oo ahaa Madaxii abaab ulka iyo tashkiilinta Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid ahaa mad axda Al-Shabaab ee dowladda Mar eykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiin dollar.

2 – Cabdicasiis Abuu Muscab oo ahaa afhayeenkii howlgallada ee kooxda Al-Shabaab.

3 – Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu ahaa madixii Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency oo soo xiganeysa madaxda sirdoonka dowladda federaalka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa baahisay warkaan lagu shaaciyey geerida sedaxdaan hogaamiye.

Sidoo kale warkaan ka soo baxay madaxa sirdoonka Itoobiya waxaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay burburi yeen bakhaaradii uu ku keysanaa hubka ay kooxda Al-Shabaab u diyaarisay inay weerarto wadanka Itoobiya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole oo ka mid ah ragga geeridooda la shaaciyey ayaa dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab wuxuu kula hadlay xuduuda, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Warkaan ay baahisay warbaahinta Itoobiya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Shalay ay Al-Shabaab sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen magaalada Aato ay ku dileen in ka badan 150 askari oo ciidamada Liyuu Boolis ah, waxaana warbaahinta kooxda lagu soo bandhigay sawirrada meydad badan.


WAY JECEL YIHIIN INAY CUNAAN LAAKIIN WAA QAALI DADKA QAARNA MA IIBSAN KARAAN (WARBIXIN)

Xirsiyo Cabdulle Siyaad waa haweeneyda kaliya ee Soomaaliyeed oo leh shirkad horumarisa Mooska iyo beer ay ku tacbato mooska oo ka mid ah miraha ka soo go’a dalkeena, ganacsigeedu waxa uu shaqe ynayaa 8 sano ah waxaa loogu magac daray Somf resh fruits and Vegetables.

Shaqaalaha Xarunta waxa ay isugu jiraan kuwa nadiifiyo Mooska, qaar ku raseeyo qol al leh qaboojiyaal oo loo diy aariyay in lagu bisleeyo Moo ska, iyo shaqaale ku qaada gawaari si ay u geeyaan qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee soo dalbada sida Ganacsatada yaryar ee iibiya Qudaarta, Maqaa yadaha, Suuqyada, iyo qaar ka mid ah Hoteelada Muqdisho.

Isbadalka cimilada iyo roobabka Xagaaga ayaa saameeyay mooska taasi oo keentay in aan moos badan la beerin, mooska magaalada la keeno ayaa u muuqda mid ka duwan kuwii hore waayo beeruhu ma helaan biyo ku filan maadaama lagu jiro xagaa, dhibaatooyin badan oo isbiirsaday ayaa sababay in uu yaraado mooska soo go’ayo.

Xirsiyo Cabdulle Siyaad ayaa xustay "in ay diy aariyaan mooska marka la keeno shirkadda, shaqaal uhu waxay isticmaalaan anti-Bactria, ka dibna waxay dhigaan bakhaar leh qaboojiyaha badan Shan maa lmood ka dib wuu bislaadaa mooska oo waa diyaar, waxa uu noqonayaa moos jaalle ah oo macaan oo qurux badan, waa sababta loogu yaqaano mooska jaallaha ah, halka mooska kalena uu yahay cagaar”. Xirsiyo Cabdulle oo la hadashay Warbaahinta Bilan ayaa sheegtay in Sicir bararka uu saameeyay Macii shada iyo dalagyada dalka gaar ahaan Mooska, hal kii tan ee mooska waxaa lagu kala iibsadaa lacag u dhexeyso $ 90 illaa $ 100 halka markii hore uu ka ahaa $40.

Waxa uu sarakacan sababay in qaar ka mid ah ganacsatadii mooska naga iibsan jirtay ay iska da ayaan tusaale ahaan, xabbad moos ah waa 3,000 oo shilin Soomaali ah, waxaa lagu iibin jiray 1,000 shilin Soomaali ah. Dadka qaar ayaa noo sheegay in aysan ku iibsan karin qiimahaas, waxa ay sidoo kale saameyn ku yeelatay ganacsigeena, shaqadii aan qaban jirnay ayaa hoos u dhacday, sababtoo ah suuq la’aan iyo macaamiil yari,

Soomaalidu aad ayay u jeceshahay cuntista Mo oska waliba xiliga qadada iyo waqtiyada caadiga bal se waa qaali oo dadka qaar way ku adag tahay in ay iibsadaan.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim oo ah Tifaftiraha Guud ee Bilan, oo ah warbaahin ka shaqeyso arri maha Haweenka oo ay hirgalisay UNDP, ayna marti galiso Dalsan Media Group ee Muqdisho

Maxay ka wadahadlayaan Mareykanka iyo Ruu shka, kadib muddo 5 bilood ah?

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maray kanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli do ono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maa lmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab "wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirs anaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwa as oo haatan ku xidhan dalka Ruushka.

Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshi iska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weli ba xiisadda ka taagan dalkaasi. Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo

ku siman 5 bilood, waxaana wadah adalkoodii u gu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii Febru ary ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xo ghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku she egay in Washington ay xidhiidh la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab "wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dha shay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalab ka ay u bandhigeen dalka Ruushka.

Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.

Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018.

Blinken ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in labadan muwaadin ee Marayk anka ah ama midkood in lagu soo bedelan doono, Viktor Bout oo ah nin si weyn loo yaqaano oo ka gan acsada hubka oo u dhashay dalka Ruushka kaas oo ku xidhan dalka Maraykanka.

Ciyaar kubada kollayga ah oo Hargaysa ku dhex martay kooxaha dowlada hoose iyo Mitro Lions

Kooxda kubada kollayga ee Dowlada Hoose ee Hargaysa, ayaa 49 dhibcood iyo 45 dhibcood kaga badisay, koox lagu magaaco Mitro Lions oo ka timid dalka Maraykanka.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kubada kolla yga magaalada Hargaysa ee Tima Cadde Studium, ayaa waxa soo agaasimay shirkada Dahabshiil iyo qaar kamid ah ciyaartoydii hore ee kubada kollayga oo uu ugu horeeyo wariye Cabdisalaan Herari, isla markaana ciyaartoyga kooxda Mitro Lions ayaa u mahadceliyay Dahabshiil.

"Waxan u mahadcelinayaa Dahabshiil, waxaanu ka nimid America, waxan rabaa in aan u mahad ce liyo, hooyo, kooxda iyo dadka nala socda, waxanaan laba mar u mahadcelinayaa Dahabshiil" waxa sidaa yidhi Maxamed Maxamed oo ka tirsan kooxda Mitro Lions

Masuul ka tirsan shirkada Dahabshiil, ayaa sheeg ay in shirkadu ay marwalba u taagantahay dhiirigali nta dhalinyarada, waxaanu tilmaamay muhiimada ay leedahay ciyaarta garoonka Tima Cadde ku dhex martay kooxaha Mitro Lions iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa.

"Waxay marwalba shirkadu dhiirigalisa dhalinyar ta Xalayna arrintan aanu u taaganahay, waa mid ka mudan kuwii hore oo ah dhalinyarada ka timid cariga Maraykanka kuwaasi oo la dhacaya dhigooda dowlada hoose oo Xalay ciyaar qurux badani halk an ku dhexmartay" ayuu yidhi.

Masuuliyiin ka socday Wasaarada Ciyaaraha So maliland, oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay ciyaartan, waxayna u mahadceliyeen cidkasta oo gacan ka gaysatay qabsoomideeda.

Turkiga Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Is-Miidaa minta Ahaa Ee Lagu Dilay C/la ahi Waafow

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyo Dorraad oo arbaco aheyd ka kala dhacay degmada Afgooye iyo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turk iga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Afgooye iyo Marka oo lagu dilay Guddoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow iyo dad kale.

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliy eed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay, iyagoona Caafimaad u rajeeyay dadka kalena ee waxyeelada soo gaaray oo xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo.

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku qar xiyey Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdull aahi Axmed Cali Waafow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la joogay, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka hore ee Xarunta degmadaas.

Sidoo kale qaraxyo kale oo miinooyin ah oo ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 8 ruux, halka dhowr qof kalena oo shacab ah ay dhaawacyo kasoo gaareen. Qaraxyadii Dorraad ka kala dhacay degmada Afgooye iyo Marka ayaa waxaa ku dhintay dad tirradoodu gaareyso 18 qof oo isugu jiray Askar iyo shacab, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliy ada qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Marka Cabd ullaahi Waafoow.

KOOX ISKU DAYDAY IN MAXAMED BIN SALMAAN LAGU XIRO FARANSIISKA?

MAXAMED BIN SALMAAN Booqashada uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ku tagay dalka Faransiiska ayaa ka careysii say hay’ad aha u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo amiirku uu doonayo in uu si tartiib tartiib ah isugu soo dhex daro madaxda caalamka kaddib dilkii weriye Jamal Khashoggi.

Casho-sharaf shaqo oo uu Khamiistii la yeeshay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ay aa timid iyadoo uu sare u kacay qiimaha tamarta.

Amiirka ayaa beeniyay inuu aqbalay dilka Khashoggi ee lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga.

Hatice Cengiz oo ah gabadhii u doonanneyd weriye Khashoggi ayaa muujisay sida ay uga careysan tahay booqashada Bin Salmaan ee Fara nsiiska.

Waxay ku eedaysay Macron inuu "ga cmo furan ku soo dhoweeyay ninkii dilay lamaana heeda."

Bin Salmaan ayaa habeen ka hor u duulay garo onka diyaaradaha Orly ee koonfurta magaalada Pa ris, wuxuuna ku hoyday qasri aad u qurux badan oo ku yaalla magaalada Louvigne ee galbeedka Paris.

Bin Salmaan iyo Macron

Saacado ka hor inta aysan labada nin ku kulmin aqalka Elysee Palace, saddex koox ayaa gudbiyay dacwad-ciqaabeed iyagoo ku eedeynaya bin Sal maan inuu ku lug lahaa jir-dilka iyo khaarijinta Kha shoggi.

Dacwood-gudbiyeyaasha waxaa ku jira xisbiga Dimuqraadiga ee Dunida Carabta (Fajr), kaas oo ku doodaya in Bin Salmaan uusan haysan xasaanad ka qaadaysa dacwadda, maaddaama uusan ahayn ma dax dowladeed, Faransiiskuna waa mid ka mid ah meelaha kaliya ee suurtagalka ay tahay in caddaa ladda loogu heli karo kiiska.

Iyadoo aan la xaqiijinin in ay jiraan "ballanqaadyo adag oo la taaban karo" oo ku saabsan xuquuqda, Macron wuxuu halis ugu jiraa inuu dhaqan celiyo bin Salmaan iyo "caddayn" muuqaalkiisa, Benedict Gainerud oo ka tirsan Human Rights Watch ayaa yiri. Booliska Faransiiska

Ka hor kulanka, kaaliyaha madaxweynaha Farans iiska ayaa ballan-qaaday in uu "si guud" u muujin do ono arrinta xuquuqda aadanaha, laakiin wuxuu shee gay inay muhiim tahay in lala hadlo dhammaan saax iibbada Faransiiska si loo xalliyo dhibaatooyinka soo wajaha dhammaan Yurub.

Kadib dilkii Khashoggi, labada nin ayaa ku kulm ay magaalada Jiddah ee Sacuudiga bishii Diseemb ar ee la soo dhaafay.

Raysul wasaaraha Faransiiska, Elisabeth Borne ayaa sheegtay in aysan u maleyneyn in dadka Fara nsiisku ay fahmi doonaan arrintan, iyadoo hoosta ka xarriiqday in ay muhiim tahay in madaxweynahoodu uu la hadlo dalalka soo saara tamarta, gaar ahaan marka uu sicirku kacsan yahay.

Ruushka ayaa mar kale jaraya sahayda gaaska ee uu siiyo dalalka Yurub.

Bin Salmaan iyo Biden Duullaanka Ruushka ee Ukra ine ayaa sare u kac ku sababay qiimaha tamarta. Madaxweyne Macron wuxuu ku boorriyay Sacuudiga inuu kordhiyo wax-soo-saarka saliidda.

Kooxda OPEC+ ee soo saarta saliidda, oo uu ku jiro Ruushka ayaa kulmaysa toddobaadka soo socda, waxaana xubnahooda lagu cadaadinayaa inay ga can ka geystaan ​​dhimista xiisadda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la sawiray isaga oo gacan qaadaya amiirka mar uu boo qasho ku tagay dalka Sacuudiga horraantii bishaan, ujeeddaduna ay tahay dib-u-dhiska xiriirka.

Amiirku waxa uu had iyo jeer diidaa in uu ku lug lah aa dilka Khashoggi, dacwad-oogeyaasha Sucuu digu waxa ay eedda dusha uga tuureen wakiillo Suc uudi ah oo "damiir-laaweyaal ah”.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in uu amiirku oggolaaday howlgalka. Baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gaba gabeeyay in Riyadh ay mas'uul ka ahayd dilka

sharci-darrada ah.

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip