"Waqti Badan Ayaa Haray" – Mourinho Oo Ka Gaabsaday Mustaqbalkiisa Isagoo Weli Sugaya Shaqada Man United.

0
Thursday May 12, 2016 - 08:52:35 in Sports News by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waqti Badan Ayaa Haray" – Mourinho Oo Ka Gaabsaday Mustaqbalkiisa Isagoo Weli Sugaya Shaqada Man United.

    Jose Mourinho ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada uu ku noqon karo tababaraha Manchester United xilli ciyaareedka danbe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa diiday inuu meesha ka saaro suurtogalnimada uu ku noqon karo tababaraha Manchester United xilli ciyaareedka danbe.

Macalinkii hore ee Chelsea ayaa weli ugu cadcad inuu tababare ka noqdo kulanka ugu horeeya Old Trafford ee xilli ciyaareedka cusub laakiin shaki ayaa soo gelaya inay taasi dhaceyso.

Wararka ayaa soo jeedinaya in Ed Woodward uu weli hubin inuu ceyriyo Louis van Gaal, waxaana laga yaabaa inuu u ogolaado inuu dhameysto sannadkiisii ugu danbeeya ee qandaraaskiisa kooxda.

Laakiin Mourinho ayaa doonaya inuu shaqada tababarenimo ku soo laabto xagaagan, waana uu ka gaabsaday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa, waxaana uu si maldahan u sheegay inuu weli qaban karo shaqada United.

Jose-Mourinho

Mourinho ayaa gaaray Mexico habeenkii talaadada, halkaasoo uu tababare u yahay koox halyeeyada FIFA ah, waxaana uu halkaas ku ogaaday rajada Champions League ee Man United oo ay ceel ka tuurtay West Ham. Waxa uu sheegay inuu natiijada ogaaday kaliya markii uu huteelkiisa soo gaaray.

Markii la weydiiyay haddii ay taasi saameyn ku yeelan doonto mustaqbalkiisa, Daily Mail ayaa sheegeysa inuu ku jawaabay: "Waqti badan ayaa haray.”

1

Waxaa laga joogaa shan bilood tan iyo markii Mourinho laga ceyriyay Chelsea ka dib markii uu arkay kooxdiisa oo u ku dhawaatay boosaska looga haro Premier League.

Intii uu booqanayay Mexico, tababaraha reer Portugal ayaa la kulmay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ka hor kulanka koongareeska kubada cagta adduunka.

2

Mourinho ayaa tababare u noqon doona koox isagu jirta rag iyo dumar oo halyeeyada FIFA ah oo ay ku jiraan Luis Figo iyo Ronaldinho kuwaasoo garoonka Azteca Stadium isbuucaan kula ciyaaraya koox ka sameysan xiddigaha xulka Mexico.

Waxa uu sidoo kale ka qeybgeli doona shirkada FIFA ee jimcaha kaasoo noqon doona midkii ugu horeeya ee Infantino uu qabto isagoo madaxweyne ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip