10 Jirkii Macalinka Ka Noqotay Muqdisho (Warbixin)

0
Tuesday July 26, 2022 - 21:33:12 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Jirkii Macalinka Ka Noqotay Muqdisho (Warbixin)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Haween iyo Gabdho ayaa fadhiyay guri ku yaalla dagmada Dayniile ee Waqooyiga Muqdisho, waxa ay gacmaha ku haayeen dunta noocyadeeda kala duwan oo ay si boobsiis ah uga sameynayeen dharka farshaxanka sida koofiyadaha, macawiisyada, alaabta ay ku ciyaaraan carruurta iyo waxyaabo lagu qurxiyo guryaha.

Macalinka ugu weyn waa gabadha ay ayeeyada u tahay ee Ruweyda Najiib Xasan oo ah 10 jir Ruweyda aad uguma adko wax dhib ahna kama marto in ay waxbarto ama ay maamusho ardayda afar laabka da’deeda ah.

Waxa ay farsamada farshaxanka gacanta ka baratay Ayeeydeed oo ay daawan jirtay sida ay u sameyso in muddo ah, balse ayeeydu waxa ay dareentay in Ruweyda ay sameyn karto, si aqoonteeda ay ugu gudbiso jiilasha danbe taasi oo keeni karta in xirfadeeda ay sii noolaato,

Waxa ay farshaxanka gacanta ku soo bandhigtaa munaasabadaha bandhig dhaqameedyada, ee lagu qabto Soomaaliya, waxa ay rajeynaysaa in dadku ay arki doonaan, faa’iidada ay leeyihiin dharka ay sameysay intii lagu tiirsanaan lahaa kuwa la soo dhoofiyay.

Haweenka iyo gabdhaha waxa ay dhamaadka todobaadka ku qaataan dugsiga Farasamada wax dhib ah kuma qabaan in ay waxbarto gabar 10 jir ah "waxa ay leeyihiin Ruweydo waa maclin aad u wanaagsan,oo naga saxdo qaladaadka si aan u barano habka loo sameeyo dharka leh midibada kala duwan si ay ugu quruxsadaan guryahooda”.

Ruweydo iyo gabar ilma habreed la ah waxa ay la nool yihiin ayeeydood, gurigooda waxaa ku yaalla dukaan lagu iibiyo farshaxanka gacanta ee midabka qaanso-roobaadka ah, qoyska waxa ay ka helaan dhaqli ay ku maareeyaan noloshooda, qeyb ahaan dhaqaalaha waxaa lagu bixiyaa waxbarashada Ruweydo iyo ilma habreedeeda oo barta Maadi iyo Diini,

Riyada Ruwaaydo ayaa ah in ay xirfaddii ay ayeeydeed ka baratay ay gaarsiiso heer kale, iyada oo Muqdisho ka hirgelin doonta dugsi weyn oo farsamada gacanta ah."Waxaan rabaa in aan noqdo macalin weyn,” ayay tiri."Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u hubiyo in xirfadaha ayeeyday aysan waligood dhiman.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip