Dhaawacii shanta sano ee uu halka khudbad ku dhayey madaxweyne Xasan Sheekh

0
Tuesday July 19, 2022 - 23:01:50 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaawacii shanta sano ee uu halka khudbad ku dhayey madaxweyne Xasan Sheekh

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dagaalkii uu Farmaajo la galay dowladda Jabuuti intii lagu guda jiray muddo xileedkiisa wuxuu ahaa midkii ugu ballaarnaa oo isaga iyo jamaahiirtiisu isku diidaan.

Markii laga hadlo Kamhuuriyadda 60-kii xurowday ee Soomaaliya, waxa ugu badan oo dadku ka siman yihiin waa nooca dhaqanka la tusayo dowladda Jabuuti.

Badi madaxda Soomaaliya waxay u muuqdaan kuwa ay shacabkooda waajib ugu dhigeen in Jabuuti mar kasta laga soko mariyo dal walba xagga la macaamilka siyaasadda iyo iskaashiga gobolka.

      Dhalyada iyo dhaqanka labada ummad ka sokow, waa adag tahay in Soomaaliya lagu beero naceyb Jabuuti. Sida caadiga ah, madaxda inta badan waqti iskama geliyaan waxa ay u jeedaan inaan la marsiin karin shacabkooda, balse Farmaajo waa ku adkeystay dagaalka Jabuuti mase helin cid la qaada.

       Todobaadkaan dib ayuu isku badalay dareenkii labada shacab, cilaaqaadkii iyo mudnaantii. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo laba cisho Jabuuti ku sugnaa ayaa qaaday dhowr tallaabo oo u muuqday booga dhagid, cudur-daar, furista dariiq cusub, dib u hagaajin calaaqaad iyo iyo muujinta dareen walaalnimo.

     Haddaba sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa dhowr arrimood oo laga qaadan karo nuxurka safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Jabuuti.

  1. Cudur-daar

     Dowladda Jabuuti oo kaalin weyn ka qaadatay dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya burburkii kadib ayaa macaamil adag kala kulantay nidaamkii madaxweyne Farmaajo. Inkastoo taas ay shacabka Farmaajo ku khilaafeen haddana Jabuuti waxay u muuqatay inay sugeysay hoggaamiye Soomaaliyeed oo kaga cudur daara macaamilka aysan mudneyn ee Farmaajo kula kacay.

Kalmadihii uu Xasan Sheekh ka jeediyey baarlamaanka Jabuuti hortiisa oo dhowr dhinac taabanayey ayuu cudur daarku boos fiican ka heystay.

  1. Waxa ay labada dal isku yihiin

       Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday inuu ka sheekeeyo waxa ay labada dal isku yihiin illaa heer uu sheegay inay calamadu xataa qadiyadaha labada dal ka dhigeynin kuwa kala duwan.

       Muujinta wax laba dal ka dhaxeeya marna waa dan siyaasadeed marna waa dan shacab, balse marka laga hadlayo Jabuuti iyo Soomaaliya waxooda waa dhalyo.

      Dad badan ayaa Xasan Sheekh ku ammaanay sida uu u muujiyey miisaanka iyo macnaha waxa labada dal ka dhaxeeya. Sida ay shacabka Soomaalida u diideen in cilaaqaadka Jabuuti la xumeeyo ama dalkaan la fogeeyo waxaa la aaminsan yahay inay cimro qaadasho u tahay siyaasi walba oo Soomaali ah oo isku daya inuu labada dal kala fogeeyo.

  1. Ahmiyadda cilaaqaadka

    Iyada oo uu gobolka ka socdo loollan xoog leh oo uu dal walba dantiisa gaarka ah u xarbinayo, haddana inay labadaan dal isku joogsadaan oo garbaha is gashadaan si ay natiijo wax ku ool ah u keenaan waa mid macno leh.

       Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu farriintiisa ku muujiyey ahmiyadda cilaaqaadka, gaar ahaan iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshooyinka. Danaha labadaan waddan ee heer gobol iyo heer caalami ayaa ahaa tixane soo jireen ah.

4. Diidmada shacabka

       Inay shacabka Soomaalida Farmaajo ka diideen inuu Jabuuti takooro isagoo is xijinayo Itoobiya iyo Eritrea waxay aheyd dareen Soomaaliyeed oo aan la baddali karin lana beenin karin.

       Tani waxay shacabka Jabuuti mar ku tahay xujo marna waxay u tahay abaal-gud maadaama ay kaalin la inkiri karin ku lahaayeen dib isku raadinta Soomaaliya burburkii ka dib.

        Safarkii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo booga dhayiddii uu Jabuuti u sameeyey ayaa dad badan ku tilmaameen tallaabadii ugu munaasabsaneyd oo uu illaa iyo hadda madaxweynuhu u qaaday dhanka siyaasadiisa gobolka.

Dhaawacii shanta sano ee uu halka khudbad ku dhayey madaxweyne Xasan Sheekh - Caasimada Online

XIGASHO:CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip